Tani waa abtirsiimadii Ciise Masiix wiilkii Daa’uud, wiilkii Ibraahim. Ibraahim wuxuu ahaa Isxaaq aabihiis, Isxaaqna wuxuu ahaa Yacquub aabihiis. Yacquubna wuxuu ahaa aabaha Yahuudah iyo walaalihiis. Yahuudah wuxuu ahaa aabaha Feres iyo Serah oo ey hooyadood ahayd Tamar. Feresna wuxuu ahaa Esroom aabihiis, Esroomna wuxuu ahaa Araam aabihiis. Araamna wuxuu ahaa Caminadaab aabihiis, Caminadaabna wuxuu ahaa Naasoon aabihiis. Naasoonna wuxuu ahaa Salmoon aabihiis. Salmoonna wuxuu ahaa aabaha Bocas oo ey hooyadiis Raxab ahayd, Bocasna wuxuu ahaa aabaha Coobeed oo ey hooyadiis Ruud ahayd. Coobeedna wuxuu ahaa Yesay aabihiis. Yesayna wuxuu ahaa Boqor Daa’uud aabihiis. Daa’uudna wuxuu ahaa aabaha Sulaymaan oo ey hooyadiis ahaan jirtay xaaskii Uuriyaah, Sulaymaanna wuxuu ahaa Rexabcaam aabihiis. Rexabcaamna wuxuu ahaa Abyaah aabihiis, Abyaahna wuxuu ahaa Aasaa aabihiis. Aasaana wuxuu ahaa Yoosafaad aabihiis, Yoosafaadna wuxuu ahaa Yooraam aabihiis. Yooraamna wuxuu ahaa Cusyaah aabihiis. Cusyaahna wuxuu ahaa Yootam aabihiis, Yootamna wuxuu ahaa Axaas aabihiis. Axaasna wuxuu ahaa Xisqiyaah aabihiis. Xisqiyaahna wuxuu ahaa Manaseh aabihiis, Manasehna wuxuu ahaa Aamoon aabihiis. Aamoonna wuxuu ahaa Yoosiyaah aabihiis. Yoosiyaahna wuxuu ahaa aabaha Yekonyaah iyo walaalihiis waqtigii Baabuloon loo waday. Kadib markii Baabuloon loo waday, Yekonyaah wuxuu ahaa Salaatii’eel aabihiis. Salaatii’eelna wuxuu ahaa Serubaabel aabihiis. Serubaabelna wuxuu ahaa Abihuud aabihiis, Abihuudna wuxuu ahaa Eliyaaqiim aabihiis. Eliyaaqiimna wuxuu ahaa Asoor aabihiis. Asoorna wuxuu ahaa Saadooq aabihiis, Saadooqna wuxuu ahaa Akhiim aabihiis. Akhiimna wuxuu ahaa Eliyuud aabihiis. Eliyuudna wuxuu ahaa Elecaasaar aabihiis, Elecaasaarna wuxuu ahaa Mataan aabihiis. Mataanna wuxuu ahaa Yacquub aabihiis. Yacquubna wuxuu ahaa aabaha Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, Maryanna waxey ahayd Ciise hooyadiis kan loogu yeero Masiixa. Haddaba abtirsiimada oo dhan laga soo bilaabo Ibraahim illaa Daa’uud waa afar iyo toban, Daa’uud illaa waqtigii Baabuloon loo wadayna waa afar iyo toban, waqtigii Baabuloon loo waday illaa Masiixana waa afar iyo toban. Sidan ayey dhalashadii Ciise Masiix ahayd. Hooyadiis Maryan waxey u doonaneyd Yuusuf, laakiin inteysan is guursan ka hor ayey Ruuxa Quduuska ah ka uuraysatay. Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah oo daacad u ah Sharciga Muuse, laakiin ma uusan rabin inuu dadka hortooda ku ceebeeyo, sidaa darteed wuxuu rabay inuu si qarsoon u furo. Isaga oo arintaas ku fikiraya ayaa malag xagga Rabbiga ka yimid riyo ugu muuqday oo ku yiri, “Yuusuf ina Daa’uudow, ha ka cabsan inaad Maryan gurigaaga geysato, waayo uurka ey leedahay wuxuu ka yimid Ruuxa Quduuska ah. Waxey dhali doontaa wiil, waxaadna u bixin doontaa Ciise, waayo wuxuu dadkiisa ka badbaadin doonaa dembiyadooda.” Waxan oo dhan waxey u dhacayaan si looga dhabeeyo wixii uu Rabbigu ku sheegay kitaabkii nebi Isayos isaga oo leh, “Gabar bikro ah ayaa uureysan doonta waxeyna dhali doontaa wiil, waxeyna ugu yeeri doonaan Cimmaanuu’eel” (oo macnihiisu yahay “Illaah ayaa na la jira”). Markii uu Yuusuf hurdadii kasoo kacay ayuu sameeyay sidii uu malagii xagga Rabbiga ka yimid ku amray wuxuuna guursaday Maryan. Laakiin lama seexan iyada illaa ey ka dhashay cunuggii, wuxuuna u bixiyay Ciise. Kadib markii uu Ciise ku dhashay magaalada Beytlaxam ee deegaanka Yahuudiya, waqtigii uu Herodos boqorka ahaa, waxaa Yeruusaalem xagga bari kaga yimid niman xigmad leh oo khibrad u leh cilmiga xiddigaha. Waxeyna yiraahdeen, “Aaway ilmaha dhashay kaasoo ah boqorka Yuhuudda? Waxaan xiddigtiisi ka aragnay xagga bariga waxaanna u nimid inaan caabudno.” Markii uu boqor Herodos maqlay arintaas isaga iyo dadkii Yeruusaalem joogay oo dhan wey welweleen. Wuxuu iskugu yeeray gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga Muuse, wuxuuna weydiiyay, meesha uu Masiixu ku dhalanayay. Waxeyna ku yiraahdeen, “Beytlaxamtii Yahuudiya, sidii ey nebiyadu qoreen, “ ‘Beytlaxamtii dhulka Yahuudiya ku taalayey, waad ugu muhiimsantahay magaalooyinka Yahuudiya ku yaala, waayo waxaa kaasoo bixi doona taliye kaasoo hogaamin doona dadkeyga Israa’iil.’ ” Kadib Herodos ayaa si qarsoodi ah ugu yeeray nimankii xigmadda lahaa wuxuuna ka hubsaday waqtiga ey xiddigtu u muuqatay. Markaas ayuu Beytlaxam u diray wuxuuna ku yiri, “Taga oo si taxadar leh u raadiya cunugga. Si dhaqso leh iigu soo sheega markaad heshaan, si aan aniguna u booqdo oo aan u caabudo.” Markey boqorka hadalkiisi dhageysteen kadib ayey tageen, oo xiddigtii ey bariga ka arkeen ayaa hor socotay illaa ey kor istaagtay meeshii uu cunuggu joogay. Markey arkeen xiddigtii oo joogsatay aad ayey u farxeen. Markey guriga yimaadeen oo ey arkeen cunuggii oo ey hooyadiis Maryan hayso, wey u sujuudeen oo caabudeen. Kadib waxey fureen qasnadoodi oo ey bixiyeen hadiyaddo dahab, foox iyo malmal ah. Kadib riyo ayaa loogu digay in eysan ku laaban Herodos, waxeyna waddankoodi ugu laabteen wado kale. Markey nimankii xigmadda lahaa tageen malag xagga Rabbiga ka yimid ayaa riyo ugu muuqday Yuusuf wuxuuna ku yiri, “Kac oo dhaqso cunugga iyo hooyadiis ugula carar Masar. Halkaas jooga illaa aan soo noqda idin ku dhaho, waayo Herodos ayaa cunugga raadinaya si uu u dilo.” Markaas ayuu Yuusuf kacay oo cunigii iyo hooyadiis kaxeeyay goor ey habeen tahay wuxuuna u cararay Masar, halkaas ayeyna joogeen illaa uu Herodos ka dhintay. Sidaas ayeyna ku dhabowday wixii uu Rabbigu afkii nebiga ku sheegay, “Waxaan wiilkeyga uga yeeray Masar.” Markii uu Herodos ogaaday in nimankii xigmadda lahaa ee bariga ka yimid ey isaga khiyaaneen, aad ayuu u xanaaqay, wuxuuna amray in la dilo wiilasha Beytlaxam iyo agagaarkeeda jooga ee laba sano jirka ah ama ka yar, isaga oo raacaya waqtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka ogaaday. Kadibna waxaa dhaboobay wixii uu Rabbigu afkii nebi Yeremyaah ku sheegay, “Waxaa cod laga maqlay magaalada Raamaah, oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa caruurteeda oo diidaysa in la qalbi qaboojiyo, waayo wey dhinteen.” Kadib markii uu boqor Herodos dhintay, malag xagga Rabbiga ka yimid ayaa Yuusuf oo Masar jooga riyo ugu muuqday, wuxuuna ku yiri, “Kac oo cunugga iyo hooyadiis u kaxee dhulka Israa’iil, waayo kuwii rabay iney qaadaan cunugga noloshiisa dilaan wey dhinteen.” Markaas ayuu kacay oo kaxeeyay cunuggii iyo hooyadiis wuxuuna aaday dhulka Israa’iil. Laakiin markii uu Yuusuf maqlay in Arkhela’os oo ahaa wiilkii Herodos uu hadda xukumayo Yahuudiya, wuu ka cabsaday inuu halkaas tago. Kadib riyo ayaa loogu sheegay inuu Galili tago. Wuuna tagay waxeyna ku noolaayeen magaalo la yiraahdo Naasared. Sidaas ayeyna ku dhaboobeen wixii ey nebiyadu qoreen oo ahaa in loogu yeeri doono Naasaraani. Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha oo ka wacdinaya cidladii Yahuudiya. Isaga oo leh, “Toobadkeena, waayo boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.” Yooxanaa waa kii uu nebi Isayos ka hadlay isaga oo leh, “Codka kan cidlada ka dhawaaqaya oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya, waddooyin toosan isaga u sameeya.’ ” Dharka Yooxanaa waxey ka sameysnaayeen dhogorta geela, dhaxdana waxaa ugu xirnaa suun maqaar ah. Wuxuuna cuni jiray anyax iyo malab duureed. Dadku waxey uga kala imaanayeen Yeruusaalem, Yahuudiya oo dhan iyo waddanka Urdun. Dembiyadooda markey qirtaanna wuxuu ku baabtiisayay webi Urdun. Laakiin Yooxanaa markii uu arkay qaar badan oo ka mid ah Farrisiinta iyo Sadukiinta oo imaanaya meeshii uu dadka ku baabtiisayay ayuu ku yiri, “Idinkan sharta leh sida abeesooyinka! Yaa idin kaga digay inaad ka carartaan carada Illaah ee imaaneysa? Noloshiina ha laga arko inaad toobadkeenteen. Hana is dhihina, ‘Ibraahim ayaa awoowgeen ah oo Illaahey nama ciqaabi doono.’ Waayo waxaan idin ku leeyahay Illaahey dhagaxyadaan dhexdooda ayuu caruurta Ibraahim kasoo saari karaa. Haddaba faasku wuxuu yaalaa geedaha salkooda, geed walboo aan mirro fiican dhalinna waa la goyn doonaa oo dabka ayaa lagu tuuri doonaa. “Waxaan ku baabtiisaa biyo kuwa dembiyadooda ka toobadkeena. Laakiin waxaa iga daba imaan doona mid iga awood badan, mid aanan xitaa anigu istaahilin inaan kabahiisa u qaado. Wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. Masaftiisa gacantiisa ayuu ku wataa, meesha wax lagu tumana wuu nadiifin doonaa, isaga oo sarreenkiisa maqsinka ku guraya buunshadana ku gubaya dab aan damayn.” Ciise wuxuu ka tagay Galili wuxuuna aaday webi Urdun si uu Yooxanaa isaga u baabtiiso. Laakiin Yooxanaa wuxuu isku dayay inuu diido isaga oo leh, “Aniga ayaa u baahan inaad i baabtiisto. Maxaad iigu timid?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Hadda waa inaad ogolaataa, waayo waa inaan oofiyo waxa xaqa ah ee uu Illaahey naga rabo.” Markaas ayuu Yooxanaa ogolaaday inuu Ciise baabtiiso. Markii Ciise la baabtiisay ee uu biyaha kasoo baxay, isla markiiba samada ayaa furantay wuxuuna arkay Ruuxa Illaahey oo ugu soo degaya sidii qoolley oo kale. Oo cod ayaa samada ka dhawaaqay oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga aan jeclahay, oo waan ka raali noqday.” Ruuxa Quduuska ah ayaa Ciise u hogaamiyay cidlada si ibliisku u jarribo. Kadib markii uu soomanaa afartan maalmood iyo afartan habeen ayuu aad u gaajooday. Markaas ayaa jarribihii u yimid oo ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay, ku dheh dhagaxyadaan kibis noqda.” Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Binu aadanku waa in uusan kibis kaliya ku noolaanin, laakiin erey walboo Illaahey afkiisa kasoo baxa.’ ” Kadib ibliiskii ayaa u kaxeeyay magaalada quduuska ah wuxuuna kor istaajiyay darbigii ugu dheeraa ee macbadka, wuxuuna ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay meeshan iska tuur. Waayo wey qoran tahay, “ ‘Illaahey wuxuu kuu amri doonaa malaa’igtiisa, oo gacmahooda ayey kugu qaban doonaan, si eysan cagtaadu dhagaxa ugu dhicin.’ ” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Sidoo kale wey qorantahay, ‘Ha jarribin Rabbiga Illaahaaga ah.’ ” Ugu dambeyntii Ibliiskii wuxuu Ciise kor saaray buur aad u dheer, wuxuuna tusay boqortooyada aduunka oo dhan iyo hantida taala. Wuxuuna ku yiri, “Waxan oo dhan waan ku siin doonaa haddaad ii sujuudo oo aad i caabudo.” Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Iga fogow, Shaydaan yahow! Waayo wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ” Kadib ibliiskii wuu ka tagay Ciise, waxaana u yimid malaa’ig oo caawisay. Ciise markii uu maqlay in Yooxanaa xabsi la galiyay ayuu Galili aaday. Marka hore wuxuu tagay Naasared kadibna wuxuu kasii aaday oo degay Kafarna’um, taas oo ku taalay warta Galili agteeda soohdinta Sebulun iyo Naftaali. Si looga dhabeeyo wixii kitaabkii nebi Isayos lagu sheegay, “Dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, jidka badda, webi Urdun shishadiisa, Galili dhulka ey ku nool yihiin dad aan Yuhuud ahayn. Inkastoo ey dadkiinu mugdi ku noolaayeen, waxey arkeen iftiin weyn. Inkastoo ey ku noolaayeen hooska dhimashada, iftiin ayaa u ifay.” Haddaba Ciise wuxuu bilaabay inuu wacdiyo, isaga oo leh, “Toobadkeena, waayo boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.” Ciise oo ag maraya badda Galili ayaa arkay laba walaalo ah, mid wuxuu ahaa Simoon oo loo yaqaanay Butros kan kalana wuxuu ahaa Andaros. Waxey badda ku tuurayeen shabaag waayo waxey ahaayeen kalluumaysato. Ciise ayaa ku yiri, “Kaalaya oo isoo raaca, waxaan idin ka dhigi doonaa kuwa dadka jillaabta.” Isla markiiba intey shabaagyadoodi ka tageen ayey Ciise raaceen. Markii uu meeshaas ka tagay wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, waxeyna kala ahaayeen Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa. Waxey aabahood la saarnaayeen doon waxeyna hagaajinayeen shabaagyadooda. Ciise ayaa iyagana sidoo kale u yeeray, isla markiiba intey doontii iyo aabahoodba ka tageen ayey Ciise raaceen. Ciise wuxuu dhex maray Galili oo dhan, isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah, bogsiinayana cudur walba ee dadka dhexdooda ka jiray. Warka Ciise ku saabsan ayaa ku faafay Suuriya oo dhan, dadkuna waxey u keeneen dhamaan kuwii cudurada kala duwan qabay, kuwii la rafaadsanaa xanuunka daran, kuwii ruuxyada wasakhda leh qabay, kuwii suuxdinta qabay iyo kuwii curyaanka ahaa, kuligoodna wuu bogsiiyay. Dad badan oo ka kala yimid Galili, Dekabolis, Yeruusaalem, Yahuudiya iyo agagaarka webiga Urdun ayaa Ciise raacay. Haddaba markii uu Ciise arkay dadkii badnaa ayuu fuulay buur wuuna fariistay. Xertiisi ayaa u timid, wuxuuna bilaabay inuu wax baro. Ciise wuxuu yiri, “Waxaa barakeysan kuwa xagga ruuxa masaakiinta ka ah, waayo waxey leeyihiin boqortooyada jannada. Waxaa barakeysan kuwa baroorta, waayo waa la qalbi qaboojin doonaa. Waxaa barakeysan kuwa dabeecadda qabow, waayo waxey dhaxli doonaan dhulka. Waxaa barakeysan kuwa u gaajooda oo u haraada xaqnimada darteed, waayo wey dhargi doonaan. Waxaa barakeysan kuwa naxariista leh, waayo waa loo naxariisan doonaa. Waxaa barakeysan kuwa qalbigoodu nadiifka yahay, waayo waxey arki doonaan Illaahey. Waxaa barakeysan kuwa nabadda ka shaqeeya, waayo waxaa loogu yeeri doonaa caruurtii Illaahey. Waxaa barakeysan kuwa loo silciyay xaqnimada darteed, waayo waxey leeyihiin boqortooyada jannada. “Waxaa barakeysan kuwiinan marka dadku caayaan, silciyaan, aniga darteyna loogu been abuurto wax walboo xunna laga sheego. Farxa, waayo abaalgudkiina jannada aad ayuu u weyn yahay, sidaa si la mida ayey u silciyeen nebiyadii idin ka horeeyay. “Waxaad tihiin cusbadii dhulka, balse haddii ey cusbadu weyso dhanaankeeda, sidee ayaa dhanaan looga dhigi karaa mar kale? Wax faa’iida ah ma laha in banaanka lagu tuuro oo ey dadku ku dul socdaan maahee. “Waxaad tihiin iftiinkii aduunka. Magaalo buur ka dul dhisan ma qarsoomi karto. Feynuusna looma shido in weel lagu daboolo, laakiin waxaa la saaraa laambad saarka, si ey iftiin u siiso qof walboo guriga ku jira. Sidaa si la mid ah, iftiinkiinu dadka hortooda ha ka iftiimo, si ey camalladiina wanaagsan u arkaan oo ey u ammaanaan Aabihiinna jannada ku jira. “Haku fikirina inaan u imid inaan baabi’iyo sharciga Muuse iyo kitaabadii ey qoreen nebiyada, uma imaan inaan baabi’iyo laakiin waxaan u imid inaan ka dhabeeyo. Runtii waxaan idin ku leeyahay, illaa samada iyo dhulku ka dhamaadaan lagama yaabo in yar oo sharciga ka mid ah in la waayo illaa ey ka dhabowdo maahee. Sidaa darteed haddii aad diido sharciga amarkiisa ugu yar oo aad dadkana barto iney sidaas oo kale sameeyaan, waxaad noqon doontaa qofka boqortooyada jannada ugu qiimaha yar. Laakiin haddii aad sharciga adeecdo dadkana barto amarradiisa, waxaad boqortooyada jannada ku lahaan doontaa boos muhiim ah. Waxaan idin ku leeyahay illaa xaqnimadiinu ka badato tan Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga, ma gali doontaan boqortooyada jannada. “Waad maqasheen in waa hore dadka lagu yiri, ‘Waa in aadan qof dilin, qof walboo qof dilana waa la xukumi doonaa.’ Laakiin waxaan idin ku leeyahay qof walboo u xanaaqsan walaalkiis ama walaashiis xukunka ayaa la hor keeni doonaa. Sidoo kale qofkii ku yiraahda walaalkiis ama walaashiis qiimo ma lihid maxkamadda ayaa la horgeyn doonaa. Oo kii ku yiraahda walaalkiis ama walaashiis doqon wuxuu halis ugu jiraa dabka jahannamo. “Sidaa darteed, haddii aad hadiyad meesha allabariga keento oo aad halkaas ku xasuusato in walaalkaa ama walaashaa wax kuu haystaan, hadiyaddaada meesha allabariga hortiisa uga tag. Marka hore qofkaas la soo heshii, kadibna soo laabo oo hadiyaddaada allabariga ku bixi. “Intaan maxkamadda lagu geynin la heshii qofkii ku soo dacweeyay, haddii kale wuxuu kuu dhiibayaa xaakimka, xaakimkuna wuxuu kuu dhiibayaa askariga, waxaana laga yaabaa in xabsiga lagu galiyo. Runtii waxaan kugu leeyahay, ma ka bixi doontid illaa aad shilinka ugu dambeeya bixisid maahee. “Waad maqasheen in la yiri, ‘Waa in aadan sineysan.’ Laakiin waxaan idin ku leeyahay nin walboo naag si damac ku jiro u fiiriya qalbiga ayuu ka sineystay. Haddii ishaada midig xumaan kuu keeneyso, iska saar oo tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad weydo hal xubin oo jirkaaga ka mid ah intii jirkaaga oo dhan cadaabta lagu tuuri lahaa. Haddii gacantaada midig xumaan kuu keeneysana, iska jar oo tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad weydo hal xubin oo jirkaaga ka mid ah intii jirkaaga oo dhan naarta lagu tuuri lahaa. “Horey ayaa loo yiri, ‘Mid walboo xaaskiisa fura waa inuu siiyo warqadda furitaanka.’ Laakiin waxaan idin ku leeyahay mid walboo xaaskiisa fura, iney sineysatay aawadeed maahee, wuxuu ku kalifayaa iney sineysato, mid walboo haweeney la soo furay guursada wuu sineystay. “Sidoo kale waad maqasheen in dadkii hore lagu yiri, ‘Dhaartiina ha burinina, balse oofiya nadarka aad Rabbiga la gasheen.’ Laakiin waxaan idin ku leeyahay, ha dhaaranina, samada haku dhaaranina, waayo waa Illaahey carshigiisa, dhulkana haku dhaaranina, waayo waa meesha uu Illaahey cagihiisa saarto, Yeruusaalemna haku dhaaranina, waayo waa magaalada boqorka weyn. Madaxyadiinana haku dhaaranina, waayo xitaa hal tin kama dhigi kartaan caddaan ama madow. Waxaad u baahantahay oo kaliya waa inaad tiraahdo ‘Haa’ ama ‘Maya’ wixii intaas ka badan ibliiska ayuu ka yimid. “Waad maqasheen in dadkii hore lagu yiri, ‘Il il haloo rido, iligna ilig haloo rido.’ Laakiin waxaan idin ku leeyahay, ha ka aarsanina qofka sharta leh. Haddii qof kaa dharbaaxo dhabanka midig, dhabanka kalana u jeedi. Haddii qof maxkamadda ku geeyo si uu shaatigaaga u qaato, jaakadaadana ugu dar. Hadduu qof kugu qasbo inaad u raacdid mayl, laba mayl u raac. Kii wax ku weydiista sii, hana ka jeesanin qofkii deyn kaa raba. “Waad maqasheen in la yiri, ‘Deriskiina jeclaada cadowgiinana necbaada.’ Laakiin waxaan idin ku leeyahay, cadowgiina jeclaada una duceeya kuwa idin silciya, si aad u noqotaan caruurta Aabihiinna jannada ku jira. Waayo wuxuu qoraxdiisa u soo bixiyaa kan sharka leh iyo kan wanaagsanba, wuxuuna roob u di’iyaa kan xaqa ah iyo kan aan xaqa ahaynba. Haddii aad jeceshihiin kuwa idin jecel oo kaliya, abaalgudkee ayaad heleysaan? Canshuur qaadayaashuba miyaanay sidaas oo kale sameynin? Haddii aad salaantaan walaalihiin oo kaliya, maxaa dheeraad ah oo aad sameyseen? Dadka aan Illaahey garaneynba miyaanay sidaas oo kale sameyn? U wanaagsanaada sida Aabihiinna jannada ku jira u wanaagsan yahay. “Iska ilaaliya inaad xaqnimadiina dadka hortooda ku sameysaan. Haddii aad sidaas sameysaan, wax abaalgud ah kama heleysaan Aabihiinna jannada ku jira. “Haddaba marka aad masaakiinta sadaqo siineysaan, buun ha ugu dhawaaqina sadaqadiina, sida ey labawejiilayaashu ku sameeyaan sunagogyada iyo jidadka, si ey dadka kale u sharfaan. Runtii waxaan idin ku leeyahay abaalgudkoodi wey heleen. Laakiin marka aad sadaqo baxsanaysaan, ha u ogolaanina gacantiina bidix iney ogaato waxa gacantiina midig sameyneyso, si sadaqadiinu sir u ahaato. Kadib Aabihiinna og waxa qarsoon ayaa idiin abaalgudi doona. “Marka aad tukaneysaanna, ha noqonina sida labawejiilayaasha, waayo waxey jecelyihiin iney ku tukadaan sunagogyada iyo meelaha jidadku iska gooyaan si ey dadku u arkaan. Runtii waxaan idin ku leeyahay, abaalgudkoodi wey heleen. Laakiin marka aad tukanayso, qolkaaga gal, albaabka xir oo u bari Aabahaa si qarsoodi ah. Kadib Aabahaaga arka waxa qarsoon, ayaa ku abaalmarin doona. Marka aad tukaneysaanna, hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Illaahey garaneyn sameeyaan, waayo waxey u maleeyaan in hadalkooda badan dartood lagu maqli doono. Iyagoo kale ha noqonina, waayo Aabihiin wuu og yahay waxa aad u baahantihiin inta eydan weydiisan ka hor. “Haddaba sidaan u tukada, “ ‘Aabaheena jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo, sida jannada loogu yeelo. Na sii maanta kibis nagu filan. Oo naga cafi qaamahayaga, sida aan u cafinay kuwa noo qaamaysan. Jarribaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga badbaadi, waayo boqortooyada, xoogga iyo ammaanta adiga ayaa leh weligaa. Aamiin.’ Haddaad cafisaan dadka kale markey idin ku qaldamaan, Aabihiinna jannada ku jirana wuu idin cafin doonaa. Laakiin haddii eydan dadka kale qaladaadkooda u cafinin, Aabihiinna qaladaadkiina idiin ma cafin doono. “Marka aad soontaan, wejigiina yeysan duruuf ka muuqanin sida labawejiilayaashu sameeyaan, waayo rafaad ayey iska muujiyaan si ey dadka u tusaan iney soomanyihiin. Runtii waxaan idin ku leeyahay, abaalgudkoodi wey heleen. Laakiin idinku marka aad soomantihiin, madaxiina saliid mariya wejigiinana dhaqa, si eysan dadku u ogaan inaad soomantihiin, laakiin Aabihiinna kaliya ee aan la arag oo arka waxa qarsoonida lagu sameeyay, wuu idiin abaalgudi doonaa. “Hantidiina dhulka ha ku keydsanina, meesha ey cayayaanku iyo mirirku ku baabi’iyaan oo ey tuugadu soo galaan eyna xadaan. Laakiin hantidiina jannada ku keydsada, meesha eysan cayayaanka iyo mirirku baabi’in karin, tuugadana eysan gali karin waxna xadi karin. Waayo meesha ey hantidaadu jirto ayuu qalbigaagu jiri doonaa. “Ishu waa ilayska jirka. Indhahaagu haddii ey caafimaad qabaan jirkaaga oo dhan ayaa iftiin lahaanaya. Laakiin haddii eysan indhahaagu wanaagsaneyn, jirkaaga oo dhan mugdi ayuu ahaan doonaa. Haddaba ilayska kugu dhex jira hadduu mugdi yahay, mugdigaasu sidee ayuu u weyn yahay! “Ma jiro qof laba sayid u adeegi kara. Waa inuu mid nacaa kan kalana jeclaadaa, ama mid ayaad u go’aysaa kan kalana waad khiyaanaysaa. Uma wada adeegi kartid Illaahey iyo lacag. “Sidaas darteed ha ka welwelina noloshiina, waxaad cuntaan, ama dhar aad gashataan. Noloshu miyeysan ka qiimo badneyn cuntada, jirkuna miyuusan ka qiimo badneyn dharka? Fiiriya shimbirraha samada duulaya, wax ma beertaan mana gooystaan, waxna maqsin kuma keydsadaan, haddana Aabihiinna samada ku jira wuu quudiyaa. Idinkuna miyeydaan ka qiimo badneyn shimbirraha? Ma jiraa mid idin ka mid ah oo welwel dartiis maalmaha noloshiisa saacad ku dari kara? “Maxaadna dhar uga welweshaan? Fiiriya sida ey ubaxyada duurku u koraan. Uma shaqeeyaan iney dharkooda sameystaan. Laakiin waxaan idin ku leeyahay xitaa Sulaymaan oo lahaa hantidaas oo dhan uma labis qurxoonayn sida mid ka mid ah ubaxyadan oo kale. Haddaba haddii uu Illaahey sidaas ugu labiso caws duureedka, kaasoo maanta baxaya berrina dabka lagu tuurayo, sidaas si ka badan miyuunan idin ku labisi doonin kuwiinan iimaanka yarow? Haddaba ha welwelina, idinka oo leh, ‘Maxaan cuni doonnaa?’ Ama ‘Maxaan cabi doonnaa?’ Ama ‘Maxaan xiran doonnaa?’ Waayo dadka aan Illaahey garaneyn ayaa waxyaalahan ka welwela, Aabihiina jannada ku jiro wuu garanayaa waxaad u baahantihiin. Laakiin marka hore raadiya boqortooyada Illaahey iyo xaqnimadiisa, waxyaalahan oo dhan waa la idin siin doonaa. Sidaa darteed ha ka welwelina berri, waayo berri iyada ayaa isu welwelsan. Maalin walba waxey leedahay dhib ku filan. “Ha xukumina yaan la idin xukumine. Waayo sidaad dadka u xukuntaan ayaa la idiin xukumi doonaa, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa. “Maxaad u fiirineysaa saxarka isha walaalkaa ku jira oo aadan u arag dogobka ishaada ku jira? Sidee ayaad ugu dhihi kartaa walaalkaa, ‘Kaalay aan saxarka ishaada ku jira kaa bixiyee,’ adigoo dogob ishaada ku jira? Labawejiilayahow, marka hore dogobka ishaada ku jira iska bixi, kadibna si fiican ayaad u arki doontaa marka aad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarayso. “Eeyaha ha siinina waxa quduuska ah, luulkiinana ha u tuurina doofaarrada, waayo wey ku dul tumanayaan kadibna wey kugu soo laabanayaan oo wax ayey kuu geysanayaan. “Weydiista waana la idin siin doonaa, doondoona waadna heli doontaan, garaaca albaabkana waa la idin ka furi doonaa. Waayo qof walboo weydiista waa la siiyaa, mid walboo doondoonana wuu helaa, mid walboo garaacana, albaabka waa laga furi doonaa. “Midkee ayaa idin ka mid ah oo haddii uu wiilkiisu weydiisto kibis, siinaya dhagax? Ama haddii uu weydiisto kalluun, siinaya mas? Haddaba idinkan sharta leh haddaad garaneysaan sida wax fiican loo siiyo caruurtiina, intee ka badan ayuu Aabihiinna samada jooga siinayaa wax fiican inta weydiisata oo dhan! Ula dhaqan dadka kale sidii aad jeclaan lahayd in laguula dhaqmo. Tani waa wixii ey kitaabadii nebiyada iyo sharcigii Muuse ka hadlayeen. “Albaabka ciriiriga ah ka gala waayo albaabka wadada dadka hoogga ku hagtaa waa waasac, jidka dhinaceeda aadana wey fududahay in la maro, oo dad badan ayaa albaabkaas ka gala. Laakiin iridda noloshu waa ciriiri, jidka dhinaceeda aadana wey adagtahay in la maro, oo dad yar ayaa hela. “Iska jira nebiyada beenta ah! Waxey idiin imaanayaan iyagoo qaba dharka idaha, laakiin gudaha waxey ka yihiin yeey wax weerareysa. Mirahooda ayaad ku garan doontaan. Dadku miyay canab ka gurtaan geed qodxa leh, berdana miyaa laga gurtaa geedka tiitiinka? Geed walboo wanaagsan wuxuu dhalaa mirro wanaagsan, laakiin geed walboo xun wuxuu dhalaa mirro xun. Geed wanaagsan ma dhali karo mirro xun, geed xunna ma dhali karo mirro wanaagsan. Geed walboo aan mirro wanaagsan dhalin waa la goyn doonaa dabkaana lagu tuuri doonaa. Sidaa darteed mirahooda ayaad ku garan doontaan. “Ma aha in qof walboo igu yiraahda, ‘Rabbiyow, Rabbiyow,’ uu gali doono boqortooyada jannada, laakiin waxaa gali doona oo kaliya kuwa adeeca doonista Aabahayga jannada ku jira. Dad badan ayaa maalinta wax la xukumayo igu dhihi doona, ‘Rabbiyow, Rabbiyow, miyaanan magacaaga wax ku sii sheegin oo aanan magacaaga ruuxyada wasakhda leh ku bixin oo aanan magacaaga mucjisooyin ku sameynin?’ Kadibna si cad ayaan ugu dhihi doonaa, ‘Weligey idin ma aqoon. Iga fogaada, xumaan falayaal yahow!’ “Qof walboo ereyadayda maqla oo ku dhaqma waa sidii nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagax. Markii uu roobkii da’ay, daadkii ayaa yimid, dabayshiina wey kacday oo waxey garaacday gurigii, laakiin ma uu dumin, maxaa yeelay aasaaskiisu wuxuu ku dhisnaa dhagax. Laakiin qof walboo ereyadayda maqla oo aan ku dhaqmin waa sida nin doqon ah oo gurigiisa ka dul dhisay ciid. Markii uu roobkii da’ay, daadkii ayaa yimid, dabayshiina wey kacday oo waxey garaacday gurigii, si xun ayuuna u burburay.” Markii uu Ciise hadalkii dhameystay, wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay dadkii badnaa, waayo wuxuu wax u baray sidii mid awood leh mana uu ahayn sida macalimiintooda sharciga oo kale. Markii uu Ciise buurtii kasoo degay, dad badan ayaa raacay. Nin baras qaba ayaa u yimid intuu hortiisa ku sujuuday ayuu ku yiri, “Rabbiyow, haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.” Ciise intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay oo yiri, “Waan doonayaa, ee bogso.” Isla markiiba baraskii wuu ka bogsaday. Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Arintan qofna ha u sheegin, laakiin tag oo wadaadka tus inaad bogsatay. Kadib hadiyad macbadka gee sidii uu Muuse amray, si ey marqaatifur ugu noqoto iyaga.” Markii uu Ciise galay Kafarna’um, waxaa u yimid Boqol u taliye caawimaad weydiisanaya, wuxuu ku yiri, “Sayidow, adeegaheygi guriga ayuu dhex jiifaa mana kici karo aad ayuuna u dhibaatoonayaa.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyaan imaadaa oo bogsiiyaa?” Boqol u taliyihii ayaa ku jawaabay, “Sayidow, uma qalmo inaad gurigeyga timaado, laakiin erey oo kaliya dheh adeegaheyguna wuu bogsan doonaa. Waayo anigu xitaa waxaan ahay qof sharci ku hoos jira, askarna wey iga hooseysaa. Midkood ayaan ku dhahaa, ‘Tag,’ wuuna tagaa, mid kalaan ku dhahaa, ‘Kaalay,’ wuuna yimaadaa. Adeegaheyga ayaan ku dhahaa, ‘Waxan samee,’ wuuna sameeyaa.” Ciise markii uu arintaas maqlay, aad ayuu ula yaabay wuxuuna kuwii la socday ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, reer binu Israa’iil dhexdooda kuma arag qof iimaankiisu sidan u weyn yahay. Waxaan idin ku leeyahay, dad badan ayaa ka imaan doona bariga iyo galbeedka, waxeyna la fariisan doonaan Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub xafladda boqortooyada jannada dhexdeeda. Laakiin kuwii boqortooyada ey ahayd iney ku jiraan banaanka mugdiga ah ayaa lagu tuuri doonaa, halkaas oo ey ka jiri doonto baroor iyo ilka isku qabsi.” Kadib Ciise ayaa ku yiri boqol u taliyihii, “Tag gurigaaga, sidaad u aamintay hakuu ahaato.” Isla markiina adeegihiisi wuu bogsooday. Markii uu Ciise yimid gurigii Butros, wuxuu arkay Butros sodohdiis oo sariirta qandha la jiiftay. Gacanteeda ayuu taabtay, qandhadiina wey deysay, weyna kacday oo u adeegtay. Markii fiidkii la gaaray, waxaa Ciise loo keenay dad badan oo ruuxyo wasakh leh qaba, erey oo kaliya ayuu ruuxyadii wasakhda lahaa ku saaray dadkii xanuusanaa oo dhanna wey bogsadeen. Arintaas waxey ka dhabeyneysaa wixii lagu sheegay afkii nebi Isayos, “Wuxuu qaaday cuduradeeni wuuna na bogsiiyay.” Markii uu Ciise arkay dadkii badnaa ee hareerahiisa joogay, wuxuu amray iney dhinaca kale ee harada tagaan. Kadib waxaa u yimid mid ka mid ah macalimiinta sharciga Muuse wuxuuna ku yiri, “Macalinow, meel walboo aadid waan kuu raacayaa.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dawacooyinku godad ayey leeyihii shimbirruhuna buulal, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu u hoydo ma laha.” Mid kale oo xerta ka mid ah ayaa Ciise ku yiri, “Rabbiyow, marka hore ii ogolaw inaan tago oo aan soo duugo aabahay.” Laakiin Ciise ayaa ugu jawaabay, “Isoo raac oo dhaaf meydadku ha duugaan meydkooda.” Kadib Ciise wuxuu fuulay doon xertiisina wey raaceen, isla markiiba duufaan daran ayaa wartii ka kacday, hirarkiina waxey garaaceen doontii. Laakiin Ciise wuu hurday. Markaas ayaa xertii u tageen oo kiciyeen iyagoo leh, “Sayidow, na badbaadi! Waan dhiman rabnaaye!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Kuwiinan iimaanka yarow, maxaad sidan ugu cabsaneysaan?” Kadibna wuu kacay oo wuxuu canaantay duufaantii iyo hirarkii, weyna degeen. Nimankii doonta saarnaa wey yaabeen waxeyna yiraahdeen, “Yuu yahay ninkan? Xitaa duufaanta iyo hirarka ayaa adeecaya!” Markii uu Ciise gaaray dhinicii kale ee warta soohdinta Gadareni, wuxuu la kulmay laba nin oo ruuxyo wasakh leh qaba oo xabaalaha kasoo baxaya. Aad ayey khatar u ahaayeen qofna jidkaas ma mari karin. Waxey ku qayliyeen, “Ciisow, Wiilkii Illaaheyow, maxaad naga rabtaa? Ma waxaad u timid inaad na ciqaabto intaan waqtigii na la ciqaabi lahaa la gaarin?” Meel xoogaa u jirta waxaa daaqayay doofaarro badan. Markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa Ciise ka baryeen, oo ku yiraahdeen, “Haddaad na bixineysid, noo dir doofaarradaas.” Ciise ayaa ku yiri, “Taga” Markaas ayey ninkii ka baxeen waxeyna galeen doofaarradii, doofaarradii ayaa hoos u daadagay oo ku yaacay warta, biyihii ayeyna ku dhinteen. Kuwii doofaarrada daajinayay ayaa u cararay magaalada, qof walbana waxey u sheegeen wixii dhacay gaar ahaan wixii ku dhacay nimankii ruuxda wasakhda leh qabay. Kadib dadkii magaalada oo dhan ayaa banaanka u soo baxay si ey Ciise ula kulmaan. Markey arkeen Ciise ayey ka baryeen inuu soohdintooda ka tago. Ciise wuxuu raacay doon wuxuuna aaday dhinicii kale ee warta oo ahayd magaaladii uu ku noolaa. Markaas ayey niman u keeneen nin curyaan ah oo derin ku jiifa. Ciise markii uu arkay iimaankoodi, ayuu ku yiri ninkii curyaanka ahaa, “Ha welwelin, wiilkeygiyow, dembiyadaadi waa la cafiyay.” Markaas ayey qaar macalimiintii sharciga Muuse ka mid ah isku yiraahdeen, “Ninkani wuu caaytamayaa!” Ciise oo garanayay waxey niyadoodu ku fikiraysay ayaa ku yiri, “Maxaad waxyaalo shar ah qalbiyadiina uga fikirtaan? Teebaa fudud, ma inaad tiraahdo, ‘Dembiyadaadi waa la cafiyay,’ mise inaad tiraahdo, ‘Istaag oo soco’? Laakiin waxaan rabaa inaad ogaataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay awood uu dembiyada ku cafiyo.” Markaas ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yiri, “Istaag, derintaada qaado oo gurigaaga tag.” Kadibna ninkii wuu kacay oo gurigiisuu tagay. Dadkii badnaa markey arintan arkeen, wey cabsadeen waxeyna ammaaneen Illaahey kaasoo dadka siiyay awood sidan oo kale ah. Ciise markii uu halkaas ka tagay, wuxuu arkay canshuur qaade la dhihi jiray Matayos oo fadhiya meesha canshuurta lagu qaado. Ciise ayaa ku yiri, “Isoo raac.” Matayosna wuu kacay oo raacay. Ciise oo ka casheynaya guriga Matayos ayaa waxaa yimid canshuur qaadayaal iyo dembiilayaal badan waxeyna la cunteeyeen Ciise iyo xertiisa. Markey Farrisiintii arintaas arkeen, waxey xertii Ciise weydiiyeen, “Muxuu macalinkiinu wax ula cunaa canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha?” Ciisana markii uu arintaas maqlay ayuu iyaga ku yiri, “Dadka caafimaadka qaba uma baahno dhakhtar, ee kuwa xanuusan ayaa u baahan. Laakiin taga oo soo ogaada waxa macnihiisu yahay qoraalka dhahaya, ‘Intaad allabariyo ii bixin lahaydeen midkiinba midka kale ha u naxariisto.’ Waayo anigu uma imaan kuwa u maleynaya iney yihiin kuwa xaq ah, laakiin waxaan u imid kuwa dembiilayaasha ah.” Maalin ayey xertii Yooxanaa Baabtiisaha u yimaadeen Ciise waxeyna weydiiyeen, “Maxaan anaga iyo Farrisiinta u soonnaa mar walba xertaaduse eysan u soomin?” Ciise ayaa ku jawaabay, “Sidee ayey ku dhaceysaa in martida aroosku cunto la’aan joogaan iyadoo uu caruusku la joogo? Laakiin waqti ayaa imaan doona oo uu caruusku ka tagi doono, markaas ayey soomi doonaan. “Qofna maro cusub kuma dul tolo maro duug ah, waayo marada cusub wey soo go’aysaa jeexniinkuna wuu kasii darayaa. Qofna kuma shubo khamri cusub sibraar duug ah. Waayo khamriga cusub wuu kala dilaacinayaa sibraarada khamriguna wuu daadanayaa. Khamri cusub waxaa lagu shubaa weel cusub labadooduna wey badbaadayaan.” Intuu Ciise hadlayay ayaa waxaa u yimid hogaamiye sunagog intuu u sujuuday ayuu ku yiri, “Gabadheydi ayaa hadda dhimatay! Laakiin kaalay oo gacantaada saar, weyna soo noolaan doontaa.” Ciise iyo xertiisi ayaa kacay oo raacay ninkii. Haweeney laba iyo toban sano dhiig ka socday ayaa Ciise gadaashiisa ka timid si tartiib ahna maradiisa darafteeda u taabatay. Waayo waxey isku tiri, “Haddii aan maradiisa oo kaliya taabto, waan bogsan doonaa.” Ciise ayaa soo jeestay oo arkay wuxuuna ku yiri, “Ha welwelin gabadheydiyey, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay.” Naagtiina isla markii ayey bogsatay. Markii uu Ciise galay gurigii hogaamiyihii sunagogga oo uuna arkay dad badan oo barooranaya iyo kuwa kale oo biibiilayaasha yeerinaya, wuxuu ku yiri, “Taga! Gabadhu ma dhiman ee wey jiiftaa.” Laakiin wey ku qosleen isaga. Markii dadkii badnaa banaanka loo saaray, intuu gudaha galay ayuu gabadhii gacanta soo qabtay weyna kacday. Warka arintan ku saabsan ayaa gobalka oo dhan ku faafay. Ciise markii uu halkaas ka tagay, laba nin oo indha la’ ayaa daba galay iyagoo ku qaylinaya, “Noo naxariiso, ina Daa’uudow!” Ciise markii uu galay gurigii uu joogay, labadii nin ayaa u yimid, wuxuuna ku yiri, “Miyaad aaminsan tihiin inaan idin bogsiin karo?” Waxey ku jawaabeen, “Haa, Sayidow.” Kadib indhahooda ayuu taabtay wuxuuna ku yiri, “Sida aad aaminteen ha idiin ahaato.” Markaas ayey wax arkeen, Ciisana aad ayuu ugu digay wuxuuna ku yiri, “Qofna ha u sheegina arintan.” Laakiin wey tageen oo waxey waddankaas oo dhan ku faafiyeen warka Ciise ku saabsan. Ciise iyo xertiisi oo gurigii kasii baxaya ayaa waxaa loo keenay nin ruuxyo wasakh leh qaba oo aan hadli karin. Markii ruuxyadii wasakhda lahaa laga saarayna, ninkii wuu hadlay. Dadkii meesha joogay aad ayey ula yaabeen waxeyna yiraahdeen, “Arintan oo kale weligeed dhulka Israa’iil kama dhicin.” Laakiin Farrisiintii ayaa yiraahdeen, “Wuxuu ruuxyada wasakhda leh ku saaraa awoodda amiirka ruuxyada wasakhda leh.” Ciise wuxuu dhex maray magaalo walba iyo tuulo walba, isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah wuxuuna bogsiinayay cudur walba iyo xanuun walba. Markii uu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo wey wareersanaayeen caawimaadna ma haysanin, waxeyna ahaayeen sidii ido aan arijir lahayn. Markaas ayuu xertiisi ku yiri, “Waxa beerta kasoo go’aya wey badan yihiin laakiin shaqaaluhu wey yar yihiin. Haddaba Sayidka beer gooyska weydiista inuu shaqaale badan beertiisa u soo diro.” Ciise ayaa iskugu yeeray laba iyo tobankii xertiisa ahaa wuxuuna siiyay awood ey ruuxyada wasakhda leh ku saaraan kuna bogsiiyaan cudur walba iyo xanuun walba. Laba iyo tobanka rasuulna magacyadoodu waxey ahaayeen, kan ugu horeeya waa Simoon oo Butros loo yaqaanay, iyo walaalkiis Andaros. Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa. Filibos, Bartolomayos, Toomas iyo Matayos oo canshuur qaade ahaa, Yacquub ina Alfayos iyo Tadayos. Simoon oo loo yaqaanay Qiiroole iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyay Ciise. Laba iyo tobankaan Ciise ayaa diray isaga oo ku yiri, “Dadka aan Yuhuudda ahayn ha dhex galina hana tagina magaalooyinka reer Samaariya. Laakiin waxaad aadaan idaha lunsan ee reer binu Israa’iil. Intaad sii socotaan dadka u wacdiya oo waxaad ku tiraahdaan, ‘Boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.’ Dadka xanuusan bogsiiya, kuwa dhintay soo sarakiciya, kuwa baraska qaba bogsiiya, ruuxyada wasakhda leh saara. Lacag la’aan ayaad ku hesheen ee lacag la’aan ku bixiya. “Ha ku qaadanina lacag, dahab, qalin ama shilimaad kiishada suunkiina. Hana qaadanina boorso ama shaati iyo kabo dheeraad ah ama ul lagu socdo, waayo shaqaaluhu xaq ayuu u leeyahay mushaharkiisa. Haddaba marka aad magaalo ama tuulo gashaan, raadiya qof istaahila inaad marti u noqotaan gurigiisana jooga illaa aad meeshaas ka tagtaan. Marka aad guri gashaan salaama. Haddii gurigu uu istaahilo nabadiinu ha la jirto, laakiin haddii uusan gurigu istaahilin nabadiina la noqda. Qofkii aan idin soo dhawayn ama dhagaysan fariintiina, ka taga gurigiisa ama magaaladiisa cagahiinana boorka ka jafa. Runtii waxaan idin ku leeyahay, maalinta wax la xukumayo Sodom iyo Gomora ayaa ka xukun fududaan doona magaaladaas. “Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex nool. Sidaa darteed u caqli badnaada sidii mas oo kale sidii qoolley oo kalana daacad u ahaada. Is ilaaliya, waayo waxaa la idin geyn doonaa maxkamadaha oo sunagogyada dhexdooda ayaa la idin ku garaaci doonaa. Aniga dartey ayaa la idiin hor keeni doonaa taliyayaal iyo boqorro si aad iyaga iyo dadka aan Illaahey garaneyn marqaati ugu noqotaan. Laakiin markey idin qabtaan, ha ka welwelina waxaad dhihi lahaydeen ama sidaad u dhihi lahaydeen. Waqtigaas ayaa la idin siin doonaa waxaad dhahdaan, waayo idinka ma aha kuwa hadlaya, laakiin waxaa idin ka dhex hadli doona Ruuxa Aabihiin. “Walaal ayaa walaalka kale in la dilo u gacangelin doona, waalid ayaa caruurtooda gacangelin doona, caruurna waxey kasoo horjeesan doonaan waalidkood oo wey dili doonaan. Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa, laakiin kan illaa dhamaadka adkeysta ayaa badbaadi doona. Markii meel la idin ku silciyo meel kale u carara. Runtii waxaan idin ku leeyahay, inta eydan magaalooyinka Israa’iil wada tagin ayuu Wiilka Aadanahu imaan doonaa. “Ardeygu macalinka kama sareeyo, adeeguhuna sayidkiisa kama sareeyo. Wey ku filan tahay ardeydu iney macalinkooda oo kale noqdaan, adoomaduna sayidyadooda oo kale noqdaan. Haddii ey dadku odayga reerka ugu yeeraan Be’elsebul, intee ka badan ayey ugu yeeri doonaan kuwa gurigiisa ku nool! “Haddaba ha ka cabsanina, waayo wax walboo qarsoon banaanka ayaa la soo dhigi doonaa, sir walbana waa la ogaan doonaa. Wixii aan mugdiga idiin ku sheego, iftiinka ku sheega, wixii dhagta la idiin ku sheego, guryaha korkooda kaga qayliya. Ha ka cabsanina kuwa jirka kaliya dila laakiin aan dili karin nafta. Laakiin ka cabsada kan nafta iyo jirkaba naarta ku tuuri kara. Miyaan laba shimbirrood benni lagu gadan? Midoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabihiin la’aantiis. Xitaa timaha madaxaaga ku yaala wey tirsan yihiin. Sidaa darteed ha cabsanina waayo waad ka qiimo badan tihiin shimbirro badan. “Mid walboo igu qirta dadka hortooda, waxaan aniguna ku qiran doonaa Aabahayga jannada ku jira hortiisa. Laakiin mid walboo igu inkira dadka hortooda, waxaan aniguna ku inkiri doonaa Aabahayga jannada ku jira hortiisa. “Ha u maleynina inaan u imid inaan dhulka nabad keeno. Uma imaan inaan dhulka nabad keeno ee waxaan u imid inaan seef keeno. Waxaan u imid inaan iska soo horjeediyo “ ‘wiil iyo aabihiis, gabar iyo hooyadeed, naag iyo soddohdeed. Ninka cadowgiisa waxaa noqon doona qoyskiisa.’ “Qof walboo iga jecel hooyadiis iyo aabihiis ima istaahilo, qof walboo iga jecel wiilkiisa ama gabadhiisa ima istaahilo. Mid walboo aan iskutallaabtiisa soo qaadan ina soo raacin ima istaahilo. Qof walboo naftiisa helaa wuu lumin doonaa, qof walboo naftiisa u lumiya aniga darteyna wuu heli doonaa. “Qof walboo idin soo dhaweeya aniga ayuu isoo dhaweeyay, qof walboo aniga isoo dhaweeyana wuxuu soo dhaweeyay kan isoo diray. Qofkii nebi u soo dhaweeya nebinimo wuxuu heli doonaa nebi abaalgudkiis, qofkii qof xaq ah kusoo dhaweeya xaqnimadiisa darteed wuxuu heli doonaa qof xaq ah abaalgudkiis. Qofkii siiya xitaa hal koob oo biyo qabow ah mid ka mid ah xerteydan, runtii waxaan idin ku leeyahay, qofkaas waa loo abaalgudi doonaa.” Markii uu Ciise dhameeyay la dardaarankii xertiisa, halkaas wuu ka tagay wuxuuna aaday magaalooyinkii meeshaas u dhawaa isaga oo wacdinaya waxna baraya. Markii uu Yooxanaa oo xabsi ku jiray, maqlay waxyaalihii uu Masiixu sameynayay, wuxuu soo diray xertiisi, si ey Ciise u weydiiyaan, “Miyaad tahay Masiixa imaanaya, mise ku kale ayaan sugnaa?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ku laabta Yooxanaa oo u sheega waxaad maqasheen iyo waxaad aragteen. Indhoolayaashu waxey heleen aragoodi, kuwii curyaamada ahaana wey socdeen, kuwii baraska lahaana waa la nadiifiyay, kuwii dhagaha la’aana wax ayey maqleen, kuwii dhintayna waa la sarakiciyay, warka wanaagsanna waa loogu wacdiyay masaakiinta. Waxaana barakeysan kuwa aanan iga shakinin.” Markey xerta Yooxanaa sii baxayeen Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii kala hadlo wax ku saabsan Yooxanaa. “Nin sidee ah ayaad cidlada ugu tagteen si aad u soo aragtaan? Ma cawsduur ey dabayshu dhinac walba u ruxeyso? Haddeysan sidaas ahayn nin noocee ah ayaad cidlada ugu tagteen inaad aragtaan? Ma inaad aragtaan nin dhar wanaagsan ku labisan? Maya, waayo dadka dharka wanaagsan xirta waxey ku nool yihiin qasriyada boqorrada. Haddaba maxaad cidlada u tagteen inaad soo aragtaan? Ma waxaad u tagteen inaad nebi soo aragtaan? Haa weliba waxaan idin ku leeyahay wuu ka sareeyaa nebi. Kani waa kii uu qoraalku ka qoray isaga oo leh, “ ‘Waxaan hortaada soo diri doonaa wargeeyaheyga, kaasoo jidka kuu sii diyaarin doona inta aadan imaanin ka hor.’ Runtii waxaan idin ku leeyahay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn weli hooyo ma dhalin, laakiin kan boqortooyada jannada ugu liita ayaa isaga ka weyn. Laga soo bilaabo maalmihii Yooxanaa Baabtiisaha illaa hadda, boqortooyada jannada dagaal ayaa lagula jiray oo dad ayaa isku deyayay iney weeraraan. Kitaabada nebiyada oo dhan iyo sharciga Muuse waxey sii sheegeen waxa dhici doona illaa waqtiga Yooxanaa. Haddii aad aaminaysaanna, Yooxanaa waa nebi Eliyaaskii aad sugeyseen. Mid walboo dheggo leh ha maqlo. “Maxaan u ekeysiin karaa dadkan? Waa sida caruur meelaha suuqa ah fadhiya oo isku dhahaya, “ ‘Waxaan idiin tunnay muusig, laakiin idinkuna ma eydan ciyaarin, markaas ayaan haddana idiin barooranay, laakiin ma eydan barooran.’ Waayo Yooxanaa wuxuu yimid isaga oo aan waxna cunayn waxna cabayn, waxeyna yiraahdeen, ‘Ruuxyo wasakh leh ayuu qabaa.’ Laakiin Wiilka Aadanaha ayaa yimid isaga oo wax cunaya waxna cabaya, waxeyna yiraahdeen, ‘Waa hunguri weyne oo khamriga ayuu cabaa, wuxuu saaxiib la yahay canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha.’ Laakiin xigmadda waxaa lagu cadeeyay camalladeeda wanaagsan.” Dadkii daganaa magaalooyinkii uu Ciise ka sameeyay mucjisooyinkiisii ugu badnaa wey diideen iney Illaahey u toobadkeenaan, sidaa darteed Ciise aad ayuu uga xumaaday wuxuuna yiri, “Hoog ayaa idin sugaya dadkii Khorasinayow! Hoog ayaa idin sugaya dadkii Beytsaydayow! Waayo mucjisooyinkii la idin ka dhex sameeyay haddii lagu dhex sameyn lahaa Turos iyo Siidoon, mar hore ayey toobadkeeni lahaayeen iyagoo dhar jawaan ka sameysan xiran oo madaxana dambas marsaday. Laakiin waxaan idin ku leeyahay, maalinta wax la xukumayo Turos iyo Siidoon ayaa idin ka xukun fududaan doona. Idinkuna dadkii Kafarna’umow, ma waxaad u maleyneysaan in jannada la idiin qaadi doono? Maya, waxaa la idin ku tuuri doonaa naarta! Waayo haddii mucjisooyinkii la idin ku dhex sameeyay lagu dhex sameyn lahaa Sodom, illaa maanta wey jiri lahayd. Laakiin waxaan idin ku leeyahay, maalinta wax la xukumayo dhulka Sodom ayaa idin ka xukun fududaan doonta.” Isla waqtigaas ayuu Ciise yiri, “Aabow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kuu mahadcelinayaa, waayo waxan oo dhan waad ka qarisay kuwa xigmadda leh iyo kuwa wax bartay waxaadna u muujisay kuwan yar yar. Haa, Aabow, sidaas ayaa kaa farxisay. “Aabahay ayaa wax walba i siiyay. Cidna ma garaneyso Wiilka Aabaha maahee, sidoo kalana cidna ma garaneyso Aabaha Wiilka iyo kuwii uu doorto inuu u muujiyo maahee. “Ii imaada, kuligiin kuwiinan daalan oo culeyska wadow, waana idin nasin doonaa. Waxbarideyda qaata oo wax iga barta, waayo qalbigaygu wuu dabacsanyahay wuuna hooseeyaa, naftiinuna wey nasan doontaa. Waayo waxbarideydu wey fududahay amarradeyduna wey qafiifsanyihiin.” Maalin Sabti ah Ciise iyo xertiisi waxey dhex marayeen beer badar ah, xertiisuna wey gaajeysnaayeen waxeyna bilaabeen iney sabuulladii goostaan oo cunaan. Markey Farrisiinti arintaas arkeen ayey Ciise ku yiraahdeen, “Fiiri xertaadu waxey sameynayaan wax aan banaaneyn maalinta Sabtida in la sameeyo.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyeydan ka akhrisan qoraalka wixii Daa’uud iyo kuwii la jiray sameeyeen goortey gaajeysnaayeen? Wuxuu galay guriga Illaahey, isaga iyo kuwii la socdeyna waxey cuneen kibistii goonida loo bixiyay taas oo ey sharci u ahayd iyaga iney sameeyaan laakiin wadaaddada kaliya. Sidoo kalana miyaydnaan sharciga Muuse ka akhrinin wadaaddada macbadka ka shaqeynaya maalinta Sabtida ey jabinayaan sharciga Sabtida haddana eysan dembiile ahayn? Waxaan idin ku leeyahay, waxaa halkan jooga mid macbadka ka weyn. Haddaad ogaan lahaydeen waxey kitaabadu ula jeedeen markey dhahayeen, ‘Intaad allabariyo ii bixin lahaydeen midkiinba midka kale ha u naxariisto,’ kuwan eed la’aanta ah ma eydan xukunteen. Waayo Wiilka Aadanahu waa Sayidka Sabtida.” Ciise markii uu halkaas ka tagay wuxuu aaday sunagoggooda, waxaana halkaas joogay nin gacanta curyaan ka ahaa. Qaar Farrisiinta ka mid ah oo Ciise sabab ey ku dacweeyaan raadinaya ayaa weydiiyay, “Miyay banaantahay in Sabtida wax la bogsiiyo?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddii midkiin leeyahay lax oo ey maalin Sabti ah god kaga dhacdo, miyuusan kasoo bixin lahayn? Haddaba intee ka badan ayuu qofku ka qiimo badan yahay lax! Sidaa darteed wey banaantahay in maalinta Sabtida wax wanaagsan la sameeyo.” Kadib Ciise ninkii ayuu ku yiri, “Fidi gacantaada.” Isaguna wuu fidiyay, weyna bogsatay sida gacantiisa kale. Laakiin Farrisiintii wey tageen waxeyna bilaabeen iney qorsheeyaan sidii ey Ciise u dili lahaayeen. Markii uu Ciise ogaaday wixii ey Farrisiintu u qorshaynayeen, meeshii ayuu ka tagay dad badan ayaana raacay, wuuna bogsiiyay kuwoodi xanuusanaa oo dhan. Wuxuuna uga digay in eysan qofna u sheegin wax isaga ku saabsan. Taasina waxey ka dhabeyneysay wixii uu nebi Isayos sheegay isaga oo leh, “Waa kan adeegaheygi aan doortay, kan aan jeclahay, oo iga farxiya. Waxaan siin doonaa Ruuxeyga, wuxuuna quruumaha dhexdooda ka dhalin doonaa cadaalad. Ma murmi doono mana qaylin doono, codkiisana jidadka lagama maqli doono. Caws qaloocan xitaa ma jabin doono, liifad qiiqaysana ma damin doono, illaa uu ugu dambaynta si cadaalad ah u guuleysto. Quruumuhu magaciisa ayey rajadooda saaran doonaan.” Dad ayaa Ciise u keenay nin ruuxyo wasakh leh qaba oo indhoole ah sidoo kalana aan hadli karin, Ciisana wuu bogsiiyay, ninkiina wuu awooday inuu hadlo waxna arko. Dadkii oo dhan wey yaabeen waxeyna yiraahdeen, “Ma laga yaabaa inuu yahay Wiilkii Daa’uud?” Laakiin markey Farrisiintii arintaas maqleen ayey yiraahdeen, “Wuxuu ruuxyada wasakhda leh ku saaraa awoodda Be’elsebul oo ah amiirka ruuxyada wasakhda leh.” Ciise wuu ogaa waxey ku fikirayeen wuxuuna ku yiri, “Boqortooyo walboo iska soo horjeesata wey burburaysaa, magaalo walba iyo guri walboo iska soo horjeestana ma sii jiri doonaan. Sidaa darteed haddii Shaydaanku bixiyo Shaydaanka, wuu iska soo hor jeestay. Haddaba sidee ayey boqortooyadiisu usii jiraysaa? Haddii aan anigu ruuxyada wasakhda leh ku bixiyo awoodda Be’elsebul, dadkiinu maxey ku bixiyaan? Iyaga ayaa idin xukumi doona. Laakiin haddii aan ruuxyada wasakhda leh ku saaray Ruuxa Illaahey, haddaba boqortooyada Illaahey wey idiin timid. “Sidee ayey ku dhici kartaa in qof galo guriga nin xoog leh kadibna uu hantidiisa xado hadduusan marka hore ninka xoogga leh xirin? Kadib wax walba wuu ka dhici karaa. “Qof walboo aan ila jirin wuu iga soo horjeedaa, qof walboo aan ila ururinna wuu kala firdhiyaa. Sidaa darteed waxaan idin ku leeyahay, dembi walba iyo caay walba waa la cafin karaa, laakiin caayda la caayo Ruuxa Quduuska ah lama cafin doono. Qofkii wax ka sheega Wiilka Aadanaha waa la cafin karaa, laakiin qofkii wax ka sheega Ruuxa Quduuska lama cafin doono, waqtigan iyo waqtiga imaan doonaba. “Haddii aad mirro wanaagsan rabto geed wanaagsan abuur, haddii aad geed xun abuurto waxaad heli doontaa mirro xun, waayo geedka mirihiisa ayaa lagu gartaa. Dhasha abeesadow, sidee ayaad idinka oo shar leh wax wanaagsan ugu hadli kartaan? Waayo afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ka buuxa. Qofka wanaagsan wuxuu soo saaraa waxyaalaha wanaagsan ee qalbigiisa ku jira, qofka sharta lehna wuxuu soo saaraa waxyaalaha sharta ah ee qalbigiisa ku jira. Laakiin waxaan idin ku leeyahay maalinta wax la xukumayo, qof walba waa lagula xisaabtami doonaa hadalkii macno darada ahaa ee uu ku hadlay. Waayo hadalladaada ayaa cadayn doona inaad xaq tahay iyo in kale, hadalladaada ayaana lagugu xukumi doonaa.” Qaar ka mid ah Farrisiintii iyo macalimiinta sharciga Muuse ayaa Ciise ku yiri, “Macalinow, calaamad inaad na tusto ayaan rabnaa.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Qoom shar leh oo sino badan ayaa calaamad raba! Laakiin calaamad lama siin doono calaamaddii nebi Yoonis maahee. Waayo siduu Yoonis saddex habeen iyo saddex maalmood ugu jiray calooshii nibiriga ayuu Wiilka Aadanahuna saddex habeen iyo saddex maalmood ku jiri doonaa xudunta dhulka. Dadkii Ninewehna wey idin la istaagayaan maalinta xukunka oo idin eedeyn doonaan waayo iyagu waxey ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, bal fiiri maanta mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga. Maalintii xukunka markii la gaaro, boqoradda Koonfureed ayaa idin la istaageysa oo idin dacweyn doonta, waayo meesha dhulka ugu fog ayey kasoo safartay si ey u maqasho xigmaddii Sulaymaan. Halkanna waxaa jooga mid Sulaymaan ka weyn. “Markii ruux wasakh leh qof ka baxo wuxuu dul maraa meel qalalan isaga oo raadinaya meel uu ku nasto. Kadib ayuu isku yiraahdaa, ‘Waxaan ku laabanayaa gurigeygi aan kasoo baxay.’ Markii uu yimaado meeshii wuxuu helaa gurigii oo cidla ah oo nadiif ah oona hagaajisan. Kadibna dib ayuu u laabtaa wuxuuna soo wataa toddoba ruux oo kale oo isaga kasii xun, weyna galaan oo halkaas ayey ku noolaadaan, qofkaasna xaaladiisa dambe ayaa ka darnaata sidii uu markii hore ahaa. Sidaas ayeyna ahaan doonaan jiilkan sharta badan.” Ciise oo weli la hadlaya dadkii badnaa, ayaa waxaa banaanka soo istaagay hooyadiis iyo walaalihiis, iyagoo raba iney la hadlaan. Qof ayaana Ciise ku yiri, “Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa banaanka taagan, waxeyna rabaan iney kula hadlaan.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Yaa hooyaday ah, yaana walaalahay ah?” Kadib intuu xertiisi farta ku fiiqay ayuu yiri, “Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay. Mid walboo sameeya doonista Aabahayga jannada ku jira ayaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyadayba ah.” Isla maalintaas ayuu Ciise guriga ka baxay wuxuuna fariistay warta Galili agteeda, si uu dadka halkaas wax ugu baro. Dad badan ayaa agtiisa ku soo ururay wuxuuna fariistay doon korkeed, dadkiina waxey taagnaayeen warta qarkeeda. Kadibna waxyaalo badan ayuu tusaale ahaan ugu sheegay isaga oo leh, “Nin beeraley ah ayaa u baxay inuu abuurkiisi beerto. Intuu abuurka firdhinayay, qaar ayaa ku dhacay jidka, shimbirrihii ayaa cunay. Qaarna waxey ku dhaceen meel dhagaxyo leh oo ciiddu ku yartahay isla markiina wey soo baxeen waayo ciiddu dhulka kuma badneyn. Laakiin markii qoraxdii soo baxday, wey gubteen weyna qalaleen maxaa yeelay xidid ma lahayn. Kuwa kalana waxey ku dhaceen qodaxyo, markey soo baxeenna qodaxyadii ayey kasoo dhex bixi waayeen. Kuwa kalana waxey ku dhaceen carro fiican, taas oo soo saartay inta u dhaxaysa boqol jibaar ama lixdan jibaar ama soddon jibaar in ka badan wixii la abuuray. Mid walboo dheggo leh ha maqlo.” Xertii ayaa Ciise u yimaadeen oo weydiiyeen, “Maxaad dadka tusaale ugula hadashaa?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waayo waxaa la idin siiyay garashada sirta boqortooyada jannada, laakiin iyaga lama siin. Mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, wuxuuna haysan doonaa wax badan. Laakiin kuwa aan waxba haysan xitaa waxa yar oo ey haystaan ayaa laga qaadi doonaa. Waxaan iyaga kula hadlaa tusaale sababtoo ah, “Wey fiiriyaan laakiin wax ma arkaan, wey dhageystaan laakiin ma maqlaan mana fahmaan. Iyaga dhexdooda ayuu ku dhaboobay wixii uu sii sheegay nebi Isayos isaga oo leh, “ ‘Weligiin waxbaad maqli doontaan laakiin ma fahmi doontaan, weligiin waxbaad fiirin doontaan laakiin ma arki doontaan. Waayo dadkan qalbiyadoodu wey adkaadeen, dhagahoodu wax ma maqlaan, indhahoodana wey dabooleen. Haddeysan sidaa ahayn indhahooda ayey wax ku arki lahaayeen, dhagahoodana waxbey ku maqli lahaayeen, qalbiyadoodana waxbey ku fahmi lahaayeen weyna ii soo noqon lahaayeen oo waan bogsiin lahaa.’ Laakiin waxaa barakeysan indhihiina waayo waxbey arkaan, waxaana barakeysan dhagahiina waayo waxbey maqlaan. Runtii waxaan idin ku leeyahay, nebiyo badan iyo dad xaq ah ayaa rabay iney arkaan oo maqlaan waxa aad aragtaan oo aad maqashaan, laakiin uma suurta galin. “Haddaba dhagaysta macnaha tusaalihii ninkii beerta lahaa. Tusaalihii mirihii jidka geesihiisa ku dhacay waa dadka maqla wax ku saabsan warka wanaagsan ee boqortooyada Illaahey, laakiin aanan fahmin, waxaa u yimaada midka sharka leh wuxuuna ka qaataa warkii wanaagsanaa ee qalbigooda lagu beeray. Abuurkii meesha dhagaxyada leh ku dhacay waa dadka maqla warka wanaagsan oo isla markiina si farxad leh ku aqbala. Laakiin iimaankooda oo aan sal adag lahayn dartiis, waxey sii jiraan waqti yar. Markii dhib iyo silac yimaado ereyga dartiisna, isla markiiba iimaanka wey ka laabtaan. Miraha ku dhacay qodxaanta dhexdoodana waa dadka maqla warka wanaagsan, laakiin welwelka noloshan iyo damaca taajirnimada ayaa baabi’iya warkii wanaagsanaa, wuxuuna noqdaa mirro la’aan. Laakiin abuurkii ku dhacay carrada fiican waa dadka maqla warka wanaagsan oo fahma. Waxeyna soo saaraan boqol jibaar ama lixdan jibaar ama soddon jibaar in ka badan intii la beeray.” Ciise ayaa u sheegay tusaale kale, “Boqortooyada jannada waa sida nin beertiisa ku beeray iniin wanaagsan. Laakiin intii ey dadku hurdeen ayey cadowgiisii yimaadeen oo gocondho kaga dhex beereen sarreenkiisi weyna tageen. Markii sarreenkii soo baxay oo uu mirro dhalay ayey gocondhadiina soo muuqatay. “Markaas ayey shaqaalihii ninkii beerta lahaa u yimaadeen oo ku yiraahdeen, ‘Mudane, miyaadan iniin wanaagsan ku beerin beertaada? Haddaba xaggee ayey gocondhadu ka timid?’ “Markaas ayuu ninkii beerta lahaa ku jawaabay, ‘Cadowgayga ayaa sidan yeelay.’ “Markaas ayey shaqaalihii ninkii weydiiyeen, ‘Ma rabtaa inaan tagno oo gocondhada beerta kasoo jarno?’ “Markaas ayuu ugu jawaabay, ‘Maya ha jarina waayo waxaa laga yaabaa markaad gocondhada jaraysaan, inaad sarreenkana xididka u jartaan. Iska daaya ha isla baxaan illaa waqtiga gurashada. Markii waqtigaas la gaaro ayaan kuwa beerta goynaya ku dhihi doonaa, marka hore gocondhada gooya oo xirmo xirmo iskugu xira si loo gubo, kadibna sarreenka soo gooya oo maqsinkeyga iigu keena.’ ” Kadib Ciise tusaale kale ayuu u sheegay, “Boqortooyada jannada waa sida iniin khardal ah oo uu nin qaaday kuna beeray beertiisa. Inkastoo ey tahay iniinta ugu yar, haddana markey baxdo waa geedka ugu weyn beerta oo dhan waxaana ku soo daga shimbirraha hawada oo laamihiisa buulal ka dhista.” Haddana Ciise wuxuu u sheegay tusaale kale, “Boqortooyada jannada waa sida haweeney khamiir ku qastay labaatan iyo toddoba kiiloo bur ah illaa uu cajiinkii oo dhan ka faxay.” Ciise wuxuu dadkii badnaa waxan oo dhan ugu sheegay si tusaale ah, waxna uma uusan sheegin tusaale ahaan maahee. Sidaasna waxaa ku dhaboobay wixii lagu sheegay kitaabadii nebiyada, “Waxaan ku hadli doonaa tusaalooyin, waxaanna dhihi doonaa waxyaala qarsoonaa illaa bilowgii aduunka.” Kadib Ciise wuu ka tagay meeshii ey dadka badan joogeen wuxuuna aaday guri, xertiisi ayaa u yimaadeen waxeyna ku yiraahdeen, “Noo macnee tusaalihii gocondhadii beerta dhexdeeda ku taalay.” Markaas ayuu Ciise xertii ugu jawaabay, “Kan iniinta wanaagsan beeray waa Wiilka Aadanaha. Beertu waa aduunka, iniinta wanaagsanna waxaa laga wadaa dadka boqortooyada Illaahey. Gocondhadu waa dadka kan sharka leh, cadowga gocondhada beerayna waa ibliiska. Waqtiga gurashadu waa dhamaadka aduunyada, kuwa beerta gurayana waa malaa’igta. “Gocondhada waa la soo ururiyay waana la gubay, waana sidaas sida la yeeli doono dhamaadka aduunka. Wiilka Aadanahu wuxuu diri doonaa malaa’igtiisa, waxeyna boqortooyada Illaahey kasoo ururin doonaan qof walboo xumaan sameeya ama dadka u sababa iney dembi sameeyaan. Kadibna wuxuu ku tuuri doonaa naarta holceysa, halkaas oo ey dadku barooran doonaan ilkahana iskugu garaaci doonaan. Kadibna kuwa xaqa ah waxey boqortooyada Aabahood uga dhex iftiimi doonaan sidii qoraxdii. Mid walboo dheggo leh ha maqlo. “Boqortooyada jannada waa sida maal beer dhexdeed ku qarsoonaa oo uu nin helay, farxad darteedna uu u qariyay, kadibna intuu wuxuu lahaa oo dhan iska gaday lacagtiina beertii uu maalku ku qarsoonaa ku gatay. “Sidoo kale, boqortooyada jannada waa sida ganacsade luul wanaagsan raadinaya. Kadibna markii uu helo luul tayo wanaagsan leh, ayuu baxay oo wixii uu lahaa oo dhan iska gaday kadibna luulkii tayada lahaa gatay.” Kadib Ciise hadalkii ayuu sii waday wuxuuna yiri, “Sidoo kale boqortooyada jannada waa sida shabaag lagu tuuray badda oo soo qabatay kalluun badan oo kala nooc ah. Markey buuxsantayna kalluumaysatadii xeebta ku soo jiideen kadibna kala baxeen kalluunkii fiicnaa oo ku rideen dambiil kii xumaana tuureen. Waana sidan sida ey noqon doonto dhamaadka aduunka. Malaa’igta ayaa imaan doonta oo kala saari doonta kuwa sharta leh iyo kuwa xaqa ah, kuna tuuri doonta naarta holceysa, halkaas oo ey dadku barooran doonaan ilkahana isku qaban doonaan.” Kadib ayuu xertii weydiiyay, “Ma fahanteen hadalkan aan idin kula hadlayo?” Waxey ku yiraahdeen, “Haa.” Markaas ayuu wuxuu ku yiri, “Haddaba mid walboo sharciga Muuse macalin ku ah kaasoo xer ku noqday boqortooyada jannada waa sida nin guri leh oo maqsiinkiisa kasoo saaraya alaab qaali ah oo cusub iyo alaab duug ah.” Ciise markii uu dhameeyay sheegida tusaalayaashan, halkaas wuu ka tagay. Wuxuuna aaday magaaladii uu kasoo jeeday, wuxuu dadka wax ku barayay sunagogyadooda, aad ayeyna ula yaabeen waxeyna is weydiiyeen, “Xaggee ninkan ka helay xigmaddan iyo awoodan mucjisada leh? Kani miyuusan ahayn wiilkii faryaamoolaha? Hooyadiis magaceedu miyuusan ahayn Maryan, oo walaalihiisna eysan ahayn Yacquub, Yuusuf, Simoon iyo Yuudas? Gabdhaha walaalihiisa oo dhan soo nalama joogaan? Haddaba xaggee ayuu ninkan waxan oo dhan ka helay?” Dadkiina aad ayey uga xumaadeen wuxuu Ciise sameynayay. Laakiin Ciise ayaa ku yiri, “Nebi dad walba ayaa sharfa waxaanan ka ahayn dadka magaaladiisa iyo reerkiisa.” Halkaasna Ciise mucjisooyin badan kuma sameyn iimaankooda oo yar dartiis. Waqtigaas ayuu taliye Herodos maqlay warka ku saabsan Ciise, wuxuuna askartiisi ku yiri, “Kani waa Yooxanaa Baabtiisaha, wuxuu kasoo sarakacay dhimashada! Waana sababta uu u haysto awoodda mucjisooyinka lagu sameeyo.” Herodos horay ayuu Yooxanaa u qabtay oo ku xiray xabsi Herodiya oo ahayd xaaska walaalkiis Filibos darteed, waayo Yooxanaa ayaa isaga ku yiri, “Kuuma banaana inaad naagta walaalkaa guursatid.” Herodos wuxuu rabay inuu dilo Yooxanaa, laakiin dadka ayuu ka cabsanayay, waayo dadku waxey Yooxanaa u haysteen nebi. Markii la gaaray maalintii xuska dhalashada Herodos, gabadhii Herodiya ayaa si fiican martidii ugu ciyaartay aad ayeyna uga farxisay Herodos, markaas ayuu ku dhaartay inuu siinayo wax walboo ey weydiisato. Iyadoo ey hooyadeed horay ula soo talisay ayey tiri, “Saxan weyn iigu rid madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.” Boqorku wuu ka xumaa wuxuu ballan qaaday, laakiin ma uu rabin inuu jabiyo ballantii uu martida hortooda ku qaaday, haddaba wuxuu amray in dalabkeeda la yeelo, oo Yooxanaa madaxa xabsiga looga soo gooyo. Waxaa la keenay madixiisi oo saxan ku jira waxaana la siiyay gabadhii, iyaduna waxey u geysay hooyadeed. Xertii Yooxanaa ayaa yimaadeen oo qaateen jirkiisi weyna duugeen. Kadibna waxey u sheegeen Ciise. Markii uu Ciise maqlay dhimashadii Yooxanaa, wuxuu qaatay doon wuxuuna aaday dhinaca kale ee warta Galili si uu kaligiis u ahaado. Laakiin markey dadkii ogaadeen wey raaceen iyagoo ka kala yimid magaalooyin kala duwan. Markii uu Ciise doontii ka dagtay oo uuna arkay dadkii badnaa, wuu u naxariistay wuxuuna bogsiiyay kuwoodi xanuusanaa. Markii fiidkii la gaaray, ayey xertii Ciise u yimaadeen waxeyna ku yiraahdeen, “Meeshan waa meel cidlo ah, waqti dambe ayaana la joogaa, ee dadkan kala dir si ey tuulooyinka u tagaan oo ey cunto uga soo gataan.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Uma baahna iney tagaan. Idinku siiya waxey cunaan.” Xertii ayaa ku jawaabeen, “Waxaan halkan ku haynaa oo kaliya shan kibis iyo laba kalluun.” Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Halkan iigu keena.” Wuxuuna dadkii u sheegay iney cawska fariistaan. Ciise intuu shantii kibis iyo labadii kalluun kor u qaaday oo uu cirka fiiriyay, ayuu Illaahey u mahadceliyay wuxuuna kala googooyay kibistii. Kadibna wuxuu u dhiibay xertii, xertiina waxey sii siiyeen dadkii. Dadkii oo dhan wey cuneen weyna dhargeen, xertiina waxey soo ururiyeen laba iyo toban dambiil oo jabab kibis ah ka buuxaan. Tirada kuwa meeshaas wax ku cunay waxey ahaayeen shan kun oo nin marka laga reebo haweenka iyo caruurta. Isla markiiba Ciise wuxuu xertii ku amray iney raacaan doon oo ey kaga hor maraan dhinaca kale ee warta intuu dadkii badnaa kala dirayay. Markii uu iyaga kala diray kadib ayuu kaligii aaday buurta dhinaceeda si uu u soo duceysto. Halkaas ayuuna habeenkii intiisi badnaa kaligiis joogay, doontiina aad ayey dhulka uga fogaatay, hirarkuna wey dhibayeen waayo dabaysha ayaa celineysay. Wax yar ka hor waaberiga ayuu Ciise iyaga u tagay, isaga oo biyaha warta ku dul soconaya. Markey xertii arkeen isaga oo biyaha warta ku kor socda, aad ayey u argagaxeen, waxeyna iyagoo qaylinaya yiraahdeen, “Waa ruuxaan.” Laakiin Ciise ayaa isla markiiba ku yiri, “Ha welwelina! Waa anigee. Ha cabsanina.” Markaas ayaa Butros u jawaabay oo ku yiri, “Sayidow, haddaad adiga tahay igu amar inaan kuugu imaado biyaha korkooda.” Ciise ayaa ku yiri, “Kaalay.” Kadib Butros doontii ayuu ka dagtay, biyihii ayuuna ku dul socday wuxuuna aaday dhinicii Ciise. Laakiin markii uu dabayshii arkay ayuu cabsaday, wuxuuna bilaabay inuu quuso markaas ayuu ku qayliyay, “Sayidow, i badbaadi!” Isla markiiba Ciise intuu gacantiisa soo fidiyay ayuu qabtay wuxuuna ku yiri, “Iimaan yare yahow, maxaad u shakiday?” Markii Ciise iyo Butros doontii fuuleen dabayshiina wey dagtay. Kadibna kuwii doonta saarnaa ayaa Ciise u sujuuday iyagoo leh, “Runtii waxaad tahay Wiilka Illaahey.” Ciise iyo xertiisi markey u gudbeen dhinaca kale, waxey yimaadeen dhulka Gennesared. Nimankii meeshaasna markey aqoonsadeen Ciise, ayey fariin u direen dhulalkii u dhawaa oo dhan. Waxeyna Ciise u keeneen dadkii xanuusanaa oo dhan waxeyna ka baryeen iney darafka maradiisa oo kaliya taabtaan, kuwii taabteyna wey bogsadeen. Waqtigaas qaar Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga Muuse ka mid ah ayaa Ciise uga yimid Yeruusaalem oo weydiiyay, “Maxeysan xertaadu u jibiyaan dhaqanka odayaasha? Waayo ma dhaqaan gacmahooda inta eysan wax cunin ka hor!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Idinku maxaad amarrada Illaahey u jabisaan idinka oo raacaya dhaqamadiina? Waayo Illaahey wuxuu yiri, ‘Aabahaa iyo hooyadaa xushmee’ iyo ‘Qofkii caaya aabihiis ama hooyadiis waa in la dilaa.’ Laakiin waxaad dhahdaan ma banaana in qof uu siiyo hooyadiis iyo aabihiis maalkiisa hadduu ku yiraahdo ‘Illaahey ayaan hadiyad ugu baxsaday wixii aan idin siin lahaa.’ Miyeydan u jabinin ereyga Illaahey caadadiina darteed. Labawejiilayaal yahow! Nebi Isayos wuu saxsanaa markii uu sii sheegay waxa idin ku saabsan, “ ‘Dadkan waxey igu qadariyaan afkooda, laakiin qalbiyadoodu aad ayey iiga fog yihiin. Si been ah ayey ii caabudaan, waxeyna dadka baraan amarro binu aadanku sameeyay.’ ” Kadib Ciise intuu dadkii badnaa iskugu yeeray ayuu ku yiri, “Waxaan idinku leeyahay dhageysta oo fahma. Dadka waxey afka ka cunaan ma nijaaseeyo, laakiin waxa afkooda kasoo baxa ayaa nijaaseeya.” Kadib Ciise waxaa u yimid xertiisi oo weydiiyeen, “Miyaad ogtahay iney Farrisiintu xanaaqeen markey arintan maqleen?” Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Geed walboo uusan Aabahayga jannada ku jira abuurin waa la rujin doonaa. Iska dhaafa waayo iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal kale hogaaminaya, markii uu indhoole hogaamiyo indhoole kale iyagoo dhan hog ayey ku wada dhacaan.” Markaas ayuu Butros Ciise ku yiri, “Tusaalaha noo macnee.” Ciise ayaa weydiiyay, “Ilaa hadda waxa aan ku hadlayo ma eydan fahmin miyaa? Miyeydan ogayn in wax walboo afka galaa ey caloosha tagaan kadibna suuliga la geeyo? Laakiin waxa qofka afkiisa kasoo baxa waxey ka yimaadaan qalbigiisa, waxaas ayaana nijaaseeya. Waxaa qalbiga kasoo baxa fikiradaha sharta leh, dilka, sinada, gogol dhaafka, tuuganimada, marqaatifurka beenta ah iyo caayda. Waxyaalahan ayaa qofka nijaaseeya, laakiin gacan aan la dhaqin oo wax lagu cuno qofka ma nijaaseyso.” Ciise halkaas wuu ka tagay wuxuuna aaday dhulka Turos iyo Siidoon. Waxaana halkaas ugu timid haweeney reer Kancaan ah oo ku qaylineysa, “Sayidow, Wiilkii Daa’uudow, ii naxariiso! Gabadheydi ayaa ruux wasakh leh ku jira aad ayeyna u dhibaatooneysaa.” Laakiin Ciise uma uusan jawaabin haweeneydii. Markaas ayaa xertiisi u yimaadeen oo baryeen iyagoo leh, “Iska dir oo waxey rabto u samee waayo wey naga daba qaylineysaa.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaa la ii soo diray oo kaliya idihii lumay ee reer binu Israa’iil.” Markaas ayaa haweeneydii timid oo Ciise ku hor sujuuday iyadoo leh, “Sayidow, i caawi!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma wanaagsana in caruurta kibistooda laga qaado oo loo tuuro eeyaha.” Markaas ayey haweeneydii ku tiri, “Haa waa run Rabbiyow, xitaa eeyuhu waxey cunaan jababka kasoo dhaca miiska sayidkooda.” Kadib Ciise ayaa ugu jawaabay, “Marwayahay, waxaad leedahay iimaan weyn! Waxaad codsatayna waa laguu yeelay.” Isla markiiba gabadheedi wey bogsatay. Ciise halkaas wuu ka tagay wuxuuna aaday dhinaca badda Galili, kadibna wuxuu fuulay buur oo fariistay. Markaas ayaa waxaa u yimid dad badan, waxeyna u keeneen kuwo curyaan ah, kuwo indhoolayaal ah, kuwo aan hadli karin, kuwo luga la’ iyo kuwa kaloo badan, waxeyna seexiyeen lugihiisa wuuna bogsiiyay. Dadkii wey yaabeen markey arkeen kuwii aan hadli karin oo hadlaya, kuwii curyaanka ahaa oo la bogsiiyay, kuwii lugaha la’aa oo soconaya iyo indhoolayaashii oo wax arkaya, qof walbana wuxuu ammaanayay Illaaha reer binu Israa’iil. Markaas ayaa Ciise iskugu yeeray xertiisi oo ku yiri, “Dadkan badan ayaan u naxariisanayaa, waayo saddex maalmood ayey ila joogeen oo waxey cunaanna ma haystaan. Ma rabo inaan diro iyagoo gaajeysan, waxaa laga yaabaa iney jidka ku dhacaan.” Xertii ayaa ugu jawaabeen, “Meeshan waa meel cidlo ah xaggeen ka keennaa cunto ku filan oo aan dadkan siino?” Ciise ayaa ku jawaabay, “Meeqa kibis ayaad haysaan?” Waxey ku jawaabeen, “Toddobo kibis iyo xoogaa kalluun yar yar ah.” Markaas ayuu Ciise dadkii badnaa ku amray iney dhulka fariistaan. Kadibna wuxuu qaaday toddobadii kibis iyo kalluunkii, oo markii uu Illaahey u mahadceliyay kadib ayuu kala googooyay wuxuuna u dhiibay xertiisi, iyaguna waxey sii siiyeen dadkii badnaa. Iyagoo dhan wey cuneen weyna dhargeen. Kadibna xertii waxey soo ururiyeen toddoba dambiil oo jajab la soo reebay ah. Tirada dadka meeshaas wax ku cunay waxey ahaayeen afar kun oo nin, marka laga reebo haweenka iyo caruurta. Kadib markii uu Ciise kala diray dadkii badnaa wuxuu fuulay doon wuxuuna aaday deegaanka Magadan. Farrisiintii iyo Sadukiintii ayaa Ciise ugu yimid iney tijaabiyaan, waxey doonayeen inuu tuso calaamad xagga samada ka timid. Ciise ayaa ugu jawaabay, “Markii uu cirku guduudanyahay fiidkii waxaad tiraahdaan, ‘Waxey noqon doontaa maalin wanaagsan waayo cirku wuu guduudanyahay,’ subixii markii uu cirku guduudanyahay oo kacsanyahayna waxaad tiraahdaan, ‘Maanta waxey noqon doontaa maalin dabayl iyo roob leh waayo cirku waa guduud wuuna kacsanyahay.’ Waad kala garaneysaan muuqashada cirka laakiin ma garaneysaan calaamadaha Illaahey ee dhacaya waqtigiinan. Qoom shar leh oo sino badan ayaa calaamad raba! Laakiin calaamad lama siin doono aan ahayn calaamaddii Yoonis.” Kadib Ciise wuu iska dhaafay iyaga wuuna ka tagay. Ciise iyo xertiisi markey u gudbeen dhinicii kale ee warta xertii waxey illoobeen iney kibis sii qaataan. Ciise ayaa iyagii ku yiri, “Iska jira oo iska ilaaliya khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta.” Markaas ayey xertii dhexdooda iskala hadleen arintan oo yiraahdeen, “Sababta uu Ciise sidan u leeyahay waa kibistii aanan soo qaadan awgeed.” Ciise oo fahmay waxey iskula hadlayeen ayaa ku yiri, “Iimaan yarayaal yahow, maxaad iskula hadleysaan kibista eydan haysan darteed? Weli wax ma eydan fahmin miyaa? Miyeydan xasuusan shantii kibis ee ey shanta kun oo qof cuneen iyo meeqa dambiil oo jajab ka buuxo ayaad ururiseen? Ama ma xasuusataan miyaa toddobadii kibis ee ey afartii kun oo qof cuneen iyo intii dambiil oo jababka ahaa ee aad soo ururiseen? Sidee ayaad u fahmi weydeen in aanan idin kala hadleyn kibis? Laakiin iska ilaaliya khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta.” Markaas kadib ayey xertii fahmeen in Ciise uusan iyaga kala hadleyn iney iska ilaaliyaan khamiirka ku jira kibistii ey soo illoobeen, laakiin uu kala hadlayay iney iska ilaaliyaan waxbaridda Farrisiinta iyo Sadukiinta. Markii uu Ciise yimid deegaanka Kaysariya Filibos, ayuu xertiisi weydiiyay, “Dadku yey ku sheegaan Wiilka Aadanaha?” Waxey ku jawaabeen, “Qaarkood waxey dhahaan waxaa tahay Yooxanaa Baabtiisaha, kuwa kalana waxey dhahaan Eliyaas, qaar kalana waxey dhahaan waa Yeremyaah ama nebi nebiyada ka mid ah.” Markaas ayuu Ciise xertii weydiiyay, “Laakiin idinku yaad igu sheegtaan?” Simoon Butros ayaa ugu jawaabay oo yiri, “Waxaad tahay Masiixa, Wiilka Illaaha nool.” Markaas ayuu Ciise Butros ku yiri, “Waad barakeysan tahay Simoon ina Yoonisow, waayo arintan binu aadan kuuma muujinin, laakiin waxaa kuu muujiyay Aabahayga jannada ku jira. Waxaanna kugu leeyahay waxaa tahay Butros oo macnahiisu yahay dhagax, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kaniisadayda, albaabada naartana kaama hor imaan doonaan. Waxaan ku siin doonaa furayaasha albaabada boqortooyada jannada, wax walboo aad dhulka ka diidaan jannadana waa laga diidi doonaa, wax walboo aad dhulka ka ogolaataanna jannada waa laga ogolaan doonaa.” Kadib Ciise wuxuu xertiisi ku amray in eysan qofna u sheegin inuu Masiixa yahay. Waqtigaas laga bilaabo Ciise wuxuu bilaabay inuu xertiisi u sharaxo waxa ku dhici doona oo ah inuu Yeruusaalem tago oo uu si xun ugu silco gacanta odayaasha, gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga, iyo in la dili doono maalinta saddexaadna uu soo sarakici doono. Markaas ayuu Butros Ciise gooni ula baxay oo la canaantay wuxuuna ku yiri, “Lagama yaabo Sayidow, arintaas weligeed kugu dhici mayso!” Ciise ayaa u jawaabay oo Butros ku yiri, “Dib iiga leexo Shaydaan yahow! Aqabad aan ku turunturoodo ayaad igu tahay, waayo fikiradahan kama yimaadaan Illaahey xaggiisa ee waxey ka yimaadaan dabeecada binu aadanka.” Kadib ayuu Ciise xertiisi ku yiri, “Mid walboo xerteyda noqon raba waa inuu is nacaa oo iskutallaabtiisa soo qaataa oona isoo raacaa. Waayo qofkii raba inuu naftiisa badbaadiyo wuu lumin doonaa, laakiin qofkii naftiisa u lumiya aniga dartey wuu heli doonaa. Qof maxey u tari doontaa hadduu aduunka oo dhan helo, laakiin uu nafsadiisa lumiyo? Ama muxuu qof ku bedelan karaa nafsadiisa? Waayo Wiilka Aadanahu wuxuu ku imaan doonaa ammaanta Aabihiis isaga oo ey malaa’igtiisu la socdaan, kadibna qof walba wuxuu ku abaalmarin doonaa wuxuu sameeyay. “Runtii waxaan idin ku leeyehay, qaar idin ka mid ah oo halkan taagan dhimashada ma arki doonaan illaa inta eysan arkin Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imaanaya.” Lix maalmood kadib Ciise wuxuu kaxaystay Butros, Yacquub iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, wuxuuna geeyay buur dheer korkeed halkaas oo ey kaligood ku ahaayeen. Hortooda ayuuna ku beddelmay, wejigiisuna wuxuu u dhalaalay sidii qoraxdii, dharkiisuna waxey u caddaadeen sidii iftiinkii. Isla markiina waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo Ciise la hadlaya. Markaas ayuu Butros Ciise ku yiri, “Sayidow, wey wanaagsan tahay inaan halkan sii joogno. Ii ogolow inaan saddex teendho dhiso, mid adiga ayaa leh, midna Muuse midna Eliyaas.” Butros oo weli hadlaya, ayaa waxaa iyagii daboolay daruur dhalaalaysa, cod ayaana daruurta ka dhex dhawaaqay oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga aan jeclahay, waana ka raali noqday ee isaga dhagaysta!” Markey xertii hadalkaas maqleen, dhulka ayey weji weji ugu dhaceen, iyagoo argagaxsan. Laakiin Ciise ayaa u yimid oo taabtay, wuxuuna ku yiri, “Kaca! Ha cabsanina.” Markey indhahoodi kala fureen waxey arkeen Ciise kaliya. Markey buurta kasoo dagayeen Ciise wuxuu xertii ku amray oo ku yiri, “Waxaad aragteen qofna ha u sheegina, illaa Wiilka Aadanaha dhimashada laga soo sarakiciyo.” Xertii ayaa Ciise weydiiyeen, “Haddaba macalimiinta sharciga Muuse maxey u yiraahdaan Eliyaas waa inuu Masiixa kasoo hormaraa?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waa runtood, Eliyaas wuu imaanayaa wax walbana wuu hagaajin doonaa. Laakiin waxaan idin ku leeyahay, Eliyaas wuuba yimid mana eysan garan, wax walboo ey doonayeenna wey ku sameeyeen. Sidaas oo kale ayeyna Wiilka Aadanaha gacantooda ugu silcin doonaan.” Kadib xertii waxey fahmeen qofka uu Ciise ka hadlayo inuu yahay Yooxanaa Baabtiisaha. Markey Ciise iyo xertiisi dadkii badnaa ku soo laabteen, ayaa waxaa Ciise u yimid nin oo hortiisa ku sujuuday, wuxuuna ku yiri, “Sayidow, wiilkeyga u naxariiso, wuxuu qabaa suuxdin aad buuna u dhibaataysan yahay, mararka qaar wuxuu ku dul dhacaa dab ama biyo. Waxaan u keenay xertaada, laakiin wey bogsiin waayeen.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dad yahow aan iimaanka lahayn, illaa goorma ayaan idin la joogi doonaa, oo illaa goorma ayaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilka halkan iigu keena.” Ciise wuxuu canaantay ruuxyadii wasakhda lahaa, weyna kasoo baxeen wiilkii, isla markiina wuu bogsaday. Kadib xertii ayaa Ciise si gooniya ugu yimaadeen oo weydiiyeen, “Maxaanu inagu u awoodi weynay inaan ruuxyada wasakhda leh bixino?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Iimaankiina oo yar darteed ayaad ruuxyada wasakhda leh u bixin waydeen. Runtii waxaan idin ku leeyahay, haddii aad lahaan lahaydeen iimaan sida iniinta khardalka u yar, waxaad ku dhihi lahaydeen buurtan, ‘Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag,’ weyna dhaqaaqi lahayd, oo waxba idin kuma adkaan lahayn. [ Laakiin ruuxyada wasakhda leh oo noocaan oo kale ah, waxaa lagu saari karaa oo kaliya inaad soonka iyo salaadda badsataan.” ] Markey Ciise iyo xertiisi Galili joogeen ayuu ku yiri, “Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelin doonaa dad. Weyna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la soo sarakicin doonaa.” Xertii markey hadalkaas maqleen aad ayey u murugoodeen. Kadib markey Ciise iyo xertiisi yimaadeen Kafarna’um, ayaa waxaa Butros u yimid kuwii qaadi jiray labada dirham ee canshuurta macbadka waxeyna weydiiyeen, “Macalinkiinu ma bixiyo miyaa canshuurta macbadka?” Markaas ayuu Butros ku jawaabay, “Haa, wuu bixiyaa.” Markii uu Butros guriga soo galay Ciise ayaa weydiiyay, isaga oo leh, “Maxey kula tahay Simoonow? Boqorrada aduunku yey canshuurta ka qaadaan? Ma wiilashooda mise dadka kale?” Markaas ayuu Butros ku jawaabay, “Dadka kale.” Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Haddaba wiilashoodu kuma jiraan dadka canshuurta bixinaya. Laakiin si aanan dhibaato u sababin, warta tag oo maqaalintaada ku tuur kadibna kalluunka ugu horeeya ee aad qabataan afkiisa kala fur, waxaadna ka heli doontaa afar dirham, kuwa canshuurta qaada sii waa canshuurtayda iyo tiina.” Markii uu Ciise la hadlay Butros kadib ayey xertii u yimaadeen oo waxey weydiiyeen, “Haddaba yaa ugu weyn boqortooyada jannada?” Kadib Ciise wuxuu u yeeray cunug yar wuxuuna istaajiyay agtiisa. Kadibna wuxuu iyagii ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, illaa aad isbadashaan oo aad ka noqotaan sida caruurta yar yar oo kale maahee, ma gali doontaan boqortooyada jannada. Laakiin qofkii isku hooseysiiya sida caruurta yar yar, ayaa noqon doona kan ugu weyn boqortooyada jannada. Qofkii magacayga ku soo dhaweeya caruurtan mid ka mid ah aniga ayuu isoo dhaweeyay. “Haddii qof uu u sababo mid ka mid ah kuwan yar yar oo i aaminsan iney dembi galaan, waxaa u dhaami doonta in badda lagu tuuro isaga oo uu dhagax weyn qoortiisa ku xiranyahay. Hoog ayaa u sugnaaday aduunka, waxyaalaha keena dadku iney turunturoodaan! Waxyaalahaas wey imaan doonaan, laakiin waa u hoog qofka ey xaggiisa ka yimaadaan. Haddii gacantaadu ama cagtaadu xumaan kuu keeneyso iska jar oo tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad nolosha weligeed ah adiga oo curiyaan ah gashid intii naarta lagugu tuuri lahaa adiga oo laba gacmood iyo laba cagood leh. Haddii ishaada xumaan kuu keeneyso iska saar oo tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad nolosha weligeed ah gashid adiga oo hal il leh intaad adiga oo laba indhood leh naarta lagugu tuuri lahaa. “Iska ilaaliya inaad yastaan mid ka mid ah carruurtan yar yar. Waayo waxaan idin ku leeyahay, malaa’igtooda jannada ku jirta ayaa mar walba wajiga Aabahayga jannada ku jira fiirinaya. [ Waayo Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu badbaadiyo kuwa lunsan. ] “Maxey idin la tahay, nin hadduu boqol ido leeyahay, oo hal lax ka lunto, miyuusan sagaal iyo sagaashanka haray cidlo kaga tagayn oo uusan laxdii luntay raadineyn? Markii uu helana, runtii waxaan idin ku leeyahay halkaas lax ayaa uga farxad badan sagaal iyo sagaashankii aan lumin. Sidaas si la mida ayuusan Aabihiinna jannada ku jiraa u rabin in mid ka mid ah caruurtan lumo.” Ciise hadalkii ayuu sii waday wuxuuna yiri, “Haddii qof walaalaha ka mid ah kugu qaldamo, qaladka uu kaa galay si gooni ah ugu sheeg. Haddii uu qaato qaladkiisa, waad ku guuleysatay walaalkaa. Laakiin hadduu qaladkiisa qaadan waayo, u kaasho hal ama laba qof oo walaalaha ka mid ah, waayo kitaabku wuxuu leeyahay, ‘arin walba waa in laba ama saddex qof marqaati ka ahaadaan.’ Hadduu weli walaalaha maqli waayo kaniisadda u sheeg, haddii uu xitaa kaniisadda wax ka maqli waayo ula dhaqan sidii dadka aan Illaahey garaneyn ama canshuur qaadayaasha oo kale. “Runtii waxaan idin ku leeyahay wax walboo aad dhulka ka diidaan jannadana waa laga diidi doonaa, wax walboo aad dhulka ka ogolaataanna jannada waa laga ogolaan doonaa. “Runtii waxaan kaloo idin ku leeyahay, haddii laba idin ka mid ah arin ku heshiiyaan aduunka oo ey Illaahey ka baryaan, Aabahayga jannada ku jira wuu u oofin doonaa. Waayo meesha ey laba ama saddex qof magaceyga ugu kulmaan, waan la joogi doonaa.” Kadib Butros ayaa Ciise u yimid oo weydiiyay, “Sayidow, meeqa jeer ayaan walaalkey ama walaashey cafiyaa hadday igu qaldamaan? Ma waxaan cafiyaa illaa toddobo jeer?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaan kuu sheegayaa toddobo jeer oo kaliya ma cafinaysid ee waxaad cafinaysaa toddobaatan iyo toddobo jeer. “Sidaa darteed, boqortooyada jannada waa sida boqor rabay inuu xisaab xir ku sameeyo adoomadii uu deynta ku lahaa. Markii uu bilaabay xisaab xirkii ayaa loo keenay nin uu ku lahaa deyn malaayiin doolar ah. Ninkiina ma awoodin inuu lacagtaas oo dhan bixiyo, kadib sayidkii wuxuu amray in isaga iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo wax walboo uu leeyahay la gado kadibna deynta lagu bixiyo. “Markaas ayaa adeegihii jilba jabsaday boqorkii hortiisa oo baryay isaga oo leh, ‘Ii dulqaado, wax walba waan bixin doonaa.’ Adoonkii sayidka ayaa u naxariistay ninkii, deyntiina wuu u dhaafay wuuna cafiyay. “Laakiin markii uu adeegihii banaanka u baxay ayuu arkay adoon kale oo uu ku lahaa xoogaa doolar ah, intuu qabtay ayuu ceejiyay wuxuuna ku yiri, ‘Isii lacagta aan kugu leeyahay.’ “Adeegihii deynta lagu lahaa ayaa jilbaha dhulka dhigtay oo baryay adoonkii kale isaga oo leh, ‘Ii dulqaado, wax walba waan bixin doonaa.’ “Laakiin kii deynta lahaa wuu diiday inuu u naxariisto wuxuuna ku xiray xabsi illaa uu deynta lagu leeyahay ka bixiyo. Markey adoomadii kale arkeen wixii dhacay wey ka xanaaqeen, waxeyna u tageen sayidkii oo ey u sheegeen wixii dhacay. “Kadib sayidkii ayaa u yeeray adeegihii wuxuuna ku yiri, ‘Adeega yahow sharka badan, waan kuu cafiyay deyntaadi oo dhan waayo waad i bariday. Miyaysan ahayn inaad ugu naxariisato adeegaha kula shaqeeya sidii aan kuugu naxariistay?’ Kadibna xanaaq dartiis ayuu sayidkiisi askarta ugu dhiibay adeegihiisi si xabsiga loo galiyo oo loo ciqaabo, illaa uu deynta lagu leeyahay ka bixiyo. “Sidaas ayuuna idin kula dhaqmi doonaa Aabahayga jannada ku jira illaa aad walaalihiin qalbiga ka cafisaan.” Markii uu Ciise hadalkiisi dhameystay ayuu ka tagay Galili, wuxuuna aaday deegaanka Yahuudiya oo ah dhinaca kale ee webi Urdun. Waxaana soo raacay dad badan, halkaasuuna ku bogsiiyay. Markaas ayaa qaar ka mid ah Farrisiintii u yimaadeen Ciise si ey u tijaabiyaan waxeyna weydiiyeen, “Ma banaantahay in ninku uu ku furo xaaskiisa sabab kasta?” Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Miyeydan ogayn in bilowgii Illaahey abuuray nin iyo naag, uuna yiri, ‘Sababtaas darteed ninku wuxuu ka tagi doonaa aabihiis iyo hooyadiis wuxuuna la midoobi doonaa xaaskiisa, labadooduna waxey noqon doonaan hal jir’? Haddaba laba ma kala aha, laakiin waxey isku yihiin hal jir. Sidaa darteed wax uu Illaahey hal ka dhigay qofna yuusan kala kaxayn.” “Maxay Haddaba,” u weydiiyeen, “Miyuu Muuse amray in ninku xaaskiisa siiyo warqadda furitaanka oo uu iska diro?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Qalbiyadiina adag dartood ayuu Muuse idiin kugu baneeyay inaad naagihiina furtaan. Laakiin bilowgii Illaahey muusan rabin. Waxaan idin ku leeyahay mid walboo xaaskiisa fura, iney sineysatay aawadeed maahee, oo guursada haweeney kale wuu sineystay.” Kadib xertii ayaa Ciise ku tiri, “Haddii xaaladda ninka iyo naagta is qaba ey sidan tahay, waxaa ka wanaagsan in aan la guursan.” Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Dadka oo dhan ereygan ma wada aqbali karaan, laakiin waxaa aqbali kara oo kaliya kuwa la siiyay awoodda ey doob ku ahaadaan. Dadka qaar ma guursan karaan cilad ey ku dhasheen awgeed, qaar kalana ma guursan karaan jirkooda oo la dhufaanay awgeed, qaar kalana boqortooyada jannada darteed ayeysan u guursan. Qofkii raba inuu arintan aqbalo ha aqbalo.” Kadib dad ayaa u keenay Ciise caruur yar yar si uu gacantiisa madaxa uga saaro oo u barakeeyo. Laakiin xertii ayaa iyaga canaantay. Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Daaya caruurta yar yar ha ii yimaadaane, hana celinina, waayo boqortooyada jannada waxaa leh iyagoo kale.” Ciise markii uu caruurtii gacmihiisa madaxa ka saaray kadib ayuu halkaas ka tagay. Isla markiiba nin ayaa Ciise u yimid oo weydiiyay, “Macalinow, maxaa wanaag ah oo aan sameeyaa si aan nolosha weligeed ah u helo?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Maxaad ii weydiineysaa waxa wanaagsan? Kan wanaagsan waa Illaahey oo kaliya. Haddii aad rabto inaad nolosha weligeed ah hesho amarradiisa ilaali.” Ninkii ayaa yiri, “Kuwee ayaan ilaaliyaa.” Ciise ayaa ku yiri, “ ‘Waa in aadan qof dilin, waa in aadan sineysan, waa in aadan wax xadin, waa in aadan marqaati been ah furin, Aabahaa iyo hooyadaa qadari, deriskaagana u jeclow sidaad naftaada u jeceshahay.’ ” Ninkii dhalinyarada ahaa ayaa ku jawaabay, “Kuwan oo dhan waan ilaaliyay, maxaa kale oo aan sameeyaa?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddii aad rabto inaad wanaagsanaato, tag oo gad hantidaada kadibna masaakiinta sii, waxaadna hanti ku lahaan doontaa jannada. Kadib kaalay oo isoo raac.” Markii uu ninkii dhalinyarada ahaa maqlay hadalkaas, wuu tagay isaga oo murugaysan, waayo wuxuu lahaa maal badan. Kadib Ciise ayaa ku yiri xertiisa, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, wey adagtahay in qof hanti leh uu galo boqortooyada jannada. Waxaan kale oo aan idin ku leeyahay, inuu qof hanti leh galo boqortooyada Illaah waxaa ka fudud inuu neef geel ah dhex maro cirbad duleelkeed.” Markey xertii arintaas maqleen aad ayey ula yaabeen, waxeyna Ciise weydiiyeen, “Haddaba yaa badbaadi kara?” Ciise ayaa intuu iyaga fiiriyay ku yiri, “Binu aadanka agtooda arintan macquul kama aha, laakiin Illaahey xaggiisa wax walba suurtagal ayey ka yihiin.” Butros ayaa ku jawaabay, “Wax walba waan kasoo tagnay si aan kuu raacno! Haddaba maxaan heli doonnaa?” Ciise ayaa ku jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, marka wax walba la cusbooneysiinayo, oo uu Wiilka Aadanahu carshigiisa ammaanta leh ku fadhiyo, kuwiinan isoo raacay waxaad sidoo kale ku fariisan doontaan laba iyo toban carshi, idinka oo xukumaya laba iyo tobanka qabiil ee reer binu Israa’iil. Qof walboo aniga dartey uga soo tagay guri ama walaalo wiilal ah ama walaalo gabdho ah ama aabe ama hooyo ama xaas ama caruur ama beero wuxuu heli doonaa boqol jibaar wixii uu kasoo tagay wuxuuna dhaxli doonaa nolosha weligeed ah. Laakiin kuwo badan oo sareeya wey hooseyn doonaan kuwo badan oo hooseeyana wey sareeyn doonaan. “Boqortooyada jannada waa sida nin dhul leh oo aroortii tagay si uu shaqaale ugu raadiyo beertiisa canabka ah. Wuxuu kula heshiiyay inuu maalintii siiyo hal diinaar, wuxuuna u diray beertiisi si ey uga shaqeeyaan. “Mar ey tahay saddex saac oo subaxnimo ayuu haddana baxay wuxuuna arkay kuwa kale oo suuqa taagan oo shaqo la’aan ah. Markaas ayuu ku yiri, ‘Idinkuna taga beertayda oo ka shaqeeya, waxaanna idin siin doonaa wax kasta oo sax ah.’ Kadibna beerta ayey aadeen. “Haddana lix saac oo duhurnimo iyo sagaal saac oo galabnimo ayuu baxay, mar walbana shaqaale ayuu beerta ku soo kordhiyay. Haddana kow iyo toban saac oo galabnimo ayuu baxay wuxuuna arkay kuwa kale oo suuqa taagan, markaas ayuu weydiiyay, ‘Maxaad maanta oo dhan halkan u taagneydeen idinka oo aan waxba qabaneyn?’ “Markaas ayey ku jawaabeen, ‘Waayo qofna shaqo nooma dirsan.’ “Markaas ayuu ku yiri, ‘Idinkuna taga oo beertayda ka shaqeeya.’ “Markii fiidkii la gaaray, ayuu ninkii beerta lahaa u yeeray madaxii shaqaalaha wuxuuna ku yiri, ‘U yeer shaqaalaha siina mushaharkooda, adigoo ka bilaabaya kii ugu dambeeyay ee shaqada yimid una dambaysiinaya kii ugu horeeyay ee shaqada yimid.’ “Markey yimaadeen kuwii la shaqaaleysiiyay kow iyo toban saac oo galabnimo, ayaa waxaa la siiyay hal diinaar midkiiba. Haddaba markey yimaadeen kuwii ugu horeeyay ee la shaqaaleysiiyay, waxey u maleynayeen iney wax kuwa kale ka badan heli doonaan. Laakiin mid walboo iyaga ka mid ah wuxuu helay hal diinaar. Waxey qaateen iyagoo ku gunuunacaya ninkii beerta lahaa. Waxey yiraahdeen, ‘Kuwan gadaal ka yimid waxey shaqeeyeen oo kaliya hal saac, waadna na la sintay inagu oo qoraxda ku shaqeyneynay maalintii oo dhan shaqada culeyskeedina qabanay.’ “Laakiin wuxuu ugu jawaabay midkood, ‘Saaxiib xaqdaro idin kuma sameyn. Miyaanan idin kula heshiin inaad iigu shaqeysaan hal diinaar? Mushaharkaaga qaado oo tag. Waxaan rabaa inaan midkii ugu dambeeyay ee la shaqaaleysiiyay siiyo wax la mida waxaan adiga ku siiyay. Miyaan xaq u lahayn inaan lacagtayda waxaan rabo ku sameeyo? Mise waxaad ka xun tahay inaan deeqsi ahay?’ “Haddaba kuwa sareeya wey hooseyn doonaan kuwa hooseeyana wey sareeyn doonaan.” Intuu Ciise Yeruusaalem usii socday, ayuu laba iyo tobankii xertiisa ahaa gooni ula baxay wuxuuna ku yiri, “Waxaan u soconaa Yeruusaalem, Wiilka Aadanahana waxaa loo gacangelin doonaa gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse. Waxey ku xukumi doonaan dil Waxaana loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn si ey u bahdilaan oona garaacaan oo iskutallaabta loogu qodbo. Saddex maalmood kadibna wuu soo sarakici doonaa!” Kadib waxaa Ciise u yimid wiilashii Sebedi hooyadood oo ey wiilasheedi la socdaan, weyna u sujuuday iyadoo wax ka baryaysa. Ciise ayaa ku yiri, “Maxaad rabtaa?” Markaas ayey ku tiri, “U ogolow in labadeydan wiil ey kaa kala fariistaan gacantaada midigta kan kalana fariisto bidixda boqortooyadaada dhexdeeda.” Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Ma garaneysaan waxaad weydisaneysaan, miyaad ka cabi kartaan koobka aan ka cabi doono?” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Waan awoodnaa.” Ciisana wuxuu iyagii ku yiri, “Runtii waad ka cabi doontaan koobkeyga silaca ah, laakiin inaad midigtayda ama bidixdayda fariisataan anigu ma idiin ogolaan karo. Boosaskaas waxaa leh kuwa uu Aabahay u diyaariyay.” Markey tobankii kale ee xerta ahaa arintan maqleen, aad ayey uga xanaaqeen waxey labadii walaalaha ahaa sameeyeen. Laakiin Ciise ayaa iskugu yeeray oo ku yiri, “Waad garaneysaan sida ey boqorrada dadka aan Yuhuudda ahayn ugu taliyaan dadkooda, iyo sida ey madaxdu dadka awood ugu taliyaan. Laakiin idinku sidaas ha u dhaqmina. Qofkii raba inuu madax noqdo waa inuu dadka u adeego, qofkii raba inuu ugu hormarana waa inuu adoon oo kale idiin noqdo. Sida uusan Wiilka Aadanahu ugu imaan in loo adeego, laakiin inuu adeego, iyo inuu naftiisa u huro si uu kuwo badan u badbaadiyo.” Markey Ciise iyo xertiisa Yerixoo kasii baxayeen, waxaa Ciise raacay dad badan. Laba nin oo indha la’ ayaa jidka dhiniciisa fadhiyay, oo markey maqleen inuu Ciise meesha marayo ayey qayliyeen, iyagoo leh, “Sayidow, ina Daa’uudow, noo naxariiso!” Dadkii ayaa canaantay oo u sheegay iney aamusaan, laakiin aad ayey usii qayliyeen iyagoo leh, “Sayidow, Wiilkii Daa’uudow, noo naxariiso!” Ciise ayaa joogsaday oo ku yiri, “Maxaad rabtaan inaan idiin sameeyo?” Waxeyna ku jawaabeen, “Sayidow, waxaan rabnaa inaan wax aragno.” Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay. Isla markii ayey wax arkeen weyna raaceen. Markey u soo dhawaadeen Yeruusaalem oo ey yimaadeen Beytfaage Buur Saytuun agteeda, ayuu Ciise diray laba ka mid ah xertiisi, isaga oo ku yiri, “Tuulada idin ka horaysa taga, waxaadna arki doontaan dameer halkaas ku xiran, oo uu ilmaheedi la joogo. Xarigga kasoo fura oo ii keena. Haddii qof idin weydiiyo maxaad xarigga uga furaysaan, waxaad ku tiraahdaan Sayidka ayaa u baahan, wuuna soo celin doonaa.” Arintaanna waxey u dhacday si ey u dhabowdo wixii kitaabkii nebiga lagu sheegay, “Gabadha Siyoon ku dhaha, ‘Fiiri, boqorkaagi wuu kuu imaanayaa, isaga oo qalbi dabacsan oo dameer saaran, wuxuu imaanayaa isaga oo saaran qayl dameer.’ ” Markaas ayey xertii tageen oo sameeyeen sidii uu Ciise amray. Waxey keeneen dameertii iyo qeylkeedii waxeyna dusha ka saareen dharkoodi si uu Ciise ugu fariisto. Dad badan ayaa maryahoodii wadada goglay, qaar kalana waxey jareen geedaha laamahooda oo waxey ku gogleen wadada. Dadkii la socday iyo kuwii ka horeeyayba waxey ku qaylinayeen, “Ammaan ha u ahaato Wiilka Daa’uud!” “Waxaa barakeysan kan ku imaanaya magaca Rabbiga!” “Hoosanna haku ahaato meesha ugu sareeysa!” Markii uu Ciise Yeruusaalem galay dadka magaalada oo dhan wey yaabanaayeen waxeyna yiraahdeen, “Ninkan yuu yahay?” Dadkii badnaa ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Kani waa Ciise oo ah nebi ka yimid Naasareddii Galili ku taalay.” Ciise wuxuu galay macbadka deyrkiisa wuxuuna kala ceyriyay dhamaan kuwii wax gadayay iyo kuwii wax gadanayay. Wuxuu daba gadiyay miisaskii lacagta lagu kala baddelanayay iyo kuraastii kuwii qoolleyda gadayay. Wuxuuna iyagii ku yiri, “Waxaa qoran, ‘Gurigeyga waxaa loogu yeeri doonaa guriga ducada,’ laakiin waxaad ka dhigteen ‘Xerada tuugada.’ ” Kuwii indhaha la’aa iyo kuwii curyaanka ahaa ayaa ugu yimid macbadka, wuuna bogsiiyay. Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga Muuse wey xanaaqeen, markey arkeen waxyaalihii la yaabka lahaa ee uu Ciise sameeyay iyo caruurtii joogtay macbadka deyrkiisa oo ku qaylinaya, “Ammaan ha u ahaato Wiilka Daa’uud.” Markaas ayey Ciise weydiiyeen, “Ma maqlaysaa waxey carruurtan leeyihiin?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haa, miyaydnaan weligiin akhrinin meesha uu kitaabku ku leeyahay, “ ‘Caruurta iyo dhalaanka ayaa ammaani doona’?” Wuuna ka tagay oo magaalada ayuu ka baxay wuxuuna kasii aaday Beytaniya, halkaas oo uu habeenkaas joogay. Subixii ku xigay aroortii, Ciise wuxuu rabay inuu magaalada Yeruusaalem ku laabto, wuuna gaajeysnaa. Wuxuu wadada ku arkay geed berde ah, laakiin markii uu ag yimid wax mirro ah ma lahayn caleemo kaliya ayaa ku yaalay. Markaas ayuu geedkii ku yiri, “Weligaa mirro ha dhalin!” Isla markii ayuu geedkii qalalay. Markey xertii arintaas arkeen, aad ayey ula yaabeen waxeyna is weydiiyeen, “Sidee ayuu geedka berdaha ah dhaqso ugu qalalay?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, haddii aad iimaan leedihiin oo eydan shakin, waad sameyn kartaan waxaan geedkan berdaha ah ku sameeyay iyo wax ka badan, waxaad ku dhihi kartaan buurtan, ‘Tag oo badda isku tuur,’ weyna isku tuuri doontaa. Wax walboo aad salaadda ku baridaan idinka oo rumeysan waad heli doontaan.” Ciise markii uu galay macbadka deyrkiisa, isaga oo wax baraya ayaa waxaa u yimid gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii dadka, waxeyna weydiiyeen, “Awoodee ayaad waxyaalahan ku sameysaa? Yaana ku siiyay awoodan?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Hal su’aal ayaan idin weydiinayaa. Haddaad iiga jawaabtaan, waan idiin sheegi doonaa awoodda aan waxyaalahan ku sameeyo. Yooxanaa yaa siiyay awoodda uu wax ku baabtiisayay? Samada miyey ka timid mise dhinaca binu aadanka?” Intey dhexdooda ka wada hadleen ayey isku yiraahdeen, “Haddii aan dhahno, ‘samada xaggeeda,’ wuxuu na weydiin doonaa, maxaad u aamini weyseen? Laakiin haddii aan niraahno, ‘Dadka xaggiisa ayey ka timid’ dadka ayaa ka cabsaneynaa waayo waxey aaminsanyihiin Yooxanaa inuu nebi ahaa.” Markaas ayey ku jawaabeen, “Ma garaneyno.” Ciise ayaa yiri, “Aniguna idiin ma sheegi doono awoodda aan waxyaalahan ku sameynayo. “Maxey idin la tahay? Waxaa jiray nin laba wiil leh. Kii koowaad ayuu u tagay wuxuuna ku yiri, ‘Wiilkeygiyow orod oo maanta ka shaqee beerta canabka.’ “Wiilkii ayaa ku jawaabay, ‘Ma aadayo.’ Laakiin gadaal ayuu ka shalaayay wuuna baxay si uu beerta uga soo shaqeeyo. “Kadib aabihii wuxuu u tagay wiilkii kale wuxuuna ku yiri, ‘Wiilkeygiyow orod oo maanta beerta kasoo shaqee.’ Wiilkii ayaa ku jawaabay, ‘Haye mudane,’ laakiin ma uusan aadin beerta. “Labada wiil keebaa sameeyay wuxuu aabihiis ka rabay?” Waxey ku jawaabeen, “Kii hore.” Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, canshuur qaadayaasha iyo kuwa jirkooda ka ganacsada ayaa boqortooyada Illaahey idin ka hor gali doona. Waayo Yooxanaa wuxuu idin kugu yimid si uu jidka xaqa ah idiin tuso, mana eydan rumeysan, laakiin canshuur qaadayaasha iyo kuwa jirkooda ka ganacsada wey rumeysteen. Xitaa markaad arintaas aragteen, ma eydnaan toobadkeenin oo ma eydnaan rumeysan isaga. “Waxaan idiin sheegayaa tusaale kale ee dhagaysta. Nin ayaa dhul lahaa wuxuu ka dhex beeray beer canab ah. Derbi ayuu ku wareejiyay, kadibna god canabka lagu shiido ayuu ka dhex qoday wuxuu kale oo ka dhex dhisay taalo dheer oo beerta lagu ilaaliyo. Kadibna wuxuu ka kireeyay niman beeraley ah wuxuuna aaday meel kale. Markii waqtigii gurashada la gaaray, ninkii beerta lahaa wuxuu soo diray qaar shaqaalihiisi ka mid ah si ey kiroolayaasha ugu tagaan oo qeybtiisi miraha ahayd uga soo qaadaan. “Laakiin kiroolayaashii ayaa shaqaalihii ninka qabtay oo kii koowaad garaacay, kii labaadna dilay, kii saddexaadna dhagax ku dilay. Kadib wuxuu u diray shaqaale kale kuwii hore ka badan, laakiin kiroolayaashii waxey ula dhaqmeen si la mida sidii ey kuwii hore ula dhaqmeen. Ugu dambayntii, wuxuu kiroolayaashii u soo diray wiilkiisi wuxuuna isku yiri, ‘Waxaa laga yaabaa iney xushmeeyaan.’ “Laakiin kiroolayaashii markey arkeen wiilkii, waxey isku yiraahdeen, ‘Kani waa kii dhaxli lahaa beerta, kaalaya aan dilnee kadibna aan dhaxalno beerta.’ Haddaba intey beerta canabka ah banaanka uga baxsheen ayey dileen. “Sidaa darteed, markii uu ninka beerta leh yimaado, muxuu ku sameyn doonaa kiroolayaashaas?” Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii ku jawaabeen, “Wuxuu u dili doonaa si aan naxariis lahayn. Kadibna wuxuu beertiisa ka kirayn doonaa dad markii waqtiga gurashada la gaaro qeybtiisa miraha ah siiya.” Markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Miyeydan akhrisan qorniinka dhahaya, “ ‘Dhagaxii ey kuwa guriga dhisaya diideen ayaa noqday dhagaxa ugu muhiimsan dhismaha guriga, waxyaalahan Rabbiga ayaa sameeyay, anagana yaab ayey na la tahay’? “Sidaa darteed, waxaan idiin sheegayaa in boqortooyada Illaahey la idin ka qaadi doono lana siin doono dad mirro kasoo saara. Qofkii dhagaxan ku dul kufa wuu jajabi doonaa, kii uu ku soo kor dhacana wuu burburin doonaa.” Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii markey maqleen tusaalayaashii Ciise, wey ogaadeen inuu iyaga kaga hadlayay. Waxeyna rabeen iney qabtaan, laakiin waxey ka cabsadeen dadkii badnaa waayo dadku waxey Ciise u aaminsanaayeen inuu nebi yahay. Ciise mar labaad ayuu iyagii kula hadlay tusaale, wuxuuna ku yiri, “Boqortooyada jannada waa sida boqor wiilkiisa u sameeyay xaflad aroos. Adoomadiisi ayuu u diray kuwii uu martiqaaday si ey ugu yeeraan, laakiin wey diideen iney yimaadaan. “Kadib adooma kale oo badan ayuu u diray wuxuuna ku yiri, ‘U sheega kuwii aan martiqaaday inaan diyaariyay casho, dibiyadaydi iyo lo’daydi buurbuurnayd waan diyaariyay, wax walbana waa diyaar. Imaada xafladda arooska.’ “Laakiin martidii wey fududaysteen shaqooyinkoodi ayeyna kala aadeen, mid wuxuu aaday beertiisi mid kalana ganacsigiisi. Kuwii soo harayna waxey qabteen adoomadii boqorka, si xun ayey ula dhaqmeen weyna dileen. Boqorkii aad ayuu u xanaaqay. Wuxuu diray ciidankiisi wuxuuna baabi’iyay kuwii adoomadiisa dilay magaalooyinkoodina wuu gubay. “Kadib adoomadiisi ayuu ku yiri, ‘Martiqaadka aroosku waa diyaar, laakiin kuwii aan martiqaaday uma qalmin iney imaadaan. Haddaba jidadka taga oo u yeera qof walboo aad aragtaan.’ Markaas ayey adoomadii tageen jidadka oo soo wadeen qof walboo ey arkeen, iyagoo iskugu jiray dad wanaagsan iyo dad xun, hoolkii arooskana marti ayaa ka buuxsantay. “Laakiin markii uu boqorkii u yimid inuu martidii arko, wuxuu arkay nin aan dhar u qalma arooska xirneyn. Wuxuuna weydiiyay, ‘Saaxiib sidee halkan ku soo gashay adoon xirneyn dhar arooska u qalma?’ Ninkii wuu hadli waayay. “Kadib boqorkii wuxuu adeegayaashiisi ku yiri, ‘Ninkan lugaha iyo gacmaha ka xira oo banaanka mugdiga ah ku tuura, halkaas oo ey dadku barooran doonaan ilkahoodana xanuun dartiis iskugu qabsan doonaan.’ “Waayo kuwo badan ayaa la martiqaaday, laakiin dad yar ayaa la doortay.” Kadib Farrisiintii ayaa kulmay waxeyna qorsheeyeen siday Ciise ugu sababi lahaayeen inuu wax khalad ah ku hadlo. Markaas kadib ayey waxey direen xertoodi oo ey la socdaan qaar dadkii boqor Herodos ka mid ah. Waxeyna ku yiraahdeen, “Macalinow, waan ognahay inaad nin daacad ah tahay dadkana aad barto wadada Illaahey ee runta ah. Dadkana waxaad ula dhaqantaa si isku mid ah, adigoo aan fiirinayn waxey yihiin. Haddaba noo sheeg maxey kula tahay, ma banaantahay inaan Kaysar canshuurta siino mise ma banaana?” Laakiin Ciise oo fahmay qorshahooda sharta leh ayaa ku yiri, “Labawejiilayaal yahow, maxaad iskugu dayeysaan inaad i shirqooshaan? I tusa shilinka canshuurta loo bixiyo.” Waxey u keeneen diinaar, markaas ayuu Ciise iyagii weydiiyay, “Yuu sawirkiisa iyo magaciisa ku yaalaa shilinkan?” Waxey ku jawaabeen, “Kaysar.” Markaas ayuu ku yiri, “Haddaba Kaysar siiya wuxuu Kaysar leeyahay, Illaaheyna siiya wuxuu Illaahey leeyahay.” Markey arintaas maqleen, wey yaabeen weyna iska tageen. Isla maalintaas ayaa waxaa Ciise u yimid Sadukiin, kuwaasoo aan aaminsaneyn sarakicidda, waxeyna weydiiyeen, “Macalin, Muuse wuxuu nagu yiri hadduu nin dhinto isaga oo aan caruur lahayn, waxaa walaalkiis ku waajib ah inuu carmalada walaalkiis dumaalaa uuna ka dhalaa caruur walaalkiis dhaxasha. Haddaba waxaa jiray toddobo nin oo walaala ah oo halkan ku noolaa. Kii ugu weynaa ayaa guursaday laakiin wuxuu dhintay isaga oo aan caruur lahayn. Sidaa darteed xaaskiisii waxaa dumaalay walaalkiis. Isla sidii ayaa ku dhacday walaalkii labaad iyo kii saddexaad illaa laga gaaray kii toddobaad oo waxey wada dhinteen iyagoo aan wax dhalin. Ugu dambeyntiina haweeneydii wey dhimatay. Haddaba noo sheeg, yey xaaskiisa ahaan doontaa maalinta sarakicinta ileen kuligood wey soo guursadeene?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waad qaldantihiin waayo ma garaneysaan qorniinka ama awoodda Illaahey. Waqtiga sarakicidda dadku ma guursan doonaan lamana guursan doono, waxeyna noqon doonaan sida malaa’igta jannada ku jirta. Laakiin xagga sarakicinta kuwii dhintay miyaydnaan akhrin wuxuu Illaahey idin kula hadlay markii uu yiri, ‘Waxaan ahay Illaaha Ibraahim, Illaaha Isxaaq iyo Illaaha Yacquub’? Ma aha Illaaha kuwa dhintay ee waa Illaaha kuwa nool.” Markey dadkii badnaa arintaas maqleen aad ayey ula yaabeen waxbaridda Ciise. Kadib markey maqleen in Ciise aamusiyay Sadukiintii ayey Farrisiintii meel iskugu yimaadeen. Mid iyaga ka mid ah oo macalin sharciga Muuse khabiir ku ahaa ayaa Ciise tijaabiyay isaga oo weydiiyay, “Macalin, amarkee ayaa ugu weyn sharciga?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “ ‘Waa inaad Rabbiga Illaahaaga ah ka jeclaataa naftaada iyo qalbigaaga iyo caqligaaga oo dhan.’ Kani waa amarka ugu horeeya oo ugu weyn. Kan labaadna wuu u egyahay, ‘Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay.’ Sharciga oo dhan iyo wixii ey nebiyadu qoreen waxey ku dhan yihiin labadan amar.” Farrisiintii oo weli meeshii jooga ayuu Ciise weydiiyay, “Maxaad ka aaminsan tihiin Masiixa? Waa ina ayo?” Waxey ku jawaabeen, “Waa wiilka Daa’uud.” Markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Haddaba sidee ayey ku dhacday markii uu Daa’uud Ruuxa ka dhex hadlayay, inuu ugu yeeray ‘Sayid’? Waayo wuxuu yiri, “ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri, “Fariiso gacanteyda midig illaa aan cadowgaaga cagahaaga hoos keeno.” ’ Haddaba haddii uu Daa’uud ugu yeeray ‘Sayid’ sidee ayuu wiilkiisa ku noqon karaa?” Qof hadla ayaa meeshii laga waayay, maalintaas kadibna qof ku dhaca inuu Ciise su’aal weydiiyo ma jirin. Kadib Ciise ayaa dadkii iyo xertiisi ku yiri, “Macalimiinta sharciga iyo Farrisiintu waxey ku fadhiyaa kursiga Muuse. Haddaba adeeca wax walboo ey idin baraan, laakiin ha sameynina waxey sameeyaan, waayo ma ku dhaqmaan waxey ku wacdiyaan. Culeys ayey dadka dusha ka saaraan, iney far dhaqaajiyaan iskuma dayaan. “Wax walboo ey sameeyaan waxey u sameeyaan iney dadku arkaan. Xirsiyo aayado ah ayey madaxa iyo gacmaha ku xirtaan shulshulka dharkooduna wuu dheeryahay. Waxey jecelyihiin iney xafladaha meelaha marti sharafta ka fariistaan sunagogyadana iney kuraasta muhiimka ah ka fariistaan. Waxey jecelyihiin in si xushmad leh suuqyada loogu salaamo waxey kale oo ey jecelyihiin in dadku ‘Macalin’ ugu yeeraan. “Laakiin yaan la idin kugu yeerin ‘Macalin’ waayo waxaad leedihiin hal macalin kuligiinna waxaad tihiin walaalo. Qof aduunka joogana ha ugu yeerina ‘aabe,’ waayo waxaad leedihiin hal Aabe, wuxuuna joogaa jannada. Yaan la idin kugu yeerin sayidyo, waayo waxaad leedihiin hal Sayid oo ah Masiixa. Kan idin kugu weyn ha ahaado adeegihiina. Waayo kuwa is sareysiiya waa la hooseysiin doonaa, kuwa is hooseysiiyana waa la sareysiin doonaa. “Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Dadka waxaad ka xirtaan albaabka boqortooyada jannada. Idinku ma gashaan, kuwa galayana uma ogolaataan. [ Hoog ha idiin sugnaado, macallimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Waxaad boobtaan guryaha carmalada, kadibna waxaad istustus u tukataan salaado dhaadheer, sidaa darteed waxaad heli doontaan ciqaab daran. ] “Hoog ha idiin sugnaado, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Waxaad u safartaan dhul iyo badba si aad hal naf u badashaan. Markaad badbaadisaanna, waxaad ka dhigtaan qof u qalma naarta labalaab intaad idinku u qalantaan. “Hoog ha idiin sugnaado, hogaamiyayaal yahow indhoolayaasha ah! Waxaad tiraahdaan, ‘Micno weyn ma laha haddii uu qof ku dhaarto macbadka, laakiin qofkii ku dhaarta dahabka macbadka waa inuu dhaartiisa oofiyo.’ Doqoma yahow indhoolayaasha ah! Keebaa Illaahey agtiisa qiimo ka leh, dahabka mase macbadka ka dhiga dahabka quduus? Waxaad kale oo aad tiraahdaan, ‘Micno weyn ma laha haddii uu qof ku dhaarto meesha allabariga, laakiin qofkii ku dhaarta hadiyada meesha allabariga taala waa inuu dhaartiisa oofiyo.’ Niman yahow indhoolayaasha ah! Keebaa Illaahey agtiisa qiimo ka leh, hadiyada mase meesha allabariga ee ka dhigta hadiyada quduus? Sidaa darteed, qofkii ku dhaarta meesha allabariga wuxuu ku dhaartay meesha allabariga iyo wax walboo kor saaran. Qof walboo macbadka ku dhaartana wuxuu ku dhaartay macbadka iyo kan dhex deganba. Qofkii jannada ku dhaartana wuxuu ku dhaartay Illaahey carshigiisa iyo kan ku dul fadhiya. “Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Toban meelood meel ayaad Illaahey ka siisaan dhirta beertiina kasoo baxda oo kala ah reexaan, kabsar iyo hayl. Laakiin waxaad ka tagteen waxyaalo ka muhiimsan oo sharciga ku qoran sida cadaalad, naxariis iyo aaminnimo. Waxey ahayd inaad waxyaalahaas sameysaan idinka oo aan kuwa kale ka tagin. Hogaamiyayaal yahow indhoolayaasha ah! Waxaad iska miirtaan kaneecada waxaadna laqdaan geela. “Hoog ha idiin sugnaado, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Banaanka ayaad koobka iyo baaquliga ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa hunguri weyni iyo dulmi. Farrisiin yahow indhoolayaasha ah! Marka hore koobka iyo baaquliga gudaha ka nadiifiya kadibna banaanka wey ka nadiifsanaan doonaan. “Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Waxaa tihiin sida xabaalo la cadeeyay, kaasoo korka ka qurxoon laakiin gudaha waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh. Sidaas si la mida, idinku dusha waxaad uga egtihiin dad xaq ah, laakiin gudihiina waxaa ka buuxa labawejiilenimo iyo shar. “Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada waxaadna qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa. Waxaadna tiraahdaan, ‘Haddii aan waqtigii awoowayaasheen noolaan lahayn, kama aanan qeyb qaadan laheyn daadinta dhiigga nebiyada.’ Sidaas ayaad iskugu marqaatifurteen inaad tihiin dhashii kuwii dilay nebiyada. Haddaba sii wada oo dhameystira wixii ey awoowayaashiin bilaabeen! “Waxaa tihiin masas iyo caruur abeeso! Sidee ayaad uga badbaadi doontaan ciqaabta naarta? Sidaa darteed waxaan idiin soo diri doonaa nebiyo iyo niman xigmad leh iyo macalimiin sharciga Muuse. Laakiin qaarkood waad dili doontaan iskutallaabta ayaadna ku qodbi doontaan, qaar kalana waxaad ku garaaci doontaan sunagogyadiina waxaadna ku silcin doontaan magaalo illaa ka magaalo. Sidaas ayaadna dembiilayaal ugu ahaan doontaan dilka qof walboo wanaagsan ee dunida, laga soo bilaabo dhiiggii Haabiil kii xaqa ahaa illaa laga soo gaaro dhiiggii Sakariyas ina Barakiyas, kaasoo aad ku disheen inta u dhaxeysa macbadka iyo meesha allabariga. Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxyaalahan oo dhan dadka qarnigaan ayey ku dhici doonaan. “Yeruusaalemey, Yeruusaalemey, tan disha nebiyadaay oo dhagaxeysa kuwa loo soo diray, intee ayaan sugayay inaan isku keeno caruurtaada, sida ey digaagadu iskugu keento jiijiilayaasheeda baalasheeda hoostooda, adiguna ma aadan rabin. Fiiri, waa lagaaga tagay gurigaaga oo waa laguu cidleeyay. Waxaan kugu leeyahay, ima arki doontid mar dambe illaa aad ka tiraahdo, ‘Waxaa barakeysan midka ku yimaada magaca Sayidka.’ ” Markii uu Ciise kasii baxayay macbadka ayaa waxaa u yimid xertiisi waxeyna kala hadleen quruxda dhismaha macbadka. Markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Waxan oo dhan ma aragtaan, runtii waxaan idin ku leeyahay, halkan laguma dhaafi doono dhagax dhagax kale dul saaran, kuli waa la burburin doonaa.” Kadib Ciise oo dul fadhiya Buur Saytuun, ayey xertiisi si gaar ah ugu yimaadeen oo weydiiyeen, “Noo sheeg, waxyaalahan goorma ayey dhici doonaan, calaamadee ayaan ku garan doonnaa imaanshahaaga iyo waqtiga qiyaamaha?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Iska ilaaliya in uusan qofna idin khiyaanin. Waayo kuwa badan ayaa magacayga ku imaan doona, oo dad badan ayey khiyaani doonaan iyagoo dhahaya, ‘Waxaan ahay Masiixa.’ Waxaad maqli doontaan dagaallo iyo waxyaalo ku saabsan dagaal, laakiin ha cabsanina. Waxyaalahan oo kale waa iney dhacaan, laakiin dhamaadka aduunka weli lama gaarin. Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa. Waxaana meelo badan ka dhici doona abaar iyo dhul gariir. Laakiin waxan oo dhan waa bilowga dhibaatooyinka. “Kadib waxaa la idiin gacangelin doonaa si la idiin silciyo oo la idiin dilo, dadka oo dhanna waxey idiin nici doonaan aniga daraadey. Waqtigaas dad badan ayaa iimaanka ka laaban doona, qaarkiinna qaarka kale ayuu khiyaani doonaa oo nici doonaa. Waxaana soo bixi doona nebiyo been ah dad badan ayeyna khiyaani doonaan. Sharta oo badatay darteedna dad badan jaceylkooda ayaa yaraan doona, laakiin kan illaa dhamaadka adkeysta ayaa badbaadi doona. Warkan wanaagsan ee boqortooyada Illaaheyna waxaa lagu wacdin doonaa aduunka oo dhan si uu marqaatifur ugu noqdo quruumaha oo dhan, markaas kadib ayaa dhamaadka aduunkan la gaari doonaa. “Haddaba marka aad aragtaan waxyaalihii xumaa ee uu nebi Daanyeel ka hadlay, oo ka dhacaya meesha quduuska ah, kii wax akhriyaa ha fahmo, kadibna kuwa Yahuudiya joogaa ha u cararaan buuraha. Haddii qof saaranyahay gurigiisa korkiisana, gurigiisa yuusan galin si uu wax ugala soo baxo. Qofkii beerta joogana yuusan ku laaban guriga si uu jaakaddiisa u soo qaato. Waqti dhib badan ayey u ahaan doontaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya! Ku duceysta waqtiga aad cararaysaan in uusan ku soo aadmin xiliga qabowga ama maalinta Sabtida. Waayo waqtigaas wuxuu ahaan doonaa waqtigii ugu dhibaatada badnaa illaa markii aduunka la abuuray, wax sidan oo kale u xunna mar dambe ma dhici doonaan. “Haddii aan maalmahaas la soo gaabin, qofna ma badbaadi lahayn, laakiin Illaahey dadkiisa uu doortay dartood ayaa waqtiga loo soo gaabin doonaa. Waqtigaas haddii uu qof kugu yiraahdo, ‘Fiiri, Masiixi waa kan!’ Ama uu kugu yiraahdo, ‘Masiixi waa kaas!’ Ha rumeysan. Waayo waxaa imaan doona masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, waxeyna sameyn doonaan mucjisooyin waaweyn oo layaab leh si ey dadka ugu khiyaanaan, xitaa waxey isku dayi doonaan iney khiyaanaan dadka uu Illaahey doortay. Laakiin waan idiin sii sheegay. “Haddaba haddii uu qof kugu yiraahdo, ‘Masiixi wuxuu joogaa saxaraha,’ ha aadina, haddii sidoo kale la idin ku yiraahdo, ‘Wuxuu ku jiraa qolalka qarsoon,’ ha rumeysanina. Waayo sida hilaaca ka yimaada bariga uu uga muuqdo galbeedka sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanaha u imaan doonaa. Meel alla meesha uu bakhtigu yaal halkaas haaddu wey iskugu imaataa. “Maalmahaas dhibka leh kadib “ ‘qoraxdu wey madoobaan doontaa, dayaxuna iftiin ma lahaan doono, xiddigahana cirkey kasoo dhici doonaan, awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa.’ “Kadib calaamada imaanshaha Wiilka Aadanaha ayaa ka muuqan doonta samada. Kadibna dadka dhulka jooga oo dhan wey barooran doonaan markey arkaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka dhinacooda ka imaanaya isaga oo awood iyo ammaan weyn leh. Wuxuuna diri doonaa malaa’igtiisa oo wata buun aad u dhawaaqaya, waxeyna aduunka oo dhan kasoo ururin doonaan dadka uu doortay. “Haddaba casharkan ka barta geedka berdaha ah. Haddii ey laamihiisu curdan noqdaan oo uu caleemo bixiyo, waxaad ogaataan in roobku dhowyahay. Sidaas markaad aragtaan waxyaalahan oo dhan waad ogtihiin inuu dhowyahay oo albaabka ag joogo. Runtii waxaan idin ku leeyahay, dadka qarnigaan wey noolaan doonaan illaa ey waxyaalahan oo dhan ka dhacaan. Cirka iyo dhulku wey dhamaan doonaan, laakiin ereyadaydu weligood ma dhamaan doonaan. “Laakiin maalinta iyo waqtiga qiyaamaha qofna ma garanayo, xitaa malaa’igta jannada iyo Wiilku ma garanayaan, laakiin Aabaha oo kaliya ayaa garanaya. Sida ey ahayd maalmihii Nuux ayey ahaan doontaa waqtiga imaanshaha Wiilka Aadanaha. Waayo daadku inta uusan dhicin ka hor, dadku wax ayey cunayeen, cabayeen, weyna guursanayeen waana la guursanayay, illaa laga gaaray maalintii Nuux uu galay doonta, waxa soo socdana war kama hayn illaa daadkii yimid kuligoodna baabi’iyay. Sidaas oo kale ayeyna noqon doontaa imaanshaha Wiilka Aadanaha. Waqtigaas waxaa jiri doona laba nin oo beer wada jooga, mid waa la qaadan doonaa kan kalana waa laga tagi doonaa. Laba naag oo badar shiidaya, mid waa la qaadi doonaa midda kalana waa laga tagi doonaa. “Sidaa darteed is ilaaliya, waayo ma garaneysaan maalinta uu Sayidkiinu imaan doono. Laakiin tan ogaada, haddii qofka guriga leh garan lahaa waqtiga uu tuugu imaanayo, wuu soo jeedi lahaa oo ma u ogolaan laheyn inuu guriga ku soo jabiyo. Sidaa darteed idinkuna waa inaad diyaar noqotaan, waayo Wiilka Aadanahu wuxuu imaan doonaa waqti aadan filaneynin. “Haddaba yaa waaye adeegaha aaminka ah ee xigmadda leh, oo uu sayidkiisu madax uga dhigay adeegayaasha kale si uu waqti fiican cuntadooda u siiyo? Wey u roontahay adeegahaas markii sayidku soo laabto uu heli doono isaga oo waxyaalahan sameynayo. Runtii waxaan idin ku leeyahay sayidku wuxuu adeegahaas masuul uga dhigi doonaa hantidiisa oo dhan. Laakiin hadduu adeegahaas yahay mid shar badan oo uu isku yiraahdo, ‘Sayidkeygu wax badan ayuu maqnaan doonaa,’ kadibna uu bilaabo inuu garaaco adeegayaasha kale, oo wax la cuno waxna la cabo sarqaamayaasha. Adoonkaasi sayidkiisu wuxuu soo laaban doonaa maalin uusan filanayn, iyo waqti uusan ogayn. Adeegahaas waa la ciqaabi doonaa oo lala dajin doonaa meesha ey labawejiilayaashu joogaan, halkaas oo ey ku barooran doonaan ilkahoodana xanuun dartii iskugu qaban doonaan. “Waqtigaas boqortooyada jannada waxey ahaan doontaa sida toban gabdhood oo bikro ah ee feynuustooda qaatay banaankana aaday si ey ula kulmaan ninka arooska ah. Shan ka mid ah waxey ahaayeen doqomo shanta kalana waxey ahaayeen kuwo caqli leh. Kuwii doqomada ahaa waxey qaateen feynuusyadooda laakiin saliid seytuun ma qaadan. Kuwii caqliga lahaa waxey feynuusyadooda la qaateen weelel saliid seytuun ah. Ninka arooska ah wuu soo daahay, kuligoodna hurda ayaa qabatay weyna seexdeen. “Markey habeen barkii ahayd ayaa qof qayliyay oo yiri, ‘Waa kan ninka arooska ah ee kaalaya la kulma!’ “Markaas ayey bikradihii oo dhan kaceen waxey bilaaabeen iney feynuusyadooda diyaarsadaan. Kuwii doqomada ahaa ayaa kuwii caqliga lahaa ku yiri, ‘Feynuusyadeena wey demayaane xoogaa saliid seytuun ah na siiya.’ “Markaas ayey kuwii caqliga lahaa ku jawaabeen, ‘Maya, naaftadan ma nagu wada filna, ee u taga kuwa naaftada gada oo kasoo gata.’ “Markey tageen si ey u soo gataan naafto ayaa waxaa yimid ninkii arooska ahaa. Gabdhihii diyaarka ahaa ayaa u raacay arooskii oo gurigii arooska la galay, albaabkiina waa la xiray. “Kadib gabdhihii doqomada ahaa ayaa yimid gurigii arooska, waxeyna ku qayliyeen, ‘Sayidow, Sayidow, albaabka naga fur!’ “Laakiin ninkii arooska ahaa ayaa ku jawaabay, ‘Runtii waxaan idin ku leeyahay, anigu idin ma aqaan.’ “Sidaa darteed is ilaaliya, waayo ma garaneysaan maalinta iyo waqtiga uu Wiilka Aadanahu imaanayo. “Sidoo kale, boqortooyada Illaahey waa sida nin safar u socda, oo u yeeray adeegayaashiisa kuna aaminay maalkiisa. Midkood wuxuu siiyay shan jawaan oo dahab ah, mid kalana laba jawaan, mid kalana hal jawaan, mid walba intay awooddiisa ahayd. Kadibna wuu safray. Ninkii shanta kiishad ee dahabka ah la siiyay isla markiiba wuu tagay oo ku shaqeeyay lacagtii waxeyna dhashay shan kiishad oo kale. Sidoo kale ayuuna sameeyay kii labada jawaan la siiyay waxeyna u dhashay laba jawaan oo kale. Laakiin ninkii helay halka jawaan wuu tagay, wuxuuna dhulka ka qoday god oo ku aasay lacagtii sayidkiisa. “Muddo dheer kadib ayuu sayidkii adeegayaasha soo laabtay wuuna la xisaabtamay. Ninkii shanta kiishad la siiyay wuxuu keenay shan kiishad oo kale, wuxuuna yiri, ‘Sayidow, waxaad igu aamintay shan jawaan fiiri waxaan kuu keenay iyadoo ey la socdaan shan kiishad oo kale.’ “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Si fiican ayaad sameysay, waxaadna tahay adeege fiican oo aamin ah! Waxaadna aamin ku noqotay wax yar, laakiin hadda waxaan kugu aamini doonaa wax badan. Kaalay la wadaag mudanahaaga farxadiisa!’ “Sidoo kale waxaa yimid ninkii labada kiishad la siiyay, wuxuuna yiri, ‘Sayidow, waxaad igu aamintay laba kiishad fiiri waxaan kuu keenay iyadoo ey la socdaan laba kiishad oo kale.’ “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Si fiican ayaad sameysay, waxaadna tahay adeege fiican oo aamin ah! Waxaadna aamin ku noqotay wax yar, laakiin hadda waxaan kugu aamini doonaa wax badan. Kaalay la wadaag mudanahaaga farxadiisa!’ “Kadib waxaa yimid ninkii halka kiishad la siiyay, wuxuuna yiri, ‘Sayidow, waan ogaa inaad tahay nin ad adag, oo gurta mirro uusan beeran oona urursada mirro uusan daadin. Sidaa darteed waan kaa cabsaday waana tagay oo dhulka ayaan ku aasay dahabkaagi. Waana kan maalkii aad i siisay.’ “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Adeege yahow sharta leh oo caajislowga ah! Waad ogayd soo ma aha inaan gurto wax aanan beeran oo aan urursado mirro aanan daadin? Haddaba waxaa la rabay inaad lacagteyda u dhiibto kuwa bangiga jooga oo markaan soo laabtana helo iyadoo ey faa’iido la socoto. “ ‘Hadda ka qaada jawaankiisa dahabka ah oo siiya midka tobanka jawaan haysta. Waayo mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, wuxuuna haysan doonaa wax badan. Laakiin kuwa aan waxba haysan xitaa waxa yar oo ey haystaan ayaa laga qaadi doonaa. Ee adeegahan aan qiimaha lahayn banaanka mugdiga ah ku tuura, halkaas oo ey dadku barooranayaan ilkahana xanuun dartiis iskugu garaaci doonaan.’ “Markii uu Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, malaa’igtiisuna ey la socdaan, wuxuu ku fariisan doonaa carshiga ammaantiisa. Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa la soo istaajin doonaa wuxuuna dadka u kala sooci doonaa sida arijirku idaha iyo ariga u kala sooco. Wuxuu idaha istaajin doonaa midigtiisa riyahana bidixdiisa. “Kadib boqorku wuxuu kuwa midigtiisa taagan ku dhihi doonaa, ‘Kaalaya, kuwii uu Aabahay barakeeyayow, dhaxalkiina ka qaata boqortooyadii la idiin diyaariyay aduunka abuuritaankiisi. Waayo waan gaajeysnaa waxaadna isiiseen waxaan cuno, waan haraadsanaa waxaadna isiiseen waxaan cabo, waxaan ahaa qariib waxaadna igu soo dhawayseen gurigiina, waxaan u baahnaa dhar waadna isiiseen, waan xanuusanaa waadna i daryeesheen, waxaan ku jiray xabsi waadna igu soo booqateen.’ “Kadib kuwii xaqa ahaa ee midigtiisa taagnaa ayaa ku jawaabi doona, ‘Sayidow, goormaan ku aragnay adigoo gaajeysan oo aan ku quudinay, ama aan ku aragnay adigoo haraadsan oo aan biyo ku siinay? Goormaan ku aragnay adigoo qariib ah oo aan ku soo dhawaynay, ama adigoo dhar u baahan oo aan dhar ku siinay? Goormaan ku aragnay adigoo xanuusan ama xabsi ku jira oo aan ku soo booqanay?’ “Markaas ayuu boqorku ku jawaabi doonaa, ‘Runtii waxaan idin ku leeyahay, mar walboo aad walaalaheyga u sameysaan dadkeyga xitaa midkooda ugu qiimaha yar, aniga ayaad asxaan ii sameyseen.’ “Kadib kuwa bidixdiisa taagan ayuu ku dhihi doonaa, ‘Iga taga, waad inkaaran tihiine! Gala naarta weligeed ah ee loo diyaariyay ibliiska iyo malaa’igtiisa. Waayo waan gaajeysnaa laakiin waxaan cuno ima siinin, waan haraadsanaa laakiin waxaan cabo ima siinin, waxaan ahaa qariib laakiin gurigiina iguma soo dhawaynin, waxaan u baahnaa dhar laakiin dhar ima siinin, waan xanuusanaa oo xabsi ayaan ku jiray laakiin ima soo booqan.’ “Markaas ayey sidoo kale ku jawaabi doonaan, ‘Sayidow, goormaan ku aragnay adigoo gaajeysan ama haraadsan ama qariib ah ama dhar u baahan ama xanuusan ama xabsi ku jira, oo aanan ku caawin?’ “Wuxuu ku jawaabi doonaa, ‘Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxaad u sameyn weydaan dadkeyga xitaa midkooda ugu qiimaha yar, anigana waad ii sameyn weydeen.’ “Kadibna waxaa lagu tuuri doonaa cadaabta weligeed ah, laakiin kuwa xaqa ah waxaa la galin doonaa nolosha weligeed ah.” Ciise markii uu dhameeyay hadalkiisi ayuu xertiisi ku yiri, “Sidaad ogtihiin Iidda Kormaridda waxaa ka dhiman laba maalin, Wiilka Aadanahana waa la gacangelin doonaa si iskutallaabta loogu qodbo.” Isla waqtigaas gudoomiyayaasha wadaaddada iyo odayaasha ayaa ku kulmayay guriga Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, waxeyna si sira uga hadlayeen qabashada Ciise iyo dilkiisa. Laakiin waxey yiraahdeen, “Waa in aanan qaban waqtiga dabaaldegga lagu guda jiro waayo dadka ayaa rabshad kicin doona.” Ciise oo jooga magaalada Beytaniya oo wax ka cunaya guriga Simoon kii baraska qabi jiray, waxaa u timid naag wadata dhalo laga sameeyay dhagax qaali ah oo cadar qaali ahna ku jiro, kaasoo ey ku shubtay madaxiisa isaga oo miiska cuntada fadhiya. Laakiin markey xertiisi arkeen waxey naagtu sameysay, wey xanaaqeen waxeyna isku yiraahdeen, “Maxey tahay khasaarahan oo dhan? Cadarkan waxaa lagu gadi karay lacag badan waxaana la siin karay dadka masaakiinta ah.” Ciise oo ogaa waxey ku fikirayaan ayaa ku yiri, “Maxaad u dhibaysaan naagtaan? Wax wanaagsan ayey ii sameysay. Dadka masaakiinta ah weligood ayey idin la joogi doonaan, laakiin anigu weligiin idin lama joogi doono. Markey cadarkan ku shubtay jirkeyga waxey ugu shubtay si ey aasitaanka iigu diyaariso. Runtii waxaan idin ku leeyahay, meel walboo aduunka ka mid ah oo injiilkan laga wacdiyo waxey sameyseyna waa laga sheegi doonaa si iyada loogu xasuusto.” Kadib mid ka mid ah laba iyo tobankii xerta Ciise oo magaciisa la yiraahdo Yuudas Iskariyod ayaa u tagay gudoomiyayaashii wadaaddada wuxuuna weydiiyay, “Haddaan idiin soo gacangeliyo Ciise meeqa ayaad i siineysaan?” Markaas ayey siiyeen soddon shilin oo qalin ah. Waqtigaas laga bilaabo Yuudas wuxuu raadinayay fursad uu Ciise kusoo gacangeliyo. Maalintii ugu horeysay ee Iidda Dabaaldega Kimista aan khamiirka lahayn, ayey xertii Ciise u yimaadeen waxeyna weydiiyeen, “Halkee ayaad dooneysaa inaan kuugu diyaarino cuntada Iidda Kormaridda?” Markaas ayuu Ciise ku jawaabay, “Magaalada aada oo hebal u taga waxaadna ku tiraahdaan, ‘Macalinku wuxuu yiri, waqtigeygi wuu soo dhawaaday, waxaanna rabaa inaan xerteyda gurigaaga kula dabaaldego Iidda kormaridda.’ ” Markaas ayey xertii sameeyeen siduu Ciise amray waxeyna diyaariyeen cashada Iiddii Kormaridda. Markii fiidkii la gaaray, Ciise oo la fadhiya laba iyo tobankii xerta ahaa miiskii cashada, ayaa iyagoo wax cunaya ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, midkiin ayaa i gacangelin doona.” Xertii aad ayey u murugoodeen waxeyna bilaabeen iney yiraahdaan, “Runtii ma aniga ayaad iga waddaa, Sayidow!” Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Mid idin ka mid ah oo gacanta ila geliyay baaquliga ayaa i khiyaani doona. Wiilka Aadanahu waa inuu dhinto siduu qoraalku sheegayo. Waxey hoog u tahay midka Wiilka Aadanaha gacangelinaya! Ninkaas waxaa u roonaan lahayd in uusan dhalanin.” Kadib Yuudas oo ahaa kan khiyaani doona ayaa yiri, “Runtii ma aniga ayaad iga wadaa Macalinow?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa sidaa yiri.” Intey wax cunayeen, Ciise wuxuu kor u qaaday kibis, markii uu Illaahey u mahadceliyay kadibna wuu kala gooyay wuxuuna xertii ku yiri, “Kani waa jirkeyga ee qaata oo cuna.” Kadibna wuxuu kor u qaaday koob sharaab ah, markii uu Illaahey u mahadceliyay kadib ayuu iyagii siiyay wuxuuna ku yiri, “Kuligiin koobkan ka caba. Kani waa dhiigeyga axdiga cusub kaasoo loo daadshay dad badan cafiska dembigooda dartiis. Waxaan idin ku leeyahay, ma cabi doono miraha geedka canabka ah illaa laga gaaro maalinta aan iyadoo cusub idin kula cabi doono boqortooyada Aabahay.” Markey hees ammaan ah qaadeen kadib ayey aadeen Buur Saytuun. Kadib Ciise ayaa xertii ku yiri, “Caawa kuligiin waad iga carari doontaan waayo wey qorantahay, “ ‘Waxaan dili doonaa arijirka, iduhuna wey kala carari doonaan.’ Laakiin markaan dhimashada kasoo sarakaco, waxaan idin kaga hor mari doonaa Galili.” Markaas ayaa Butros ku yiri, “Xitaa hadday kuligood kaa tagaan anigu kaama tagi doono.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan kugu leeyahay, caawa inta uusan waagu baryin oo uusan diiqu ciyin, waxaad i inkiri doontaa saddex jeer.” Laakiin Butros ayaa yiri, “Xitaa hadday noqoto inaan kula dhinto waan kula dhiman doonaa, laakiin kuma inkiri doono.” Xertii kalana sidaas oo kale ayey yiraahdeen. Kadib Ciise wuxuu xertiisi la aaday meel la yiraahdo Getsemane, wuxuuna iyaga ku yiri, “Halkan fariista oo igu suga intaan halkaas ku soo duceysanayo.” Wuxuu sii watey Butros iyo labadii walaal ee ahaa wiilashii Sebedi, murugo iyo dhibaato ayaana ka muuqatay. Kadib ayuu iyagii ku yiri, “Nafteyda murugo ayaa ka buuxsantay illaa heer dhimasho. Meeshan jooga oo ila soo jeeda.” Ciise xoogaa yar ayuu iyagii ka dhex baxay oo jilbaha dhulka dhigtay oo duceystay, “Aabow hadday suurtogal tahay, koobkan silaca ah iga leexi. Laakiin yeysan doonisteyda ahaanin ee doonistaada ha ahaato.” Kadib Ciise wuxuu ku soo laabtay xertiisi wuxuuna u yimid iyagoo hurda. Markaas ayuu ku yiri Butros, “Hal saac xitaa ilama soo jeedi kartaan miyaa? Soo jeeda oo duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin. Ruuxdu wey rabtaa laakiin jirku waa daciif.” Mar labaad ayuuna Ciise u baxay inuu soo duceysto wuxuuna yiri, “Aabow haddeysan suurtogal ahayn in koobkan silaca ah la iga leexiyo, haddaba doonistaada ha ahaato.” Markii uu mar labaad soo laabtay ayuu haddana u yimid iyagoo hurda, waayo hurdada oo ka badatay darteed ma soo jeedi karin. Haddana mar saddexaad ayuu ka tagay oo ducadii oo kale ku soo duceystay. Kadib xertii ayuu ku soo laabtay oo ku yiri, “Weli ma hurdo iyo nasasho ayaad ku jirtaan? Fiiriya waqtigii Wiilka Aadanaha loo gacangelin lahaa dembiilayaasha waa la gaaray. Kaca aan tagnee! Wuu yimid kii i gacangelin lahaa.” Ciise oo weli hadlaya ayaa waxaa yimid Yuudas oo laba iyo tobankii xerta ahaa ka mid ah, waxaana la socday dad badan oo ku hubeysan seefo iyo ulo, oo ey soo direen gudoomiyayaasha wadaaddada iyo odayaasha. Haddaba Yuudas ayaa wuxuu iyaga kula heshiiyay calaamad ey ku gartaan Ciise wuxuuna ku yiri, “Kan aan dhunkado waaye ninka aad raadineysaan ee qabta.” Si toos ah ayuu Yuudas u abaaray Ciise wuxuuna ku yiri, “Waan ku salaamay Macalin!” Wuuna dhunkaday. Ciise ayaa ugu jawaabay, “Saaxiib samee wixii aad u timid inaad sameyso.” Kadib nimankii ayaa qabtay Ciise oo xiray. Markaas ayaa mid ka mid ah xertii Ciise seeftiisi la soo baxay oo dhagta ka gooyay mid ka mid ah adeegayaashii wadaadka sare. Laakiin Ciise ayaa ku yiri, “Seeftaadi meesheedi ku celi, waayo mid walboo seef ku dagaalama wuxuu ku dhiman doonaa seef. Miyaydnaan ogayn inaan Aabahay u yeeran karo, oo uu isla markiiba ii soo diri karo laba iyo toban ciidan oo malaa’ig ah? Laakiin haddaan sidaas sameeyo sidee ayey ku dhaboobaysaa, wixii qorniinka lagu sheegay oo dhahaya waa iney sidan u dhacdaa?” Kadibna Ciise wuxuu ku jeestay dadkii oo ku yiri, “Maxaad ula timaadeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidii inaan ahay tuug? Maalin walba waxaan fariistaa oo dadka wax ku baraa macbadka deerkiisa, mana eydan i qaban. Laakiin waxan oo dhan waxey u dhacayaan si qorniinka nebiyadu u dhaboobaan.” Kadib xertii oo dhan wey kala carareen oo kaligiis ayey meesha ku dhaafeen. Kuwii Ciise qabtay ayaa u kaxeeyay gurigii Kayafas oo ahaa wadaadka sare, halkaas oo ey macalimiintii sharciga Muuse iyo odayaashii ku kulmayeen. Laakiin Butros ayaa meel fog kasoo daba socday, illaa laga soo gaaray deyrkii guriga wadaadka sare. Gurigii ayuu galay wuxuuna la fariistay askartii si uu u ogaado waxa dhici doona. Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo kuwii shirka ku jiray oo dhan ayaa waxey raadinayeen cadayn been ah si ey Ciise ku dilaan. Inkastoo ey marqaatiyo been ah yimaadeen haddana wax cadayn ah ma eysan helin. Ugu dambayntii laba nin ayaa yimid waxeyna yiraahdeen, “Ninkan wuxuu yiri, ‘waxaan awoodaa inaan burburiyo macbadka Illaahey oo aan haddana ku dhiso saddex maalmood gudahood.’ ” Kadib wadaadkii sare ayaa istaagay oo Ciise weydiiyay, “Maxaadan waxyaalahan uga jawaabeynin oo aadan isku difaaceynin? Waa maxey marqaatifurkaan ey nimankan kaa sheegayaan?” Laakiin Ciise wuu aamusay. Markaas ayaa wadaadkii sare Ciise ku yiri, “Waxaan kugu dhaariyay Illaaha nool ee noo sheeg haddaad tahay Masiixa ah Wiilka Illaahey.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri, laakiin waxaan idin ku leeyahay, hadda laga bilaabo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya gacanta midig ee Illaaha awoodda leh kuna imaanaya daruuraha cirka.” Kadib wadaadkii sare ayaa intuu dharkiisi jeex jeexay yiri, “Wuu ku caytamay! Maxaan uga baahannahay marqaati kale? Waad maqasheen caayda. Go’aankiinu waa maxey?” Markaas ayey ugu jawaabeen, “Waa dembiile wuxuuna u qalmaa in la dilo.” Kadib wejiga ayey candhuuf kaga tufeen weyna garaaceen, qaarna wejiga ayey ka dharbaaxeen waxeyna ku yiraahdeen, “Waxaad isku maleysaa inaad Masiixa tahay! Haddaba noo sheeg yaa markaan ku dharbaaxay?” Waqtigaas Butros wuxuu fadhiyay deyrka, waxaana u timid gabar adeege ah oo ku tiri, “Adiga xitaa waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili.” Laakiin Butros dadkii hortooda ayuu ku inkiray oo wuxuu ku yiri, “Waxaad ka hadleyso ma garanayo.” Kadib albaabka tagay, halkaas oo ey gabar kale oo adeege ah ku aragtay oo eyna dadkii ku tiri, “Ninkan wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasared.” Wuu inkiray mar labaad isaga oo dhaaranaya wuxuuna yiri, “Ninkan ma garanayo!” Wax yar kadib, kuwii meesha taagnaa ayaa Butros u yimid oo ku yiri, “Xaqiiqdii waxaad tahay midkood, waayo lahjadaada ayaa laga garanayaa.” Kadib Butros wuxuu bilaabay inuu is habaaro isaga oo dhaaranaya, “Ninka ma garanayo!” Isla markii ayuu diiqu ciyay. Kadib Butros wuxuu xasuustay hadalkii uu Ciise ku yiri oo ahaa, “Inta uusan diiqu ciyin ka hor, waxaad i dafiri doontaa saddex mar.” Kadib Butros banaanka ayuu uga baxay gurigii wadaadka sare aad ayuuna u ooyay. Aroortii markey ahayd ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii oo dhan kulmeen waxeyna go’aansadeen in Ciise la dilo. Markaas ayey xireen oo kaxeeyeen waxeyna u dhiibeen Bilaatos oo ahaa taliyaha reer Rooma. Yuudas kii khiyaanay markii uu arkay in Ciise dil lagu xukumay, wuu ka shalaayay wuxuu sameeyay, wuxuuna gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii u celiyay sodonkii shilin ee qalinka ahaa. Wuxuuna ku yiri, “Waan dembaabay, waayo waxaan khiyaanay nin dembi la’aan ah.” Markaas ayey ugu jawaabeen, “Maxaa naga galay? Adiga ayey ku quseysaa.” Haddaba Yuudas intuu lacagtii macbadka gudihiisa ku tuuray kadibna tagay ayuu is daldalay. Gudoomiyayaashii wadaaddada intey lacagtii qaadeen ayey yiraahdeen, “Waa xaaraan in lacagtan lagu daro khasnada macbadka, waayo waa lacag qof dhiigiis lagu gaday.” Markaas ayey go’aansadeen iney lacagtii ku gadaan dhul uu lahaa nin dheryaha sameyn jiray si ey dadka shisheeyaha ah ugu aasaan. Sababtaas darteed ayey dadku illaa maanta dhulkaas ugu yeeraan Dhulkii Dhiigga. Sidaas ayeyna ku dhaboowday wixii nebi Yeremyaah uu sii sheegay, “Waxey qaateen sodankii shilin ee qalinka ahaa, oo ah lacagtii ey dadka reer binu Israa’iil ku qiimeeyeen isaga, waxeyna u isticmaaleen iney ku gadaan dhulkii dheri sameeyaha, sida Rabbigu igu amray.” Ciise waxaa la hor geeyay taliye Bilaatos, wuxuuna weydiiyay, “Ma waxaad tahay boqorka Yuhuudda?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri.” Markey gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii eedeeyeenna ma hadlin. Kadib Bilaatos ayaa weydiiyay, “Ma maqashid miyaa waxyaalaha ey kugu eedeynayaan?” Laakiin Ciise uma jawaabin, taliyihiina aad ayuu ula yaabay. Marka la joogo Dabaaldaga Iidda kormaridda taliyaha caadadiisu waxey ahayd inuu dadka usii daayo maxbuuska ey dalbadaan. Waqtigaas waxaa xirnaa nin caan ah oo la dhihi jiray Baraabbas. Haddaba markey dadkii isku soo urureen, Bilaatos ayaa weydiiyay, “Keebaan idiin soo daayaa, ma Baraabbas mise Ciise Masiix?” Waayo wuu ogaa iney Ciise maseyr dartiis ugu soo dhiibeen. Markii uu Bilaatos wax xukumayay naagtiisi ayaa fariin u soo dirtay waxeyna ku tiri, “Waxba haku sameynin ninkaas xaqa ah, waayo waxaa la i tusay riyo xun isaga dartiis.” Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii ayaa dadkii ku qanciyay iney dalbadaan in Baraabbas loo soo daayo oo Ciise la dilo. Bilaatos ayaa dadkii weydiiyay, “Labadooda keebaan idiin soo daayaa?” Waxey ku jawaabeen, “Baraabbas.” Markaas ayuu Bilaatos iyagii weydiiyay, “Haddaba Ciise Masiix maxaan ku sameeyaa?” Markaas ayey kuligood ku qayliyeen, “Iskutallaabta ku qodob.” Bilaatos ayaa weydiiyay, “Sabab, waa maxey dembiga uu galay?” Laakiin waxey aad ugu sii qayliyeen, “Ha la qodbo.” Bilaatos markii uu arkay in uusan waxba sameyn karin dadkuna ey rabshad kicin rabaan, wuxuu qaatay biyo hortooda ayuuna gacmaha ku dhaqday wuxuuna yiri, “Ninkan dhiigiisa shaqa kuma lihi, idinka ayaa dembigiisa qaadi doona!” Dadkii oo dhan ayaa ku jawaabay, “Dembiga dhiigiisa anaga iyo caruurteena ayaa qaadayna!” Bilaatos wuxuu amray in Baraabbas iyaga loo sii daayo. Kadibna wuxuu amray iney Ciise garaacaan oo ey iskutallaabta ku qodbaan. Kadib askartii gudoomiyaha ayaa Ciise u kaxeeyeen xaruuntii gudoomiyaha waxeyna iskugu yeereen askartii kale oo dhan. Dharkiisi ayey ka jeexjeexeen waxeyna u galiyeen dhar guduudan, madaxiisana waxey saareen taaj qodax laga sameeyay. Waxey gacanta midig u galiyeen ul, kadibna intey ku hor sujuudeen ayey si jeesjees ah u yiraahdeen, “Boqorka Yuhuudda ha noolaado!” Wejiga ayey kaga candhuufeen kadibna ushii ayey madaxa kaga mudmudeen. Markey ku jeesjeeseen kadib, waxey ka siibeen dharkii guduudnaa waxeyna u geliyeen dharkiisi. Kadibna waxey u kaxeeyeen iney iskutallaabta ku qodbaan. Markey sii socdeen waxey jidka kula kulmeen nin reer Sayriin ah, oo lagu magacaabo Simoon, waxeyna ku qasbeen inuu iskutallaabta qaado. Waxey yimaadeen meel la yiraahdo Golgota oo macnaheedu yahay, “Meeshii lafta Madaxa.” Markii meeshii la gaaray waxey siiyeen khamri wax qaraar lagu daray, laakiin markii uu dhadhamiyay wuu diiday inuu cabo. Markey iskutallaabta ku qodbeen ayey qori tuur ku qeybsadeen dharkiisi. Kadibna meeshaas ayey fariisteen oo ku waardiyaynayeen. Waxey meel madaxiisa ka sareysa ku qoreen eeddii ey ku eedeeyeen, waxaana ku qornaa, Kani Waa Ciise Boqorka Yuhuudda. Waxaa lala qodbay laba dembiile, mid wuxuu ka jiray dhinaca midig midka kalana dhinaca bidix. Dadkii meesha marayay oo dhan waxyaalo xun ayey Ciise ka sheegeen. Madaxooda ayeyna ruxayeen, waxeyna ku qaylinayeen, “Adiga ayaa sheegtay inaad burburin doonto macbadka kadibna aad ku dhisi doonto saddex maalmood gudahood! Is badbaadi oo iskutallaabta kasoo deg haddii aad Wiilka Illaahey tahay!” Sidoo kale ayeyna gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiintii sharciga Muuse iyo odayaashii ugu jeesjeeseen Ciise, waxeyna yiraahdeen, “Wuxuu badbaadiyay dad kale, laakiin naftiisa ma badbaadin karo! Hadduu yahay boqorka Israa’iil, ha kasoo dego iskutallaabta, waanna rumeyn doonnaa. Illaahey ayuu isku haleeyay, haddaba Illaahey hadda ha badbaadiyo hadduu raali ka yahay, waayo wuxuu yiri, ‘Waxaan ahay Wiilka Illaahey.’ ” Sidoo kale labadii dembiile ee iskutallaabta kula qodbanaa ayaa waxyaalo xun ku yiri Ciise. Laga bilaabo lix saac mugdi ayaa qariyay dhulka oo dhan illaa saddexdii duhurnimo. Markii sagaal saac oo galabnimo la joogay, ayaa Ciise cod dheer ku yiri, “Eloy, Eloy, lama sabakhtani?” (Taas oo macnaheedu yahay “Illaaheyow, Illaaheyow, maxaad ii deyrisay?”) Markii qaar ka mid ah kuwii meesha taagnaa maqleen hadalkaas, waxey yiraahdeen, “Wuxuu u yeeranayaa Eliyaas.” Mid iyagii ka mid ah ayaa orday oo suuf ku dhex riday khamro dhanaan, kadibna ul ku muday Ciisana u dhiibay si uu bishimaha ugu qoysto. Kuwii kale ayaa ku yiri, “Iska dhaaf aan aragnee in Eliyaas u yimaado oo uu badbaadiyo.” Markii uu Ciise mar labaad cod dheer ku qayliyay, ayuu ruuxiisi bixiyay. Isla waqtigaas daahii macbadkana laba meel ayuu u kala jeexmay kor ayuu kasoo bilowday illaa hoos. Dhulkii ayaa gariiray, dhagaxyadii ayaa burburay. Xabaalihii ayaa furmay, jirrarka dad badan oo quduus ah ee dhintay ayaa nolol loo sarakiciyay. Xabaalahoodi ayey kasoo baxeen markii uu Ciise soo sarakacay kadib waxeyna tageen magaalada quduuska ah dad badan ayaana arkay. Markii boqol u taliyihii iyo askartiisi Ciise ilaalinayay arkeen dhul gariirkii iyo wax walboo dhacay, wey argagaxeen waxeyna yiraahdeen, “Xaqiiqdii wuxuu ahaa Wiilka Illaahey!” Halkaasna waxaa joogay dumar badan oo meel fog ka daawanayay, kuwaas oo Ciise kala yimid Galili si ey ugu adeegaan. Dumarkaas waxaa ka mid ahaa Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yuusuf hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood. Markii galabtii la gaaray nin taajir ah oo Ciise xertiisa ka mid ahaa magaciisana Yuusuf la yiraahdo kana yimid magaalada Arimataya, ayaa Bilaatos u yimid oo weydiistay in la siiyo jirka Ciise. Bilaatosna wuxuu amar ku bixiyay in Yuusuf jirka Ciise la siiyo. Yuusuf wuxuu jirkii Ciise kasoo dajiyay iskutallaabtii wuxuuna ku duuduubay karfan nadiif ah. Kadibna wuxuu galiyay qabri uu lahaa oo dhagax laga qoday oo aan weligiis qof lagu aasin, kadibna wuxuu albaabkii xabaasha ku daboolay dhagax weyn wuuna tagay. Waqtigaas oo dhan Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxey fadhiyeen meel kasoo hor jeeda xabaasha. Maalintii ku xigtay oo ahayd Sabti, gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii waxey u tageen Bilaatos. Waxeyna ku yiraahdeen, “Mudane, waxaan xasuusanaa beenaalahaas intuu noolaa inuu yiri, ‘Saddex maalmood kadib waan soo sarakici doonaa.’ Haddaba amar ku bixi in xabaasha la ilaaliyo illaa maalinta saddexaad. Waayo waxaa laga yaabaa in xertiisu yimaadaan oo ey jirkiisa xadaan kadibna dadka ugu sheekeeyaan wuu sarakacay. Beentan dambe ayaana ka darnaan doonta tii hore.” Markaas ayuu Bilaatos ugu jawaabay, “Waardiyayaal qaata, oo ilaaliya xabaasha in alla intaad awoodaan.” Markaas ayey tageen oo hubiyeen qabrigii iyagoo dhagax kula shaabadeynaayo waardiyana saaraaya. Maalintii Sabtida ka dambaysay oo ahayd maalintii usbuuc ugu horraysay, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale ayaa tagay si ey xabaasha u soo fiiriyaan. Isla markiiba waxaa dhacay dhul gariir weyn, waxaana samada ka yimid malag Illaahey. Wuxuuna leexiyay dhagaxii qabriga ku daboolnaa wuuna ku dul fariistay. Malagu wuxuu u dhalaalayay sidii iftiinkii, dharkiisuna waxey u cadaayeen sidii barafkii. Askartii qabriga ilaalineysay ayaa gariiray oo sidii maydkii cabsi darteed dhulka ugu dhacay. Markaas ayuu malagii haweenkii ku yiri, “Ha cabsanina, waayo waan ogahay inaad u timaadeen Ciise, kaasoo iskutallaabta lagu qodbay. Halkan ma joogo! Wuu sarakacay sidii uu horey idin kugu sii sheegay. Bal fiiriya meeshii uu jirkiisu yaalay. Haddaba dhaqso taga oo u sheega xertiisa oo ku dhaha, ‘Ciise dhimashada wuu ka sarakacay wuxuuna idin kaga hor mari doonaa Galili. Halkaas ayaad ku arki doontaan.’ Waxaanna u imid inaan arintaas idiin sheego.” Markaas ayey dumarkii dhaqso uga tageen xabaasha iyagoo argagaxsan oona faraxsan si ey ugu sheegaan xertiisi. Isla markiiba waxaa jidka kula kulmay Ciise oo ku yiri, “Waan idin salaamay.” Markaas ayey u dhawaadeen oo lugihiisa ku sujuudeen. Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Ha cabsanina, taga oo u sheega walaalahay iney Galili tagaan, halkaas ayey igu arki doonaan.” Intey dumarkii sii socdeen, qaar ka mid ah waardiyayaashii ayaa magaalada tagay oo gudoomiyayaashii wadaaddada u sheegay wax walboo dhacay. Markaas ayey Gudoomiyayaashii wadaaddada la kulmeen odayaashii waxeyna go’aansadeen iney lacag laaluush ah siiyaan waardiyayaashii, waxeyna ku yiraahdeen, “Waxaad qof walba ku tiraahdaan, ‘xertii Ciise ayaa yimaadeen habeenkii intaan hurudnay oo xaday jirkii Ciise.’ Haddii taliyuhu maqlo warkan, waan qancineynaa, oo dhibka waan idin ka leexineynaa.” Markaas ayey waardiyayaashii qaateen lacagtii oo sameeyeen sidii lagu amray. Sheekadaasna illaa maanta Yuhuudda qaar wey aaminsanyihiin. Kadib kow iyo tobankii xerta ahaa waxey aadeen buur Galili ku taala, halkaas oo uu Ciise amray iney tagaan. Markey Ciise arkeen wey u sujuudeen, laakiin qaar ayaa ka shakiyay. Markaas ayuu Ciise iyagii u yimid oo ku yiri, “Awood oo dhan ayaa samada iyo dhulka la iga siiyay. Sidaa darteed, taga oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, idinka oo ku baabtiisaya magaca Aabaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah, oona baraya iney adeecaan wax walboo aan idin ku amray. Weligiinna waan idin la jiri doonaa, xitaa illaa dhamaadka aduunka.” Kani waa warka wanaagsan ee ku saabsan Ciise Masiix Wiilka Illaahey. Sida ku qoran kitaabkii nebi Isayos, “Waxaan hortaada soo diri doonaa wargeeyaheyga, kaasoo jidka kuu sii diyaarin doona.” “Codka kan cidlada ka dhawaaqaya, oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya, waddooyin toosan isaga u sameeya.’ ” Yooxanaa Baabtiisahana wuxuu yimid cidlada, isaga oo ku wacdinaya baabtiiskii toobadkeenka iyo cafiska dembiga. Markaas ayaa dad badan ka yimaadeen Yuhuudiya iyo Yeruusaalem si ey u dhageystaan Yooxanaa. Dembiyadooda markey qirtaanna wuxuu ku baabtiisayay webi Urdun. Yooxanaa wuxuu xiran jiray dhar dhogorta geela laga sameeyay, suun maqaar laga sameeyeyna dhexda ayuu ku xiran jiray, oo cuntadiisuna waxey ahayd anyax iyo malab duureed. Wuxuuna dadka ku wacdiyay oo yiri, “Waxaa iga daba imaan doona mid iga awood weyn, kan aanan anigu istaahilin inaan suumanka kabahiisa furo. Aniga waxaan idin ku baabtiisaa biyo, laakiin isaga wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.” Isla waqtigaas Ciise ayaa ka yimid Naasareddii Galili, oo Yooxanaa ayaa isaga ku baabtiisay webi Urdun. Ciise goortii uu biyaha kasoo baxayay ayuu arkay samada oo furantay, iyo Ruuxa Quduuska ah oo ugu soo kor dagaya sida qoolley ahaan. Markaas ayaa cod samada ka dhawaaqay isaga oo leh, “Waxaa tahay Wiilkeyga aan jeclahay, waana kugu faraxsanahay.” Isla markaas ayuu Ruuxa Quduuska ah Ciise u hogaamiyay cidlada, halkaas ayuuna afartan maalmood Shaydaanku ku jarribayay. Meeshaasna waxaa joogay xayawaan duureed, laakiin waxaa u yimid malaa’ig oo caawisay. Goortii Yooxanaa xabsiga la galiyay kadib, Ciise wuxuu tagay Galili, isaga oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee Illaahey. Wuxuuna yiri, “Waqtigii wuu yimid, boqortooyada Illaahey wey soo dhawaatay. Toobadkeena oo rumeysta warka wanaagsan!” Ciise oo ag maraya badda Galili ayaa arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros iyagoo shabaag badda ku tuuraya, waayo waxey ahaayeen kalluumaysato. Ciise ayaa ku yiri, “Kaalaya oo isoo raaca, waxaan idin ka dhigi doonaa kuwa dadka jillaabta.” Isla markiiba intey shabaagyadoodi ka tageen ayey Ciise raaceen. Goortii Ciise cabbaar socday ayaa wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, waxeyna kala ahaayeen Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa. Doontoodi ayey ku jireen oo shabaagyadooda ayey diyaarsanayeen. Isaga oo aan waqti lumin ayuu u yeeray, iyagana aabahood Sebedi iyo nimankii shaqaalaha ahaa ayey doontii uga tageen oo Ciise ayey raaceen. Ciise iyo xertiisi waxey aadeen Kafarna’um. Oo maalintii Sabtida Ciise wuxuu tagay sunagogga wuxuuna bilaabay inuu dadka wax baro. Wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay dadka, waayo wuxuu wax u baray sidii mid awood leh, mana uu ahayn sida macalimiinta sharciga Muuse oo kale. Isla markiiba nin ruux wasakh leh ku jirtay oo joogay sunagogga ayaa qayliyay oo yiri, “Maxaad naga rabtaa Ciisihii reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabi’iso? Waan garanayaa qofka aad tahay, waxaad tahay kan Quduuska Illaahey ah!” Markaas ayaa Ciise canaantay ruuxdii oo ku yiri, “Aamus! Oo kasoo bax!” Markaas ayaa ruuxii wasakhda lahaa dadka oo dhan hortooda ninkii dhulka ku tuuray, wuuna kasoo baxay isaga oo aan nabar xitaa u geysanin. Markaas ayaa dadkii oo dhan la yaabeen oo ey is weydiiyeen, “Maxey tahay hadalladan amarka iyo xoogga leh oo xitaa ruuxyada wasakhda leh ayuu amray oo wey soo baxeen!” Isla markiiba warka isaga ku saabsan ayaa ku faafay Galili oo dhan. Haddaba markii uu Ciise ka tagay sunagogga isaga oo ey la socdaan Yacquub iyo Yooxanaa ayaa waxey tageen guriga Simoon iyo Andaros. Simoon sodohdiis ayaa qandha la jiiftay, markaas ayey Ciise u sheegeen. Kadib ayuu u tagay oo gacanta qabtay isla markiina qandhadii wey deysay. Weyna kacday oo waxey iyaga u diyaarisay cunto. Qoraxdi markey dhacday, dadkii ayaa Ciise u keenay kuwii xanuusanaa oo dhan iyo kuwii kale ee ruuxyada wasakhda leh qabay. Dadkii magaalada oo dhan ayaa albaabkii guriga ku soo hor ururay, Ciisana wuxuu bogsiiyay kuwa badan oo cudurro kala duduwan qabay. Dadkana ruuxyo badan oo wasakh leh ayuu ka saaray. Laakiin ruuxyada wasakhda leh wey garanayeen isaga sidaa darteed uma ogolaan iney hadlaan. Aroornimadii weli inta uusan waagii si fiican u baryin ayuu Ciise intuu kacay ayuu tagay meel cidla ah si uu u soo duceysto. Simoon iyo kuwa la jiray ayaa isaga raadinayay, markey arkeen ayey ku yiraahdeen, “Qof walba ayaa ku raadinaya!” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Soo baxa aan tagnee tuulooyinka meelahaan ka dhaw, si aan halkaasna uga soo wacdiyo waayo arintaas ayaan u imid.” Kadibna Ciise wuxuu maray Galili oo dhan isaga oo ka wacdinaya sunagogyadooda oo dadkana ka saaraya ruuxyada wasakhda leh. Nin baras qaba ayaa u yimid Ciise jilbihiisa ayuuna dhulka dhigtay oo baryay isaga oo leh, “Haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.” Markaas ayaa Ciise u naxariistay, intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay wuxuuna ku yiri, “Waan doonayaa ee bogso!” Isla markiiba baraskii ayaa ninka ka baxay wuuna bogsaday. Ciisana wuu diray ninkii isaga oo canaantay oo ku yiri, “Qofna ha u sheegin, bax oo wadaadka is tus oo allabari bixi sidii uu sharciga Muuse kuu amray, si ey iyaga nadiifintaadu marqaatifur ugu noqoto.” Ninkii ayaa wuxuu bilaabay inuu ka hadlo arintaas oo warkiina wuu faafay, sidaa darteed Ciise mar dambe ma uusan gali karin magaalo isaga oo la arkayo, wuxuuna joogay meelaha cidlada ah. Laakiin dadka meel walba ayey uga imaanayeen. Dhowr maalmood kadib ayuu Ciise wuxuu haddana ku laabtay Kafarna’um, dadkii ayaa maqlay inuu guriga joogo. Markaas ayaa dad badan isku soo urureen oo meel la kala istaago ayaa la waayay xitaa albaabka hortiisa, oo wuxuu iyagii ku wacdiyay ereyga. Markaas ayaa waxaa u yimid niman wada nin curyaan ah. Markey waayeen meel ey Ciise u maraan waayo dadkii ayaa meesha buuxay, waxey fuuleen saqafka guriga oo derintiisi ayey ku soo dejiyeen dadkii badnaa dhexdooda illaa ey ka dhigeen Ciise hortiisa. Ciise markii uu arkay iimaankoodi, ayuu ku yiri ninkii curyaanka ahaa, “Saaxiibow, dembiyadaadu wey cafisan yihiin.” Haddaba waxaa halkaas fadhiyay macalimiintii sharciga Muuse, oo qalbiyadooda ayey iskala hadlayeen, “Ninkan muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caaytamayaa! Yaa dembi cafin kara Illaahey maahee?” Isla markiiba Ciise wuxuu ka ogaaday ruuxdiisa waxyaalaha ey qalbiyadoodu ka fikirayeen, oo wuxuuna ku yiri, “Maxaad waxyaalahan uga fikireysaan? Teebaa fudud, ma inaad ninkan curyaanka ah ku tiraahdo, ‘Dembiyadaadi waa la cafiyay,’ mise inaad tiraahdo, ‘Istaag derintaada qaado oo soco’? Laakiin waxaan rabaa inaad ogaataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay awood uu dembiyada ku cafiyo.” Markaas ayuu ninkii ku yiri, “Waxaan kugu leeyahay istaag, derintaada qaado oo gurigaaga tag!” Dadkii hortooda ayuuna ku kacay, derintiisana qaatay oo tagay. Arintaasna dadka oo dhan ayey ka yaabisay oo iyaguna Illaahey ayey ammaaneen iyagoo leh, “Weligeen waxan oo kale maanan arkin!” Kadib Ciise wuxuu tagay warta Galili agteeda. Waxaa isaga u yimaaday dad badan oo wuxuuna bilaabay inuu iyaga wax baro. Intuu soconayay ayuu arkay Laawi ina Alfayos isaga oo fadhiya meesha canshuurta lagu qaado. Markaas ayaa Ciise isaga ku yiri, “Isoo raac.” Laawina wuu kacay oo raacay. Ciise oo ka casheynaya guriga Laawi, canshuur qaadayaal iyo dembiilayaal badan ayaa la cunteynayay isaga iyo xertiisa. Waayo kuwa badan ayaa isaga raacay. Markey macalimiintii sharciga Muuse kuwaasoo ah Farrisiinta arkeen Ciise oo la cunteynaya dembiilayaasha iyo kuwa canshuur qaadayaasha ah ayey weydiiyeen xertii, “Muxuu ula cunayaa canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha?” Ciisana markii uu arintaas maqlay ayuu iyaga ku yiri, “Dadka caafimaadka qaba uma baahno dhakhtar, ee kuwa xanuusan ayaa u baahan. Anigu uma imaanin kuwa u maleynaya iney yihiin kuwa xaq ah, laakiin waxaan u imaaday kuwa dembiilayaasha ah.” Maalin ayaa dad ku yiraahdeen Ciise, “Sidee ayey ku dhacday in xertii Yooxanaa Baabtiisaha ey mar walba soomaan oo ey tukadaan, sidoo kale xerta Farrisiinta, laakiin xertaadu ey mar walba wax cunaan oo ey wax cabaan?” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay oo ku yiri, “Sidee ayey ku dhaceysaa in martida aroosku soomaan iyadoo uu caruusku la joogo? Waa maya. Laakiin waqti ayaa imaan doona oo uu caruusku ka tagi doono, markaas ayey soomi doonaan. “Qofna maro cusub kuma dul tolo maro duug ah. Haddii kale marada cusub wey soo go’aysaa jeexniinkuna wuu kasii darayaa. Qofna kuma shubo khamri cusub sibraar duug ah, haddii kale khamriga cusub wuu kala dilaacinayaa sibraarada khamriguna wuu daadanayaa. Sidaa darteed khamriga cusub waa in lagu shubo weel cusub.” Maalin Sabti ah Ciise iyo xertiisa oo dhex socda beer badar ah, ayey xertiisi bilaabeen iney sabuulladii goostaan. Farrisiinti ayaa Ciise ku yiri, “Maxey u sameynayaan wax aan banaaneyn maalinta Sabtida in la sameeyo?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyeydan ka akhrisan qoraalka wixii Daa’uud iyo kuwii la jiray sameeyeen goortey gaajeysnaayeen? Waagii Aabyaataar wadaadka sare ahaa, Daa’uud wuxuu galay guriga Illaahey oo jabiyay sharciga, kibistii goonida loo bixiyay, taas oo ey sharciyan u leeyihiin wadaaddadu oo sidoo kale wuxuu xoogaa kuwii la jiray.” Kadib Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Sabtida waxaa loo sameeyay binu aadanka ee binu aadanka looma sameynin Sabtida. Sidaa darteed Wiilka Aadanahu waa Sayidka Sabtida.” Mar kale ayuu Ciise tagay sunagogga, halkaasna waxaa joogay nin gacanta curyaan ka ahaa. Farrisiintii waxey raadinayeen marmarsiyo ey Ciise ku dacweeyaan, waxey fiirinayeen inuu Ciise maalinta Sabtida ah qof bogsiiyo. Markaas ayuu Ciise ku yiri ninkii gacanta curyaanka ka ahaa, “Kac oo dadka oo dhan soo hor istaag.” Kadibna Ciise ayaa iyaga weydiiyay, “Maalinta Sabtida ah sharcigeena muxuu noo ogolaadaa inaan sameyno? In wax wanaagsan la sameeyo ama wax xun, in nolol la badbaadiyo ama in la dilo?” Markaas ayey wada aamuseen. Markaas ayuu Ciise iyagii fiiriyay isaga oo xanaaqsan, aad ayuuna uga xumaaday qalbi adeegooda, kadibna ninkii ayuu ku yiri, “Fidi gacantaada.” Isaguna wuu fidiyay gacantiisana wey bogsatay. Markaas ayey Farrisiintii tageen oo la qorsheeyeen dadkii boqor Herodos raacsanaa sidii ey Ciise u dili lahaayeen. Ciise wuxuu la tagay xertiisi warta agteeda, markaas ayaa dad badan oo ka yimid Galili iyo Yahuudiya ayaa iyaga soo raaceen. Markey maqleen waxyaalihii uu sameynayay oo dhan ayey ka kala yimaadeen Yuhuudiya, Yeruusaalem, Idumiya, kuwa kalana waxey ka yimaadeen meelahaas Urdun iyo gobolada Turos iyo Siidoon. Dadkii badnaa dartood ayuu Ciise ku yiri xertiisi ii diyaariya doon yar, si eysan dadku isaga ugu soo ag ururin. Haddaba Ciise dad badan ayuu bogsiiyay, sidaa darteed kuwa kale oo xanuusanna waxey isku dhex ciriiriyeen dadkii badnaa si ey u yimaadaan horey oo ey u taabtaan isaga. Dadkii ruuxyada wasakhda leh qabayna markey Ciise arkeen intey dhulka ku dhaceen ayey yiraahdeen, “Waxaad tahay Wiilka Illaahey.” Laakiin aad ayuu uga digay in eysan qofna u sheegin wax isaga ku saabsan. Ciise wuxuu tagay dhinaca buurta, oo wuxuuna u yeeray xertiisa wayna u yimaadeen. Wuxuu doortay laba iyo tobankii rasuullada ahaa si ey ula joogaan oo uu u diro si ey u soo wacdiyaan, iyo iney lahaadaan awood ey ruuxyada wasakhda leh ku saaraan. Kuwani waa laba iyo tobankii uu doortay. Simoon (kan uu u bixiyay Butros), Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa (wuxuu u bixiyay Bo’anegres taas oo macnaheedu yahay “wiilashii onkodka”), Andaros, Filibos, Bartolomayos, Matayos, Toomas, Yacquub ina Alfayos, Tadayos, Simoon reer Kaana iyo Yuudas Iskariyod kii gacangeliyay. Markii uu Ciise guriga tagay ayaa haddana dad badan isku urureen, oo isaga iyo xertiisana ma eysan awoodin iney wax cunaan. Reerkiisa markey maqleen arintan ayey u yimaadeen si ey xaafada ugu wadaan, oo waxey yiraahdeen, “Wuu waalanyahay.” Macalimiinta sharciga Muusana waxey ka yimaadeen Yeruusaalem oo waxey yiraahdeen, “Wuxuu ruuxyada wasakhda leh ku saaraa waa awoodda Be’elsebul oo ah amiirka ruuxyada wasakhda leh.” Balse Ciise intuu iyaga iskugu yeeray ayuu bilaabay inuu kula hadlo tusaalahan, “Sidee ayuu Shaydaanku Shaydaan kale u saari karaa? Haddii boqortooyo kala qeybsanto, boqortooyadaas ma taagnaan karto. Reer walboo kala qeybsamana wuu dumayaa. Marka haddii boqortooyada Shaydaanku kala qeybisanto oo ey isweeraraan sidee ayey u taagnaan doontaa, taasi dhamaadkiisa ayey noqon. Ninna nin xoog leh intuu gurigiisa galo alaabtiisa kama dhici karo, marka hore waa inuu ninka xoogga leh xiraa, kadibna guriga dhacaa. Run ahaantii waxaan idin ku leeyahay, binu aadanka waa loo cafin doonaa dembiyada iyo caayda ey ku caaytamaan oo dhan, laakiin mid walboo caaya Ruuxa Quduuska ah weligiis lama cafin doono, waayo wuxuu ku eedeysanyahay dembi weligiis ah.” Ciise waxyaalahan wuxuu u yiri waayo iyaga ayaa isaga ku yiri, “Wuxuu qabaa ruuxyo wasakh leh.” Markaas ayaa waxaa yimid Ciise hooyadiis iyo walaalihiis, oo waxey istaageen banaanka qof ayeyna u direen inuu u yeero Ciise. Dadkii badnaa oo agtiisa fadhiyay ayaa ku yiri, “Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa jooga banaanka oo wey ku raadinayaan.” Markaas ayaa Ciise iyaga weydiiyay, “Yaa waaye hooyaday iyo walaalahay?” Kadibna wuxuu fiiriyay dadkii isaga ag fadhiyay wuxuuna ku yiri, “Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay! Mid walboo sameeya doonista Illaahey wuxuu noqonayaa hooyaday iyo walaalahay.” Kadib Ciise wuxuu dadka ku barayay xagga warta Galili. Dad badan ayaa ag yimid, wuxuuna fuulay doon biyaha ku jirtay oo wuu fariistay, dhamaan dadkiina waxey joogeen xeebta warta qarkeeda si ey u dhageystaan isaga. Waxyaalo badan ayuu tusaale ku baray, markii uu wax barayay wuxuu u sheegay tusaalahaan. “Dhagaysta! Nin beeraley ah ayaa u baxay inuu abuurkiisi beerto. Markii uu beerayay, abuurkii qaar ayaa ku dhacay jidka agtiisa, oo shimbirrihii ayaa cuneen. Qaarna waxey ku dhaceen meel dhagaxyo leh oo ciiddu ku yartahay isla markiina wey soo baxeen waayo ciiddu dhulka kuma badneyn. Kadib markii qoraxdii soo baxday, wey gubteen weyna qalaleen maxaa yeelay xidid ma lahayn. Kuwa kalana waxey ku dhex dhaceen qodaxyo, markey soo baxeenna qodaxyadii ayey kasoo dhex bixi waayeen, sidaa darteed may bixinin mirro. Kuwa kalana waxey ku dhaceen carro fiican, taas oo qaar soo saartay boqol jibaar qaarna lixdan jibaar qaarna soddon jibaar in ka badan wixii la abuuray.” Kadib Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Mid walboo dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.” Markii dadkii badnaa ka tageen ayaa laba iyo tobankii xertiisa ahaa iyo kuwa kale oo la jiray isaga weydiiyeen wax ku saabsan tusaalihii. Markaas ayuu ku yiri, “Waxaa la idin siiyay sirta boqortooyada Illaah. Laakiin kuwa kale waxaan ku barayaa tusaale. Sababtoo ah, “ ‘Wax ayey fiiriyaan, mana arkaan, wax ayey maqlaan, mana fahmaan, haba ahaatee hadday ey Illaahey u soo laabtaan waa la cafin lahaa!’ ” Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Haddii eydan tusaalahaan fahmin, sidee ayaad tusaale kale ku fahmi doontaan? Haddaba waxa beeraleygu abuurtay waa ereyga Illaahey. Dadka qaarkood waa sida abuurka jidka ku dhacay ereyga wey maqlaan laakiin Shaydaanku intuu u yimaado ayuu qalbigooda ka saaraa ereygii lagu beeray. Kuwa kalana waa sida abuurkii ku dhacay meesha dhagaxyada leh ereyga farxad ayey ku qaateen markey maqleen. Laakiin iimaankooda oo aan sal adag lahayn dartiis, waxey sii jiraan waqti yar. Markii dhib iyo silac yimaado ereyga dartiisna, isla markiiba iimaanka wey ka laabtaan. Abuurkii meesha qodaxda leh ku dhacayna waa kuwa ereyga maqla, laakiin welwelka noloshan, damaca taajirnimada iyo rabitaanka waxyaalo kale ayaa baabi’iya warkii wanaagsanaa, wuxuuna noqdaa mirro la’aan. Kuwa kalana waa sida abuurkii carrada fiican lagu beeray, waa kuwa ereyga maqla oona aqbala kadibna mirro dhala waxeyna soo saaraan soddon jibaar, lixda jibaar qaar kalana boqol jibaar in ka badan intii la beeray.” Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Miyaad laambad u shidaan si aad weel ugu dabooshaan ama sariirta hoosteeda u dhigtaan? Laambada soo lama dhigo laambad saarka? Waayo wax walboo qarsoon waxaa loogu talagalay iney banaanka u soo baxaan, wax walboo daboolanna iftiinka ayaa la keeni doonaa. Qofkii dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.” Hadalkii ayuu watey, “Ka fiirsada waxaad maqashaan, waayo qiyaastii aad ku qiyaastaan iyo in ka badan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa. Mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, laakiin kuwa aan waxba haysaninna xitaa waxey haystaan waa laga qaadi doonaa.” Sidoo kale Ciise wuxuu yiri, “Boqortooyada Illaahey waa sida nin abuur dhulka ku daadshay. Beeraleydu habeenkii wey seexdaan subixiina wey soo kacaan, laakiin abuurkii wuu baxaa wuuna weynaadaa iyagoo aan garaneynin sida ey ku dhacday. Dhulka kaligiis ayaa badar bixiya, marka hore wuxuu bixiyaa jirrida iyo sabuulka kadibna sabuulkii ayaa mirro bixiya. Kadib badarkii markii uu bislaado waxey ku gooyaan mindi waayo waqtiga beer gooyska wuu yimid.” Ciise ayaa haddana yiri, “Maxaan u ekeysiin karnaa boqortooyada Illaah? Tusaalaheen u ekeysiin karaa? Waxey u egtahay iniin khardal ah taas oo ah iniinta ugu yar dhulka oo dhan. Laakiin haddii uu nin beertiisa ku beero wey baxdaa oo waxeyna noqotaa geed weyn shimbirraha hawadana laamihiisa ayey buulal ka dhistaan.” Tusaalahaan iyo kuwa kale oo badan ayuu Ciise isticmaalay inuu ereyga ku baro iyaga si ey u fahmaan. Waxna uma uusan sheegin tusaale ahaan maahee, laakiin markii uu la joogo xertiisa wuu u faahfaahinayay wax walba. Maalintaas galabteedii markii la gaaray ayuu Ciise xertiisi ku yiri, “Bal aan dhinaca kale tagno.” Dadkii badnaa ayey ka tageen oo waxey galeen doontii uu Ciise ku jiray oo dhinaca kale ayey tageen, dooma kale ayaana la jiray. Isla markiiba waxaa kacay duufaan daran, hirarkiina doontii ayey ku dhaceen oo doontiina biyo ayaa ka buuxsami gaaray. Ciisana wuxuu joogay xagga dambe ee doonta wuuna jiifay barkin. Markaas ayaa xertiisi kiciyeen isaga oo ku yiraahdeen, “Macalinow, miyeysan waxba kula ahayn haddii ey biyuhu na qaadaan?” Isla markii ayuu kacay oo canaantay duufaantii iyo hirarkii oo ku yiri, “Aamus oo deg!” Kadibna duufaantii ayaa degtay oo wax walbana wey wada aamuseen. Markaas ayuu xertiisi ku yiri, “Maxaad sidan oo dhan ugu cabsateen? Iimaan malihidiin miyaa?” Markaas ayey xertii wada argagaxeen oo ey is weydiiyeen, “Kani yuu yahay? Xitaa duufaanta iyo hirarka ayaa adeecaya!” Markii ey wartii kasoo gudbeen ayey waxey yimaadeen gobolka Gadareni. Ciise markii uu doontii ka degtay ayaa nin ruuxyo wasakh leh qabay oo xabaalaha ku noolaa u yimaaday. Ninkani wuxuu ku noolaa xabaalaha oo qofna isaga ma xiri karin, xitaa silsiladu ma eysan xijin karin. Mar walba waxaa lugta iyo gacanta looga xiri jiray silsilad, laakiin silsiladii iyo birtii ayuu jabin jiray, oo qofna ma awoodin inuu xiro xoogga uu lahaa dartiis. Habeen iyo maalin ayuu joogi jiray xabaalaha iyo meelaha buuraha ah, isaga oo qaylinaya dhagaxyana isku jarjaraya. Laakiin goortii uu Ciise meel dheer ka arkay ayuu u soo orday oo hortiis jilba jabsaday. Markaas ayuu cod dheer ku qayliyay oo yiri, “Maxaad iga rabtaa, Ciisow, Wiilka Illaaha ugu Sareeyow? Ballan magaca Illaahey iiga qaad in aadan i ciqaabin!” Markaas ayaa Ciise isaga ku yiri, “Kasoo baxa ninkan, Ruux yahow wasakhda leh!” Markaas ayuu Ciise weydiiyay isaga, “Magacaa?” Ninkii ayaa ku jawaabay oo yiri, “Magacaygu waa Liijon, waayo waan badanahay.” Aad ayey Ciise uga baryeen in uusan agagaarkaas ka saarin. Waxaa buurta halkaas u dhaw daaqayay doofaarro badan. Markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa Ciise ka baryeen oo ku yiraahdeen, “Doofaarradaas noo dir, noo ogolow inaan iyaga galno.” Markaas ayaa Ciise u fasaxay, oo ruuxyadii wasakhda lahaa ninkii ayey kasoo baxeen oo waxey galeen doofaarradii. Isla markiiba doofaarradii oo gaaraya laba kun ayaa hoos u daadagay oo ku yaacay warta, biyihii ayaana laqay. Kuwii doofaarrada daajinayay ayaa u cararay magaalada iyo agagaarkeeda oo arintii dadka u sheegay, dadkiina wey yimaadeen si ey u arkaan waxyaalihii dhacay. Markii dadkii Ciise u yimaadeenna waxey arkeen ninkii ruuxyada wasakhda leh qabi jiray oo fadhiya, isaga oo caqligiisu fiicanyahay oo dhar fiican qaba, aad ayeyna u cabsadeen. Kuwii arkay wixii dhacay ayaa dadka kale u sheegay waxa ku saabsan ninkii ruuxyada wasakhda leh qabi jiray iyo doofaarrada. Markaas ayaa dadkii Ciise ka baryeen inuu deegaankooda ka tago. Ciise goortii uu doonta fuulay oo baxayay ayaa ninkii ruuxyada wasakhda leh laga saaray ka baryay inuu isaga soo raaco. Ciisana uma ogolaan, laakiin wuxuu ku yiri, “Bax oo dadkaaga u tag oo u sheeg wuxuu Rabbigu kuu sameeyay, iyo siduu kuugu naxariistay.” Markaas ayuu ninkii tagay oo bilaabay inuu ka sheego Dekabolis wixii uu Ciise u sameeyay isaga. Dadkiina aad ayey u yaabeen. Kadib markii uu Ciise doonta fuulay oo u laabtay dhinaca kale ee warta, dad badan ayaa ku soo ag ururay. Kadibna nin hogaamiye sunagogga ka ahaa oo magaciisuna yahay Yayros ayaa yimaaday, markii uu Ciise arkay ayuu lugahiisi ku dhacay. Aad ayuu uga baryay isaga oo leh, “Gabadheydi waa sakaraad ee fadlan kaalay oo gacantaada saar si ey u bogsato oo ey u noolaato.” Sidaa darteed Ciise wuu raacay isaga. Dad badanna wey raaceen oo agtiisa ayey isku ciriiriyeen. Dadkii badnaa dhexdooda waxaa ku jiray haweeyney laba iyo toban sano dhiig ka socday. Dhakhtarro badan ayey u tagtay laakiin ma eysan bogsan xitaa waxey haysatay oo dhan ayey ku bixisay laakiin intey bogsan lahayd wey kasii daraysay. Markey Ciise warkiisa maqashay ayey dadkii soo dhex martay oo ey gadaashiisa timid, markaas ayey maradiisa taabatay, waayo waxey isku tiri, “Haddii aan maradiisa taabto waan bogsan doonaa.” Isla markiina dhiiggii ka socday wuu joogsaday oo waxey jirkeeda ka dareentay in cudurkii laga xoreeyay. Isla waqtigaasba Ciise wuxuu gartay in xoogga wax lagu bogsiiyo isaga ka baxay. Markaas ayuu dadkii badnaa u jeestay oo weydiiyay, “Yaa dharkeyga taabtay?” Markaas ayaa xertiisi u jawaabeen oo yiraahdeen, “Waad u jeedaa dadkan badan oo kugu ag ururay, sidee ayaad u weydiin kartaa, ‘Yaa i taabtay?’ ” Laakiin Ciise dadkii ayuu fiiriyay si uu u arko qofka isaga taabtay. Kadib naagtii oo ogaatay in la bogsiiyay ayaa timaaday oo cagihii Ciise ku dhacday, iyadoo cabsi la giriiraysa, oo sheegtay runtii wixii ey sameysay. Ciise ayaa ku yiri, “Gabadheydiyey iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay. Nabad ku tag oo ka xorrow xanuunkii ku hayay.” Ciise oo weli hadlaya ayaa kuwa ka yimaadeen gurigii Yayros, kaasoo hogaamiyaha sunagogga ahaa, oo ku yiraahdeen, “Gabadhaadi wey dhimatay, ee macalinka maxaad u dhibaysaa?” Ciise markii uu arintan maqlay ayuu ku yiri Yayros kan sunagogga hogaamiya, “Ha cabsan ee iimaan lahaw.” Qofna uma ogolaan inuu raaco waxaanan ka ahayn Butros, Yacquub iyo Yooxanaa. Markey yimaadeen gurigii Yayros kan sunagogga hogaamiya ayaa waxey arkeen dadkii oo ooynaya oo aad u barooranaya. Ciise intuu gurigii galay ayuu ku yiri, “Maxaad u buuqaysaan oo aad u ooyneysaan? Cunugtu ma dhimanin ee wey jiiftaa.” Laakiin wey ku qosleen isaga. Markaas ayuu Ciise iyagoo dhan banaanka u saaray oo la haray gabadha waalidkeed iyo xertiisi, oo waxey galeen gabadhu halkii ey jiiftay. Gabadhii ayuu gacanta qabtay oo ku yiri, “Talita qumi!” (Taas oo macnaheedu yahay “Yariisay, waxaan kugu leeyahay kac!”) Isla markiiba gabadhii wey kacday oo waxey bilowday iney socoto. Dadkii oo dhan ayaa aad uga yaabeen arintan. Laakiin Ciise wuxuu iyaga ku amray in eysan qofna u sheegin arintaas, wuxuuna u sheegay iney cunto siiyaan gabadha. Ciise halkaas ayuu ka tagay oo wuxuuna aaday magaaladii uu kasoo jeeday isaga oo la jira xertiisi. Maalintii Sabtida markii la gaaray ayaa wuxuu wax ku barayay sunagogga, kuwa badan oo isaga dhageysanayeyna wey la yaabeen wax baritaankiisa. Markaas ayey is weydiiyeen, “Xaggee ninkan ka helay waxyaalahan? Yaa siiyay xigmaddan iyo awoodan uu ku sameeyo mucjisooyinkan? Kani miyuusan ahayn faryaamoolihii ina Maryan ahaa, walaalkii Yacquub, Yuusuf, Yuudas iyo Simoon? Oo gabdhaha walaalihiis ah miyeysan magaaladan na la joogin?” Dadkiina aad ayey uga xumaadeen. Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Nebi dad walba ayaa sharfa waxaanan ka ahayn dadka magaaladiisa, reerkiisa iyo qaraabadiisa.” Halkaasna mucjisooyin kuma uusan sameyn karin, laakiin dhowr qof ayuu gacanta saaray oo bogsiiyay. Ciise wuxuu la yaabay iimaan la’aantooda. Ciise wuxuu ku wareegayay tuulooyinka isaga oo wax baraya. Intuu laba iyo tobankii iskugu yeeray ayuu bilaabay inuu laba laba u diro isaga oo siiyay awood ey ku saaraan ruuxyada wasakhda leh. Wuxuuna ku amray oo ku yiri, “Waxna safarka ha u qaadanina waxaanan ul ka ahayn, xitaa boorso, cunto ama lacag ku jirta kiishadaha suumankiina. Kaba qaata laakiinse shaati dheeraad ah ha qaadanina. Mar walboo guri la idin kasoo dhaweeyo halkaas jooga illaa aad magaalada ka tagtaan. Haddii meel la idin kasoo dhaweyn waayo ama ey diidaan iney idin dhageystaan, meeshaas ka taga oo cagahiinana boorka ka jafa si ey marqaatifur idin kugu ahaato.” Rasuulladiina wey baxeen oo waxey dadka ku wacdiyeen iney toobadkeenaan. Ruuxyo wasakh leh oo badan ayey dadka ka saareen oo kuwa badan oo xanuusanna saliid ayey ku subkeen weyna bogsiiyeen. Boqor Herodos ayaa maqlay waxyaalihii uu Ciise sameynayay, waayo dad badan ayaa magaciisa garanayay. Qaarkood ayaa waxey dheheen, “Waa Yooxanaa baabtiisaha, wuxuu kasoo sarakacay dhimashada, waana sababta uu u haysto awoodda mucjisooyinka lagu sameeyo.” Laakiin kuwa kalana waxey dheheen, “Waa Eliyaas, qaarna waxey dhaheen waa nebi nebiyadii hore ka mid ah.” Laakiin Herodos goortii uu arintan maqlay ayuu yiri, “Yooxanaa kii aan madaxa ka gooyay ayaa dhimashada kasoo sarakacay!” Waayo Herodos ayaa niman amray iney Yooxanaa qabtaan, oo ey xabsi geliyaan, Herodiya oo ahayd xaaska walaalkiis Filibos oo uu guursaday darteed. Waayo Yooxanaa ayaa ku yiri Herodos, “Kuuma banaana inaad naagta walaalkaa guursatid.” Sidaa darteed Herodiya wey ka xanaaqday Yooxanaa oo waxey dooneysay iney disho laakiiin ma eysan awoodin, waayo Herodos wuu ka cabsanayay Yooxanaa oo wuuna ilaalinayay waayo wuxuu ogaa inuu yahay nin xaq ah oo quduusna ah. Balse Herodos wuu ku wareeray waxyaalihii Yooxanaa ku wacdinayay, laakiin wuu ku faraxsanaa inuu isaga dhageysto. Ugu dambeyntii fursad ayey heshay, oo xusuustii dhalashadiisa, ayuu Herodos xaflad weyn dhigay wuxuuna casuumay sarkaaladiisi, ciidankiisi iyo hogaamiyayaashii Galili. Markaas ayaa gabadhii Herodiya timaaday oo u ciyaartay Herodos iyo martidiisi. Aad ayey uga farxisay Herodos iyo iyagoo dhan. Markaas ayaa boqor Herodos ku yiri gabadhii, “Wax walboo aad doontid i weydiiso waana ku siin doonaa.” Markaas ayuu haddana u dhaartay oo ku yiri, “Wax walboo aad i weydiisatid waan ku siin doonaa, xitaa boqortooyadeyda barkeed haddaad doontid.” Gabadhii ayaa baxday oo ku tiri hooyadeed, “Maxaan weydiistaa?” Markaas ayaa hooyadeed u jawaabtay oo ku tiri, “Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.” Markaas ayey gabadhii dhaqso ugu laabatay boqorkii oo ku tiri, “Waxaan doonayaa inaad hadda madaxa Yooxanaa Baabtiisaha saxan igu siiso.” Boqor Herodos arintan aad ayuu uga xumaaday, laakiin ma uu rabin inuu jabiyo ballantii uu martida hortooda ku qaaday sidaa darteedna ma awoodin inuu ka diido waxey rabto. Herodos isla markii ayuu wuxuu amray askari inuu Yooxanaa madaxa kasoo gooyo isaga oo xabsiga ku jira. Askarigiina wuxuu la soo laabtay madaxii Yooxanaa oo saxan ku jira, wuxuuna u dhiibay gabadhii oo iyaduna waxey siiyay hooyadeed. Xertii Yooxanaana markey arintan maqleen ayey yimaadeen oo qaateen jirkiisi wey xabaaleen. Rasuulladii ayaa Ciise kusoo ag ururay oo u sheegay waxyaalihii ey soo sameeyeen iyo wixii ey dadka bareen. Laakiin dad badan ayaa Ciise u imaanayay oo kuwa kalana wey tagayeen, rasuulladiina ma eysan helin waqti ey wax ku cunaan, sidaa darteed Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Kaalaya aan tagnee meel cidla ah oo aan nasanee.” Markaas ayey doon qaateen oo tageen meel cidla ah. Laakiin kuwii arkay goortay tagayeen ayaa u raacay meeshii ey u socdeen. Dad badan oo magaalo walba ka yimaadayna orod ayey ku tageen meeshii ey u socdeen oo wey kaga hor mareen. Markii uu Ciise doontii ka dagtay oo uuna arkay dadkii badnaa, wuu u naxariistay waayo waxey ahaayeen sidii ido aan arijir lahayn. Markaas ayuu bilaabay inuu waxyaalo badan baro. Galabtii markii la gaaray ayaa xertiisi u yimaadeen Ciise oo ku yiraahdeen, “Meeshan waa meel cidlo ah, waqti dambe ayaana la joogaa. Dadkan kala dir si ey u tagaan oo ey meelahaas tuulooyinka ah uga raadsadaan wax ey cunaan.” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Idinku siiya wax ey cunaan.” Markaas ayaa xertii isaga ku yiraahdeen, “Miyaadan garaneyn taasi iney u baahantahay lacag badan! Oo ma waxaad rabtaa inaan lacagtaas badan ku bixino wax la cuno?” Markaas ayuu Ciise yiri, “Meeqa kibis ayaad haysaan? Bal baxa oo soo fiiriya.” Markey soo ogaadeen ayey waxey yiraahdeen, “Shan kibis iyo laba kalluun.” Kadib Ciise wuxuu iyaga ku yiri dadka koox koox ugu fariisiya cawska cagaaran dhexdiis. Markaas ayaa dadkii u fariisteen koox konton konton ah iyo kuwa kale oo boqol boqol ah. Ciise intuu shantii kibis iyo labadii kalluun kor u qaaday oo uu cirka fiiriyay, ayuu Illaahey u mahadceliyay wuxuuna kala googooyay kibistii. Kadibna wuxuu siiyay xertii si ey dadka ugu qeybiyaan, haddana labadii kalluun ayuu kala qeybiyay oo uu iyaga u dhiibay. Kuligoodna wey cuneen oo wey dhergeen, xertiina waxey ururiyeen laba iyo toban dambiilood oo buuxa oo kibistii iyo kalluun dadka kasoo haray ah. Dadkii cuntada cunay waxey ahaayeen shan kun oo qof. Isla markiiba Ciise wuxuu xertiisi ku amray iney raacaan doon oo ey kaga hor tagaan Beytsayda, intuu dadkii badnaa kala dirayay. Markii uu iyaga ka tagay ayuu aaday buurta dhinaceeda si uu u soo duceysto. Habeenkaas waqtiga dambe doontu waxey ku sugnayd warta bartankeeda, oo isaguna kaligiis ayuu joogay dhulka. Laakiin markii uu hoos fiiriyay wuxuu arkay xertiisi oo ku dhibaateysan iney doonta horey u wadaan, waayo dabaysha ayaa celineysay. Wax yar hor waaberiga ayuu iyaga u tagay isaga oo biyaha warta ku dul soconaya. Wuxuu ku dhawaaday inuu iyaga ka hor maro, laakiin markey arkeen isaga oo biyaha ku kor socda waxey u maleeyeen reer aakhiraad, markaas ayey qayliyeen, waayo iyagoo dhan ayaa arkay oo isku naxay. Isla markii ayuu iyaga la hadlay oo ku yiri, “Ha welwelina! Waa Anigee. Ha cabsanina.” Markaas ayuu doontii ey ku jireen fuulay, oo dabayshiina wey dagtay. Aad ayeyna u yaabeen, waayo qalbiyadoodu wey xirnaayeen sidaa darteed ma eysan fahmin waxa ku saabsan mucjisadii kibista. Ciise iyo xertiisi markey u gudbeen dhinaca kale, waxey yimaadeen dhulka Gennesared oo doontiina biyaha qarkeeda ayey ku xirteen. Markey doontii kasoo degeen, dadkii halkaas joogay ayaa aqoonsaday Ciise. Markaas ayey meelaha oo dhan orod ku tageen oo bilaabeen iney kuwa xanuusan dermo ku keenaan meel walboo ey ku maqlaan inuu joogo. Meel walboo uu tago, tuulooyin, magaalooyin ama baadiye dadka waxey kuwa xanuusan dhigayeen meelaha suuqyada ah. Waxeyna ka baryeen iney darafka maradiisa oo kaliya taabtaan, kuwii taabtayna wey bogsadeen. Haddaba qaar ka mid ah Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse oo ka yimid Yeruusaalem ayaa ku soo ag ururay Ciise, waxeyna arkeen xertii qaarkood oo cunteynaya iyagoo gacmahooda wasaq ah oo aan la dhaqin. Waayo Farrisiinta iyo Yuhuudda wax ma cunaan iyagoo aan gacmaha dhaqanin si ey u ilaaliyaan caadada odayaasha. Markey wax suuqa ka iibsadaanna ma cunaan iyagoo aan dhaqin. Waxyaalo badan oo dhaqankooda ku saabsan ayaa jira oo ey ilaaliyaan, sida dhaqitaanka koobka, jeega iyo jalmad naxaas ah. Markaas ayaa Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse weydiiyeen Ciise, “Xertaadu maxaysan u ilaalin dhaqanka odayaasha, waayo gacmahooda wasaq leh oo aan la dhaqin ayey wax ku cunaan?” Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Nebi Isayos wuu saxsanaa markii uu sii sheegay waxa idin ku saabsan labawejiilayaal yahow, sida qoran, “ ‘Dadkan waxey igu qadariyaan afkooda, laakiin qalbiyadoodu aad ayey iiga fog yihiin. Si been ah ayey ii caabudaan, waxeyna dadka baraan amarro binu aadanku sameeyay.’ Oo waxey ka tageen amarrada Illaahey waxeyna haystaan waxbaridii binu aadanka.” Hadalkii ayuu sii watay, “Waxaad iska dheggo tirteen amarrada Illaahey si aad dhaqankiina u ilaalisaan! Waayo Muuse ayaa yiri, ‘Aabahaa iyo hooyadaa xushmee, oo qofkii caaya aabihiis ama hooyadiis waa in la dilaa.’ Laakiin waxaad dhahdaan ma banaana in qof uu siiyo hooyadiis iyo aabihiis maalkiisa hadduu ku yiraahdo Illaahey ayaan hadiyad ugu baxsaday wixii aan idin siin lahaa. Kadibna mar dambe uma ogolaanaysaan inuu waalidkiis caawiyo. Sidaa darteed awooddii ereyga Illaahey waxaad ku burburiseen waxbaridiina.” Markaas ayaa Ciise haddana dadkii badnaa iskugu yeeray oo ku yiri, “Bal kuligiin i dhageysta oo arintan fahma. Cuntadaad cuntid kuma nijaaseynayso, laakiinse waxa qofka nijaaseeya waa waxa qalbigiisa kasoo baxa. [ Qofkii dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.” ] Markey ka tageen dadkii badnaa oo ey galeen guriga ayaa xertii weydiiyeen Ciise waxyaalo ku saabsan tusaalahaan. Markaas ayuu u jawaabay oo ku yiri, “Idinkuna ma fahmi weydeen? Miyeydan ogayn in waxaad cuntid eysan ku nijaaseynin? Waayo waxyaalahaas qalbiga ma galaan ee caloosha ayey galaan kadibna suuliga la geeyo.” (Ciise markii uu waxyaalahan ka hadlayay cuntada oo dhan ayuu xalaal ka dhigay.) Ciise hadalkii ayuu sii watay, “Waxa qofka kasoo baxa ayaa nijaaseeya. Waayo qalbigeena waxaa kasoo baxa, fikradaha sharta leh, sinada, tuugnimada iyo dilka, gogol dhaafka, damaca, hungurinimada, xaasidnimada, been sheegida, kufsiga, il xumada, caayda, camal xumaanta iyo kibirka. Waxyaalahan oo dhan qalbiga ayey ka yimaadaan oo waxey nijaaseeyaan qofka.” Ciise halkaas wuu ka tagay oo wuxuu aaday meel u dhaw magaalada Turos. Qof ayuu gurigiisa joogay oo ma uusan dooneyn in dadku ogaadaan meesha uu joogo, laakiin dadkii wey ogaadeen meesha uu joogay. Markaas ayaa naag gabadheeda ruux wasakh leh qabtay maqashay halkii uu Ciise joogay. Isla markiina wey u timaaday oo lugihiisa isku tuurtay. Naagtu waxey ahayd Gariig waxeyna ku dhalatay Suuriyadii Foynike. Waxeyna ka bariday Ciise inuu gabadheeda ruuxyada wasakhda leh ka saaro. Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Marka hore caruurtayda ha dhergaan, waayo ma wanaagsana in caruurta kibistooda laga qaado oo loo tuuro eeyaha.” Markaas ayey haweeneydii ku jawaabtay, “Rabbiyow, xitaa eeyuhu miiska caruurta ku cunteynayaan hoos fadhiyaanba waxey cunaan jajabka caruurta ka dhacay.” Kadibna Ciise wuxuu iyada ku yiri, “Jawaabtaad i siisay darteed ruuxyadii wasakhda lahaa gabadha wey ka baxeen ee tag.” Markey guriga tagtay waxey aragtay cunugteeda oo sariirta ku jiifta oo ruuxyadii wasakhda lahaana ka baxeen. Kadib Ciise wuxuu ka tagay deegaankii Turos ku dhawaa, wuxuuna maray Siidoon oo yimid wartii Galili illaa gobolka Dekabolis. Halkaas isaga oo jooga ayaa dadkii u keeneen nin dhagool ah oo aan si fiican u hadli karin, markaas ayey Ciise ka baryeen inuu bogsiiyo isaga. Markaas ayaa Ciise dadkii badnaa ninkii ka dhex saaray oo dhinac ugula baxay, oo farahiisa ayuu dhegta ka geliyay, kadibna gacantiisi ayuu candhuuf mariyay oo ku taabtay ninkii carrabkiisa. Markaas ayuu samada fiiriyay oo ninkii ku yiri, “Efata,” taas oo macnaheedu tahay, “Furan!” Isla markiiba dhegahiisi wey furmeen oo carrabkiisina wuu dabcay oo wuxuuna bilaabay inuu si fiican u hadlo. Ciisana wuxuu iyagii ku amray in eysan qofna u sheegin arintan. Laakiin siduu usii amrayay ayey iyagana usii sheegayeen. Dadka aad iyo aad ayey u yaabeen oo waxey yiraahdeen, “Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyaa, wuxuu bogsiiyay qof aan wax maqli karin oo xitaa hadalku dhibo.” Maalmahaas dad badan ayaa haddana isku soo ururay. Wax ey cunaan ma haysanin sidaa darteed Ciise wuxuu u yeeray xertiisi oo ku yiri, “Dadkan badan ayaan u danqanayaa waayo saddex maalmood ayey ila joogeen oo waxey cunaanna ma haystaan. Haddaan cunto la’aan dirana qaarkood jidka ayey ku dhacayaan waayo meel fog ayey ka yimaadeen.” Xertii ayaa ugu jawaabeen, “Meeshan cidlada ah xaggeen ka keennaa cunto iyaga ku filan.” Markaas ayuu Ciise iyagii weydiiyay, “Meeqa kibis ayaad haysaan?” Waxey ku jawaabeen, “Toddobo.” Markaas ayuu Ciise dadkii badnaa ku amray iney dhulka fariistaan. Kadibna toddobadii kibis intuu qaaday ayuu Illaahey u mahadceliyay oo kala googooyay oo xertiisi u dhiibay si ey dadka ugu qeybiyaan, saas ayeyna sameeyeen. Waxaa kale oo ey haysteen dhowr kalluun oo yar yar, kadibna intuu mahadceliyay ayuu xertii u dhiibay si ey u qeybiyaan. Dadkii oo dhan wey cuneen weyna dhargeen. Kadibna xertii waxey soo ururiyeen toddoba dambiil oo jabab la soo reebay ah. Dadkii meesha joogayna waxey ku dhawaayeen afar kun oo qof. Isla markii uu Ciise dadkii kala diray ayaa, waxey fuuleen doon isaga iyo xertiisi waxeyna aadeen gobolka Dalmanuuta. Markaas ayaa Farrisiintii yimaadeen oo ey bilaabeen iney Ciise tijaabiyaan oo su’aalo weydiiyaan, waxey doonayeen inuu tuso calaamad xagga samada ka timid. Ciise si qoto dheer uga taahay ruuxiisi oo yiri, “Dadka qoomkan maxey calaamad u doonayaan? Runtii waxaan idin ku leeyahay, ma laha calaamad la idiin siin doona.” Kadibna wuu ka tagay iyagii, doontii ayuu qaatay oo dhinaca kale ayuu aaday. Haddaba xertii Ciise ayaa illoobeen iney kibis soo qaataan, hal kibis oo ey doonta ku heysteen maahee. Kadib Ciise ayaa canaantay oo ku yiri, “Iska jira, oo iska ilaaliya khamiirka Farrisiinta iyo Herodos.” Markaas ayey xertii dhexdooda iskala hadleen arintan oo yiraahdeen, “Kimista aanan haysanin darteed miyaa.” Ciise oo fahmay waxey iskula hadlayeen ayaa ku yiri, “Maxaad iskula hadleysaan kibista eydan haysan darteed? Oo weligiin wax ma aragtaan oo wax ma fahantaan miyaa? Qalbiyadiinu miyey adkaadeen? Indho waad leedihiin laakiin wax ma aragtaan, dhegana waad leedihiin laakiin wax ma maqashaan. Miyeydan xasuusan? Markaan shantii kibis u kala googooyay shanta kun oo qof meeqa dambiil oo jajab ka buuxo ayaad ururiseen?” Waxey ku jawaabeen, “Laba iyo toban.” “Haddana markaan toddoba kibis u kala googooyay afartii kun ee qof meeqa dambiil oo jajab ka buuxo ayaad ururiseen?” Waxey ugu jawaabeen, “Toddoba.” Markaas ayuu iyaga ku yiri, “Maxaad weli u fahmi la’adihiin?” Kadib Ciise iyo xertiisi waxey yimaadeen Beytsayda. Markaas ayaa dad Ciise u keeneen nin indhoole ah oo waxey ka baryeen inuu bogsiiyo. Ciisana intuu ninkii indhoolaha ahaa gacanta qabtay ayuu tuulada banaankeed geeyay. Intuu ninkii candhuuf indhaha ka mariyay ayuu gacantiisa saaray, kadibna wuxuu ku yiri, “Wax ma aragtaa?” Ninkii intuu kor fiiriyay ayuu yiri, “Waxaan u jeedaa dad, oo waxey u egyihiin sida geedo meelaha socda.” Ciise haddana gacantiisi ayuu ninkii indhaha ka saaray. Kadibna indhihiisi wey furmeen, oo aragiisi ayuu helay wax walbana si cad ayuu u arkay. Markaas ayaa Ciise gurigii u diray isaga oo ku dhahaya, “Tuulooyinka ha tagin.” Ciise iyo xertiisi waxey tageen tuulooyin u dhaw magaalada Kaysariya Filibos. Markey sii socdeen ayuu iyaga weydiiyay, “Dadku yey igu sheegaan?” Waxey ku jawaabeen, “Qaarkood waxey dhahaan waxaa tahay Yooxanaa Baabtiisaha, kuwa kalana waxey dhahaan Eliyaas, qaar kalana waxey dhahaan waa nebi nebiyada ka mid ah.” Markaas ayuu Ciise xertii weydiiyay, “Laakiin idinku yaad igu sheegtaan?” Butros ayaa ugu jawaabay oo yiri, “Waxaad tahay Masiixa.” Markaas ayaa Ciise iyaga uga digay in eysan qofna u sheegin. Ciise wuxuu bilaabay inuu xertii u sheego in Wiilka Aadanahu in badan silci doono oo odayaasha, gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga ey diidi doonaan. Waana la dili doonaa oo maalinta saddexaadna wuu soo sarakici doonaa. Ciise si cad ayuu arimahan uga hadlay, kadib Butros ayaa gooni ula baxay oo canaantay. Markaas ayuu Ciise intuu xertiisi u jeestay ayuu canaantay Butros oo ku yiri, “Iga leexo Shaydaan yahow! Waayo fikiradahan kama yimaadaan Illaahey xaggiisa ee waxey ka yimaadaan dabeecada binu aadanka.” Kadib Ciise wuxuu iskugu yeeray dadkii badnaa iyo xertiisi oo ku yiri, “Mid walboo xerteyda noqon raba waa inuu is nacaa oo iskutallaabtiisa soo qaataa oona isoo raacaa. Waayo qof walboo naftiisa badbaadin raba wuu luminayaa, laakiin qof walboo naftiisa u lumiya aniga dartey iyo warka wanaagsan dartiis wuu badbaadi doonaa. Qof maxey u taraysaa haddii uu aduunka oo dhan helo, laakiin uu nafsadiisa lumiyo? Ama muxuu qof ku badalan karaa nafsadiisa? Haddaba mid walboo aniga iyo ereygayga ceeb ka dareemaya qarnigaan dembiga iyo sinada leh dhexdiisa, Wiilka Aadanahuna wuu diidi doonaa goortii uu ammaantii Aabihiis iyo tii malaa’igta quduuska ah ku yimaado.” Ciise wuxuu kale oo iyaga ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyehay, qaar idin ka mid ah oo halkan taagan dhimashada ma arki doonaan illaa inta eysan arkin boqortooyada Illaahey oo xoog ku imaaneysa.” Lix maalmood kadib Ciise wuxuu kaxaystay Butros, Yacquub iyo Yooxanaa wuxuuna geeyay buur dheer korkeed, halkaas oo ey kaligood ku ahaayeen, hortooda ayuuna ku beddelmay. Dharkiisuna aad ayey caddaan dhalaalaya u noqdeen, caddaankaas wuxuu ahaa mid wax loo ekeysiin karin aduunkan jirin. Isla markiiba waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuse iyagoo Ciise la hadlaya. Markaas ayuu Butros Ciise ku yiri, “Macalinow, wey wanaagsan tahay inaan halkan sii joogno. Haddaba waxaan halkan ku dhisaynaa saddex teendho mid adiga ayaa leh, midna Muuse midna Eliyaas.” Laakiin Butros ma garaneynin wuxuu ka hadlayo waayo aad ayey u cabsadeen. Waxaana soo muuqatay daruur oo iyagoo dhan wada qarisay, markaas ayaa cod ka yimid daruurtii oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga aan jeclahay, dhageysta isaga!” Isla markiiba xertii markey hareerahooda fiiriyeen qofna ma arkin waxaan Ciise ka ahayn. Markey buurta kasoo dagayeen Ciise wuxuu uga digay xertiisi in eysan qofna u sheegin wixii ey arkeen illaa Wiilka Aadanaha dhimashada laga soo sarakiciyo. Arintaasna dhexdooda ayey ku ekaatay, iyagoo la yaabaya waxa macnaheedu yahay, “Kasoo sarakicidda dhimashada.” Xertii ayaa Ciise weydiiyeen, “Macalimiinta sharciga Muuse maxey u yiraahdaan Eliyaas waa inuu Masiixa kasoo hormaraa?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Xaqiiqdii Eliyaas wuu imaan doonaa oo wax walba ayuu diyaarin doonaa. Haddana qoraalku miyuusan dhahaynin Wiilka Aadanahu waa inuu aad u silcaa oona la diidaa? Laakiin waxaan idin ku leeyahay, Eliyaas wuuba yimid, wax walboo ey doonayeenna wey ku sameeyeen, sida qoraalku uu ka qoray.” Markey Ciise iyo saddexdii xertiisa ka mid ahayd kasoo degteen buurta waxey u yimaadeen xertii kale, oo waxey arkeen xertii oo dad badan kusoo ag urureen, macalimiinta sharcigana la doodayaan. Isla markiiba dadkii markey Ciise arkeen ayey aad u yaabeen oo isaga ku soo ordeen oo salaameen. Markaas ayuu weydiiyay, “Maxaad xerteyda kula murmeyseen?” Markaas ayaa nin dadkii badnaa ku jiray ku jawaabay, “Macalinow, waxaan kuu keenay wiilkeyga oo ruuxyo wasakh leh qaba, mana hadli karo. Oo ruuxyada wasakhda leh markey qabtaan dhulka ayey ku tuuraan oo wiilkuna afka ayuu ka xumbeeyaa. Ilkaha ayuu isku qabtaa xanuun dartiis oo wuuna qalalaa. Xertaada ayaan ku iri ruuxdaan wasakhda leh ka saara, laakiin ma eysan awoodin iney bixiyaan.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dad yahow aan iimaanka lahayn, illaa goorma ayaan idin la joogi doonaa? Ilaa goorma ayaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilka ii keena.” Markaas ayey u keeneen wiilkii, ruuxii wasakhda lahaa markii uu Ciise arkay ayuu isla markii wiilka dhulka ku riday oo ruxay, wuuna gilgilay isaga oo afka ka xumbeynaya. Markaas ayuu Ciise wiilka aabihiis weydiiyay, “Muddo intee ah ayuu sidan ahaa?” Wuxuu ugu jawaabay, “Ilaa waagii uu yaraa. Marar badan dabka ama biyaha ayuu ku tuuraa isaga oo dili raba wiilka. Laakiin haddaad wax ka sameyn kartid fadlan noo naxariiso oo na caawi.” Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Maxaad u leedahay, ‘Haddaad awoodid?’ Wax walba wey u suurtoobaan qofkii aamina.” Isla markiiba wiilkii aabihiis ayaa yiri, “Waan aaminsanahay! Iga caawi aamin la’aanteyda.” Ciise goortii uu arkay in dadkii badnaa kusoo ordayaan halkii uu joogay ayuu ruuxii wasakhda lahaa canaantay oo ku yiri, “Ruux yahow carrabka iyo dhegaha la’, waxaan kugu amrayaa inaad wiilkan ka baxdid oo aadan mar dambe isaga galin.” Ruuxii wasakhda lahaa intuu qayliyay oo wiilkii aad u ruxay ayuu ka baxay. Wiilkii wuxuu u ekaaday mayd oo kale, oo qof walbana wuxuu dhahayay, “Wuu dhintay.” Laakiin Ciise gacanta intuu qabtay ayuu soo istaajiyay, wiilkiina wuu istaagay. Markii ey Ciise iyo xertiisi guriga tageen ayaa xertiisi gooni ahaan u weydiiyeen, “Maxaanu inagu u awoodi weynay inaan ruuxyada wasakhda leh bixino?” Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Ruuxyadaan wasakhda leh oo kale duco iyo soon kaliya ayey ku baxaan.” Ciise iyo xertiisi halkaas ayey ka tageen oo waxey mareen Galili. Ciise ma dooneynin in qofna uu ogaado meesha ey joogaan, waayo wax ayuu barayay xertiisa. Wuxuuna ku yiri, “Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelin doonaa dad. Weyna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la soo sarakicin doonaa.” Laakiin iyagu ma eysan fahmin wuxuu ka hadlayay weyna ka cabsadeen iney isaga weydiiyaan. Waxeyna yimaadeen Kafarna’um. Markey guriga soo galeen ayuu iyaga weydiiyay, “Maxaad ka hadleyseen markaan jidka soo soconay?” Laakiin wey wada aamuseen waayo goortay jidka ku soo jireen waxey ka hadlayeen midka ugu weyn. Ciise markii uu fariistay ayuu toban iyo labadii xertiisa ahayd iskugu yeeray oo ku yiri, “Qof walboo raba in la sharfo, waa inuu adoon iska dhigaa oo kuwa kale u adeegaa.” Markaas ayuu Ciise wuxuu u yeeray cunug yar oo hortooda istaajiyay. Intuu cunuggii gacanta qabtay ayuu iyagii ku yiri, “Qof walboo cunuggaan magacayga ku soo dhaweeya aniga ayuu isoo dhaweeyay, qofkii isoo dhaweeyana wuxuu soo dhaweeyay kan isoo diray.” Yooxanaa ayaa ku yiri Ciise, “Macalinow, waxaan aragnay qof ruuxyo wasakh leh magacaaga ku bixinaya markaas ayaan ku dhahnay jooji, waayo nagama mid ahayn.” Laakiin Ciise wuxuu ku yiri xertii, “Ha u diidina. Waayo ma jiro qof magacayga mucjiso ku sameeya oo haddana wax xun iga sheega, waayo qofkii aan naga soo horjeedin wuu na la jiraa. Runtii waxaan idin ku leeyahay, qof walboo magaceyga koob biya ah idin ku siiya inaad tihiin xertii Masiixa darteed, runtii waa loo abaalgudi doonaa. “Haddii qof uu ku sababo mid ka mid ah kuwan yar yar oo i aaminsan iney dembi galaan. Waxaa u dhaami doonta in badda lagu tuuro isagoo dhagax weyn qoorta ugu xiranyahay. Haddii gacantaadu xumaan kuu keeneyso iska jar, waxaa kuu wanaagsan inaad gacan la’aan nolosha weligeed ah ku gashid intaad laba gacamood dabka naarta aan weligiis dameynin ku gali lahayd. [ Meeshaas dixriga iyaga cunaya ma dhamaado oo dabka iyaga gubayana ma damo. ] Haddii cagtaadu xumaan kuu keeneyso iska jar, waayo waxaa kuu wanaagsan inaad nolosha weligeed ah adiga oo curiyaan ah gashid intii naarta lagugu tuuri lahaa adiga oo laba cagood leh. [ Meeshaas dixriga iyaga cunaya ma dhamaado oo dabka iyaga gubayana ma damo. ] Haddii ishaadu xumaan kuu keeneyso iska saar. Waxaa kuu wanaagsan inaad adiga oo hal il leh boqortooyada Illaahey gashid intaad adiga oo laba indhood leh naarta lagugu tuuri lahaa, meeshaas “ ‘Dixriga iyaga cunaya ma dhamaado, dabka iyaga gubayana ma damo.’ Mid walba dab ayaa lagu cusbayn doonaa. “Cusbadu wey fiican tahay balse haddii ey dhadhan beesho, sidee ayaad dhanaan uga dhigi kartaa mar kale? Dhexdiina dhadhan ku lahaada, nabadna ku noolaada.” Ciise iyo xertiisi waxey ka tageen Kafarna’um oo waxey aadeen Yahuudiya, kadibna waxey sii aadeen dhinaca kale ee webi Urdun. Dad kale oo badan ayaa u yimid, oo sida caadadiisu ahaydna wax ayuu baray. Markaas ayaa qaar ka mid ah Farrisiintii u yimaadeen Ciise oo waxey doonayeen iney isaga jarribaan, waxeyna weydiiyeen, “Ma banaantahay in ninku uu furo xaaskiisa?” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Sharciga Muuse muxuu idin ku amray?” Waxey yiraahdeen, “Sharciga Muuse wuxuu fasaxayaa in ninku warqadda furitaanka u qoro xaaskiisa kadibna uu iska diro.” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Qalbiyadiina adag dartiis ayuu Muuse amarradan idiin kuugu qoray, laakiin bilowgii abuurka Illaahey wuxuu sameeyay nin iyo naag. Sababtaas darteed ninku wuxuu ka tagi doonaa aabihiis iyo hooyadiis wuxuuna la midoobi doonaa xaaskiisa, labadooduna waxey noqon doonaan hal jir. Haddaba laba ma kala aha, laakiin waxey isku yihiin hal jir. Sidaa darteed wax uu Illaahey hal ka dhigay qofna yuusan kala saarin.” Markey Ciise iyo xertiisi guriga ku laabteen, ayey xertii Ciise weydiiyeen waxa ku saabsan arintan. Markaas ayuu ugu jawaabay, “Mid walboo xaaskiisa fura oo mid kale guursada wuu sineystay. Haddii haweeney ninkeeda furto oo nin kale guursatana wey sineysatay.” Dadka ayaa Ciise u keenayay caruur si uu gacantiisa madaxa uga saaro oo u barakeeyo, laakiin xertii ayaa iyaga canaanteen. Ciise goortii uu arintaas arkay ayuu aad u xanaaqay oo iyagii ku yiri, “Daaya caruurta yar yar ha ii yimaadaane, hana celinina, waayo boqortooyada Illaahey waxaa leh iyagoo kale. Runtii waxaan idin ku leeyahay, qofkii aan boqortooyada Illaah u aqbalin sida cunug yar oo kale ma gali doono.” Markaas ayuu caruurtii habsiiyay oo gacmihiisa madaxa ka saaray, wuuna barakeeyay. Kadib Ciise iyo xertiisi waxey bilaabeen safarkoodi oo isla markaas ayaa nin intuu Ciise ku soo orday ayuu isku duuduubay isaga oo hortiisa jilbaha dhigtay. Wuxuuna weydiiyay, “Macalin wanaagsanow, maxaan sameeyaa si aan u dhaxlo nolosha weligeed ah?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Maxaad iigu yeereysaa wanaagsanow? Qof wanaagsan ma jiro Illaahey maahee. Waad garaneysaa amarrada, ‘Waa in aadan qof dilin, waa in aadan sineysan, waa in aadan wax xadin, waa in aadan marqaati been ah furin, waa in aadan qofna khiyaanin, xushmee hooyadaa iyo aabahaa.’ ” Markaas ayuu ninkii ku yiri Ciise, “Macalinow, amarradaas oo dhan waan ilaaliyay illaa waagii aan yaraa.” Ciise intuu ninkii fiiriyay ayuu jeclaaday oo ku yiri, “Hal wax ayaa kaa maqan, bax oo wax walboo aad haysatid iibi oo lacagtana sii masaakiinta, waxaadna hanti ku lahaan doontaa jannada. Kadib kaalay oo isoo raac.” Laakiin ninkii markii uu maqlay arintan wuu ka xumaaday, waayo wuxuu lahaa maal badan. Ciise intuu hareerihiiiisa fiiriyay ayuu xertiisi ku yiri, “Imisee adagtahay hantiile inuu galo boqortooyada Illaahey!” Xertii ayaa ka yaabay hadaladiisa. Markaas ayaa Ciise haddana yiri, “Caruurteydiyow aad ayey u adagtahay in boqortooyada Illaahey la galo! Xaqiiqdii, inuu qof hanti leh galo boqortooyada Illaah waxaa ka fudud inuu neef geel ah dhex maro cirbad duleelkeed.” Haddaba xertii Ciise aad ayey uga sii yaabeen hadaladaan, oo waxey is weydiiyeen, “Haddaba yaa badbaadi kara?” Ciise ayaa intuu iyaga fiiriyay ku yiri, “Binu aadanka agtooda arintan macquul kama aha, laakiin Illaahey xaggiisa wax walba suurtogal ayey ka yihiin.” Markaas ayaa Butros ku yiri, “Anagu wax walba waan kasoo tagnay si aan adiga kuu raacno!” Ciisana wuxuu ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, ma jiro qof dartey iyo warka wanaagsan dartiis uga soo tagay gurigiisa, walaalkiis, walaashiis, hooyadiis, aabihiis, caruurtiisa, dhulkiisa oo aan aduunkan ku heli doonin boqol jibaar guriyo, walaalo, hooyo, aabe, caruur iyo dhul, inkastoo la silcin doono, markey dhintaanna waxey heli doonaan nolosha weligeed ah. Laakiin kuwo badan oo sareeya wey hooseyn doonaan kuwo hooseeyana wey sareeyn doonaan.” Ciise iyo xertiisi waxey u socdeen Yeruusaalem, Ciise ayaa jidka ku hogaaminayay iyaga, xertiisi aad ayey u yaabeen kuwii iyaga soo raacayna wey cabsadeen. Markaas ayaa Ciise haddana laba iyo tobankii xertiisa ahaa gooni ula baxay oo u sheegay waxa isaga ku dhici doona. Wuxuu yiri, “Waxaan u soconaa Yeruusaalem, Wiilka Aadanahana waxaa loo gacangelin doonaa gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse. Waxey ku xukumi doonaan dil waxaana loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, wey bahdili doonaan oo candhuuf ayaa lagu tufi doonaa, waana la garaaci doonaa illaa uu ka dhinto. Saddex maalmood kadibna wuu soo sarakici doonaa.” Kadib Yacquub iyo Yooxanaa wiilashii Sebedi ayaa u yimid Ciise. Waxeyna ku yiraahdeen, “Macalinow, waxaan dooneynaa inaad noo sameysid wax walboo aan kaa codsano.” Markaas ayuu weydiiyay, “Waa maxey waxaad dooneysaan inaan idiin sameeyo?” Markaas ayey ugu jawaabeen, “Noo ogolow meesha ammaantaada in midkeenna fariisto gacantaada midigta kan kalana fariisto bidixda.” Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Ma garaneysaan waxaad weydisaneysaan, miyaad ka cabi kartaan koobka aan ka cabayo, mise miyaa la idin ku baabtiisi karaa baabtiiskii la igu baabtiisay?” Waxey ku jawaabeen, “Haa waan awoodnaa.” Ciisana wuxuu iyaga ku yiri, “Runtii waad ka cabi doontaan koobka aan Anigu ka cabayo oo waana la idin ku baabtiisi doona baabtiiskii Aniga la igu baabtiisay, laakiin inaad midigtayda ama bidixdayda fariisataan anigu ma idiin ogolaan karo. Boosaskaas waxaa leh kuwii loo diyaariyay.” Markey tobankii kale ee xerta ahaa arintan maqleen aad ayey Yacquub iyo Yooxanaa uga xanaaqeen. Laakiin Ciise ayaa iskugu yeeray oo ku yiri, “Waad garaneysaan sida ey boqorrada dadka aan Yuhuudda ahayn ugu taliyaan dadkooda, iyo sida ey madaxdu dadka si awood ah ugu taliyaan. Laakiin idinku sidaas ha u dhaqmina. Qofkii raba inuu madax noqdo waa inuu dadka u adeego, qofkii raba inuu ugu hormarana waa inuu adeege u ahaado qof walba. Waayo Wiilka Aadanahu uma imaan in loo adeego, laakiin inuu adeego, iyo inuu naftiisa u huro si uu kuwo badan u badbaadiyo.” Kadib Ciise iyo xertiisi waxey yimaadeen Yerixoo. Markey magaalada ka tagayeen ayaa dad badan iyaga soo raacay. Nin indha la’ oo tuugsade ah oo la yiraahdo Bartimayos kaasoo ahaa ina Timayos ayaa fadhiyay jidka agtiisa. Markii uu maqlay Ciisihii reer Naasared inuu halkaas marayo ayuu qayliyay oo yiri, “Ciisow ina Daa’uudow, ii naxariiso!” Dad badan ayaa canaantay oo u sheegay inuu aamuso laakiin wuu sii qayliyay oo yiri, “Inankii Daa’uudow, ii naxariiso!” Ciise ayaa joogsaday oo yiri, “U yeera.” Markaas ayey ninkii indhaha la’aa u yeereen oo ku yiraahdeen, “Dhiiranaw! Oo istaag! Wuu kuu yeerayaa.” Ninkiina intuu dharkiisa iska tuuray ayuu istaagay oo Ciise u yimid. Ciisana wuxuu ninkii weydiiyay, “Maxaad rabtaa inaan kuu sameeyo?” Wuxuu ku jawaabay, “Macalinow, waxaan doonayaa inaan wax arko.” Markaas ayaa Ciise ku yiri ninkii, “Iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay.” Isla markiiba waxbuu arkay oo Ciise raacay. Ciise iyo xertiisi markey u soo dhawaadeen Yeruusaalem oo ey yimaadeen Beytfaage iyo Beytaniya buur Saytuun agteeda, ayuu Ciise diray laba ka mid ah xertiisa oo ku yiri, “Baxa oo tuulada idin ka horeysa taga, oo markaad saas u gashaanna waxaad halkaas ku arki doontaan dameer halkaas ku xiran kaasoo aan qofna fuulin weligiis. Xarigga kasoo fura oo halkan keena. Haddii qof idin weydiiyo, ‘Maxaad xarigga uga furaysaan?’ Waxaad ku tiraahdaan, ‘Sayidka ayaa u baahan oo wuu soo celin doonaa.’ ” Xertii wey tageen oo dameerkii ayey heleen isaga oo ku xiran jidka albaabka laga galo. Markey furaayeen, ayaa kuwa halkaas taagnaa iyaga weydiiyeen, “Maxaad dameerka u furaysaan?” Markaas ayey ugu jawaabeen sidii uu Ciise iyaga ku yiri, dadkiina wey u ogolaadeen iney dameerka kaxeystaan. Markey qeylkii u keeneen Ciise oo ey dusha ka saareen dharkoodi ayuu ku fariistay. Dad badan ayaa maryahoodii wadada goglay kuwa kalana laamo ey beeraha kasoo gooyeen ayey wadada dhigeen. Kuwii ka horeeyay iyo kuwii kale ee ka dambeeyay ayaa ku qaylinayay, “Hoosanna!” “Waxaa barakeysan kan ku imaanaya magaca Rabbiga!” “Waxaa barakeysan boqortooyada imaaneysa ee aabaheena Daa’uud.” “Hoosanna haku ahaato meesha ugu sareeysa!” Markii uu Ciise Yeruusaalem yimid kadib ayuu galay macbadka. Wax walbana si fiican ayuu u fiiriyay laakiin gabalkii wuu dhacay markaas ayuu u laabtay Beytaniya isaga oo ey la jiraan laba iyo tobankii xertiisa ahaa. Maalintii ku xigtay markey ka baxayeen Beytaniya ayaa Ciise gaajooday. Markaas ayuu meel xoogaa u jirtay ka arkay geed berde ah oo caleemo leh, illaa halkii uu geedka ka taagnaa ayuu tagay si uu u arko inuu leeyahay mirro. Markii uu meeshaas gaarayna wuxuu arkay caleemo kaliya waayo ma eysan ahayn xiliga uu geedku miraha dhalo. Kadibna Ciise wuxuu geedkii ku yiri, “Haddaba qofna mirro ma kaa cuni doono weligaa.” Xertiisina wey maqleen wuxuu yiri. Ciise markii uu Yeruusaalem gaaray wuxuu galay macbadka oo ka saaray kuwii meesha ku ganacsanayay. Wuxuuna rogay miisaskii lacagta lagu beddelayay iyo kuraastii kuwii qoolleyda gadayay, mana u ogolaan qofna inuu waxyaalo la iibo macbadka dhexdiis la maro. Goortii uu dadka wax barayay ayuu iyagii ku yiri, “Qoraalku wuxuu leeyahay, ‘Gurigeyga waxaa loogu yeeri doonaa meel quruumaha oo dhan ey yimaadaan oo ku duceystaan.’ Laakiin waxaad ka dhigteen xerada tuugada.” Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse waxyaalahan maqleen oo waxey bilaabeen iney raadiyaan wado ey ku dilaan, weyna ka cabsadeen, waayo dadkii oo dhan ayaa la yaabay wax baritaankiisa. Galabtii markii la gaaray ayaa Ciise iyo xertiisa ka tageen magaalada. Subixii ku xigay xertii oo ag maraya geedkii berdaha ahaa ayaa waxey arkeen in geedkii oo salka ka qalalay. Markaas ayaa Butros xasuustay wixii Ciise geedka ku yiri oo wuxuuna yiri, “Macalinow, fiiri! Geedkii berdaha ahaa ee aad habaartay wuu qalalay!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Illaahey rumeysta. Waayo runtii waxaan idin ku leeyahay mid walboo ku dhaha buurtan ‘Tag oo badda isku tuur,’ oo aanan qalbigiisa kaga shakinin laakiin aamina in waxyaalihii uu dhahay ey dhici doonaan wey u ahaanaysaa. Sidaa darteed waxaan idin leeyahay, wax walboo aad salaadda ku baridaan aamina inaad hesheen waadna heli doontaan. Goorta aad duceysaneysaanna waa inaad u cafisaan waxyaalaha kuwa kale idin ku sameeyeen, si Aabihiinna jannada ku jiro u cafiyo dembiyadiina.” [ Laakiin haddii aadan kuwa kale cafinin, Illaaheyna kuma cafinayo. ] Ciise iyo xertiisi waxey u soo laabteen Yeruusaalem, markaas ayaa Ciise oo macbadka dhex socday waxaa u yimid gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiinta sharciga Muuse iyo odayaasha. Markaas ayey weydiiyeen “Awoodee ayaad waxyaalahan ku sameysaa? Yaana ku siiyay awoodan?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Hal su’aal ayaan idin weydiinayaa. Ii jawaaba, kadibna waan idiin sheegi doonaa awoodda aan waxyaalahan ku sameeyo. Yooxanaa baabtiiskiisii samada miyuu ka yimid mise dhinaca binu aadanka? Bal ii sheega!” Intey dhexdooda ka wada hadleen ayey isku yiraahdeen, “Haddii aan dhahno, ‘samada xaggeeda,’ wuxuu na weydiin doonaa, ‘Maxaad u aamini weyseen?’ Laakiin haddii aan niraahno, ‘Dadka xaggiisa ayuu ka yimid,’ Maxaa dhici doona?” Waxey ka cabsadeen dadka, waayo qof walba wuxuu aaminsanaa in Yooxanaa nebi ahay. Kadib waxey Ciise ugu jawaabeen, “Ma garaneyno.” Ciise ayaa yiri, “Aniguna idiin ma sheegi doono awoodda aan waxyaalahan ku sameynayo.” Ciise wuxuu bilaabay inuu tusaalahaan iyaga u sheego, “Nin ayaa beer canab ah beertay, derbi ayuu ku wareejiyay, wuxuuna sameeyay meesha canabka lagu shiido wuxuuna dhisay munaarada waardiyaha. Kadibna wuxuu ka kireeyay kuwa beeraley ah wuxuuna aaday meel kale. Markii la gaaray waqtigii gurashada wuxuu u soo diray kiroolayaashii mid shaqaalihiisi ka mid ah si uu xoogaa canaba ah uga soo qaado. Laakiin kiroolayaashii ayaa garaacay ninkii oo diray isaga oo aan waxba wadin. Kadib wuxuu u diray shaqaale kale, laakiin isagiina wey garaaceen oo madaxa ayey ku dhufteen markey aflagaadeeyeen kadibna wey direen isaga oo aan waxba wadin. Haddana ku kale ayuu diray, kaasna waa la dilay. Kuwa kale oo badan ayuu sii diray laakiin qaar wey garaaceen kuwa kalana wey dileen. “Kadibna ninkii beerta lahaa waxaa u haray wiilkiisii kaliya ee uu jeclaa. Markii ugu dambeysay ayuu wiilkii diray isaga oo yiri, waxaa laga yaabaa iney xushmeeyaan. “Laakiin kiroolayaashii waxey isku yiraahdeen, ‘Kani waa kii dhaxli lahaa beerta, kaalaya aan dilnee kadibna aan dhaxalno beerta.’ Markaas ayey beerta canabka ah banaanka uga baxsheen oo dileen. “Maxey kula tahay inuu ninka beerta leh iyaga ku sameyn doono? Wuu u imaan doonaa oo dili doonaa kiroolayaasha beerta canabka ahna wuxuu siin doonaa kuwa kale. Miyeydan weligiin akhrisan qorniinka dhahaya, “ ‘Dhagaxii ey kuwa guriga dhisaya diideen ayaa noqday dhagaxa ugu muhiimsan dhismaha, waxyaalahan Rabbiga ayaa sameeyay, anagana yaab ayey na la tahay’?” Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiintii sharciga Muuse iyo odayaashii ayaa isku dayay iney Ciise qabtaan, waayo wey ogaadeen inuu tusaalahaan iyaga kaga hadlayay. Laakiin waxey ka cabsadeen dadkii badnaa, markaas ayey iska tageen. Kadib waxey soo direen Farrisiinta iyo dadkii boqor Herodos raacsanaa qaarkood si ey Ciise hadalkiisa qalad uga dhex helaan kadibna u qabtaan. Intey u yimaadeen ayey isaga ku yiraahdeen, “Macalinow, waan ognahay inaad nin daacad ah tahay dadkana aad barto wadada Illaahey ee runta ah. Dadkana waxaad ula dhaqantaa si isku mid ah, adigoo aan fiirinayn waxey yihiin, balse waxaad bartaa jidka Illaah ee runta ah. Haddaba ma banaantahay inaan Kaysar canshuurta siino mise ma banaana? Ma bixinaa mise maya?” Laakiin Ciise wuu gartay labawejiilanimadooda, markaas ayuu ku yiri, “Maxaad iskugu dayeysaan inaad i shirqooshaan? Diinaar ii keena aan arkee.” Waxey u keeneen diinaar, markaas ayuu Ciise iyagii weydiiyay, “Yuu sawirkiisa iyo magaciisa ku yaalaa diinaarkan?” Waxey ugu jawaabeen, “Kaysar.” Kadibna Ciise wuxuu iyagii ku yiri, “Siiya Kaysar wuxuu Kaysar leeyahay, Illaaheyna siiya wuxuu Illaahey leeyahay.” Aad ayey ula yaabeen isaga. Sadukiinta oo aan aaminsaneyn sarakicidda dhimashada ayaa Ciise u yimid. Waxeyna weydiiyeen, “Macalinow, Muuse wuxuu noo qoray haddii nin uu dhinto xaasna ka tago balse uusan caruur lahayn, waxaa walaalkiis ku waajiba inuu carmalada walaalkiis dumaalo uuna ka dhalo caruur walaalkiis dhaxasha. Haddaba waxaa jiray toddobo nin oo walaala ah, kii ugu weynaa ayaa guursaday laakiin wuu dhintay isaga oo aan caruur dhalin. Kii labaad ayaa naagtii dumaalay, laakiin isagana wuu dhintay caruurna kama dhalin, kii saddexaadna sidaas oo kale ayaa ku dhacday. Toddobadii walaal wey wada guursadeen naagtii, laakiin midna caruur kama tagin. Ugu dambeyntiina haweeneydii wey dhimatay. Haddaba noo sheeg, yey xaaskiisa ahaan doontaa maalinta sarakicinta? Ileen toddobadooduba wey guursadeene?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waad qaldantihiin, waayo ma garaneysaan qorniinka ama awoodda Illaahey. Illaahey markii uu kuwa dhintay soo sarakiciyo ma guursan doonaan lamana guursan doono, waxeyna noqon doonaan sida malaa’igta jannada ku jirta. Haddaba waxa ku saabsan sarakicidda, miyeydan ka akhrisan buuggii Muuse, iyo sheekada geedkii dabka ka ololayay, sida Illaahey u yiri, ‘Waxaan ahay Illaaha Ibraahim, Illaaha Isxaaq iyo Illaaha Yacquub.’ Isagu ma aha Illaaha kuwa dhintay, laakiin waa Illaaha kuwa nool. Aad ayaad u qaldantihiin!” Mid ka mid ah macalimiinta sharciga Muuse ayaa yimid oo maqlay iyagoo doodaya. Wuxuu ogaaday in Ciise jawaab fiican iyaga ugu jawaabay, markaas ayuu weydiiyay, “Amarrada oo dhan kee ugu muhiimsan?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Kan ugu muhiimsan waa kan, ‘Reer binu Israa’iilow maqla, Rabbiga Illaaheena ah waa hal Sayid. Waa inaad Rabbiga Illaahaaga ah ka jeclaataa naftaada iyo qalbigaaga, caqligaaga iyo xooggaaga oo dhan.’ Tan labaad, ‘Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay.’ Amarro kuwan ka weyn ma jiraan.” Markaas ayaa ninkii ugu jawaabay, “Macalinow waad saxantahay markaad tiri Illaahey waa hal mid kalana ma jirto. Inaad ka jeclaato qalbigaaga, caqligaaga iyo xooggaaga oo dhan, iyo waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay taas ayaa kasii wanaagsan allabariyo la gubo iyo allabariyo kale.” Ciise goorta uu arkay inuu si wanaagsan u jawaabay ayuu ku yiri, “Boqortooyada Illaahey kama fogid.” Waqtigaas kadibna qof ku dhaca inuu Ciise su’aal weydiiyo ma jirin. Ciise oo dadka wax ku baraya macbadka ayaa weydiiyay, “Macalimiinta sharciga Muuse maxey u leeyihiin Masiixu waa wiilka Daa’uud? Daa’uud ayaa Ruuxa Quduuska ah ka dhex hadlay oo yiri, “ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri, “Fariiso gacanteyda midig illaa aan cadowgaaga cagahaaga hoos keeno.” ’ Daa’uud ayaa ugu yeeray, ‘Sayid.’ Haddaba sidee ayey ku noqon kartaa inuu yahay wiilkiisa?” Dadkii badnaa ayaa ka helay iney dhageystaan wax baritaankii Ciise. Markii uu wax barayay ayuu Ciise yiri, “Iska ilaaliya dhaqanka macalimiinta sharciga Muuse. Maxaa yeelay waxey ka helaan iney meelaha ku maraan khamiisyo dhaadheer oo qaali ah, waxeyna jecelyihiin in si xushmad leh loo salaamo markey suuqa marayaan. Waxeyna jecelyihiin iney fariistaan safka hore markey joogaan sunagogyada iyo meelaha ey xafladaha ka jiraan. Waxey carmalada ka khiyaanaan guryahooda, kadibna salaadda ayey dheereeyaan markey tukanayaan si ey dadka isku tustusaan. Macalimiintan ciqaabtooda aad ayey u darantahay.” Ciise wuxuu fariistay kasoo horjeedka meesha sanduuqa lacagta lagu rido agteeda, wuxuuna fiirinayay dadkii badnaa ee sadaqa baxsanayay. Kuwa taajir ah oo badan ayaa lacag badan ku riday. Laakiin carmalad masaakiin ah ayaa timid oo waxey ku riday shilimaad maar ah oo aadna u yar, oo qiimaheedu yahay xoogaa dhururuq ah. Ciise intuu xertiisa iskugu yeeray ayuu ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, carmaladaan maskiinta ah ayaa ku riday sanduuqa in ka badan dadka kaloo dhan. Iyaga oo dhan waxey sadaqeysteen wax yar oo ka mid ah hantidoodi, laakiin iyadu waxey bixisay waxey lacag ka qabtay oo ey ku sii noolaan lahayd.” Ciise goortii uu macbadka ka baxayay mid xertiisi ka mid ah ayaa ku yiri, “Macalinow, fiiri dhagaxan weyn iyo dhismahan quruxda badan!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma aragtaan dhismahan weyn? Halkan laguma dhaafi doono dhagax dhagax kale dul saaran, kuli waa la burburin doonaa.” Kadib Ciise oo dul fadhiya buur Saytuun taas oo kasoo hor jeeda macbadka, ayaa Butros, Yacquub, Yooxanaa iyo Andaros gooni ahaan u weydiiyeen, “Bal noo sheeg waxyaalahan goorma ayey dhici doonaan? Calaamadee ayaan ku garan doonaa iney mar dhow rumoobi doonaan?” Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Iska ilaaliya in uusan qofna idin khiyaanin. Kuwa badan ayaa magacayga ku imaan doona iyagoo dhahaya, ‘Waxaan ahay Masiixa.’ Oo dad badan ayey khiyaani doonaan. Markaad maqashaan dagaallo iyo waxyaalo ku saabsan dagaallo ha cabsanina. Waxyaalahan oo kale waa iney dhacaan, laakiin dhamaadka aduunka weli lama gaarin. Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa. Waxaana meelo badan ka dhici doona abaar iyo dhul gariir. Laakiin waxan oo dhan waa bilowga dhibaatooyinka. “Is ilaaliya waayo waxaa la idiin geyn doonaa maxkamadaha oo sunagogyada dhexdooda ayaa la idin ku garaaci doonaa. Aniga dartey ayaad u hor istaagi doontaan taliyayaal iyo boqorro oo iyaga ayaad marqaati ugu noqon doontaan. Sidaa darteed warka wanaagsan waa in laga wacdiya quruumaha oo dhan. Haddii la idin qabto, ha ka welwelin waxaad dhihi lahaydeen. Ereyo sax ah ayaa waqtigaas la idiin siin doonaa, waayo idinku ma hadleysaan ee kan idin ka dhex hadlayo waa Ruuxa Quduuska ah. “Walaal ayaa walaalka kale in la dilo u gacangelin doona, waalid ayaa caruurtooda gacangelin doona, caruurna waxey kasoo horjeesan doonaan waalidkood oo wey dili doonaan. Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa, laakiin kan illaa dhamaadka adkeysta ayaa badbaadi doona. “Haddaba markaad aragtaan ‘Waxyaalo xun’ oo ka dhacaya meesha quduuska ah, kii wax akhriyaa ha fahmo, kadibna kuwa Yahuudiya joogaa ha u cararaan buuraha. Haddii qof saaranyahay gurigiisa korkiisana gurigiisa yuusan galin si uu wax ugala soo baxo. Qofkii beerta joogana yuusan ku laaban guriga si uu jaakaddiisa u soo qaato. Waqti dhib badan ayey u ahaan doontaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya! Ku duceysta in arintaas eysan dhicin xiliga qabowga, waayo waqtigaas wuxuu noqon doonaa waqtigii ugu dhibaatada badnaa illaa markii uu Illaahey aduunka abuuray, wax sidan oo kale u xunna mar dambe ma dhici doonaan. “Rabbigu haddii uusan maalmahaas gaabin, qofna ma badbaadi lahayn. Laakiin Illaahey dadkiisa uu doortay dartood ayuu waqtiga u gaabiyay. Waqtigaas haddii uu qof kugu yiraahdo, ‘Fiiri, Masiixi waa kan!’ Ama uu kugu yiraahdo, ‘Fiiri Masiixi waa kaas!’ Ha rumeysan. Waayo waxaa imaan doona masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, waxeyna sameyn doonaan mucjisooyin layaab leh si ey dadka ugu khiyaanaan, xitaa waxey isku dayi doonaan iney khiyaanaan Illaahey dadka uu doortay. Sidaa darteed is ilaaliya, waayo waan idiin sii sheegay waxyaalaha soo socda oo dhan. “Dadku markey dhibaatoodaan kadib, “ ‘Qoraxdu wey madoobaan doontaa, dayaxuna iftiin ma lahaan doono. Xiddiguhuna cirkey kasoo dhici doonaan, awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa.’ “Waqtigaas dadku waxey arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku soo dhex maraya awood weyn iyo ammaan. Wuxuuna diri doonaa malaa’igtiisa si ey aduunka oo dhan uga soo ururiyaan dadka uu doortay. “Haddaba casharkan ka barta geedka berdaha ah. Haddii ey laamihiisu curdan noqdaan oo uu caleemo bixiyo, waxaad ogaataan in roobku dhowyahay. Sidaas markaad aragtaan waxyaalahan oo dhacaya waad ogtihiin inuu dhowyahay oo albaabka ag joogo. Runtii waxaan idin ku leeyahay dadka qarnigaan wey noolaan doonaan illaa ey waxyaalahan oo dhan ka dhacaan. Cirka iyo dhulku wey dhamaan doonaan, laakiin ereyadaydu weligood ma dhamaan doonaan. “Laakiin maalinta iyo waqtiga qiyaamaha qofna ma garanayo, xitaa malaa’igta jannada iyo Wiilku ma garanayaan, laakiin Aabaha oo kaliya ayaa garanaya. Is ilaaliya! Waayo ma garaneysaan waqtiga ey waxyaalahan dhici doonaan. Waa sida nin safar u socda, oo gurigiisa ka tagay wuxuuna maamulka u dhiibay shaqaalihiisa, shaqaala walbana wuxuu sameynayo ayuu u sheegay, kan albaabka waardiyeeyana wuxuu ku yiri ila socodsii wax walba. “Sidaa darteed soo jeeda waayo ma garaneysaan kan guriga leh goortuu soo laaban doono. Waxey noqon kartaa fiidkii ama habeen barkii, markii uu diiqu ciyo ama aroortii. Haddii uu yimaado isaga oo aan la filaneyn yuusan idin helin idinka oo jiifa. Waxaan qof walba u sheegaa waxaan idiin sheegay oo ah, ‘Is ilaaliya!’ ” Haddaba waxey ahayd laba maalmood ka hor Dabaaldaga Iidda kormaridda iyo Iiddii kibista aan khamiirka lahayn. Gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse ayaa si sir ah u qorsheynayay si ey Ciise u qabtaan oo ey xabsiga u geliyaan una dilaan. Waxey yiraahdeen, “Waa in aanan qaban waqtiga dabaaldegga lagu guda jiro waayo dadka ayaa rabshad kicin doona.” Isaga oo jooga magaalada Beytaniya oo wax ka cunaya guriga Simoon kii baraska qabi jiray, markaas ayaa naag halkaas la timaaday dhalo laga sameeyay dhagax qaali ah, oo cadar qaali ah leh ku jiro oo laga sameeyay ubax saafi ah, markaas ayey dhaladii furtay oo ey cadarkii madaxa Ciise ku shubtay. Arintan aad ayey martidii halkaas joogtay uga xanaajisay oo waxey dhexdooda isku yiraahdeen, “Maxaa cadarkan loo khasaariyay? Cadarkaas waxaan ku iibin lahayn saddex boqol oo diinaar lacagtana masaakiinta ayaan siin lahayn.” Waxeyna bilaabeen iney aad ugu qayliyaan naagtii. Markaas ayaa Ciise yiri, “Daaya, maxaad iyada u dhibeysaan? Wax wanaagsan ayey ii sameysay. Dadka masaakiinta ah weligood ayey idin la joogi doonaan, oo waqtigaad doontaan ayaad caawin kartaan. Laakiin anigu weligiin idin lama joogi doono. Waxey awoodey ayey sameysay. Cadar ayey jirkeyga ku shubtay si ey iigu sii diyaariso duugteyda. Runtii waxaan idin ku leeyahay, meel walboo aduunka ka mid ah oo injiilka laga wacdiyo waxey sameyseyna waa laga sheegi doonaa si iyada loogu xasuusto.” Kadib Yuudas Iskariyod oo ka mid ah laba iyo tobankii xerta Ciise, ayaa u tagay gudoomiyayaashii wadaaddada si uu u soo gacangeliyo Ciise. Aad ayey arintan ugu farxeen, waxeyna isaga ka ballanqaadeen iney lacag siiyaan. Sidaa darteed wuxuu raadiyay fursad uu Ciise kusoo gacangeliyo. Maalintii ugu horeysay ee Iidda Dabaaldega kibista aan khamiirka lahayn. Caadaduna waxey ahayd in wankii Iidda Kormaridda la qalo markaas ayaa xertii Ciise ku yiraahdeen, “Halkee ayaad dooneysaa inaan kuugu diyaarino cuntada Iidda Kormaridda?” Markaas ayaa Ciise diray laba xertiisa ah oo ku yiri, “Taga magaalada waxaadna la kulmi doontaan nin ashuun biyo ah wada. Raaca isaga. Ninka guriga leh waxaad ku dhahdaan, ‘Macalinku wuxuu kugu yiri, waa xaggee qolka martida, meesha aan kula cunayo xerteyda cashada Iidda kormaridda.’ Wuxuu idin ka tusi doonaa qol weyn oo qeybta sare ah oona goglan. Halkaas cashada noogu diyaariya.” Xertiina wey baxeen oo waxey aadeen magaaladii oo wixii Ciise ku yiri ayey la kulmeen. Sidaa darteed waxey diyaariyeen cashada Iiddii kormaridda. Markii fiidkii la gaaray ayaa Ciise la yimid laba iyo tobankii xertiisa ahayd. Ciise iyo xertiisa oo isla cunteynaya ayaa Ciise yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, midkiin ayaa i gacangelin doona, mid hadda ila cunteynaya.” Arintaas aad ayey xertii uga xumaadeen, wuxuuna mid walba ku yiri Ciise, “Runtii ma aniga ayaad iga wadaa?” Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Waa mid ka mid ah laba iyo tobanka xerta ah, kaasoo baaquliga gacanta igula jira. Wiilka Aadanahu waa inuu dhinto siduu qoraalku sheegayo. Waxey hoog u tahay midka Wiilka Aadanaha gacangelinaya! Ninkaas waxaa u roonaan lahayd in uusan dhalanin.” Intey wax cunayeen, Ciise wuxuu kor u qaaday kibis, markii uu Illaahey u mahadceliyay kadibna wuu kala gooyay wuxuuna xertii ku yiri, “Qaata kani waa jirkeyga.” Kadibna wuxuu kor u qaaday koob sharaab ah, markii uu Illaahey u mahadceliyay kadib ayuu iyagii siiyay, iyagoo dhan ayaa koobkii ka cabay. Wuxuuna iyagii ku yiri, “Kani waa dhiigeyga axdiga cusub kaasoo loo daadshay dad badan.” “Runtii waxaan idin ku leeyahay, mar dambe ma cabi doono miraha geedka canabka ah illaa maalinta aan boqortooyada Illaahey kaga cabi doono iyadoo cusub.” Markey hees ammaan ah qaadeen kadib ayey aadeen Buur Saytuun. Ciise ayaa xertiisa ku yiri, “Idinka oo dhan waad iga carari doontaan, waayo wey qoran tahay, “Waxaan dili doonaa arijirka, iduhuna wey kala carari doonaan. Laakiin markaan dhimashada kasoo sarakaco, waxaan idin kaga hor mari doonaa Galili.” Markaas ayaa Butros yiri, “Xitaa haddii iyagoo dhan kaa tagaan anigu ma kaa tagi doono.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan ku leeyahay, caawa inta uusan diiqu laba mar ciyin ka hor ayaad adigu saddex jeer dhihi doontaa kuma garanayo.” Laakiin Butros ayaa aad ugu adkeystay oo yiri, “Xitaa haddii ey noqoto inaan kula dhinto waan kula dhiman doonaa, laakiin kuma inkiri doono.” Xertii kalana sidaas oo kale ayey yiraahdeen. Ciise iyo xertiisi waxey tageen meel la yiraahdo Getsemane, wuxuuna iyaga ku yiri, “Halkan fariista intaan kasoo duceysanayo.” Wuxuu sii watey Butros, Yacquub iyo Yooxanaa, aad ayuuna u murugoonayay una dhibaateysnaa. Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Nafteyda murugo ayaa ka buuxsantay illaa heer dhimasho. Meeshan jooga oo ila soo jeeda.” Ciise xoogaa yar ayuu iyagii ka dhex baxay oo jilbaha dhulka dhigtay oo duceystay, Wuxuuna yiri, “Aabow, wax walba waad awoodaa, koobkan silaca ah iga leexi. Laakiin doonisteyda maahane doonistaada ha ahaato.” Kadib Ciise wuxuu kusoo laabtay xertiisi wuxuuna u yimid iyagoo hurda. Markaas ayuu ku yiri Butros, “Simoonow ma seexatay? Xitaa hal saac ma soo jeedi kartid miyaa? Soo jeeda oo duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin. Ruuxdu wey rabtaa laakiin jirku waa daciif.” Kadib Ciise intuu baxay ayuu kusoo duceystay isla ducadii. Markii uu mar labaad soo laabtay ayuu haddana u yimid iyagoo hurda, waayo hurdada oo ka badatay darteed ma soo jeedi karin oo waxey yiraahdaanna ma eysan garaneyn. Ciise markii saddexaad ayuu u soo laabtay xertii wuxuuna ku yiri, “Weli ma hurdo iyo nasasho ayaad ku jirtaan! Fiiriya waqtigii Wiilka Aadanaha loo gacangelin lahaa dembiilayaasha waa la gaaray. Kaca aan tagnee! Wuu yimid kii i gacangelin lahaa!” Ciise oo weli sii hadlaya ayaa Yuudas kii gacangelin lahaa yimaaday. Wuxuu ka mid ahaa laba iyo tobankii xerta Ciise. Waxaa isaga la socday niman badan oo hubeysan oo wata seefo iyo ulo, waxaana soo diray gudoomiyayaasha wadaaddada, macalimiinta sharciga iyo odayaasha. Haddaba Yuudas ayaa wuxuu iyaga kula heshiiyay calaamad ey ku gartaan Ciise wuxuuna ku yiri, “Kan aan dhunkado waaye ninka aad raadineysaan ee qabta, oo kaxeeya idinka oo ilaalinaya.” Si toos ah ayuu Yuudas u abaaray Ciise wuxuuna ku yiri, “Macalinow!” Wuuna dhunkaday. Nimankii ayaa qabtay Ciise oo xiray. Kadib mid ka mid ah kuwii meesha taagnaa ayaa seeftiisi la soo baxay oo dhagta ka gooyay mid ka mid ah adeegayaashii wadaadka sare. Markaas ayaa Ciise yiri, “Maxaad ula timaadeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidii inaan ahay tuug? Maalin walba waan idin la joogay, oo macbadka ayaan wax idin ku barayay, mana i qabanin. Laakiin qorniinku waa inuu dhaboobaa.” Markaas ayaa xertii oo dhan kala carareen oo kaligiis ayey meesha ku dhaafeen. Nin dhalinyaro ah oo maro yar oo qaali ah dhexda ugu xirneyd ayaa Ciise daba socday. Markey isaga qabteen, ayuu kafakaday isaga oo qaawan oo maradiisiina meeshuu ku dhaafay. Ciise waxaa loo geeyay wadaadka sare. Kadib gudoomiyayaashii wadaaddada, odayaashii, macalimiintii sharciga oo dhan ayaa isku yimaaday. Markaas waxaa Ciise meel fog kasoo daba socday Butros. Markii uu gaaray deyrkii guriga wadaadka sare ayuu la fariistay kuwii halkaas ilaalinayay si uu dabka iskugu kululeeyo. Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo kuwii shirka ku jiray oo dhan ayaa waxey raadinayeen cadeyn ey Ciise ku dilaan. Laakiin wax cadeyn ah ma eysan helin. Kuwa badan ayaa marqaatifur been ah ka sheegay, laakiin waxey ka sheegeen isku mid ma ahayn. Kadib waxaa kacay qaarkood oo marqaati been ah ka sheegay iyagoo leh, “Waxaan maqalnay isaga oo leh, waxaan burburin doonaa macbadkan gacanta binu aadanka lagu sameeyay saddex maalmood kadibna waxaan dhisi doonaa ku kale oo aan gacan binu aadan lagu dhisin.” Laakiin weli marqaatifurkooda isku mid ma ahayn. Kadib wadaadkii sare ayaa istaagay oo Ciise weydiiyay, “Maxaadan waxyaalahan uga jawaabeynin oo aadan isku difaaceynin? Waa maxey marqaatifurkaan ey nimankan kaa sheegayaan?” Laakiin Ciise wuu aamusay oo uma jawaabin. Kadib wadaadkii sare ayaa weydiiyay, “Ma waxaad tahay Masiixa? Wiilka kan barakeysan?” Ciise ayaa ku yiri, “Haa waan ahay, mar dhow waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya gacanta midig ee Illaaha awoodda leh kuna imaanaya daruuraha cirka.” Markaas ayaa wadaadkii sare intuu dharkiisi jeex jeexay kadibna dadkii weydiiyay, “Maxaan uga baahannahay marqaati kale? Waad maqasheen caayda. Go’aankiinu waa maxey?” Iyagii oo dhan ayaa xukumay in la dilo. Kadib qaarkood ayaa bilaabay iney isaga candhuuf ku tufaan, indhahana ka xiraan oo ey garaacaan, iyagoo leh “Noo sheeg qofka kugu dhuftay!” Askartiina wey kaxeeyeen oo garaaceen. Butros oo weli jooga deyrka, ayaa gabar wadaadka sare adeege u ahayd timaaday. Markey aragtay Butros oo dabka isku kululeynaya ayey si fiican u fiirisay. Markaas ayey tiri, “Adiga xitaa waxaad la jirtay Ciisihii reer Naasared.” Laakiin wuu dafiray, wuxuuna yiri, “Ma garanayo, waxaad leedahayna ma fahmayo.” Markii uu saas yirina albaabka ayuu kasii baxay, kadibna diiqii ayaa ciyay. Gabadhii adeegaha ahayd markey haddana Butros aragtay ayey ku tiri, “Ninkan wuxuu ka mid yahay xerta Ciise.” Haddana wuu dafiray. Wax yar kadib ayaa kuwii Butros agtaagnaa ku yiraahdeen, “Xaqiiqdii waxaad tahay midkood, waayo waxaad tahay reer Galili.” Haddaba Butros wuxuu bilaabay inuu is habaaro isaga oo dhaaranaya, “Ma garanayo ninkan aad ka hadleysaan.” Isla markii ayaa diiqii laba mar ciyay. Kadib Butros wuxuu xasuustay hadalkii uu Ciise ku yiri oo ahaa, “Inta uusan diiqu laba jeer ciyin, saddex mar ayaad i dafiri doontaa.” Markaas ayuu oohin bilaabay. Gudoomiyayaashii wadaaddada, odayaashii, macalimiintii sharciga Muuse iyo kuwii shirka ku jiray oo dhan ayaa go’aan gaareen aroortii. Markaas ayey Ciise xireen oo kaxeeyeen waxeyna u dhiibeen Bilaatos. Markaas ayaa Bilaatos weydiiyay Ciise, “Ma waxaad tahay boqorka Yuhuudda?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri.” Gudoomiyayaashii wadaaddada waxyaalo badan ayey Ciise kusoo eedeeyeen. Markaas ayaa mar labaad Bilaatos Ciise weydiiyay oo ku yiri, “Ma ka jawaabeysid miyaa? Ma u jeedid miyaa waxyaalahan lagugu dacweeyay oo dhan.” Laakiin Ciise uma jawaabin, Bilaatosna aad ayuu ula yaabay. Haddaba maalinta Dabaaldaga Iidda kormaridda taliyaha caadadiisu waxey ahayd inuu dadka usii daayo maxbuus oo ey dadku doorteen. Waqtigaas waxaa jiray nin la yiraahdo Baraabbas oo maxbuus ahaa laguna soo dacweeyay inuu dil geystay waqtigii rabshada. Dadkii badnaa ayaa u yimid Bilaatos oo weydiistay, inuu sameeyo sidii caadadiisu ahayd oo usii daayo maxbuus. Markaas ayaa Bilaatos weydiiyay, “Ma waxaad dooneysaan inaan idiin soo daayo boqorka Yuhuudda?” Bilaatosna wuu ogaa in sababta ey gudoomiyayaasha wadaaddada Ciise isaga ugu keeneen iney tahay maseyr dartiis. Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada waxey dadkii badnaa u sheegeen iney Bilaatos weydiistaan inuu u soo daayo Baraabbas. Markaas ayaa Bilaatos iyaga ku yiri, “Balse maxaan ku sameeyaa kan aad dhahdaan waa boqorka Yuhuudda?” Wey qayliyeen oo waxey yiraahdeen, “Ha la qodbo!” Bilaatos ayaa weydiiyay, “Sabab, waa maxey dembiga uu galay?” Laakiin waxey aad ugu sii qayliyeen, “Ha la qodbo!” Bilaatos oo dadkii ka farxin rabey ayaa Baraabbas iyaga u soo daayay. Wuxuuna amray iney Ciise garaacaan oo ey iskutallaabta ku qodbaan. Askartiina waxey Ciise u kaxeeyeen xaruunta gudoomiyaha, waxeyna iskugu yeereen askartii kale oo dhan. Waxey u geliyeen dhar guduudan, madaxiisana waxey saareen taaj qodax laga sameeyay. Markaas ayey bilaabeen iney ku jeesjeesaan iyagoo dhahaya, “Boqorka Yuhuuddu ha noolaado!” Ul ayey madaxa uga garaaceen. Candhuufna wey ku tufeen iyagoo u jilba dhiganaya oo iska dhigaya iney caabudayaan. Markey ku jeesjeeseen kadib waxey ka siibeen dharkii guduudnaa waxeyna u geliyeen dharkiisi. Kadibna waxey u kaxeeyeen iney iskutallaabta ku qodbaan. Simoon oo reer Sayriin ah ayaa ag marayay isaga oo beertiisa ka yimid, waxeyna ku qasbeen inuu iskutallaabta qaado. Simoon wuxuu aabe u ahaa Aleksanderos iyo Rufus. Waxey Ciise keeneen meel la yiraahdo Golgota (taas oo macnaheedu yahay, “Meeshii lafta madaxa”). Kadib waxey siiyeen khamri lagu daray malmal laakiin ma uusan cabin. Ciise waxaa lagu qodbay iskutallaabta, dharkiisina intey kala qeybsadeen ayey qori tuur ku sameeyeen mid kasta qeybtii uu qaadan lahaa. Markey iskutallaabta ku qodbeen waxey ahayd saddex saac oo subaxnima. Qoraal tusaya eeddii lagu qodbay ayey ku qoreen iskutallaabtii. Waxaana ku qornaa, “Boqorka Yuhuudda.” Waxaa lala qodbay laba dembiile, mid wuxuu ka jiray dhinaca midig midka kalana dhinaca bidix. [ Waxaa dhaboobay qoraalka dhahaya, “Waxaa lagu dacweeyay inuu dembi galay.”] Dadkii meesha marayay oo dhan waxyaalo xun ayey Ciise ka sheegeen. Madaxooda ayeyna ruxayeen waxeyna ku qaylinayeen, “Haddaba adiga ayaa sheegtay inaad burburin doonto macbadka kadibna aad ku dhisi doonto saddex maalmood gudahood. Iskutallaabta kasoo deg oo is badbaadi!” Sidoo kalana gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse ayaa ku jeesjeeseen Ciise oo waxey isku yiraahdeen, “Wuxuu badbaadiyay dad kale laakiin naftiisa ma badbaadin karo! Haddaba hadduu yahay Masiixa, boqorka Israa’iil, ha kasoo dego iskutallaabta markaan aragnana waan aamineynaa.” Kuwii iskutallaabta kula qodbanaa ayaa sidoo kale waxyaalo xun ku yiri Ciise. Duhurkii markii la joogay mugdi ayaa qariyay dhulka oo dhan illaa saddexdii duhurnimo. Markii sagaal saac oo galabnimo la joogay ayaa Ciise cod dheer ku yiri, “Eloy, Eloy, lama sabakhtani?” (Taas oo macnaheedu yahay, “Illaaheyow, Illaaheyow, maxaad ii deyrisay?”) Markii qaar ka mid ah kuwii agtaagnaa maqleen hadalkaas, waxey yiraahdeen, “Dhageysta wuxuu u yeeranayaa Eliyaas.” Midkood ayaa orday oo suuf ku dhex riday khamro dhanaan, kadibna ul ku muday Ciisana u dhiibay si uu bishimaha ugu qoysto. Isaga oo dhahaya, “Iska dhaaf aan aragnee in Eliyaas yimaado oo halkaas kasoo dejiyo.” Ciise wuu qayliyay kadibna wuu dhintay. Daahii macbadkana laba meel ayuu u kala jeexmay kor ayuu kasoo bilowday illaa hoos. Boqol u taliyihii Ciise hor taagnaa ayaa markii uu arkay inuu dhintay yiri, “Xaqiiqdii ninkan wuxuu ahaa Wiilka Illaahey!” Dumar ayaa meel xoogaa u jirtay ka fiirsanayay waxaana ka mid ahaa Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub yare iyo Yuusuf iyo Saloome hooyadood. Maalmihii uu Ciise Galili joogay ayey dumarkan u adeegi jireen. Qaar kale oo Yeruusaalem u soo raacayna halkaas ayey joogeen. Haddaba waxaa la joogay maalintii Sabtida ka horeysa, Yuhuudduna wey is diyaarinayeen. Nin la yiraahdo Yuusuf oo reer Arimataya ah ayaa Bilaatos weydiistay jirka Ciise. Yuusuf wuxuu ahaa nin aad loo xushmeeyo wuxuuna ka mid ahaa taliyayaashii shirka Yuhuudda, wuxuuna sugayay boqortooyada Illaahey ee soo socoto. Bilaatos wuu yaabay markii uu maqlay in Ciise dhintay. Wuxuu u yeeray boqol u taliyihii si uu u weydiiyo in Ciise dhintay. Markii uu boqol u taliyihii u sheegay iney run tahay ayuu Bilaatos u fasaxay Yuusuf inuu jirka qaato. Yuusufna wuxuu iibsaday maro karfan ah, jirkii Ciise ayuu kasoo dejiyay iskutallaabta. Maradii ayuu ku duuduubay oo wuxuuna geliyay xabaal laga sameeyay dhagaxyo, albaabkiina wuxuu ka saaray dhagax weyn. Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale ee Yuusuf hooyadiis ahayd ayaa arkeen halka Ciise lagu duugay. Maalintii Sabtida kadib ayaa Maryantii reer Magdala iyo Maryantii hooyada u ahayd Yacquub iyo Saloome waxey gadeen dhir udgoon si ey jirka Ciise u mariyaan. Aroortii hore maalinta koowaad ee usbuuc goortii qoraxdu soo baxeysay ayey tageen xabaashii. Markey sii socdeen ayey is weydiiyeen, “Yaa dhagaxii xabaasha hortiisa la dhigay meesha ka qaadi doona?” Laakiin markey dhinaca qabriga fiiriyeen ayey arkeen dhagixii aadka u weynaa oo laga leexiyay meeshii. Goortii ey xabaashii dhagaxa laga sameeyay galeen ayey arkeen nin dhar cad qaba oo fadhiya dhinaca midigta ah. Dumarkii aad ayey iskugu naxeen. Markaas ayaa ninkii iyaga ku yiri, “Ha cabsanina.” Ma waxaad raadineysaan Ciisihii reer Naasared, kii iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sarakacay! Halkan ma joogo, bal fiiriya meeshii jirkiisa la dhigay. Haddaba taga oo u sheega xertiisa siiba Butros, oo ku dhaha, “Wuxuu idin kaga hor mari doonaa Galili. Halkaas ayaad ku arki doontaan siduu mar hore idiin sheegay.” Dumarkii markey xabaashii kasoo tageen aad ayey uga yaabeen arintaas oo wey gariireen. Aad ayeyna uga cabsadeen iney qof u sheegaan waxa dhacay. [ Markii uu Ciise soo sarakacay maalintii usbuuc ugu horeysay subaxnimadeedi, wuxuu marka hore u muuqday Maryantii reer Magdala taas oo toddobo ruux wasakh leh uu ka saaray. Iyaduna wey tagtay oo waxey u soo sheegtay xertii kuwaas oo la murugoonayay. Markey maqleen Ciise inuu sarakacay oo uu nool yahay iyaduna ey soo aragtay, ma eysan aaminin. Kadib Ciise wuxuu qaab kale ugu muuqday laba xertiisa ah iyagoo magaalada kasii baxaya. Iyaguna wey soo laabteen oo waxey kuwii kale u sheegeen waxey la kulmeen, laakiin lama aaminin. Kadib Ciise wuxuu u muuqday kow iyo tobankii xertiisa ahaa iyagoo cunteynaya. Wuuna canaantay waayo wey madax adkaadeen oo wey aamini waayeen kuwii isaga arkay kadib markii uu sarakacay u sheegeen inuu nool yahay. Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Dunida oo dhan taga oo warka wanaagsan kusoo wacdiya quruumaha oo dhan. Mid walboo i aamina oona la baabtiiso wuu badbaadi doonaa. Laakiin mid walboo i rumeysan waayana waa la xukumi doonaa. Calaamadahaan waxey la jiri doonaan kuwa rumeysan. Magaceyga ayey ku bixin doonaan ruuxyada wasakhda leh, afaf cusubna wey ku hadli doonaan. Masas ayey gacmahooda ku qaadi doonaan, oo waxey cabi doonaan sun waxna ma yeeli doonto. Gacmahoodey kuwa xanuunsan saari doonaan oo weyna bogsan doonaan.” Markii uu Sayid Ciise iyaga la hadlay kadib ayaa kor samada loogu qaaday wuxuuna fariistay gacanta midig ee Illaahey. Xertiisana wey tageen oo waxey ka wacdiyeen meel walba, Illaaheyna wuu ka dhex shaqeeyay oo mucjisooyinkii ey sameeyeenna waxey cadeeyeen in fariintey wadaan ey run tahay.] Ku socota mudane Te’ofilos. Dad badan ayaa isku dayay iney wax ka qoraan waxyaalihii ka dhacay dhexdeena ee la hubsaday. Sida ey noogu soo dhiibeen kuwii hore waxey ahaayeen marqaatiyaal iyo adeegayaal ereyga. Sidaas darteed aniguna waxaan si taxadar leh ku sameeyay baaritaan wax walba leh illaa bilowgii, waxeyna ila ekaatay iney fiican tahay inaan si habeysan kuugu soo qoro, mudane Te’ofilosow, si aad adiguba u ogaato runta waxyaabihii lagu soo baray. Waqtigii Herodos ahaa boqorka Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la yiraahdo Sakariyas oo ka mid ahaa wadaaddadii Abiya. Xaaskiisa Elisabedna waxey ahayd farcankii Haaruun. Labadooduba Illaahey hortiisa waxey ku ahaayeen kuwa xaq ah, wey adeeci jireen amarrada Illaah oo eed la’aan ayey ku noolaayeen. Laakiin ilmo ma haysan, waayo Elisabed waxey ahayd madhalays, labadooduna wey da’ weynaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah Sakariyas wuxuu qabanayay shaqadiisii wadaadnimada, oo Illaahey ayuu u adeegayay. Sida caadadii wadaadnimada u ahayd maalintaas isaga ayaa la doortay inuu macbadka Rabbiga galo oo foox ka shido. Waqtigii fooxa la shidayay markii la gaaray, kuwii cibaadeysanayay ayaa banaanka iney ku duceystaan isugu yimid. Markaas ayaa waxaa Sakariyas u muuqday malag xagga Rabbiga ka yimid, kaasoo taagnaa dhinaca midig ee meesha fooxa lagu shido. Sakariyas goortuu arkay wuu isku naxay, cabsi ayaana gashay. Laakiin malagii ayaa ku yiri “Sakariyas ha cabsan, waayo Illaahey wuu maqlay ducadaadi. Xaaskaaga Elisabed waxey kuu dhali doontaa wiil, waxaadna u bixin doontaa Yooxanaa. Dhalashadiisuna aad ayey kaaga farxin doontaa, dad badanna sidoo kale wey ku farxi doonaan dhalashadiisa. Waayo qof weyn ayuu Illaah hortiisa ku ahaan doonaa. Mana cabi doono khamri ama cabitaan kale oo la khamiiriyay, inta uusan dhalan ka hor ayaa Ruuxa Quduuska ah ka buuxsami doonaa. Dad badan oo reer binu Israa’iil ah ayuu Illaaha Rabbigooda ah ku soo celin doonaa. Wuxuuna kasoo hor mari doonaa Rabbiga isaga oo leh ruuxii iyo xooggii Eliyaas. Si uu quluubta waalidka ugu soo jeediyo caruurtooda, kuwii caasiyeyna wuxuu ku celin doonaa xigmadda xaqa ah, si uu dadka Rabbiga ugu diyaariyo.” Sakariyas wuxuu malagii weydiiyay, “Sidee ayaan ku garan karaa tani iney dhici doonto? Waayo waxaan ahay nin oday ah xaaskeyguna sidoo kale wey da’ weyn tahay.” Malagii ayaa ugu jawaabay, “Waxaan ahay Jibriil, adeegihii Illaah waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan kuu sheego warkan wanaagsan. Haddaba waad aamusnaan doontaa, illaa maalinta ey waxaan ka dhacayaan, waayo ma aadan aaminin hadalkeyga kaasoo rumoobi doona waqtiga loogu talagalay.” Dadkii ayaa Sakariyas banaanka ku sugayay weyna la yaabeen wuxuu macbadka ugu soo daahay. Markii uu banaanka u soo baxay, ma la hadli karin iyaga. Markaas ayey ogaadeen inuu macbadka wax ku soo arkay, waayo gacmaha ayuu wax ugu tilmaamayay laakiin wax ma dhihi karin. Goortii waqtigiisi uu macbadka ka shaqeynayay dhamaaday ayuu guriga u laabtay. Kadibna xaaskiisi Elisabed wey uuraysatay oo shan bilood ayey is qarineysay. Waxeyna tiri, “Arintan Rabbiga ayaa ii sameeyay. Waqtigan naxariistiisi ayuu i tusay oo wuxuu iga qaaday ceebteydi ilma laanta ahayd.” Markii Elisabed uurkeedu bishii lixaad marayay, ayaa Illaah wuxuu u soo diray malag Jibriil magaalo la yiraahdo Naasared oo ku taalay Galili. Wuxuuna u soo diray gabar bikro ahayd oo u doonaneyd nin la dhihi jiray Yuusuf, kaasoo ahaa dhashii Daa’uud. Gabadhaas bikrada ahayd magaceedu wuxuu ahaa Maryan. Malagii ayaa u yimid oo ku yiri, “Waan ku salaamay, adigan aadka loogu nimceeyay! Rabbiga ayaa kula jira.” Maryan aad ayey hadalkii malaga uga welweshay waxeyna istiri salaantan maxey noqon kartaa. Laakiin malagii ayaa ku yiri, “Ha cabsan Maryaney, waayo nimco ayaad Illaah ka heshay. Waxaad dhali doontaa wiil, waxaadna u bixin doontaa Ciise. Qof weyn ayuu noqon doonaa, waxaana loogu yeeri doonaa Wiilka Illaaha ugu Sareeya. Rabbiga Illaaha ah ayaa wuxuu siin doonaa carshiga aabihiis Daa’uud. Wuxuuna weligiis boqor u ahaan doonaa dhashii Yacquub oo boqortooyadiisuna ma dhamaan doonto weligeed.” Markaas ayey Maryan weydiisay malagii, “Sidey arintan ku dhici kartaa, waayo waxaan ahay bikro?” Malagii ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, xoogga Kan ugu Sareeya ayaad hoos tagi doontaa. Sidaa darteed kan quduuska ah ee dhalan doona waxaa loogu yeeri doonaa Wiilka Illaah. Xitaa Elisabed oo aad qaraabo tihiin waxey dhali doontaa ilmo iyadoo da’ weyn, dadku madhasho ayey ugu yeeri jireen laakiin hadda wey uuraysatay oo bishii lixaad ayey u tahay. Waayo ma jiro erey ka yimid xagga Illaahey oo weligiis fashilmo.” Markaas ayaa Maryan ku tiri, “Waxaan ahay adeegaha Rabbiga, hadalkaad igu tiri oo dhan ha ii rumoobo.” Kadibna malagii wuu ka tagay. Maalmo kadib Maryan ayaa si dhaqso ah u tagtay magaaladii buuraha lahayd ee Yahuudiya. Waxey tagtay gurigii Sakariyas deganaa, wey soo gashay waxeyna salaantay Elisabed. Elisabed markey maqashay salaantii Maryan cunuggii uurkeeda ku jiray ayaa ku dhex boodbooday, Elisabedna Ruuxa Quduuska ah ayaa ka buuxsamay. Markaas ayey cod dheer ku tiri, “Illaahey dumarka oo dhan dhexdooda ayuu kaa barakeeyay, waxaana barakeysan ilmaha aad dhali doonto. Laakiin maxaa sidan oo dhan la iigu nimceeyay, oo Rabbiga hooyadiis ii soo booqatay? Isla markaan codkaaga maqlay ayaa ilmihii uurkeyga ku jiray farxad la boodbooday. Waxaa barakeysan tan aamintay in Rabbigu u sameyn doono wuxuu ka ballan qaaday.” Maryanna waxey tiri, “Nafteydu Rabbigey ammaantaa. Ruuxdeydana waxey ku faraxdaa Illaaha ah badbaadiyaheyga. Waayo wuu u naxariistay adeegtadiisa is hooseysiisa. Hadda laga bilaabo qarniyada oo dhan waxey iigu yeeri doonaan tan barakeysan. Waayo Kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyay, magaciisu waa Quduus. Naxariistiisu waxey gaartaa kuwa isaga ka cabsada, jiil ka jiil. Waxyaalo waaweyn ayuu gacantiisa ku sameeyay, wuxuuna kala firdhiyay kuwii ka kibrey fikradihii qalbigooda. Boqorro ayuu carshigoodi ka qaaday, laakiin kuwii hooseeyayna wuu sareeysiiyay. Kuwii gaajeysnaa ayuu wax wanaagsan ka dherjiyay oo kuwii taajirka ahaana wax la’aan ayuu diray. Wuxuu caawiyay adeegihiisi Israa’iil, oo xasuustay ballantii uu ka qaaday oo ahayd inuu u naxariisto. Waayo ballan ayuu ka qaaday Ibraahim iyo dhashiisii weligoodba, sidii uu ballanta uga qaaday awoowayaasheen.” Maryanna waxey Elisabed la joogtay muddo saddex bilood ah, kadibna waxey u noqotay gurigeeda. Haddaba waxaa la gaaray waqtigii Elisabed umuli lahayd, oo waxey dhashay wiil. Deriskeedii iyo qaraabadii oo dhan markey maqleen Rabbigu inuu naxariistiisi tusay, iyagiina wey la farxeen. Cunugu markii uu jiray siddeed maalmood ayaa dadkii yimaadeen si ey u gudaan. Waxeyna rabeen iney ku samiyaan magaca aabihiis Sakariyas. Laakiin hooyadiis ayaa hadashay waxeyna tiri, “Maya! Yooxanaa ayaa loo bixinayaa.” Dadkii ayaa waxey ku yiraahdeen, “Laakiin qof magacaas leh reerkiina kuma jiro.” Markaas ayey aabihiis tilmaan ku weydiiyeen magaca uu doonayo in cunugga loo bixiyo. Markaas ayuu weydiistay loox wax lagu qoro, wuxuuna qoray, “Magaciisu waa Yooxanaa.” Isla markii ayaa afkiisi furmay oo carrabkiisuna dabcay, wuxuuna bilaabay inuu hadlo isaga oo Illaah ammaanaya. Dadkii oo dhan ayaa cabsi gashay, oo wixii halkaas ka dhacayna waxaa lagaga hadlay magaaladii buuraha lahayd ee Yahuudiya. Qof walboo warkan maqlayna aad ayuu ula yaabay oo waxey is weydiiyeen, “Cunugaan muxuu noqon doonaa?” Waa hubaal Rabbigu wuu la jiray. Yooxanaa aabihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, wuxuuna bilaabay inuu wax sii sheego, “Ammaan ha u ahaato Rabbiga, Illaaha Israa’iil, waayo dadkiisi ayuu caawiyay oona madax furtay. Badbaadiye xoog leh ayuu noosoo diray kan ka imaanaya reerkii adeegihiisa Daa’uud. Sidii uu ku sheegay nebiyadiisi hore ee quduuska ahaa. Haddaba wuxuu naga badbaadin doonaa cadowyadeena, iyo kuwa na neceb oo dhan. Inuu u naxariisto awoowayaasheen oo uuna xasuusto axdigii quduuska ahaa. Axdigii uu ugu dhaartay aabaheen Ibraahim. Inuu naga badbaadiyo gacanta cadowyadeena, oo na siiyo awood aan cabsi la’aan ugu adeegno, si aan anaguna hortiisa quduusnimo iyo xaq ugu noolaan lahayn weligeen. “Adiguna, wiilkeygiyow, waxaa lagugu yeeri doonaa nebiga Kan ugu Sareeya, waayo waxaad ka hor mari doontaa Rabbiga oo jidka ayaad usii diyaarin doontaa. Waxaad dadkiisa ogeysiin doontaa sida badbaadada dembidhaafka loo helo. Naxariista iyo jaceylka Illaaheena ayaa qoraxda samada nooga soo ifin doona. Si ey ugu iftiinto kuwa mugdiga iyo hooska dhimashada ku nool, oo iftiinkuna wuxuu u ifayaa inuu nagu hogaamiyo jidka nabadda.” Yooxanaana wuu koray wuxuuna ku xooggeystay Ruuxa Illaahey. Wuxuuna joogay cidlada illaa maalintii uu shaqada Illaah si cabsi la’aan ah uga bilaabay reer binu Israa’iil dhexdooda. Maalmahaas Kaysar Agustus ayaa amar ku bixiyay in dhulka Roomaanka oo dhan tirakoob lagu sameeyo. Tani waxey ahayd Tirakoobkii ugu horeeyay ee dhacay Kuranayos goortii uu xukumi jiray Suuriya. Dadkoo dhanna waxey u laabteen magaaladoodi si ey isku diiwaan geliyaan. Yuusufna wuxuu ka tagay magaalada Naasared ee Galili wuxuu tagay Yahuudiya, illaa magaaladii Daa’uud oo ahayd Beytlaxam, waayo wuxuu ahaa dhashii Daa’uud. Halkaas waxey isla tageen Maryan oo u doonaneyd si ey isku diiwaan geliyaan, iyadoo waliba uur lahayd. Iyagoo weli meeshaas jooga ayaa waqtigii Maryan umuli lahayd la gaaray, waxeyna umushay wiilkeedi curadka ahaa. Markaas ayey maro ku duuduubtay oo ey dhex jiifisay qabaal, waayo hoteeladii oo dhan ayey meel ey jiifsadaan ka waayeen. Halkaas waxaa joogay arijirro habeenkii arigooda ilaalinayay. Malag xagga Rabbiga ka yimid ayaa iyaga u muuqday, markaas ayaa ammaanta Rabbigu agtooda ka iftay, aad ayeyna u cabsadeen. Markaas ayaa malagii ku yiri, “Ha cabsanina, waayo waxaan idiin keenay war wanaagsan oo qof walba farxad badan u keeni doona. Maanta magaalada Daa’uud waxaa idin kugu dhashay badbaadiyaha Masiixa Rabbiga ah. Calaamadahan ayaad ku garan doontaan, waxaad arki doontaan cunug maro lagu duuduubay oo la dhex seexiyay meesha xoolaha cawska loo dhigo.” Isla markiiba malaa’igo kale oo fara badan ayaa la soo muuqday malagii iyagoo Illaahey ammaanaya oo leh, “Ammaan ha u sugnaato Illaahey isaga oo jooga meelaha ugu sareeya, xagga dhulkana nabad ha u ahaato kuwii nimcada Rabbiga helay.” Markii malaa’igtii ey ka tageen oo u laabteen samada, arijirradii ayaa waxey is dheheen, “Bal aan tagno Beytlaxamtan oo aan soo aragno waxyaalahan dhacay oo Rabbigu noo sheegay.” Isla markii ayey tageen oo waxey arkeen Maryan iyo Yuusuf, iyo cunuggii oo dhex jiifa meesha xoolaha cawska loogu guro. Markey isaga arkeen ayey arijirradii faafiyeen warka ku saabsan cunuggaan iyo wixii malaa’igtii u sheegtay. Dadkii maqlay oo dhan ayaa ka yaabeen wixii ey arijirradii u sheegeen. Laakiin Maryan hadaladan oo dhan ayey xasuusatay aad ayeyna uga fikiraysay. Arijirradiina wey laabteen iyagoo Illaah ammaanaya oo ku weyneynaya waxyaalihii ey arkeen oo eyna maqleen taas oo noqotay sidii ey malaa’igtii ugu sheegtay. Siddeed maalmood kadib, cunuggii waa la guday, waxaana loo bixiyay Ciise, magacii malagu siiyay ka hor inta uusan uurka hooyadiis gelin. Goortii xafladii dabaaldegga nadiifinta la gaaray sidii sharciga Muuse ku qornayd, Yuusuf iyo Maryan waxey cunugga geeyeen Yeruusaalem si ey Rabbiga ugu keenaan. Sida uu sharciga Rabbiga ugu qoran yahay, “Curad walboo lab ah waxaa gooni loogu bixinayaa Rabbiga,” waana iney allabari bixiyaan sida ku qoran sharciga Rabbiga, “laba qoolley ama laba qoolley duureed oo yar yar.” Haddaba Yeruusaalem waxaa joogay nin la yiraahdo Simecoon, wuxuu ahaa nin xaq ah oo Illaahey ka cabsada. Wuxuu sugayay nasteexada reer binu Israa’iil, Ruuxa Quduuska ah ayaa dul joogay. Ruuxa Quduuska ah wuxuu u muujiyay in uusan dhiman doonin illaa Masiixa Rabbiga ah uu arko. Maalintaas Ruuxa ayaa Simecoon u hogaamiyay macbadka. Markii Maryan iyo Yuusuf cunugga Ciise ah u keeneen Rabbiga si ey caadadii sharciga ugu sameeyaan. Simecoon ayaa cunuggii gacantiisa ku xambaaray oo Illaah u mahadceliyay, isaga oo leh, “Rabbiyow, sidii aad u ballan qaaday, haddaba adeegahaaga nabad haku dhinto. Waayo indhahaygu waxey arkeen badbaadiyahaaga, kan aad aduunka oo dhan ku hordiyaarisay, oo ah iftiin u muujiya doonistaada dadka aan Yuhuudda ahayn, iyo ammaanta dadkaaga Israa’iil.” Markaas ayaa Ciise waalidkiis ka yaabeen wixii laga sheegayay. Kadibna Simecoon wuu barakeeyay wuxuuna ku yiri Maryan oo hooyadiis ah, “Cunugaan dartiis Illaahey wuxuu sababi doonaa kufida iyo kicida ee kuwo badan ee reer binu Israa’iil ah, wuxuuna ahaan doonaa calaamad Illaahey xaggiisa looga soo diray, laakiin badi wey kasoo horjeesan doonaan. Qalbiya badan fikradahooda ayaa la muujin doonaa. Maryan adiguna waad murugoon doontaa waxaadna dareemi doontaa sidi in waran qalbiga lagaaga muday.” Waxaana jirtay nebiyad Anna la dhihi jiray, inantii Fanuu’eel oo ahayd qoladii Aasheer. Wey da’ weyneyd, ninkeeda ayey la nooleyd toddoba sano markii la guursaday kadib. Kadibna waxey ahayd carmalad illaa siddeetan iyo afar sanadood. Macbadkana kama bixi jirin halkaas ayey joogtay habeen iyo maalin, iyadoo soon iyo salaad Illaahey ku caabudeysay. Waxey u timid Simecoon oo weli la hadlayay Maryan iyo Yuusuf, waxeyna bilowday iney Illaah u mahadceliso. Oo waxey kala hadashay kuwii sugayay furashada Yeruusaalem wax ku saabsan cunugga. Goortii ey wax walboo uu sharciga Rabbiga ka rabay dhameeyeen Maryan iyo Yuusuf waxey u laabteen Galili magaaladoodi Naasared. Ciisana wuu koray wuuna xooggeystay, waxaana ka buuxsamay xigmad, nimcada Illaahna wey dul joogtay. Sanad walba Ciise waalidkiis waxey aadi jireen Yeruusaalem si ey ugu dabaaldegaan Iiddii Kormaridda. Goortuu jiray toban iyo laba sano, sida caadadu ahayd waxey aadeen dabaaldeggii. Dabaaldeggii markii uu dhamaaday, waalidkiis waxey u laabanayeen xaafada, wiilka Ciise ahaa wuxuu ku haray Yeruusaalem iyagoo aan ogayn. Waxey u maleeyeen wiilku inuu la socdo, laakiin galabtii markii la gaaray wiilkiina la waayey ayey isku dayeen iney meelaha iyo qaraabada ka dhex raadiyaan. Markey waayeen ayey u laabteen Yeruusaalem iney xaggaasna ka fiiriyaan. Saddex maalmood kadib ayey ka heleen Macbadka dhexdiisa, isaga oo la fadhiya macalimiinta oo dhagaysanaya su’aalana weydiinaya. Qof walboo isaga maqlay aad ayuu ula yaabay wax fahankiisa iyo siduu su’aalaha uga jawaabayo. Waalidkiis markey arkeen wey yaabeen. Hooyadiis ayaa ku tiri, “Wiilkeygiyow, maxaad sidan noo yeeshay? Aabahaa iyo anigu aad ayaan u welwelsaneyn oo meel walba waan kaa raadinay.” Markaas ayuu ku yiri, “Maxaad iga raadineyseen? Miyaadan garaneynin inaan joogo guriga Aabahay?” Laakiin iyagu ma fahmin wuxuu ku dhahayay. Markaas ayuu iyaga raacay oo ey tageen Naasared, wuuna ka dambeeyay. Laakiin hooyadiis hadalladii oo dhan ayey ka fikireysay. Ciisana wuxuu ku koray xigmad, jir ahaan iyo nimcada Illaah iyo dadka hortoodaba. Shan iyo tobankii sano ee Tiberiyas Kaysar xukumayay, markii Bontiyos Bilaatos xukumi jiray Yahuudiya, oo Herodos uu ahaa taliyaha Galili. Walaalkiis Filibosna taliye u ahaa Ituraya iyo Tarakhoonitis. Lusaniyasna wuxuu taliye u ahaa Abilene. Waqtigii Annas iyo Kayafas ahaayeen wadaaddadii sare, ereyga Illaah ayaa u yimid Yooxanaa ina Sakariyas isaga oo cidlada jooga. Wuxuuna tagay magaalo walboo Urdun agagaarkeeda ah, isaga oo ku wacdinaya baabtiiskii toobadkeenka iyo cafiska dembiga. Sida ku qoran kitaabkii nebi Isayos, “Codka kan cidlada ka dhawaaqaya, oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya, waddooyin toosan isaga u sameeya. Dooxo walba waa la buuxin doonaa, buuraha dhaadheer iyo kuwa gaabanba waa la simi doonaa. Jidka qoloocanna waa la toosin doonaa, jidka xunna waa la sameyn doonaa. Qof walba wuxuu arki doonaa badbaadinta Illaah.’ ” Dad badan ayaa ugu yimaadeen Yooxanaa in la baabtiiso markaas ayuu ku yiri, “Idinkan sharta leh sida abeesooyinka! Yaa idin kaga digay inaad ka carartaan carada Illaah ee imaaneysa? Noloshiina ha laga arko inaad toobadkeenteen. Hana is dhihina, ‘Ibraahim ayaa awoowgeen ah oo Illaahey nama ciqaabi doono.’ Waayo waxaan idin ku leeyahay Illaahey dhagaxyadaan dhexdooda ayuu caruurta Ibraahim ka kicin karaa. Haddaba faasku wuxuu yaalaa geedaha salkooda, geed walboo aan mirro fiican dhalinna waa la goyn doonaa oo dabka ayaa lagu tuuri doonaa.” Markaas ayaa dadkii weydiiyeen Yooxanaa, “Haddaba maxaan sameynaa?” Markaas ayaa Yooxanaa ugu jawaabay, “Qof walboo laba shaar leh waa inuu la wadaagaa qofka aan heysan, qof walboo cunto haystana waa inuu sidoo kale sameeyaa.” Xitaa canshuur qaadayaasha ayaa yimaadeen oo waxey doonayeen in la baabtiiso. Waxey Yooxanaa ku yiraahdeen, “Macalinow, maxaan samaynaa?” Markaas ayuu ku yiri, “Ha ururinina in ka badan inta la idin ka rabo.” Markaas ayaa askartuna weydiiyeen, “Anagana maxaan sameynaa?” Isaguna wuxuu ugu jawaabay, “Dadka qasab lacag ha uga qaadina, war been ahna ha ka sheegina, ku ekaada mushaharkiina.” Dadku waxey sugayeen oo qalbiga ka filanayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixa. Markaas ayaa Yooxanaa iyagoo dhan u jawaabay oo ku yiri, “Anigu waxaan idin ku baabtiisaa biyo. Laakiin mid iga awood weyn ayaa imaan doona, kan aanan anigu istaahilin suumanka kabahiisa inaan furo. Isagu wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. Masaftiisa gacantiisa ayuu ku wataa meesha wax lagu tumana wuu nadiifin doonaa, oo sarreenta ayuu maqsinka ku uruurin doonaa, buunshadana wuxuu ku gubi doonaa dab aan weligiis dhamaanayn.” Yooxanaa digniin tan iyo kuwa kale oo badan ayuu isticmaalay markii uu wacdinayay injiilka. Laakiin markii Yooxanaa uu canaantay Herodos, Herodiya oo ahayd xaaska walaalkiis Filibos oo uu guursaday darteed, iyo waxyaala kale ee xun oo uu sameeyay, sidaa darteed Herodos Yooxanaa xabsi ayuu geliyay, isagoo raacinaya dembigan kuwiisi hore ee badnaa. Maalin markii dad badan la baabtiisayay, Ciisana waa la baabtiisay. Goortuu duceysanayay samada ayaa furantay, oo Ruuxa Quduuska ah ayaa ku soo kor dagay jir ahaan sida qoolley. Markaas ayaa cod samada ka imaaday isaga oo leh, “Waxaa tahay Wiilkeyga aan jeclahay, waana kugu faraxsanahay.” Markii uu Ciise jiray qiyaastii soddon sano, ayuu bilaabayay shaqada Rabbiga. Ciise waxaa loo yaqaanay inuu yahay ina Yuusuf. Yuusuf ina Heli, Helina ina Matad. Matadna ina Laawi. Laawina ina Melki. Melkina ina Yanna. Yannana ina Yuusuf. Yuusufna ina Matatiyas. Matatiyasna ina Caamoos. Caamoosna ina Na’uum. Na’uumna ina Elsi. Elsina ina Naggay. Naggayna ina Ma’ad. Ma’adna ina Matatiyas. Matatiyasna ina Semey. Semeyna ina Yooseek. Yooseekna ina Yooda. Yoodana ina Yooxanaan. Yooxanana ina Reesa. Reesana ina Serubaabel. Serubabeelna ina Salaatii’eel. Salaatii’eelna ina Neeri. Neerina ina Melki. Melkina ina Addi. Addina ina Koosam. Koosamna ina Elmoodam. Elmoodamna ina Ceer. Ceerna ina Yooses. Yoosesna ina Eliicesar. Eliiceserna ina Yoorim. Yoorimna ina Matad. Matadna ina Laawi. Laawina ina Simecoon. Simecoonna ina Yuuda. Yuudana ina Yuusuf. Yuusufna ina Yoonam. Yoonamna ina Eliyaqiim. Eliyaqiimna ina Mele’as. Mele’asna ina Menna. Mennana ina Matata. Matatana ina Naataan. Naataanna ina Daa’uud. Daa’uudna ina Yesay. Yesayna ina Coobeed. Coobeedna ina Bocas. Bocasna ina Salmoon. Salmoonna ina Naasoon. Naasoonna ina Caminadaab. Caminadaabna ina Araam. Araamna ina Esroom. Esroomna ina Feres, Feresna ina Yahuudah. Yahuudahna ina Yacquub. Yacquubna ina Isxaaq. Isxaaqna ina Ibraahim. Ibraahimna ina Tara. Tarana ina Naakoor. Nakoorna ina Seruukh. Seruukhna ina Ragaw. Ragawna ina Faleg. Felegna ina Xeber. Xeberna ina Salah. Salahna ina Qaynaan. Qaynaanna ina Arfaksad. Arfaksadna ina Sheem. Sheemna ina Nuux. Nuuxna ina Lameg. Lamegna ina Metushelax. Metushelaxna ina Enoog. Enoogna ina Yaared. Yaaredna ina Mahalaleel. Mahalaleelna ina Qaynaan. Qaynaanna ina Enoos. Enoosna ina Seed. Seedna ina Aadan. Aadanna ina Illaah. Ciise isaga oo uu Ruuxa Quduuska ah ka buuxo ayuu ka tagay webiga Urdun, oo Ruuxii ayaa u hogaamiyay cidlada. Meeshaas oo afartan maalmood ibliisku ku jarribay. Waqtigaas Ciise waxba ma uusan cunin sidaa darteed aad ayuu u gaajeysnaa. Markaas ayaa ibliiskii Ciise ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay, ku dheh dagaxaan kibis noqo.” Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Binu aadanku waa in uusan kibis kaliya ku noolaanin.’ ” Ibliiskii ayaa haddana ku hogaamiyay meel dheer oo waqti yar gudaheeda ayuu ku tusay boqortooyada aduunka oo dhan. Markaas ayuu ibliiskii Ciise ku yiri, “Waxaan ku siin doonaa ammaanta boqortooyadaan iyo amar oo dhan, waayo aniga ayaa la i siiyay, qof walboo aan rabo ayaan siin karaa. Haddaba haddaad i caabudo waxan oo dhan adiga ayaa lahaan doona.” Isla markii ayaa Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ” Markaas ayaa haddana ibliiskii ku hogaamiyay Yeruusaalem wuxuuna kor istaajiyay darbigii ugu dheeraa ee macbadka, wuxuuna ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay meeshan iska tuur. Waayo wey qoran tahay, “ ‘Illaahey wuxuu kuu amri doonaa malaa’igtiisa si ey kuu daryeelaan, gacmahooda ayey kugu qaban doonaan si eysan cagtaadu dhagaxa ugu dhicin.’ ” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Qoraalku wuxuu leeyahay, ‘Ha jarribin Rabbiga Illaahaaga ah.’ ” Ibliiskii markii uu jarribaadii dhameeyay wuu ka tagay Ciise illaa iyo mar kale oo uu fursad ku heli doono. Ciise isaga oo xoogga Ruuxa Quduuska ah ka buuxo ayuu Galili ku soo laabtay, warka isaga ku saabsan ayaa meel walba ku faafay. Isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya, qof walboo baritaankiisi maqlayna wuu ammaanay. Ciise wuxuu tagay Naasared meeshii uu ku soo korey, maalintii Sabtida wuxuu tagay sunagogga sida caadadiisu ahayd. Wuu kacay oo qoraalka akhriyay, oo waxaa loo dhiibay kitaabkii nebi Isayos, markii uu furay ayuu wuxuu helay meel ey ku qoran tahay, “Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, waayo wuxuu ii doortay inaan warka wanaagsan gaarsiiyo masaakiinta. Wuxuu ii soo diray inaan gaarsiiyo xornimada kuwa xiran iyo kuwa indhaha la’ aragoodi in loo soo celiyo oo kuwa la dulmiyeyna la furto, waa inaan u sheego sannadkan waa sanadka Rabbigu uu dadkiisa badbaadin doono.” Kadibna intuu kitaabkii duuduubay ayuu u dhiibay qofkii meesha ka adeegayay, wuuna fariistay. Qof walboo sunagogga joogay ayaa indhaha ku taagay Ciise. Markaas ayuu ku yiri, “Maanta qorniinkaan dhegahiina maqlaya ayuu ku rumoobay.” Kuligood hadala fiican ayey ka sheegeen, weyna la yaabeen hadallada nimcada leh ee afkiisa kasoo baxayay. Markaas ayey is weydiiyeen, “Kani miyuusan ahayn wiilkii Yuusuf?” Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Xaqiiqdii waxaad i weydiin doontaan maahmaahdan, ‘Dhakhtarow marka hore is bogsii!’ Waxaana kale oo i dhihi doontaan, ‘Magaaladaadi ku samee wixii aan maqalnay ee aad ku sameysay Kafarna’um.’ ” Ciise hadalkii ayuu sii waday oo yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, nebi magaaladiisa laga aqbalayo ma jiro. Laakiin runtii waxaan idin ku leeyahay, waqtigii Eliyaas waxaa Israa’iil ka jiray carmallo badan. Cirkana roob kama di’in muddo saddex sano iyo bar ah, waxaa dhulka oo dhan ka dhacay abaar weyn. Laakiin Eliyaas midkoodna looma dirin, waxaa loo diray carmalad joogtay magaalada Sarefta ee dalka Siidoon. Waqtigii nebi Eliishana waxaa Israa’iil ka jiray dad badan oo baras leh, laakiin midkoodna lama nadiifinin Nacamaan oo reer Suuriya ahaa maahee.” Dadkii sunagogga ku jiray markey arintan maqleen ayey ka xanaaqeen. Intey kaceen ayey magaalada ka saareen, oo geeyeen illaa buurtii ey magaalada ku kor dhisneyd si ey qarkeeda uga tuuraan. Laakiin Ciise intuu dhexdooda maray ayuu iska tagay. Ciise wuxuu tagay kafarna’um magaalo Galili ku taalo, oo maalintii Sabtida ayuu dadka wax barayay. Wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay waayo wuxuu ku hadlayay hadallo awood leh. Sunagogga waxaa joogay nin ruux wasakh leh qaba wuxuu ku qayliyay cod dheer oo yiri, “Naga tag, maxaad naga rabtaa Ciisihii reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabi’iso? Waan garanayaa qofka aad tahay, waxaad tahay kan Quduuska ah oo xagga Illaah ka yimid!” Ciise ayaa canaantay oo ku yiri, “Aamus! Kasoo bax!” Markaas ayaa ruuxii wasakhda lahaa ninkii dhulka ku tuuray dadka oo dhan hortooda wuuna kasoo baxay isaga oo aan nabar xitaa u geysanin. Markaas ayaa dadkii oo dhan la yaabeen oo ey is weydiiyeen, “Maxey tahay hadalladan amarka iyo xoogga leh oo xitaa ruuxyada wasakhda leh ayuu amray oo wey soo baxeen!” Isla markiiba warka isaga ku saabsan ayaa ku faafay meel walba. Ciise wuxuu ka tagay sunagogga oo wuxuu aaday gurigii Simoon. Haddaba Simoon sodohdiis ayey qandha la jiiftay, markaas ayey Ciise ka baryeen inuu caawiyo iyada. Markaas ayuu ku soo foorarsaday oo canaantay qandhadii, isla markiina qandhadii wey deysay. Weyna kacday oo u adeegtay iyagii. Qoraxdi markey dhacday, dadkii ayaa Ciise u keenay kuwo cudurro kala duduwan qaba markii uu qof walba gacmahiisa saareyna wuu wada bogsiiyay. Badi waxey qabeen ruuxyo wasakh leh oo amarkiisa ayey kaga soo baxeen, iyagoo leh, “Waxaad tahay Wiilkii Illaah.” Markaas ayuu canaantay oo u diiday iney hadlaan, waayo wey garanayeen inuu yahay Masiixa. Subaxdii ku xigtay ayaa Ciise tagay meel cidla ah, dadkii ayaa isaga raadinayay markey yimaadeen meeshii uu joogay waxey u diideen inuu iyaga ka tago. Laakiin Ciise wuxuu ku yiri, “Waa inaan magaalooyinka kalana ka wacdiyaa warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah, waayo arintaas ayaa la ii soo diray.” Wuuna kasii wacdinayay sunagogyadii Yahuudiya. Maalin maalmaha ka mid ah Ciise oo warta Gennesared dhinaceeda ka wacdinaya ayaa dad badan agtiisa yimaadeen oo ereyga Illaahey ayey dhageysanayeen. Markaas wuxuu arkay laba doon oo warta qarkeeda yaala, oo kalluumaysatadii uga dageen iney shabaagyadooda dhaqdaan. Markaas ayuu fuulay doomihii mid ka mid ah, oo ku yiri Simoon kii doonta iskalahaa, in yar dhinaca biyaha dhulka uga dhaqaaji. Markaas ayuu fariistay oo dadkii wax baray isaga oo doonta saaran. Goortuu hadalkii dhameeyay ayuu ku yiri Simoon, “Gee doontan meesha biyaha badan leh oo shabaagta ku rid biyaha si aad u kalluumaysatid.” Simoon ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Sayidow, xaley oo dhan ayaan shaqeyneynay waxna maanan qaban. Laakiin haddaad saas dhahday shabaagyada biyaha ayaan ku tuurayaa.” Markey saas sameeyeen ayey kalluun badan qabteen oo xitaa shabaagyadoodu dilaaci gaareen. Markaas ayey kuwa ey wada shaqeynayeen ee doonta kale ku jiray u baaqeen oo caawimaad weydiisteen, weyna yimaadeen oo labadii doomood ayey kalluun ka buuxiyeen illaa biyaha ku quusi gaareen. Laakiin Simoon Butros goortuu arkay waxa dhacay, ayuu Ciise jilbihiisi isku tuuray oo ku yiri, “Rabbiyow waxaan ahay dembiile, fadlan iga tag.” Maxaa yeelay Simoon Butros iyo kuwii ey isla jireen oo dhan ayaa ka yaabeen kalluunkii badnaa ey soo qabteen, sidoo kale Yacquub iyo Yooxanaa wiilashii Sebedi kuwii Simoon shirkad la ahaa. Kadib Ciise ayaa ku yiri Simoon, “Ha cabsan, waayo maanta laga bilaabo dadka ayaad jillaaban doontaa.” Markey doonta xeebta keeneen ayey wax walba dhaafeen oo Ciise raaceen. Ciise markii uu joogay magaalooyinka midood, waxaa u yimid nin baras qaba. Ninkii markii uu Ciise arkay ayuu u sujuuday isaga oo ka baryaya inuu bogsiiyo, wuxuuna ku yiri, “Rabbiyow, haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.” Ciise intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay oo yiri, “Waan doonayaa, ee bogso!” Isla markiiba baraskii wuu ka bogsaday. Kadib Ciise ninkii ayuu amray oo ku yiri, “Arintan qofna ha u sheegin, laakiin tag oo wadaadka tus inaad bogsatay oo allabari bixi sidii uu sharciga Muuse amray, nadiifintaada si ey iyaga marqaatifur ugu noqoto.” Laakiin warka Ciise ku saabsan aad ayuu u faafay, markaas ayaa dad badan waxey u yimaadeen iney wacdigiisa dhageystaan oona laga bogsiiyo cuduradooda. Laakiin Ciise badanaa wuxuu tagi jiray meel cidlo ah si uu ugu soo duceysto. Maalin Ciise oo wax baraya, waxaa ag fadhiyay Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga. Waxey ka yimaadeen degmo walboo ka tirsan Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem. Xoogga Rabbiguna wuu la jiray Ciise si uu u bogsiiyo kuwa xanuunsan. Markaas ayaa waxaa u yimid niman derin ku wada nin curyaan ah, oo waxey isku dayeen iney gudaha geliyaan oo ey Ciise hortiisa dhigaan. Markey arintaas u suurtoobi weyday dadkii badnaa aawadood, waxey fuuleen saqafka guriga iyagoo derintiisi ku soo dejiyay dadkii badnaa dhexdooda illaa Ciise hortiisa ey dhigeen. Ciise markii uu arkay iimaankoodi, ayuu ku yiri, “Saaxiibow, dembiyadaadu wey cafisan yihiin.” Laakiin Farrisiintii iyo Macalimiintii sharciga Muuse waxey is weydiiyeen, “Yuu yahay qofkan Illaahey u gafaya? Yaa dembi cafin kara Illaahey maahee?” Laakiin Ciise wuu ogaa fikiradooda oo wuxuu weydiiyay, “Maxaad waxyaalahan qalbiyadiina uga fikireysaan? Teebaa fudud, ma inaad tiraahdo, ‘Dembiyadaadi waa la cafiyay,’ mise inaad tiraahdo, ‘Istaag oo soco’? Laakiin waxaan rabaa inaad ogaataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay awood uu dembiyada ku cafiyo.” Markaas ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yiri, “Waxaan kugu leeyahay istaag, derintaada qaado oo gurigaaga tag!” Isla markii ayuu dadkii hortooda ku kacay, oo derintiisi qaatay gurigiisina sii aaday isaga oo Illaah ammaanaya. Qof walba wuu yaabay oo Illaah ammaanay. Aad ayey uga yaabeen wixii ey arkeen oo waxey dheheen, “Maanta wax layaab leh ayaan aragnay!” Waxyaalahaas kadib Ciise wuu tagay oo wuxuu arkay canshuur qaade lagu magacaabo Laawi oo fadhiya meesha canshuurta lagu qaado. Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Isoo raac,” Laawigiina wuu kacay kadib wixiisi oo dhan intuu ka tagay ayuu isaga raacay. Kadibna Laawi ayaa xaflad gurigiisa ku qabtay oo Ciise sida marti sharaf ugu soo casuumay. Kuwa badan oo canshuur qaadayaal Laawi la shaqeeya iyo marti kalana wey isla cunteynayeen. Laakiin Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse ayaa ganuunacay oo xertii Ciise ku yiri, “Maxaad canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha wax ula cuntaan oo ula cabtaan?” Markaas ayaa Ciise u jawaabay iyaga oo ku yiri, “Dadka caafimaadka qaba uma baahno dhakhtar, ee kuwa xanuusan ayaa u baahan. Anigu uma imaanin kuwa u maleynaya iney yihiin kuwa xaq ah, laakiin waxaan u imid kuwa dembiilayaasha ah iney toobadkeenaan.” Maalin ayaa dad ku yiraahdeen Ciise, “Xertii Yooxanaa baabtiisaha mar walba wey soomaan oo wey tukadaan, sidoo kale xertii Farrisiinta, laakiin maxey xertaadu mar walba wax u cunaan oo u cabaan?” Ciise ayaa ku jawaabay, “Miyay noqon kartaa kuwii arooska joogay oo la dabaaldegayay caruuska ah iney soomaan? Waa maya. Laakiin waqti ayaa imaan doona oo uu ninka arooska ah ka tagi doono, markaas ayey soomi doonaan.” Ciise wuxuu u sheegay tusaalahaan, “Qofna maro cusub intuu gooyo kuma dul tolo maro duug ah. Haddii kale marada cusub wey halaabeysaa, oo meesha lagu kabayna ma u ekaanayso marada duuga ah. Qofna kuma shubo khamri cusub sibraar duug ah, haddii kale khamriga cusub wuu kala dilaacinayaa sibraarada khamriguna wuu daadanayaa. Khamriga cusub waa in lagu shubo weel cusub. Qofna markuu cabo khamri raagay kadib ma doonayo kan cusub, waayo waxey dhahaan, ‘kan raagay ayaa ka fiican.’ ” Maalin Sabti ah Ciise iyo xertiisa oo dhex socda beer badar ah, ayaa xertiisi sabuul goosteen oo gacmahooda ku tirtireen kadibna cuneen. Farrisiinti qaarkood ayaa Ciise weydiiyay, “Maxaad u sameyneysaan wax aan banaaneyn maalinta Sabtida in la sameeyo?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyeydan ka akhrisan qoraalka wixii Daa’uud iyo kuwii la jiray sameeyeen goortey gaajeysnaayeen? Wuxuu galay guriga Illaahey oo jabiyay sharciga, oo qaatay kibistii goonida loo bixiyay, wuxuu cunay wixii sharciyan ku lahaayeen iney cunaan wadaaddada oo sidoo kale wuxuu xoogaa ka siiyay kuwii la jiray.” Kadib Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Wiilka Aadanahu waa Sayidka Sabtida.” Maalin kale oo Sabti ah Ciise wuxuu tagay sunagogga oo dadka ayuu wax barayay, waxaa halkaas joogay nin gacanta midig curyaan ka ahaa. Farrisiintii iyo macalimiintii sharcigana waxey raadinayeen marmarsiyo ey Ciise ku dacweeyaan, waxey fiirinayeen inuu Ciise maalinta Sabtida ah qof bogsiiyo. Laakiin Ciise wuu ogaa waxey ku fikirayeen, markaas ayuu ku yiri ninkii gacanta curyaanka ka ahaa, “kac oo dadkoo dhan soo hor istaag.” Isla markiiba ninkii wuu kacay oo meeshii istaagay. Kadibna Ciise wuxuu ku yiri iyaga, “Waxaan idin weydiinayaa, maalinta Sabtida ah sharcigeena muxuu noo ogolaadaa inaan sameyno? In wax wanaagsan la sameeyo ama wax xun, in nolol la badbaadiyo ama in la dilo?” Markaas ayuu Ciise fiiriyay iyagoo dhan, kadibna ninkii ayuu ku yiri, “Fidi gacantaada.” Markaas ayaa ninkii saas sameeyay, gacantiisana wey bogsatay. Laakiin Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga aad ayey u xanaaqeen waxeyna bilaabeen iney qorsheeyaan waxey Ciise ku sameyn lahaayeen. Maalin Ciise wuxuu tagay dhinaca buurta si uu u duceysto, habeenkii oo dhan ayuu Illaahey baryayay. Subixii markii la gaaray, xertiisi oo dhan ayuu iskugu yeeray oo ka doortay laba iyo toban nin kana dhigay rasuullo. Simoon (kii uu u bixiyay Butros) iyo walaalkiis Andaros, Yacquub, Yooxanaa, Filibos Bartolomayos, Matayos, Toomas, Yacquub (ina Alfayos), Simoon (Kii la dhihi jiray qiroolaha), Yuudas (ina Yacquub), Yuudas iskariyod, kii gacangeliyay. Markey buurtii kasoo degayeen, qaar badan oo xertiisi ah ayaa la joogay, waxaa kaloo joogay dad badan oo ka yimid Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo kuwa kale oo ka yimid xeebaha Turos iyo Siidoon. Waxey u yimaadeen iney isaga dhagaystaan iyo in laga bogsiiyo cuduradooda. Kuwii ruuxa wasakhda leh ku dhibaateysnaana waa laga bogsiiyay, qof walba ayaa isku dayay inuu Ciise taabto, waayo xooggii uu dadka ku bogsiinayay isaga ayuu ka imaanayay oo iyagoo dhan ayuu bogsiinayay. Markaas ayaa Ciise intuu xertiisi fiiriyay ayuu ku yiri, “Waxaa barakeysan kuwiinan saboolka ah, waayo boqortooyada Illaahey idinka ayaa leh. Waxaa barakeysan kuwiina gaajoonaya hadda, waayo waad dhergi doontaan. Waxaa barakeysan kuwiina hadda ooynaya, waayo waad qosli doontaan. Waxaa barakeysan kuwiina ah kuwa ey dadku nacaan, oo gooni idin dhigaan oo ey idin caayaan oo wax xun idin ka sheegaan, Wiilka Aadanaha dartiis. “Tani markey dhacdo ku farxa oo boodbooda, waayo abaalgudkiina jannada aad ayuu u weyn yahay. Xasuusta awoowayaashood saas ayey ula dhaqmi jireen nebiyada. “Laakiin hoog ayaa idin sugaya kuwiinan hodankaa, waayo farxadiina haddaad haysataan. Hoog ayaa idin sugaya kuwiinan hadda dheregsanow, waayo waad gaajoon doontaan. Hoog ayaa idin sugaya kuwiinan hadda qoslayow, waayo waad barooran oo ooyi doontaan. Waxaa hoog sugayaa kuwiinan ey dad badan wax wanaagsan ka sheegaan, waayo awoowayaashood saas ayey nebiyaasha beenta ah ula dhaqmi jireen. “Laakiin idinkan i dhageysanaya waxaan idin ku leeyahay, cadowgiina jeclaada, wanaag u sameeya kuwa idin naca, barakeeya kuwa idin habaara, una duceeya kuwa idin silciya. Haddii qof kaa dharbaaxo dhabanka, dhinaca kalana u jeedi si uu u dharbaaxo. Haddii qof kaa qaato jaakadaada shaatigaagana ugu dar. Qof walboo wax ku weydiista sii, haddii qof waxaad leedahay kaa qaato ha weydiisanin in laguu soo celiyo. U samee dadka kale waxaad jeclaan laheyd in luguu sameeyo. “Haddii aad jeceshihiin kuwa idin jecel oo kaliya, taasi maxey kuu tari? Waayo xitaa kuwa dembiilayaasha ah waxey jecelyihiin kuwa iyaga jecel oo kaliya. Haddii aad wanaag u sameysid kuwa wanaaga kuu sameeya, maxey kuu tari? Waayo xitaa dembiilayaashu saas ayey sameeyaan. Oo haddii aad lacag deymisid kuwa aad ka fileyso iney kuu soo celiyaan, maxey kuu tari? Waayo xitaa dembiilayaashu kuwa sidooda oo kale ah ayey deymiyaan oo ey sugaan in loo soo celiyo. Jeclaada cadowgiina! Wanaag u sameeya. Deymiya idinkoo aan waxba ka sugaynin. Abaalgudkiina wuu badnaan doonaa, waxaad noqon doontaan ilmaha Kan ugu Sareeya, waayo isagu wuu u roon yahay kuwa aan mahadcelinin iyo kuwa sharta leh. Waa inaad noqotaan kuwo naxariis leh, sida Aabihiinba u naxariisto. “Ha xukumina kuwa kale si aan la idiin xukumin. Ha eedeynina kuwa kale si aan la idiin eedeynin. Cafiya idinkana waa la idin cafin doonaa. Siiya idinkana waa la idin siin doonaa. Waayo hadiyad ayaad heli doontaan taas oo buuxda oo hoos loo riixay oo la ruxay si meel kale oo wax looga rido loo helo. Waayo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa.” Ciise wuxuu kaloo u sheegay tusaalahaan, “Nin indhoole ah miyuu hogaamin karaa ku kale oo indhoole ah? Soo iyagoo dhan hog kuma dhacayaan? Haddaba ardeygu macalinka kama sareeyo, laakiin qof walboo si fiican loo tababaray wuxuu noqonayaa sida macalinkooda. “Maxaad u fiirineysaa saxarka isha walaalkaa ku jira oo aadan u arag dogobka ishaada ku jira? Sidee ayaad ugu dhihi kartaa walaalkaa, ‘Walaalow kaalay aan saxarka ishaada ku jira kaa bixiyee,’ adiga oo aan arkin dogobka ishaada ku jira? Labawejiilayahow, marka hore dogobka ishaada ku jira iska bixi, kadibna si fiican ayaad u arki doontaa marka aad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarayso. “Ma jiro geed wanaagsan oo mirro xun bixiya, sidoo kale ma jiro geed xun oo mirro wanaagsan bixiya. Geedka waxaa lagu gartaa mirahiisa, waayo berde lagama guro qurac, oo canabna duurka lagama soo guro. Qofka wanaagsanna wuxuu soo saaraa waxyaalaha wanaagsan ee qalbigiisa ku jira, laakiin qofka sharta lehna wuxuu soo saaraa waxyaalaha sharta ah ee qalbigiisa ku jira. “Maxaad iigu yeereysaan, Rabbiyow, Rabbiyow! Oo aadan u sameyneynin waxaan idin leeyahay? Mid walboo ii yimaada oo ereygayga maqla oona ku dhaqma waxaan idin tusi doona sida ey yihiin. Waa sida nin guri dhisaya, oo si fiican hoos ugu qoday oo aasaaskiisi dhigay dhagax. Markii uu daadku yimaado oo biyahana soo butaacaan gurigii ayey ku dhacayaan laakiin ma dumi doono, waayo si fiican ayaa loo dhisay. Laakiin mid walboo ereyadayda maqla oo aan ku dhaqmin waa sida nin guri aasaas la’aan ah dhulka ku dhisay. Goortii daadku yimaado oo biyaha soo butaacaan gurigii ayey qaadayaan wuuna dumayaa.” Markii uu Ciise dhameeyay waxyaalihii uu dadka u sheegayay, wuxuu u laabtay Kafarna’um. Waqtigaas waxaa dhacday in nin adoon u ahaa boqol u taliye uu aad u xanuusaday oo xitaa dhiman gaaray. Boqol u taliyihii aad ayuu u jeclaa ninkan shaqaalahiisi ah. Boqol u taliyihii ayaa maqlay warka ku saabsan Ciise, markaas ayuu u diray odayaashii Yuhuudda si ey Ciise u weydiiyaan inuu yimaado oo bogsiiyo adoonkiisa. Odayaashii markey Ciise u yimaadeen, aad ayey uga baryeen oo waxey ku yiraahdeen, “Haddiiba qof u qalmo caawimaadaada, ninkan ayaa u qalma, waayo ninkan aad ayuu u jecel yahay dadkeena oo xitaa wuxuu noo dhisay sunagogga.” Isla markiiba Ciise wuu raacay. Laakiin inteysan guriga soo gaarin ka hor ayaa boqol u taliyihii soo diray saaxiibadiis si ey Ciise ugu yiraahdaan, “Sayidow ha isku dhibin inaad gurigeyga timaadid, uma qalmo inaad gurigeyga timaado. Xitaa uma qalmi inaan kuu imaado oo ku arko. Erey kasoo dheh meeshaad joogtid adeegaheyguna wuu bogsan doonaa. Waayo anigu xitaa waxaan ahay qof sharci ku hoos jira, askarna wey iga hooseysaa. Midkood ayaan ku dhahaa, ‘Tag,’ wuuna tagaa, mid kalana waxaan ku dhahaa, ‘Kaalay’ wuuna yimaadaa. Adeegaheyga ayaan ku dhahaa, ‘Waxan samee,’ wuuna sameeyaa.” Ciise markii uu arintaas maqlay, aad ayuu ula yaabay. Markaas ayuu dadkii badnaa ee la socday u jeestay oo ku yiri, “Waxaan idin ku leeyahay, weligey ma arkin iimaan sidan oo kale ah xitaa reer binu Israa’iil dhexdooda!” Goortii saaxiibadii ninkii boqol u taliyaha ahaa gurigiisi ku soo laabteen, waxey arkeen adoonkii oo bogsaday. In yar kadib Ciise iyo xertiisa waxey tageen magaalada Na’in, dad badan ayaa la yimaaday. Markey magaalada soo galayeen waxey la kulmeen dad meyd wada, wiilka dhintayna wuxuu hooyadiis ku ahaa madi, oo hooyadiisna waxey ahayd carmalad. Dad badan oo magaaladaas ka yimidna wey la jireen. Rabbigu markii uu iyada arkay qalbigiisa naxariis ayaa gashay, oo wuxuu ku yiri, “Ha ooyin.” Markaas ayuu naxashkii u yimaaday oo taabtay, kuwii naxashka wadayna wey istaageen. Isla markii ayuu ku yiri, “Yariisow, waxaan ku leeyahay, soo kac!” Kadibna wiilkii dhintay wuu soo fariistay oo bilaabay inuu hadlo! Ciisana wiilkii ayuu hooyadiis u dhiibay. Cabsi badan ayaa dadkii oo dhan gashay, oo Illaahey ayey ammaaneen, iyagoo leh, “Nebi xoog leh ayaa dhexdeena kasoo baxay. Illaaheyna dadkiisi ayuu soo booqday.” Isla markii ayaa warka ku saabsan Ciise ku faafay Yahuudiya oo dhan iyo meelaha kale ee u dhow. Xertii Yooxanaa Baabtiisaha ayaa u sheegay Yooxanaa waxyaalihii uu Ciise sameynayay oo dhan. Markaas ayaa Yooxanaa wuxuu wacay laba xertiisa ah, wuxuu u diray Rabbiga oo ku yiri bal soo weydiiya, “Miyaad tahay Masiixa imaanaya, mise ku kale ayaan sugnaa?” Labadii xerta Yooxanaa ahaa ayaa Ciise u yimaadeen oo ku yiraahdeen, “Waxaa na soo diray Yooxanaa Baabtiisaha inaan wax ku weydiino, ‘Miyaad tahay kan imaanaya, mise ku kale ayaan sugnaa?’ ” Isla waqtigaas, Ciise wuxuu dadka ka bogsiiyay cuduradooda, xanuunkooda, iyo kuwa ruuxyo xun ku jireen, dad badan oo indhaha la’aana aragooda ayaa loo soo celiyay. Xertii Yooxanaa ayuu Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Ku laabta Yooxanaa oo u sheega waxaad aragteen oo maqasheen oo dhan, indhoolayaasha waxey heleen aragooda, kuwii curyaamada ahaana wey socdeen, kuwii baraska lahaana waa la nadiifiyay, kuwii dhagaha la’aana wax ayey maqleen, kuwii dhintayna waa la sarakiciyay, warka wanaagsanna waa loogu wacdiyay masaakiinta. Waxaana barakeysan kuwa aanan iga shakinin.” Xertii Yooxanaa markey tageen kadib, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii kala hadlo wax ku saabsan Yooxanaa. “Nin sidee ah ayaad cidlada u tagteen si aad u soo aragtaan? Ma cawsduur ey dabayshu dhinac walba u ruxeyso? Haddeysan sidaas ahayn nin noocee ah ayaad cidlada u tagteen inaad aragtaan? Ma inaad aragtaan nin dhar wanaagsan ku labisan? Maya dadka dharka qaaliga ah ku xaragooda oo nolosha fiican ku jira waxey ku nool yihiin qasriyada. Laakiin maxaad cidlada u tagteen inaad soo aragtaan? Ma waxaad u tagteen inaad nebi soo aragtaan? Haa weliba waxaan idin ku leeyahay wuu ka sareeyaa nebi. Kani waa kii uu qoraalku ka qoray isaga oo leh, “ ‘Waxaan hortaada soo diri doonaa wargeeyaheyga, kaasoo jidka kuu sii diyaarin doona inta aadan imaanin ka hor.’ Waxaan idin ku leeyahay mid Yooxanaa ka weyn weli hooyo ma dhalin. Laakiin kan boqortooyada Illaahey ugu liita ayaa isaga ka weyn.” Dadkii oo dhan, xitaa canshuur qaadayaashii ayaa markey arintan maqleen isku wada raacay Illaahey inuu yahay mid xaq ah, waayo Yooxanaa ayaa soo baabtiisay. Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yaqaanay ayaa diiday qorshaha uu Illaahey iyaga u hayay, waayo wey diideen xitaa baabtiiskii Yooxanaa. Markaas ayaa Ciise yiri, “Maxaan u ekeysiin karaa dadka qarnigaan? Maxey u egyihiin? Waa sida caruur meelaha suuqa ah fadhiya oo isku dhahaya, “ ‘Waxaan idiin tunnay muusig, laakiin idinkuna ma eydan ciyaarin, markaas ayaan haddana idiin barooranay, laakiin ma eydan ooyin.’ Waayo Yooxanaa Baabtiisaha wuxuu yimid isaga oo aan cuneynin kibis oo aan cabeynin khamri, idinkuna waxaad leedihiin, ‘Ruuxyo wasakh leh ayuu qabaa.’ Laakiin Wiilka Aadanaha ayaa yimid isaga oo wax cunaya waxna cabaya, waxaadna tiraahdeen, ‘Waa hunguri weyne oo khamriga ayuu cabaa, wuxuu saaxiib la yahay canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha.’ Laakiin xigmadda waxaa cadeeyay kuwii aqbalay iney xaq tahay.” Farrisiinta midkood ayaa Ciise gurigiisa casho ku casuumay, markaas ayaa Ciise tagay gurigiisi oo u fariistay inuu cunteeyo. Naag magaaladaas joogtay oo nolol dembi ah ku noolayd ayaa maqashay Ciise inuu guriga Farrisiinta ka cunteynayo, markaas ayey halkaas la timid dhalo laga sameeyay dhagax qaali ah oo cadar qaali ahna ku jiro. Markaas ayey gadaashiisi jilba dhigatay oo cagahiisa ku dhacday iyadoo ooyneysa, ilmadeeda ayaa cagahiisa ku daadatay, oo iyadana waxey ku tirtirtay timaheeda. Kadibna cagahiisa ayey dhunkatay oo cadarkii marisay. Goortuu ninkii Farrisiga ahaa ee isaga martiqaaday arkay arintaas, wuxuu is dhahay, “Ninkan hadduu nebi ahaan lahaa wuu garan lahaa naagtaan taabanaysa iney tahay dembiile.” Ciise ayaa fikirkiisi uga jawaabay oo ku yiri, “Simoon waxaan rabaa inaan wax kuu sheego.” Markaas ayuu ku yiri, “Ii sheeg, macalinow.” Markaas ayaa Ciise sheekadan u sheegay, “Nin ayaa laba qof lacag deymiyay. Mid wuxuu ku lahaa 500 diinaar, kan kalana wuxuu ku lahaa 50 Diinaar. Laakiin midna uma soo celin, waxey noqotay inuu labadoodiba u cafiyo deyntooda. Haddaba yaad u malaynaysaa inuu ninkii aad u jeclaan doono arintaas markey dhacday kadib?” Simoon ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Waxaan u maleynaya kii deynta badan lagu lahaa ee loo cafiyay.” Markaas ayaa Ciise ku dhahay, “Si sax ah ayaad u xukuntay.” Kadibna naagtii intuu u jeestay ayuu Simoon ku yiri, “Miyaad u jeedaa naagtaan? Markaan gurigaaga imaaday ma aadan i siinin biyo aan cagaha ku dhaqdo, laakiin iyada cagaheyga waxey ku qooysay ilinteeda kadibna timaheeda ayey ku tirtirtay. Adiga dhunkasho ma aadan igu soo dhoweynin, laakiin haweeneydan illaa markaan gurigaan soo galay cagaheyga ayey dhunkanaysay. Madaxaygana ma aadan marinin saliid seytuun, laakiin iyada waxey cagaheyga marisay cadar. Marka waxaan ku leeyahay, dembiyaasheeda badan waa laga cafiyay, waayo jaceyl weyn ayey i tustay. Laakiin qofka wax yar laga cafiyay wuxuu jeclaadaa in yar.” Ciise naagtii ayuu ku yiri, “Dembiyadaadu wey cafisan yihiin.” Markaas ayaa martidii meeshaas joogtay is weydiiyeen, “Yuu yahay kan xitaa dembiyada cafinaya?” Ciisana naagtii wuxuu ku yiri, “Iimaankaaga ayaa ku badbaadiyay ee nabad ku tag.” Kadibna Ciise wuxuu bilaabay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex maro, isaga oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah. Laba iyo tobankii xertiisa ahaana wey la socdeen, waxaa kale oo la socday dumar laga soo bogsiiyay ruuxyo xun iyo cudurro. Kuwaasi waxaa ka mid ahaa Maryantii reer Magdala, tii toddobada ruux ee wasakhda lahaa laga soo saaray, iyo Yo’anna xaaskii Khusas kii guriga Herodos maamulaha ka ahaa, Susanna iyo kuwa kale oo badan. Dumarkan jeebkoodi ayey xerta ka masruufi jireen. Goortii dad badan isku soo urureen oo kuwa kalana Ciise magaalo walba uga yimaadeen, ayaa Ciise u sheegay tusaalahan, “Nin beeraley ah ayaa u baxay inuu abuurkiisi beerto, markii uu beerayay, abuurkii qaar ayaa ku dhacay jidka agtiisa, waana lagu istaagay, oo kuwa kalana shimbirraha hawada ayaa cunay. Qaarna waxey ku dhaceen meel dhagaxyo leh, waana soo baxeen, laakiin in yar kadib abuurkii wuu qalalay waayo ciiddu ma qoyaneyn. Kuwa kalana waxey ku dhaceen qodaxyo dhexdood markey soo baxeenna qodaxyadii ayey kasoo dhex bixi waayeen. Kuwa kalana waxey ku dhaceen carro fiican, weyna soo baxeen oo mirro ayey dhaleen, boqol mar ka badan intii la abuuray.” Waxyaalahan goortuu yiri kadib, iyagii ayuu u wacay oo ku yiri, “Mid walboo dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.” Markaas ayaa xertiisa isaga weydiiyeen, macnaha tusaalahan. Wuu u jawaabay oo ku yiri, “Waxaa la idin siiyay garashada sirta boqortooyada Illaah. Laakiin waxaan tusaale u isticmaalayaa inaan kuwa kale ku baro sida qoraalka loo oofiyo, “ ‘Wey fiiriyaan laakiin wax ma arkaan. Wey dhageystaan laakiin ma maqlaan mana fahmaan.’ “Tusaalahaas macnihiisu waa, abuurka waa ereyga Illaah. Abuurkii jidka agtiisa ku dhacay waa kuwa ereyga maqla laakiin ibliisku intuu u yimaado ayuu qalbigooda ka saaraa, si eysan u aaminin oo eysan u badbaadin. Kuwii kale ee meesha dhagaxyada leh ku dhacay waa kuwa ereyga si farxad leh ku aqbala markey maqlaan, laakiin iimaankooda oo aan sal adag laheyn dartiis, waqti yar ayey aaminsanaayeen markii jarribaaddi timidna wey laabteen. Abuurkii meesha qodaxda leh ku dhacayna waa kuwa ereyga maqla, laakiin sidii ey usii socdaan ayey ku mashquulaan welwelka nolosha, taajirnimada iyo waxyaalaha jirka ka farxiya, iimaankana kuma koraan. Laakiin abuurkii carrada fiican ku dhacay waa kuwa daacada ah oo qalbiga fiican leh, kuwa markey ereyga maqlaan qaata oona haysta, oo dulqaadashadoodana ku dhala mirro. “Ma jiro qof laambad shida oo dhiga weel hoostiis ama sariirta hoosteeda. Laambada waxaa la saaraa laambad saarka, si iftiinkeeda qof walboo guriga soo galo u arko. Waayo wax walboo qarsoon banaanka ayaa la soo dhigi doonaa, wax walboo daboolanna banaanka ayaa la keeni doona. Sidaas darteed ka fiirsada sida aad wax u maqashaan. Mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, laakiin kuwa aan waxba haysaninna xitaa waxey u maleeyaan iney heystaanna waa laga qaadi doonaa.” Haddaba waxaa Ciise u yimid hooyadiis iyo walaalihiis si ey isaga u arkaan, laakiin uma soo dhawaan karin waayo dad badan ayaa la joogay. Qof ayaana Ciise ku yiri, “Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa banaanka taagan, waxeyna rabaan iney ku arkaan.” Ciise ayaa ku jawaabay, “Hooyaday iyo walaalahay waa kuwa ereyga Illaah dhageysanaya oo adeecaya.” Maalin Ciise wuxuu ku yiri xertiisi, “Bal aan dhinaca kale ee harada tagno.” Markaas ayey doonta fuuleen oo dhinaca kale ee harada tagaan. Iyagoo weli sii socda ayuu Ciise seexday. Isla markiiba waxaa warta ku soo dhacay duufaan weyn. Doontiina waxaa ka buuxsamay biyo oo iyagii ayaa khatar weyn galay. Markaas ayaa xertii u tageen oo kiciyeen, iyagoo leh, “Sayidow, Sayidow, biyahan wey na laqi doonaan!” Ciise markii uu soo kacay, wuxuu canaantay duufaantii iyo hirarkii. Isla markii ayaa duufaantii degtay oo wax walbana wey degeen. Markaas ayuu Ciise weydiiyay, “Iimaan malihidiin miyaa?” Xertii ayaa iyagoo isku naxsan oo yaaban is weydiiyay, “Yuu yahay ninkan? Waayo markii uu amarka bixiyo xitaa dabayshii iyo hirarkii wey maqleen!” Markii ey yimaadeen magaalada Gadareni, taas oo kasoo hor jeeday warta Galili. Ciise goortuu xeebta u soo degayay doontii, nin ruux wasakh leh qabay ayaa u yimid. Ninkaas waqti dheer ayuu ahaa guri la’aan xitaa dhar ma haysanin, wuxuu ku noolaa xabaalaha magaalada ka baxsan. Ninkii markii uu arkay Ciise intuu ooyey ayuu lugihiisa ku dhacay, isaga oo cod dheer ku qaylinaya oo dhahaya, “Maxaad iga rabtaa, Ciisow, Wiilka Illaaha ugu Sareeyow? Waan ku baryayaa ha i ciqaabin!” Laakiin Ciise mar hore ayuu amray ruuxyadii wasakhda lahaa iney ninka kasoo baxaan. Ruuxyadaan wasakhda leh marar badan ninkan wey qaban jireen. Xitaa haddii la ilaaliyo oo silsilado lagu xiro, intuu iska gooyo ayuu cidlada u carari jiray isaga oo ey ruuxyadii wasakhda lahaa kaxeynayaan. Markaas ayuu Ciise weydiiyay isaga, “Magacaa?” Wuxuu ku jawaabay, “Liijon,” waayo ruuxyo wasakh leh oo badan ayaa ku jiray ninka. Markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa Ciise baryeen oo ku yiraahdeen fadlan ha noo dirin boholaha. Waxaa buurta halkaas u dhaw daaqayay doofaarro badan, markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa ka baryay Ciise inuu u fasaxo oo ey galaan doofaarradii. Ciisana wuu u fasaxay. Ruuxyadii wasakhda lahaana markey kasoo baxeen ninkii waxey galeen doofaarradii, isla markiiba doofaarradii ayaa hoos u daadagay oo ku yaacay warta, biyihii ayaana laqay. Kuwii doofaarrada daajinayay markey waxyaalihii meesha ka dhacay arkeen ayey waxey orod ku tageen magaalada illaa tuulooyinka iyagoo warkii faafinayay. Dadkii ayaa si dhaqso ah u yimid oo waxey doonayeen iney arkaan wixii dhacay. Markey Ciise u yimaadeen waxey arkeen ninkii ruuxyada wasakhda leh ka baxeen oo Ciise lugihiisa fadhiya, isaga oo caqligiisu fiicanyahay oo dhar fiican qaba, aad ayeyna u cabsadeen. Kuwii arkay wixii dhacay ayaa dadka kale u sheegay, sida ninkii ruuxyada wasakhda leh qabi jiray loo bogsiiyay. Markaas ayaa dadkii magaalada Gadareni oo dhan Ciise ku yiraahdeen fadlan na dhaaf, waayo iyagoo dhan ayey cabsi ka buuxday. Ciisana intuu doontii fuulay ayuu tagay oo dhinaca kale u laabtay. Ninkii ruuxyada wasakhda leh laga saaray ayaa wuxuu Ciise ka baryay inuu raaco. Laakiin Ciise wuu ka diiday oo gurigiisi ayuu u diray isaga oo leh, “Maya, reerkaaga u laabo oo u sheeg wixii Illaahey kuu sameeyay oo dhan.” Markaas ayuu ninkii tagay oo magaalada oo dhan dhex maray isaga oo ku wacdinaya waxyaalaha fiican ee Ciise u sameeyay. Haddaba Ciise goortuu ku soo laabtay dhinaca kale ee warta, dad badan ayaa soo dhaweeyay waayo wey sugayeen. Markaas ayaa waxaa yimid nin la yiraahdo Yayros kaasoo hogaamiye ka ahaa sunagoggii meelahaas ku yaalay, Ciise ayuu lugahiisi ku dhacay wuxuuna ka baryayay inuu gurigiisa la tago. Waayo gabar uu kaligeed ilmo ka lahaa oo laba iyo toban jir ah ayaa sakaraad ahayd. Ciise goortii uu la baxayay ninkii, dad badan ayaa kusoo ag ururay. Dadkii badnaa dhexdooda waxaa ku jiray haweeyney laba iyo toban sano dhiig ka socday oo weligeedna aan helin karin qof daweeya. Markaas ayey Ciise gadaashiisa ka timid si tartiib ahna maradiisa darafteeda u taabatay, isla markiina dhiiggii ka socday wuu joogsaday. Markaas ayaa Ciise wuxuu yiri, “Yaa i taabtay?” Kuligood markey wada jawaabi waayeen, Butros wuxuu Ciise ku yiri, “Sayidow dadka meeshan wey ku badan yihiin, oo wey iscariirinayaan.” Laakiin Ciise ayaa yiri, “Qof ayaa i taabtay, waayo waxaan dareemay in xoogga wax lagu bogsiiyo iga baxay.” Kadib naagtii ayaa aragtay in la ogaan doono, markaas ayey dadkii kasoo dhex baxday oo cagihii Ciise ku dhacday, una sheegtay waxey isaga u taabatay iyo sidii ey isla markii u bogsatay. Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Gabadheydiyey, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay ee nabad ku tag.” Ciise oo weli hadlaya ayaa qof ka yimid gurigii Yayros kaasoo hogaamiyaha sunagogga ahaa, oo wuxuu ku yiri, “Gabadhaadi wey dhimatay, ee ha dhibin macalinka.” Laakiin Ciise markii uu arintaas maqlay ayuu ku yiri Yayros, “Ha cabsan ee iimaan lahaw, weyna bogsan doontaa.” Markii uu guriga Yayros yimid, qofna uma ogolaan inuu guriga la galo, waxaanan ka ahayn Butros, Yooxanaa, Yacquub iyo cunugta aabeheed iyo hooyadeed. Markaasna dadka meesha joogay oo dhan wey ooynayeen oo wada barooranayeen, Ciise wuxuu dadkii ku yiri, “Ha ooyina, waayo gabadhu ma dhimanin ee wey jiiftaa.” Laakiin wey ku qosleen hadalkiisi waayo wey ogaayeen gabadha iney dhimatay. Markaas ayaa Ciise gabadhii intuu gacanta qabtay ayuu ku yiri, “Cunugteydiyey kac!” Isla markii ayey ruuxdeedi ku soo laabatay oo wey soo kacday. Kadibna wuxuu iyaga ku yiri siiya wax ey cunto. Waalidkeed aad ayey ula yaabeen waxa dhacay, laakiin Ciise wuxuu iyaga ku amray ineysan qofna u sheegin waxa dhacay. Maalin ayaa waxaa dhacday Ciise inuu iskugu yeeray laba iyo tobankii xertiisa ahayd, wuxuu siiyay awood iyo xukun ey ku bixiyaan ruuxyada wasakhda leh iyo iney dadka ka bogsiiyaan cuduradooda. Kadibna wuu diray si ey dadka oo dhan ugu wacdiyaan boqortooyada Illaahey oo cuduradoodana uga bogsiiyaan. Wuxuuna ku yiri, “Safarkaan ha u qaadanina ul, boorso, cunto, lacag ama shaar aad iska dheeraad ah. Guri walboo la idin kasoo dhaweeyo halkaas jooga illaa aad magaalada ka tagtaan. Haddii dadka idin soo dhaweyn waayaan, ka taga magaaladooda oo boorka cagahiina ka jafa si ey marqaatifur idin kugu ahaato.” Markaas ayey baxeen oo ey tageen tuulooyinka, iyagoo warka wanaagsan ku wacdinaya oo dadkana bogsiinaya. Haddaba taliye Herodos goortuu maqlay waxa dhacay aad ayuu uga welwelay. Waayo qaar ayaa dhahayeen Yooxanaa wuxuu kasoo sarakacay dhimashada, qaarna waxey dheheen Eliyaas ayaa soo laabtay, kuwa kalana waxey u maleeyeen nebiyadii hore iney nolosha ku soo laabteen. Laakiin Herodos wuxuu dhahay, “Aniga ayaa Yooxanaa madaxa ka gooyay, marka yuu noqon karaa kan aan sheekadiisa maqlayo?” Herodos wuxuu isku dayay inuu qofkaas arko. Rasuulladii markey soo laabteen, Ciise ayey u sheegeen waxyaalihii ey soo sameeyeen oo dhan. Markaas ayuu iyagii watay oo waxey aadeen magaaladii Beytsayda, laakiin dadkii badnaa ayaa waxey garteen meesha ey u socdeen, weyna raaceen. Ciisana wuu soo dhaweeyay iyagii oo kala hadlay wax ku saabsan boqortooyada Illaah, wuuna bogsiiyay kuwii u baahnaa caafimaad. Duhuradii markii la joogay ayaa laba iyo tobankii xertiisa ahayd u yimaadeen Ciise oo ey ku yiraahdeen, “Dadkan u kala dir tuulooyinka meelahaan ku dhow ha aadaane oo cunto iyo meel ey jiifsadaan ha raadsadaane, waayo meeshan meel wax laga cuno ma laha.” Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Siiya wax ey cunaan.” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Waxaan haynaa shan kibis iyo laba kalluun oo kaliya, inaan tagno oo cunto dadkan oo dhan u soo gadno maahee.” (Waxaa meesha joogay qiyaastii shan kun oo nin.) Laakiin wuxuu xertiisi ku yiri, “U fariisiya kooxo konton konton qof ka kooban.” Xertiina saas ayey sameeyeen oo dadkii wey fariisteen. Ciise intuu shantii kibis iyo labadii kalluun kor u qaaday oo uu cirka fiiriyay, ayuu Illaahey u mahadceliyay wuuna kala googooyay. Kadibna wuxuu siiyay xertii si ey dadka ugu qeybiyaan. Kuligoodna wey cuneen oo dhergeen, xertiina waxey ururiyeen laba iyo toban dambiilood oo buuxdo oo haraagii iyaga kasoo haray ah. Maalin Ciise goortuu gaar u duceysanayay oo xertiisana ey la joogeen, wuxuu iyaga weydiiyay, “Dadku yey igu sheegaan?” Waxey ku jawaabeen, “Qaarkood waxey dhahaan waxaa tahay Yooxanaa Baabtiisaha, kuwa kalana waxey dhahaan Eliyaas, qaar kalana waxey dhahaan waa nebi nebiyadii hore ka mid ah oo soo noolaaday.” Markaas ayuu Ciise xertii weydiiyay, “Laakiin idinku yaad igu sheegtaan?” Butros ayaa ugu jawaabay oo yiri, “Waxaad tahay Masiixa Illaah.” Ciise ayaa uga digay xertiisi in eysan qofna u sheegin qofka uu yahay. Wuxuu yiri, “Wiilka Aadanahu waa inuu in badan silcaa oo xitaa ey diidaan odayaasha, gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga. Waana la dili doonaa oo maalinta saddexaad ayuu soo sarakici doonaa.” Markaas ayuu iyagoo dhan ku yiri, “Mid walboo xerteyda noqon raba waa inuu is naftiisa inkiraa oo iskutallaabtiisa maalin walba soo qaataa oona isoo raacaa. Waayo mid walboo noloshiisa badbaadin rabo wuu luminayaa, laakiin mid walboo noloshiisa darteyda u lumiyay wuu badbaadi doonaa. Qof maxey u taraysaa hadduu aduunkoo dhan helo, laakiin uu nafsadiisa lumiyo? Mid walboo aniga iyo ereygayga ceeb ku dareemaya, Wiilka Aadanahuna wuu diidi doonaa goortii uu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabihiis iyo tan malaa’igta quduuska ah. “Runtii waxaan idin ku leeyehay, qaar idin ka mid ah oo halkan taagan dhimashada ma arki doonaan illaa inta eysan boqortooyada Illaah arkin ka hor.” Siddeed maalmood Ciise goortuu waxyaalahan sheegay kadib, wuxuu kaxaystay Butros, Yooxanaa iyo Yacquub oo waxey isla tageen buurta korkeeda si ey u soo duceystaan. Markii uu duceysanayay, wejigiisa ayaa beddelmay, oo dharkiisi waxey noqdeen caddaan. Isla markiiba laba nin ayaa u soo muuqatay, oo kala ahaa Muuse iyo Eliyaas iyagoo Ciise la hadlaan. Waxey ugu muuqdeen ammaan oo ey kala hadleen dhimashadiisa, taas oo Yeruusaalem lagu oofin doono. Butros iyo kuwii kale wey hurdeen, laakiin markey soo kaceen, waxey arkeen ammaantii Ciise iyo laba nin oo la taagan. Nimankii goortay tagi rabeen ayaa Butros ku yiri Ciise, “Sayidow, wey fiicnaan lahayd inaan halkan sii joogno. Haddaba waxaan halkan ku dhisaynaa saddex teendho mid adiga ayaa leh, midna Muuse midna Eliyaas.” Laakiin Butros ma garaneynin wuxuu ka hadlayo. Goortuu hadlayay ayaa waxaa soo muuqatay daruur iyaga oo dhan wada qarisay, aad ayey u cabsadeen markey daruurtii galeen. Markaas ayaa cod ka yimid daruurtii oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga, kii aan doortay, dhageysta isaga.” Markii codkii hadlayay uu dhamaaday waxey arkeen Ciise inuu kaligiis yahay. Markaas ayey xertii iska aamuseen oo qofna uma sheegin waxey arkeen. Maalintii ku xigtay, markey buurta kasoo daganayeen dad badan ayaa Ciise la kulmay. Nin dadkii badnaa ku jiray ayaa Ciise u wacay oo ku yiri, “Macalinow, fadlan fiiri wiilkeyga, waayo kaligiis ayaan ilmo ka leeyahay. Oo ruuxyo wasakh leh ayaa qabta, wuu qayliyaa, dhulka ayey ku tuuraan oo wiilkuna afka ayuu ka xumbeeyaa. Ruuxan wasakhda lehna kama baxo wiilkan, oo noloshiisa ayey ka haleynayaa. Xertaada ayaan ka baryay iney ruuxa wasakhda leh ka saaraan, laakiin wey awoodi waayeen.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dad yahow aan iimaanka lahayn, illaa goorma ayaan idin la joogi doonaa oo idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.” Xitaa wiilkii goortuu imaanayay ruuxii wasakhda lahaa dhulka ayuu ku tuuray oo gilgilay. Markaas ayaa Ciise canaantay ruuxii wasakhda lahaa, wiilkii ayuu bogsiiyay oo aabihiis u dhiibay. Iyagoo dhan ayaa ka yaabay weynaantii Illaah. Goortii qof walba uu la yaabanaa wixii uu Ciise sameeyay oo dhan, wuxuu xertiisi ku yiri, “Si fiican u dhageysta waxaan idiin sheegi rabo, Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelin doonaa dad.” Laakiin iyaga wuxuu ka hadlayay ma eysan fahmin. Waa laga qariyay, si ey waxba uga fahmin, weyna ka cabsadeen iney isaga weydiiyaan. Xertii ayaa dood ka dhex dhacday, oo waxey ka doodayeen yaa noqon doona kan ugu weyn. Laakiin Ciise wuu ogaa fikirkooda, markaas ayuu cunug yar keenay oo is ag istaajiyay. Kadibna wuxuu ku yiri, “Mid walboo cunuggaan magaceyga ku soo dhaweystaa wuu isoo dhaweystay, mid walboo aniga isoo dhaweystana wuxuu soo dhaweystay kii isoo diray. Waayo dhexdiina kan u hooseeya ayaa ugu weyn.” Markaas ayaa Yooxanaa Ciise ku yiri, “Sayidow, waxaan aragnay qof ruuxyo wasakh leh magacaaga ku bixinayay oo waxaan isku daynay inaan jooji ku dhahno, waayo nagama mid ahayn.” Laakiin Ciise wuxuu ku yiri xertii, “Ha u diidina, waayo qofkii aan idin kasoo horjeedin wuu idin la jiraa.” Goortii waqtigii Ciise samada loo qaadi lahaa la gaaray ayaa wuxuu tagay Yeruusaalem. Wuxuu iska hor diray adeegayaashiisi, kuwaas oo tageen tuulooyinka samaariya si ey wax walba ugu sii diyaariyaan, laakiin dadkii halkaas joogay ma soo dhaweynin isaga waayo wuxuu u socday Yeruusaalem. Markii Yacquub iyo Yooxanaa oo ka mid ahaa xerta arkeen waxa dhacaya ayey Ciise ku yiraahdeen, “Rabbiyow, miyaad dooneysaa inaan amarno dab inuu cirka ka yimaado oo iyaga dhan wada baabi’iyo?” Laakiin Ciise intuu u jeestay ayuu canaantay iyagii. Kadibna isaga iyo xertiisi waxey tageen tuulo kale. Intey jidka sii socdeen ayaa nin Ciise ku yiri, “Meel walboo aadid waan kuu raacayaa.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dawacooyinku godad ayey leeyihii shimbirruhuna buulal, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu u hoydo ma laha.” Markaas ayuu Ciise nin kale ku yiri, “Isoo raac.” Laakiin wuxuu ku jawaabay, “Rabbiyow, marka hore iga yeel inaan tago oo aan soo duugo aabahay.” Ciisana wuxuu ku yiri, “Dhaaf meydadku ha is duugaane, laakiin adigu tag oo soo wacdi boqortooyada Illaah.” Mid kalana wuxuu yiri, “Rabbiyow, waan ku raacayaa, laakiin marka hore iga yeel inaan tago oo aan soo macsalaameeyo reerkeyga.” Ciise wuxuu ku jawaabay, “Ma jiro qof gacantiisa qoddo saaray oo haddana gadaal fiiriyay oo u qalma shaqada boqortooyada Illaah.” Haddaba Rabbigu wuxuu doortay toddobaatan iyo laba kale oo xertiisa ah, oo laba laba ayuu is hor diray si ey u tagaan magaalooyinkii uu Ciise u socday oo dhan. Wuxuuna ku yiri, “Waxa beerta kasoo go’aya wey badan yihiin laakiin shaqaaluhu wey yar yihiin. Haddaba Sayidka beergoyska weydiista inuu shaqaale badan beertiisa u soo diro. Haddaba taga! Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex nool. Hana qaadanina boorso ama kabo, qofna jidka haku salaamina. “Mar walboo aad guri gashaan, horta waxaad ku dhahdaan, ‘Nabad gurigaan ha ahaato.’ Haddii qof nabad jecel meesha joogo nabadiinu wey ku kor dageysaa, haddii kalana nabadiinu wey idin kusoo laabanaysaa. Haku wareegina guryaha hal meel jooga, cuna oo caba waxey idin siiyaan. Waayo shaqaaluhu xaq ayuu u leeyahay mushaharkiisa. “Markaad magaalo soo gashaan oo la idin soo dhaweeyo cuna waxa la idin siiyay. Bogsiiya kuwa xanuusan oo meesha jooga waxaadna ku dhahdaan, ‘Boqortooyada Illaahey wey soo dhawaatay.’ Laakiin haddaad magaalo soo gashaan oo la idin kasoo dhaweyn waayo waxaad tagtaan jidadkeeda oo waxaad dhahdaan, ‘Xitaa busta magaaladiina ee lugaheena ku taalo waan iska tirtireynaa si ey canaan idiin kugu noqoto, laakiin tan ogaada, boqortooyada Illaahey wey soo dhawaatay.’ Runtii waxaan idin leeyahay, maalinta wax la xukumayo Sodom ayaa ka xukun fududaan doonta magaaladaas. “Hoog ayaa idin sugaya dadkii Khorasinayow! Hoog ayaa idin sugaya dadkii Beytsaydayow! Waayo mucjisooyinkii la idin ka dhex sameeyay haddii lagu dhex sameyn lahaa Turos iyo Siidoon, mar hore ayey toobadkeeni lahaayeen iyagoo dhar jawaan ka sameysan xiran oo madaxana dambas marsaday. Laakiin maalinta wax la xukumayo Turos iyo Siidoon ayaa idin ka xukun fududaan doona. Idinkuna dadkii Kafarna’umow, ma waxaad u maleyneysaan in jannada la idiin qaadi doono? Maya, waxaa la idin ku tuuri doonaa naarta. “Mid walboo idin dhageysta anigana wuu i dhageystay, oo mid walboo idin diidana aniga ayuu i diiday, mid walboo aniga i diidana wuxuu diiday kii isoo diray.” Toddobaatan iyo labadii xertiisa ahayd ayaa farxad ku soo laabtay oo Ciise ku yiri, “Sayidow, xitaa ruuxyada wasakhda leh amar ayey naga qaateen markaan magacaaga isticmaalnay.” Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Waxaan arkay Shaydaankii oo samada laga soo tuuray sida hilaaca oo kale. Bal fiiriya, waxaan idin siiyay awood ka sareysa xoogga cadowgiina, waxaad dhex soconeysaan masas iyo dibqalloocyo midna wax idin ma yeeli doono. Laakiin haku farxina ruuxyada wasakhda leh ee amarka idin ka qaatay darteed, balse ku farxa magacyadiina iney ku qoran yihiin jannada.” Isla waqtigaas Ciise oo farxada Ruuxa Quduuska ah ka buuxdo ayaa yiri, “Aabe, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kuu mahadcelinayaa, waayo waxan oo dhan waad ka qarisay kuwa xigmadda leh iyo kuwa wax bartayba waxaadna u muujisay kuwan yar yar, haa, Aabow, sidaas ayaa kaa farxisay. “Aabahay ayaa wax walba i siiyay. Cidna ma garaneyso Wiilku qofka uu yahay Aabaha maahee, sidoo kalana cidna ma garaneyso Aabuhu qofka uu yahay Wiilka iyo cidii uu doorto inuu u muujiyo maahee.” Markaas ayaa intuu si gaar ah ugu jeestay xertiisa ayuu ku yiri, “Waxaa barakeysan indhaha waxaad aragteen arkay. Waayo waxaan idin ku leeyahay nebiyo badan iyo boqorro badan ayaa rabay iney arkaan oo maqlaan waxa aad aragtaan oo aad maqashaan, laakiin uma suurta galin.” Maalin maalmaha ka mid ah, nin sharciga Muuse garanaya ayaa kacay oo jarribay Ciise. Wuxuu weydiiyay, “Macalinow, maxaan sameeyaa si aan u dhaxlo nolosha weligeed ah?” Markaas ayaa Ciise ku jawaabay, “Oo maxaa sharciga Muuse ku qoran? Sidee u fahantay?” Ninkii wuxuu ku jawaabay, “ ‘Waa inaad Rabbiga Illaahaaga ah ka jeclaataa naftaada iyo qalbigaaga, xooggaaga iyo caqligaaga oo dhan,’ iyo, ‘Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay.’ ” Ciise ayaa ku yiri, “Si sax ah ayaad uga jawaabtay, sidaas samee waxaadna heli doontaa nolol weligeed ah.” Ninkii isaga oo raadinaya inuu cadeeyo hadalkiisi, wuxuu Ciise weydiiyay, “Deriskeyga yaa waaye?” Markaas ayaa Ciise u sheegay sheeko oo ku yiri, “Nin ayaa wuxuu ka safrayay Yeruusaalem illaa Yerixoo, tuugo ayaana weerartay. Dharka intey ka siibeen ayey si xun u garaaceen oo ey isaga oo naf ah jidka ku dhaafeen. Wadaad ayaa jidkaas marayay, markii uu arkay ninkii dhinac ayuu ka maray. Sidoo kale nin reer Laawi ah ayaa jidkii soo maray, markii uu arkay ninkii dhinac ayuu ka maray. Laakiin nin reer Samaariya ah ayaa meeshii ninka joogay soo maray, goortii uu arkay ayuu u naxariistay. Intuu u yimid ayuu saliid seytuun iyo khamri nabaradiisi ku shubay kadibna wuu xiray. Isla markii ayuu ninkii dameerkiisi saaray oo geeyay meel hoteel ah meeshaas ayuu ku daryeelayay. Maalintii ku xigtayna wuxuu qofkii hoteelka maamulaha ka ahaa siiyay laba diinaar oo ku yiri, ‘Ninkan ii daryeela, markaan soo laabto ayaan bixin doonaa lacagta kale ee ku darsoonta.’ ” Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Saddexdaas kee ayaad u maleynaysaa inuu ninkaas ey tuugadu weerartay deris u yahay?” Ninkii sharciga garanayay ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Kii ninka naxariista tusay.” Markaas ayaa Ciise ninkii ku yiri, “Bax oo adigana sidoo kale samee.” Ciise iyo xertiisi intey Yeruusaalem u socdeen, waxey yimaadeen tuulo halkaasoo ey naag Maarta la yiraahdo gurigeeda ku soo dhaweysay. Waxey laheyd walaasheed oo iyadana Maryan la yiraahdo, Maryan waxey fariisatay Sayidka lugihiisa oo waxey dhageysaneysay wuxuu barayay. Laakiin Maarta waxey ku mashquulsaneyd wax diyaaris kale oo loo baahnaa. Markaas ayey Ciise u timaadey oo ku tiri, “Sayidow, miyey waxba kula aheyn walaashey iney shaqada oo dhan igu dhaafto? Haddaba kac caawi ku dheh!” Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, “Maartay, Maartay, waxyaala badan ayaad ka welwelsan tahay, laakiin hal wax kaliya ayaa loo baahanyahay inaad ka welweshid. Maryanna waxey dooratay waxa u roon oo aan weligeedna laga qaadeynin.” Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ciise meel ku duceysanayay. Markii uu ducada dhameystay ayaa mid xertiisa ka mid ah weydiiyay, “Sayidow, anagana nabar sida loo duceysto, siduu Yooxanaa u baray xertiisa.” Ciisana wuxuu ku yiri, “Markaad tukaneysaan Sidan dhaha, “ ‘Aabaheena jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. Na sii maalin walba kibis nagu filan. Dembiyadeena naga cafi, sida aan anaguba u cafino kuwa noo gafay. Oo jarribaadda ha noo kaxayn, laakiin naga badbaadi kan sharta leh.’ ” Kadibna Ciise wuxuu ku yiri xertiisa, “Kaba soo qaad midkiin hadduu tago guriga saaxiibkiis habeen barkii oo ku dhaho, ‘Saaxiibow, isii cunto, waayo saaxiibkey ayaa ka yimaaday safar, mana haysti cunto aan siiyo.’ Kasoo qaad kan guriga ku jiro hadduu ku jawaabo, ‘Ha idhibin. Albaabka mar hore ayaan xiray, aniga iyo caruurteyduna waan jiifnaa. Ma awoodi inaan kaco oo wax ku siiyo.’ Waxaan idin leeyahay, waa laga yaabaa in uusan kicin oo ku siinin cuntada aad rabtid, saaxiib ayaad tihiin darteed. Laakiin wuu kici doonaa oo ku siin doonaa waxaad rabtid oo dhan waayo ma ka xishoonin inaad weydiisatay. “Haddaba waxaan idin leeyahay, weydiista waana la idin siin doonaa, doondoona waadna heli doontaan, garaaca albaabkana waa la idin ka furi doonaa. Waayo qof walboo weydiista waa la siiyaa, mid walboo doondoonana wuu helaa, mid walboo garaacana, albaabka waa laga furi doonaa. “Yaa cunuggiisa hadduu kalluun weydiisto mas siiya? Ama hadduu ukun weydiisto dibqallooc siiya? Haddaba idinkan sharta leh haddaad garaneysaan sida wax fiican loo siiyo caruurtiina, intee ka badan ayuu Aabihiinna samada jooga siiyaa Ruuxa Quduuska ah inta weydiisata oo dhan.” Maalin ayaa Ciise nin ka saaray ruuxyo wasakh leh oo aan hadli karin. Markii ruuxyadii wasakhda lahaa laga saarayna, ninkii wuu hadlay, dadkii badnaana wey yaabeen. Laakiin qaarkood ayaa dheheen, “Wuxuu ruuxyada wasakhda leh ku saaraa awoodda Be’elsebul oo ah amiirka ruuxyada wasakhda leh.” Kuwa kalana wey tijaabiyeen oo waxeyna weydiiyeen inuu tuso calaamad xagga samada ka timid. Laakiin Ciise wuu ogaa waxey ku fikirayeen, markaas ayuu ku yiri iyagii, “Boqortooyo walboo iska soo horjeesata wey burburaysaa, reer walboo kala qeybsamana wuu dumayaa. Marka haddii boqortooyada Shaydaanku kala qeybisanto oo ey isweeraraan sidee ayey u taagnaan doontaa? Waayo waxaad leedihiin xooggii Be’elsebul ayaan ruuxyada wasakhda leh ku saaray. Haddii aan anigu ruuxyada wasakhda leh ku bixiyo awoodda Be’elsebul, xertiinu maxey ku bixiyaan? Iyaga ayaa idin xukumi doona. Laakiin haddii aan ruuxyada wasakhda leh ku saaray xoogga Illaahey, haddaba boqortooyada Illaahey wey idiin timid. “Haddii nin xoog leh oo hubeysan ilaashanayo gurigiisa, maalkiisuna wuu nabad qabaa. Laakiin haddii qof ka xoog weyn soo weeraro oo ka xoog badiyo, wuxuu ka qaadayaa hubkii uu isku haleynayay wuuna kala qeybiyaa wixii uu soo xaday oo dhan. “Qof walboo aan ila jirin wuu iga soo horjeedaa, qof walboo aan ila ururinna wuu kala firdhiyaa. “Markii ruux wasakh leh qof ka baxo wuxuu dul maraa meel qalalan isaga oo raadinaya meel uu ku nasto. Kadib ayuu isku yiraahdaa, ‘Waxaan ku laabanayaa gurigeygi aan kasoo baxay.’ Markii uu yimaado meeshii wuxuu helaa gurigii oo nadiif ah oona hagaajisan. Kadibna dib ayuu u laabtaa wuxuuna soo wataa toddoba ruux oo kale oo isaga kasii xun, weyna galaan oo halkaas ayey ku noolaadaan. Qofkaasna xaaladiisa dambe ayaa ka darnaata sidii uu markii hore ahaa.” Ciise goortuu waxyaalahan oo dhan ku hadlayay, naag ayaa dadkii badnaa kasoo dhex qaylisay oo tiri, “Waxaa barakeysan hooyadii ku dhashay oo ku soo korisay.” Markaas ayaa Ciise ku jawaabay, “Taasi waa run, laakiin waxaa kasii barakeysan kuwa ereyga Illaahey maqla oo adeeca.” Goortii ey dadkii soo bateen, Ciise wuxuu ku yiri, “Qoomkan sharta leh oo calaamada raba! Laakiin calaamad lama siin doono calaamaddii Yoonis maahee. Waayo siduu Yoonis calaamad ugu ahaa dadkii Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna calaamad ugu noqon doonaa qarnigaan. Maalintii xukunka markii la gaaro, boqoradda Koonfureed ayaa idin la istaageysa oo idin dacweyn doonta. Waayo meesha aduunka ugu fog ayey kasoo safartay si ey u maqasho xigmaddii Sulaymaan. Halkanna waxaa jooga mid Sulaymaan ka weyn. Dadkii Ninewehna wey idin la istaagayaan maalinta xukunka oo idin eedeyn doonaan waayo iyagu waxey ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, bal fiiri maanta mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.” Ciise wuu sii hadlayay isaga oo wax barayay, “Ma jiro qof laambad shida oo meel qarsoon dhiga, ama weel ku daboola. Laakiin waxaa la saaraa laambad saarka si ey kuwa soo gala iftiin u helaan. Ishu waa ilayska jirka. Indhahaagu haddii ey caafimaad qabaan, jirkaaga oo dhan ayaa iftiin lahaanaya. Laakiin haddii eysan caafimaad qabin, jirkaagoo dhan ayaa mugdi noqonaya. Haddaba iska hubsada in iftiinka idin ku jira uusan ahayn mugdi. Sidaa darteed haddii jirkaagoo dhan iftiin leeyahay oo uusan laheyn meel mugdi ah, waxey wada noqoneysaa iftiin sida marka feynuusta kugu ifayso.” Ciise goortuu hadalkii dhameystay, nin Farrisi ah ayaa gurigiisi ugu casuumay iney isla cunteeyaan, markaas ayuu raacay oo cunto u fariistay. Laakiin ninkii Farrisiga ahaa wuu yaabay goortuu arkay Ciise in uusan gacanta dhaqanin cuntada ka hor. Markaas ayaa Rabbigu ku yiri ninkii, “Haddaba, idinkan Farrisiinta ah banaanka ayaad koobka iyo baaquliga ka nadiifisaan, laakiin gudahiina waxaa ka buuxo hunguri weyni iyo shar. Doqoma yahow! Kii banaanka sameeyay miyuusan sameynin gudaha? Haddaba haddaad waxaad haysataan masaakiinta siin laheydeen, waxaad sameysaan oo dhan waa la idiin nadiifin doonaa. “Hoog ayaa idin sugaya Farrisiin yahow, waayo reexaan iyo dhirta udgoon beertiina ka baxdo ayaad toban meelood meel Illaahey u bixisaan. Laakiin waxaad dayacdeen cadaaladii iyo jaceylka Illaahey. Waxey ahayd inaad waxyaalahaas sameysaan idinka oo aan kuwa kale ka tagin. “Hoog ayaa idin sugaya Farrisiin yahow! Waayo waxaad jeceshihiin sunagogyada inaad ka fariisataan kuraasta muhiimka ah, sidoo kalana in salaan xushmad leh la idin ku salaamo markaad joogtaan suuqa. “Hoog ayaa idin sugaya, waayo waxaa tihiin sida xabaalo qarsoon, oo ey dadku ku kor socdaan iyagoon garaneyn.” Markaas ayaa mid macalimiinta sharciga ka mid ah Ciise ku yiri, “Macalinow, waxyaalahan markaad dhahdid waad na caayneysaa!” Markaas ayuu ku yiri, “Idinkan ah macalimiinta sharciga xitaa hoog ayaa idin sugaya, waayo dadka waxaad ku rartaan wax culus idinkana intaad far dhaqaajisaan ma caawineysaan. “Hoog ayaa idin sugaya! Waayo nebiyaashii ey awoowayaashiin dileen ayaad u dhistaan xabaalaha fiican. Sidaas ayaad iskugu marqaatifurteen waxyaalihii ey awoowayaashiin sameeyeen, waayo iyaga ayaa dilay idinkuna waxaad dhisteen xabaalahooda. Sababtan darteed, Illaaheygii xigmadda lahaa wuxuu dhahay, ‘Waxaan u soo diri doonaa nebiyo iyo rasuullo, qaar ayey dilayaan oo kuwa kalana wey silcin doonaan.’ Sidaa darteed qarnigaan waxaa loo cadaabi doonaa dhimashadii nebiyada oo dhan illaa waagii aduunka la abuuray, ka bilaabato dhiiggii Haabiil illaa dhiiggii Sakariyas kii lagu dilay meesha allabariga iyo macbadka dhexdooda. Idinka ayaa waxan oo dhan la idiin cadaabi doonaa. “Hoog ayaa idin sugaya macalimiinta sharciga Muuse, waayo furaha aqoonta ayaa ka qaadeen. Idinka xitaa ma garaneysaan Illaahey laakiin waxaad hor istaagteen kuwii isaga garan rabay.” Ciise markii uu meeshaas ka tagay ayaa Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga tuseen iney kasoo hor jeedaan oo ey isku dayeen iney weydiiyaan su’aalo adag, si ey ugu qabtaan wax qalad ah markii uu ku jawaabo. Goortii ey waxyaalahan oo dhan dhacayeen ayaa intaasoo kun oo dadkii badnaa ah Ciise ku soo ag urureen iyagoo isku is istaagaya, markaas ayuu Ciise xertiisi ku yiri, “Iska ilaaliya khamiirka Farrisiinta! Waayo waa labawejiilayaal. Wax walboo qarsoon banaanka ayaa la soo dhigi doonaa, sir walbana waa la ogaan doonaa. Wax walboo aad mugdiga ku dhahdeen iftiinka ayaa laga maqli doonaa, oo wixii aad si qarsoon dhegaha qolka gudihiisa iskugu sheegteenna maalin ayaa guryaha korkooda laga sheegi doonaan. “Saaxiibadeydow, waxaan idin ku leeyahay, ha ka cabsanina kuwa jirka kaliya dila kadibna wax kale aan ku sameyn karin. Laakiin waxaan idin tusi doonaa kan aad ka cabsan lahaydeen, ka cabsada kan marka jirkiina la dilo awood u leh inuu naarta ku tuuro. Haa, waan idiin sheegaya, isaga ka cabsada! Miyaan shan shimbirrood laba benni lagu gadin? Laakiin Illaahey midkoodna ma illoobo. Xitaa timaha madaxaaga ku yaala wey tirsan yihiin. Sidaa darteed ha cabsanina, waayo waad ka qiimo badan tihiin shimbirro badan. “Waxaan idin ku leeyahay, mid walboo dadka hortooda igu qirta, Wiilka Aadanahuna malaa’igta iyo Illaahey hortiisa ayuu ku qiran doonaa. Laakiin mid walboo dadka hortooda igu inkira isagana Illaahey iyo malaa’igta hortooda ayaa lagu inkiri doonaa. Qof walboo wax ka sheega Wiilka Aadanaha waa la cafin karaa, laakiin qofkii caaya Ruuxa Quduuska ah lama cafin doono. “Haddii la idin hor keeno sunagogga, taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sida aad isku difaaci laheydeen ama waxaad dhihi laheydeen, waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idiin sheegi doona waxaad dhahdaan.” Qof dadkii badnaa ku jiray ayaa Ciise ku yiri, “Macalinow, walaalkey u sheeg dhaxalka aabahay noo dhaafay inuu noo kala qeybiyo.” Markaas ayaa Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Yaa garsoore iiga dhigay si aan maslaxo kaga keeno dhexdiina?” Kadibna Ciise wuxuu dadkii badnaa ku yiri, “Ha hunguri weynaanina! Waayo noloshu kuma xirna hantida badan ee aad leedahay.” Markaas ayaa Ciise tusaalahaan iyaga u sheegay, “Waxaa jiri jiray nin taajir ah oo beertiisuna waxey bixin jirtay mirro fiican. Markaas ayuu is dhahay, ‘Ma lihi meel aan waxan oo dhan dhigto, maxaan sameeyaa?’ “Kadibna wuxuu dhahay, ‘sidan ayaan sameynayaa, maqsinyadaydi oo dhan ayaan duminayaa oo mid kasii weyn ayaan dhisi doonaa, kadibna badarkeyga oo dhan wuu deeqi doonaa. Kadibna waxaan nafteyda ku dhihi doonaa, “Waxaad leedahay waxyaalo fiican oo kugu filan sanado badan oo soo socda. Noloshu wey fududaatay, naso, cun, cab oo farax.” ’ “Laakiin Illaaheyna wuxuu ku yiri, ‘Doqon yahow! Caawa waad dhiman doontaa. Marka yaa lahaan doona waxaad meel dhigatay oo dhan?’ “Arintaas ayaa ku dhici doonta mid walboo wax kaligiis meel dhigta, oo Illaaheyna hortiisa miskiin ka ah.” Ciise wuxuu xertiisa ku yiri, “Sidaas darteed ha ka welwelina noloshiina, waxaad cuntaan, ama jirkiina waxaad gashan doontaan. Waayo noloshu wey ka qiimo badan tahay cunto, jirkuna wuu ka qiimo badan yahay dharka. Bal fiiriya tukayaasha, waxna ma beertaan mana gooystaan, mana laha meel ey cunto ku urursadaan ama maqsin, laakiin Illaahey wuu quudiyaa. Idinkuna miyeydaan ka qiimo badneyn shimbirraha! Yaa idin ka mid ah oo welwel dartiis maalmaha noloshiisa saacad ku dari kara? Haddiiba waxyaalahan yar yar eydan sameyn karin maxaad uga welweshaan waxa kale? “Bal ka fikira sida ey ubaxyada duurka u baxaan, ma shaqeystaan oo dharkooda ma sameystaan. Waxaan idin ku leeyahay xitaa Sulaymaan oo lahaa hantidaas oo dhan uma labis qurxoonayn sida mid ka mid ah ubaxyadan oo kale. Haddaba haddii uu Illaahey sidaas ugu labiso caws duureedka, kaasoo maanta baxaya berrina dabka lagu tuurayo, sidaas si ka badan miyuunan idin ku labisi doonin kuwiinan iimaanka yarow! Mar walbana ha ka welwelina inaad haysataan cunto ama cabitaan idin ku filan. Waayo quruumaha dunidu aan Illaahey garaneyn ayaa waxyaalahan ka welwela. Laakiin Aabihiin wuu garanayaa waxaad u baahantihiin. Laakiin marka hore raadiya boqortooyadiisa kadibna waxyaalahan oo dhan waa la idin siin doonaa. “Xerteydiyeey ha cabsanina, waayo Aabihiin wuxuu raali ka yahay inuu idin siiyo Boqortooyada. Maalkiina oo dhan iibiya oo lacagtana siiya masaakiinta. Oo boorsooyin aan idin ka duugoobeynin sameysta. Ku hubsada maalkiina jannada halkaasoo markii uu tuug ama cayayaan u dhowaado aan baabi’in. Waayo meesha ey hantidaadu jirto ayuu qalbigaagu jiri doonaa. “Diyaar u noqda shaqada oo feynuustiina ha shidnaato, sida adeegayaasha sugaya sayidkoodu inuu kasoo laabto xafladda arooska, markii uu yimaado oo albaabka garaaco isla markii ayey istaagaan oo albaabka ka furaan. Wey u roontahay in adeegayaashu sayidkooda u yimaado iyagoo soo jeeda oo diyaar ah. Runtii waxaan idin ku leeyahay, adeegayaashaas wuu fariisin doonaa oo isagu intuu is diyaariyo ayuu u adeegi doonaa. Wey u roontahay adeegayaasha uu sayidkoodu u yimaado iyagoo diyaarsan, xitaa hadduu habeen barkii yimaado ama waaberi. Laakiin tan ogaada, haddii qofka guriga leh garan lahaa waqtiga uu tuugu imaanayo, ma u ogolaan laheyn inuu guriga ku soo jabiyo. Sidaa darteed idinkuna waa inaad diyaar noqotaan, waayo Wiilka Aadanahu wuxuu imaan doonaa waqti aadan filaneynin.” Markaas ayaa Butros weydiiyay Ciise, “Sayidow, tusaalahaan anaga miyaad noo sheegeysaa mise qof walba?” Sayidkuna wuu u jawaabay oo ku yiri, “Waa kuma maamulaha aaminka ah ee xigmadda leh, oo uu sayidkiisu madax uga dhigay adeegayaasha kale si uu waqti fiican cuntadooda u siiyo? Wey u roontahay adeegahaas oo markii sayidku soo laabto uu arki doono isaga oo waxyaalahan sameynayo. Runtii waxaan idin ku leeyahay sayidku wuxuu adeegahaas masuul uga dhigi doonaa hantidiisa oo dhan. Laakiin haddii adeeguhu is dhaho, ‘Sayidkeygi mar dhow ma soo laabanayo,’ oo bilaabo inuu garaaco adeegayaashii kale rag iyo dumarba, oo uu cuno, cabo oo sarqaamo. Sayidkiisu wuxuu soo laaban doonaa maalin uusan filanayn, iyo waqti uusan ogayn. Adeegahaas waa la ciqaabi doonaa oo waxaa lala dajin doonaa kuwa aan iimaanka lahayn. “Adeega walboo garanayo waxa sayidkiisu uga baahanyahay inuu sameeyo oo aan diyaar u noqoneynin ama sameyneynin waxa sayidku doonayo, aad ayaa loo garaaci doonaa. Laakiin adeegaha aan garaneyn waxa sayidkiisu rabo inuu sameeyo, aad looma ciqaabi doono. Waayo mid walboo wax badan la siiyo, wax badan ayaa laga sugayaa, mid walboo wax badan lagu aaminay wax badan ayaa la weydiin doonaa. “Waxaan u imid inaan aduunka dab keeno, oo waxaan jeclaan lahaa dabkaan inuu horey u bilaabmay! Silac daran ayaa la i marin doonaa, xanibaada isaaranna ilaa ey ka kaamilanto. Miyaad u maleyneysaan inaan dunidan u imid inaan nabad keeno? Maya, waxaan u imid inaan dadka kala qeybiyo. Hadda laga bilaabo, reerkii shan qof ka kooban, laba iyo saddex ayey u qeybsami doonaan oo iskaga soo horjeesan doonaan. Aabaha iyo wiilashiisa, hooyo iyo gabdhaheeda ayaa iska soo horjeesan doona, xitaa soddohda iyo gabadheeda wey iska soo horjeesan doonaan.” Ciise ayaa dadka wuxuu ku yiri, “Goortaad daruur galbeedka ka aragtaan, isla markiiba waxaad is dhahdaan ‘Roob ayaa da’i doona,’ wuuna da’aa. Oo markii dabeysha koonfurta ey dhacayso waxaad dhahdaan, ‘Kuleyl ayey noqon doontaa,’ waana ahaataa. Labawejiilayaal yahow! Waad kala garaneysaan muuqashada dhulka iyo cirka. Sidee ayey ku noqotay in eydan kala garaneyn waqtigan la joogo? “Maxeydan u qaadan weydeen go’aan saxda ah? Qof hadduu wax kugu dacweeyo ku dadaal inaad xalisid intaan maxkamadda lagu geynin ka hor. Haddii aadan xalininna waxaa lagu horgeynayaa xaakimka, xaakimkuna wuxuu kuu sii dhiibayaa askariga, oo xabsi ayaa lagu gelin doonaa. Waxaan kugu leeyahay ma ka bixi doontid illaa aad shilinka ugu dambeeya bixisid maahee.” Isla waqtigaas dad ayaa Ciise u sheegay in Bilaatos uu amray in la dilo dad reer Galili ah iyagoo allabari bixinaya dhiigoodina wuxuu ku darsamay allabarigoodii. Ciise wuxuu ugu jawaabay, “Miyaad u malaynaysaan in dadkan reer Galili ee dhintay ey ka dembi badnaayeen kuwa Galili jooga oo dhan silicay u dhinteen dartiis? Waxaan idin ku leeyahay, maya! Laakiin illaa aad toobadkeentaan maahee, idinkuna sidoo kale waad lumi dootaan. Ama siddeed iyo tobankii qof ee dhintay markii taaladii Siloo’am ku soo dul dhacday, miyaad u maleyneysaan iney ka dembi badnaayeen dadka Yeruusaalem joogay oo dhan? Waxaan idin ku leeyahay, maya! Laakiin illaa aad toobadkeentaan maahee, idinkuna sidoo kale waad lumi doontaan.” Kadib Ciise wuxuu u sheegay tusaalahaan, “Nin ayaa lahaa geed berde ah oo beertiisa canabka ah ka dhex baxayay, maalin ayuu beerta yimid si uu mirro uga gurto laakiin wax mira ah kama uusan helin. Markaas ayuu ninkii beerta ka shaqeynayay ku yiri, ‘Waxaan beertan imaanayay muddo saddex sano ah si aan geedkan berdaha ah mirro uga helo waana ka waayay. Jar muxuu dhulka u qasaarinayaa?’ “Ninkii ayaa ku jawaabay, ‘Mudane, daa hal sano ha sii beernaadee, aniga ayaana geesaha ka qodi doona oo bacrimin doona. Hadduu mirro lahaado sanadka dambe, waa wanaag! Haddii kalase, waad jari doontaa.’ ” Maalintii Sabtida, Ciise wuxuu wax ku barayay mid ka mid ah sunagogyada Yuhuudda, waxaa halkaas joogtay naag ey ruux xun dhabarkeeda ka qaloocisay siddeed iyo toban sano. Wey isku soo qaloocneyd oo si toos ahna uma istaagi karin. Markii uu Ciise arkay naagtii, wuu u yeeray wuxuuna ku yiri, “Hadda waad bogsatay.” Kadibna gacantuu dusheeda saaray, isla markiina wey toosantay oo Illaah ammaantay. Maamulihii sunagogga ayaa ka xanaaqay inuu Ciise wax bogsiiyay maalintii Sabtida, wuxuuna dadkii ku yiri, “Waxaa jira lix maalmood oo aan shaqayno. Haddaba kaalaya mid ka mid ah maalmahaas ha la idin bogsiiyee, laakiin ha imaanina maalinta Sabtida.” Sayid Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Labawejiilayaal yahow! Miyuunan midkiin maalinta Sabtida xarigga ka furin dibigiisa ama dameerkiisa xeradana kasoo bixin oo u kaxeyn inuu waraabiyo? Haddaba miyaysan haweeneydan oo ah ina Ibraahim, taas oo uu Shaydaanku xiray muddo siddeed iyo toban sano ah xor laga dhigi karin maalinta Sabtida?” Markii uu sidan yiri, cadowgiisii oo dhan wey ceeboobeen, laakiin dadkii kale wey ku farxeen waxyaalihii cajiibka ahaa ee uu sameeyay. Kadib Ciise ayaa weydiiyay, “Sidey u egtahay boqortooyada Illaah? Maxaan u ekeysiin karaa? Waxey u egtahay iniin khardal ah, oo uu nin beertiisa ku beeray. Wey baxday waxeyna noqotay geed weyn, shimbirruhu cirka duulayana laamihiisa ayey buulal ka dhisteen.” Kadib Ciise mar kale ayuu weydiiyay, “Maxaan u ekeysiin karaa boqortooyada Illaahey? Waa sida haweeney khamiir ku qastay labaatan iyo toddoba kiiloo bur ah illaa uu cajiinkii oo dhan ka faxay.” Kadib Ciise wuxuu maray magaalooyin iyo tuulooyin isaga oo wax baraya illaa uu ka tagay Yeruusaalem. Qof ayaana weydiiyay, “Sayidow, ma dad yar kaliya ayaa badbaadaya?” Wuxuu ku yiri, “Wax walboo aad awoodid samee si aad uga gasho albaabka ciriiriga ah, maxaa yeelay, waxaan kuu sheegayaa, in badan ayaa isku dayi doonta iney ka gasho umana suurtoobi doonto. Markii uu qofka guriga leh istaago oo uu albaabka xiro, waxaad istaagi doontaan banaanka idinkoo garaacaya oo leh, ‘Sayidow, albaabka naga fur.’ “Laakiin wuxuu ku jawaabi doonaa, ‘Idin ma aqaan mana aqaan meeshaad ka timaadeen.’ “Kadibna waxaad dhihi doontaan, ‘Waan kula cabnay waana kula cunnay, waxaadna wax ku bari jirtay wadooyinkeena.’ “Laakiin wuxuu ku jawaabi doonaa, ‘idin ma aqaan mana aqaan meeshaad ka timaadeen. Iga taga kuligiin, xumaan falayaal yahow!’ “Waad barooran doontaan, oo ilkaha ayaad isku qaban doontaan, markaad ku dhex aragtaan Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyadoo dhan boqortooyada Illaah, laakiin idinkana banaanka ayaa la idin ku tuuri doonaa. Dadka waxey ka imaan doonaan bariga, galbeedka, waqooyi iyo koonfur, waxeyna dhex fariisan doonaan dabaaldaga ka jira boqortooyada Illaah. Dhab ahaantii waxaa jira kuwa hooseeya oo sareyn doona iyo kuwa sareeya oo hooseyn doona.” Waqtigaas Farrisiinta qaar ka mid ah ayaa Ciise u yimid oo ku yiri, “Ka tag meeshan oo meel kale aad. Herodos inuu ku dilo ayuu rabaa.” Wuxuu ugu jawaabay, “Baxa oo u sheega dawacaas, ‘Waan sii wadi doonaa inaan saaro ruuxyada wasakhda leh oo aan dadkana bogsiiyo maanta iyo berri, maalinta saddexaadna waan gaari doonaa hadafkeyga.’ Si kastey ahaataba, waa inaan sii socdo maanta, berri iyo berri dambe. Ma wanaagsana in nebi ku dhinto meel Yeruusaalem ka baxsan! “Yeruusaalemey, Yeruusaalemey, tan disha nebiyadaay oo dhagaxeysa kuwa loo soo diray, intee ayaan sugayay inaan isku keeno caruurtaada, sida ey digaagadu iskugu keento jiijiilayaasheeda baalasheeda hoostooda, adiguna ma aadan rabin. Fiiri, waa lagaaga tagay gurigaaga oo waa laguu cidleeyay. Waxaan kugu leeyahay, ima arki doontid mar dambe illaa aad ka tiraahdo, ‘Waxaa barakeysan midka ku yimaada magaca Sayidka.’ ” Maalin Sabti ah, markii uu Ciise tagay inuu wax ka cuno guriga nin Farrisi ah oo madax ah, si fiican ayaa kor loogala socday. Hortiisa waxaa joogay nin la xanuusan barar aan caadi ahayn oo ku dhacay jirkiisa. Ciise ayaa weydiiyay Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga, “Miyay banaantahay in wax la daweeyo Sabtida mise ma banaana?” Laakiin wey aamuseen. Markaas ayuu Ciise taabtay ninkii, wuuna bogsiiyay oo fasaxay. Kadibna wuxuu iyaga weydiiyay, “Midkiin hadduu leeyahay cunug ama dibi oo uu ceel kaga dhex dhaco maalinta Sabtida ah, miyuusan isla markiiba kasoo saari lahayn?” Weyna ka jawaabi kari waayeen tan. Markii uu ogaaday in martidii ey qaadatay boosaskii fiicnaa ee miiska, wuxuu u sheegay tusaalahaan, “Markii uu qof kaa martiqaado xaflad aroos ah, ha fariisan meesha marti sharafta, waxaa laga yaabaa qof kaa sharaf badan in sidoo kale la martiqaaday. Haddii ey taas dhacdo, qofkii labadiinaba idin martiqaaday ayaa intuu kuu yimaado kugu dhahaya, ‘Sii qofkan kursigaaga.’ Bahdilaad kadib, waxaad fariisan doontaa meesha ugu hooseysa. Laakiin marka lagu martiqaado, fariiso meesha ugu hooseysa, si marka qofka ku martiqaaday uu yimaado, kuu yiraahdo, ‘Saaxiib, soo fariiso meesha fiican.’ Kadib waxaad xushmad ku dhex yeelan doontaa martida kaloo dhan dhexdooda. Dhamaan kuwa isa sareysiiya waa la hooseysiin doonaa, kuwa is hooseysiiyana waa la sareysiin doonaa.” Kadib Ciise ayaa ku yiri kii martiqaaday, “Marka aad bixineysid qado ama casho, ha marti qaadin saaxiibadaa, walaalahaa iyo qaraabadaada, ama deriskaaga lacagta leh, haddii aad saas samaysid waxaa laga yaabaa iney iyaguna markooda ku marti qaadaan oo sidaas ayaa abaalkaagi laguugu guday. Laakiin marka aad rabtid inaad bixisid martiqaad, waxaad marti qaadaa danyarta, curyaanka, jiiska iyo indhoolka, waadna barakoobi doontaa, in kastoo eysan kuu gudi karin, waxaa lagugu abaalmarin doonaa sarakicinta kuwa xaqa ah.” Markii uu mid ka mid ah kuwii miiska wax kula cunayay Ciise uu maqlay arintaas, wuxuu Ciise ku yiri, “Waxaa barakeysan midka wax ka cuni doona xafladda boqortooyada Illaah.” Ciise ayaa ku jawaabay, “Nin ayaa diyaarinayay martiqaad aad u weyn waxa uuna martiqaaday marti aad u fara badan. Markii waqtigii la gaaray wuxuu diray adoonkiisii si uu ugu yiraahdo kuwii uu martiqaaday, ‘Kaalaya, wax walba waa diyaar.’ “Laakiin dhamaantood waxey bilaabeen iney ka cududaartaan. Kii koowaad ayaa yiri, ‘Beer ayaan hadda dhow gatay waana qasab inaan baxo oo soo fiiriyo. Fadlan iga raalinoqo.’ “Kii kale ayaa yiri, ‘Hadda dhow ayaan shan dibi oo beerta lagu falo soo gatay, waxaana u socdaa si aan u tijaabiyo. Fadlan iga raalinoqo.’ “Waliba mid kale ayaa yiri, ‘Hadda dhow ayaan guursaday, sidaa darteed ma imaan karo.’ “Adoonkii ayaa soo laabtay warbixintanna siiyay sayidkiisi. Kadib ninkii guriga lahaa ayaa xanaaqay oo ku yiri adoonkiisii, ‘Dhaqso banaanka aad wadooyinka iyo luuqyada magaalada oo ii keen danyarta, curyaanka, indhoolka iyo jiisaska.’ “Adoonkii ayaa yiri, ‘Mudane, waan sameeyay sidaad amartay, laakiin weli qol ayaa banaan.’ “Kadib sayidkii ayaa ku yiri adoonkiisii, ‘Orod oo aad wadooyinka iyo jidadka kuna soo qasab iney yimaadaan, waxaan rabaa inuu gurigeyga buuxsamo. Waxaan idiin sheegayaa, in mid ka mid ah kuwii aan martiqaaday uusan dhadhamin doonin martiqaadkayga.’ ” Dad aad u fara badan ayaa Ciise la socday, intuu u soo jeestay ayuu ku yiri, “Kama mid noqon kartaan xerteyda illaa aad i jeclaataan in ka badan inta aad jeceshihiin aabayaashiin iyo hooyooyinkiin, xaasaskiina iyo caruurtiina, walaalihiin wiilal iyo gabdhaba. Iimana imaan kartaan illaa aad naftiina iga jeclaataan. Mid walboo aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo isoo raacin ma noqon karo xerteyda. “Kasoo qaad mid idin ka mid ah ayaa raba inuu dabaq dhisto. Marka hore miyuusan fariisanayn oo xisaabineyn qiimaha ku baxaya si uu u ogaado inuu haysto lacag ku filan oo uu ku dhameeyo? Balse haddii aad aasaaska dhigto oo aad awoodi weyso inaad dhamayso, soo qof walboo arka kuguma jeesjeesayo, iyagoo leh, ‘Qofkan wuxuu bilaabay inuu dhiso wuuna dhameystiri waayay.’ “Ama kaba soo qaad boqor ayaa wuxuu rabaa inuu aado dagaal uu la galayo boqor kale. Miyuusan marka hore fariisanayn si uu uga fikiro inuu awoodo toban kun oo nin inuu kaga hor imaan karo kan la imaanaya labaatan kun oo nin? Haddii uusan awoodin, wuxuu diri doonaa ergo inta uusan kan kale soo dhawaanin waxa uuna codsan karaa nabad. Sidaas oo kale kuwa idin ka mid ah ee aanan ka tagin wax walboo ey haystaan ma noqon karaan xerteyda. “Cusbadu wey fiican tahay balse haddii ey weyso dhanaankeeda, sidee ayaa dhanaan looga dhigi karaa mar kale? Umana fiicna carrada ama bacriminta, waana la daadiyaa. “Mid walboo dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.” Canshuur qaadayaashii iyo dembiilayaashii waxey iskugu yimaadeen si ey u dhagaystaan Ciise. Laakiin Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga waxey si hoos ah isku weydiiyeen, “Ninkan wuxuu soo dhaweystaa oo waxna la cunaa dembiilayaasha.” Kadibna Ciise ayaa tusaalahaan u sheegay, “Kasoo qaad midkiin inuu leeyahay boqol ido oo hal lax ka lunto. Miyuusan kaga tagayn meel cidla ah sagaal iyo sagaashanka kale uusanna raadineyn laxdii luntay illaa uu ka helo? Markii uu helana, si farxad leh ayuu garbihiisa ugu qaadaa guriga ayuuna aadaa. Kadibna wuxuu iskugu yeeraa saaxiibadiis iyo deriskiisa wuxuuna ku yiraahdaa, ‘Ila farxa, waxaan helay laxdii iga luntay.’ Waxaan idin ku leeyahay sidaas si la mid ah, in jannada looga farxi doono markii uu hal dembiile ah toobadkeeno in ka badan inta loogu farxo sagaal iyo sagaashan qof oo xaq ah oo aan u baahneyn toobadkeen. “Ama kasoo qaad haweeney ayaa haysatay toban shilin oo qalin ah mid ayaana ka lumay. Miyaysan daareyn feynuus, oo eysan xaaqeyn guriga si fiicanna eysan u raadineyn illaa ey ka hesho? Marka ey heshana, waxey iskugu yeeraysaa saaxiibadeed iyo deriskeeda waxeyna ku leedahay, ‘Ila farxa, waxaan helay shilinkeygii iga lumay.’ Sidaa si la mid ah, waxaan idiin sheegayaa, iney farxad ka jiri doonto malaa’igta Illaahey agtooda marka uu hal dembiile toobadkeeno.” Ciise ayaa hadalkii sii waday oo yiri, “Waxaa jiray nin lahaa laba wiil. Midkii yaraa ayaa aabihiis ku yiri, ‘Aabe, isii qeybta aan ku leeyahay dhaxalkaaga.’ Markaas ayuu aabahoodna hantidiisi labadooda u kala qeybiyay. “Wax yar kadib, wiilkii yaraa ayaa qaatay wax walba uu lahaa, waxa uuna u guuray waddan kale halkaas ayuuna nolol micno daro ah ugu dhameeyay hantidiisi oo dhan. Kadib markii uu wax walba isticmaalay, abaar daran ayaa ka dhacday waddankii oo dhan, wuuna gaajooday. Kadibna wuxuu shaqo u doontay nin magaaladaas u dhashay, ninkii ayaa beertiisa ka siiyay shaqo ah inuu ilaaliyo doofaaradiisa. Qofna wax ma siin jirin, balse wuxuu ku faraxsanaa inuu wax ka cuno cuntada ey doofaarradu cunayaan. “Markii uu is ogaaday, ayuu yiri, ‘Meeqa ka mid ah shaqaalaha aabahay ayaa haysta cunto ey cunaan, waa i kan anigana gaaja ayaan la dhiman rabaa! Waxaan u laabanayaa aabahay waxaana ku dhahayaa, aabe, adiga iyo samada ayaan ku dembaabay. Uma qalmo in wiilkaaga la iigu yeero, iga dhig shaqaalahaaga mid ka mid ah.’ Wuu baxay wuxuuna aaday aabihiis. “Laakiin markii uu meel dheer kasoo muuqday ayaa aabihiis arkay wuxuuna u dareemay naxariis, wiilkiisii ayuu ku orday, intuu habsiiyay ayuu dhunkaday. “Wiilkii ayaa ku yiri, ‘Aabbe, waxaan ku dembaabay adiga iyo samada. Mana istaahilo in la iigu yeero wiilkaaga.’ “Laakiin aabihii ayaa shaqaalihiisi ku yiri, ‘Dhaqsada! U keena dharka midka ugu fiican oo u xira. Faraanti iyo kabana u galiya. Keena weysha ugu buuran una qala isaga. Aan xaflad samaysano oo dabaaldagno. Wiilkeygan wuu dhintay haddana waa kan nool mar kale, wuu iga lumay waana helay.’ Haddaba waxey bilaabeen iney dabaaldagaan. “Dhanka kale, wiilkii weynaa wuxuu jiray beerta. Markii uu yimid meel u dhow guriga, wuxuu maqlay muusig iyo ciyaar. Markaas ayuu u yeeray mid ka mid ah shaqaalihii wuxuuna weydiiyay waxa jira. Markaas ayuu ugu jawaabay, ‘Walaalkaa ayaa yimid, aabahaana wuxuu u qalay weyl buuran sababtoo ah si nabad ah ayuu ku soo laabtay.’ “Wiilkii weynaa ayaa xanaaqay oo diiday inuu gudaha galo. Markaas ayaa aabihiis banaanka ugu baxay oo baryay. Markaas ayuu ugu jawaabay, ‘Fiiri! Intaasoo sano ayaan kuu adeegayay weligeyna ma diidin amarkaaga. Sidaas ey tahayna weligaa ima siinin hal waxar oo aan saaxiibadey kula dabaaldago. Laakiin markii uu wiilkaagan hantidaada ku soo dhameeyay naagaha jirkooda ka ganacsada uu guriga yimid, waxaad u qashay weyl buuran!’ “Aabihii ayaa yiri, ‘Wiilkeygiyow, weligaa waad ila joogtay, wax walboo aan haysto adiga ayaa leh. Laakiin waa inaan dabaaldagnaa oona faraxnaa, sababtoo ah walaalkaagan wuu dhintay waana kan nool mar kale, wuu lumay waana la helay.’ ” Ciise ayaa xertiisi ku yiri, “Waxaa jiray nin taajir ah kaasoo maamulahiisa lagu eedeeyay inuu khasaarinayay hantidiisa. Markaas ayuu u yeeray oo weydiiyay, ‘Waa maxey waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? Isii xisaab xirka maamulkaaga, maxaa yeelay ma rabo inaad sii ahaato maamule.’ ” “Maamulihii ayaa is weydiiyay, ‘Hadda maxaan sameeyaa? Sayidkeyga shaqada ayuu iga saari doonaa. Awood igu filan oo aan beer ku falo ma lihi, inaan tuugsadana waan ka xishoonayaa. Aniga ayaa aqaan waxaan sameyn doono, si markaan shaqadeydaan waayo, ey dadku iigu soo dhaweeyaan guryahooda.’ ” “Markaas ayuu iskugu yeeray kuwii sayidkiisu deynta ku lahaa. Wuxuu weydiiyay kii ugu horeeyay, ‘Meeqa ayuu sayidkaygu kugu leeyahay?’ ” Wuxuu ku jawaabay, “ ‘Boqol iyo toddobaatan jirgaan oo saliid seytuun ah.’ ” “Maamulihii ayaa ku yiri, ‘Qaad warqadda xisaabtaada, halkaas fariiso, oo dhaqso ka dhig siddeetan iyo shan jirgaan.’ “Midkii labaad ayuu weydiiyay, ‘Adigana meeqa ayuu kugu leeyahay?’ ” Wuxuu ku jawaabay, “ ‘Kun jawaan oo sarreen ah.’ “Wuxuu ku yiri, ‘Qaad warqadda xisaabtaada oo ka dhig siddeed boqol.’ ” “Sayidkii ayaa ammaanay maamulihii aan daacada ahayn sababtoo ah wuxuu u dhaqmay si xariifnimo ah. Dadka aduunkan joogaan aad ayey xariifiin u yihiin markey wax la qabsanayaan kuwa iyaga oo kale ah in ka badan dadka iftiinka ku jiro. Waxaana idin ku leeyahay, haddii aad ku sameystaan hanti saaxiibo aan daacad ahayn markey idin ka dhamaato, waxey idin kusoo dhoweyn doonaan guryahooda daa’iimka ah.” “Qofkii wax yar lagu aamini karo wax badanna waa lagu aamini karaa, qofkii wax yar khiyaani karana wax badanna wuu khiyaani karaa. Marka haddii aadan ahayn qof lagu aamini karo hantida aduunka, yaa kugu aamini doona hantida runta ah. Haddii aadan ahayn qof hanti qof kale lagu aamini karo, yaa ku siinaya hanti adiga kuu gaar ah?” “Ma jiro qof laba sayid u adeegi kara. Waa inuu mid nacaa kan kalana jeclaadaa, ama mid ayaad u go’aysaa kan kalana waad khiyaamaysaa. Uma wada adeegi kartid Illaahey iyo lacag.” Farrisiintii lacagta jeclaa, ayaa intaasoo dhan maqlay weyna ku jeesjeeseen Ciise. Wuxuuna iyagii ku yiri, “Idinku waxaa tihiin kuwa dadka kale u muujiya iney saxanyihiin, laakiin Illaahey wuxuu og yahay qalbiyadiina. Waxey dadku aad u qiimeeyaan waa wax Illaahey agtiisa laga neceb yahay.” “Sharciga Muuse iyo nebiyada waxey jireen illaa Yooxanaa. Ilaa waqtigaas, warka wanaagsan ee boqortooyada Illaahey ayaa lagu wacdinayay, qof walbana wuxuu ku dadaalayay inuu galo. In dhibic yar laga tiro sharciga waxaa ka fudud in samada iyo dhulku baaba’aan.” “Mid walboo xaaskiisa fura oo mid kale guursada wuu sineystay, ninka haweeney la soo furay guursada wuu sineystay.” “Waxaa jiray nin taajir ahaa oo ku labisan jiray dhar guduud oo wanaagsan maalin walbana ku noolaa nolol raaxo leh. Albaabkiisa waxaa jiifay tuugsade la yiraahdo Laasaros, oo jirkiisa nabaro qariyeen. Wuxuuna sugi jiray inuu cuno waxa kasoo dhaca miiska ninka taajirka ah. Eeyaha ayaana u imaan jiray oo leefi jiray nabrihiisa.” “Waxaa la gaaray dhimashadii tuugsadaha waxeyna malaa’igtii u qaaday Ibraahim dhankiisa. Ninkii taajirka ahaa ayaa sidoo kale dhintay waana la aasay. Isaga oo naarta jooga, saxariirna ku jira, kor ayuu fiiriyay wuxuu meel fog ka arkay Ibraahim iyo Laasaros oo agtiisa jooga. Markaas ayuu u yeeray, ‘Aabe Ibraahimow, ii naxariiso oo Laasaros ii soo dir si uu biyaha fartiisa foodeeda u galiyo uuna u qaboojiyo carrabkayga, sababtoo ah aad ayaan ugu rafaadsanahay dabkaan dhexdiisa.’ ” “Laakiin Ibraahim ayaa ugu jawaabay, ‘Wiilkeygiyow, xasuuso waqtigii noloshaada aad wax walboo fiican heshay, halka uu Laasaros wax xun helay, laakiin hadda isagu halkan ayuu ku raaxaysanayaa adigana rafaadkaas ayaad ku jirtaa. Taas marka laga soo tagana, dhexdeena god weyn ayaa ku yaala, marka kuwa raba iney halkan ka tagaan oo xaggaaga soo aadaan uma suurtoobeyso, sidoo kale qofna dhankaas kama imaan karo oo nooma imaan karo.’ ” “Wuxuu ku jawaabay, ‘Aabe waan ku baryayaa, Laasaros u dir qoyskayga, waxaa ila dhashay shan wiil. Hasoo waaniyo, si eysan iyaguna u imaan meeshan silaca leh.’ ” “Ibraahim ayaa ugu jawaabay, ‘Waxey haystaan sharcigii Muuse iyo nebiyada, iyaga wax ha ka maqlaan.’ ” “Wuxuu yiri, ‘Maya, aabe Ibraahimow, laakiin haddii qof dhintay oo soo noolaaday u tago, wey toobadkeeni doonaan.’ ” “Wuxuu ku yiri, ‘Haddii eysan wax ka maqlayn sharciga Muuse iyo nebiyada, kuma qanci doonaan xitaa hadduu qof dhintay soo noolaado.’ ” Ciise ayaa ku yiri xertiisa, “Waxyaalaha keena dadku iney turunturoodaan ayaa soo socda, laakiin waa u hoog qofka ey xaggiisa ka yimaadaan. Iney kuwan yar yar turuntureeyaan waxaa u dhaami doonta in badda lagu tuuro iyaga oo dhagax culus qoorta looga xiray. Haddaba is ilaaliya. “Haddii uu walaalkaa ama walaashaa midkood qalad kaa galo, iska canaano, haddii ey ka toobadkeenaan iska cafi. Xitaa haddii ey maalintii toddoba mar kugu qaldamaan oo ey toddoba mar kuu soo laabtaan iyagoo ku dhahaya ‘Waan ka toobadkeenay qaladkayga,’ waa qasab inaad cafisid.” Rasuulladii ayaa ku yiraahdeen Sayidka, “Iimaanka noo kordhi!” Wuxuu ugu jawaabay, “Haddii aad lahaan lahaydeen iimaan u yar sida iniinta khardalka, waxaad ku dhihi kartaan geedkan sukamin ah, ‘Ruq oo badda ku beeran,’ wuuna idin adeeci lahaa. “Kasoo qaad midkiin ayaa leh shaqaalo beerta u fala ama idaha u ilaaliya. Miyuu ku dhahayaa shaqaalihiisa marka uu beerta ka yimaado, ‘Kaalay soo fariiso oo wax cun’? Miyuusan ku dhahaynin, ‘Ii diyaari casho, oo isku diyaari inaad isugto intaan ka cunayo oo wax ka cabayo, markaas kadib ayaa laga yaabaa in aad wax cunto oo aad wax cabto’? Miyuu u mahadcelinayaa shaqaalihiisa sababtoo ah wuxuu sameeyay wixii lagu yiri samee? Marka idinkuna sidoo kale, markaad sameysaan wax walboo la idin ku yiri sameeya, waa inaad dhahdaan, ‘Waxaan nahay adeegayaal aan qiimo lahayn, kaliya waxaan sameynay wixii na la faray.’ ” Haddaba isaga oo usii socda Yeruusaalem, Ciise wuxuu ku safray xuduuda u dhaxaysa Samaariya iyo Galili. Wuxuu soo galay tuulo, kadibna waxaa la kulmay toban nin oo baras qaba. Waxey ka istaageen meel xoogaa u jirta waxeyna kor ugu dhawaaqeen, “Ciisow, Sayidow, noo naxariiso!” Markii uu arkay, ayuu ku yiri, “Taga oo is tusa wadaaddada.” Isla markey baxeen ayey nadiifsameen. Mid ka mid ah baras layaashii markii uu arkay inuu bogsaday, wuu soo laabtay, isaga oo cod dheer Illaahey ku ammaanaya. Wuxuu isku tuuray Ciise cagahiisa wuuna u mahadceliyay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya. Ciise ayaa weydiiyay, “Tobankiiba ma nadiifsamin miyaa? Aaway sagaalkii kale? Ajnabigan maahee mid iyaga ka mid ah miyuusan u soo laabanin inuu Illaahey ammaano?” Kadib wuxuu ku yiri, “Kac oo soco, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay.” Mar ey Farrisiintii weydiiyeen goorta ey boqortooyada Illaah imaaneyso, Ciise ayaa ugu jawaabay, “Imaanshaha boqortooyada Illaah ma aha mid la arki karo, mana aha wax ey dadka dhihi karaan, ‘Waa tan,’ ama ‘Waa taas,’ sababtoo ah boqortooyada Illaah wey idin dhex joogtaa.” Kadib wuxuu xertiisi ku yiri, “Waxaa imaanaya waqti aad sugi doontaan maalinta aad arki doontaan Wiilka Aadanaha, laakiin ma arki doontaan. Dadka waxey idin ku dhihi doonaan, ‘Waa kaas!’ Ama ‘Waa kan!’ Ha ka daba ordina. Maxaa yeelay maalinta Wiilka Aadanaha waxey noqon doontaa sida hilaac iftiimiyay cirka dhinac walba. Laakiin marka hore waa inuu rafaadaa oo dadka waqtigan jooga dhexdooda laga diidaa. “Sida ey ahayd maalmihii Nuux, sidaas oo kale ayey noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha. Dadku wax ayey cunayeen, cabayeen, weyna guursanayeen waana la guursanayay illaa laga gaaray maalintii Nuux uu galay doonta. Kadibna uu daadkii yimid uuna baabi’iyay dhamaantood. “Sidaa si la mid ah ayey ahayd maalmihii Luud. Dadku wax ayey cunayeen oo cabayeen, wax ayey iibsanayeen weyna gadayeen, wax ayey beeranayeen oo wax ayey dhisayeen. Laakiin maalintii uu Luud ka tagay Sodom, dab iyo baaruud ayaa roob oo kale cirka uga soo da’ay oo baabi’iyay dhamaantood. “Sidaas oo kale ayey noqoneysaa maalinta Wiilka Aadanaha la muujin doono. Maalintaas ma jiro mid saaran gurigiisa korkiisa, oo wax uu leeyahay ey gudaha kaga jiraan, intuu soo dagto doonan kara. Sidaas oo kale, ma jiro qof beerta jooga oo guriga u noqon doona. Xasuuso Luud xaaskiisii! Qofkii isku daya inuu naftiisa ilaaliyo wuu lumin doonaa, qofkii naftiisa lumiyana wuu dhowri doonaa. Waxaan idiin sheegayaa, habeenkaas laba qof oo sariir ku wada jiifa ayaa mid la qaadan doonaa kan kalana waa laga tagi doonaa. Laba dumar ah oo badar wada shiidaya ayaa mid la qaadan doonaa tan kalana laga tagi doonaa. [ Laba nin ayaa beer ka wada shaqeyn doona, mid waa la qaadi doonaa midka kalana waa laga tagi doonaa.” ] Markaas ayey weydiiyeen, “Halkee, Sayidow?” Wuxuu ku jawaabay, “Meesha uu meydku yaalo haaddu wey iskugu soo ururtaa.” Kadib Ciise wuxuu u sheegay xertiisi tusaale si uu u tuso iney mar walba duceystaan oo eysan u qalbi jabin. Wuxuu yiri, “Magaalo ayaa waxaa joogay xaakim aan Illaahey ka cabsan jirin oo aanan kala jeclayn waxey dadku ku fikiraan. Waxaana sidoo kale magaaladaas joogay carmalad taas oo marar badan u tagtay xaakimka iyadoo leh, ‘Cadowgayga iga xaq sii.’ “In badan ayuu ka diiday. Laakiin ugu dambeyntii wuxuu isku yiri, ‘Inkastoo aanan Illaahey ka cabsan oo aanan kala jeclayn waxey dadku ku fikiraan, haddana carmaladaan dhibka ey i dhibayso darteed, waan xaq siin doonaa, sidaa darteed iguma soo noqnoqon doonto oo ima dhibi doonto!’ ” Markaas ayuu sayid Ciise yiri, “Dhagaysta wuxuu xaakimkii aan xaqa ahayn yiri. Illaahna miyuusan xaq siin doonin kuwa uu doortay, kuwa barya isaga habeen iyo maalin? Miyuu iska dhaga tiri doonaa? Waxaan idin ku leeyahay, wuu xaq siin doonaa, waliba si dhaqso ah. Si kastaba ha ahaatee, markii uu Wiilka Aadanahu yimaado, miyuu ka heli doonaa rumeysad dhulka?” Qaar ku kalsoonaa xaqnimadooda dadka kalana yasi jiray, ayuu Ciise u sheegay tusaalahaan, “Laba nin ayaa aaday macbadka si ey u soo duceystaan, mid wuxuu ahaa Farrisi midka kalana canshuur qaade. Farrisigii intuu istaagay ayuu sidan ku duceystay, ‘Illaaheyow, waxaan kaaga mahadcelinayaa in aanan la mid ahayn dadka kale kuwa wax dhaca, kuwa xaqa daran, kuwa sineysta ama xitaa in aanan ahayn sida canshuur qaadahan oo kale. Waxaan soomaa laba jeer usbuucii waxaanna bixiyaa toban meelood meel wax walboo aan helo.’ “Laakiin canshuur qaadihii meel fog ayuu istaagay. Xitaa kor samada ma uusan u fiirin karin, madaxa ayuu hoos u raariciyay oo yiri, ‘Illaaheyow, ii naxariiso, waxaan ahay dembiile.’ “Waxaan idin ku leeyahay, waa canshuur qaadaha ee ma aha Farrisiga, kan gurigiisa tagay isaga oo xaq ku ah Illaahey hortiisa. Dhamaan kuwa is sareysiiya waa la hooseysiin doonaa, kuwa is hooseysiiyana waa la sareysiin doonaa.” Sidoo kale dadku waxey Ciise u keenayeen caruur si uu gacantiisa madaxa uga saaro oo u barakeeyo. Markey xertii arkeen arintaas, wey canaanteen. Laakiin Ciise ayaa caruurtii xaggiisa ugu yeeray wuxuuna yiri, “Daaya caruurta yar yar ha ii yimaadaane, hana celinina, waayo boqortooyada Illaahey waxaa leh iyagoo kale. Runtii waxaan idin ku leeyahay, qofkii aan boqortooyada Illaah u aqbalin sida cunug yar oo kale ma gali doono.” Nin madax ahaa ayaa Ciise weydiiyay, “Macalin wanaagsanow, maxaan sameeyaa si aan u dhaxlo nolosha weligeed ah?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Maxaad iigu yeereysaa wanaagsanow? Qof wanaagsan ma jiro Illaahey maahee. Waad garaneysaa amarrada, ‘Waa in aadan sineysan, waa in aadan qof dilin, waa in aadan wax xadin, waa in aadan marqaati been ah furin, xushmee hooyadaa iyo aabahaa.’ ” Ninkii ayaa yiri, “Intan oo dhan waan dhowray illaa markaan wiil yar ahaa.” Markii uu Ciise sidan maqlay, ayuu ku yiri, “Hal wax ayaa kaa maqan, bax oo wax walboo aad haysato iibi oo lacagtana sii masaakiinta, waxaadna hanti ku lahaan doontaa jannada. Kadib kaalay oo isoo raac.” Markii uu sidan maqlay, aad ayuu u murugooday, waayo wuxuu lahaa maal badan. Ciise ayaa fiiriyay oo ku yiri, “Imisee adagtahay hantiile inuu galo boqortooyada Illaahey! Xaqiiqdii, inuu qof hanti leh galo boqortooyada Illaah waxaa ka fudud inuu neef geel ah dhex maro cirbad duleelkeed.” Kuwii sidan maqlay ayaa weydiiyay, “Haddaba yaa badbaadi kara?” Ciise ayaa ku jawaabay, “Waxa aan dadka u suurtoobin Illaah wey u suurtowdaa.” Butros ayaa ku yiri Ciise, “Waan kasoo tagnay wax walboo aan haysanay si aan adiga kuu raacno!” Ciise ayaa ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, ma jiro qof boqortooyada Illaahey darteed uga tagay guri, xaas, walaalkiis, walaashiis, waalid ama caruur oo aan heli doonin in ka badan waqtigan la joogo, iyo waqtiga soo socda ee nolosha weligeed ah.” Ciise ayaa laba iyo tobankii xertiisa ahaa gooni ula baxay oo ku yiri, “Waxaan u soconaa Yeruusaalem, wax walboo ey nebiyadu ka qoreen Wiilka Aadanaha waa iney dhacaan. Waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn. Wey bahdili doonaan, weyna caayi doonaan oo candhuuf ayaa lagu tufi doonaa, waana la garaaci doonaa illaa uu ka dhinto. Saddex maalmood kadibna wuu soo sarakici doonaa.” Xertii waxba kama eysan fahmin waxyaalahaas. Macnaha hadalkaasna wuu ka qarsoonaa, mana eysan garaneyn wuxuu Ciise ka hadlayay. Markii uu Ciise Yerixoo ku soo dhawaaday, nin indha la’ oo tuugsanaya ayaa jidka dhiniciisa fadhiyay. Ninkii indhaha la’aa markii uu maqlay dadka badan ee ag maraya, ayuu weydiiyay waxa dhacaya. Waxey ku yiraahdeen, “Ciisihii reer Naasared ayaa agtaada maraya.” Markaas ayuu qayliyay isaga oo leh, “Ciisow ina Daa’uudow, ii naxariiso!” Kuwii jidka marayay ayaa canaantay oo u sheegay inuu aamuso, laakiin wuu sii qayliyay oo yiri, “Inankii Daa’uudow, ii naxariiso!” Ciise ayaa joogsaday oo amray in ninka loo keeno. Markii uu u soo dhawaaday, Ciise ayaa ninkii ku yiri, “Maxaad rabtaa inaan kuu sameeyo?” Wuxuu ku jawaabay, “Sayidow waxaan rabaa inaan wax arko.” Ciise ayaa ku yiri, “Wax arag, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay.” Isla markiiba wax buu arkay oo Ciise raacay, isaga oo Illaahey ammaanaya. Markey dadkii oo dhan arkeen iyaguna Illaahey ayey ammaaneen. Ciise ayaa galay Yerixoo isaga oo sii dhex maraya. Nin Sakhayos la yiraahdo ayaa halkaas joogay wuxuu ahaa taajir, wuxuuna ahaa gudoomiyaha canshuur qaadayaasha. Wuxuu rabay inuu arko Ciise qofka uu yahay, laakiin gaabnaantiisa daraadeed ma uusan awoodin inuu dadka badan ka dhex arko. Markaas ayuu intuu orday ayuu fuulay sukomoor geed berde u eg oo weyn si uu u arko, ileen Ciise wuxuu ku soo socday wadadaas. Markii uu Ciise soo gaaray meeshii, ayuu kor fiiriyay wuxuuna ku yiri, “Sakhayosow, dhaqso hoos u soo dag. Waa qasab inaan gurigaaga joogo maantay.” Markiiba intuu soo dagtay ayuu si farxad leh u soo dhaweeyay. Dadkii oo dhan ayaa arkay oo waxey bilaabeen iney hoos u dhahaan, “Wuxuu u baxay inuu marti u noqdo dembiile.” Laakiin Sakhayos ayaa istaagay oo ku yiri Sayidka, “Fiiri, Sayidow! Hadda halkan hantideyda bar waxaan siiyay masaakiinta, haddii aan qof wax ka khiyaameyna, waxaan u celinayaa afar jibaar intey ahayd.” Ciise ayaa ku yiri, “Maanta badbaado ayaa timid gurigaan, maxaa yeelay ninkan, isaguba, waa cunuggii Ibraahim. Sababtoo ah Wiilka Aadanaha wuxuu u yimid inuu raadiyo uuna badbaadiyo kuwa lumay.” Intey dhagaysanayeen, wuxuu u sheegay tusaale, sababtoo ah wuxuu joogay Yeruusaalem agteeda dadkuna waxey u haysteen in boqortooyada Illaahey ey hal mar soo muuqanayso. Wuxuu ku yiri, “Amiir ayaa u socday waddan fog si boqornimo uu isugu caleemo saaro kadibna u soo laabto. Wuxuu iskugu yeeray toban ka mid ah shaqaalihiisi wuxuuna mid walba siiyay mina, ‘Wuxuu ku yiri, ku shaqeeya lacagtan, illaa aan kasoo laabto.’ “Laakiin dadkii waddankiisa ayaa necbaa waxeyna u soo direen ergo si uu ugu dhaho, ‘Ma rabno ninkan inuu noo noqdo boqor.’ “Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga dhigay boqor, wuxuuna ku soo laabtay gurigiisi. Kadibna wuxuu u yeeray shaqaalihiisi kuwii uu lacagta siiyay, si uu u ogaado faa’iidada ey heleen. “Midkii ugu horeeyay ayaa yimid oo ku yiri, ‘Mudane, lacagtaadii waxey dhashay faa’iido tobon jibaar ah.’ “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Si fiican ayaad sameysay, adeege fiican ayaa tahay! Sababtoo ah waxaad noqotay qof wax yar lagu aamini karo, waxaad xukumeysaa toban magaalo.’ “Midkii labaad ayaa yimid oo yiri, ‘Mudane, lacagtaadii waxey faa’iido dhashay shan jibaar.’ “Sayidkiisi ayaa ku jawaabay, ‘Adigana shan magaalo ayaad xukumaysaa.’ “Kadib shaqaalihii kale ayaa yimid oo yiri, ‘Mudane, waa tan lacagtaadii, maro ayaan ku duuduubay oo meel ayaan dhigay. Waan kaa cabsaday, sababtoo ah waxaa tahay nin ad adag. Waxaad qaadataa wax aadan lahayn waxaadna gurataa wax aadan beeran.’ “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Waxaan kugu xukumayaa ereyadaada, shaqaala yahow xun! Soo ma aadan ogayn inaan aniga ahay nin ad adag, oo aan qaato wax aanan lahayn oo aan gurto wax aanan beeran? Maxaad lacagteyda u dhigi weyse bangiga si markaan imaado aan u urursado faa’iidada?’ “Kadib ayuu ku yiri waardiyayaashiisii, ‘ka qaada mina oo siiya midka haysta toban mina.’ “Waxey yiraahdeen, ‘Mudane, toban ayuu haystaa kaas!’ “Wuxuu ugu jawaabay, ‘Waan idiin sheegay mid walboo haysta wax badan, wax badan ayaa la siinayaa, laakiin midka aan waxba haysanin, xitaa wuxuu haystana waa laga qaadi doonaa. Laakiin cadowgayga kuwa aanan rabin inaan boqor u noqdo inta ii keena oo horteyda ku dila.’ ” Kadib Ciise markii uu intaas yiri, horay ayuu usii socday, isaga oo aadaya illaa Yeruusaalem. Markii uu kusoo dhawaaday Beytfaage iyo Beytaniya buurta la yiraahdo Buur Saytuun, wuxuu diray laba ka mid ah xertiisi, waxa uuna ku yiri, “Baxa oo tuulada idin ka horaysa taga, oo markaad gashaan, waxaad arki doontaan dameer halkaas ku xiran, kaasoo qofna kaxaynin weligiis. Xarigga kasoo fura oo halkan keena. Haddii uu qof idin weydiiyo, ‘Maxaad xarigga uga furaysaan?’ Ku dhaha, ‘Sayidka ayaa u baahan.’ ” Kuwii loo diray ayaa tageen oo ka heleen meeshii uu u sheegay. Iyagoo xarigga ka furaya dameerka, dadkii lahaa ayaa weydiiyeen, “Maxaad xarigga uga furaysaan dameerka?” Waxey ku jawaabeen, “Sayidka ayaa u baahan.” Ciise ayey u keeneen, dharkoodi intey dusha ka saareen qeyl dameer ayey Ciise fuuliyeen. Intii uu sii socday dadkii ayaa maryahoodii wadada goglay. Markii uu u soo dhawaaday meeshii ey wadada ka aadaysay dhinicii Buur Saytuun, dadkii xertiisa ahaa oo dhan waxey bilaabeen iney si farxad leh oo cod dheer Illaahey ugu ammaanaan mucjisooyinkii ey arkeen dartood, “Waxaa barakeysan boqorka ku yimaada magaca Rabbiga!” “Nabadda jannada haku ahaato ammaanna ha u ahaato kan ugu sareeya!” Qaar ka mid ah Farrisiintii dadka ku dhex jiray ayaa Ciise ku yiraahdeen, “Macalin, canaano xertaada hanaga aamusaane!” Wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan idiin sheegayaa, haddii ey aamusaan, dhagaxaanta ayaa qaylin doona.” Markii Ciise soo galay Yeruusaalem oo uu arkay magaalada, wuu ku dul ooyay. Kadibna wuxuu yiri, “Haddii aad idinku xitaa ogaan lahaydeen maalintan waxa kaliya ee nabad idiin keeni kara! Laakiin hadda wey ka qarsoontahay indhihiina. Waxaa imaan doona maalmaha ey cadowgiinu darbi idin ka dhex dhisi doonaan oo ey idin kaga soo wareejin doonaan dhinac walba. Dhulka ayey idin galin doonaan idinka iyo ilmihiina. Kamana tagi doonaan dhagax dhagax kale dul saaran, sababtoo ah ma eydan garan waqtiga uu Illaahey idiin yimid.” Markii uu Ciise soo galay macbadka dhexdiisa, wuxuu bilaabay inuu kala ceyriyo kuwii meesha wax ku gadanayay. Wuxuuna iyagii ku yiri, “Waxaa qoran, ‘Gurigeyga waxaa loogu yeeri doonaa meel qof walba yimaado oona ku duceysto.’ Laakiin waxaad ka dhigteen ‘Xerada tuugada.’ ” Maalin walba wuxuu wax ku bari jiray macbadka. Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiinta sharciga Muuse iyo hogaamiyayaasha dadka dhexdooda waxey isku dayayeen iney dilaan. Mana eysan helin qaab ey u sameeyaan, sababtoo ah dadka oo dhan ayaa dhagaysanayay hadaladiisa. Maalin maalmaha ka mid ah Ciise wuxuu dadka wax ku barayay macbadka isaga oo ku wacdinaya injiilka, gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga iyagoo ey la socdaan odayaashii, ayey Ciise u yimaadeen. Waxeyna ku yiraahdeen, “Noo sheeg awoodda aad waxyaalahan ku sameyneysid, yaana ku siiyay awoodan?” Wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan aniguna idin weydiinayaa su’aal. Ii sheega, Yooxanaa baabtiiskiisii samada miyuu ka yimid mise dhinaca binu aadanka?” Intey dhexdooda ka wada hadleen ayey isku yiraahdeen, “Haddii aan dhahno, ‘Samada xaggeeda,’ wuxuu na weydiin doonaa, ‘Maxaad u aamini weyseen?’ Laakiin haddii aan niraahno, ‘Dadka xaggiisey ka timid,’ dadka oo dhan wey na tuuryeyn doonaan, sababtoo ah waxey aaminsanyihiin in Yooxanaa uu nebi ahaa.” Marka waxey ku jawaabeen, “Ma garaneyno meesha ey ka timid.” Ciise ayaa yiri, “Aniguna idiin ma sheegi doono awoodda aan waxyaalahan ku sameynayo.” Ciise ayaa dadka u sheegay tusaalahaan, “Nin ayaa beer canab ah beertay, kana kireeyay kuwa beeraley ah wuuna ka tagay oo muddo badan ka maqnaa. Markii la gaaray waqtigii gurashada wuxuu u soo diray kiroolayaashii mid shaqaalihiisi ka mid ah si uu xoogaa canab ah uga soo qaado. Laakiin kiroolayaashii ayaa garaacay ninkii oo diray isagoon waxba wadin. Wuxuu diray shaqaale kale, laakiin isagiina wey garaaceen oo aflagaadeeyeen direenna asoon waxba wadin. Haddana mid saddexaad ayuu diray, balse isagiina wey dhaawaceen oo soo ceyriyeen. “Kadibna ninkii beerta canabka lahaa ayaa yiri, ‘Maxaan sameeyaa? Aniga ayaa aqaan waxaan sameyn doono. Waxaan dirayaa wiilkeyga aan jeclahay, waxaa laga yaabaa iney xushmeeyaan.’ “Laakiin kiroolayaashii markey arkeen ninkii beerta lahaa wiilkiisa, waxey isku yiraahdeen, ‘Kani waa kii dhaxli lahaa beerta, kaalaya aan dilnee kadibna aan dhaxalno beerta.’ Markaas ayey beerta canabka ah banaanka uga baxsheen oo dileen, “Maxey kula tahay ninka beerta lahaa wuxuu iyaga ku sameyn doono? Wuu u imaan doonaa oo dili doonaa kiroolayaasha, beerta canabka ahna wuxuu siin doonaa kuwa kale.” Markey dadkii sheekadan maqleen, waxey yiraahdeen, “Illaahey naguma keeno!” Ciise ayaa ku jeestay oo weydiiyay, “Haddaba maxey idin la tahay macnaha waxa kitaabka ku qoran, “ ‘Dhagaxii ey kuwa guriga dhisaya diideen, ayaa noqday dhagaxa ugu muhiimsan dhismaha guriga,’ Qof walboo dhagaxaas ku dul kufa wuu jajabi doonaa, kii uu ku soo kor dhacana wuu burburin doonaa.” Macalimiintii sharciga Muuse iyo gudoomiyayaashii wadaaddada ayaa isku dayay iney Ciise isla waqtigaas qabtaan, waayo wey ogaadeen inuu tusaalahaan iyaga kaga hadlayay. Laakiin waxey ka cabsanayeen dadka meeshaas joogay. Kuwii Ciise cadowgiisa ahaa ayaa ilaalinayay isaga, waxeyna u soo direen jaajuusiin iska dhigay kuwa daacad ah. Laakiin waxey rabeen iney Ciise hadalkiisa qalad ka helaan, oo ey u gacan galiyaan taliyaha iyo amarka madaxda dowladda. Markaas ayey jaajuusiintii Ciise weydiiyeen, “Macalinow, waan ognahay inaad ku hadashid oo aad dadka bartid runta, qofna aadan u eexan balse aad barto wadada Illaah ee runta ah. Haddaba ma banaantahay inaan Kaysar canshuurta siino mise ma banaano?” Ciise wuu gartay khiyaanadoodi wuxuuna ku yiri, “Diinaar i tusa.” Wey tusiyeen, intuu fiiriyay ayuu iyagii weydiiyay, “Yuu sawirkiisa iyo magaciisaba ku dul yaalaa diinaarkan?” Waxey yiraahdeen, “Kaysar.” Markaas ayuu ku yiri, “Haddaba wuxuu Kaysar leeyahay siiya Kaysar, wuxuu Illaahey leeyahayna siiya Illaahey.” Wey ku heli waayeen wax qalad ah dadka hortooda. Weyna la cajabeen jawaabtiisa oo hadalkii ayaa ku dhagay. Qaar ka mid ah Sadukiinta, kuwaasoo aan aaminsaneyn sarakicidda dhimashada, ayaa Ciise u yimid oo weydiiyay. “Macalinow, Muuse wuxuu inoo qoray haddii nin uu dhinto xaasna ka tago balse uusan caruur lahayn, waxaa walaalkiis ku waajib ah inuu carmalada walaalkiis dumaalaa uuna ka dhalaa caruur walaalkiis dhaxasha. Haddaba waxaa jiray toddobo nin oo walaala ah. Kii ugu weynaa ayaa guursaday naag kadibna dhintay isagoon caruur dhalin. Kii labaad ayaa dumaalay isaguna wuxuu dhintay caruur la’aan kadibna kii saddexaad ayaa dumaalay haweeneydii, sidaas ayeyna ku wadeen illaa kii toddobaad uu dhintay, iyagoo aanan wax caruur ah ka tagin. Ugu dambeyntiina haweeneydii wey dhimatay. Haddaba noo sheeg, yey xaaskiisa ahaan doontaa maalinta sarakicinta? Ileen toddobadooduba wey guursadeene.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dadka aduunkan joogaa wey is guursadaan. Laakiin kuwa istaahila iney ka qeyb qaataan waqtiga soo socdo iyo kasoo sarakicidda dhimashada ma guursan doonaan lamana guursan doono, mana dhiman doonaan. Waxeyna noqon doonaan sida malaa’igtoo kale waxeyna ahaan doonaan caruurta Illaahey, maxaa yeelay waxey ka sarakaceen dhimashada. Muuse ayaa tilmaamay in dhimashada laga sarakacayo, xiligii uu geedka gubanayay, isaga oo ugu yeeray Rabbiga ‘Illaaha Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub.’ Sidaa darteed Illaahey ma aha Illaaha kuwa dhintay, balse waa Illaaha kuwa nool, waayo wax walba xaggiisa wey ka nool yihiin.” Markaas ayaa qaar ka mid ah macalimiintii sharciga ku yiraahdeen Ciise, “Si fiican ayaad uga jawaabtay macalin!” Kadibna qof ku dhaca inuu Ciise su’aal weydiiyo ma jirin. Kadib Ciise ayaa iyagii weydiiyay, “Maxey u yiraahdaan Masiixu waa wiilka Daa’uud? Daa’uud ayaa ku yiri kitaabkii Sabuurradda, “ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri, “Fariiso gacanteyda midig Illaa aan cadowgaaga cagahaaga hoos keeno.” ’ Daa’uud ayaaba ugu yeeraya ‘Sayid.’ Haddaba sidee ayey ku noqon kartaa inuu yahay wiilkiisa?” Dadkii oo dhagaysanaya, ayuu Ciise xertiisi ku yiri, “Iska ilaaliya dhaqanka macalimiinta sharciga Muuse! Maxaa yeelay waxey ka helaan iney meelaha ku maraan khamiisyo dhaadheer oo qaali ah, waxeyna jecelyihiin in si xushmad leh loo salaamo markey suuqa marayaan. Waxeyna jecelyihiin iney fariistaan safka hore markey joogaan sunagogyada iyo meelaha ey xafladaha ka jiraan. Waxey carmalada ka khiyaanaan guryahooda, kadibna salaadda ayey dheereeyaan markey tukanayaan si ey dadka isku tustusaan. Macalimiintan ciqaabtoodu aad ayey u darantahay.” Ciise ayaa arkay kuwii taajiriinta ahaa oo sadaqadooda sanduuqa macbadka ku ridaya. Wuxuu kaloo arkay carmalad masaakiin ah oo iyadana ku ridaysa shilimaad maar. Markaas ayuu Ciise dadkii ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, carmaladaan maskiinta ah ayaa ku riday sanduuqa in ka badan dadka kaloo dhan. Waayo dadkan oo dhan waxey sadaqeysteen wax yar oo ka mid ah hantidoodi, laakiin iyadu waxey bixisay waxey lacag ka haysatay oo ey ku sii noolaan lahayd.” Qaar ka mid ah xertiisi ayaa ka hadlayay sida macbadka loogu sharaxay dhagxan qurux badan iyo hadiyadaha loo bixiyay Illaahey dartiis. Laakiin Ciise ayaa yiri, “Waxyaalahan aad aragtaan oo dhan, waqti ayaa imaan doona oo dhagax dhagax kale dul saaran aan la dhaafi doonin, kuli waa la burburin doonaa.” Markaas ayey weydiiyeen, “Macalin, waxyaalahan goorma ayey dhici doonaan? Calaamadee ayaan ku garan doonaa iney dhici rabaan?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Iska ilaaliya yaan la idin khiyaanin. Waayo kuwa badan ayaa magacayga ku imaan doona, iyagoo dhahaya ‘Waxaan ahay Masiixa!’ Waxey kaloo dhihi doonaan, ‘Waqtigu wuu dhawyahay!’ Ee iska jira in aad raacdaan. Markaad maqashaan dagaallo iyo rabshado ha cabsanina. Waxyaalahan waa iney marka hore dhacaan, laakiin ma aha in dhamaadkii la gaaray.” Wuxuu kaloo ku yiri, “Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa. Waxaa jiri doona dhul gariir aad u weyn, meelo badanna dadku gaajo iyo xanuuno aad u xun ayey u dhiman doonaan. Waxaa kaloo samada laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamado waaweyn. “Laakiin waxyaalahan oo dhan ka hor, wey idin qaban doonaan oo idin silcin doonaan. Waxeyna idin ku gacan galin doonaan sunagogyada oo idin dhigi doonaan xabsiga. Aniga daraadeydana waxaa la idin hor keeni doonaa boqorro iyo taliyayaal si ey idiin xukumaan. Laakiin taas waxey idiin ahaan doontaa fursad aad aniga iigu marqaatifurtaan. Hana ka welwelina waxaad dhihi lahaydeen si aad naftiina u difaacdaan. Waayo waxaan idin siin doonaa xigmad aad ku garataan waxaad dhahdaan, cadowgiinuna idin kuma heli doono hadal is qilaafsan. Xitaa sidoo kale waxaa idin khiyaani doona waalidkiin, walaalihiin, qaraabadiina iyo xitaa saaxiibadiin, qaarkiinna wey dili doonaan. Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa. Laakiin waxba idin ma gaari doonaan. Daacada aad ii tihiin daraadeed waxaad heli doontaan noloshiina. “Markaad aragtaan Yeruusaalem oo ey ciidamo hareereeyeen, waxaad ogaataan in waqtigii duminteeda la gaaray. Haddaba kuwa Yahuudiya joogaa ha u cararaan buuraha, kuwa magaalada Yeruusaalem joogana ha ka baxaan, kuwa banaanka ka joogana yeysan ku laabanin magaalada. Maxaa yeelay waqtigaas waxaa la ciqaabayaa dadka Yeruusaalem si looga dhabeeyo waxa ku qoran kitaabka. Waqti dhib badan ayey u ahaan doontaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya! Waayo dhulka waxaa ka dhici doona dhibaato aad u daran dadkana waxaa ku dhici doona carada Illaahey. Qaarkood waxaa lagu dili doonaa seefo qaarka kalana waxaa loo kaxaysan doonaa waddama kale iyagoo maxaabiis ah. Magaalada Yeruusaalemna waxaa la wareegi doona dad aan Illaahey garaneyn illaa uu dhamaado waqtigii uu Illaahey ugu talagalay dadka aan Yuhuudda ahayn iney xukumaan. “Calaamado layaab leh ayaad ku arki doontaan qoraxda, dayaxa iyo xiddigaha. Dadka dhulka joogtana waxey ka welweli doonaan oo ka cabsan doonaan guuxa badda iyo awoodda hirarkeeda. Dadkuna waxey la suuxi doonaan argagax, waxa aduunka ka dhacaya daraadiis. Awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa. Markaas ayey dadku arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imaanaya isaga oo awood weyn iyo ammaan leh. Goortii ey waxan oo dhan bilowdaan iney dhacaan, istaaga madaxiinana kor u qaada, waayo madax furashadiinu wey soo dhawaatay.” Ciise ayaa haddana u sheegay tusaalahaan, “Fiiriya geedka berdaha ah iyo geedaha oo dhan. Markey caleemo bixiyaan, waad garaneysaan in roobku dhowyahay. Sidaas markaad aragtaan waxyaalahan oo dhacaya waad ogtihiin in boqortooyada Illaahey ey dhowdahay. “Runtii waxaan idin ku leeyahay, dadka qarnigaan wey noolaan doonaan illaa ey waxyaalahan oo dhan ka dhacaan. Cirka iyo dhulka wey dhamaan doonaan, laakiin ereyadaydu weligood ma dhamaan doonaan. “Iska jira, iney qalbiyadiinu ku mashquulaan cunid badan iyo sarqaamid iyo ka welwelida nolosha. Haddii kale maalintaas waxey idin ku soo kadin doontaa sida dabin oo kale. Weyna u imaan doontaa qof walboo aduunka jooga. Is ilaaliya, mar walbana ku duceysta si aad u awoodaan inaad ka baxsataan waxaas dhici doona, oo aad u awoodaan inaad hor istaagtaan Wiilka Aadanaha.” Maalin walba Ciise wuxuu dadka wax ku barayay macbadka, habeen walbana wuxuu aadayay buur la yiraahdo Buur Saytuun, dadkuna waxey ku soo kalahayeen macbadka si ey isaga u dhageystaan. Haddaba waxaa soo dhawaatay Dabaaldagii Kimista aan Khamiirka lahayn oo la oran jiray Iidda Kormaridda. Gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muusana waxey raadinayeen qaab ey Ciise ku dilaan, waayo waxey ka cabsanayeen dadka. Markaas ayuu Shaydaanku galay Yuudas, kaasoo lagu magacaabi jiray Iskariyod, wuxuuna ka mid ahaa laba iyo tobankii xerta Ciise. Markaas ayuu u tagay gudoomiyayaashii wadaaddada iyo madaxdii askarta macbadka si uu u soo gacangeliyo Ciise. Aad ayey arintan ugu farxeen waxeyna kula heshiiyeen iney xoogaa lacaga siiyaan. Wuuna ogolaaday, wuxuuna bilaabay inuu raadiyo fursad uu Ciise kusoo gacangeliyo mar eysan dad badan joogin. Waxaa la gaaray maalintii Dabaaldega Kimista aan Khamiirka lahayn taas oo ey tahay in la qalo wanka Kormaridda. Markaas ayuu Ciise ku yiri Butros iyo Yooxanaa, “Taga oo noo diyaariya cashada Dabaaldega Iidda Kormaridda.” Markaas ayey weydiiyeen, “Halkee ayaad dooneysaa inaan ku diyaarino?” Wuxuu ku yiri, “Markaad gashaan magaalada, waxaad la kulmi doontaan nin ashuun biyo ah wada. U raaca guriga uu u socdo, kuna dhaha ninka guriga leh, ‘Macalinku wuxuu kugu yiri, waa xaggee qolka martida, meesha aan kula cunayo xerteyda cashada Iidda Kormaridda?’ Wuxuu idin tusi doonaa qol weyn oo qeybta sare ah oo goglan. Halkaas cashada noogu diyaariya.” Markaas ayey Butros iyo Yooxanaa tageen oo wixii Ciise ku yiri ayey la kulmeen. Sidaa darteed waxey diyaariyeen cashada Iiddii kormaridda. Markii waqtigii cashada la gaaray, Ciise wuxuu la fariistay rasuulladii. Wuxuuna ku yiri, “Waxaan aad u rabay inaan idin la cuno cashadan Dabaaldega Iidda Kormaridda inta aanan lay silcin ka hor. Waxaan idin ku leeyahay in aanan idin la cuni doonin cashada Kormaridda mar kale illaa laga oofiyo boqortooyada Illaah.” Kadibna koobkuu kor u qaaday, Illaahey ayuuna u mahadceliyay isaga oo leh, “Koobkan qaata oo wada caba. Waayo waxaan idin ku leeyahay, mar dambe ma cabi doono miraha geedka canabka ah illaa ey boqortooyada Illaah ka timaado.” Wuxuu kaloo kor u qaaday kibis, Illaahey ayuu u mahadceliyay wuuna kala gooyay, iyagii ayuuna siiyay isaga oo leh, “kibistan waa jirkeygi oo la idiin bixiyay. Sidan sameeya si aad iigu xasuusataan.” Sidaas si la mid ah, cashada kadib wuxuu qaaday koobkii isaga oo leh, “Kani waa axdiga cusub ee dhiigeyga kaasoo la idiin daadshay. Laakiin kan i gacan galin doona miiskuu ila fadhiyaa! Wiilka Aadanahu waa inuu dhinto sidii uu Illaahey qorsheeyay. Laakiin waa u hoog kan gacan galinaya!” Markaas ayey xertii dhexdooda is weydiiyeen yaa waxan oo kale sameyn kara. Waxey kaloo ku doodayeen keebaa dhexdooda ugu weyn. Kadibna Ciise ayaa ku yiri, “Boqorrada dadka aan Yuhuudda ahayn dadkooda ayey xoog ugu taliyaan, kuwa awoodda isticmaalana waxey isku sheegaan iney dadka asxaan u sameeyaan. Laakiin idinku ma aha inaad sidaas noqotaan. Balse kan dhexdiina ugu weyn waa inuu noqdaa kan ugu yar, kan madaxda idiin ahna waa inuu noqdaa sida kan adeega. Haddaba keebaa weyn, kan miiska fadhiya mise kan u adeegaya? Miyuusan weynayn kan loo adeegayo? Laakiin waxaan dhexdiina ka ahaa sida midka adeega. Waxaad tihiin kuwo ila joogay waqtiyadii dhibtaydoo dhan. Sidaa darteed waxaan idin siinayaa awood aad ku xukuntaan boqortooyada, siduu Aabahay ii siiyay oo kale, si aad miiska boqortooyadeyda igula fariisataan, cabtaan, cuntaan oo carshiyada ku fariisataan si aad u xukuntaan laba iyo tobanka qabiil ee reer Israa’iil.” Kadibna Ciise wuxuu la hadlay Simoon oo ku yiri, “Simoonow, Simoonow, Shaydaanku wuxuu weydiistay inuu idin shaandheeyo dhamaantiin sida sarreenka. Laakiin Simoonow, waxaan Illaahey kaaga baryay in uusan iimaankaagu daciifin. Ee markaad toobadkeento, dhiirigeli walaalahaa.” Laakiin Simoon ayaa ku jawaabay, “Sayidow, waxaan diyaar u ahay inaan xabsi kula galo oo kula dhinto.” Kadibna Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaan kugu leeyahay, Butrosow, maanta inta uusan diiqu ciyin ka hor, waxaad i dafiri doontaa inaad itaqaan saddex jeer.” Kadibna Ciise ayaa weydiiyay xertii, “Markaan idin diray lacag la’aan, boorso la’aan iyo kabo aad ku badalataan la’aantood, miyaad wax weydeen?” Waxey ku jawaabeen, “Maya.” Markaas ayuu ku yiri, “Laakiin hadda, haddaad haysato lacag qaado, haddaad haysato boorso qaado, qofkii aan lahayn seefna ha iibiyo dharkiisa qaar ka mid ah seef haku gato. Waayo waxaa kitaabka ku qoran ‘Waxaa isaga lagu daray kuwa sharci laawayaasha’ waxaan idin leeyahay waxa nebiyadu iga qoreen waa in layga dhabeeyo, maxaa yeelay waxaa la gaaray waqtigii laga dhabayn lahaa wixii layga qoray.” Xertii ayaa Ciise ku yiraahdeen, “Fiiri Sayidow, waxeynu haysanaa laba seefood.” Wuxuu ugu jawaabay, “Bas naga dhaha hadalkan!” Ciise sidii caadada u ahayd wuxuu aaday Buur Saytuun, xertiisina wey raaceen. Markey meeshii gaareen ayuu xertiisi ku yiri, “Duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin.” Kadibna xoogaa ayuu ka fogaaday xertii, jilbaha ayuuna dhulka dhigay oo duceystay isaga oo leh, “Aabow, hadday doonistaada tahay, koobkan silaca ah iga leexi. Laakiin yeysan doonisteyda noqon, ee doonistaada ha ahaato.” Markaas ayaa malag samada kaga muuqday si uu u xoogeeyo. Laakiin Ciise wuxuu ku jiray xaalad aad u adag, wuxuuna usii duceystay si aad ah, dhididkiisuna wuxuu dhulka ugu dhacayay sidii dhibco dhiigga oo kale. Markii uu ducadii dhameystay oo uu xertiisi ku laabtay, wuxuu u yimid iyagoo murugo darteed la hurda. Wuxuuna weydiiyay, “Maxaad la hurudaan? Kaca oo duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin.” Intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid dad badan, waxaana hogaaminayay Yuudas, mid ka mid ah laba iyo tobankii xerta ahaa. Wuxuu u soo dhawaaday Ciise oona dhunkaday. Laakiin Ciise ayaa weydiiyay, “Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacan galineysaa dhunkasho?” Markey xertii Ciise arkeen waxa dhici raba, waxey yiraahdeen, “Sayidow, ma ku weerarnaa dadkan seefaheena?” Markaas ayaa mid ka mid ah xertii ku dhuftay seef adoonkii wadaadka sare, wuxuuna ka gooyay dhagta midig. Laakiin Ciise ayaa ku jawaabay, “Joojiya waxan aad sameyneysaan!” Wuxuuna taabtay dhagtii adoonka wuuna bogsiiyay. Kadibna Ciise ayaa ku yiri gudoomiyayaashii wadaaddada, madaxdii askarta macbadka iyo odayaashii, kuwaas oo u yimid iney qabtaan isaga, “Maxaad ula timaadeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidii inaan ahay tuug? Maalin walba waxaan idin la joogay macbadka, waxna iguma eydan sameynin. Laakiin tani waa fursadiini, markey awoodda Shaydaanku wax xukumeyso.” Kadib Ciise waa la qabtay waxaana loo kaxeeyay gurigii wadaadka sare. Butrosna meel fog ayuu kasoo daba socday. Markey soo gaareen gurigii wadaadka sare, askartii waxey deyrka ka shideen dab ey isku kululeeyaan, geesaha ayeyna ka fariisteen Butrosna wuu la fariistay. Gabar shaqaale ah ayaa ku garatay Butros iftiinkii dabka. Markey si aad ah u fiirisay ayey tiri, “Ninkan Ciise ayuu la joogi jiray.” Laakiin Butros wuu dafiray, oo yiri, “Gabaryahay, anigu maba garanayo isaga.” Muddo yar kadib qof kale ayaa arkay oo yiri, “Adiguna waxaad ka mid tahay xertiisa.” Butros ayaa ku jawaabay, “Nin yahow, kama mid ihi xertiisa!” Muddo hal saac kadib ah nin kale ayaa ku cadeeyay oo yiri, “Run ahaantii ninkan Ciise ayuu la jiray, maxaa yeelay waa reer Galili.” Haddana Butros ayaa ku jawaabay, “Nin yahow, ma garanayo waxaad ka hadleyso!” Intuu weli hadlayay, diiqii ayaa ciyay. Kadibna Sayid Ciise wuu soo jeestay oo Butros fiiriyay. Butrosna wuxuu xasuustay hadalkii uu Sayidku kula hadlay ee ahaa, “Maanta inta uusan diiqu ciyin ka hor, waxaad i dafiri doontaa saddex mar.” Kadib Butros banaanka ayuu uga baxay gurigii wadaadka sare aad ayuuna u ooyay. Nimankii Ciise ilaalinayay ayaa ku jeesjeesay oo garaacay. Kadibna indhaha ayey ka xireen, oo garaaceen, iyagoo leh, “Haddaad nebi tahay noo sheeg yaa markaan kugu dhuftay?” Qaabab badan ayeyna ugu jeesjeeseen oo u caayeen Ciise. Markii aroortii la gaaray, waxaa kulmay odayaashii, oo kala ahaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga Muuse, waxaana la hor geeyay Ciise. Waxeyna ku yiraahdeen, “Noo sheeg haddaad Masiixa tahay.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddaan idiin sheego, ima rumeysan doontaan, haddaan idin weydiiyana iigama jawaabi doontaan. Laakiin hadda laga bilaabo, Wiilka Aadanahu wuxuu fariisan doonaa dhinaca gacanta midig ee Illaaha awoodda leh.” Markaas ayey kuligood weydiiyeen, “Haddaba adiga miyaa Wiilka Illaah?” Wuxuu ugu jawaabay, “Waad tiraahdeen inaan ahay.” Markaas ayey yiraahdeen, “Maxaan uga baahannahay marqaati kale? Waayo anaga ayaaba afkiisa ka maqalnaye.” Kadib dadkii meesha iskugu yimid ayaa kacay oo Ciise u kaxeeyay Bilaatos xaggiisa. Waxeyna bilaabeen iney eed korka ka saaraan, iyagoo dhahaya, “Waxaan soo qabanay ninkan rabshada ka dhex wada dadkeena. Wuxuu diiday in canshuur la siiyo Kaysar wuxuuna sheegtay inuu yahay Masiixa, kan boqorka ah.” Kadib Bilaatos ayaa Ciise weydiiyay, “Oo adigu ma boqorka Yuhuudda ayaad tahay?” Ciise ayaa jawaabay oo yiri, “Adiga ayaa sidaas yiri.” Intaas kadib Bilaatos ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo dadkii ku yiri, “Ma hayo wax cadayn ah oo aan ninkan ku xukumo.” Laakiin waxey ku soo celceliyeen, “Dadka Yahuudiya jooga oo dhan ayuu ku duufsanayaa waxbaridiisa. Wuxuu kasoo bilaabay Galili waana kan halkan yimid.” Bilaatos markii uu intaas maqlay ayuu weydiiyay ninku inuu yahay reer Galili. Markii uu ogaaday Ciise inuu kasoo jeedo meesha uu Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kaasoo waqtigaas joogay Yeruusaalem. Herodos markii uu Ciise arkay aad ayuu ugu farxay, sababtoo ah muddo dheer ayuu rajeynayay inuu arko. Waxyaalaha uu ka maqlay awgeed, wuxuu rabay inuu mucjiso hortiisa ku sameeyo. Wuxuu weydiiyay su’aalo badan, laakiin Ciise wax jawaab ah ma siinin. Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga Muuse ee halkaas joogay ayaa si kulul usii eedeeyay Ciise. Kadib Herodos iyo askartiisi ayaa ceebeeyay oo bahdilay Ciise. Intey dhar wanaagsan oo u eg midka boqorku xirto u geliyeen ayey dib ugu celiyeen Bilaatos. Maalintaas Herodos iyo Bilaatos ayaa saaxiibay. Oo xiligaas ka hor waxey isku ahaayeen cadow. Bilaatos ayaa iskugu yeeray gudoomiyayaashii wadaaddada, hogaamiyayaashii iyo dadkii, wuxuuna ku yiri, “Ninkan waxaad iigu keenteen inuu yahay midka dadka wadada ka luminayo. Hortiina ayaan ku wareystay wax dembi ah oo aad kusoo dacwooteenna kuma helin. Herodosna sidoo kale, oo waa isaga dib noogu soo celiyay, sida aad aragtaan, ma uusan sameynin wax uu dhimasho ku mutaysto. Sidaa darteed waan ciqaabayaa kadibna waan sii deynayaa.” [ Marka lagu guda jiro dabaaldaga Kormaridda Bilaatos wuxuu usii dayn jiray hal maxbuus.] Laakiin dadkii oo dhan ayaa ku qayliyay, “Dil ninkan! Oo noosoo daa Baraabbas!” (Baraabbas waxaa lagu xiray qalad uu ka galay dowladda, iyo dil uu geystay.) Bilaatos isaga oo raba inuu Ciise sii daayo, ayuu dadkii mar kale la hadlay. Laakiin waxey ku qaylinayeen, “Ku qodob iskutallaabta, ku dil iskutallaabta!” Markii saddexaad ayuu ku yiri, “Oo sabab? Waa maxey dembiga uu ninkan galay? Wax qalad ah oo uu dhimasho ku mutaysto kuma helin. Sidaa darteed waan ciqaabayaa kadibna waan sii deynayaa.” Laakiin qaylo dheer iyagoo ku amraya ayey ugu soo celceliyeen waa in iskutallaabta lagu qodbaa. Markaas ayuu Bilaatos go’aansaday inuu ku raaco amarkooda. Wuxuu sii daayay ninkii xabsiga loogu tuuray kacdoonka iyo dilka, midka ey ka codsadeen, Ciisena ugu gacan galiyay sidii ey rabeen. Askartii markey Ciise usii wadeen meeshii lagu dili lahaa, waxey qabteen nin la yiraahdo Simoon oo kasoo jeeda magaalada Sayriin, kaasoo usii socday Yeruusaalem, intey iskutallaabta korka ka saareen ayey dhaheen Ciise daba soco. Dad fara badan ayaa soo raacay Ciise, xitaa dumar iyagoo dartiis u qiiroonaya oo u barooranaya. Ciise ayaa intuu soo jeestay ku yiri, “Gabdhihii Yeruusaalemow, ha ii ooyina aniga naftiina iyo caruurtiina u ooya. Waxaa dhici doonta waqti aad oran doontaan, ‘Waxaa barakeysan haweeneyda aanan ilmo lahayn, minkii aanan weligiis wax qaadin iyo naasihii aanan weligood wax nuujinin!’ Kadib “ ‘Waxey buuraha ku dhihi doonaan, “Nagu soo dul dhaca!” Waxey sidoo kale ku dhihi doonaan buuraha yar yar, “Na qariya!” ’ Oo haddii ey dadka sidan sameeyaan intuu geedka cagaaranyahay, maxaa dhici doona markii uu qalalo?” Laba nin oo kale, oo labadoodaba dembiilayaal ah, ayaa lala xiray si loola dilo. Markey yimaadeen meel la yiraahdo Lafta Madaxa oo ey romaaniyiintii dadka ku dili jireen, waxey halkaas Ciise iskutallaabta kula qodbeen dembiilayaashii, mid ayaa midigta ka xigay kan kalana bidixda. Ciise ayaana yiri, “Aabow cafi iyaga, sababtoo ah ma garanayaan waxey sameynayaan.” Kadibna waxey qori tuur u sameeyeen iney dharkiisi kala qeybsadaan. Dadkii ayaa u istaagay si ey u fiirsadaan hogaamiyayaashiina wey ku jeesjeesayeen. Iyagoo dhahaya, “Wuxuu badbaadiyay dad kale, ee dhaafa naftiisa ha badbaadiyo haddii uu yahay Masiixa Illaah, Midkii la Doortay.” Askartii ayaa sidoo kale bilaabeen iney bahdilaan waxey siiyeen khamri dhanaan, waxeyna ku yiraahdeen, “Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda is badbaadi.” Waxey meel madaxiisa ka sareysa ku qoreen, Kani waa Boqorka Yuhuudda. Mid ka mid ah labadii dembiile ee isaga la qodbanaa ayaa caayay isaga oo ku dhahaya, “Miyaadan ahayn Masiixa? Is badbaadi oo anagana na badbaadi!” Laakiin dembiilihii kale ayaa canaantay oo ku yiri, “Miyaadan Illaahey ka cabsaneyn, ileen isku xukun ayaad tihiine? Anagu si xaq ah ayaa naloo ciqaabay waayo waxaanu helnay ciqaabta u qalanta qaladkii aan galnay. Laakiin ninkan wax dembi ah ma sameynin.” Intaas kadib ayuu yiri, “Ciisow, isoo xasuuso markaad gashid boqortooyadaada.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Run ahaantii waxaan kugu leeyahay, maantay jannada ayaad ila joogi doontaa.” Xiligu wuxuu ku dhawaa duhur, mugdi ayaa qariyay dhulkoo dhan illaa saddexdii duhurnimo, qoraxdii ayaa madoobaatay. Daahii macbadkana laba meel ayuu u kala jeexmay. Ciise ayaa cod dheer ku dhawaaqay oo yiri, “Aabow, adiga ayaan ruuxdeyda kuu dhiibay.” Markii uu saas yiri, ayey nafta ka baxday. Boqol u taliyihii ayaa markii uu arkay waxa dhacay, Illaahey ammaanay oo yiri, “Xaqiiqdii wuxuu ahaa nin xaq ah.” Markey dadkii meesha iskugu yimid arkeen waxa dhacay, intay ka murugoodeen ayey meeshii ka tageen. Laakiin dhamaan intii isaga taqaanay, xitaa dumarkii kasoo raacay Galili, meel fog ayey istaageen oo ey ka fiirsanayeen waxyaalahaas. Waxaa jiray nin la yiraahdo Yuusuf, kaasoo ka mid ahaa gudiga gudoomiyayaasha, oo sidoo kale ahaa nin wanaag badan oo xaq ah, mana uusan ahayn mid ku raacsan go’aankooda iyo ficilkoodaba. Wuxuu ka yimid Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, isaguna wuxuu sugayay boqortooyada Illaah. Wuxuu u tagay Bilaatos oo weydiistay jirka Ciise. Kadib intuu soo dajiyay, oo uu maro fiican ku duubay ayuu galiyay xabaal aanan weli qof la galinin, dhagax ayuuna ku daboolay. Waxey ahayd maalintii cunto diyaarinta, oo ey Sabti soo galaysay. Dumarkii Ciise Galili kala yimid ayaa Yuusuf soo raacay waxeyna arkeen qabriga iyo sida jirka Ciise loo dhex dhigay. Kadib guriga ayey tageen oo waxey u diyaariyeen dhir udgoon iyo cadar. Laakiin wey nasteen maalintii Sabtida ahayd iyagoo adeecaya amarrada. Maalintii koowaad ee usbuuc, mar ey ahayd subaxnimo hore, ayaa haweenkii qaadeen dhirtii udgooneyd oo ey diyaariyeen waxeyna aadeen dhankii xabaasha. Waxey arkeen dhagaxii oo xabaasha laga qaaday, laakiin markey galeen, wey waayeen jirkii Sayid Ciise. Iyagoo arintan ka yaaban, isla markiiba laba nin oo xiran dhar iftiin nuuraya ah ayaa agtooda soo istaagay. Naxdin iyo cabsi darteen haweenkii dhulka ayey ku dhaceen oo wey sujuudeen, laakiin nimankii ayaa ku yiri, “Maxaad kan nool kuwa dhintay uga dhex raadineysaan? Halkan ma joogo, wuu sarakacay! Xasuusta wixii uu idiin sheegay markii uu Galili idin la joogay. ‘Wiilka Aadanahu wuxuu u gacan gali doonaa dembiilayaal, waxaana lagu qodbi doonaa iskutallaabta maalinta saddexaadna wuu sarakici doonaa.’  ” Kadib ayey soo xasuusteen ereyadiisi. Markey qabriga kasoo laabteen, waxey u sheegeen waxyaalahan kow iyo tobankii ahaa xerta Ciise iyo dadka oo dhan. Maryantii reer Magdala, Yo’anna, Maryan Yacquub hooyadiis, iyo kuwa kale oo la socday ayaa u sheegay arintan rasuullada. Laakiin ma eysan aaminin dumarka hadalkooda, sababtoo ah hadalkooda wuxuu ula ekaa wax aan micno lahayn. Si kastaba ha ahaatee, Butros ayaa istaagay oo ku orday qabrigii. Markii uu ku dul foorarsaday, wuxuu arkay maryihii kaliya oo meesha yaala, wuuna kasoo tagay isaga oo la yaaban waxa dhacay. Isla maalintaas laba xertiisa ka mid ah ayaa u socday tuulo loo yaqaano Emma’us, oo toddoba mayl u jirta Yeruusaalem. Waxey ka sheekeysanayeen waxyaalihii dhacay. Iyagoo sheekadii ka wada hadlaya, Ciise ayaa yimid oo dhinac socday, laakiin waa laga qariyay iney gartaan. Wuxuu weydiiyay, “Maxaad ka sheekeysaneyseen intaad wadada socoteen?” Wey istaageen iyagoo ka xun oo murugo ka muuqato. Mid iyaga ka mid ahaa oo la yiraahdo Kale’obas, ayaa weydiiyay, “Adigu ma waxaad tahay martida kaliya ee Yeruusaalem timid oo aanan ka war haynin waxyaalihii dhacay maalmahan?” Wuxuu weydiiyay, “Waxyaalahee?” Waxey ugu jawaabeen “Wax ku saabsan Ciisihii reer Naasared, wuxuu ahaa nebi, awood ku leh erey iyo ficil Illaahey hortiisa iyo dadka hortoodaba. Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo hogaamiyayaasha ayaa gacan galiyeen si dhimasho loogu xukumo, waxeyna ku qodbeen iskutallaabta. Laakiin waxaan rajeyneynaa inuu noqdo midkii reer binu Israa’iil madax furan lahaa. Waxaa intaas sii dheer, waa maalintii saddexaad illaa intii ey waxan oo dhan dhaceen. Mida kale, qaar haweenkeena ka mid ah ayaa naga yaabiyay. Saakay ayey tageen xabaasha, Laakiin ma eysan ka helin jirkiisi. Wey noo yimaadeen oo waxey noo sheegeen iney arkeen malaa’ig u muuqatay, oo ku tiri wuu nool yahay. Kadib qaar naga mid ah ayaa tageen qabriga waxeyna ogaadeen iney tahay sidii ey haweenku sheegeen, mana eysan arkin Ciise.” Kadib Ciise ayaa ugu jawaabay, “Doqonsanidiinaa, maxey idin kugu adagtahay inaad rumeysataan waxyaalihii ey nebiyaashii dhaheen! Miyaysan ahayn in Masiixu uu u silco waxyaalahan kadibna uu galo Ammaantiisa?” Laga soo bilaabo Muuse iyo nebiyaashii oo dhan, wuxuu u sharaxay waxa qorniinku yiri ee isaga ku saabsan. Markey gaareen tuuladii ey u socdeen, Ciise horey ayuu usii socday. Laakiin aad ayey u baryeen, “Na la joog, waa gabal dhac, maalintii wey dhamaatay.” Markaas ayuu raacay si uu ula joogo. Markii uu miiska la fariistay, ayuu intuu rooti qaaday, oo uu Illaahey u mahadceliyay, ayuu kala jabiyay kadibna iyaga ayuu u qeybiyay. Markaas ayey indhaha u furmeen oo garteen, kadibna wuu iska qariyay aragooda. Waxey is weydiiyeen, “Maxaan wax u dareemi weynay markii uu wadada nagula hadlayay oo uu qorniinka noo sharaxayay?” Intey kaceen ayey hal mar Yeruusaalem ku soo laabteen. Halkaas ayey kula kulmeen kow iyo tobankii iyo kuwo iyaga la jooga oo meel iskugu yimid! Iyagoo dhahaya, “Waa run Sayidka wuu sarakacay oo wuxuu isku muujiyay simoon.” Kadib ayey labadoodi u sheegeen wixii wadada ka dhacay, iyo iney Ciise ku garteen markii uu rootiga kala jabiyay. Iyagoo weli ka hadlaya wixii dhacay, isla waqtigaas waxaa dhex taagnaa Ciise oo ku yiri, “Nabad ha idin la jirto.” Wey argagaxeen oo isku naxeen, iyagoo u maleeyay iney arkeen ruuxaan. Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Maxaad u naxeysaan? Maxaase maankiina shaki u soo galay? Fiiriya gacmaheyga iyo lugahayga si aad u xaqiiqsataan inaan Ciise ahay! Taabta jirkayga si aad u hubisaan inaan sidiina oo kale leeyahay jir iyo laf, oo aanan ahayn ruuxaan.” Markii uu intaas yiri kadib wuxuu iyaga tusay gacmahiisi iyo lugahiisi si ey u xaqiijiyaan. Farxad iyo yaab dartood ayey la rumeysan waayeen, markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Wax la cuno ma haysaan?” Markaas ayey siiyeen kalluun karsan, wuuna cunay iyagoo arkaya. Wuxuuna ku yiri, “Waxaan hadda dhacaya waa waxaan idin ku iri markaan idin la joogay, waa ineyna dhab noqdaan wax walboo aniga laygaga qoray kitaabadii sharciga Muuse, kitaabada nebiyada iyo Sabuurradaba.” Kadibna wuxuu ku caawiyay iney fahmaan qorniinka. Wuxuuna ku yiri, “Kitaabka waxaa ku qoran, Masiixu waa inuu silcaa dhimashadana ka sarakacaa maalinta saddexaad, toobadkeenka iyo cafiska dembigana magaciisa ayaa looga wacdin doonaa quruumaha oo dhan, laga bilaabo Yeruusaalem. Idinkuna waa inaad ka marqaatifurtaan. Waxaana idiin soo diri doonaa Ruuxa Quduuska ah siduu Aabahay iga ballan qaaday, laakiin magaalada Yeruusaalem jooga illaa awood samada idin kaga timaado.” Kadibna Ciise wuxuu u kaxeeyay xertiisi meel ku dhow Beytaniya, markaas ayuu gacmaha kor u qaaday oo barakeeyay iyagii. Intuu barakeynayay ayuu tagay oo kor samada loogu qaaday. Markaas ayey u sujuudeen, kadibna ku laabteen Yeruusaalem iyagoo faraxsan. Waxeyna si joogta ah u joogeen macbadka, iyagoo Illaahey ammaanaya. Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Illaahey, Ereyguna wuxuu ahaa Illaahey. Isagu Illaahey ayuu la jiray Ilaa bilowgii. Wax walbana ereygaas ayaa lagu sameeyay, wixii la sameeyeyna lama sameyn la’aantiis. Isaga waxaa ku jiray nolol, noloshaasna waxey ahayd iftiinka binu aadanka oo dhan. Iftiinkaasna wuxuu ka dhex ifayaa mugdiga, mugdiguna kama awood badinin. Waxaa jiray nin Illaahey soo diray oo la yiraahdo Yooxanaa. Kaasoo u yimid marqaati ahaan inuu u marqaatifuro waxa ku saabsan iftiinkaas, si dartiis kuwa badan u aaminaan. Isagu ma ahayn iftiinka laakiin wuxuu u yimid inuu u marqaatifuro iftiinkaas. Iftiinka runta ah ee dadka oo dhan iftiinka siiya ayaa aduunka imaanayay. Ereygu wuxuu joogay aduunka, inkastoo aduunka isaga laga sameeyay, laakiin dunidu ma eysan garanin isaga. Wuxuu u yimid aduunkii uu lahaa, laakiin ma eysan aqbalin isaga. Balse mid walboo isaga aqbalay iyo mid walboo magaciisa aaminay wuxuu siiyay xaq ey ku noqdaan caruurta Illaahey. Caruur taas oo aan sida dabiiciga u ah binu aadanka loo dhalin, laakiin ah caruur xagga Illaahey ka dhashay. Ereygii wuxuu noqday jir oo dhexdeena ayuu ku noolaaday. Ammaantiisa ayaan aragnay, ammaanta Wiilka kaliya ee ka yimid Aabaha isaga oo ey ka buuxdo nimco iyo run. Yooxanaana isaga ayuu u marqaatifuray oo yiri, “Kan waa kii aan idiin sheegay inuu imaan doono! Wuu iga awood weyn yahay waayo wuxuu noolaa inta aanan dhalanin ka hor.” Isaga dartiis ayaan ku helnay nimco buuxda. Waayo sharciga waxaa la siiyay Muuse, laakiin Ciise Masiix ayaa noo keenay nimcada iyo runta. Qofna weligiis ma arkin Illaahey, laakiin Wiilka kaliya oo isaguba ah Illaahey, xiriir fiicanna la leh Aabaha ayaa noo muujiyay Illaahey. Kani waa marqaatifurkii Yooxanaa, markii hogaamiyayaashii Yuhuudda ee joogay Yeruusaalem u soo direen wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah si ey u soo weydiiyaan qofka uu yahay. Markaas ayuu si cad u yiri, “Masiixa ma ihi.” Markaas ayey weydiiyeen, “Haddaba yaa tahay? Ma waxaad tahay Eliyaas?” Wuxuu ku jawaabay, “Maya ma ihi.” “Ma waxaad tahay nebi?” Wuxuu ugu jawaabay, “Maya.” Ugu dambeyntii waxey yiraahdeen, “Yaa tahay? Na sii jawaab aan u geyno kuwii na soo diray. Noo sheeg yaad tahay?” Markaas ayaa Yooxanaa ku jawaabay ereyadii nebi Isayos, “Waxaan ahay codka kan cidlada ka dhawaaqaya oo leh, ‘Waddooyin toosan Rabbiga u sameeya.’ ” Haddaba Farrisiintii isaga loo soo diray ayaa weydiiyeen, “Maxaad dadka u baabtiiseysaa haddaadan ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebi?” Yooxanaa ayaa ugu jawaabay, “Anigu waxaan ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiina waxaa taagan qof eydan garaneyn. Inkastoo aan kasoo horeeyay, laakiin ma istaahilo inaan suumanka kabahiisa furo.” Waxyaalahan oo dhan waxey ka dhaceen Beytaniya dhinaca kale ee webi Urdun, halkaas oo uu Yooxanaa dadka ku baabtiisayay. Maalintii ku xigtay ayaa Yooxanaa arkay Ciise oo dhinaciisa u soo socda markaas ayuu yiri, “Fiiriya, Wankii Illaahey kaasoo qaada dembiga aduunka! Waa kii aan idiin sheegay markaan iri, ‘Qof kale ayaa imaan doona kaasoo iga awood weyn waayo wuxuu noolaa inta aanan dhalanin ka hor.’ Anigu xitaa ma garaneynin isaga, laakiin sababta aan biyaha idiin kugu baabtiisayo waa in isaga Israa’iil loo muujiyo.” Kadib Yooxanaa ayaa u marqaatifuray oo yiri, “Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degay qoolley ahaan oo isaga kor istaagay. Waxyaalahan inteysan dhicin ka hor anigu xitaa ma garaneyn qofka uu yahay, laakiin kan ii soo diray inaan biyo wax ku baabtiiso ayaa ii sheegay isaga oo leh, ‘Waxaad arki doontaa nin uu Ruuxu kusoo dul degi doono. Markaas ayaad ogaan doontaa inuu yahay kan wax ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.’ Waan arkay waana ka marqaatifurayaa inuu kani yahay midka Illaahey doortay.” Maalintii ku xigtayna Yooxanaa halkii ayuu joogay oo laba xertiisa ka mid ah ayaa la joogay. Markii uu arkay Ciise oo meeshaas maraya ayuu yiri, “Fiiriya, Wankii Illaahey!” Labadii xertiisa ahayd ayaa markey arintaas maqleen Ciise raacay. Markii uu Ciise gadaal u jeestay oo uu arkay iyagoo soo daba socda ayuu ku yiri, “Maxaad dooneysaan?” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Rabbiyow! Taas oo micnaheedu yahay macalin, halkeed degantahay?” Wuxuu ku jawaabay, “Kaalaya, waad arki doontaane.” Markaas ayey raaceen oo soo arkeen halkii uu joogay, maalintaasna wey la joogeen. Waxeyna ahayd afartii galabnimo. Mid ka mid ah labadii nin ee maqashay wixii uu Yooxanaa yiri oo Ciise soo raacay wuxuu ahaa Andaros oo ahaa Simoon Butros walaalkiis. Wixii ugu horeeyay uu Adaros sameeyay waxey ahayd inuu walaalkiis Simoon u sheegay oo ku yiri, “Waxaan aragnay Masiixa!” Kaasoo micnahiisu yahay Kiristooska. Wuxuuna u keenay Ciise. Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Waxaad tahay Simoon ina Yooxanaa. Waxaana lagugu yeeri doonaa Keeyfas.” Kaasoo micnahiisu yahay, Butros. Maalintii ku xigtay Ciise wuxuu go’aansaday inuu tago Galili. Halkaasna wuxuu ku arkay Filibos markaas ayuu ku yiri, “Isoo raac.” Filibos sida Andaros iyo Butros ayuu isaguna kasoo jeeday magaalada Beytsayda. Filibosna markii uu arkay Nataana’el ayuu ku yiri, “Waxaan aragnay kii ey sharcigii Muuse iyo nebiyadu wax ka qoreen. Waana Ciisihii reer Naasared ina Yuusuf.” Markaas ayaa Nataana’el yiri, “Ma wax wanaagsan ayaa ka imaan kara Naasared?” Filibosna wuxuu ku yiri, “Kaalay oo arag.” Markii uu Ciise arkay Nataana’el oo soo socda ayuu ku yiri, “Haddaba waa kan reer Israa’iilkii runta ahaa kaasoo aan khiyaanoole ahayn.” Markaas ayuu Nataana’el Ciise ku yiri, “Sidee ayaad igu garatay?” Ciisana wuxuu ku jawaabay, “Waxaan ku arkay markaad geedka berdaha ah hoos fadhiday Filibos inta uusan kuu wicin ka hor.” Nataana’elna wuxuu yiri, “Macalinow, waxaad tahay Wiilka Illaahey, waxaadna tahay boqorka Israa’iil.” Ciisana wuxuu yiri, “Ma waxaad u aamintay inaan ku iri geedka berdaha ah hoostiisa ayaan kugu arkay darteed. Waxaad arki doontaa waxyaalo kuwan ka waaweyn. Runtii waxaan idin ku leeyahay waxaad arki doontaan samada oo furantay oo malaa’igta Illaahey ey u kacayaan kuna soo degayaan Wiilka Aadanaha.” Maalintii saddexaad aroos ayaa ka dhacay Kaana oo Galili ku taala. Ciise hooyadiisna waxey joogtay halkaas. Ciise iyo xertiisana arooskaas ayaa laga casuumay. Markii khamriga dhamaaday ayey Maryan Ciise ku tiri, “Khamrigii wuu dhamaaday.” Markaas ayaa Ciise u jawaabay isaga oo leh, “Hooyo, waqtigeyga lama gaarin ee ha ii sheegin waxaan sameyn lahaa.” Hooyadiisna waxey adeegayaashii ku tiri, “Sameeya wuxuu idin dhaho.” Halkuu arooska ka dhacayay waxaa yaalay lix ashuun oo ey dadku u isticmaalayeen iney gacanta ku dhaqdaan sidii ey caadada Yuhuuddu ahayd. Ashuun walbana wuxuu qaaday boqol toban iyo saddex litir. Ciise wuxuu adeegayaashii ku yiri, “Ashuumada biyo ka buuxiya.” Iyagiina wey buuxiyeen illaa ashuumada afkooda. Kadibna Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Xoogaa biyo ah ka shuba oo u geeya sayidka dabaaldegga maamulaya.” Adeegayaashiina sidaas ayey sameeyeen, sayidkii dabaaldegga maamulayayna wuu dhadhamiyay biyihii lagu badalay khamriga. Mana uusan ogaan meesha ey ka yimaadeen, inkastoo adeegayaashii u keenay ey ogaayeen. Markaas ayaa ninkii sayidka dabaaldegga maamulayay u yeeray ninkii arooska, wuxuuna ku yiri, “Khamriga ugu fiican waxaa la qeybiyaa marka ugu horeysa. Markey martidu in ku filan cabaan ayaa tan kale oo xun la soo saaraa. Laakiin adigu tan ugu wanaagsan ayaad gadaal marisay.” Mucjisadan waxey ahayd mucjisadii ugu horeysay uu Ciise sameeyay, wuxuuna ku sameeyay tuulada Kaana oo Galili ku taala. Halkaas ayuu Ciise ku muujiyay ammaantiisa, xertiisana wey aamineen. Dhacdadaas kadib Ciise wuxuu tagay Kafarna’um isaga oo ey la jiraan hooyadiis iyo xertiisa. Halkaasna dhowr maalmood ayey joogeen. Markii Iiddii Kormaridda ee Yuhuudda soo dhawaatay Ciise wuxuu tagay Yeruusaalem. Macbadka dhexdiisa wuxuu ku arkay dad halkaas ku iibinaya lo’, ido iyo qoolley. Kuwa kalana wey fadhiyeen iyagoo lacag baddalaya. Markaas ayuu Ciise qaatay xarig oo ka dhigtay ul. Kadibna dadkii oo dhan, labadaba idihii iyo lo’dii ayuu macbadka ka saaray, miiskii lacagta lagu baddalayeyna wuu daba gediyay oo qadaadiic wuu daadiyay. Kuwii qoolleyda gadayayna wuxuu ku yiri, “Qoolleyda halkan ka saara! Joojiya inaad guriga Aabahay ka dhigtaan suuq.” Markaas ayaa xertiisi soo xusuusteen qoraalka dhahaya, “Jaceylkaan gurigaaga u qabo sida dabka ayuu ii gubayaa.” Yuhuuddiina waxey ku yiraahdeen Ciise, “Calaamadee ayaad natusi kartaa taas oo cadeyneysa awoodda aad waxyaalahan ku sameyneyso?” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Macbadkan dumiya, aniguna saddex maalmood gudahood ayaan ku dhisi doonaa.” Markaas ayey Yuhuuddii u jawaabeen iyagoo leh, “Afartan sano ayey nagu qaadatay inaan dhisno macbadkan, adiguna waxaad leedahay saddex maalmood ayaan ku dhisi doonaa?” Laakiin Ciise macbadka uu ka hadlayay wuxuu ahaa jirkiisa. Markii uu Ciise dhimashada kasoo sarakacay kadib ayey xertiisi ereyadan uu dhahay xusuusteen. Waxeyna aamineen qorniinkii iyo ereyadii uu Ciise ku hadlay. Haddaba Ciise oo weli Yeruusaalem jooga waqtigii Iidda Kormaridda, dad badan ayaa arkay mucjisooyinkii uu sameynayay oo magaciisa rumeystay. Laakiin Ciise wuu ogaa qalbiyadooda, sidaa darteed ma isku haleynin iyaga. Ma uga baahneyn binu aadanka marqaatifur, waayo wuu ogaa waxa qalbiyadooda ku jira. Waxaa jiray nin la yiraahdo Nikodemos oo Farrisiinta ka mid ahaa wuxuuna sidoo kale taliye u ahaa Yuhuudda. Habeenkii intuu Ciise u yimid ayuu ku yiri, “Macalinow, waan ognahay inaad tahay macalin xagga Illaahey ka yimid. Waayo ma jiro qof mucjisooyinkan oo dhan sameyn kara haddii uusan Illaahey la jirin.” Markaas ayaa Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Runtii waxaan ku leeyahay, qofna boqortooyada Illaahey arki maayo illaa uu mar labaad dhasho maahee.” Nikodemosna wuxuu weydiiyay Ciise, “Sidee ayey ku noqon kartaa qof weyn inuu mar labaad dhasho? Waayo suurtagal ma aha in qofku caloosha hooyadiis ku laabto oo mar labaad la dhalo!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan ku leeyahay, qofna boqortooyada Illaahey gali maayo illaa uu ka dhasho biyo iyo Ruux. Waayo binu aadanku wuxuu dhalaa caruur, laakiin Ruuxa Illaahey oo kaliya ayaa kaa dhigi kara cunugga Illaahey. Ha la yaabin haddaan ku iraahdo, ‘Waa inaad mar labaad dhalataa.’ Dabayshu waxey aadaa meesha ey doonto. Waxaad maqashaa oo kaliya dhawaaqeeda laakiin ma garaneysid meesha ey ka imaaneyso ama meesha ey u socoto. Waa sidaas qof walboo Ruuxa ka dhasha.” Markaas ayaa haddana Nikodemos weydiiyay, “Arintan sidee ayey ku dhici kartaa?” Ciise ayaa ku yiri, “Waxaad tahay macalinka Israa’iil, oo mana fahansanid waxyaalahan miyaa? Runtii waxaan ku leeyahay, waxaan ka hadleynaa wax aan garaneyno, waxaanna u marqaatifurnaa waxaan aragnay, laakiin weli indinku ma eydan aaminin marqaatifur keena. Waxaan kaala hadlay waxyaalaha aduunka laakiin ma aadan aaminin, haddaba sidee ayaad ku aamini doontaa haddaan kaala hadlo waxyaalaha jannada? Qofna weligiis ma uusan tagin jannada waxaanan ka ahayn kan ka yimid jannada, kaasoo ah Wiilka Aadanaha. Sidii uu Muuse markii uu cidlada joogay kor ugu qaaday maska laga sameeyay maarta, Wiilka Aadanahuna sidaas oo kale ayaa kor loogu qaadi doonaa. Mid walboo isaga aaminana wuxuu lahaan doonaa nolosha weligeed ah.” Waayo Illaahey intuu aduunka jaceyl u qabay darteed ayuu siiyay Wiilkiisa kaliga ah, si mid walboo isaga aaminaa uusan u lumin laakiin uu u helo nolosha weligeed ah. Waayo Illaahey uma soo dirin Wiilkiisa inuu aduunka xukumo, laakiin wuxuu u soo diray inuu aduunka badbaadiyo. Mid walboo isaga aaminaa mala xukumi doono, laakiin mid walboo aan isaga aaminin horey ayaa loo xukumay waayo ma uusan aaminin magaca Wiilka kaliya ee Illaahey. Iftiin ayaa aduunka yimid, laakiin dadka sharta sameeyaa waa la xukumay waayo mugdigey ka jeclaadeen iftiinka. Qof walboo waxa sharta leh sameeyaa wuxuu neceb yahay iftiinka, mana u imaanayo iftiinka waayo waxyaalahuu sameeyay ayaa banaanka u soo bixi doona. Laakiin mid walboo sameeya waxa runta ah wuxuu u yimaadaa iftiinka, si ey cadeyn ugu ahaato inuu sameynayo waxyaalaha uu Illaahey doonayay. Kadib Ciise iyo xertiisa waxey tageen dalka Yuhuudiya halkaas ayuu waqti yar la joogay isaga oo dadka baabtiisaya. Haddaba Yooxanaana wuxuu dadka ku baabtiisayay Caynoon oo u dhow Saalim, waayo halkaas biyo badan ayey lahayd, dadkuna halkaas ayey yimaadeen si loo baabtiiso. Waqtigaasna wuxuu ahaa intaan Yooxanaa xabsiga la gelinin. Dood ku saabsan is daahirinta ayaa ka dhex dhacday xertii Yooxanaa iyo nin Yuhuudi ah. Yooxanaa ayey u yimaadeen oo ku yiraahdeen, “Macalinow, ninkii dhinaca kale ee Urdun kula joogay, kan aad u marqaatifuraysay dadka ayuu baabtiisayaa oo qof walbana wuu u tagay.” Yooxanaa ayaa ugu jawaabay, “Qofna wax ma heli karo haddaan samada laga siinin. Idinkuba waad ka marqaatifuri kartaan waxaan idin ku iri, ‘Anigu ma ihi Masiixa laakiin hortiisa ayaa la isoo diray.’ Aroosada waxaa leh ninka arooska ah. Ninka malxiiska ahna isaga ayuu dhageystaa, wuuna ku farxaa markii uu maqlo codkiisa. Sidaa darteed ayaan u faraxsanahay. Isagu waa inuu iga sareeyaa oo aniguna waa inaan ka hooseeyaa.” Wiilka Illaahey wuxuu ka yimaaday jannada wuuna ka sareeyaa kuwa kale oo dhan. Kan aduunka ka yimid waa kii aduunka, waayo wuxuu ku hadlaa waxyaalo ku saabsan aduunka. Laakiin kan ka yimaada jannada qof walba wuu ka sareeyaa. Wuxuu ka marqaatifuraa waxyaalaha uu arkay uuna maqlay, laakiin qofna marqaatifurkiisa ma aqbalin. Laakiin mid walboo isaga aaminaa wuxuu cadeeyay in Illaahey run yahay. Waayo kan Illaahey soo diray wuxuu ku hadlaa ereyada Illaahey, waayo Illaahey Ruuxa qiyaas la’aan ayuu ku bixiyaa. Waayo Aabuhu wuxuu jecel yahay Wiilka wax walbana gacantiis ayuu geliyay. Mid walboo Wiilka aamina wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, laakiin mid walboo Wiilka diida weligiis nolol ma arki doono, carada Illaaheyna wey dul joogtaa. Ciise wuxuu ogaaday in Farrisiinta ey maqleen inuu xerta Yooxanaa xer ka badan helayay uuna baabtiisayay. Laakiin runtu waxey ahayd in xerta Ciise ey dadka baabtiisayeen ee uusan Ciise aheyn. Markaas ayuu ka tagay Yahuudiya oo mar kale aaday Galili. Waxeyna ahayd inuu Samaariya sii dhex maro. Wuxuuna yimid magaalo Samaariya ku taala oo la yiraahdo Sukhar, waxey u dhaweyd dhulkii uu Yacquub siiyay wiilkiisa Yuusuf. Halkaas ceelkii Yacquub ayaa ku yaalay, Ciisana aad ayuu u daalanaa markaas ayuu meeshii ceelka ku yaalay fariistay. Waxaana la joogay duhuradii. Markaas ayaa naag reer Samaariya ah ceelkii timaaday oo waxey rabtay iney biyo ka dhaansato, markaas ayaa Ciise ku yiri, “Fadlan biyo ma isiin kartaa?” Waqtigaas xertiisi waxey tageen magaalada oo waxey dooneen cunto. Markaas ayaa naagtii reer Samaariya waxey Ciise ku tiri, “Waxaan ahay naag reer Samaariya ah, adiguna waxaad tahay nin Yuhuudi ah. Sidee ayaad biyo ii weydiisan kartaa?” Waayo Yuhuudda iyo reer Samaariya xiriir kama dhaxeeyo. Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddaad ogaan lahayd hadiyada Illaahey iyo kan biyaha ku weydiisanaya, isaga ayaad weydiisan lahayd wuxuuna ku siin lahaa biyaha nool.” Naagtii ayaa tiri, “Mudane, ma haysatid weel aad ku darsatid ceelkuna aad ayuu u dheer yahay. Halkeed ka heli kartaa biyahan nool? Miyaad ka weyn tahay awoowgeen Yacquub, kaasoo na siiyay ceel uu isagu xitaa ka cabay. Sidoo kale wiilashiisa iyo xoolahooduna ka cabeen?” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabey, “Mid walboo biyahan caba wuu oomi doonaa, laakiin mid walboo caba biyaha aan isaga siiyo weligiis ma oomi doono. Biyaha aan siin doono waa sida il biyo durduraya illaa iyo nolosha weligeed ah.” Naagtii ayaa ku tiri, “Mudane, isii biyahaas si aanan mar dambe u haraadin oo aanan ceelkan ugu soo laaban.” Ciise ayaa ku yiri, “Tag oo ninkaagi u soo yeer kadibna soo laabo.” Markaas ayey Ciise ugu jawaabtay, “Anigu nin ma lihi.” Ciisana wuxuu ku yiri, “Waa runtaa nin ma lihid. Runtu waxey tahay, waxaad soo martay shan nin, kan aad hadda haysatidna adigu ma lihid. Waxaad sheegtay run.” Naagtii ayaa tiri, “Mudane, waan gartay inaad tahay nebi. Awoowayaasheen buurtan ayey ku cibaadeysan jireen, laakiin idinkan Yuhuudda ah waxaad tiraahdaan waxaan ku qasbannahay inaan ku cibaadeysano Yeruusaalem.” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Naag yahay i aamin, waxaa imaan doona waqti aan Aabaha lagu caabudi doonin buurta ama Yeruusaalem. Idinkan reer Samaariya ah waxaad caabudaan wax eydan garaneyn, anaguse waxaan caabudnaa Illaah aan garaneyno, waayo badbaadidu waxey ka timaaday Yuhuudda. Laakiin waqti ayaa imaanaya waana la gaaray marka kuwa Illaahey sida runta ah u caabuda ey Illaahey ku caabudi doonaan Ruuxa iyo runta. Waayo caabudayaal sidaas oo kale ah ayuu Aabuhu doonayaa. Waayo Illaahey waa ruux oo kuwa isaga caabudana waa iney ku caabudaan Ruuxa iyo runta.” Naagtii ayaa tiri, “Waan ogahay in Masiixa kan la yiraahdo Kiristos uu imaanayo. Markii uu yimaadana isaga ayaa wax walba noo kala sheegi doona.” Markaas ayaa Ciise naagtii ku yiri, “Anigan kula hadlaya ayaa ah Masiixa.” Markii xertiisa kasoo laabteen magaalada ayey waxey la kulmeen Ciise oo naagtii la hadlaya. Laakiin qofna ma uusan weydiinin, “Maxaad rabtaa? Mise maxaad ula hadleysaa?” Naagtiina intey ashuunkeedi halkaas ku dhaaftay ayey magaalada ku oroday si ey dadka ugu soo sheegto arinta ey la kulantay, waxeyna dadka ku dhahday, “War kaalaya oo arka ninka ii sheegay waxyaalaha aan sameeyay oo dhan. Miyuu noqon karaa Masiixa?” Markaas ayaa dadkii magaalada joogay tageen halkii Ciise joogay. Xertiina waxey ka baryayeen Ciise inuu wax cuno iyagoo leh, “Macalinow, fadlan wax cun.” Laakiin Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Waxaan haystaa cunto aan cuno oo aadan idinku waxba ka ogayn.” Markaas ayaa xertiisi is weydiiyeen, “Ma qof ayaa cunto u keenay?” Ciise ayaa yiri, “Cuntadeydu waa inaan sameeyo doonista kan isoo diray, waa inaan shaqadiisa dhameeyo. Miyeydan ogayn oraahda dhaheysa, ‘Afar bil ayaa ka dhiman waqtiga gurashada.’ Laakiin waxaan idin ku leeyahay indhihiina fura oo beerta fiiriya! Waqtigii gurashada waa la gaaray. Haddaba hadda shaqaalaha beerta gooya waxey abaalgudkooda ku helayaan iney ku hogaamiyaan dadka nolosha weligeed ah. Markaasna mid walboo miraha abuuray iyo mid walboo miraha ururiyay wey isla dabaaldegi doonaan. Waana run maahmaahda dhaheysa, ‘Mid ayaa abuura mid kalana wuu gooyaa.’ Waxaan idiin dirayaa inaad soo gooysaan wax eydan beeran oo kuwa kale kasoo shaqeeyeen idinkuna faa’iidada ayaad heleysaan.” Dad badan oo magaalada Samaariya ka yimid ayaa aaminay marqaatifurkii naagta darteed, waayo naagta waxey tiri, “Wuxuu ii sheegay waxyaalaha aan sameeyay oo dhan.” Haddaba dadkii reer Samaariya markey Ciise u yimaadeen waxey ka baryeen inuu iyaga la sii joogo, wuxuuna la joogay laba maalin. Hadaladiisi dartoodna kuwa kale oo badan ayaa isaga aaminay. Markaas ayaa dadkii naagtii ku yiraahdeen, “Ciise kuma aanan aaminin waxaad tiri darteed, laakiin anaga ayaa dhegaheena ku maqalnay, waana ogaanay runtii ninkan inuu yahay badbaadiyaha aduunka.” Labadii maalmood uu la joogay dadkii reer Samaariya kadib Ciise wuxuu u laabtay Galili. (Ciise wuxuu yiri, nebiyada magaaladooda lagama xushmeenaya.) Ciise markii uu yimaaday Galili, dadkii reer Galili aad ayey u soo dhaweeyeen. Waayo waxey arkeen waxyaalihii uu Yeruusaalem ku sameeyay waqtigii Iidda Kormaridda, waayo halkaas ayey joogeen. Ciise haddana wuxuu tagay Kaana oo Galili ku taalay, halkii uu biyaha ku badalay khamriga. Meeshaas waxaa joogay nin taliye ah oo wiilkiisa ku xanuusanaa Kafarna’um. Markaas ayaa ninkii taliyaha ahaa maqlay inuu Ciise ka yimid Yahuudiya oo hadda joogo Galili, wuu u tagay oo ka baryay inuu yimaado oo bogsiiyo wiilkiisa. Kaasoo xanuun dartiis u dhiman rabay. Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Idinku illaa aad ka aragtaan mucjisooyin iyo wax yaabab leh ma aamineysaan.” Ninkii taliyaha ahaa ayaa yiri, “Sayidow, fadlan kaalay inta uusan wiilkeyga dhiman ka hor.” Ciisana wuxuu ku yiri, “Guriga tag waayo wiilkaagi wuu noolaanayaa.” Ninkii wuu aaminay Ciise hadalkiisi, kadibna gurigiisi ayuu aaday. Isaga oo weli dhex sii socda ayaa adeegahiisi la kulmeen markaas ayey ku yiraahdeen, wiilkaagi wuu nool yahay. Markaas ayuu weydiiyay goorma ayuu bogsaday? Markaas ayey ugu jawaabeen, “Qandhadii waxey ka tagtay shaley duhurkii.” Wiilkii xanuusanaa aabihiis ayaa ogaaday waqtigaas inuu yahay isla waqtigii uu Ciise isaga ku yiri, “Wiilkaaga wuu noolaanayaa.” Isaga iyo reerkiisi oo dhan ayaa wada aaminay. Tani waxey ahayd markii labaad oo Ciise mucjiso sameeyay markii uu ka tagay Yahuudiya oo yimaaday Galili. Muddo kadib Ciise wuxuu Yeruusaalem u tagay dabaaldeg ey Yuhuudda dabaaldegayeen. Magaalada Yeruusaalem meel u dhow oo la yiraahdo albaabka idaha waxaa ku yaalay barkad biyo ah oo af Cibraani lagu dhaho Beytesda. Waxaana lagu wareejiyay shan balbalo. Halkaas waxaa joogay dad badan oo xanuusan, kuwaas oo indhoole ah, curyaamo ah oo meesha berkeda biyaha ah jiifay. [ Maxaa yeelay malaa’igta Rabbiga ayaa biyaha kusoo degi jirtay oo walaaqi jirtay, kadibna midka ugu horeeya ee biyaha galaa wuu ka bogsan jiray cuduradiisa oo dhan.] Berkedaas agteeda waxaa joogay nin soddon iyo siddeed sano xanuusanaa. Ciise markaas ayuu arkay isaga oo meesha jiifa, wuxuuna ogaaday inuu muddo dheer xaaladdan ku jiray, markaas ayuu ninkii weydiiyay, “Miyaad dooneysaa inaad bogsato?” Ninkii ayaa ku jawaabay, “Rabbiyow, ma lihi qof i caawiya si aan u galo barkadaan markii la walaaqo. Marka aan isku dayo inaan galo qof kale ayaa iga hor gala.” Ciise ayaa ku yiri, “Istaag! Derintaada qaado oo soco.” Isla markii ayuu ninkii bogsaday, derintiisa intuu qaatay ayuu socday. Maalintii ey waxyaalahan dhacayeen waxey ahayd maalin Sabti ah. Markaas ayaa Yuhuuddii ninkii la bogsiiyay ku yiraahdeen, “Waa maalin Sabti ah, sharciga ma kuu ogola inaad derintaada qaadatid.” Markaas ayaa ninkii ugu jawaabay, “Laakiin ninka i bogsiiyay ayaa igu yiri, ‘Derintaada qaado oo soco.’  ” Markaas ayaa kuwii Yuhuudda ahaa weydiiyeen, “Yaa waaye ninka kugu yiri, derintaada qaado oo soco?” Laakiin ninkan la bogsiiyay ma ogayn Ciise qofka uu yahay, Ciisana dadkii badnaa ayuu dhex maray oo tagay. Muddo kadib ayaa Ciise ninkii ku arkay macbadka oona ku yiri, “Haddaba waad bogsatay, mar kalana dembi ha galin haddii kale wax xun ayaa kugu dhici doona.” Markaas ayaa ninkii intuu baxay u soo sheegay hogaamiyayaashii Yuhuudda in qofka isaga bogsiiyay uu yahay Ciise. Sidaa darteed hogaamiyayaashii Yuhuudda waxey bilaabeen iney Ciise silciyaan. Maxaa yeelay isagu waxyaalahan oo dhan wuxuu sameynayay maalinta Sabtida. Laakiin Ciise isaga oo is difaacaya ayuu yiri, “Aabahay maalin walba shaqadiisa ayuu hayaa, oo aniguna waan shaqeynayaa.” Haddaba sababtan ayey u doonayeen iney dilaan. Sababta ugu horeysa ma aha kaliya inuu sharciga Sabtida jabiyay, tan labaadna wuxuu yiri Illaahey ayaa Aabahay ah, isaga oo Illaah isku mid iskala dhigay. Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, Wiilka kaligiis wax ma sameyn karo. Wuxuu sameeyaa oo kaliya wixii uu ka arko aabihiis oo sameynaya, maxaa yeelay wax walboo Aabaha uu sameeyo Wiilkana sidoo kale wuu sameeyaa. Waayo Aabuhu wuu jecel yahay Wiilka sidaa darteed wuxuu tusaa waxyaalaha uu isaga sameeyo. Xitaa shaqo kuwan ka waaweyn ayuu tusi doonaa, si aad idinku ula yaabtaan. Sida uu Aabaha kuwa dhintay u sarakiciyo oo nolol u siiyo, sidaa oo kale ayuu Wiilkana u siiyaa nolol kan uu isaga rabo inuu siiyo. Aabuhu qofna ma xukumo laakiin wuxuu Wiilka ka dhigay garsooraha dadka oo dhan. Si dadka oo dhan u xushmadeeyaan Wiilka sida ey Aabaha u xushmeeyaan oo kale. Waayo mid walboo aan Wiilka xushmeynin ma xushmeeyo Aabaha isaga soo diray. “Runtii waxaan idin ku leeyahay, mid walboo hadaladeyda maqla oo aamina kan isoo diray wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, mana la xukumi doono waayo wuu ka baxay dhimashada wuxuuna helay nolol. Runtii waxaan idin ku leeyahay, waqti ayaa soo socda waana la gaaray kaasoo kuwii dhintay maqli doonaan codka Wiilka Illaahey oo kuwa maqlana wey noolaan doonaan. Aabuhu wuxuu leeyahay awood uu qof nolol ku siiyo, awoodaas oo kale ayuu Wiilkana siiyay. Wuxuu kale oo siiyay awood uu dadka ku xukumo waayo isagu waa Wiilka Aadanaha. “Arintan ha la yaabina, waayo waqti ayaa soo socda oo ey kuwa xabaasha ku jira isaga codkiisa maqli doonaan. Waxeyna kasoo bixi doonaan qabriga, mid walboo wax wanaagsan sameeyay nolol ayaa loo soo sarakicin doonaa. Mid walboo xumaan sameeyana xukun ayaa loo soo sarakicin doonaa. Keligey waxba ma sameyn karo, Aabaha isoo diray ayaa ii sheegay sida dadka loo xukumo. Xukunkeygu waa xaq, waayo waan adeecaa kan isoo diray. “Haddaan isku marqaatifuro, marqaatifurkeygu run ma aha. Waxaa jira mid kale oo ii marqaatifura, waana ogahay in marqaatifurkiisu uu run yahay. “Waxaad fariin wadayaal u soo dirtay Yooxanaa wuuna ka marqaatifuray runta. Mana aha inaan u baahanahay marqaatifurka binu aadanka, laakiin waan idiin sheegay si aad u badbaadaan. Yooxanaa wuxuu ahaa sida feynuus iftiin idin siisa. In muddo ah ayaad ku faraxdeen iftiinkiisa. “Laakiin marqaatifur kii Yooxanaa ka weyn ayaan haystaa. Shaqadii Aabuhu i siiyay inaan dhameeyo, shaqooyinkaas oo aan hadda sameynayo taas oo Aabuhu uu ii soo diray inaan sameeyo ayaa ii marqaatifuri doonta. Xitaa Aabaha isoo diray ayaa ii marqaatifuray, weligiinna codkiisa ma eydan maqlin oo mana eydan arkin qaabkiisa. Ereygiisuna ma idin ka dhex shaqeynin, waayo idinku ma aaminin kan uu isaga soo diray. Waxaad akhrisaan qorniinka waayo waxaad u maleysaan inaad iyaga ka heleysaan nolosha weligeed ah. Waana isla Qoraallada ii marqaatifuraya. Laakiin waad diideen inaad ii timaadaan oo aad lahaataan nolosha weligeed ah. “Ammaan kama sugo binu aadanka, laakiin waan idin aqaanaa. Waayo jaceylka Illaahey qalbigiina kuma jiro. Waxaan ku imid magaca Aabahay, mana i aqbalin, laakiin qof kale haddii uu ku yimaado magaciisa waad aqbali doontaan. Sidee ayaad ku aamineysaan haddaad ammaan ka sugeysaan saaxiibadiin oo aadan raadinin ammaanta ka timaada Illaahey kaliya? “Laakiin ha u maleynina inaan idin ku eedeyn doono Aabaha hortiisa. Qofka idin eedeeyaa waa Muuse, kan aad rajadiina saarateen. Haddaad Muuse aaminsan tihiin, anigana waad i aamini lahaydeen, waayo waxyaalo igu saabsan ayuu qoray. Laakiin haddii eydan aaminsaneyn wuxuu qoray sidee ayaad ku aamineysaan waxyaalahan idin dhahay?” Xoogaa kadib Ciise wuxuu kasoo gudbay warta Galili taas oo la yiraahdo Tiberiyas. Dad badan ayaa isaga soo raacay waayo waxey arkeen mucjisooyinkii uu sameeyay goortii uu dadkii xanuusanaa bogsiinayay. Kadib Ciise iyo xertiisi ayaa waxey tageen dhinaca buurta oo halkaas ayey fariisteen. Iiddii Kormaridda ee Yuhuuddana wey soo dhaweyd. Markii uu Ciise arkay dad badan iney isaga u soo socdaan ayuu Filibos ku yiri, “Halkeen ka iibsanaa kibis ey dadkan cunaan?” Wuxuu u weydiiyay si uu isaga u jarribo, waayo wuu ogaa wuxuu sameyn doono. Markaas ayaa Filibos ugu jawaabay, “Taasi waxey qaadaneysaa in ka badan mushaharka sanad barkiis inaan helno lacag aan dadkan ugu iibino cunto ku filan!” Mid xertii ka tirsanaa oo ah Andaros oo Simoon Butros walaalkiis ahaa ayaa yiri, “Halkan waxaa jooga wiil yar oo haya shan kibis oo yar yar iyo laba kalluun oo yar yar laakiin sidee ayey ugu filnaan kartaa dadkan badan?” Markaas ayaa Ciise yiri, “Dadka fariisiya.” Halkaas waxey ahayd meel caws badan leh oo dadkiina wey fariisteen, waxey ahaayeen dad ku dhaw shan kun oo qof. Kadibna Ciise intuu kibistii qaaday ayuu mahadceliyay, wuxuuna u qeybiyay dadkii fadhiyay. Sidoo kale ayuu ku sameeyay kalluunkiina. Markey iyagoo dhan dhergeen ayuu Ciise ku yiri xertiisi, “ururiya wixii harey si eysan u halaabin.” Markaas ayaa xertii ururiyeen oo ey buuxiyeen laba iyo toban dambiilood oo jajabkii kasoo haray shanta kibis. Dadkii markey arkeen mucjisadii uu Ciise sameeyay waxey bilaabeen iney dhahaan, “Runtii kani waa nebigii aduunka imaan lahaa.” Ciise markii uu ogaaday iney qasab uga dhigi rabaan boqor, ayuu ka tagay oo aaday dhinaca buurta isaga oo kaligiis ah. Galabtii markii la gaaray ayaa xertiisi tageen dhinaca warta. Halkaasna doon ayey ka qaateen oo waxey tageen Kafarna’um. Laakiin Ciise weli ma uusan u imaanin iyaga. Dabeyl xoog leh ayaa dhaceysay oo biyihii kicineysay. Haddaba markey doontii wadeen qiyaastii saddex ama afar mayl ayey waxey arkeen Ciise oo u soo socda doontii isaga oo biyaha kor socday, aad ayey iskugu naxeen. Laakiin wuxuu ku yiri, “Waa anigee ha cabsanina.” Kadib xertii waxey rabeen iney doonta ku qaadaan laakiin isla markiiba waxey gaareen xeebta oo ah halkii ey u socdeen. Maalintii ku xigtay dadkii dhinaca kale ee warta joogay ayaa waxey ogaadeen hal doon iney halkaas taalay, oo Ciisana uusan xertiisi la galin doonta kaligoodna ey tageen. Kadib waxaa Tiberiyas ka yimaaday doomo oo kusoo xirtay meel u dhaw halkii dadku ku cuneen kibistii markii uu Rabbiga u mahadceliyay kadib. Dadkii badnaa markey Ciise iyo xertiisi meeshii ka waayeen ayey doontii u laabteen oo ey tageen Kafarna’um iyagoo Ciise doonaya. Markey ku arkeen dhinaca kale ee warta, waxey ku yiraahdeen, “Macalinow, goormaad halkan timid?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxaad ii raadineysaan ma aha mucjisadaad aragteen darteed, laakiin waa cuntadii aad cunteen oo caloosha idiin buuxisay. Ha u shaqeynina cunto halaabeysa, laakiin u shaqeysta cunto idin siisa nolosha weligeed ah. Taas oo Wiilka Aadanahu idin siin doono. Waayo isaga Illaaha Aabaha ah ayaa saaray shaabadiisa ogolaashahay.” Markaas ayey Ciise weydiiyeen, “Waa maxey wuxuu Illaahey rabo inaan sameyno?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Shaqada Illaahey waa tan, wuxuu rabaa inaad aamintaan kan uu isaga soo diray.” Markaas ayey haddana weydiiyeen, “Mucjisadeed sameyn doontaa si aan kuu aaminno? Maxaad sameyn doontaa? Waayo awoowayaasheen waxey cidlada ku cuneen maannada, sida qoran, ‘Wuxuu samada ka siiyay kibis ey cunaan.’ ” Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay ma ahayn Muuse kan kibista samada idin ka siiyay, laakiin waa Aabahay kan kibista runta ah jannada idin ka siiyay. Maxaa yeelay kibista Illaahey waa tan ka timid jannada oo nolol aduunka siisa.” Markaas ayey yiraahdeen, “Rabbiyow, mar walba na sii kibistaan.” Ciisana wuxuu yiri, “Waxaan ahay kibista nolosha. Mid walboo ii yimaada weligiis ma gaajoon doono, mid walboo i aaminana weligiis ma haraadi doono. Laakiin sidii aan mar hore idiin kugu sheegay, waad i aragteen laakiin weli ma eydan i aaminin. Kuwa uu Aabuhu i siiyay wey ii imaan doonaan, mid walboo ii yimaadana weligay kama jeesan doono. Waayo waxaan samada uga imid ma ahayn inaan sameeyo doonisteyda laakiin waxaan u imid inaan sameeyo doonista kan isoo diray. Tanina waa doonista kan isoo diray, in aanan luminin mid walboo uu isagu i siiyay, laakiin inaan iyaga soo sarakiciyo maalinta ugu dambeysa. Waayo doonista Aabahay waa mid walboo Wiilka arka oo aamina inuu lahaado nolosha weligeed ah. Maalinta ugu dambeysana waan soo sarakicin doonaa.” Dadkii Yuhuudda ahaa ayaa bilaabeen iney gunuunacaan waayo Ciise wuxuu yiri, “Waxaan ahay kibista ka timid jannada.” Waxeyna yiraahdeen, “Kan soo ma aha Ciise, ina Yuusuf, kan aan aabihiis iyo hooyadiis naqaano? Sidee ayey ku dhacday inuu yiraahdo, ‘Waxaan ka imid jannada’?” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Waxba dhexdiina ha ka gunuunicina, waayo qofna iima imaan karo haddii uusan Aabaha isoo diray iyaga igu soo hogaamin, aniguna waan sarakicin doonaa maalinta ugu dambeysa. Waxaa ku qoran kitaabka nebiyada, ‘Iyagoo dhan Illaahey ayaa wax bari doona.’ Qof walboo Aabaha maqla oo waxna ka barta aniga ayuu ii imaan doonaa. Qofna weligiis ma arkin Aabaha waxaanan ka ahayn kan dhinaca Illaahey ka yimid, kaas kaliya ayaa Aabaha arkay. Runtii waxaan idin ku leeyahay, kii aamina wuxuu helayaa nolosha weligeed ah. Waxaan ahay kibista nolosha. Awoowayaashiin cidlada waxey ku cuneen maannada laakiin wey dhinteen. Laakiin halkan waxaa yaala kibis ka timid jannada, taas oo qof walba uu cuni karo oo uusan dhimaneyn. Waxaan ahay kibista nool ee ka timid jannada. Mid walboo kibistaan cuna weligiis ayuu noolaan doonaa. Kimistan waa jirkeygi, kaasoo aan nolosha aduunka darteed u bixin doono.” Yuhuuddii waxey bilaabeen iney dhexdooda ka doodaan, markaas ayey is weydiiyeen, “Sidee ayey ku dhici kartaa ninkan inuu na siiyo jirkiisa si aan u cuno?” Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, illaa aad ka cuntaan jirka Wiilka Aadanaha oo aadna cabtaan dhiigiisa, nolol idin kuma jirto. Mid walboo jirkeyga cunaa oo dhiigeygana cabaa wuxuu heli doonaa nolosha weligeed ah, waana soo sarakicin doonaa maalinta ugu dambeysa. Waayo jirkeygu waa cunto run ah oo dhiigeyguna waa cabitaan run ah. Mid walboo jirkeyga cunaa oo dhiigeygana cabaa wuu igu jiri doonaa Aniguna waan ku jiri doonaa. Sida uu Aabaha nool ii soo diray waxaan u noolahay waa dartiis, sidoo kale kan aniga i cunaa dartey ayuu u noolaan doonaa. Tani waa kibistii ka timid jannada. Awoowayaashiina waxey cuneen maannada weyna dhinteen, laakiin mid walboo kibistaan cuna weligiis ayuu noolaan doonaa.” Ciise wuxuu hadalkan yiri isaga oo dadka wax ku baraya sunagoggii ku yaalay Kafarna’um. Waxyaalahan markey maqleen xertiisi waxey yiraahdeen, “Tani waa waxbarid adag. Yaa qaadan kara?” Ciise wuxuu ogaaday in xertiisuna ka gunuunacayaan arintan, markaas ayuu iyaga ku yiri, “Arintan ma idin dhibtay? Maxaa dhici doona haddii aad aragtaan Wiilka Aadanaha oo u laabanaya halkii uu ka yimid? Ruuxa ayaa nolol dadka siiya, laakiin xoogga binu aadanka waxba ma awoodo. Hadaladaan idin kula hadlay waxey leeyihiin Ruuxa nolosha dadka siiya. Laakiin qaarkiin ima aaminin weli.” Maxaa yeelay Ciise horey ayuu u ogaa kan aan aamini doonin iyo kan isaga gacangelin doona. Hadalkii ayuu sii watay isaga oo leh, “Sababtan darteed ayaan idiin iri qofna ma ii imaan doono haddii uusan Aabuhu u ogolaan.” Waqtigaas laga bilaabo kuwa badan oo xertiisa ka mid ah ayaa ka tagay iyagoo iska daayay iney isaga raacaan. Markaas ayuu Ciise weydiiyay laba iyo tobankii xertiisa ahaa oo ku yiri, “Idinkuna ma tagi rabtaan?” Simoon Butros ayaa u jawaabay oo yiri, “Rabbiyow, yaan u tagaynaa? Waxaad haysaa ereyada nolosha weligeed ah. Waxaan aaminnay inaad tahay Kan Quduuska Illaahey ah.” Kadib Ciise ayaa xertiisi ku yiri, “Aniga ayaa idinkan laba iyo tobanka ah idin doortay laakiin mid idin ka mid ah waa ibliis!” Ciise wuxuu ka hadlayay Yuudas ina Simoon Iskariyod. Mid laba iyo tobankii xertiisa ahayd ka tirsanaa, kaasoo gacangelin doona. Ciise wuxuu go’aansaday inuu Yahuudiya ka tago oo aado dhinaca Galili. Waayo hogaamiyayaashii Yuhuudda ayaa isaga raadinayeen si ey u dilaan. Markii dabaaldeggii teendhooyinka ee Yuhuudda soo dhawaatay, ayaa walaalihii Ciise isaga ku yiraahdeen, “Galili ka tag oo aad Yahuudiya, si xertaada halkaas joogta ey u arkaan shaqada aad haysid. Maxaa yeelay ma jiro qof caan noqon raba oo hoos hoos wax u sameeya. Sidaa darteed waxyaalahan aad sameyneysid aduunka tus.” Xitaa walaalihiis ma eysan aaminin isaga. Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Waqtigeyga lama gaarin, laakiin idinka waqtigiina mar walba wuu joogaa. Dadka dunidan ma idin nacayaan, laakiin Aniga ayey i nacayaan waayo waxaan ka marqaatifura waxyaalaha sharta leh ey sameeyaan. Idinka sii aada dabaaldegga. Anigu uma socdo waayo waqtigeyga weli lama gaarin.” Waxyaalahaas markii uu yiri kadib wuxuu ku haray Galili. Si kastaba ha ahaatee, walaalihiis markey dabaaldeggii tageen, Ciise sidoo kale wuu tagay, laakiin qofna isuma muujinin wuu is qariyay. Haddana dabaaldeggii markii uu dhacayay, hogaamiyayaashii Yuhuudda waxey raadinayeen Ciise, markaas ayey weydiiyeen, “Aaway isaga?” Dadkii badnaa dhexdooda ayaa dood Ciise ku saabsan ka dhacday. Qaarkood waxey yiraahdeen, “Waa nin wanaagsan.” Kuwa kalana waxey ku jawaabeen, “Maya, isaga dadka ayuu khiyaanaa.” Laakiin ma jirin qof si cad isaga uga hadlay waayo waxey ka cabsadeen hogaamiyayaasha. Dabaaldeggii markii uu dhexda sii marayay ayaa Ciise wuxuu galay macbadka oo bilaabay inuu dadka wax baro. Hogaamiyayaashii Yuhuudda aad ayey u yaabeen oo waxey is weydiiyeen, “Sidee ayey ku dhacday ninkan inuu sidan dhan wax u yaqaano? Weligiisna aan wax la barin!” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Wax baritaankeyga aniga igama imaanin. Wuxuu ka yimaaday kan isoo diray. Haddii qof walba go’aansado inuu Illaahey adeeco, wuu ogaanayaa in baritaankeygu ka yimid Illaahey mise inaan waxyaalaheyga iskaga hadlayo. Qof walboo iska hadla ammaantiisa ayuu doonayaa, laakiin midka ammaanta kan isaga soo diray ka hadla waa nin run sheeg ah, wax been ah oo isaga ku saabsanna ma jirto. Muuse sharciga miyuusan idin siinin? Haddana ma jiro qof idin ka mid ah oo sharciga adeecay. Haddaba maxaad iskugu dayeysaan inaad i dishaan?” Dadkii badnaa ayaa ugu jawaabay, “Ruuxyo wasakh leh ayaad qabtaa, yaa doonayaa inuu ku dilo?” Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Markaan hal mucjiso sameeyay idinka oo dhan ayaa wada yaabay. Laakiin Muusana wuxuu idin amray inaad wiilashiina gudaan. Xitaa muusan ahayn Muuse kan idin amray, waxey ahaayeen awoowayaashiin oo xitaa maalinta Sabtida wiilashiina waad gudaan. Haddaba haddii wiil la gudi karo maalinta Sabtida si sharciga Muuse uusan u jibin, maxaad iigu xanaaqdeen markaan nin bogsiiyay maalintii Sabtida? Muuqaalka haku xukumina, laakiin si sax ah wax u xukuma.” Sidaa darteed qaar ka mid ah dadka Yeruusaalem ayaa waxey bilaabeen iney weydiiyaan, “Soo kani ma ahayn ninkii ey dili rabeen? Waa kan oo si caddaan ah ayuu u hadlayaa, qofna wax kuma dhahayo. Runtii taliyayaashu miyey ogaadeen inuu yahay Masiixa? Laakiin waan ognahay ninkan halkii uu ka yimaaday, laakiin goortii Masiixu yimaado qofna ma ogaan doono halka uu ka yimaado.” Ciise isaga oo weli macbadka wax ku baraya ayuu yiri, “Haa waad i garaneysaan, waana garaneysaan halkan ka imid. Xooggeyga halkan kuma joogo, laakiin waa run ma garaneysaan kan isoo diray. Laakiin Anigu waan garanayaa isaga waayo waxaan ka imaaday isaga wuuna isoo diray.” Dadka qaar ayaa isku dayay iney halkaas Ciise ku qabtaan. Laakiin qofna ma awoodin inuu gacanta isaga saaro waayo waqtigiisi lama gaarin. Laakiin weli dad badan ayaa isaga aaminay. Waxey yiraahdeen, “Masiixa goortii uu yimaado miyuu mucjisooyin isaga ka badan sameyn doonaa?” Goortey Farrisiintii maqleen dadkii badnaa iney Ciise ka hadlayeen ayaa waxey kulan la sameeyeen gudoomiyayaasha wadaaddada, kadibna askar ayey macbadka u direen si ey isaga u soo qabtaan. Laakiin Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Waqti yar ayaan idin la joogaa, kadibna waxaan u laabanayaa kii isoo diray. Waad i raadin doontaan laakiin ima heli doontaan, halkan joogana ma imaan kartaan.” Yuhuuddiina waxey iska dhex yiraahdeen, “Ninkan halkee ayuu u socdaa oo aanan ka heli doonin? Miyuu u tagi doona Yuhuudda joogta waddan kale, halkaas miyuu wax ku bari doonaa dadka Gariiga ah? Muxuu ka waday markii uu yiri, ‘Waad i raadin doontaan laakiin ima heli doontaan,’ iyo, ‘Halkan joogana ma imaan kartaan’?” Maalintii ugu dambeysay oo uguna muhiimsanayd dabaaldegga, Ciise intuu istaagay ayuu cod dheer ku yiri, “Mid walboo haraadsan ha ii yimaado oo ha cabo. Mid walboo i aamina, qorniinku wuxuu leeyahay, webi biyo nool ah ayaa isaga ku dhex qulquli doona.” Ciise wuxuu ka waday Ruuxa Quduuska ah, taas oo la siin doono mid walboo isaga aamina. Ruuxa weli qofna lama siinin, waayo Ciise weli ammaantiisa ma galin. Markii dadkii badnaa maqleen waxyaalihii Ciise ku hadlay ayaa waxey yiraahdeen, “Runtii ninkan waa nebi.” Kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Isagu waa Masiixa.” Weli kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Sidee ayey ku noqon kartaa in Masiixu ka yimaado Galili? Qorniinku wuxuu leeyahay Masiixu wuxuu ka imaan doonaa farcankii Daa’uud. Taasi micnaheedu miyuusan ahayn inuu ku dhalan doono magaalada Daa’uud ee Beytlaxam?” Dadkii ayaa kala qeybsameen Ciise dartiis. Qaarkood ayaa doonayay iney qabtaan laakiin qofna gacanta ma saarin. Askartii macbadka markey u laabteen gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii waxey ku yiraahdeen, “Maxaad Ciise halkan u keeni wayseen?” Markaas ayaa askartii ugu jawaabeen, “Qof sida ninkaas oo kale weligiis u hadlay ma jiro.” Farrisiintii waxey iyaga ku yiraahdeen, “Idinkana ma la idin soo khiyaanay? Gudoomiyayaasha wadaaddada iyo Farrisiinta midkoodna miyuu Ciise aaminay? Dadkan aan sharciga Muuse garaneyninna waxey hoos joogaan inkaarta Illaahey.” Halkaas waxaa joogay Nikodemoskii markii hore Ciise u tagay oona iyaga ka mid ahaa wuxuuna weydiiyay, “Sharcigeena ma ogola in qof la xukumo isaga oo aan weli la maqlin. Ma xukumi karno illaa aan ka ogaano wuxuu sameeyay.” Kadibna waxey yiraahdeen, “Nikodemosow, ma waxaad ka timid Galili? Qoraalka akhriso, waadna ogaan doontaa in uusan nebi ka imaanaynin Galili.” [ Kadib qof walba gurigiisi ayuu aaday. Laakiin Ciise wuxuu tagay Buur Saytuun. Kadibna subaxdii ku xigtay Ciise wuxuu tagay macbadka, dadkii ayaa isaga kusoo ag ururay wuuna fariistay oo bilaabay inuu iyaga wax baro. Markaas ayaa Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse keeneen naag lagu qabtay iyadoo sineysaneysa. Waxey hor istaajiyeen dadkii badnaa. Waxeyna Ciise ku yiraahdeen, “Macalinow, naagtaan waxaa lagu qabtay iyadoo sineysaneysa. Sharcigii Muusana wuxuu na amray inaan dhagaxeyno naagtaan oo kale. Haddaba arintan sidee ayaad u aragtaa?” Waxey su’aashaan u weydiiyeen iney Ciise qalad ku helaan, si ey ugu dacweeyaan. Laakiin Ciise intuu hoos fiiriyay ayuu dhulka wax ku qoray isaga oo fartiisa isticmaalaya. Markey su’aalo weli sii weydiiyeen ayuu intuu kor u kacay iyaga ku yiri, “Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn bal ha noqdo kan ugu horeeya ee iyada dhagaxeeya.” Haddana intuu hoos fiiriyay ayuu dhulkii wax ku qoray. Dadkii ayaa hal hal u wada baxay, laga bilaabo kii ugu weynaa illaa uu Ciise kaligiis meesha kusoo haray iyo naagtii oo weli meesha taagan. Markaas ayaa Ciise intuu kor u soo kacay weydiiyay naagtii, “Aaway dadkii? Qof ku xukumi kara miyaa halkan kusoo haray?” Markaas ayey ugu jawaabtay, “Maya Sayidow.” Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Aniguna kuma xukumayo, haddaba tag oo dembina ha galin mar dambe.” ] Kadib Ciise dadkii ayuu la hadlay, wuxuuna ku yiri, “Waxaan ahay iftiinka aduunka. Mid walboo isoo raaca weligiis mugdi kuma socon doono, laakiin wuxuu heli doonaa nolol iftiin leh.” Markaas ayaa Farrisiintii ku yiraahdeen, “Haddaba waa ku kan adiga oo isu marqaatifuraya, marqaatifurkaaguna run ma aha.” Ciise wuxuu ugu jawaabay, “Xitaa haddii aan isu marqaatifuro marqaatifurkeygu waa run. Waayo Anigu waan garanayaa meesha aan ka imid iyo meesha aan u socdo. Laakiin idinku ma garaneysaan meesha aan ka imid iyo meesha aan u socdo. Waxaad ku xukuntaan heerka binu aadanka. Laakiin Anigu qofna ma xukumo. Laakiin haddaan xukumana xukunkeygu waa kan xaqa ah. Waayo kaligey ma xukumayo, laakiin Aabaha isoo diray ayaa ila jooga. Sharcigiina waxaa ku qoran wixii laba qof u marqaatifurto waa run. Anigu waxaan ahay kan isu marqaatifura, marqaatiga labaadna waa Aabaha isoo diray.” Markaas ayey weydiiyeen, “Aaway Aabahaa?” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Ima garaneysaan, Aabahayna garan maysaan, laakiin haddii aad i garan lahaydeen, Aabaheyna sidoo kale waad garan lahaydeen.” Hadaladaan wuxuu ku hadlay markii uu macbadka dadka wax ku barayay meel ku dhaw meesha khasnada la dhigo. Laakiin qof qabtay ma jiro waayo waqtigiisa weli mala gaarin. Kadib Ciise wuxuu dadkii ku yiri, “Waan tagayaa, waadna i raadin doontaan. Laakiin ma tagi kartaan meesha aan tagayo, dembiyadiina ayaad ku dhiman doontaan idinka oo aan la idin cafinin.” Arintan waxey sababtay in kuwii Yuhuudda ahaa is weydiiyaan, “Miyuu is dili doonaa? Sidaas darteed miyuu u dhahayaa, ‘Meesha aan tagayo ma imaan kartaan?’  ” Laakiin Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaad ka timaadeen hoos, Aniguna waxaan ka imid samada. Idinku waxaa tihiin kuwa dunidan ka yimid laakiin anigu dunidan kama imaan. Waxaan idin ku iri dembiyadiina oo aan la cafinin ayaad dhiman doontaan, haddii eydan aaminsaneyn qofka aan ahay, dembiyadiina oo aan la cafinin ayaad dhiman doontaan.” Markaas ayey Ciise weydiiyeen, “Yaad tahay?” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan ahay kan aan illaa bilowgii idiin sheegayay inaan ahay. Waxyaalo badan ayaan idinku dhihi karaa si aan idiin xukumo. Laakiin kan isoo diray waa mid aamin ah, waxaan isaga ka maqlay ayaan u sheegayaa dadka dunidan.” Ma eysan fahmin waxyaaluhuu ka hadlayay iney ku saabsanaayeen Aabihiis. Haddaba Ciise ayaa yiri, “Markii aad Wiilka Aadanaha iskutallaabta saartaan, ayaad ogaan doontaan Kan aan ahay. Waadna ogaan doontaan in aanan kaligey waxyaalo aanan sameynin. Waxaan sameeyaa oo kaliya wixii Aabahay ii sheego. Kan isoo diray wuu ila joogaa, mana iga tagin. Waayo mar walba waxaan sameeyaa doonistiisa.” Ciise goortii uu waxyaalahan yiri kadib dad badan ayaa isaga aaminay. Ciise ayaa ku yiri Yuhuuddii isaga aamintay, “Haddii aad waxbarideyda haysataan xaqiiqdii waxaad tihiiin xerteyda. Runta ayaad ogaan doontaan oo runtaasna wey idin xoreyn doontaa.” Markaas ayey ugu jawaabeen, “Waxaan nahay caruurta Ibraahim, weligeenna qofna adoon uma noqon. Sidee ayey ku noqon kartaa in nala xoreeyo?” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, qof walboo dembi gala wuxuu adoon u yahay dembiga. Haddaba adoonku reerka lama joogi doono weligiis laakiin wiilku weligiis ayuu reerka ka tirsanaan doonaa. Haddaba haddii uu Wiilku ku xoreeyo, runtii waad xoroobeysaa. Waan ogahay inaad tihiin caruurta Ibraahim. Laakiin waxaad dooneysaan inaad i dishaan, waayo fariinteyda qalbiyadiina kuma jirto. Waxaan idiin sheegayaa waxyaaluhuu Aabahay i tusay, sida aad idinkuba u sameyneysaan waxyaalihii uu aabihiin idin baray.” Markaas ayey Ciise ku yiraahdeen, “Ibraahim waa aabaheen.” Ciisana wuxuu iyaga ku yiri, “Haddii aad caruurta Ibraahim tihiin haddaba waxaad sameyn lahaydeen wuxuu Ibraahim sameyn jiray. Waxaad dooneysaan fursad aad igu dishaan, runta Illaahey isoo faray inaan idiin sheegay darteed. Ibraahim ma sameynin waxyaalahaas oo kale. Waxaad sameyneysaan waa shaqooyinkii aabihiin.” Waxey yiraahdeen, “Ma nihin caruur aan sharci lagu dhalin, aabaha kaliya aan leenahayna waa Illaahey.” Ciisana wuxuu iyaga ku yiri, “Haddii Illaahey Aabihiin ahaan lahaa waad i jeclaan lahaydeen, waayo anigu waxaan ka imid Illaahey. Anigu ma iskeenin ee Illaahey ayaa isoo diray. Maxaad ii fahmi la’dihiin? Waayo ma dooneysaan inaad i maqashaan. Idinku waxaad tihiin kuwa aabahood yahay ibliis, waxaadna sameysaan si la mid ah siduu isaga doono oo kaliya. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa gacan ku dhiigle iyo beenlow. Waayo isagu runta kuma jirto. Beentiisa ayuu ku hadlaa wax walboo uu ku hadlana waa been, waayo isagu waa beenlow waana aabaha beenta. Waayo waxaan idiin sheegay oo dhan waa run, laakiin idinku ima aaminin. Ma jiraa qof idin ka mid ah oo igu cadeyn kara inaan ahay dembiile? Haddaba haddaan runta idiin sheegayo maxaad ii aamini la’dihiin? Mid walboo Illaahey leh wuxuu maqlaa wuxuu Illaah yiri. Sababta aad u maqleynin waa kama tirsanidiin kuwiisa.” Yuhuuddii ayaa Ciise ku tiri, “Kuma qaldaneyn markaan niri waxaad tahay reer Samaariya oo ruux wasakh leh ayaad qabtaa!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ruuxyo wasakh leh ma qabo, waxaan adeecaa Aabahay laakiin idinku waad diideen inaad i adeecdaan. Ammaan ma raadsanayo laakiin waxaa jira mid doonaya in la ammaano, waana kan wax xukuma. Runtii waxaan idin ku leeyahay mid walboo ereygeyga xajiya weligiis dhimasho ma arki doono.” Yuhuuddii waxey isaga ku yiraahdeen, “Hadda waan ogaanay inaad ruuxyo wasakh leh qabto! Balse Ibraahim wuu dhintay sidoo kalana nebiyadu wey dhinteen, laakiin adigu waxaad leedahay mid walboo ereygeyga xajiya weligiis dhimasho ma arki doono. Miyaad ka weyn tahay aabaheen Ibraahim? Waayo isagu wuu dhintay, sidoo kalana nebiyadu wey dhinteen. Haddaba adigu yaad isu maleysaa?” Ciise ayaa iyaga ugu jawaabay, “Haddaan is ammaano ammaanteydu waxba ma aha. Laakiin Aabahay kan aad leedihiin waa Illaaheena kaas ayaa aniga i ammaana. Inkastoo eydan garaneyn isaga, laakiin anigu waan garanayaa isaga, haddii aan iraahdo ma garanayo sidiina oo kale ayaan beenlow u noqonayaa. Laakiin waan garanayaa isaga oo ereygiisana waan xajiyaa. Aabihiin Ibraahim aad ayuu ugu farxay markii uu i arkay.” Markaas ayey Yuhuuddii Ciise ku yiraahdeen, “Xitaa weli ma aadan gaarin konton sano laakiin waxaad leedahay waxaan arkay Ibraahim!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, Ibraahim inta uusan dhalanin ka hor ayaan jiray!” Markaas ayaa dadkii intey dhagaxyo qaateen ayey doonayeen iney dhagaxeeyaan Ciise, laakiin Ciise intuu is qariyay ayuu ka tagay macbadka. Ciise goortii uu soconayay ayuu wuxuu arkay nin indhoole ahaa tan iyo waagii uu dhashay. Markaas ayaa xertii Ciise weydiiyeen, “Macalinow, ninkan muxuu indhoole u yahay? Ma isaga ayaa dembaabay mise waalidkiis?” Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Maya ninkan iyo waalidkiisba midna dembi ma galin, laakiin tani waxey u dhacday in shaqada Illaahey isaga lagu muujiyo. Intey weli maalin tahay waa inaan sameyno shaqada kan isoo diray. Habeen ayaa soo socdaa, waqti uusan qofna shaqeyn karin. Intaan weli aduunka joogo waxaan ahay iftiinkii aduunka.” Ciise kadib markii uu waxyaalahan yiri dhulka ayuu candhuuf ku tufay, oo dhoobo ka sameeyay candhuuftii kadibna ninkii indhaha ka mariyay. Wuxuuna ninkii ku yiri, “Bax oo iskaga dhaq barkadii Siloo’am.” Ereygan oo micnihiisu yahay, “Waa la diray.” Ninkiina wuu tagay oo indhihii iska soo dhaqay, wuuna soo laabtay isaga oo wax arkaya. Markaas ayaa deriskii iyo dadkii isaga arki jiray isaga oo tuugsanaya aad ula yaabeen oo weydiiyeen, “Kan miyuusan ahayn isla ninkii meelaha fariisan jiray oo tuugsan jiray?” Qaarkood ayaa waxey yiraahdeen waa isla ninkii tuugsadaha ahaa. Qaar kalana waxey yiraahdeen waa qof isaga u eg. Laakiin ninkii la bogsiiyay ayaa yiri, “Waxaan ahay ninkii indhaha la’aa.” Markaas ayey ninkii weydiiyeen, “Sidee ayaad araga ku heshay?” Wuxuu ugu jawaabay, “Nin la yiraahdo Ciise ayaa wuxuu sameeyay dhoobo kadibna iga mariyay indhaha. Wuxuuna igu yiri bax oo barkada Siloo’am iskaga soo dhaq. Aniguna waan baxay oo iska soo dhaqay kadibna arageygi ayaa iisoo laabtay.” Markaas ayey weydiiyeen, “Aaway ninkaas?” Wuxuu ugu jawaabay, “Ma garanayo.” Dadkii ayaa ninkii indhaha la’aa Farrisiinta u keenay. Haddaba maalintii uu Ciise dhoobada sameeyay oo ninka bogsiiyay waxey ahayd maalin Sabti ah. Farrisiintiina waxey ninkii weydiiyeen siduu araga ku helay. Ninkii wuxuu ugu jawaabay, “Ciise wuxuu sameeyay dhoobo wuxuuna iga saaray indhaha. Markaan iska dhaqeyna arageyga ayaan helay.” Farrisiintii qaarkood ayaa yiraahdeen, “Ninkan kama imaanin Illaahey, waayo wuxuu jabiyay sharcigii maalinta Sabtida.” Laakiin kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Sidee ayaa qof dembiile ah u sameyn karaa mucjisadan?” Sidaa darteed wey kala qeybsameen. Markaas ayey waxey ninkii la bogsiiyay weydiiyeen, “Maxaad ka sheegi kartaa ninkan ku bogsiiyay?” Ninkii ayaa ku jawaabay, “Waa nebi.” Laakiin Yuhuuddii weli ma eysan aaminin ninkii inuu indhaha la’aa illaa ey u soo yeereen waalidkiis. Waxeyna weydiiyeen, “Wiilkan ma idinka ayaa dhalay? Ma kii aad dhahdeen indha la’aan ayuu ku dhashay baa? Sidee ayey ku noqotay inuu hadda wax arko?” Ninkii waalidkiis ayaa ugu jawaabay, “Waan hubnaa inuu yahay wiilkeena, waana ognahay inuu ku dhashay indho la’aan. Laakiin siduu araga ku helay ama qofkii indhaha u furay ma garaneyno. Bal isaga weydiiya! Waa nin weyn oo isu hadli kara.” Waalidkiis waxey sidaas u yiraahdeen waxey ka cabsanayeen hogaamiyaashii Yuhuudda. Waayo waxey go’aansadeen mid walboo dhaha Ciise waa Masiix in laga saaro sunagogga. Sidaa darteed ayey waalidkiis u yiraahdeen, “Isaga weydiiya wuu isu hadli karaa.” Mar labaad ayey ninkii indho la’aanta ahaan jiray weydiiyeen, “Run sheeg oo Illaahey ammaan, waayo waan garaneynaa Ciise inuu yahay dembiile.” Markaas ayuu ugu jawaabay, “Inuu dembiile yahay ma garanayo, waxa kaliya ee aan ogahay inaan ahaa indhoole laakiin hadda wax ayaan arkaa!” Hogaamiyayaashii Yuhuudda ayaa ninkii weydiiyeen, “Muxuu kugu sameeyay? Siduu aragaaga kuugu soo celiyay?” Ninkiina wuxuu ku jawaabay, “Mar hore ayaan idiin sheegay ma eydan dhageysanin. Maxaad u rabtaan inaad mar labaad warkiisa maqashaan? Miyaad dooneysaan inaad xertiisa noqotaan?” Markaas ayey hogaamiyayaashii caayeen ninkii oo ku yiraahdeen, “Waxaad tahay xertiisa! Laakiin anagu waxaan nahay xertii Muuse! Waxaan ognahay Illaahey inuu la hadlay Muuse laakiin kan aad raacsantahay ma garaneyno halkii uu ka yimid.” Ninkii ayaa ugu jawaabay, “Taasi waa wax layaab leh! Idinku ma garaneysaan halka uu ka yimid laakiin indhaha ayuu ii furay. Waan ognahay in Illaahey uusan dhageysanin kuwa dembiilayaasha ah. Wuxuu maqlaa dadka cibaadada leh oo doonistiisa sameeya. Haddaba tani waa taariikhdii ugu horeysay ee nin indhaha u furay nin kale oo indha la’aan ku dhashay. Ninkan haddii uusan Illaahey ka imaanin waxyaalahan ma sameyn lahayn.” Hogaamiyayaashii waxey ninkii ku yiraahdeen, “Waxaad ahayd dembiile illaa waagii lagu dhalay! Sidee ayaad ugu maleysay inaad wax na bari kartid?” Weyna ka saareen halkaas. Ciise markii uu maqlay waxa ku dhacay, ninkii ayuu raadiyay, oo weydiiyay, “Miyaad aaminsantahay Wiilka Aadanaha?” Ninkiina wuxuu yiri, “Kaasi yuu yahay mudane? Ii sheeg si aan aniguna isaga u aamino.” Ciise wuxuu ku yiri, “Hadda waad aragtaa, xitaa waa kan kula hadlaya.” Kadibna ninkii ayaa yiri, “Sayidow, waan aaminay.” Wuxuuna bilaabay inuu Ciise caabudo. Ciise ayaa yiri, “Waxaan u imid inaan xukumo dadka dunidan, si ey indhoolayaashu u arkaan oo kuwa indha lehna u noqdaan indhoole.” Qaar ka mid ah Farrisiinta oo halkaas joogay ayaa maqleen waxyaalihii Ciise ku hadlayay waxeyna weydiiyeen, “Anaguna ma waxaan nahay indhoole?” Ciise ayaa ku yiri, “Haddii aad indhoole ahaan lahaydeen kuma eydan eedeysanaateen dembiga, laakiin mar haddaad sheegateen inaad wax aragtaan, taas macnaheedu waa eediinu wey jireysaa.” Ciise ayaa yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay Farrisiintiyow, mid walboo aanan xerada idaha albaabka kasoo galin ee meel kale kasoo fuula, kaasi waa tuug iyo mid wax dhaca. Laakiin midka albaabka kasoo galaa waa arijirka idaha. Midka albaabka ilaaliyana albaabka ayuu ka furaa isaga, iduhuna codkiisa ayey maqlaan. Idihiisa magacyadooda ayuu ugu yeeraa oo banaanka ayuu ku hogaamiyaa. Markii uu kuwiisa oo dhan banaanka u soo kaxeeyo wuu hor socdaa, idihiisuna wey raacaan waayo wey garanayaan codkiisa. Idahana weligood qof eysan garaneyn ma raacayaan waayo codkiisa ma garanayaan, sidaa darteed wey ka cararayaan.” Ciise wuxuu sheekadan u sheegay Farrisiinta, laakiin iyagu ma eysan fahmin wuxuu u sheegayay. Sidaa darteed Ciise wuxuu yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxaan ahay albaabka idaha. Mid walboo hortey yimid waa tuug iyo mid wax dhaca, laakiin iduhu ma eysan dhageysanin iyaga. Waxaan ahay albaabka, mid walboo aniga xaggeyga kasoo gala wuu badbaadi doonaa. Wey soo gali doonaan oo wey bixi doonaan daaqna wey heli doonaan. Balse tuugu wuxuu u yimaadaa inuu wax xado oo dilo oona burburiyo. Laakiin anigu waxaan u imid si qof walba uu nolol u helo, oo ey nolol buuxdo u lahaadaan. “Waxaan ahay arijirka wanaagsan. Arijirka wanaagsanna wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha dartood. Kan meesha shaqada laga siiyay ma aha sida arijirka oo idana meesha kuma laha. Markii uu yeeyda oo imaaneysa arkana wuu ka cararaa idihii oo kaligood ayuu halkaas ku daayaa. Kadibna yeeydii wey weerartaa idihii oo wey kala yaacisaa. Shaqaaluhu wuu cararaa waayo isagu waa shaqaale oo kaliya sidaa darteed ma daryeelo idaha. “Waxaan ahay arijirka wanaagsan, waan garanayaa idahayga oo iyaguna wey i garanayaan. Sida Aabahay ii garanayo aniguna waan garanayaa Aabahay. Nafteyda ayaan u bixinayaa idahayga. Waxaan leeyahay ido kale oo aan xeradan ku jirin. Iyaga waa inaan keenaa. Xitaa iyaguna wey maqli doonaan codkeyga, waxaana jiri doona hal xero ari iyo hal arijir oo kaliya. Sababta uu Aabahay ii jecel yahay waa anigu nafteyda ayaan bixiyaa si aan haddana u helo. Qofna igama qaadan karo, laakiin aniga ayaa raali ka ah inaan bixiyo. Waxaan leeyahay awood aan ku bixiyo iyo awood aan ku qaato. Amarkaasna waxaan ka helay Aabahay.” Haddana Yuhuuddii hadaladan maqasheyna wey kala qeybsameen. Badidoodu waxey yiraahdeen, “Wuxuu qabaa ruuxyo wasakh leh! Wuuna waalanyahay! Maxaan isaga u dhageysaneynaa?” Laakiin kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Hadaladaan kama imaan karaan nin ruuxyo wasakh leh qaba. Ruuxyo wasakh leh miyey indho u furi karaan nin indhoole ah?” Waxey ahayd waqtigii qabowga, Ciisana wuxuu Yeruusaalem u joogay Iiddii Daahirinta macbadka. Ciise wuxuu joogay macbadka wuxuuna ku socday qeybta balbalada Sulaymaan. Yuhuuddii halkaas joogtay ayaa isaga kusoo ag ururtay iyagoo leh, “Ilaa goorma ayaad shaki nagu sii wadi doontaa? Haddaad Masiixa tahay noo sheeg.” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Waan idiin sheegay laakiin ma eydan aaminin. Shaqada aan magaca Aabahay ku sameeyo ayaa aniga ii marqaatifuraysa laakiin ma eydan aaminin waayo idinku ma tihiin idahayga. Waayo idahaygu codkeyga ayey maqlaan, waan garanayaa iyaguna wey i raacayaan. Waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan. Qofna iyaga gacanteyda kama saari karo. Aabahayga iyaga i siiyay ayaa wax kasta ka awood badan. Qofna iyaga gacanta Aabahay kama saari karo. Aniga iyo Aabuhu waxaan nahay hal.” Haddana Yuhuuddii ayaa dhagaxyo qaatay si ey isaga u dhagaxeeyaan, laakiin Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Waxyaalo badan oo wanaagsan oo xagga Aabahay ka yimid ayaan idin tusay. Haddaba tee ayaad igu dhagaxeyneysaan?” Yuhuuddiina waxey ugu jawaabeen, “Shaqada wanaagsan kuguma dhagaxeyneyno, laakiin caayda darteed waayo adiga oo binu aadan ah ayaa Illaahey iska dhigay.” Markaas ayaa Ciise iyaga u jawaabay oo yiri, “Soo kuma qorna sharcigiina, waxaad tihiin illaahyo. Haddii Illaahey ugu yeeray illaahyo, kuwa ereygiisa u yimid, qorniinka lama jabin karo. Sidaa darteed maxaad u leedihiin kan Aabuhu quduuska ka dhigay oo aduunka u soo diray waad caaytantay inaan iri, Waxaan ahay Wiilka Illaahey darteed? Haddii aanan sameynin shaqada Aabahay ha i aaminina. Laakiin haddii aan sameeyo shaqada Aabahay, xitaa haddii eydan aniga i aaminin aamina shaqada. Si aad u garataan oo aad u fahantaan Aabuhu inuu igu jiro oo aniguna aan isaga ku jiro.” Mar kale ayey isku dayeen iney isaga qabtaan laakiin wuu ka baxsaday. Kadibna Ciise wuxuu tagay dhinaca webi Urdun halkii Yooxanaa dadka ku baabtiisi jiray maalmihii hore, meeshaas ayuu joogay, markaas ayaa dad badan isaga u yimaadeen oo ku yiraahdeen, “Yooxanaa weligiis ma sameynin mucjiso laakiin waxyaalihii uu Ciise ka sheegay waa run.” Halkaasna dad badan ayaa Ciise ku aaminay. Haddaba waxaa dhacday in nin Laasaros la yiraahdo uu xanuusanaa. Wuxuuna ku noolaa Beytaniya isaga iyo walaalihiis Maryan iyo Maarta. Maryantan uu walaalkeed Laasaros xanuunsan yahay waa isla Maryantii Rabbiga cadarka ku shubtay oo cagahiisana timaheeda ku tirtirtay. Sidaa darteed walaalihii ayaa fariin Rabbiga u diray iyagoo leh, “Rabbiyow, kii aad jecleyd wuu xanuusanyahay.” Ciise goortii uu arintan maqlay ayuu yiri, “Xanuunkaan kuma dhamaan doono dhimasho. Maya, wuxuu u dhacay si ammaanta Illaahey loo arko iyo si Wiilka Illaahey loo ammaano.” Ciise wuu jeclaa Maarta, walaasheed iyo Laasaros. Haddaba markii uu maqlay Laasaros inuu xanuusanyahay, laba maalmood oo kale ayuu sii joogay halkiisi. Kadibna wuxuu xertiisi ku yiri, “Bal aan u laabano Yahuudiya.” Markaas ayaa xertii ku yiraahdeen Ciise, “Laakiin Macalinow, waqti yar ka hor ayaa Yuhuuddu isku dayeen iney ku dhagaxeeyaan, haddana miyaad u laabaneysaa?” Ciisana wuxuu ku jawaabay, “Maalintu waxey leedahay laba iyo toban saacadood. Mid walboo maalintii socda ma kufayo, waayo wuxuu wax ku arkayaa ifitiinka dunidan. Laakiin qofku markii uu habeenkii socdo ayuu kufaa, waayo ma laha iftiin.” Markii uu waxyaalahan yiri kadib, ayuu haddana ku yiri, “Saaxiibkeen Laasaros wuu seexday, laakiin waxaan u socdaa halkaas si aan u soo kiciyo.” Xertiisi ayaa ugu jawaabeen, “Rabbiyow, haddii uu seexday wuu bogsan doonaa.” Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisi, laakiin xertiisi waxey u maleeyeen inuu hurdada caadiga ah ka hadlayay. Sidaa darteed Ciise si cad ayuu ugu sheegay oo ku yiri, “Laasaros wuu dhintay, laakiin dartiin ayaan ugu faraxsanahay in aanan joogin halkaas, si aad u aamintaan. Laakiin aan tagno.” Kadibna Toomas oo sidoo kale loo yaqaanay Didumos ayaa ku yiri xertii, “Soo baxa aan tagnee anaga xitaa si aan isaga ula dhimano.” Ciise markii uu yimid waxaa loo sheegay in Laasaros afar maalin ku duuganyahay xabaasha. Haddaba Beytaniya saddex kiiloo mitir ayey u jirtaa Yeruusaalem, oo Yuhuud badan ayaa u yimid Maryan iyo Maarta si ey uga qalbi qaboojiyaan walaalkood oo dhintay dartiis. Maarta markey maqashay inuu Ciise yimid ayey tagtay si ey ula kulanto, laakiiin Maryan guriga ayey ku hartay. Markaas ayaa Maarta Ciise ku tiri, “Rabbiyow, haddii aad halkan joogi lahayd walaalkey ma dhiman lahayn. Laakiin waan ogahay in hadda xitaa haddii aad Illaahey weydiisato waxaad rabtid oo dhan uu ku siinayo.” Ciisana wuxuu iyada ku yiri, “Walaalkaa wuu soo sarakici doonaa.” Maarta ayaa ugu jawaabtay, “Waan ogahay inuu soo sarakici doono maalinta u dambeysa ee sarakicidda.” Ciisana wuxuu iyada ku yiri, “Waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Mid walboo i aamina wuu noolaan doonaa, inkastoo uu dhintay. Mid walboo nool isaga oo i aaminsan weligiis ma dhiman doono. Miyaad waxyaalahan aaminsantahay?” Maarta ayaa ku jawaabtay, “Haa Rabbiyow, waan aaminsanahay inaad tahay Masiixa, Wiilka Illaahey, kaasoo aduunka imaanaya.” Maarta markey waxyaalahan dhahday kadib ayey tagtay oo walaasheed Maryan gooni ugu yeertay. Waxeyna ku tiri, “Macalinki wuu joogaa, wuuna ku arki rabaa.” Maryan goortii ey arintaas maqashay intey dhakhso u kacday ayey u tagtay Ciise. Haddaba Ciise weli ma uusan soo gelin tuuladii, laakiin weli wuxuu joogay halkii ey Maarta isaga kula kulantay. Goortii dadkii Yuhuudda ahaa ee guriga la joogay Maryan oo u tacsiyeynayay arkeen sida dhakhsada leh oo ey u baxday, waxey u maleeyeen iney xagga xabaasha u socoto oo ey halkaas ku soo ooyneyso, sidaa darteed wey raaceen. Maryan markey halkii Ciise joogay timid oo ey isaga aragtay ayey lugihiisa ku dhacday oo tiri, “Rabbiyow, haddaad halkan joogi lahayd walaalkey ma dhiman lahayn.” Ciise markii uu arkay Maryan iyo Yuhuuddii iyada la timid oo ooynaya aad ayuu uga xumaaday. Wuxuuna weydiiyay, “Halkeed ku duugteen?” Waxeyna ugu jawaabeen, “Rabbiyow, kaalay arag.” Ciise wuu ooyay. Dadkii Yuhuuddu waxey yiraahdeen, “Bal fiiri siduu u jecel yahay isaga!” Laakiin qaarkood ayaa waxey yiraahdeen, “Ninkan wuxuu bogsiiyay nin indho la’aan ah. Miyuu dhimashada ka celin waayey Laasaros?” Ciise oo weli murugeysan ayaa yimid xabaasha, waxey ahayd meel hog ah oo dhagax laga sameeyay dhagaxna lagu daboolay. Markaas ayuu yiri, “dhagaxa ka qaada.” Markaas ayaa Maarta oo ahayd ninkii dhintay walaashiis tiri, “Laakiin Sayidow, afar maalin ayuu duugnaa sidaa darteed wuu soo urayaa.” Kadibna Ciise ayaa yiri, “Miyaanan ku dhihin haddaad aamintid waxaad arki doontaa ammaanta Illaahey?” Markaas ayey dhagaxii ka qaadeen. Kadibna Ciise intuu kor fiiriyay ayuu yiri, “Aabow, waxaan kuugu mahadcelinayaa inaad i maqashay. Waan ogahay inaad mar walba i maqashid, laakiin waxaan sidaas u leeyahay dadka halkan taagan dartood. Si ey u aaminaan inaad isoo dirtay.” Markii uu waxyaalahan yiri kadib ayuu Ciise cod dheer ku yiri, “Laasaros soo bax!” Markaas ayaa ninkii dhintay soo baxay, isaga oo gacmahiisa iyo lugihiisa ku xiran yihiin dhar cad, wejigiisana maro ey ku duuduuban tahay. Ciisana wuxuu iyaga ku yiri, “Ka fura karfanta oo daaya ha tagee.” Sidaa darteed Yuhuuddii badneyd ee soo booqatay Maryan, oona aragtay waxyaalihii uu Ciise sameeyay wey aamineen Ciise. Laakiin qaarkood ayaa waxey u tageen Farrisiintii oo u soo sheegeen waxyaalihii uu Ciise sameeyay. Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii shir iskugu yimaadeen. Waxeyna yiraahdeen, “Maxaan sameynaa? Waayo waa kan ninkan mucjisooyin badan ayuu sameynayaa. Haddaan iska dhaafno dad badan ayaa isaga aaminaya, kadibna dadka Roomaanka ah wey imaanayaan oo waxey naga burburinayaan macbadkeena iyo qarankeena.” Markaas ayaa mid ka mid ah oo la yiraahdo Kayafas kaasoo sanadkaas ahaa wadaadkii sare yiri, “Ma garaneysaan waxaad ka hadleysaan! Ma ogidiin miyaa iney wanaagsan tahay in hal nin u dhinto dadka oo dhan intey dadka oo dhan baabi’i lahaayeen.” Waxaan iskama dhihin, laakiin isaga oo ah wadaadkii sare ee waqtigaas ayuu sii sheegay inuu Ciise u dhiman doono dadka Yuhuudda ah. Dadkaas kaliya ma ahayn laakiin wuxuu u dhiman doonaa caruurta Illaahey ee kala firdhisan, inuu isku keeno oona mideeyo. Haddaba maalintaas ka bilaabato waxey u dhigeen shirqool si ey u dilaan. Sidaa darteed Ciise ma uusan dhex soconeynin dadka Yuhuudiya isaga oo la arkayo. Laakiin halkaas ayuu ka tagay oo wuxuuna aaday meel u dhaw cidlada oo ah tuula la yiraahdo Efrayim. Halkaas oo uu la joogay xertiisa. Goortii ey waqtiga Iiddii Yuhuudda ee Kormaridda dhaweyd ayaa dad badan ka yimaadeen magaalooyin badan oo ey yimaadeen Yeruusaalem si ey isku nadiifiyaan intaan Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la gaarin. Ciise ayey raadinayeen, iyagoo macbadka dhex taagan ayey isku yiraahdeen, “Sidee ayaad u aragtaan? Miyuusan imaanaynin dabaaldaga?” Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii ayaa amar ku bixiyeen in qofkii Ciise arkaa u soo sheego si ey u qabtaan. Lix maalmood ka hor intaan la gaarin Iiddii Kormaridda, Ciise wuxuu yimaaday Beytaniya halkii uu Laasaros ku noolaa, kaasoo uu Ciise kasoo sarakiciyay dhimashada. Casho ayaa halkaas looga diyaariyay, Maarta ayaa cuntada qeybineysay oo Laasarosna wuxuu ka mid ahaa kuwii cunteynayay. Maryan ayaa qaaday litir barkiis oo cadar ubax naaradiin saafi oo qaaliya, waxeyna ku shubtay cagihii Ciise kadibna waxey ku tirtirtay timaheeda. Markaas ayaa gurigii oo dhan caraftii cadarka ka buuxsantay. Laakiin mid xertiisi ka mid ahaa Yuudas Iskariyod, kii isaga gacangelin lahaa ayaa yiri, “Maxaa cadarkan loo iibin waayey oo lacagtana loo siin waayey masaakiinta? Waayo qiimahiisu wuxuu u dhigmaa mushaharka hal sano.” Ma aha in Yuudas ka naxayay masaakiinta, laakiin wuxuu ahaa tuug. Wuxuu ilaalin jiray kiishada lacagta ee xerta laakiin marar badan wax ayuu ka qaadan jiray. Ciise ayaa ku jawaabay, “Iska daaya, waxey sidan u sameysay si ey iigu diyaariso duugteyda. Dadka masaakiinta ah weligood ayey idin la joogi doonaan, laakiin anigu weligiin idin lama joogi doono.” Goortii dad badan oo Yuhuud ah maqleen inuu Ciise yimid ayey iyaguna yimaadeen si ey isaga iyo Laasaros u arkaan. Kaasoo uu dhimashada kasoo sarakiciyay. Sidaa darteed gudoomiyayaashii wadaaddada waxey qorsheysteen iney Laasarosna sidoo kale dilaan. Waayo wixii loo sameeyay darteed ayey Yuhuudda oo dhan ugu tagayeen Ciise oo ey u aaminayeen. Maalintii ku xigtay dad badan oo dabaaldagii u yimaaday ayaa maqlay inuu Ciise Yeruusaalem u soo socdo. Markaas ayey laamaha geedka timirta qaateen oo ey ka hor tageen, iyagoo dhahaya, “Hoosanna!” “Waxaa barakeysan kan ku imaanaya magaca Rabbiga!” “Waxaa barakeysan boqorkii Israa’iil!” Ciise wuxuu helay dameer yar wuuna soo fuulay, sida qoran, “Ha cabsan Gabadhii Siyooney, bal fiiri boqorkaagi wuu imaanayaa, isaga oo dameer yar saaran.” Markii hore xertii ma fahmin waxyaalahan oo dhan. Waxey fahmeen goortii uu Ciise ammaanmay in waxyaalahan isaga laga qoray oo waxyaalahaasna isaga lagu sameeyay. Haddaba dadkii badnaa ee Ciise la joogay goortii uu Laasaros xabaasha uga yeeray oo dhimashada kasoo sarakiciyay ayaa warkii sii faafiyay. Dad badan ayaa markey maqleen inuu mucjiso sameeyay u tageen iney isaga la kulmaan. Markaas ayaa Farrisiintii isku yiraahdeen, “Waad arkeysaan in aanan waxba ka qaban karin. Dunida oo dhan ayaa raacday!” Haddaba kuwa Gariig ah ayaa ka mid ahaayeen kuwii dabaaldaga tagay oo soo duceysanayay. Waxey u yimaadeen Filibos, kaasoo ka yimaaday Beytsayda oo ku taalo Galili, iyagoo codsi wata waxeyna ku yiraahdeen, “Mudane waxaan dooneynaa inaan aragno Ciise.” Filibosna wuu tagay oo u soo sheegay Andaros weyna isla tageen oo waxey u soo sheegeen Ciise. Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waqtigii Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa waa la gaaray. Runtii waxaan idin leeyahay abuur sarreen ah haddeysan dhulka ku dhacin oo eysan dhimanin, kaligeed ayey ahaaneysaa. Laakiin haddii ey dhimato kuwo badan ayey dhashaa. Mid walboo noloshiisa jacel wuu lumin doonaa, kii dunidan naftiisa ku necebna wuu haysan doonaa illaa nolosha weligeed ah. Mid walboo ii adeega waa inuu i raacaa, halka aan joogana waa inuu adeegaheyguna joogaa. Aabahay wuu xushmeyn doonaa kii ii adeega. “Haddaba nafteydu wey murugeysantahay, maxaan dhihi karaa? ‘Aabow waqtigan iga badbaadi’? Maya, waayo waqtigan dartiis ayaan u imid. Aabow magacaaga ammaan!” Kadibna cod ayaa ka imaaday samada isaga oo leh, “Mar hore ayaan ammaaney magaceyga, haddana waan ammaani doonaa.” Dadkii badnaa oo halkaas joogay ayaa waxey maqleen cod sida onkod oo kale ah, kuwa kalana waxey yiraahdeen malag ayaa isaga la hadlay. Ciise ayaa yiri, “Codkaas faa’iido ayuu idiin yahay, ee aniga iima aha. Haddaba waqtigii xukunka aduunka ayaa la joogaa. Hadda Shaydaanka oo ah taliyaha aduunka banaanka ayaa lagu tuuri doonaa. Aniguna, markii kor la iiga qaado dhulka, dadka oo dhan xaggeygaan u soo jiidan doonaa.” Wuxuu hadaladaan u yiri, wuxuu iyaga tusayay siduu u dhiman doono. Markaas ayaa dadkii yiraahdeen, “Sharciga Muuse waxaan ka maqalnay in Masiixu weligiis joogi doono, sidee ayaad ku dhaheysaa, ‘Wiilka Aadanahu waa in kor loo qaadaa?’ Waa kuma, ‘Wiilka Aadanaha’?” Kadibna Ciise wuxuu iyaga ugu jawaabay, “Iftiinka xoogaa yar ayaad sii haysan doontaan. Socda marka aad iftiinka haysataan, inta mugdiga uusan idin helin. Waayo mid walboo mugdiga ku socda ma garanayo halka uu u socdo. Aamina iftiinka intaad weli haysataan, si aad u noqotaan caruurtii iftiinka.” Markii uu hadalkii dhameeyay, Ciise wuu tagay wuuna iska qariyay iyaga. Inkastoo Ciise mucjisooyin badan hortooda ku sameeyay, weli isaga ma eysan aaminin. Tani waxey oofineysaa hadalkii nebi Isayos, “Rabbiyow yaa fariinteena aaminay? Yaana gacantii Rabbiga loo muujiyay?” Sidaa darteed ma eysan aamini karin waayo nebi Isayos wuxuu meel kale ku leeyahay. “Indhahooda ayaan xiray, oo qalbiyadoodi ayaan adkeeyay. Sidaa darteed indhahooda wax kuma arkaan. Oo qalbiyadoodana wax kuma fahmaan. Si eysan iigu soo laaban oo aanan u bogsiin.” Isayos wuxuu waxyaalahan u yiri ammaantii Ciise ayuu arkay oo ka hadlay. Laakiin isla waqtigaas kuwa badan oo ka mid ah odayaasha ayaa aaminay Ciise. Laakiin Farrisiinta dartood ayey si caddaan ah isku soo saari waayeen oo ey iimaankooda u qiran waayeen, waayo waxey ka cabsadeen in sunagogga laga saaro. Waxey ammaanta Illaahey ka jecelyihiin ammaanta binu aadanka. Markaas ayaa Ciise ku qayliyay dadkii badnaa oo yiri, “Mid walboo i aamina aniga kaliya ima aaminin, laakiin wuxuu aaminay kan isoo diray. Kan i fiiriyana wuxuu arkayaa kan isoo diray. Waxaan dunidan u imaaday sida iftiin ahaan, si uu mid walboo i aaminaa uusan mugdiga ugu harin. “Haddii qof uu maqlo ereygeyga oo uusan xijinin ma xukumayo qofkaas. Waayo anigu uma imaanin inaan aduunka xukumo laakiin inaan badbaadiyo ayaan u imid. Xukun ayaa sugaya kan aniga iyo ereygeyga diida. Ereyadii aan ku hadlay ayaa iyaga xukumi doona maalinta ugu dambeysa. Waayo anigu amarkeyga kuma hadlin, laakiin Aabahay ayaa isoo diray oo igu amray waxyaalahan aan ku hadlay oo dhan. Waan ogahay in amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa darteed wax walboo aan iraahdo waa wixii uu Aabahay igu yiri, sidaas ayaan ku hadlaa aniguna.” Iiddii Kormaridda ka hor, Ciise wuu ogaa in waqtigii uu aduunkan ka tagi lahaa oo Aabaha u tagi lahaa la gaaray. Siduu u jeclaa xertiisi dunidan joogtay, ayuu u jeclaa illaa dhamaadkii. Waxaa la joogay waqtigii cashada la cuni lahaa, ibliiskiina mar hore ayuu Yuudas Iskariyod qalbigiisa galay, kii ahaa ina Simoon Iskariyod kaasoo Ciise gacangelin doona. Ciise wuu ogaa in Aabuhu isaga siiyay awood uu wax walba ku sameeyo, iyo inuu Illaahey ka yimaaday oo Illaahey u laabanayo. Sidaa darteed intuu cashadii ka kacay ayuu dharkii uu kor ka gashnaa iska siibay oo dhexda ku xirtay shukumaan. Kadib intuu biyo weel ku shubay ayuu bilaabay inuu xertiisi cagaha ka dhaqo. Wuxuuna ku qalajinaayay shukumaankii uu dhexda ku xirnaa. Ciise wuxuu u yimaaday Simoon Butros kaasoo ku yiri, “Sayidow, miyaad dooneysaa inaad cagaheyga dhaqdo?” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Hadda ma ogaan kartid waxyaalahan sameynayo, laakiin hadhow ayaad ogaan doontaa.” Butrosna wuxuu ku yiri, “Maya, waa in aadan cagaheyga dhaqin.” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Haddaanan cagahaaga dhaqin weligaa igama mid noqoneysid.” Markaas ayaa Simoon Butros ugu jawaabay, “Rabbiyow cagaheyga kaliya ha dhaqine xitaa gacmaheyga iyo madaxeygana sidoo kale ii dhaq!” Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Kuwii horey u soo qubeystay waxa kaliya oo ey u baahanyihiin waa in cagaha laga dhaqo. Waayo jirkooda oo dhan waa nadiif, adiguna nadiif ayaad tahay, inkastoo kuligiin eydan nadiif wada ahayn.” Waayo wuu ogaa kan isaga gacangelin doona, sidaa darteed ayuu u yiri, kuligiin nadiif ma wada tihiin. Goortii uu dhameeyay inuu cagahooda dhaqo, ayuu dharkiisi gashaday oo ku laabtay halkii uu fadhiyay. Markaas ayuu iyagii weydiiyay, “Miyaad fahanteen waxaan idiin sameeyay? Waxaad igu wacdaan ‘Macalinow’ iyo ‘Rabbiyow,’ waana runtiin oo waan ahay. Haddaba aniga oo ah Rabbigiina iyo macalinkiina cagahiina ayaan dhaqay, idinkuna waa inaad sidoo kale cagaha isu dhaqdaan. Waxaan idiin noqday tusaale, idinkuna waa inaad sameysaan sidii aan aniga idiin sameeyay oo kale. Runtii waxaan idin ku leeyahay, adeeguhu kama weyna sayidkiisa, fariinsidana kama weyna kii soo diray. Haddaba waad garaneysaan waxyaalahan, haddaad sameysaanna waad barakoobi doontaan. “Idinka oo dhan kama hadlayo, waan ogahay kuwa aan doortay. Laakiin tani waxey oofineysaa qorniinka dhahaya, ‘Kii aan kibistayda la qeybsaday ayaa iga soo hor jeestay.’ “Haddaba inta eysan waxyaalahan dhicin ka hor ayaan idiin sheegayaa si markey dhacaan aad u aamintaan inaan ahay Masiixa. Runtii runtii waxaan idin ku leeyahay, mid walboo aqbala kan aan soo diray aniga ayuu i aqbalay. Mid walboo i aqbalana wuxuu aqbalay kan isoo diray.” Ciise goortii uu waxyaalahan yiri kadib aad ayuu ruuxiisi uga xumaaday, wuxuuna yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, midkiin ayaa i gacangelin doona.” Xertiisi ayaa is fiiriyeen iyagoo aan garaneyn qofka uu ka hadlayo. Mid xertii ka mid ahaa oo Ciise aad u jeclaa ayaa agtiisa fadhiyay. Sidaa darteed Simoon Butros gacantiisa intuu taagay ayuu ninkii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ku yiri, “Bal weydii qofka uu ka wado.” Sidaa darteed intuu ku tiirsaday Ciise ayuu weydiiyay, “Sayidow, kaasi yaa waaye?” Ciisana wuxuu ku jawaabay, “Waa kan aan siin doono jabkan kibista ah marka aan baaquliga quusiyo.” Kadib markii uu kibistii quusiyay baaquliga ayuu siiyay Yuudas, kaasoo ahaa ina Simoon Iskariyod. Isla markii uu Yuudas kibistii cunay ayaa Shaydaanku galay. Markaas ayaa Ciise isaga ku yiri, “Maxaad sugeysaa, dhakhso bax oo samee wixii aad sameyn lahayd.” Laakiin kuwii halkaas ku casheynayay midkoodna ma fahmin waxyaalihii uu Ciise yiri. Yuudas ayaa kiishadii lacagta hayay sidaa darteed qaarkood waxey u maleeyeen Ciise inuu ku dhahayo soo gad waxyaalahii dabaaldaga looga baahnaa. Ama inuu lacagta qaarkeed masaakiinta ka siiyo. Yuudas isla markii uu kibistii cunay ayuu baxay iyadoo ey weli habeen tahay. Yuudas markii uu tagay, Ciise wuxuu yiri, “Haddaba Wiilka Aadanaha waa la ammaanay Illaaheyna isaga ayuu la ammaanmay. Haddii uu Illaahey ammaanta Wiilka dartiis ku helay, mar dhowna wuu ammaani doonaa Wiilka. “Caruurteydiyow xoogaa yar ayaan idin la joogi doonaa. Waadna i raadin doontaan, laakiin sida aan Yuhuudda u sheegay oo kale ayaan idinkana idiin sheegayaa. Halkan u socdo ma imaan kartaan. “Waxaan idin siinayaa amar cusub. Is jeclaada, sida aan idinka idiin jeclaaday, sidaa darteed waa inaad is jeclaataan. Haddii aad is jeclaataan, qof walba wuu ogaan doonaa inaad tihiin xerteyda.” Simoon Butros ayaa Ciise weydiiyay, “Rabbiyow, halkeed u socotaa?” Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Halkan u socdo ima raaci kartid hadda, laakiin waqti dambe ayaad igu soo biiri doontaa.” Markaas ayaa Butros ku yiri Ciise, “Sayidow, maxaanan hadda kuu raaci karin? Waayo nolosheyda ayaan kuu bixinayaa.” Kadibna Ciise wuxuu ugu jawaabay, “Runtii miyaad noloshaada ii bixin doontaa? Runtii waxaan kugu leeyahay, inta uusan diiqu ciyin ka hor saddex mar ayaad i dafiri doontaa! “Qalbigiinu yuusan murugoonin. Waad aaminsan tihiin Illaahey ee anigana sidoo kale i aamina. Guriga Aabahay qolal badan ayuu leeyahay, haddii eysan sidaas ahayn miyaan idin dhihi lahaa waan tagayaa oo meel ayaan idiin sii diyaarinayaa? Haddii aan tago oo aan meel idiin sii diyaariyo, waan soo laaban doonaa oo idinkana xaggeyga ayaan idiin qaadi doonaa. Si meesha aan joogo idinkuna aad iila joogtaan. Waad garaneysaan jidka loo maro halka aan u socdo.” Markaas ayaa Toomas Ciise ku yiri, “Sayidow, ma garaneyno halka aad u socotid, sidee ayaan u garan karnaa jidka?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaan ahay jidka, runta iyo nolosha. Qofna Aabaha uma imaan karo haddii uusan aniga ii soo marin. Runtii haddii aad aniga i garaneysid Aabaheyna waad garaneysaa. Hadda laga bilaabo waad garaneysaan isaga oo xitaa waad aragteen.” Markaas ayaa Filibos yiri, “Sayidow, bal na tus Aabaha waanna ku qanci doonnaa.” Ciise ayaa ku jawaabay, “Filibos miyaadan aniga i garaneyn? Xitaa waqtigan badan ayaan idin la joogay weli ma i garaneysid miyaa? Mid walboo aniga i arkay wuu arkay Aabaha. Sidee ayaad ku dhihi kartaa, ‘Na tus Aabaha’? Miyaadan aaminsaneyn inaan Aabaha ku jiro oo Aabuhuna igu jiro? Hadaladaan idin kula hadlayo aniga igama imaanin, laakiin Aabaha aniga igu dhex nool ayaa iga dhex shaqeeya. Balse i aamin haddaan kugu iraahdo anigu waxaan ku jiraa Aabaha oo Aabuhuna wuu igu dhex jiraa. Ama igu aamin shaqada aad aragtay aniga oo sameynaya. Runtii waxaan idin ku leeyahay, mid walboo aniga i aaminsan wuxuu sameynayaa shaqadii aan sameyn jiray. Xitaa waxyaalo kuwaas ka waaweyn ayuu sameyn doonaa waayo waxaan u socdaa Aabahay. Wax walboo aad magaceyga ku weydiisataanna waan sameyn doonaa. Si Aabuhu ugu ammaanmo Wiilka. Wax walboo aad magaceyga igu weydiisataanna waan sameyn doonaa. “Haddii aad i jeceshihiin amarkeyga xajiya. Aniguna waxaan Aabahay weydiin doonaa gargaare kale oo idin caawiya oona weligiin idin la joogi doona. Ruuxa runta ah dunidu ma aqbali karto, waayo ma garaneyso mana arkayso. Laakiin idinku waad garaneysaan, waayo wuu idin la nool yahay wuuna idin la joogi doonaa. Idin kagama tagi doono sida agoomo ee waan idiin imaan doonaa. In yar kadib dunidu ima arki doonto, laakiin idinku waad i arki doontaan. Waayo waan noolahay oo idinkuna waad noolaan doontaan. Maalintaas ayaad ogaan doontaan inaan ku dhex jiro Aabahay, oo idinkuna igu dhex jirtaan oo aan aniguna idinku dhex jiro. Mid walboo amarkeyga haysta oona xajiya kaas ayaa aniga i jecel. Kan aniga i jecel Aabaheyna wuu jeclaan doonaa isaga, anigu xitaa waan jeclaan doonaa oo waan isku muujin doonaa.” Kadibna Yuudas (Kaasoo aan ahayn Yuudas Iskariyod) ayaa yiri, “Sayidow, laakiin maxaad anaga isku keen tuseysaa oo aadan aduunka isu tuseynin?” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Mid walboo aniga i jecel wuxuu adeeci doonaa waxbarideyda. Aabaheyna wuu jeclaan doonaa isaga, waanna u imaan doonnaa oo waan la joogi doonnaa. Mid walboo aan aniga i jecleyn ma xajin doono waxbarideyda. Hadaladan aad maqlaysaan aniga igama imaanin, waxey ka yimaadeen Aabaha isoo diray. “Waxyaalahan oo dhan waxaan ku hadlay aniga oo idin la jooga. Laakiin gargaaraha Ruuxa Quduuska ah, kaasoo Aabuhu magaceyga kusoo diri doono ayaa idin bari doona wax walboona idin xusuusin doona wax walboo aan anigu idiin sheegay. Nabad ayaan idiin kaga tagay, nabadeyda aan idin siiyay, idiin ma siin sida aduunku u siiyo. Qalbiyadiinu yeysan murugoonin hana cabsanina. “Waad maqasheen aniga oo dhahaya, ‘Waan tagayaa laakiin waan idiin soo laaban doonaa.’ Haddaad i jeclaataan waad ku farxi doontaan marka aan Aabaha u tagayo, waayo Aabuhu wuu iga weyn yahay. Haddaba waxaan waxyaalahan idiin sheegay iyagoo aan dhicin ka hor, si aad markey dhacaan u aamintaan. Waqti dheer ma idin la sii hadli doono, waayo kii dunidan xukumayay wuu soo socdaa. Laakiin ma iga xoog badna, wuxuuna u imaanayaa si dunidu u garato inaan jeclahay Aabahay oo aan sameeyo wixii Aabahay igu amray. “Haddaba soo baxa aan tagnee. “Waxaan ahay geedka canabka ah ee runta ah, Aabahayna waa beerfalaha. Wuxuuna gooyaa laan walboo igu taala oo aan mirro dhaleynin, laakiin laan kastoo igu taala oo mirro dhasha wuu nadiifiyaa si ey mirro badan u bixiso. Idinku waxaad ku nadiifsantihiin ereyga aan idin kula hadlay dartiis. Igu dhex jira si aan aniguna idiin kugu dhex jiro. Ma jirto laan canab ah oo kaligeed mirro dhasha. Waa iney ku taalaa geedka canabka ah. Sidoo kale idinkuna mirro ma dhaleysaan haddii eydan igu jirin. “Waxaan ahay geedka canabka ah idinkuna waxaad tihiin laamaha. Haddii aad igu jirtaan oo aan aniguna idin ku jiro waxaad dhaleysaan mirro badan. La’aantey waxba ma sameyn kartaan. Haddii eydan aniga igu jirin, waxaad noqoneysaan sida laan la tuuray oo qalashay, laamahaas oo kale waa la qaadaa oo lagu tuuraa dabka weyna gubtaan. Laakiin haddii aad igu jirtaan oo aan aniguna idinku jiro, weydiista waxyaalahaad rabtaan oo dhan weyna idiin ahaaneysaa. Haddii aad mirro badan dhashaan waxaad tihiin xerteyda runta ah. Arintaanna ammaan weyn ayey Aabahay u keeneysaa. “Sida Aabuhu ii jeclaaday ayaan aniguna idiin jeclaaday. Haddaba ku jira jeceylkeyga. Haddii aad amarkeyga xajisaan waxaad ku jiri doontaan jaceylkeyga. Sidii aan anigu u xajiyay amarka Aabahay, oo aan ugu jiray jaceylkiisa. Waxaan waxyaalahan idiin kugu sheegay waa in farxadeydu idinku jirto oo farxadiinuna buuxsanto. Amarkeygu waa, isu jeclaada sida aan anigu idiin jeclaaday. Jaceyl ka weyn ma jiro, in qof noloshiisa u bixiso saaxiibadiis. Haddii aad sameysaan waxyaalihii aan idin ku amray waxaad tihiin saaxiibadey. Ma idin kugu yeerayo adeegayaal, waayo adeeguhu ma garanayo shaqada sayidkiisa. Haddaba waxaad tihiin saaxiibadey, waayo waxyaalihii aan Aabahay ka bartay oo dhan waan idiin sheegay. Idinku ima dooranin ee aniga ayaa idin doortay oo idin diray si aad mirro u dhashaan, mirro sii jira, si wax walboo aad magaceyga ku weydiisataan Aabuhu idiin siiyo. Kani waa amarkeyga, is jeclaada. “Haddii aduunka la idin ka naco, xasuusta aniga ayey hortiin i naceen. Haddii aad kuwa aduunka ahaan lahaydeen, kuweeda oo kale ayey idiin jeclaan lahaayeen. Laakiin kuwa aduunka ma tihiin, aniga ayaa idin ka dhex doortay aduunka. Sidaa darteed ayey dunidu idiin nici doontaa. Balse xasuusta waxaan idin ku iri, ‘Adeeguhu kama weyna sayidkiisa.’ Haddii ey aniga i silciyaan idinkana waa la idin silcin doonaa. Haddii ey waxbarideyda adeeceen idinkana waxbaridiina wey adeeci doonaan. Waxey sidaas idin kula dhaqmi doonaan waa magaceyga dartiis, waayo ma garanayaan kan isoo diray. Haddii aanan imaanin oo aanan iyaga la hadlin dembi ma lahaan laheyn, laakiin hadda dembigooda cududaar uma hayaan. Mid walboo aniga i naca wuxuu sidoo kale nacay Aabahay. Haddii aanan ka sameyn lahayn calaamada mucjisooyin ah dhexdooda oo uusan qof kale sameyn karin, eed kuma eysan lahaadeen dembi. Laakiin wey arkeen oo weyna naceen aniga iyo Aabahayba. Laakiin tani waxey oofineysaa waxyaalihii lagu qoray sharciga Muuse, ‘Sabab la’aan ayey igu naceen.’ “Markii uu gargaaruhu yimaado, kan Ruuxa runta ah ee aan idin kaga soo diri doono dhinaca Aabahay, wuu ii marqaatifuri doonaa. Idinkuna sidoo kale waa inaad ii marqaatifurtaan waayo waan idin la jiray illaa bilowgii. “Waxaan waxyaalahaas idin kula hadlay si eydan u lumin. Sunagogga ayey idin ka saari doonaan, xitaa waqti ayaa imaanaya oo mid walboo idin dila uu u maleynayo inuu Illaahey u adeegayo. Waxey waxyaalahan u sameynayaan waayo ma garanayaan Aabaha iyo anigaba. Waxaan waxyaalahan idin kula hadlayaa in markii uu waqtigu yimaado aad xusuusataan inaan idinkaga digay waxyaalahan. Ma idiin sheegin mar hore waayo waan idin la joogay. Laakiin hadda waxaan u socdaa kii isoo diray. Mana jiro mid idin ka mid ah oo i weydiiyay, ‘Halkeed u socotaa.’ Laakiin qalbigiina murug ayaa ka buuxsantay markaan waxyaalahan idiin ku iri. Laakiin runtii waxaan idin ku leeyehay, wey idiin roontahay inaan tago. Ilaa aan ka tago gargaaruhu idiin ma imaanayo, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa. Markii uu yimaado wuxuu aduunka u cadayn doonaa iney ku qaldanyihiin waxa ku saabsan dembiga, xaqnimada iyo xukunka. Xaga dembiga, waayo dadku ima aaminin. Xaga xaqnimada, waayo waxaan u socdaa Aabaha oo mana i arki doontaan. Xaga xukunka, waayo kan aduunka xukuma hadda waa la xukumay. “Waxyaalo badan ayaan rabaa inaan idiin sheego, laakiin ma qaadan kartaan. Markii uu Ruuxa runta ah yimaado, wuxuu idin ku hogaamin doonaa waxyaalaha runta ah oo dhan. Isagu iskama hadli doono, wuxuu ku hadli doonaa wuxuu maqlo oo kaliya, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxyaalaha soo socda. Wuuna i ammaani doonaa waayo aniga ayuu iga helaa waxyaalaha uu idin la wadaagi doono. Wax walboo Aabuhu iska leeyahay aniguna waan la leeyahay. Sidaa darteed ayaan u yiri, Ruuxa ayaa idiin sheegi doonaa wax walboo uu iga helo.” Ciise hadalkii ayuu sii watay oo yiri, “In yar kadib ma i arki doontaan, in yar kadibna waad i arki doontaan.” Qaar xertiisi ka mid ah ayaa is weydiiyeen, “Muxuu ka wadaa markii uu yiri, ‘In yar kadib ma i arki doontaan, oo in yar kadibna waad i arki doontaan, waayo waxaan u socdaa Aabahay?’  ” Weli wey isa sii weydiiyeen iyagoo leh, “Bal muxuu ka wadaa markii uu yiri, ‘In yar kadib’? Ma fahmayno wuxuu leeyahay.” Ciise markii uu ogaaday iney isaga weydiin rabeen waxa ku saabsan arintaas ayuu iyaga ku yiri, “Miyaad dhexdiina iska weydiineysaan waxaan ka wado markaan iri, ‘In yar kadib ima arki doontaan, oo in yar kadibna waad i arki doontaan’? Runtii waxaan idin ku leeyahay, waad ooyi doontaan oo waad barooran doontaan markey dunidu farxayso. Waad murugoon doontaan laakiin murugadiina waxaa loo beddeli doonaa farxad. Naagta cunugga dhaleysa xanuun ayey dareentaa waayo waqtigeeda ayaa la gaaray, laakiin cunuggu markii uu dhasho wey iloobeysaa rafaadkii ey soo martay waayo waxey ku farxeysaa cunugga ey aduunka keentay. Idinkuna xitaa waa sidaas oo kale, hadda waa waqtigiini murugada, laakiin waan idin arki doonaa idinka oo faraxsan. Qofna farxadaas ma idin ka qaadi doono. Maalintaas waxba ma i weydiin doontaan. Runtii waxaan idin ku leeyahay, Aabahay wuu idin siin doonaa wax walboo aad magaceyga ku weydiisataan. Ilaa hadda waxba magaceyga kuma weydiisanin. Weydiista waadna heli doontaan, farxadiinuna wey buuxsami doontaa. “Waxyaalahan tusaale ayaan idiin kula hadlay, laakiin waqti ayaa imaan doona oo aanan tusaale isticmaali doonin, oo aan si caddaan ah waxa Aabaha ku saabsan idiin ku sheegi doono. Maalintaas magaceyga ayaad ku weydiisan doontan. Mana dhihi doono Aabaha ayaan idiin weydiinayaa. Maya, Aabuhu wuu idin jecel yahay waayo waad i jeclaateen oo weliba waad aaminteen inaan ka imaaday Illaahey. Waxaan ka imaaday Aabaha oo aduunka ayaan soo galay, haddana aduunka waan ka tagayaa oo Aabaha ayaan u laabanayaa.” Kadibna xertii Ciise ayaa tiri, “Hadda si fasiix ah oo aan tusaalo lahayn ayaad u hadleysaa. Hadda waan ogaanay inaad wax walba garaneysid, su’aalna kuma weydiineyno. Arintaas darteed ayaan u aaminnay inaad Illaahey ka timid.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddaba miyaad aaminteen? Waqti ayaa soo socda, waana la gaaray markaas oo aad kala firdhismi doontaan, qof walbana uu gurigiisi aadi doono. Kaligey ayaad iga tagi doontaan. Inkastoo aanan kaligey ahayn, waayo Aabahay ayaa ila jira. “Waxaan waxyaalahan idin kugu sheegay waa inaad nabad igu dhex lahaataan. Dunidan dhib ayaad la kulmi doontaan, laakiin dhiiranaada! Waayo aduunka waan ka adkaaday.” Kadib markii uu yiri waxyaalahan oo dhan, Ciise intuu samada fiiriyay ayuu duceystay isaga oo dhahaya, “Aabow waqtigii wuu yimaaday. Ammaan Wiilkaaga, si uu Wiilkaagu kuu ammaano. Waayo waxaad siisay awood ka sareysa dadka oo dhan, si uu nolosha weligeed ah u siiyo mid walba ee aad isaga siisay. Haddaba tani waa nolosha weligeed ah, si ey u gartaan, Illaaha kaliya ee runta ah, iyo Ciise Masiix kan aad soo dirtay. Aduunka ayaan ammaantaada keenay markaan dhameeyay shaqadii aad ii soo dirtay. Haddaba Aabow hortaada igu ammaan, ammaantaan kula lahaa inteysan dunidu jirin ka hor. “Waxaan magacaaga u muujiyay kuwii aad aduunka iga siisay. Waxey ahaayeen kuwaagii laakiin waad i siisay weyna adeeceen ereygaaga. Haddana wey garanayaan in wax walboo aad i siisay ey adiga kaa yimaadeen. Waayo waxaan iyaga siiyay ereyga aad i siisay oo weyna aqbaleen. Runtii wey garteen inaan xaggaaga ka imid, weyna aamineen inaad aniga isoo dirtay. Waana u duceynayaa. Aduunka uma duceynayo, laakiin waxaan u duceynayaa kuwa aad aniga i siisay waayo adiga ayaa leh. Wax walboo aan leeyahay adiga ayaa leh, wax walboo aad leedahayna aniga ayaa leh. Ammaan ayaa iyaga dartood iigu timid. Waqti dheer aduunka ma sii joogayo, laakiin iyagu weli aduunka ayey joogaan. Aniguna waan kuu imaanaya. Aabe Quduusow, ku ilaali xoogga magacaaga, magacaad aniga i siisay, si ey mid u ahaadaan sida aan anaguba mid u nahay. Markaan la joogay waan ilaalin jiray iyaga, waxaan iyaga ku hayay magacaad aniga i siisay. Midkoodna ma lumin waxaan ka ahayn kii loogu talagalay inuu lumo maahee si uu qoraalku u rumoobo. “Hadda waan kuu imaanayaa, laakiin waxaan waxyaalahan aniga oo aduunka jooga kuugu leeyahay waa iney iyagu iga helaan farxad buuxda. Waxaan iyaga siiyay ereygaaga laakiin aduunka wey nacday iyaga, laakiin iyagu ma aha kuwa aduunka sida aanan anigu xitaa u ahayn kan aduunka. Ducadeydu ma aha inaad iyaga aduunka ka saartid, laakiin ducadeydu waa inaad ka ilaalisid kan sharka ah. Iyagu kuwa aduunka ma aha sida aanan anigu xitaa u ahayn kan aduunka. Runta ereygaaga quduus kaga dhig. Sida aad aniga aduunka iigu soo dirtay ayaan anigu xitaa iyaga aduunka ugu diray. Nolosheyda sida aan allabariga quduuska ah dartood iskugu bixiyay, si ey iyaguna runta quduus ugu ahaadaan. “Iyaga kaliya uma duceynayo. Waxaan u duceynayaa kuwa fariintooda igu aamini doona, si ey iyagoo dhan mid u noqdaan. Aabow sida aad aniga iigu jirtid oo aan aniguna kuugu jiro, iney iyaguna nagu jiraan si ey dunidu u aaminto inaad aniga isoo dirtay. Waxaan iyaga siiyay ammaantaad aniga i siisay, si ey mid u ahaadaan sida anaga oo kale. Aniga oo iyaga ku jira iyo adiga oo igu jira si ey mid u ahaadaan. Kadibna dunidu wey ogaan doontaa inaad aniga isoo dirtay oo aad iyaga u jeclaatay sidaad aniga ii jeclaatay. “Aabow waxaan doonayaa in kuwii aad i siisay ila joogaan halkan joogo, oo ey ammaanteyda arkaan ammaantaad i siisay waayo waxaad i jeclaatay intaan aduunka la abuurin ka hor. “Aabaha xaqa ahaw, inkastoo eysan dunidu ku garaneyn, anigu waan ku garanayaa, iyaguna wey ogyihiin inaad isoo dirtay. Magacaaga ayaan iyaga u muujiyay, waana usii muujin doonaa si jaceylkii aad aniga i jeclaatay iyaga ugu jiro oo aan aniguna iyaga ugu jiro.” Ciise markii uu ducada dhameystay kadib ayey xertiisi iskala gudbeen dhinaca kale ee Tog Qidroon. Dhinaca kale waxaa ku yaalay beer, isaga iyo xertiisana halkaas ayey tageen. Haddaba Yuudas kii isaga gacangelin lahaa wuu ogaa halkii ey joogeen. Waayo Ciise marar badan ayuu xertiisa halkaas kula kulmay. Markaas ayuu Yuudas yimid beertii isaga oo hogaaminaya askar iyo kuwa kale oo macbadka ilaaliya iyagoo ey Farrisiintii iyo gudoomiyayaashii wadaaddada soo direen. Waxeyna wateen tooshash, feynuusyo iyo hub. Ciise oo ogaa waxa ku dhici doona ayaa iyaga u yimid oo ku yiri, “Yaad dooneysaan?” Markaas ayey ku jawaabeen, “Ciisihii reer Naasared.” Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Isagii ayaan ahay.” Yuudas kii gacangeliyay ayaa agtooda taagnaa. Markii uu Ciise yiri, “Isagii ayaan ahay,” intey gadaal u gurteen ayey dhulka ku wada dhaceen. Mar labaad ayuu Ciise haddana yiri, “Yaad dooneysaan?” Waxeyna ugu jawaabeen, “Ciisihii reer Naasared.” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Waan idiin sheegay inaan isaga ahay. Haddii aad aniga i dooneysaan kuwa kale iska daaya.” Arintan waxey u dhacday si ereyadii uu ku hadlay looga dhabeeyo. Markii uu yiri, “Kuwaad i siisay midna igama lumin.” Markaas ayaa Simoon Butros oo seef haystay soo baxsaday, kadibna nin wadaadkii sare adeege u ahaa dhagtiisa midigta ah ka gooyay. Adeegahaas magaciisu wuxuu ahaa Malkos. Ciise ayaa Butros amray oo ku yiri, “Seeftaada galkeeda ku celi! Miyaanan ka cabaynin koobka Aabahay i siiyay?” Markaas ayaa askartii, iyo hogaamiyahoodi iyo sarkaalkii Yuhuudda Ciise qabteen oo xireen. Waxeyna marka hore u keeneen Annas, kaasoo soddog u ahaa Kayafas, oo ahaa wadaadkii sare ee sanadkaas. Kayafas waa kii dadka Yuhuudda ku waaniyay, wey wanaagsanaan lahayd haddii uu hal nin u dhinto dadka oo dhan. Simoon Butros iyo nin kale oo xerta ka mid ahaa ayaa Ciise daba socday. Waayo ninkaas xerta ah wadaadkii sare ayuu garanayay sidaa darteed Ciise ayuu la tagay illaa barxada gurigii wadaadkii sare. Laakiin Butros banaanka albaabka hortiisa ayuu ku sugayay. Ninkii kale ee Xerta ahaa oo garanayay wadaadkii sare ayaa soo laabtay oo la hadlay gabadhii shaqada ku jirtay taas oo u ogolaatay in Butros soo galo. Markaas ayaa gabadhii albaabka ilaalineysay Butros weydiisay, “Ma tihid miyaa mid ka mid ah xertii ninkan?” Markaas ayuu ku yiri, “Ma ihi.” Halkaas qabow ayey ahayd, markaas ayaa adeegayaashii iyo saraakiishii dabka ag istaageen iyagoo isku kululeynaya. Butrosna wuu la taagnaa oo dabkii ayuu isku kululeynayay. Waqtigaas ayaa wadaadkii sare Ciise su’aalo ku saabsan xertiisa iyo wax baritaankiisa weydiiyay. Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Aduunka oo dhan ayaan si cad ula hadlay, waxaan mar walba wax ku barayay sunagogyada iyo macbadka, halkaas oo ey Yuhuuddu iskugu timaado. Waxaan qarsoodi ugu hadlay ma jiraan. Maxaad iga su’aaleysaa? Weydii kuwii i dhageystay. Runtii wey garanayaan waxaan dhahay.” Markii uu Ciise waxyaalahan ku hadlay mid ka mid ah saraakiishii ayaa Ciise wejiga ka dharbaaxay. Markaas ayuu ku yiri, “Sidan miyaad wadaadka sare ugu jawaabeysaa?” Ciisana wuu u jawaabay oo ku yiri, “Haddii aan wax sax ahayn ku hadlay bal ii sheeg waxaas aan saxda ahayn. Laakiin haddaan runta ku hadlay maxaa afka la iigu dhufanayaa?” Waxyaalahaas kadib Annas ayaa Ciise u diray Kayafas oo ahaa wadaadkii sare isaga oo weli xiran. Weli Simoon Butros wuxuu taagnaa dabkii agtiisa oo wuu is kululeynayay. Markaas ayey weydiiyeen isaga, “Ma tihid miyaa mid ka mid ah xerta?” Butrosna wuu inkiray oo yiri, “Ma ihi.” Laakiin mid wadaadkii sare adeege u ahaa, kaasoo qaraabo la ah ninkii uu Butros dhegta ka gooyay ayaa weydiiyay, “Miyaanan idin arkin idinka oo beerta wada jooga?” Butros mar kale ayuu diiday, isla markii ayaana diiqii ciyay. Subixii ayaa Ciise laga kaxeeyay gurigii Kayafas oo loo geeyay qasriga gudoomiyaha Rooma. Laakiin saraakiishii Yuhuudda ma eysan gelin guriga taliyaha si eysan u nijaasoobin waayo waxey doonayeen iney Iidda Kormaridda wax ka cunaan. Markaas ayaa Bilaatos intuu soo baxay iyaga weydiiyay, “Maxaad ninkan ku haysataan?” Markaas ayey u jawaabeen oo ku yiraahdeen, “Haddii uusan xumaan fale ahayn maba laguu keeni lahayn.” Bilaatosna wuxuu yiri, “Idinka wata oo sharcigiina ku xukuma.” Waxey yiraahdeen, “Laakiin anagu xaq uma lihin inaan qof dilno.” Arintan waxey u dhacday in hadalkii Ciise yiri rumoobo markii uu ka hadlayay sida uu u dhiman doono. Kadibna Bilaatos wuxuu ku laabtay qasriga, oo Ciise weydiiyay, “Ma waxaad tahay boqorka Yuhuudda?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Tani ma fikirkaagaa mise dad kale ayaa kuu sheegay waxyaalo igu saabsan?” Bilaatos ayaa ku yiri, “Ma waxaan ahay Yuhuudi? Dadkaaga iyo gudoomiyayaasha wadaaddada ayaa ii kaa keenay. Maxaad sameysay?” Ciise ayaa ku yiri, “Boqortooyadeydu tan aduunka ma aha. Haddii ey ahaan lahayd adeegayaasheyda ayaa ii dagaalami lahaa si eysan Yuhuuddu ii qaban. Laakiin boqortooyadeydu tan dunidan ma aha.” Markaas ayaa Bilaatos ku yiri Ciise, “Marka boqor ayaad tahay!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waad dhahday boqor ayaad tahay. Taas ayaan u dhashay oo xitaa aan dunidan u imid inaan u marqaatifuro runta. Kuwa runta jacel wey ogyihiin inaan runta ka hadlayo.” Bilaatos ayaa Ciise weydiiyay, “Waa maxey runtaas?” Hadaladaan kadib Bilaatos banaanka ayuu haddana u baxay halkii Yuhuuddu iskugu timid oo iyaga ku yiri, “Eed isaga kuma helin. Laakiin waxaa caado idiin ah inaan hal maxbuus idiin soo daayo waqtiga Iidda Kormaridda. Ma waxaad dooneysaan inaan idiin soo daayo boqorka Yuhuudda?” Markaas ayaa dadkii qayliyeen oo ey yiraahdeen, “Maya, isaga ma aha! Baraabbas noosoo daa!” Baraabbas wuxuu ahaa nin xun. Kadibna Bilaatos Ciise ayuu amray in la garaaco. Askartiina waxey isku duuduubeen taaj laga sameeyay laan qodaxyo leh oo ey madaxa u geliyeen. Dhar gaduudanna wey u xireen. Wey u yimaadeen oo wey ku jeesjeeseen iyagoo leh, “Boqorka Yuhuuddu ha noolaado!” Waxeyna ka dharbaaxeen wejiga. Haddana Bilaatos intuu u soo baxay dadkii banaanka ku urursanaa ayuu ku yiri, “Haddaba banaankaan idiin keenayaa, si aad u ogaataan in aanan ninkan waxba ku helin.” Markii uu Ciise banaankii u soo baxay isaga oo gashan taajkii qodaxda ahaa iyo dharkii guduudnaa ayaa Bilaatos iyagii ku yiri, “Waa kan ninkii!” Isla markiiba gudoomiyayaashii wadaaddada iyo saraakiishii markey Ciise arkeen ayey bilaabeen iney ku qayliyaan, “Ha la qodbo! Ha la qodbo!” Laakiin Bilaatos ayaa ku jawaabay, “Idinku kaxeysta oo soo qodba isaga. Waayo anigu eed kuma helin.” Markaas ayaa odayaashii Yuhuuddu ugu jawaabeen, “Waxaan leenahay sharci, sidaa darteed sharciga haddaan raacno waa qasab inuu dhinto. Waayo wuxuu iskugu yeeray Wiilkii Illaahey.” Bilaatos markii uu arintaas maqlay aad ayuu usii cabsaday. Qasriga ayuu ku laabtay oo weydiiyay Ciise, “Halkeed ka timid?” Laakiin Ciise ma u jawaabin. Markaas ayaa Bilaatos yiri, “Maxaad u diiday inaad ila hadashid? Miyaadan ogayn inaan leeyahay awood aan kugu daayo ama kugu qodbo?” Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Xoog ma igu lahaateen aniga haddii uusan Illaahey samada kaa siinin. Sidaa darteed kan aniga iisoo kaa gacangeliyay ayaa dembi badan leh.” Kadibna Bilaatos wuxuu isku dayay inuu Ciise soo daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylineysay iyagoo leh, “Haddii aad ninkan soo daysid, ma tihid saaxiibka Kaysar. Waayo mid walboo boqor iskugu waca wuxuu kasoo horjeedaa Kaysar.” Bilaatosna markii uu waxyaalahan maqlay ayuu Ciise banaanka keenay oo ku fariistay kursigi xukunka, meeshaas oo la yiraahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraaniga lagu yiraahdo Gabbata. Waxeyna ahayd maalintii la isku diyaarinayay Iiddii Kormaridda. Waqti duhuradii ah. Bilaatos ayaa Yuhuudda ku yiri, “Waa kan boqorkiini.” Laakiin waxey ku qayliyeen, “Naga wad! Naga wad! Ha la qodbo!” Markaas ayaa Bilaatos iyaga weydiiyay, “Miyaan iskutallaabta ku qodbaa boqorkiina?” Gudoomiyayaashii wadaaddada waxey ku jawaabeen, “Boqor kale ma lihin waxaan Kaysar ka ahayn.” Ugu dambeentii Bilaatos iyaga ayuu gacanta ka saaray si ey iskutallaabta ugu qodbaan. Sidaa darteed Ciise askartii ayaa sii kaxeysay. Isaga oo iskutallaabtiisa wata ayuu yimaaday meel la yiraahdo lafta madaxa, taas oo af Cibraaniga lagu yiraahdo Golgota. Halkaas ayaa iskutallaabta lagu qodbay, isaga iyo laba kale mid dhinaciisa midigta kan kalana dhinaciisa bidixda Ciisana dhexdoodi ayuu ku jiray. Bilaatosna wax ayuu qoray oo uu ku dhejiyay iskutallaabta. Waxaa ku qornaa, Ciisihii reer Naasared, Boqorka Yuhuudda. Yuhuud badan ayaa qoraalkaas akhrisay, waayo halkii Ciise lagu qodbayay magaalada ayey u dhaweyd, oo qoraalkana waxaa lagu qoray af Cibraani, Roomaani iyo af Gariig. Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddadu diideen oo ey ku yiraahdeen Bilaatos beddel qoraalkan, “Boqorka Yuhuudda, oo waxaad ku qortaa wuxuu iskugu waca boqorka Yuhuudda.” Bilaatosna wuxuu ku jawaabay, “Waxaan qoray waaban qoray.” Askartii markey Ciise iskutallaabta ku qodbeen kadib ayey maradiisi afar qeybood u kala qeybsadeen, askari walba hal qeyb ayuu helay. Maradii uu hoosta ka xirnaa meelna kama tolneyn kor illaa hoos. Markaas ayey isku yiraahdeen, “Yaanan kala gooynin laakiin aan qori tuur ku sameyno si aan u go’aansano kan heli doona.” Tani waxey u dhacday si uu qorniinku u rumoobo, isaga oo leh, “Dharkeyga ayey kala qeybsadeen oo waxey qori tuur ku sameeyeen maradeyda.” Waxyaalahan ayey askartii sameeyeen. Iskutallaabtii Ciise waxaa agtaagnaa hooyadiis, walaasha hooyadiis, Maryantii ahayd xaaskii Kaloobaas iyo Maryantii reer Magdala. Ciise wuxuu arkay hooyadiis iyo mid xertiisa ka mid ahaa oo uu jeclaa oo halkaas taagan. Markaas ayuu ku yiri hooyadiis, “Hooyoy, waa kan wiilkaagi.” Kii xertiisa ahaana wuxuu ku yiri, “Waa tanaa hooyadaa.” Waqtigaas ka bilaabato ninkii xerta ahaa ayaa watay iyada si ey ugu noolaato gurigiisa. Ciise wuu ogaa in waqtigaas wax walba dhamaadeen, si uu qorniinku u rumoobo Ciise wuxuu yiri, “Waan haraadsanahay.” Weel uu khamri dhanaan ku jiro ayaa halkaas yaalay. Intey suuf weelkii geliyeen ayey suufkii saareen laan geed husob ah oo faruuryihii Ciise ayey ku taabteen. Markii uu Ciise khamriga dhedhemiyay ayuu yiri, “Wey dhamaatay.” Kadibna madaxiisi ayuu foorariyay oo ruuxiisa bixiyay. Haddaba waxey ahayd maalintii diyaarinta ee Iidda Kormaridda, maalintii ku xigteyna waxey ahayd Sabti. Sidaa darteed Yuhuuddu ma dooneynin iney meydka maalinta Sabtida ku daayaan iskutallaabta, markaas ayey Bilaatos weydiiyeen in lugaha laga jabiyo kuwii la qodbay si ey dhakhso u dhintaan oo iskutallaabta looga soo dejiyo. Haddaba askartii ayaa yimaadeen oo lugaha ka jabiyeen ninkii ugu horeeyay oo Ciise lala qodbay kadibna ninkii kale. Markey Ciise soo gaareen waxey arkeen isaga oo dhintay, sidaa darteed lugaha lagama jabinin. Laakiin nin askartii ka mid ah ayaa Ciise dhinaca waran kaga duray, isla markii ayaa dhiig iyo biyo kasoo daateen. Ninkii waxyaalahan arkay ayaa marqaatifuray, marqaatifurkiisuna waa run. Wuuna og yahay inuu run sheegayo, wuxuuna u marqaatifuray si idinku xitaa aad u aamintaan. Waxyaalahan waxey u dhaceen in qorniinku rumoobo, “Lafihiisa midna ma jabi doonaan.” Qorniin kalana wuxuu leeyahay, “Dadku waxey fiirin doonaan kan waranka lagu duray.” Waxyaalahan kadib Yuusufkii reer Arimataya ayaa ka baryay Bilaatos inuu jirka Ciise qaato. Yuusuf wuxuu ka mid ahaa xerta Ciise, laakiin wuu is qarinayay waayo wuxuu ka cabsaday hogaamiyaashii Yuhuudda. Goortii uu Bilaatos amar siiyay ayuu Yuusuf yimid oo jirkii Ciise qaatay. Nikodemos ayaa la socday Yuusuf, ninkii hadda ka hor Ciise u yimid habeenkii. Nikodemos wuxuu keenay malmal iyo cuud oo qiyaastii soddon iyo afar kiillo ah. Labadii nin jirkii Ciise intey qaadeen ayey maro iyo dhir udgoon ku duuduubeen sida caadadii Yuhuuddu ahayd markey meydka duugta u diyaarinayaan. Halkii Ciise lagu qodbay waxaa ku yaalay beer, beertaasna waxaa ku yaalay xabaal dhagax laga sameeyay. Kaasoo aan weligiis qofna lagu duugin. Waayo waxey ahayd waqtigii ey Yuhuuddu is diyaarineysay, xabaashiina halkaas ayey ka dhaweyd sidaa darteed Ciise halkaas ayaa lagu duugay. Maalintii ugu horeysay ee usbuuc, ayaa Maryantii reer Magdala aroortii tagtay xabaashii oo waxey aragtay dhagaxii oo xabaasha iridiisi laga qaaday. Markaas ayey iyadoo ordeysa u timid Simoon Butros iyo nin kale oo xerta ka mid ahaa oo uu Ciise jeclaa waxeyna ku tiri, “Sayidkii wey ka dhex qaateen xabaasha, mana garaneyno halka ey dhigeen.” Markaas ayaa Butros iyo kii kale oo xerta ahaa tageen xabaashii. Labadoodu wey ordayeen, laakiin kii kale oo xerta ahaa ayaa orodka ka badiyay Butros oo hortiis gaaray qabrigii. Wuu fiiriyay wuxuuna arkay maro halkaas taalay laakiin ma uusan galin. Kadibna Simoon Butros oo ka daba ordaayay ayaa yimid oo toos u galay xabaashii. Wuxuuna arkay maradii halkaas taalay, Maradii Ciise madaxa loogu duubeyna sidoo kale meeshii ayey taalay. Maradaasna kaligeed ayey duuduubneyd iyadoo gooni u taala. Kadibna ninkii kale ee xerta ahaa kaasoo halkaas ka hor gaaray Butros ayaa xabaashii galay. Wuuna arkay oo aaminay. Weli kama eysan fahmin qorniinka inuu Ciise dhimashada ka sarakici doono. Kadibna xertii waxey u laabteen halkii ey joogeen. Haddaba Maryantii reer Magdala wey ooyneysay iyadoo agtaagan xabaashii. Iyadoo weli ooyneysa ayey intey kusoo foorarsatay xabaashii dhex fiirineysay. Markaas ayey aragtay laba malag oo dhar cad qaba oo fadhiya halkii jirka Ciise yaalay. Hal wuxuu fadhiyay dhinaca madaxa kan kalana wuxuu fadhiyay dhinaca lugaha. Markaas ayaa malaa’igtii weydiiyeen Maryan, “Haweeney yahay, maxaad u ooyneysaa?” Markaas ayey tiri, “Sayidkeygi ayey qaateen, mana garanayo halkii ey jirkiisi dhigeen.” Markey dhinaca kale u jeesatay ayaa waxey aragtay Ciise oo halkaas taagan. Laakiin ma ogayn inuu Ciise yahay. Ciise ayaa Maryan weydiiyay, “Haweeney yahay maxaad u ooyneysaa? Yaad raadineysaa?” Iyadoo u maleyneysa ninkii beerta ka shaqeynayay, ayey ku tiri, “Mudane haddaad jirkiisi qaaday fadlan ii sheeg halkaad dhigtay waan soo qaadanayaa.” Ciise wuxuu Maryan ku yiri, “Maryan.” Intey isaga u jeesatay ayey af Cibraani ku tiri, “Rabbooni!” (Taas oo micnaheedu yahay “Macalinow.”) Markaas ayaa Ciise Maryan ku yiri, “Ha i qabanin, waayo weli Aabaha kor uguma tagin. Laakiin u tag walaalahey oo u sheeg, ‘Waxaan kor ugu tagayaa Aabahay iyo Aabihiin, Illaaheyga iyo Illaahiina.’ ” Maryantii reer Magdala waxey u tagtay xertii oo u sheegtay warkii iyadoo leh, “Waxaan arkay Sayidka!” Waxaa kale oo ey u sheegtay inuu waxyaalahan ku yiri. Galabtii maalintii ugu horeysay usbuuc, markii xertu ey isla joogeen oo albaabkiina xiranyahay cabsida ey Yuhuudda ka qabeen darteed ayaa Ciise yimid oo uu iyaga dhexdooda istaagay oona yiri, “Nabad ha idin la jirto!” Markii uu waxyaalahan yiri kadib, wuxuu iyaga tusay gacmahiisi iyo dhinaciisi. Sidaa darteed xertii aad ayey u farxeen markey Sayidka arkeen. Haddana Ciise wuxuu ku yiri, “Nabad ha idin la jirto! Sida Aabuhu aniga isoo diray ayaan aniguna idiin dirayaa.” Markii uu waxyaalahan yiri kadib ayuu ku neefsaday oo iyaga ku yiri, “Aqbala Ruuxa Quduuska ah. Haddii aad dembiyaashiina isu cafisaan dembiyadiinana waa la cafinayaa. Laakiin Haddii eydan isu cafinin ma la idin cafinayo.” Haddaba Toomas waxaa loogu wici jiray Didumos, wuxuuna ka mid ahaa laba iyo tobankii xerta ahaa, xertana lama uusan joogin goortii uu Ciise yimid. Sidaa darteed xertii kale ayaa ku tiri, “Waxaan aragnay Sayidka!” Laakiin wuxuu xertii ku yiri, “Ilaa aan ka arko calaamadihii musmaarka oo aan farahayga ku taabto halkii musmaarka lagu duray, oo aan gacanteyda dhinaciisa ku taabto, ma aaminayo.” Hal isbuuc kadib xertiisi ayaa guriga isla joogay mar kale, Toomasna wuu la joogay. Inkastoo uu albaabku xirnaa, Ciise ayaa yimid oo dhexdooda intuu istaagay ayuu iyaga ku yiri, “Nabad ha idin la jirto!” Kadibna wuxuu Toomas ku yiri, “Fartaada halkan ku taabo, bal fiiri gacanteyda. Gacantaadana keen ee dhinaceyga taabo. Shakiga iska daa oo aamin.” Markaas ayaa Toomas Ciise ku yiri, “Rabbigeyga iyo Illaaheygow!” Kadibna Ciise wuxuu ku yiri Toomas, “Inaad i aragtay darteed ayaad igu aamintay, laakiin waxaa barakeysan kuwa aan i arkin oo i aaminay.” Ciise mucjisooyin badan ayuu xertiisi oo la joogta sameeyay, taas oo aan buuggan lagu qorin. Laakiin kuwan waxaa loo qoray si aad u aamintaan Ciise inuu yahay Masiixa, Wiilka Illaahey, haddaad aamintaanna waxaad magaciisa ku heleysaan nolol. Waxyaalahaas kadib Ciise wuxuu u muuqday xertiisi iyagoo jooga Warta Tiberiyas. Sidan ayeyna u dhacday. Waxaa wada joogay Simoon Butros, Toomas kii loogu wici jiray Didumos, Nataana’el oo ka yimid Kaana taas oo ku taalay Galili, iyo wiilashii Sebedi iyo laba kale oo xertiisa ahaa. Markaas ayaa Simoon Butros iyaga ku yiri, “Waan soo kalluumaysanayaa.” Iyaguna waxey ku yiraahdeen, “Anaguna waan ku raaceynaa.” Kadibna wey tageen oo doon qaateen, laakiin habeenkaas waxba mey qabanin. Subaxaas Ciise wuxuu taagnaa warta qarkeeda, laakiin xertiisi ma ogayn in qofkan uu yahay Ciise. Markaas ayuu u wacey oo iyaga ku yiri, “Saaxiibayaalow kalluun meydan helin miyaa?” Markaas ayey ugu jawaabeen, “Maya.” Ciise ayaa yiri, “Bal shabaagtiina dhinaca midig ee doonta ku tuura waadna heli doontaan kalluun.” Markey saas sameeyeenna shabaagtii ayey qaadi waayeen waayo kalluun fara badan ayey soo qabteen. Kadibna ninkii xerta ka mid ahaa ee uu Ciise jeclaa ayaa Butros ku yiri, “Waa Sayidka!” Isla markii uu Simoon Butros maqlay isaga oo dhahaya, “Waa Sayidka,” dharkiisi kore ee uu horey iskaga siibay ayuu guntaday oo biyihii intuu ku booday ayuu xeebta yimid. Xertii kale doontii ayey ku yimaadeen illaa warta qarkeeda. Iyagoo jiidaya shabaagtii oo kalluun ka buuxo, waayo kama ey fogeyn xeebta, waxey u jirtay qiyaastii sagaashan mitir ah. Markey dhulka u soo dageen waxey arkeen dab dhuxul ah oo holcaya oo ey kalluun iyo kibis saaran yihiin. Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Keena kalluunka aad soo qabateen.” Markaas ayaa Simoon Butros doontii ku laabtay oo shabaagtii illaa xeebta u soo jiiday. Waxaa ka buuxay kalluun waaweyn oo boqol iyo konton iyo saddex ah, inkastoo ey aad u fara badnaayeen shabaagtii ma dilaacin. Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Kaalaya oo quraacda.” Xertii midkoodna kuma dhicin inuu weydiiyo yaa tahay? Wey ogaayeen inuu Sayidka yahay. Ciise wuu yimid, kibistii ayuu qaaday oo iyaga siiyay, kalluunkiina sidaas oo kale ayuu ku sameeyay. Tani waa markii saddexaad uu Ciise u muuqday xertiisi markii uu dhimashada kasoo sarakacay kadib. Markey quraacdeen kadib, Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, runtii miyaad i jeceshahay?” Butros ayaa ugu jawaabay, “Haa Rabbiyow, waad ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa ku yiri, “Idaheyga daaji.” Haddana Ciise wuxuu ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?” Butrosna wuxuu ku jawaabay, “Haa Rabbiyow, waad ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa ku yiri, “Idahayga ilaali.” Markii saddexaad Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?” Butros wuu niyad jabay waayo markii saddexaad ayuu weydiiyay, “Miyaad i jeceshahay?” Markaas ayuu ku yiri, “Rabbiyow, wax walba waad ogtahay, waana ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa yiri, “Idahayga daaji. Runtii waxaan kugu leeyahay, markaad yarayd adiga ayaa dharka isu xiri jiray oo meel walboo aad rabtid ayaad tagi jirtay. Laakiin markaad duqowdid gacanta ayaad fidsaneysaa oo qof kale ayaa dharka kuu xiraya oo ku geynaya meel aadan rabin inaad tagto.” Ciise markii uu waxyaalahan ka hadlayay wuxuu tusayay sida uu Butros u dhiman doono oo Illaahey ammaan ugu keeni doono. Kadibna Ciise wuxuu isaga ku yiri, “Isoo raac!” Butros markii uu jeestay wuxuu arkay ninkii xerta ahaa ee uu Ciise jeclaa inuu iyaga soo daba socdo. Kani waa ninkii xerta ahaa ee Ciise ku tiirsanaa maalintii cashada ugu dambeysay oo isagu weydiiyay, “Rabbiyow yaa ku gacangelin doona?” Butros markii uu isaga arkay ayuu weydiiyay, “Sayidow, isagana?” Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Haddaan doono wuxuu noolaanayaa illaa aan kasoo laabto, maxaa kaa quseeya? Waa inaad isoo raacdaa.” Sidaa darteed hadalkii ayaa walaalaha ku dhex faafay iyagoo leh ninkaas xerta ka mid ah ma dhiman doono. Laakiin Ciise ma dhihin ma dhiman doono, waxa kaliya oo uu yiri, “Haddaan doono wuxuu noolaanayaa illaa aan kasoo laabto, maxaa kaa quseeya?” Kani waa kii xerta ahaa ee waxyaalahan u marqaatifuray, kaasoo waxyaalahan qoray, waana ognahay in wixii uu yiri run yihiin. Ciise waxyaalo kale oo badan ayuu sameeyay. Haddii waxyaalahaas oo dhan la qori lahaa, waxaan u maleynayaa aduunka oo dhan ma qaadi kari lahayn buugaas. Te’ofilosow, buugeygi hore waxaan kuugu qoray wax walboo uu Ciise sameeyay oo dadkana baray, illaa maalintii samada loo qaaday. Laakiin intaan kor loo qaadin ka hor, wuxuu amray rasuulladii uu doortay, isaga oo kaashanaya Ruuxa Quduuska ah. Siliciisi iyo dhimashadiisi kadibna, wuxuu isu muujiyay rasuulladii wuxuuna tusay cadaymo badan oo sheegaya inuu nool yahay. Wuxuu isu muujiyay muddo afartan maalmood ah wuxuuna uga sheekeeyay boqortooyada Illaah. Maalin isaga oo wax la cunaya xertiisi ayuu ku yiri, “Ha ka tagina Yeruusaalem, balse suga hadiyada uu Aabaha idin siinayo, taas oo aan idiin sheegay inuu ballan qaaday. Yooxanaa wuxuu wax ku baabtiisi jiray biyo, laakiin maalma yar kadib waxaa la idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.” Markaas ayaa xertii Ciise agagaarkiisa yimaadeen oo weydiiyeen, “Sayidow, ma hadda ayaad Israa’iil u soo celineysaa boqortooyadooda?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma aha inaad ogaataan waqtiga iyo dhacdooyinka uu Aabuhu maamulo. Laakiin waxaad heli doontaan awood markii uu Ruuxa Quduuska ah idin ku soo dul dago, waxaadna iiga dhex marqaatifuri doontaan Yeruusaalem, Yahuudiya oo dhan iyo Samaariya iyo meel walboo aduunka ka mid ah.” Markii uu Ciise intaas xertiisi ku yiri, ayaa kor samada loogu qaaday iyagoo arkaya illaa ey daruur ka qarisay. Iyagoo aad ufiirinaya samada intuu Ciise sii socday, ayaa waxaa agtooda ka muuqday laba nin oo dhar cadcad xiran. Waxeyna ku yiraahdeen, “Nimankii reer Galiliyow maxaad halkan u taagan tihiin oo cirka u fiirineysaan? Ciise samada ayaa loo qaaday. Laakiin wuxuu u soo laaban doonaa si la mid ah sida aad u aragteen isaga oo samada aadaya.” Kadib rasuulladii waxey kusoo laabteen Yeruusaalem iyagoo ka yimid buurta la yiraahdo Buur Saytuun taas oo u jirta magaalada Yeruusaalem hal kiiloo mitir. Markey yimaadeen, waxey galeen qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. Rasuulladii meeshaas joogay waxey kala ahaayeen, Butros, Yooxanaa, Yacquub iyo Andaros, Filibos iyo Toomas, Bartolomayos iyo Matayos, Yacquub ina Alfayos, Simoon kii loo yaqaanay qiroole iyo Yuudas ina Yacquub. Kuligood hal meel ayey ku kulmeen iyagoo mar walba duceysanayay, waxaana la joogay dumarkii iyo Ciise hooyadiis Maryan iyo walaalihiis. Maalin ayaa waxaa jiray kulan ey iskugu imaanayeen walaalo gaaraya boqol iyo labaatan, waxaana istaagay Butros oo yiri, “Walaalayaalow, qorniinka waxa ku qoran waa iney dhacaan taas oo Ruuxa Quduuska ah uu mar hore kaga dhex hadlay Daa’uud kaasoo ku saabsanaa Yuudas, oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise. Waayo wuu naga tirsanaa shaqadana wuu na la wadaagay.” Yuudas dhul ayuu ku gatay lacagtii uu ka helay xaqdaradii uu sameeyay. Kadib halkaas ayuu isku daldalay madax madax ayuuna dhulka ugu dhacay, calooshiisi wey dilaacday mindhiciradiisina banaanka ayey u soo baxeen. Qof walboo Yeruusaalem joogayna wuu maqlay arintaas, waxeyna luuqadooda ugu magacaabeen dhulkaas Akeldama, oo macnaheedu yahay, Dhulkii Dhiigga. Butros ayaa hadalkii sii waday oo yiri, “Haddaba waxaa Kitaabka Sabuurradda ku qoran, “ ‘Gurigiisa cidlo ha noqdo, qofna yuusan meeshaas degin,’ waxaa kale oo ku qoran, “ ‘Booskiisana qof kale ha qaato.’ Sidaa darteed waa lagama maarmaan inaan doorano mid ka mid ah nimankii na la joogay waqtigii uu Sayid Ciise na la noolaa oo dhan, laga soo bilaabo waqtigii Yooxanaa wax baabtiisayay illaa waqtigii Ciise kor nalooga qaaday. Haddaba waxaan u baahannahay midkood inuu marqaati nagala noqdo sarakicidda Ciise.” Markaas ayey iska soo saareen laba nin, Yuusuf kaasoo la oran jiray Barsabaas (waxaa kale oo loo yaqaanay Yuustos) iyo Matiyas. Kadibna wey duceysteen oo waxey yiraahdeen, “Rabbiyow, adiga ayaa garanaya qof walba qalbigiisa. Na tus labadan nin midka aad dooratay inuu sii wado shaqadan rasuulnimada, taas oo Yuudas ka tagay oo uuna aaday meeshii uu u qalmay.” Kadib qori tuur ayey sameeyeen, wuxuuna ku dhacay Matiyas, sidaa darteedna waxaa lagu daray kow iyo tobankii rasuul. Markii la gaaray maalintii Bentekoste, xertii oo dhan meel ayey wada joogeen. Kadib si kadis ah ayey u maqleen qeylo ka timid samada oo u eg dabayl xoog leh waxeyna buuxisay gurigii ey ku jireen. Markaas ayey arkeen wax u eg carrabyo dab ah oo kala qeybsamaya carrab walbana wuxuu ku dul degay mid kastoo iyaga ka mid ah. Kuligoodna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah waxeyna bilaabeen iney afaf kale ku hadlaan sidii uu Ruuxa Quduuska ah ku hogaamiyay. Waqtigaasna waxaa Yeruusaalem ku noolaa wadaaddo diimeed oo Yuhuud ah kana yimid meel walboo aduunka ka mid ah. Oo markey maqleen qayladii xerta, dad badan ayaa isku yimaaday weyna yaabeen, waayo mid walboo dadkii ka mid ah wuxuu maqlay iyagoo ku hadlaya luuqadiisa. Wey wada naxeen oo yaabeen, waxeyna is weydiiyeen, “Kuwan hadlaya oo dhan miyeysan ahayn reer Galili? Haddaba sidee ayey ku dhacday mid walboo naga mid ah inuu maqlay iyagoo ku hadlaya afkiisa hooyo? Qaarkeen waxeynu ka kala nimid, Bartiya, Mediya iyo Ceelaam. Qaar kalana waxey ka kala yimaadeen Mesobotamiya, Yahuudiya, Kabbadokiya, Bontos, Aasiya, Farugiya, Bamfuliya, Masar iyo qeybo ka mid ah Liibiya oo u dhow Sayriin, iyo kuwo ka yimid Rooma. Qaarkeen waxey ka yimaadeen Kereetee iyo Carabta. Waxeynu isugu jirnaa Yuhuud iyo dad diinta Yuhuudnimada qaatay. Haddana kuligeen waxaan maqalnay iyagoo ku sheegaya afafkeena hooyo waxyaalihii waaweynaa ee uu Illaahey sameeyay!” Markaas ayey yaabeen oo wareereen, waxeyna isweydiiyeen, “Tani maxey la micnatahay?” Qaar kalana waxey yiraahdeen iyagoo ku jeesjeesaya xerta, “Waxey ku sarqaameen khamri cusub.” Kadib Butros ayaa la istaagay kow iyo tobankii kale ee xerta ahaa, wuxuuna cod dheer kula hadlay dadkii meesha joogay oona yiri, “Walaalaheyga Yuhuudda ahow iyo qof walboo magaalada Yeruusaalem daganow, aan idiin sharaxo ee si fiican u dhagaysta waxaan idinku leeyahay. Ma aha sida aad u malaynaysaan oo dadkani ma sarqaansana. Sababtoo ah waa saddex saac oo subaxnimo! Laakiin tani waa wixii uu nebi Yoo’eel sheegay isaga oo leh, “ ‘Illaahey ayaa yiri, maalmaha ugu dambeeya, dadka oo dhan waxaan siin doonaa Ruuxeyga. Wiilashiina iyo gabdhahiina wax ayey sii sheegi doonaan, raggiina dhalinyarada ahna wax ayey arki doonaan, odayaashiinuna riyooyin ayey arki doonaan. Maalmahaas adeegayaasheyda niman iyo naagaba, waxaan siin doonaa Ruuxeyga, wax ayeyna sii sheegi doonaan. Oo waxaan samada ka muujin doonaa yaabab dhulkana calaamooyin, dhiig, dab iyo qiiq aad u weyn. Qoraxdu wey madoobaan doontaa dayaxuna wuxuu u ekaan doonaa dhiig inteysan imaan maalinta uu Rabbigu dadka oo dhan xukumi doono. Kadibna qof walboo Rabbiga caawimaad weydiista wuu badbaadi doonaa.’ “Walaalaheyga reer binu Israa’iilow, warkan maqla Ciisihii reer Naasared wuxuu ahaa nin Illaahey idiin soo diray in la idinku tuso mucjisooyin, yaabab iyo calaamado, taas oo uu Illaahey isaga ku dhex sameeyay, sida aad idinkuba ogtihiin. Qorsho uu Illaahey horay u gaaray ayaa la idin ku gacan galiyay. Idinkuna waxaad ku disheen iskutallaabta idinka oo kaashanaya dad aan xaq ahayn. Laakiin Illaahey ayaa ka xoreeyay dhimashada oo dib u soo sarakiciyay, maxaa yeelay dhimashadu ma hayn karin isaga. Daa’uud ayaa isaga ka hadlay oo yiri, “ ‘Mar walba Rabbiga ayaa i ilaaliya. Wuxuu joogaa dhinacayga midig, waxna ka cabsan maayo. Sidaa darteed qalbigaygu wuu farxaa carrabkayguna wuu reynreeyaa, jirkayguna raja ayuu ku nasan doonaa, maxaa yeelay Rabbiyow iguma dhaafi doontid qabriga, umana ogolaan doontid kaaga quduuska ah inuu jirkiisu qurmo. Waxaad i tustay jidadka nolosha, ag joogaaguna wuxuu iga buuxin doonaa farxad.’ “Walaalaheyga reer binu Israa’iilow, waxaan si kalsooni ku jirto idiin ku sheegi karaa in awoowgeen Daa’uud uu dhintay oona la aasay, xabaashiisuna illaa hadda halkan ayey ku taalaa. Laakiin Daa’uud wuxuu ahaa nebi wuxuuna ogaa in Illaahey ka ballan qaaday axdina kula galay inuu carshigiisi siin doono mid farcankiisa ka mid ah. Wuuna ogaa in waxan dhici doonaan, sidaa daraadeed wuxuu ka hadlay sarakicidda Masiixa, oo ah inaan lagu dhaafin qabriga, jirkiisuna uusan qurmin. Ciisahanna Illaahey ayaa sarakiciyay, kuligeenna marqaati ayaan ka nahay. Waxaana loo qaaday kor oo la fariisiyay gacanta midig ee Illaah, wuxuuna ka helay Illaaha Aabaha ah ballankii Ruuxa Quduuska ahaa wuuna na siiyay oo waa waxa aad hadda arkeysaan oo aad maqlaysaan. Maxaa yeelay Daa’uud samada kor looguma qaadin, haddana wuxuu yiri, “ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri, “Dhinacayga midig fariiso illaa aan cadowgaaga cagahaaga hoos keeno.” ’ “Sidaa darteed qof walboo reer binu Israa’iil ah waa inuu ogaadaa xaqiiqdii, Illaahey ayaa Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen ka dhigay Sayid iyo Masiix labadaba.” Markey dadkii hadalkan maqleen, wey qalbi jabeen waxeyna Butros iyo rasuulladii kale ku yiraahdeen, “Walaalayaalow, hadda maxeynu sameynaa?” Butros ayaa ugu jawaabay, “Toobadkeena oo qof walboo idin ka mid ah halagu baabtiiso magaca Ciise Masiix si la idin kugu dembi dhaafo. Kadib ayaana la idin siin doonaa hadiyada Ruuxa Quduuska ah. Ballanka idinka iyo caruurtiina ayaa leh. Waxaana leh qof walboo uu Illaahey doorto, meel walboo uu joogaba.” Kadibna Butros hadallo badan ayuu uga digay dadkii waxa uuna yiri “Nafsadiina ka badbaadiya ciqaabta xun ee ku dhici doonta dadkan sharta leh.” Maalintaas waxaa hadalkii Butros aqbalay ku dhawaad saddex kun oo qof waana la baabtiisay. Waxey waqtigooda ku qaadan jireen iney wax ka bartaan rasuullada waxeyna ahaayeen sida hal qoys, iyagoo wada duceysanaya oo wadaagaya cashada Rabbiga. Qof walbana waxaa ka buuxsantay cabsi, mucjisooyinka iyo yaababka ey rasuullada sameynayeen dartood. Rumeystayaashu badanaa wey wada joogeen wax walboo ey haystaanna wey wadaageen. Waxeyna gadayeen dhulalkooda iyo hantidooda si ey lacagta u siiyaan kuwa u baahan. Maalin walba waxey ku kulmayeen macbadka. Waxey guryahooda ku diyaarinayeen cashada Rabbiga weyna wada cunayeen iyagoo leh qalbiyo daacad ah oo faraxsan, oo Illaahey ammaanaya oona ku faraxsan dadku sida ey iyaga u jecelyihiin. Illaaheyna maalin walba kuwa badbaaday ayuu ku soo dari jiray. Maalin ayaa Butros iyo Yooxanaa macbadka u socdeen si ey ugu soo duceystaan waqtiguna wuxuu ahaa sagaal saac oo galabnimo. Haddaba waxaa jiray nin illaa maalintii uu dhashay curyaan ahaa kaasoo maalin walba la soo jiifin jiray albaabka macbadka ee la yiraahdo Quruxbadane si uu u tuugsado dadka galaya macbadka. Markii uu ninkii tuugsadaha ahaa arkay Butros iyo Yooxanaa oo macbadka sii galaya ayuu weydiistay lacag. Markaas ayey Butros toos ugu fiiriyay sidoo kale Yooxanaa, kadibna Butros ayaa ku yiri, “Na soo fiiri!” Markaas ayuu tuugsadahii iyaga si fiican ugu jeestay isaga oo filanaya inuu wax ka heli doono. Kadib Butros ayaa ku yiri, “Ma haysto qalin iyo dahab! Laakiin waxaan haysto waan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiixii reer Naasared ku soco.” Butros ayaa qabtay gacanta midig oo ku caawiyay inuu istaago, isla markiiba cagahiisii iyo anqowyadiisiiba wey xoogeysteen. Intuu kor u booday oo istaagay ayuu socod bilaabay. Kadib wuxuu Butros iyo Yooxanaa la galay macbadka, isaga oo soconaya oo boodboodaya Illaaheyna ammaanaya. Markey dadkii oo dhan arkeen isaga oo soconaya oo Illaahey ammaanaya, wey garteen inuu yahay isla ninkii fariisan jiray oo ka tuugsan jiray albaabka macbadka ee la yiraahdo Quruxbadane, markaas ayey la yaabeen oo la amakaageen wixii ku dhacay isaga. Intuu ninkii ku dhaganaa Butros iyo Yooxanaa, ayaa dadkii oo wada yaaban ku soo ordeen uguna yimaadeen meeshii la oran jiray Balbaladii Sulaymaan. Markii uu Butros dadkii arkay, ayuu ku yiri, “Walaalaheyga reer binu Israa’iilow, maxaad waxa dhacay ula yaabantihiin? Maxaad sidan noogu fiirineysaan sidi inaan awoodeena ama cibaado badnideena ku socodsiinay ninkan? Illaaha Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub, oo ah Illaaha awoowayaasheen, ayaa ammaanay adeegihiisi Ciise. Waana kan aad gacan galiseen si loo dilo, oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markii uu go’aansaday inuu sii daayo. Waxaad diideen Ciise oo Quduus iyo Xaq ahaa waxaadna dalbateen in gacan ku dhiigle la idiin sii daayo. Waxaad disheen amiirkii nolosha, laakiin Illaahey ayaa dhimashada ka sarakiciyay oo marqaati ayaan ka ahayn. Iimaanka uu magaca Ciise ku qabo darteed ayaa ninkan aad aragtaan oo wada garaneysaan xoogeeyay. Iimaanka uu ku qabo magaca Ciise ayaa si dhameystiran u bogsiiyay, sida aad wada aragteen. “Haddaba, Walaalaheyga reer binu Israa’iilow, waan ogahay in idinka iyo hogaamiyayaashiinuba aad arintan aqoon la’aan u sameyseen. Laakiin Illaahey sidaas uu uga dhabeeyay wixii uu ku sheegay afafkii nebiyada oo dhan taas oo ahayd in Masiixu silci doono. Haddaba toobadkeena oo Illaahey u soo laabta, si dembiyadiina loo tirtiro, si ey waqtiyo qalbi qaboojin lihi uga yimaadaan Rabbiga, oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu horay idiin kugu doortay. Laakiin Ciise waa inuu joogaa samada illaa uu Illaahey ka cusbooneysiiyo wax walba, sidii uu mar hore ugu ballan qaaday afafkii nebiyadiisi quduuska ahaa. Muuse ayaa yiri, ‘Rabbiga Illaahiina ah wuxuu dhexdiina kasoo saari doonaa nebi aniga oo kale ah. Waa inaad dhagaysataan wax walboo uu idiin sheego. Qofkii aan dhagaysan nebigaas dadka ayaa laga dhex saari doonaa.’ “Xaqiiqdii, laga soo bilaabo Samuu’eel iyo nebiyadii ka dambeeyay oo dhan waxey ka hadleen maalmahan waxa dhacaya. Idinkuna waxaa tihiin kuwii dhaxli lahaa nebiyada Illaaheyna wuxuu axdiga la galay awoowayaashiin. Wuxuuna Ibraahim ku yiri, ‘Dadka aduunka jooga oo dhan farcankaaga ayey ku barakoobi doonaan.’ Illaahey markii uu soo diray adeegihiisa, idinka ayuu idiin soo hor diray si uu idiin barakeeyo isaga oo mid walboo idin ka mid ah kasoo leexinaya wadooyinkiina sharka leh.” Butros iyo Yooxanaa oo weli dadkii la hadlaya ayaa waxaa yimid wadaaddadii, sarkaalkii ilaaliyayaasha macbadka iyo qaar ka mid ah Sadukiintii. Aad ayey u xanaaqsanaayeen sababtoo ah rasuulladu waxey dadka barayeen in Ciise dhimashada ka sarakacay eyna cadayneyso dadka dhintay iney sarakici doonaan. Sidaa darteed waxey qabteen oo xabsiga galiyeen Butros iyo Yooxanaa illaa maalintii xigtay maxaa yeelay waxey ahayd waqti habeen ah. Laakiin dad badan oo maqlay fariinta warka wanaagsan ayaa aaminay, tirada masiixiyiintuna waxey gaartay ku dhawaad shan kun. Maalintii ku xigtay waxaa Yeruusaalem ku kulmay hogaamiyayaashii, odayaashii iyo macalimiintii sharciga. Waxaa kale oo joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, Kayafas, Yooxanaa, Aleksanderos iyo kuwa kale oo qoyska wadaadka sare ka tirsan. Waxey hortooda keeneen Butros iyo Yooxanaa waxeyna weydiiyeen, “Awoodee ama magacee ayaad waxan ku samayseen?” Kadib Butros oo uu Ruuxa Quduuska ah ka buuxo ayaa ku yiri, “Hogaamiyayaashii iyo odayaashii, dadkow! Haddii maanta su’aal nalaga weydiiyo ficilada wanaagsan ee loo sameeyay nin curyaan ah iyo sidii loo bogsiiyay, haddaba waa inaad ogaataan idinka iyo reer binu Israa’iil oo dhan, ninkan idin hor taagan waxaa lagu bogsiiyay awoodda magaca Ciise Masiixii reer Naasared, kii aad iskutallaabta ku qodobteen laakiin uu Illaahey dhimashada ka sarakiciyay. Ciise waa “ ‘Tiirkii idinkan guriga dhisaya aad diideen, kaasoo noqday udub dhaxaadka guriga.’ Badbaadaduna gacantiisa ayey ku jirtaa, magac aan magaciisa ahayn oo lagu badbaadi karana aduunka kama jiro.” Markey arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiiranaantooda oo eyna ogaadeen iney niman caadiya oo aanan wax baran yihiin, aad ayey u yaabeen, waxeyna garteen iney Ciise la joogi jireen. Laakiin waxba ma eysan weydiin karin waayo waxey arkayeen ninkii la bogsiiyay oo Butros iyo Yooxanaa la taagan. Haddaba waxey amreen iney qolka shirka ka baxaan waxeyna bilaabeen iney dhexdoodi is weydiiyaan, “Maxeynu ku sameynaa nimankan? Waayo qof walboo Yeruusaalem jooga wuu og yahay iney mucjiso weyn sameeyeen, mana dafiri karno. Laakiin si uusan warkan ugu sii faafin dadka dhexdooda, waa inaan uga dignaa in eysan mar dambe qofna kala hadlin magaca Ciise.” Markaas ayey mar labaad soo galiyeen Butros iyo Yooxanaa qolkii shirka waxeyna ku amreen in eysan mar dambe ka hadlin, dadkana barin wax ku saabsan magaca Ciise. Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa ugu jawaabay, “Midee ayaad u aragtaan iney xaq ka tahay Illaahey agtiisa, inaan idinka idin adeecno mise inaan Illaahey adeecno? Idinku xukuma. Waayo ma joojin karno inaan ka hadalno waxyaalihii aan aragnay oo aan maqalnay.” Markaas ayey cabsi galiyeen oo sii daayeen. Waayo ma eysan ciqaabi karin, sababtoo ah dadka oo dhan waxey Illaahey ku ammaanayeen wixii dhacay. Ninkii mucjisadan lagu bogsiiyayna wuxuu curyaan ahaa in ka badan afartan sano. Isla markii la sii daayay Butros iyo Yooxanaa waxey dib ugu laabteen dadkoodi waxeyna u sheegeen wax walboo ey gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii iyaga ku yiraahdeen. Markey mu’miniintii maqleen arintan, waxey baryeen Illaahey oo waxey yiraahdeen, “Rabbiyow, waxaad tahay kan sameeyay samooyinka, dhulka, badda iyo wax walboo ku jira. Waxaad tahay kii kaga dhex hadlay Ruuxa Quduuska ah adeegahaagi aabaheena Daa’uud isaga oo leh, “ ‘Quruumuhu maxey u caroodaan dadkuna maxey ugu fikiraan wax aan waxba ahayn? Boqorrada dhulku dagaal ayey isku diyaariyeen taliyayaashuna wey is urursadeen iyagoo kasoo hor jeeda Illaahey iyo Masiixiisa.’ Run ahaantii Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ey la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo reer binu Israa’iil ayaa kulmay, iyagoo kasoo hor jeeda Ciise adeegahaaga quduuska ah ee aad dooratay. Waxeyna sameeyeen wixii aad awoodaada iyo xigmaddaada mar hore ku go’aansatay iney dhacaan. Haddaba, Rabbiyow arag sida ey noo cabsi gelinayaan oo adeegayaashaada sii dhiiranaan ey ereygaaga ku sheegaan. Noo ogolow inaan wax ku bogsiino kuna sameyno mucjisooyin iyo yaabab magaca adeegahaaga quduuska ah ee Ciise.” Markey duceysteen kadib, meeshey ku shirayeen ayaa gariirtay. Kuligoodna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah waxeyna bilaabeen iney ku wacdiyaan ereyga Illaahey si dhiiranaan ku jirto. Dhamaan rumeystayaashu wey ahaayeen isku maan iyo isku qalbi. Mana jirin qof hantidiisa kaligiis lahaa, laakiin wey wadaageen wax walboo ey lahaayeen. Si awood leh ayey rasuulladu uga marqaatifurayeen sarakicidda Sayid Ciise. Nimcada Illaahna si xoog leh ayey uga dhex shaqeyneysay iyagoo dhan. Mana ka jirin dhexdooda qof baahan. Qof walboo dhul ama guri lahaa wuu gadayay wuxuuna keenayay lacagta. Waxeyna u keenayeen rasuullada iyaguna waxey siinayeen kuwa u baahan. Markaas ayaa Yuusuf oo ah reer Laawi oo ka yimid Qubrus oo ey rasuulladu ugu yeeri jireen Barnabas (taas oo macnaheedu yahay “dhiirigeliye”), ayaa gaday dhul uu lahaa lacagtiina u keenay rasuullada. Haddaba nin la yiraahdo Ananiyas iyo xaaskiisa Safira ayaa gaday dhul ey lahaayeen. Iyadoo ey xaaskiisu la ogtahay ayuu lacagtii qaar la haray qaarkii kalana wuxuu u keenay rasuulladii. Kadib Butros ayaa weydiiyay, “Ananiyasow, sidee ayey ku dhacday inuu Shaydaanku qalbigaaga galay oo aad Ruuxa Quduuska ah been u sheegeyso lana hartay qaar ka mid ah lacagtii aad dhulka ku gaday? Adiga soo ma aadan lahayn inta aadan gadin ka hor? Oo markaad gaday kadibna adigu uma aadan talin? Maxaa kugu kalifay inaad waxan oo kale sameyso? Dadka oo kaliya ma aadan khiyaanin ee waxaad khiyaantay Illaahey.” Ananiyas markii uu maqlay arintaas, dhulka ayuu ku dhacay wuuna dhintay. Dadkii maqlay wixii dhacayna cabsi weyn ayaa gashay. Markaas ayaa niman dhalinyaro ah meydkiisi duuduubeen oo qaadeen soona aaseen. Saddex saacadood kadib xaaskii Ananiyas ayaa timid iyadoo aan ogayn waxa ninkeedi ku dhacay. Markaas ayuu Butros weydiiyay, “Ii sheeg, ma lacagtan ayaad adiga iyo Ananiyas ku gadeen dhulka?” Markaas ayey ugu jawaabtay, “Haa, lacagtan ayaan ku gadnay.” Laakiin Butros ayaa ku yiri, “Sidee ayaad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jarribtaan? I dhagayso! Kuwii ninkaaga soo aasay albaabka ayey taagan yihiin, adigana wey ku soo aasi doonaan.” Isla markiiba dhulka ayey ku dhacday weyna dhimatay. Kadib markey dhalinyaradii soo laabteen, oo ey arkeen meydkeedi, wey qaadeen oo ku aaseen qabri ku dhagan kii ninkeeda. Cabsi weyn ayaa gashay xertii oo dhan iyo qof walboo maqlay wixii dhacay. Rasuulladii waxey dadka dhexdooda ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan. Waxeyna ku kulmi jireen Balbaladii Sulaymaan. Qaar kalana kuma dhicin iney meeshaas kula kulmaan, inkastoo dadku aad u xushmeyn jireen. Sidaas oo ey tahayna, niman iyo naago badan ayaa aaminay Rabbiga tiradooduna wey badatay. Dad xanuusan ayaana la soo dhigayay jidadka iyagoo ku jiifa sariiro iyo derimo waxeyna rajeynayeen ugu yaraan in qaarkood uu hooska Butros qabto markii uu meeshaas marayo. Dad badan ayaana ka kala yimid magaalooyinka ku dhow Yeruusaalem, iyagoo keenaya dadkooda xanuusan ama ey gashay ruuxda wasakhda leh, kuligoodna waa la bogsiiyay. Kadib wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo ka mid ahaa Sadukiinta ayaa aad u maseyray. Markaas ayey rasuulladii qabteen oo xabsi galiyeen. Laakiin habeenkii markii la gaaray waxaa yimid malag xagga Illaah ka socda oo albaabka furay xabsigana ka saaray. Wuxuuna ku yiri, “Taga macbadka oo dadka u sheega wax walboo ku saabsan noloshan cusub.” Aroortii ayey macbadka yimaadeen oo sidii lagu amray bilaabeen iney dadka wax baraan. Markii wadaadkii sare iyo kuwii la socday yimaadeen, waxey iskugu yeereen shir ey wada joogaan dhamaan odayaasha reer binu Israa’iil waxeyna amreen in rasuulladii xabsiga laga soo saaro oo hortooda la keeno. Markii askartii xabsiga tageen wey waayeen rasuulladii kadib waxey ku soo laabteen odayaashii waxeyna ku yiraahdeen, “Markaan tagnay albaabka xabsigu wuu xirnaa oo aad ayaa loo ilaalinayay. Laakiin markaan gudaha u galnay qofna kuma jirin.” Markii sarkaalkii macbadka iyo gudoomiyayaashii wadaaddadu maqleen warbixintooda wey la fajaceen iyagoo la yaaban waxan waxey noqon doonaan. Isla markiiba qof ayaa soo galay oo ku yiri, “Nimankii aad xabsiga ku xirteen waxey joogaan macbadka waxeyna wax barayaan dadka!” Markaas ayuu sarkaalkii macbadka oo ey askartiisi la socoto tageen oo soo wadeen rasuulladii iyagoo aan xoog isticmaalin maxaa yeelay waxey ka cabsanayeen iney dadku dhagaxeeyaan. Markii rasuulladii la hor keenay odayaashii, wadaadkii sare ayaa ku yiri, “Waxaan si cad idin kugu sheegnay in eydan dadka barin wax ku saabsan Ciise. Laakiin fiiriya waxa aad sameyseen! Waxaad dadka wax ku barayseen Yeruusaalem meel walboo ka mid ah, waxaadna isku dayeysaan inaad dilkiisa nagu eedeysaan.” Butros iyo rasuulladii ayaa ku jawaabay, “Dad ma adeecnee Illaahey ayaan adeecnaa. Waxaad disheen Ciise idinka oo ku qodbay iskutallaabta, laakiin Illaahii ey awoowayaasheen caabudi jireen ayaa soo sarakiciyay. Wuxuuna nooga dhigay hogaamiye iyo badbaadiye. Kadibna Illaahey wuxuu fariisiyay dhiniciisa midig, si uu reer binu Israa’iil toobadkeen iyo dembidhaaf u siiyo. Marqaati ayaan ka nahay waxan oo dhan, waxaa kale oo marqaati ka ah Ruuxa Quduuska ah oo uu Illaahey siiyo qof walboo isaga aqbala.” Markey odayaashii maqleen hadalkaas, aad ayey u xanaaqeen waxeyna rabeen iney rasuullada dilaan. Laakiin Farrisi lagu magacaabi jiray Gamalii’eel, ahaana macalin aad loo qadarin jiray ayaa meeshii ka dhex istaagay oo amray in rasuullada wax yar banaanka loo bixiyo. Kadibna wuxuu odayaashii ku yiri, “Nimankiinan reer binu Israa’iilow, ka taxadara waxaad nimankan la damacsan tihiin inaad ku sameysaan. Waayo muddo yar ayaa laga joogaa markii uu Tudas sheegtay inuu yahay nin muhiim ah, waxaana raacay ku dhawaad afar boqol oo nin. Laakiin markii la dilay kuwii raacsanaa wey kala firdhismeen, warkiisina meeshaas ayuu ku dhamaaday. Tudas kadib markii dadka la tirakoobayay, waxaa yimid Yuudas kii reer Galili. Waxaa raacay dad badan, laakiin markii la dilay dadkiisi wey kala yaaceen. Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad nimankan faraha ka qaadaan! Iska dhaafa! Haddii waxey sameynayaan uu yahay wax binu aadan ka yimid wuu baabi’i doonaa. Laakiin haddii uu Illaahey ka yimid, ma awoodi doontaan inaad joojisaan, inaad rabtaan inaad Illaahey la dagaashaan maahee.” Odayaashii wey aqbaleen arintii uu Gamalii’eel soo jeediyay, waxey dib rasuulladii ugu soo celiyeen qolkii shirka. Kadib waxey amreen in la garaaco weyna fasaxeen iyagoo uga digay iney ku hadlaan wax ku saabsan magaca Ciise. Rasuulladii iyagoo faraxsan ayey meeshii ka tageen, maxaa yeelay Illaahey wuxuu iyaga ka dhigay kuwa istaahila in magaca Ciise dartiis loo silciyo. Maalin walba haddii ey macbadka joogaan iyo hadday marba guri joogaanba ma eysan joojin iney dadka wax baraan una sheegaan warka wanaagsan kaasoo ah inuu Ciise yahay Masiixa. Markey dad badan kusoo darsamayeen xerta Sayid Ciise ayaa waxaa dhacday in qaar ka mid ah Yuhuuddii Gariigga ahayd ey ka dacwoodeen kuwii Cibraaniyiinta ahaa. Maxaa yeelay carmalooyinkoodi ayaa la iska indha tirayay qeybinta cuntada maalinlaha ah. Markaas ayaa laba iyo tobankii rasuul iskugu yeereen xertii oo dhan waxeyna ku yiraahdeen, “Ma wanaagsana inaan adeegida ereyga Illaahey kaga mashquulno cunto qeybin darteed. Sidaa darteed walaalayaalow, iska dhex doorta toddoba nin oo sharaf iyo xigmad leh oo uu Ruuxa Illaahey ka buuxo. Waxaan masuul uga dhigeynaa arimahan. Anaguna waa inaan waqtigeena ku qaadanaa duceysi iyo faafinta ereyga Illaah.” Hadalkaas ayaa ka wada farxiyay dadkii oo dhan, waxeyna ugu hor doorteen Istefanos oo ahaa nin iimaan weyn leh Ruuxa Quduuska ahna ka buuxo. Kadibna waxey doorteen Filibos, Barokhoros, Nikanoor, Timoon, Barmenaas iyo sidoo kale Nikolas kii reer Antiyokh ee diinta Yuhuudda qaatay. Waxeyna toddobadii nin hor keeneen rasuulladii, kadibna rasuulladii wey u duceeyeen gacantana dusha ayey ka saareen iyagoo Illaahey weydiinaya inuu barakeeyo. Markaas ayaa ereygii Illaah faafay. Dad badan oo Yeruusaalem joogayna waxey noqdeen xerta Sayid Ciise, kuwa tira badan oo wadaaddo ahaana waxey rumeysteen Ciise. Haddaba Istefanos oo ahaa nin ey ka buuxdo nimcada Illaahey iyo awood ayaa dadka dhexdooda ku sameeyay mucjisooyin waaweyn. Laakiin waxaa kacay mucaaradkii, haba ahaatee kuwa ka mid ah sunagogga xoryada dadka, sida loo yaqaanay, Yuhuudda ka timid Sayriin iyo Iskanderiya oo ka tirsanaa koox isku magacaabi jirtay kuwii xorta ahaa iyo qaar ka yimid Kilikiya iyo Aasiya ayaa bilaabay iney la murmaan Istefanos. Laakiin ma eysan ka hor imaan karin xigmadda uu Ruuxa Quduuska ah siiyay markii uu hadlayo. Sidaa darteed waxey ku laaluusheen niman iney yiraahdaan, “Waxaan maqalnay Istefanos oo wax xun ka sheegaya sharciga Muuse iyo Illaahey!” Markaas ayey Istefanos ku kiciyeen dadkii, odayaashoodi iyo macalimiintii sharciga. Kadib intey Istefanos qabteen ayey golihii shirka hor geeyeen. Niman ayaana marqaati been ah ku furay oo yiri, “Ninkani wuxuu mar walba waxyaalo xun ka sheegaa macbadkan quduuska ah iyo sharciga Muuse. Waxeynu maqalnay isaga oo leh Ciisihii reer Naasared meeshan wuu dumin doonaa wuuna beddeli doonaa caadooyinkii uu Muuse nooga tagay.” Kuwii meesha fadhiyay oo dhan ayaa Istefanos aad u fiiriyay, waxey arkeen in muuqaalkiisu uu ahaa sida waji malag. Kadib wadaadkii sare ayaa weydiiyay Istefanos, “Waxa lagugu soo eedeeyay ma run baa?” Markaas ayuu Istefanos ku jawaabay, “Walaalayaalow, i dhagaysta! Illaaheena ammaanta leh wuxuu isku muujiyay awoowaheen Ibraahim isaga oo weli jooga Mesobotamiya, inta uusan Haaraan dagin. Wuxuuna ku yiri, ‘Ka tag waddankaaga iyo qaraabadaada oo tag dalka aan ku tusi doono.’ “Markaas ayuu Ibraahim ka tagay dalkii reer Kaldayiin oo degay Haaraan. Kadib markii uu aabihiis dhintay ayuu Illaahey ku amray Ibraahim inuu dhulkan aad hadda ku nooshihiin yimaado. Isaga oo aanan dhaxal ka siin, xitaa meel uu cagta saari karo kuma lahayn. Laakiin Illaahey wuxuu ballan qaaday inuu dhulkan dhaxalsiin doono isaga iyo farcankiisa, inkastoo Ibraahim uusan markaas caruur lahayn. Illaahey ayaa sidan ku yiri, ‘Afar boqol oo sano ayey farcankaagu shisheeye ku ahaan doonaan waddan aan kooda ahayn, oo waa la adoonsan doonaa si xun ayaana loola dhaqmi doonaa. Laakiin waan ciqaabi doonaa dadkii iyaga adoonsanayay, kadibna wey kasoo bixi doonaan waddankaas halkan aad hadda joogto ayeyna igu caabudi doonaan.’ Kadib Illaahey wuxuu Ibraahim siiyay axdiga gudniinka. Markii uu Ibraahim dhalay Isxaaq ayuu guday markii uu siddeed maalmood jiray. Isxaaqna wuxuu guday wiilkiisii Yacquub, Yacquubna wuxuu guday laba iyo tobankiisi wiil ee aan kasoo farcannay. “Haddaba markey wiilashii Yacquub ka maseyreen walaalkood Yuusuf ayey adoon ahaan uga iibiyeen waddanka Masar. Laakiin Illaahey ayaa Yuusuf la jiray, oo ka samatabixiyay dhibaatooyinkii oo dhan. Wuxuuna siiyay xigmad iyo dabeecad soo jiidatay Fircoon boqorkii Masar, wuxuuna taliye uga dhigay Masar oo dhan iyo wax walboo uu lahaa. “Kadib waxaa Masar iyo Kancaan ka dhacay abaar keentay dhibaato weyn, awoowayaasheenna waxey cunaan ayey waayeen. Haddaba markii uu Yacquub maqlay in Masar badar yaalo, wuxuu markoodi ugu horraysay diray awoowayaasheen. Safarkoodi labaad ayuuna Yuusuf isku sheegay walaalihiis, markaas ayaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf meeshuu kasoo jeedo. Kadib Yuusuf wuxuu u yeeray aabihiis Yacquub iyo reerkiisi oo dhan oo ahaa toddobaatan iyo shan qof. Sidaas ayuuna Yacquub ku tagay Masar, halkaas oo ey isaga iyo awoowayaasheenba ku dhinteen. Jirkoodiina waxaa dib loogu celiyay Shekem waxaana la galiyay xabaashii uu Ibraahim hadda ka hor kaga gatay xoogaa lacaga wiilashii Xamoor ee Shekem joogay. “Laakiin markii uu soo dhawaaday waqtigii uu Illaahey oofin lahaa ballantii uu ka qaaday Ibraahim, ayaa waxaa aad u kordhay tirada dadkeeni Masar joogay. Kadib waxaa Masar boqor ka noqday nin aan aqoon u lahayn Yuusuf. Wuu khiyaaneeyay dadkeeni wuuna silciyay oo wuxuu awoowayaasheen ku qasbay iney ilmahooda yar yar banaanka dhigaan si ey u dhintaan. “Waqtigaas waxaa dhashay Muuse, Illaahey hortiisa wuxuu ku ahaa cunug aad u qurux badan. Saddex bilood ayey reerkiisu xanaaneynayeen. Markii banaanka la dhigayna waxaa qaadatay gabadhii uu Fircoon dhalay oo u korisay sidii wiilkeedi oo kale. Muuse waxaa la baray xigmaddii Masriyiinta oo dhan wuxuuna noqday nin ey hadalkiisa iyo ficilkiisuba xoog leeyihiin. “Haddaba markii uu Muuse afartan sano jiray, wuxuu go’aansaday inuu dadkiisi reer binu Israa’iil booqdo. Intuu dhex joogay ayuu maalin arkay mid iyaga ka mid ah oo uu nin Masri ah si xun ula dhaqmayo, markaas ayuu u hiiliyay ninkii oo wuxuu dilay Masrigii. Muuse wuxuu u maleynayay in dadkiisu garteen in Illaahey isaga u adeegsan doono inuu iyaga badbaadiyo, laakiin ma eysan garan. Maalintii xigtay Muuse wuxuu arkay laba reer binu Israa’iil ah oo dagaalamaya. Wuxuu damcay inuu heshiisiiyo isaga oo ku yiri, ‘Niman yahow waxaa tihiin walaalo, maxaad u dagaalameysaan?’ “Laakiin kii midka kale sida xun ula dhaqmayay ayaa Muuse riixay oo ku yiri, ‘Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakim? Ma waxaad rabtaa inaad ii disho sidii aad shalay u dishay ninkii Masriga ahaa?’ Markii uu Muuse hadalkaas maqlay wuxuu u cararay dalka Midyaan, halkaas oo uu shisheeye ahaan u degay laba wiilna ku dhalay. “Markii uu afartan sano Midyaan joogay, ayaa waxaa Muuse oo jooga saxarihii Buur Siinay u muuqday malag ku dhex jira geed dab ka ololayo. Muuse markii uu arintaas arkay, waxey la noqotay layaab wuuna ku dhawaaday si uu si fiican ugu arko, wuxuuna maqlay Rabbiga oo leh, ‘Waxaan ahay Illaaha awoowayaashaa, Illaaha Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub.’ Muuse cabsi ayaa gashay mana uusan ku dhicin inuu fiiriyo geedkii ololayay. “Kadib Rabbiga ayaa ku yiri, ‘Kabahaaga siib, sababtoo ah meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah. Xaqiiqdii waan arkay rafaadka lagu hayo dadkayga Masar jooga. Waan maqlay cabashadooda waxaanna u imid inaan xoreeyo. Haddaba kaalay, waxaan dib kuugu diri doonaa Masar.’ “Kani waa isla Muusihii ey dadka reer binu Israa’iil diideen iyagoo ku yiri, ‘Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakim?’ Isagii ayuu Illaahey ugu muuqday sidii malag ku dhex jira geedkii ololayay si uu iyaga taliye iyo samatabixiye ugu noqdo. Muuse wuxuu kasoo saaray reer binu Israa’iil Masar, wuxuuna mucjisooyin ku sameeyay Masar, Badda cas iyo afartan sano oo ey cidlada joogeen. “Kani waa Muusihii ku yiri reer binu Israa’iil, ‘Illaahey wuxuu dhexdiina kasoo saari doonaa nebi aniga oo kale ah.’ Waana kii hogaaminayay awoowayaasheen markey saxaraha joogeen isaga oo uu la socdo malagii kula hadlay Buur Siinay, halkaas oo lagu siiyay ereyadan nool si uu awoowayaasheen u gaarsiiyo. “Laakiin awoowayaasheen wey diideen iney adeecaan Muuse hogaamintiisa, waxeyna rabeen iney Masar ku laabtaan. Oo waxey Haaruun ku yiraahdeen, ‘illaahyo na hogaamiya noo samee! Waayo ma garaneyno waxa ku dhacay Muusihii naga soo waday Masar.’ Waxeyna sameeyeen sanam qaab weyl leh, oo u keeneen allabari, weyna ku faraxsanaayeen wixii ey sameeyeen. Laakiin Illaahey wuu ka jeestay iyaga, kadib waxey bilaabeen iney caabudaan waxyaalaha samada ku jira sida qoraxda, xiddigaha iyo dayaxa, sida ku qoran buugga nebiyada. “ ‘Miyaad ii qasheen xoolo ama ii keenteen allabari, afartankii sano ee aad cidlada joogteen, reer binu Israa’iilow? Laakiin waxaad qaadateen teendhadii Molokh iyo xiddigihii illaahiina Remfan, oo ah sanamyadii aad u sameyseen inaad caabudaan. Sidaa daraadeed waxaan idiin diri doonaa Baabuloon shishadeeda.’ “Awoowayaasheen waxey cidlada ku haysteen teendhadii axdiga. Waxaa loo sameeyay sidii uu Illaahey Muuse ku amray, iyadoo la raacayo qaabkii uu u arkay. Kadib awoowayaasheen ayaa kala wareegay aabayaashood, wey soo qaadeen iyagoo uu Yashuuca hogaaminayo. Waxey keeneen dhulkii ey qaateen markii uu Illaahey uga cayriyay dadkii lahaa. Halkaas ayeyna taalay illaa waqtigii Daa’uud, Daa’uudna nimcada Illaahey ayuu helay wuxuuna weydiistay inuu dhiso guri lagu caabudo Illaaha Yacquub. Laakiin Sulaymaan ayaa gurigii dhisay. “Si kastaba ha ahaatee, Illaaha ugu sareeya kuma noola guryaha ey binu aadanka gacmahooda ku sameeyaan. Sida uu nebigu u yiri, “ ‘Jannadu waa carshigeyga, dhulkuna waa meesha aan cagaha saarto. Guri noocee ah ayaad ii dhisi doontaan? Ayuu yiri Rabbigu. Ama xaggee ayey noqon doontaa meesha aan ku nasto? Miyeysan gacanteydu sameynin waxyaalahan oo dhan?’ “Dadkiinan madaxa adagow! Qalbiyadiina iyo dhagahiina weli kama bixin dembigi. Waxaad la mid tihiin awoowayaashiin. Markasta waad diidaan Ruuxa Quduuska ah! Ma waxaa jira nebi eysan awoowayaashiin soo silcinin? Waxey xitaa dileen kuwii sii sheegay imaanshaha midka xaqa ah. Iyo sida aad u khiyaanteen oo u disheen. Idinkoo ah kuwii qaatay sharcigii loo soo dhiibay malaa’igta balse aanan adeecin.” Markey dadkii ka tirsanaa shirka maqleen arintan, wey caroodeen oo wey u faruurya qaniinsadeen. Laakiin Istefanos, isaga oo uu ka buuxo Ruuxa Quduuska ah, ayuu kor u fiiriyay samada waxa uuna arkay ammaanta Illaah, iyo Ciise oo taagan gacanta midig ee Illaah. Wuxuuna yiri, “Fiiriya, waxaan arkaa samada oo furan oo uu Wiilka Aadanahuna taagan yahay gacanta midig ee Illaah.” Markaas ayey dhagahooda dabooleen, iyagoo cod dheer ku qaylinaya, kuligoodna xaggiisey kusoo ordeen, wey jiideen oo magaaladii ayey ka saareen waxa eyna bilaabeen iney dhagaxeeyaan. Qaar ka mid ah kuwii marqaatiyaasha ayaa jaakadahoodii ag dhigay cagaha wiil dhalinyaro ah oo Sawlos la dhaho. Markey dhagaxaynayeen, Istefanos ayaa ku duceystay, “Sayid Ciisow, qaado ruuxdeyda.” Kadib ayuu jilba jabsaday oo uu ku dhawaaqay, “Sayidow, dembigaan ha u qabsanin iyaga.” Markii uu sidaas yiri ayuu dhintay. Sawlos ayaana ku raacay dilkii ey u geysteen. Maalintaas silac weyn ayaa ka dhacay kaniisadda Yeruusaalem, dhamaantoodna waxaan ka ahayn rasuullada waxey u kala firdhismeen Yahuudiya iyo Samaariya. Niman Illaahey yaqaana ayaa aasay Istefanos oo si aad ah ugu murugooday. Laakiin Sawlos ayaa bilaabay inuu xertii laayo. Isaga oo guri ka guri iskugu maraya ayuu dhamaan rag iyo dumarba kasoo saaray guryaha wuxuuna iskugu geeyay xabsi. Kuwii soo kala firdhismay ayaa injiilka ka wacdiyay meel walboo ey tageen. Filibos ayaa magaalada Samaariya galay oo dadka u sheegay wax ku saabsan Masiixa. Dadkii badnaa markey maqleen Filibos oo ey arkeen mucjisooyinka uu sameeyay, ayey kuligood si taxadar leh u dhageysteen wuxuu sheegayo. Markaas ayey qayliyeen, oo kuwo badan oo iyaga ka mid ah ayaa ruuxyo wasakh leh kasoo baxeen, kuwo kale oo badan oo curyaamo ahna wey bogsadeen. Waxaana magaalada ka dhacday farxad weyn. Waxaa jiray nin la yiraahdo Simoon oo sixir ku sameyn jiray magaalada kaasoo ka yaabiyay dadkii reer Samaariya. Wuxuu ku faani jiray inuu ahaa qof weyn, dhamaan dadka, mid wax haysta iyo mid aan wax heysanba wey u jeesteen waxeyna ku dhawaaqeen, “Ninkan waxaa si xaq ah loogu yeeray Awoodda Weyn ee Illaahey.” Weyna raaceen sababtoo ah wuxuu muddo dheer ayuu uga yaabiyay sixirkiisa. Laakiin markey aamineen Filibos markii uu ku wacdiyay warka wanaagsan, boqortooyada Illaah iyo magaca Ciise Masiix, waa la baabtiisay dhamaan rag iyo dumarba. Simoon xitaa wuu rumeystay oo waa la baabtiisay. Wuxuuna Filibos u raacay meel walba, isaga oo la yaaban calaamadaha waaweyn iyo mucjisooyinka uu arkay. Markey rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in dadkii reer Samaariya ey aqbaleen ereyga Illaah, waxey Samaariya u soo direen Butros iyo Yooxanaa. Markey yimaadeen, waxey halkaas ugu duceeyeen mu’miniintii cusbayd si ey Ruuxa Quduuska ah u helaan, sababtoo ah Ruuxa Quduuska ah weli uma imaanin mid iyaga ka mid ah. Waxaana lagu baabtiisay magaca Sayid Ciise oo kaliya. Kadib Butros iyo Yooxanaa ayaa gacmahooda saaray dadkii, waxeyna heleen Ruuxa Quduuska ah. Markii uu Simoon arkay in Ruuxa lagu helo gacantii rasuullada ee dadka la saaray, wuxuu u soo bandhigay lacag wuxuuna yiri, “Anigana i siiya awoodan si qof walboo aan gacanteyda dul saaro u helo Ruuxa Quduuska ah.” Butros ayaa ugu jawaabay, “Lacagtaadu ha kula halaagsanto, sababtoo ah waxaad u maleysaa inaad hadiyada Illaah lacag ku iibsan karto! Qeyb kama tihid oo waxna lama wadaagtid xertaan, sababtoo ah qalbigaaga Illaahey hortiisa xaq kama aha. Ka toobadkeen xumaantan Rabbigana weydiiso oo ka rajee inuu kaa cafiyo fikirkan ku jira qalbigaaga. Sidan arko waxaa kaa buuxa xumaan waxaadna maxbuus u tahay dembiga.” Kadib Simoon ayaa ku jawaabay, “Rabbiga ii bari si eysan waxa aad dhahday iigu dhicin.” Markey ku sii wacdiyeen ereyga Rabbiga oo eyna Ciise u marqaatifureen, Butros iyo Yooxanaa waxey u laabteen Yeruusaalem, iyagoo ku wacdinaya injiilka tuulooyin badan oo ka mid ah Samaariya. Malagii Rabbiga ayaa ku yiri Filibos, “Aad wadada dhinaca koonfureed. Wadada lama dagaanka ah ee kasoo baxda xagga Yeruusaalem aadana illaa Gaasa.” Markaas ayuu safarkii bilaabay, wuxuuna wadada kula kulmay nin Itoobiyaan koron ah wuxuuna maamulayay qasnada Kandake oo ahayd boqoradii Itoobiyaanka. Ninkan wuxuu u aaday Yeruusaalem si uu ugu soo cibaadaysto, intii uu usii socday gurigiisa wuxuu saarnaa gaari faraskiisi wuxuuna akhrinayay kitaabka nebi Isayos. Ruuxa ayaa Filibos ku yiri, “Aad dhanka gaari faraska oo ag joog.” Kadib Filibos ayaa tagay dhankii gaari faraska wuxuuna maqlay ninkii oo akhrinaya kitaabkii nebi Isayos. Markaas ayuu Filibos weydiiyay, “Ma fahmaysaa waxaad akhrinaysid?” Wuxuuna ugu jawaabay, “Sidee ayaan u fahmi karaa, illaa uu qof ii sharaxo?” Markaas ayuu ka codsaday Filibos inuu gaari faraska la soo fuulo oo uu la fariisto. Tani waa qeyb ka mid ah qorniinkii uu akhrinayay, “Sida laxdii waxaa loo waday meesha xoolaha lagu qalo, sida wankuna uu ugu aamuso kan dhogorta ka xiiraya hortiisa, isagu afkiisa ma uusan furin. Isaga oo bahdilan ayaa xornimadana laga qaaday. Yaa ka hadli kara faraciisa? Kaasoo noloshiisa dhulka laga kaxeeyay.” Ninkii ayaa Filibos weydiiyay, “Ii sheeg fadlan, waa kuma qofka uu nebigu ka hadlayo, ma isaga ayaa iska hadlaya mise qof kale?” Kadib Filibos ayaa ku bilaabay qorniinkii uu akhrinayay una sheegay warka wanaagsan ee Ciise ku saabsan. Intey wadada ku sii jireen, waxey soo agmareen meel biyo fadhiyaan ninkii ayaana yiri, “Fiiri, biyo waa kuwan, maxaa iga hor istaagi kara in la i baabtiiso?” [Filibos ayaa ugu jawaabay, “Haddaad si dhab ah u aaminsantahay waa lagu baabtiisi karaa.” Ninkii ayaa yiri, “Waan aaminsanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Illaahey.”] Wuxuuna amar ku bixiyay in gaari faraska la joojiyo. Kadibna labadoodi wey dagteen waxeyna galeen biyihii oo Filibos wuu baabtiisay. Markey biyaha kasoo baxeen, Ruuxa Rabbiga ayaa isla markiiba Filibos qaaday, ninkiina ma arkin mar kale, laakiin wuu sii socday isaga oo faraxsan. Si kastaba ha ahaatee, Filibos, ayaa ka dhex muuqday Asootos isaga oo sii safraya, wuxuu ku wacdinayay injiilka magaalooyinka oo dhan illaa uu ka gaaray Kaysariya. Sawlos wuxuu sii waday inuu xertii Sayid Ciise dil ugu hanjabo oo wuxuu u tagay wadaadkii sare, oo wuxuu weydiistay warqad uu la tago sunagogga Dimishaq ku yaal, si haddii uu halkaas ku arko qof Ciise raacsan rag iyo dumarba uu Yeruusaalem xoog ugu soo celiyo iyagoo silsilado ku xirxiran. Markii uu Dimishaq ku dhawaa ayaa isla markiiba waxaa samada ka shidmay iftiin oo agtiisa ku iftiimay. Wuxuu ku dhacay dhulka wuxuuna maqlay cod ku dhahaya, “Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcineysaa?” Sawlos ayaa weydiiyay, “Yaa tahay, Sayidow?” Wuxuu ku jawaabay “Waxaan ahay Ciise, kan aad silcineysid. Haddaba kac oo magaalada aad, waa laguu sheegi doonaa waxaad sameyn doontid.” Nimankii Sawlos la safrayay ayaa hadalkii ku dhegay. Wey maqleen codka, laakiiin qofna ma eysan arkin. Sawlos ayaa dhulka ka kacay, laakiin markii uu indhihiisi furay waxba ma uusan arki karin. Markaas ayey gacanta qabteen illaa Dimishaq. Saddex maalin ayuu indhola’aa, waxna ma cunin mana cabin. Dimishaq waxaa joogay nin xerta ka tirsan oo la yiraahdo Ananiyas. Sayidka ayaa kula hadlay riyo oo ku yiri, “Ananiyasow!” Markaas ayuu ku jawaabay, “Hee Sayidow.” Sayidka ayaa ku yiri, “Aad guriga Yuudas oo ku yaala wadada toosan waxaadna weydiisaa nin reer Tarsos ah oo la yiraahdo Sawlos, oo duceysanaya. Wuxuuna riyo ku arkay nin la yiraahdo Ananiyas oo u yimaaday gacantiisana saaray si uu ugu soo celiyo aragiisa.” Ananiyas ayaa ku jawaabay, “Sayidow, waxaan maqlay warbixin badan oo ku saabsan ninkan iyo dhibaatada uu ku hayo dadkaaga quduuska ah ee Yeruusaalem dagan. Wuxuuna halkan la yimid awood fasax uu ka haysto gudoomiyayaasha wadaaddada si uu u xiro dhamaan inta magacaaga ku dhawaaqda.” Laakiin Sayidka ayaa Ananiyas ku yiri, “U tag! Ninkan waxaan u doortay si uu magacayga ugu sheego dadka aan Yuhuudda ahayn, boqoradooda iyo dadka Israa’iil. Waxaan tusi doonaa intuu u dhibaatoon doono magacayga dartiisa.” Ananiyas ayaa gurigii tagay oo galay. Markii uu gacantiisa saarayay Sawlos, wuxuu ku yiri, “Walaal Sawlosow, Sayid Ciise kii isku kaa muujiyay intaad wadada ku soo jirtay ayaa isoo diray waxaa laga yaabaa inaad dib wax u aragto oo Ruuxa Quduuska ahna lagaa buuxiyo.” Isla markiiba wax qolof oo kale ah ayaa kasoo dhacay Sawlos indhihiisa, dib ayuuna wax u arkay. Wuu istaagay waana la baabtiisay. Kadib markii uu wax cunay wuxuu dib u helay awoodiisi. Sawlos ayaa maalmo badan la joogay xertii joogtay Dimishaq. Markaas ayuu bilaabay inuu kaga wacdiyo sunagogyada inuu Ciise yahay Wiilka Illaah. Dhamaan kuwii maqlay wey yaabeen oo waxey weydiiyeen, “Kani miyuusan ahayn kii Yeruusaalem ku baabi’in jiray kuwa magacan ku dhawaaqa? Oo miyuusan halkan u imaan inuu iyaga maxaabiis uga dhigo gudoomiyayaasha wadaaddada?” Balse Sawlos wuu sii xoogsatay oo wuxuu wareeriyay Yuhuuddii ku noolayd Dimishaq isaga oo cadaynaya Ciise inuu yahay Masiixa. Maalmo badan markey kasoo wareegatay, waxey Yuhuuddii u dhigeen shirqool ey ku dilaan. Laakiin Sawlos wuu ku fahmay qorshahoodi. Maalin iyo habeen waxey aad u ilaaliyeen albaabada magaalada si ey u dilaan. Laakiin xertiisi ayaa intey dambiil weyn ku rideen habeen ka dajiyeen darbiga magaalada. Markii uu yimid Yeruusaalem, wuxuu isku dayay inuu ku soo biiro xerta, laakiin dhamaantood wey ka cabsadeen, maxaa yeelay ma eysan aaminsaneyn inuu yahay xer dhab ah. Kadib Barnabas ayaa kaxeeyay oo u geeyay rasuulladii. Wuxuuna u sheegay sida uu Sawlos markii uu safarka ku jiray uu Sayidka u arkay iyo siduu Sayidka ula hadlay, iyo siduu Dimishaq uga wacdiyay magaca Ciise si cabsi la’aan ah. Kadib Sawlos ayaa la joogay iyaga oo si xor ah ayuu ugu dhex socday Yeruusaalem, isaga oo qof walba u sheegaya magaca Sayidka. Wuxuu la hadlay oo uuna la dooday Yuhuuddii Gariigga ahayd, laakiin waxey isku dayeen iney dilaan. Markey walaalihii ogaadeen arintan, waxey keeneen Kaysariya oo waxey u direen Tarsos. Kadib kaniisadihii Yahuudiya, Galili iyo Samaariya ayaa nabad noqotay oo wey xoogeysteen. Iyagoo ku nool cabsida Sayidka iyo dhiirigelinta Ruuxa Quduuska ah, weyna bateen. Butros oo waddanka ku dhex safraya, ayaa soo booqday dadkii Sayidka ee ku noolaa Ludda. Halkaas wuxuu ku arkay nin la yiraahdo Ayne’as, oo naafo ahaa oo siddeed sano sariir ku jiray. Butros ayaa ku yiri “Ayne’asow, Ciise Masiix ayaa ku bogsiiyay, kac oo qaado derintaada.” Isla markiiba Ayne’as wuu kacay. Dhamaan kuwii ku noolaa Ludda iyo Sharoon wey arkeen oo Sayidka ayey u toobadkeeneen. Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay mid ka mid ah xerta oo la yiraahdo Tabita, afka Gariigana magaceedu waa Dorkas, mar walba waxey sameyn jirtay wax fiican waxeyna caawin jirtay masaakiinta. Xiligaas wey xanuusatay weyna dhimatay, meydkeediina waa la dhaqay oo waxaa la geeyay qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. Ludda waxey u dhawayd Yaafaa, oo markey xertii maqleen in Butros uu joogo Ludda, waxey u direen laba nin waxeyna nimankii ku dhaheen, “Fadlan hal mar imow!” Butros ayaa raacay, markii uu yimidna waxaa loo kaxeeyay qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. Dumarkii carmalada ahaa oo dhan ayaa hareeraha ka taagnaa, iyagoo ooynaya oo tusaya xargihii iyo dharkii ey Dorkas sameysay intey noolayd. Butros ayaa dhamaantood banaanka u saaray kadibna intuu jilba jabsaday ayuu duceeyay. Intuu meydkii kor yimid, ayuu yiri, “Tabitay, kac.” Indhaha ayeyna furtay, markey Butros aragteyna wey fariisatay. Intuu gacanta qabtay ayuu istaajiyay. Kadib ayuu walaalihii iskugu yeeray, gaar ahaan Dumarkii carmalada ahaa, iyaga ayuuna ku wareejiyay iyadoo nool. Arintan waxaa laga ogaaday Yaafaa oo dhan, dad badanna waxey rumeysteen Sayidka. Oo Butros wuxuu muddo sii joogay Yaafaa, wuxuuna la joogay nin magdeeye ah oo la dhihi jiray Simoon. Kaysariya waxaa joogay nin la oran jiray Korneeliyos, kaasoo boqol u taliye u ahaa koox loo yaqaanay askartii Talyaaniga. Isaga iyo qoyskiisaba waxey ahaayeen kuwo cibaado badan oo Illaahey ka cabsada. Wuxuu ahaa mid gacan furan oo wax siiya masaakiinta baahan Illaahey ayuuna baryi jiray mar walba. Maalin maalmaha ka mid ah markey ahayd saddexdii galabnimo ayuu riyooday. Wuxuuna arkay malag Illaah, oo u yimid kuna yiri, “Korneeliyosow!” Korneeliyos ayaa si cabsi ah u fiiriyay oo weydiiyay, “Waa maxay, Sayidow?” Malagii ayaa ku jawaabay, “Ducadaadi iyo sadaqadii aad masaakiinta siin jirtay ayaa xagga sare timid oo xasuus dhaxalgal ah ayey ka noqotay xagga Illaah. Hadda niman u dir Yaafaa si ey u keenaan nin la dhaho Simoon Butros. Wuxuu la joogaa Simoon magdeeyaha, gurigiisuna wuxuu ku yaalaa badda agteeda.” Markii uu malagii la hadlayay tagay, Korneeliyos wuxuu u yeeray laba ka mid ah adeegayaashiisi iyo mid ka mid ah askartiisi ey Illaahey isla caabudi jireen. Wuxuu u sheegay wax walboo dhacay wuxuuna u diray Yaafaa. Maalintii ku xigtay mar ey ahayd duhuradii iyagoo safarkii ku sii jira oo magaaladii ku sii socda, Butros ayaa fuulay saqafka kore ee guriga si uu ugu soo duceysto. Wuu gaajooday wuxuuna rabay wax uu cuno, intii cuntada la diyaarinayay ayuu riyooday. Wuxuuna arkay samada oo furantay waxaana kasoo degay wax sida shiraac u weyn oo afartiisa geesood lagu soo dajiyay dhulka. Waxaana dul saarnaa dhamaan xayawaanada afarta lugood leh, xamaaratada iyo shimbirraha hawada. Kadibna cod ayaa ku yiri, “Butrosow, kac! Dil oo cun.” Butros ayaa ku jawaabay, “Maya, Sayidow! Weligay ma cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.” Codkii ayaa mar kale la hadlay, “Ha dhihin waa xaaraan wax uu Illaahey nadiifiyay.” Arintan waxey dhacday saddex jeer, isla markiina shiraacii samada ayaa dib loogu celiyay. Butros oo la yaaban micnaha riyada, nimankii uu Korneeliyos soo diray ayaa yimid gurigii Simoon waxeyna soo istaageen albaabka. Wey u yeereen, waxeyna weydiiyeen Simoon oo Butros loo yaqaano inuu meeshan daganyahay. Butros oo riyadii weli ka fikiraya, ayaa Ruuxa Quduuska ah ku yiri. “Simoon, saddex nin ayaa ku raadinaya. Kac oo hoos aad. Ha ka shakinin inaad raacdid, aniga ayaa kuu soo diray.” Butros ayaa hoos aaday wuxuuna ku yiri, “Waa aniga qofka aad raadineysaan. Maxaad u timaadeen?” Nimankii ayaa ku yiri, “Waxaan ka soconaa Korneeliyos oo ah boqol u taliye. Waana nin xaq ah oo Illaahey ka cabsada, kaasoo ey dadka Yuhuudda oo dhan xushmeeyaan. Malag quduus ah ayaa ku yiri ku dheh gurigeyga imow si uu u dhagaysto waxaad sheegeysid.” Kadib Butros ayaa nimankii guriga ku casuumay si ey martidiisa u noqdaan. Maalintii ku xigtayna Butros wuu soo raacay, waxaa kale oo la socday qaar ka mid ah walaalihii Yaafaa daganaa. Maalin kadibna wuxuu soo gaaray Kaysariya. Korneeliyos ayaa sugayay iyaga wuxuuna iskugu yeeray qaraabadiisii iyo saaxiibadiisii. Butros markii uu guriga soo galay, Korneeliyos ayaa ka hor yimid oo cagahiisa ayuu ku dhacay isaga oo xushmeynaya. Laakiin Butros ayaa kiciyay oo ku yiri, “Kor u kac, aniga xitaa qof ayaan ahay.” Intuu la hadlayay, Butros gudaha ayuu galay wuxuuna arkay dad badan. Wuxuuna ku yiri dadkii “Waad ogtihiin iney sharciga ka hor imaaneyso in Yuhuuddu dhex gasho ama booqato dadka aan Yuhuudda ahayn. Laakiin Illaahey wuxuu i tusay in aanan qofna ugu yeerin xaaraan ama wasakh. Oo markii nimanka la ii soo diray, waxaan imid aniga oo aan wax muran ah ka keenin. Ma ogaan karaa sababta aad iigu yeertay?” Korneeliyos ayaa ku yiri, “Saddex maalin ka hor xiligan oo kale aniga oo duceysanaya, mar ey ahayd saddexdii galabnimo ayaa nin dhar dhalaalaya xiran horteyda soo istaagay, wuxuuna igu yiri, ‘Korneeliyosow Illaahey wuu maqlay ducadaadi wuuna xasuustay sadaqada aad masaakiinta siisid. Dad u dir nin la dhaho Simoon Butros oo jooga Yaafaa. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoonkii magdeeyaha, kaasoo badda agteeda dagan.’ Oo isla markiiba dad ayaan kuu soo diray, waana wanaagsaneyd inaad timaaday. Hadda dhamaanteen meeshan ayaan joognaa Illaahey hortiisa si aan u dhagaysano wax walboo uu Sayidku ku amray inaad noo sheegto.” Kadib Butros ayaa bilaabay inuu hadlo, “Hadda ayaan ogaaday iney run tahay in uusan Illaahey eexasho sameynin, laakiin uu qowmiyad kasta ka aqbalo midka isaga ka cabsada oo waxa saxda ah sameeya. Ma ogtihiin fariinta uu Illaahey u soo diray dadka reer binu Israa’iil, isaga oo ku dhawaaqaya warka wanaagsan ee nabadda ah adeegsanayana Ciise Masiix, kaasoo ah Sayidka dadka oo dhan. Ma ogtihiin waxa ka dhacay gobolka Yahuudiya, laga bilaabo Galili kadib baabtiiskii uu Yooxanaa wacdiyay. Sida uu Illaah ugu subkay Ciisihii reer Naasared Ruuxa Quduuska ah iyo awood, iyo sida uu meel walba u maray isaga oo wax wanaagsan sameynaya oo bogsiinaya kuwa ku hoos jira awoodda ibliiska, sababtoo ah Illaahey ayaa la jiray. “Marqaati ayaan ka ahayn wax walboo uu ka dhex sameeyay waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem. Wey dileen oo iskutallaabta ayey ku qodbeen, laakiin Illaahey ayaa maalintii saddexaad dhimashada ka sarakiciyay oo sababay iney dadku arkaan. Dadka oo dhan ma eysan arkin, laakiin waxaa arkay marqaatiyaal uu Illaahey mar hore doortay. Anaga ayaa wax la cunay oo wax la cabnay kadib markii uu dhimashada ka sarakacay. Wuxuu na amray inaan dadka u wacdino oo aan u marqaatifurno inuu isagu yahay midka uu Illaahey u doortay inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Nebiyadii oo dhan wey ka marqaatifureen isaga iyo in qof walboo aamina uu dembidhaaf ku helayo magaciisa.” Butros oo weli hadlaya ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay dhamaan intii maqashay fariintan. Rumeystayaashii la guday ee Butros la yimid ayaa la yaabay sida Ruuxa Quduuska ah loogu shubay xitaa dadka aan Yuhuudda ahayn. Waayo waxey maqleen iyagoo ku hadlaya afka ruuxa oo Illaaheyna ammaanaya. Kadib Butros ayaa yiri, “Xaqiiqdii qofna lagama hor istaagi karo in la baabtiiso. Oo waxey u heleen Ruuxa Quduuska ah sida aan anagu u helnay.” Markaas ayuu amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix, kadibna waxey Butros ka codsadeen inuu maalmo yar lasii joogo. Rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayaa maqlay in dadkii aan Yuhuudda ahaynna ey qaateen ereyga Illaah. Oo markii uu Butros tagay Yeruusaalem, walaalihii Yuhuudda ahaa ee rabay in masiixiyiinta oo dhan la guday ayaa ku dhaleeceeyay. Waxeyna ku yiraahdeen, “Waxaad aaday guriga dad aan gudneyn oo wax ayaad la cuntay.” Isaga oo bilowgii kasoo bilaabaya ayuu Butros iyaga u sheegay sheekadii, “Waxaan joogay magaalada Yaafaa aniga oo duceysanaya ayaan gam’ay oo waana riyooday. Waxaan arkay wax shiraac oo kale ah oo samada laga soo dajiyay oo afarteeda dhinac lagu soo dajiyay meeshii aan joogay. Markaan aad u fiiriyay waxaan arkay xayawaanada dhulka ee afarta lugood leh, duur joogta, xamaaratada iyo shimbirraha hawada. Kadib waxaan maqlay cod igu dhahaya, ‘Butrosow, kac! Dil oo cun.’ “Markaas ayaan ku jawaabay, ‘Maya, Sayidow! Weligay afkeyga ma galin wax xaaraan ah ama aan nadiif ahayn.’ “Cod ayaa mar kale samada ka hadlay oo igu yiri, ‘Ha dhihin waa xaaraan wax uu Illaahey nadiifiyay.’ Arintan waxey dhacday saddex jeer, kadibna shiraacii samada ayaa dib loogu celiyay. “Isla markiiba saddex nin oo Kaysariya la iiga soo diray ayaa yimid gurigii aan deganaa. Ruuxa Quduuska ah ayaa ii sheegay in aanan ka shakinin inaan raaco. Lix nin oo walaalaha ka tirsan ayaa i raacay, waxaanna galnay gurigii ninka. Markaas ayuu noo sheegay in malag gurigiisa yimid kuna yiri, ‘Uga yeer Yaafaa nin la dhaho Simoon Butros. Wuxuu idiin sheegi doonaa fariin aad adiga iyo reerkaaga oo dhan ku badbaadi doontaan.’ “Oo markaan hadalkii bilaabay ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga sidii uu bilowgii anaga noogu soo degay. Kadib waxaan xasuustay hadalkii Sayidka, ‘Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiin idinka waxaa la idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.’ Haddaba haddii Illaahey iyaga siiyay hadiyad la mid ah tii uu anaga na siiyay markaan rumeysanay Sayid Ciise Masiix, sidee ayaan uga hor imaan karaa qorshaha Illaah?” Markey maqleen Butros oo sidan leh, wey joojiyeen murankii waxeyna bilaabeen iney Illaahey ammaanaan, iyagoo leh, “Haddaba, xitaa dadka aan Yuhuudda ahayn Illaahey wuxuu siiyay toobadkeenka lagu helo nolosha weligeed ah.” Qaar ka mid ah xerta ayaa ka kala cararay silicii dhacay markii Istefanos la dilay waxeyna u safreen illaa Foynike, Qubrus iyo Antiyokh, waxeyna ereyga la wadaagayeen Yuhuudda kaliya. Laakiin qaar ka mid ah xertii kasoo jeeday Qubrus iyo Sayriin ayaa tagay Antiyokh waxeyna ereyga la wadaageen xitaa Yuhuuddii af Gariigga ku hadleysay, iyagoo u sheegaya warka wanaagsan ee ku saabsan Sayid Ciise. Illaahey ayaana iyaga la jiray, dad tiro badan ayaa rumeystay oona u toobadkeenay Rabbiga. War wixii dhacayay ku saabsan ayaa soo gaaray kaniisaddii ku taalay Yeruusaalem, markaas ayey Barnabas Antiyokh u direen. Markii uu soo gaaray oo uu arkay waxa Illaah ku nimceeyay, aad ayuu ugu farxay wuxuuna kuligood ku dhiirigeliyay iney Rabbiga daacad u ahaadaan, qalbigoodana ku hayaan. Waayo Barnabas wuxuu ahaa nin wanaagsan oo iimaan fiican leh Ruuxa Quduuska ahna ka buuxo, dad badan ayaana Rabbiga u toobadkeenay. Kadib Barnabas wuxuu aaday Tarsos isaga oo raadinaya Sawlos. Markii uu heleyna wuxuu keenay Antiyokh. Halkaas ayeyna muddo sanad ah Barnabas iyo Sawlos xerta kula kulmayeen dad badanna wax ku bareen. Antiyokh ayey ahayd meeshii ugu horraysay ee xerta Sayid Ciise loogu yeeray masiixiyiin. Waqtigaas nebiyo ka socda Yeruusaalem ayaa yimid Antiyokh. Mid iyaga ka mid ah oo la yiraahdo Agabos ayaa isaga oo Ruuxa Quduuska ah kaashanaya sii sheegay iney abaar daran ka dhici doonto aduunka oo dhan. Waxeyna dhacday waqtigii Kalawdiyos. Markaas ayaa xertii Antiyokh joogtay go’aansadeen iney caawimaad nin kastaba wixii awoodiisu ahayd u diraan walaalihii joogay Yahuudiya. Waxeyna Barnabas iyo Sawlos ka codsadeen iney hadiyadahooda u geeyaan odayaashii joogay Yeruusaalem. Haddaba waqti uu boqor Herodos xabsiga galiyay qaar ka tirsanaa kaniisadda, isaga oo silcinaya. Wuxuu amray in madaxa laga jaro Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis. Markii uu arkay in arintaas ey Yuhuudda ka farxisay, ayuu go’aansaday inuu soo qabto Butros. Waxeyna ahayd waqtigii Dabaaldaga Kimista aan Khamiirka lahayn. Markii uu xiray kadib, wuxuu amray in afar kooxood oo afar askari ka kooban ey ilaaliyaan. Herodos wuxuu rabay inuu Butros dadka hortooda maxkamad ku saaro markey Iidda Kormaridda dhamaato. Haddaba Butros xabsiga ayaa lagu hayay, laakiin xertii waxey Illaahey ugu baryayeen si aan kala joogsi lahayn. Habeenkii ka horeeyay maalintii uu Herodos maxkamadda soo istaajin lahaa Butros wuxuu hurday laba askari dhexdood laba silsilad ayaana ku xirnaa askartii kalana waxey ilaalinayeen albaabka xabsiga. Isla markiiba malag xagga Illaahey ka yimid ayaa ka ag muuqday xabsigiina wuu wada iftiimay. Malagii ayaa Butros dhinac ka taabtay oo kiciyay isaga oo ku yiri, “Dhaqso, kac!” Silsiladihiina wey furmeen. Kadib malagii ayaa ku yiri, “Gasho dharkaaga iyo kabahaaga.” Butrosna wixii la amray ayuu sameeyay. Malagii ayaa haddana ku yiri, “Go’aaga huwo oo isoo raac.” Butros banaanka ayuu u soo baxay oo malagii ayuu soo raacay, laakiin uma maleyn in waxyaalihii uu malagu sameynayo ey tahay run, wuxuu u maleeyay inuu riyoonayo. Waxey dhaafeen kooxdii koowaad iyo kooxdii labaad ee waardiyaha ahaa, markeyna yimaadeen albaabkii birta ahaa ee magaalada loo mari jiray, wuu is furay, weyna ka baxeen. Markey jidka magaalada marayeen isla markiiba malagii wuu ka tagay. Markaas ayaa Butros baraarugay oo yiri, “Hadda si aan shaki ku jirin ayaan u ogahay in Rabbigu ii soo diray Malagiisa igana samatabixiyay wixii uu Herodos ila damacsanaa iyo wixii ey dadka Yuhuuddu rajeynayeen iney igu dhacdo.” Kadib Butros wuxuu aaday gurigii Maryan oo ahayd Yooxanaa hooyadiis kaasoo sidoo kale la oran jiray Markos, halkaas oo ey xer badan iskugu yimaadeen kuna duceysanayeen. Butros albaabka ayuu garaacay, gabar shaqaala ah oo la yiraahdo Roda ayaa soo aaday iney ka furto. Markey garatay codkiisi, aad ayey u faraxday dib ayeyna gurigii ugu carartay iyadoon albaabkii furin waxeyna tiri “Butros ayaa albaabka taagan!” Xertii ayaa ku tiri, “Waad waalantahay.” Laakiin markey ku adkeysatay inuu Butros yahay, waxey yiraahdeen, “Waa malagiisi.” Laakiin Butros albaabkii ayuu sii garaacay, oo markey albaabkii fureen isagiina arkeen aad ayey u yaabeen. Butros ayaa gacantiisa ugu baaqay iney aamusaan wuxuuna u sharaxay sidii Rabbigu uga soo saaray xabsiga. Wuxuu kale oo ku yiri, “Arintan u sheega Yacquub iyo walaalaha kale.” Kadibna wuu tagay wuxuuna aaday meel kale. Markii subixii la gaaray, askartii waardiyaha ahayd aad ayey u welwelayeen waxeyna la yaabeen waxa Butros ku dhacay. Kadib markii uu Herodos raadiyay oo uu heli waayay, wuxuu su’aalo weydiiyay askartii wuxuuna amray in la laayo. Kadib Herodos wuu ka tagay Yahuudiya wuxuuna aaday Kaysariya halkaas ayuuna joogay. Herodos aad ayuu uga xumaaday dadka Turos iyo Siidoon. Markaas ayey u yimaadeen iyagoo mideysan, kadib markey la saaxiibeen Balaastos, kaasoo ahaa mid uu boqorku ku kalsoonaa, waxey weydiisteen nabad, waayo waxey cuntadoodu ku tiirsaneyd waddanka boqorka. Maalintii la ballamay ayaa Herodos oo gashan dharkii boqornimada, fariistay carshigiisi wuxuuna jeediyay qudbad. Dadkii ayaa qayliyay waxeyna yiraahdeen, “Kani waa cod illaah ee cod binu aadan ma aha.” Isla markiiba malag xagga Illaah ka yimid ayaa dhulka ku dhuftay Herodos, maxaa yeelay ma uusan ammaanin Illaahey, Herodos waxaa cunay dixri wuuna dhintay. Laakiin ereyga Illaahey wuu sii faafay oo kordhay. Markey Barnabas iyo Sawlos dhameysteen shaqadoodi, waxey ku laabteen Yeruusaalem, iyagoo horay u watay Yooxanaa kaasoo sidoo kale loo yaqaanay Markos. Haddaba kaniisaddii ku taalay Antiyokh waxaa joogay nebiyo iyo macalimiin. Kuwaas oo kala ahaa Barnabas, Simecoon oo lagu magacaabi jiray Niger, Lukiyos oo reer Sayriin ah, Mana’een oo la koray taliye Herodos iyo Sawlos. Maalin iyagoo Illaahey baryaya soomayana ayaa Ruuxa Quduuska ah ku yiri, “Gooni iigu sooca Barnabas iyo Sawlos si ey u qabtaan shaqadii aan u doortay.” Haddaba markey soomeen oo duceysteen kadib, waxey gacmahooda saareen oo u duceeyeen Barnabas iyo Sawlos weyna direen. Markii uu labadoodiba Ruuxa Quduuska ah diray, waxey tageen Selukiya halkaas oo ey kasii aadeen jasiiraddii Qubrus. Markey Salamis gaareen, waxey ereyga Illaahey kaga wacdiyeen sunagogyadii Yuhuudda. Yooxanaa ayaa inuu caawiyo ula socday. Waxey ku safreen jasiiradda oo dhan illaa ey yimaadeen Bafos, halkaas oo ey kula kulmeen nin sixiroole Yuhuudi ah nebi been ahna ahaa oo la yiraahdo Bar-Ciise, kaasoo saaxiib la ahaa Sergiyos Bawlos, oo ahaa nin caqli badan taliyana ka ah jasiiradda. Sergiyos Bawlos wuxuu rabay inuu maqlo fariinta Illaahey, wuxuuna dalbaday in loo keeno Barnabas iyo Sawlos. Laakiin Bar-Ciise oo magaciisa kale uu ahaa Elumas, ayaa isku dayay inuu ka hor istaago taliyaha inuu iimaanka helo. Laakiin Sawlos, oo sidoo kale la oran jiray Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ah ka buuxay ayaa si toos ah u fiiriyay Elumas oo ku yiri, “Waxaad tahay wiilka ibliiska iyo cadowga wax walboo wanaagsan! Kan ey ka buuxdo khiyaano iyo xumaato oo dhan. Goormaad iska daynaysaa ka hor imaanshaha wadada Illaahey ee runta ah? Hadda fiiri Illaahey wuxuu kugu ciqaabi doonaa inuu in muddo ah indhaha ku tiro, xitaa ma arki doontid iftiinka qoraxda.” Isla markiiba ceeryaamo madow ayaa dabooshay ninkii indhihiisa, agagaarkiisa ayuu taataabtay isaga oo raadinaya qof gacanta qabta. Markii uu taliyihii arkay wixii dhacay, aad ayuu ula cajabay waxbaridda Rabbiga, wuuna rumeystay. Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka tagay Bafos oo waxey tageen Berga oo ku taalay Bamfuliya, halkaas oo uu Yooxanaa kaga tagay si uu ugu laabto Yeruusaalem. Markey Berga ka tageen waxey aadeen Antiyokhdii Bisidiya ku taalay. Kadib markii Sabtidii la gaaray waxey galeen sunagogga oo fariisteen. Kadib markii la akhriyay kitaabadii sharciga iyo nebiyada, ayaa gudoomiyihii sunagogga fariin u diray Bawlos iyo Barnabas, isaga oo leh, “Walaalayaalow, haddaad haysan hadal dadka dhiirigelinaya, fadlan na la wadaaga.” Bawlos ayaa istaagay oo gacan haatiyay wuxuuna yiri, “Reer binu Israa’iil iyo inta kale ee Illaahey caabudow i dhagaysta! Illaaha reer binu Israa’iil ayaa doortay awoowayaasheen, dadkeenana wuu saraysiiyay markey joogeen Masar. Kadibna Illaahey awooddiisa weyn ayuu kaga soo saaray waddanka, oo ku dhawaad afartan sano ayuu ku daryeelayay dhulkii cidlada ahaa. Wuxuuna burburiyay toddoba qowmiyadood oo jooga Kancaan dhulkoodiina siiyay awoowayaasheen. Waxan oo dhan waxey dhaceen muddo 450 sano ku dhow. “Intaas kadib, Illaahey wuxuu siiyay xaakimo illaa waqtigii nebi Samuu’eel. Kadib dadkii ayaa Illaahey weydiistay boqor, wuxuuna siiyay Saa’uul ina Qiish, kaasoo ahaa reer Benyaamiin, wuxuuna xukumay afartan sano. Markii Saa’uul laga qaaday xilka, wuxuu boqorkooda ka dhigay Daa’uud. Oo Illaahey ayaa ka marqaatifuray isaga, ‘Waxaan ogaaday Daa’uud wiilkii Yesay inuu qalbigaygu doortay, wuxuu sameyn doonaa wax walboo aan rabo inuu sameeyo.’ “Ninkan farcankiisa wuxuu Illaahey Israa’iil uga soo saaray Badbaadiye Ciise, sidii uu ballan qaaday. Ka hor imaashihii Ciise, Yooxanaa wuxuu ku wacdiyay toobadkeen iyo in la baabtiiso dadka reer binu Israa’iil oo dhan. Yooxanaa oo shaqadiisii sii gaba gabeynaya ayaa yiri, ‘Yaad u maleynaysaan inaan ahay? Ma ihi midka aad raadineysaan. Laakiin waxaa jira mid gadaasheyda imaan doona kaasoo aniga aanan u qalmin inaan kabaha ka furo.’ “Ilmihii Ibraahimow iyo kuwa Illaahey ka cabsada oo aan Yuhuudda ahaynow, waa anaga kuwa fariintan badbaadada loo soo diray. Dadkii Yeruusaalem iyo taliyayaashoodii ma eysan aqoonsan Ciise, waxeyna isaga u xukumayeen iyagoo aan fahmin iney ka dhabeeyeen ereyadii nebiyada ey Sabti walba akhrinayeen. Inkastoo eysan ku helin sabab sax ah oo lagu dilo, haddana waxey Bilaatos weydiisteen in la dilo. Oo markey sameeyeen wax walboo qoran oo isaga ku saabsan, waxey kasoo dajiyeen iskutallaabtii waxeyna galiyeen qabriga. Laakiin Illaah ayaa kasoo sarakiciyay dhimashada, maalmo badanna waxaa arkayay kuwii isaga ula safray Galili illaa Yeruusaalem. Iyaga ayaa hadda marqaatifur u ah isaga oo dadka u sheegaya. “Waxaan idiin sheegeynaa warka wanaagsan. Wixii uu Illaahey ka ballan qaaday awoowayaasheen inuu anaga oo ah caruurtooda, inoogu oofiyay, sarakicintii Ciise. Sida ku qoran Sabuurradda labaad. “ ‘Waxaa tahay wiilkeyga, maanta waxaan noqday Aabahaa.’ Illaah ayaa ka sarakiciyay dhimashada oo weligiis laguma dari doono kuwa qurma. Siduu Illaahey yiri, “ ‘Waxaan ku siin doonaa xaqnimadii iyo barakadii aan ka ballan qaaday Daa’uud.’ Marka waxaa meel kale lagu qoray. “ ‘Ma ogolaan doontid midkaaga xaqa ah inuu qurmo.’ “Hadda markii uu Daa’uud qabtay shaqadii uu Illaahey ugu talagalay jiilkiisi, wuu seexday waxaana lala duugay awoowayaashiis waana la aasay wuuna qurmay meydkiisi. Laakiin midka uu Illaah dhimashada kasoo sarakiciyay ma qurmin. “Si kastaba ha ahaatee, walaalayaalow, waxaan rabaa inaad ogaataan in Ciise dartiis aad ku hesheen dembidhaafkii la idiin sheegay. Isaga dartiisna qof walboo aamina wuxuu xor ka yahay dembiga, xaqnimo waxaad ku heli weyseen sharcigii Muuse ee aad ku nooleydeen. Iska ilaaliya wixii ey nebiyaashii idin kaga digeen yaysan idin ku dhicin. “ ‘Fiiriya, kuwiinan Illaahey ku jeesjeesayow, yaaba oo luma, waayo maalmihiina waxaan sameyn doonaa waxaad aamini weysaan, xitaa haddii uu qof idiin sheego.’ ” Markey Bawlos iyo Barnabas kasii baxayeen sunagogga, dadkii ayaa waxey ku casuumeen iney arintan kasii hadlaan Sabtida dambe. Oo markey kulanka sunagogga sii baxayeen, qaar badan oo Yuhuudda iyo kuwa cibaadaysta ee Yuhuudda raacsanaa ayaa soo raacay Bawlos iyo Barnabas wey la hadleen waxeyna ku adkeeyeen iney nimcada Illaah sii wadaan. Sabtidii ku xigtay magaalada inteedii badnayd ayaa isku imaatay si ey u dhagaystaan ereyga Sayidka. Markey Yuhuuddii arkeen dadkii badnaa, aad ayey u maseyreen. Waxey bilaabeen iney qilaafaan wuxuu Bawlos dhahayay weyna caayeen. Kadib Bawlos iyo Barnabas ayaa si adag ugu jawaabay, “Waxey ahayd qasab inaan idinka idiin sheegno ereyga Illaah markii hore. Maadaama aad diideen oo isku maleynayseen in eydan u qalmin nolosha weligeed ah, markaas ayaan dadka aan Yuhuudda ahayn u jeesanay. Sidan ayuu Sayidkeena na amray. “ ‘Waxaan idin kaga dhigay iftiin dadka aan Yuhuudda ahayn, si aad badbaado ugu keentaan dhulka oo dhan.’ ” Markey dadkii aan Yuhuudda ahayn arintaas maqleen, wey farxeen weyna sharfeen ereyga Sayidka, kuwii nolosha weligeed ah loo qorayna wey aamineen. Oo ereyga Illaah wuxuu ku faafay gobolkaas oo dhan. Laakiin gudoomiyayaashii Yuhuudda waxey soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda ka ahaa magaalada. Weyna silciyeen Bawlos iyo Barnabas weyna ka ceyriyeen gobolkoodii. Markaas ayey boorka iska jafeen iyagoo u digaya waxeyna yimaadeen Ikoniyon. Xertiina waxaa ka buuxsantay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah. Bawlos iyo Barnabas oo jooga Ikoniyon ayaa tagay sunagogga. Halkaas oo ey hadal saameyn leh kula hadleen, dad tira badan oo Yuhuud iyo Gariig ah ayaa iimaanka qaatay. Laakiin Yuhuuddii aan iimaanka qaadan ayaa fikir qaldan ku shubeen dadkii aan Yuhuudda ahayn waxeyna ku kiciyeen walaalihii. Haddaba Bawlos iyo Barnabas waxey halkaas sii joogeen in muddo ah, iyagoo si dhiiranaan ku jirto uga hadlaya Rabbiga, kaasoo u marqaatifuray fariinta nimcada isaga oo awood u siiyay iney sameeyaan mucjisooyin waaweyn. Dadkii magaalada wey kala qeybsameen, qaarkood waxey la safteen Yuhuuddii qaarkii kalana waxey la safteen rasuulladii. Ugu dambeyntii qaar ka mid ah Yuhuuddii iyo dadkii aan Yuhuudda ahayn oo ey hogaamiyayaashoodi la socdaan ayaa go’aan ku gaaray iney Bawlos iyo Barnabas dhibaateeyaan oo ey dhagax ku dilaan. Laakiin markey rasuulladii ogaadeen wixii la qorshaynayay waxey u carareen magaalooyinkii Lustara iyo Derbe ee ku yaalay dhulkii la oran jiray Luka’oniya iyo wadamadii u dhawaa, halkaas oo ey kasii wadeen iney injiilka ka wacdiyaan. Lustara waxaa joogi jiray nin illaa maalinti uu dhashay curyaan ahaa oo aanan weligiisi socon. Isaga oo dhagaysanaya Bawlos hadalkiisa, ayaa Bawlos si toos ah u fiiriyay wuxuuna arkay inuu iimaansanaa in la bogsiin karo. Markaas ayuu u yeeray oo ku yiri, “Cagahaaga ku istaag!” Isla markiiba ninkii ayaa kor u booday oo bilaabay inuu socdo. Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos uu sameeyay, ayey kor u qayliyeen iyagoo luuqadii Luka’oniya ku leh “illaahyadii ayaa noo yimid iyagoo qaab binu aadan leh!” Barnabas waxey u bixiyeen Yubiter, Bawlosna waxey u bixiyeen Merkuriyos waayo isaga ayaa hadalka hogaaminayay. Markaas ayaa wadaadkii Yubiter oo macbadkiisu ku yaalay magaalada meel u dhow keenay dibiyo iyo ubaxyo isku xiran magaalada albaabyadeeda waayo isaga iyo dadkii badnaaba waxey rabeen iney sadaqo u bixiyaan rasuulladii. Laakiin markii rasuulladii Barnabas iyo Bawlos maqleen arintaas, waxey jeexjeexeen dharkoodi kuna ordeen dadkii badnaa dhexdooda iyagoo ku qaylinaya. “Walaalayaalow, maxaad sidan u sameyneysaan? Anaga xitaa waxaan nahay binu aadan idinka oo kale ah. Waxaan idiin keenay warka wanaagsan, waxaanna idiin sheegeynaa inaad kasoo leexataan waxyaalahan aan qiimaha lahayn oo aadna u timaadaan Illaaha nool, kaasoo sameeyay samooyinka, dhulka, badda iyo wax walboo ku dhex jira. Kaasoo waagii hore, dadka u ogolaaday iney jidadkooda ku socdaan. Laakiin weli wuxuu mar walba idiin kugu cadeynayay jiritaankiisa inuu waxyaalo wanaagsan idiin sameeyo. Wuu idiin naxariistay isaga oo samada idinkaga soo diray roob iyo xiliyo aad mirro gurataan, wuxuu idin siiyay cuntooyin badan wuxuuna qalbiyadiina ka buuxiyay farxad.” Xitaa kadib markey Bawlos iyo Barnabas hadaladaan u sheegeen dadkii dhib ayey ku ahayd iney dadkii ka joojiyaan iney sadaqadii u bixiyaan dartood. Laakiin Yuhuud ka timid Antiyokh iyo Ikoniyon ayaa dadkii badnaa kasbadeen. Waxey dhagaxeeyeen Bawlos kuna jiideen magaalada banaankeeda, iyagoo u maleynaya inuu dhintay. Laakiin kadib markey xertii isku hareeraysay ayuu kacay magaaladiina ku laabtay. Maalintii xigtayna isaga iyo Barnabas waxey aadeen Derbe. Bawlos iyo Barnabas waxey injiilka ka wacdiyeen Derbe waxeyna xer ka dhigeen dad badan. Kadib waxey ku laabteen Lustara, Ikoniyon iyo Antiyokh, iyagoo xoogeynaya xertii kuna dhiirigelinaya iney iimaanka ku adkeystaan. Waxey ku yiraahdeen, “Waa inaan caqabado badan marnaa si aan u galno boqortooyada Illaahey.” Bawlos iyo Barnabas ayaa kaniisad walba u dooray odayaal. Kadib wey duceysteen weyna soomeen, iyagoo ku amaaneeyay Rabbigii ey rumeysnaayeen. Kadib markey sii mareen Bisidiya, waxey yimaadeen Bamfuliya, kadibna markey ereyga ka wacdiyeen Berga waxey sii aadeen Ataliya. Oo ey kasii aadeen Antiyokhdii Siiriya ku taalay. Halkaas ayey ahayd meeshay nimcada Illaahey kaga gudoomeen shaqadan ey hadda soo dhameeyeen. Markey halkaas gaareen, waxey iskugu yeereen xertii waxeyna u sheegeen wax walboo uu Illaahey iyaga u isticmaalay iyo sidii uu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn. Kadib halkaas ayey wax badan xertii la joogeen. Dad Yahuudiya ka yimaaday ayaa walaalihii barayay iyagoo leh, “Ilaa aad gudniinka sida caadada Muuse sameysaan maahee ma badbaadaysaan.” Baritaankaas wuxuu dood ka dhex kiciyay iyagii iyo Bawlos iyo Barnabasna. Markaas ayaa Bawlos, Barnabas iyo kuwa kale oo masiixiyiin ah la doortay si ey u tagaan Yeruusaalem oo ey kala hadlaan waxyaalahan rasuullada iyo odayaasha kaniisadda. Nimankii ey kaniisadda dirtay wey baxeen oo waxey mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka hadlayay sida dadka aan Yuhuudda ahayn u soo toobadkeeneen. Warkan aad ayuu uga farxiyay walaalihii oo dhan. Nimankii goortey Yeruusaalem yimaadeen, waxaa soo dhaweeyay kaniisaddii, rasuulladii iyo odayaashii kaniisadda. Waxeyna u sheegeen waxyaalihii uu Illaahey ku caawiyay iney sameeyaan. Laakiin kuwa Farrisiinta ka mid ah oo masiixiyiin ah ayaa istaageen oo weydiiyeen, “Kuwa aan Yuhuudda ahayn oo iimaanka haysta wey ku qasban yihiin in la gudo oo sharciga Muusana ey ilaaliyaan.” Rasuulladii iyo odayaashii kaniisadda ayaa kulmeen si ey uga hadlaan dhibkaan. Markey muddo dheer hadleen kadib ayaa Butros kacay oo ku yiri, “Walaalayaalow, waad ogtihiin Illaahey inuu dhexdiina mar hore iga doortay si ey dadka aan Yuhuudda ahayn injiilka afkeyga uga maqlaan oo ey u rumeystaan. Illaaheyna wuu garanayaa waxa qalbiyadeena ku jira oo dhan. Wuxuuna i tusay inuu iyaga aqbalay oo siiyay Ruuxa Quduuska ah siduu anagaba noo siiyay. Isagu nama kala soocin anaga iyo iyaga, oo qalbiyadooda ayuu nadiifiyay waayo wey rumeysteen. Haddaba maxaad Illaahey u jarribi oo aad qoorta ugu gelineysaan xerta waxa aan anaga iyo awoowayaasheenba aan awoodi weynay. Waxaan aaminsannahay in badbaadida aan ku helnay nimcada Rabbigeena Ciise, sidoo kale iyagana saas ayey ku heleen.” Qof walbana wuu aamusay, iyagoo dhageysanaya Barnabas iyo Bawlos oo ka hadlayeen sida Illaahey iyaga u siiyay xoogga ey ku sameeyeen mucjisooyin badan iyo waxyaala kale oo layaab leh oo ey ka dhex sameeyeen dadka aan Yuhuudda ahayn. Markey hadalkii dhameysteen kadib ayaa Yacquub yiri, “Walaalayaalow, i dhageysta. Simoon wuxuu noo sheegay sida Illaahey ugu muuqday dadkan aan Yuhuudda ahayn oo uga dhigay dadkiisa. Tanina waxey raacsantahay Hadalladii nebiyada, sida ey u qoran tahay, “ ‘Waxyaalahan kadib waan soo laaban doonaa oo waxaan dhisi doonaa teendhadii Daa’uud ee duntay. Jajabkeedi ayaan dib u dhisi doonaa, waana soo celin doonaa, si ey kuwa kalana Illaahey u doon doonaan, xitaa dhamaan dadka aan Yuhuudda ahayn, oo ey u noqdaan kuwii aan doortay, Aniga Illaaha ah ayaa sidaa dhahay.’ Tani waxaan ballan qaaday mar hore. “Sidaas darteed, go’aankeygu waa in aanan ku adkeynin dadka aan Yuhuudda ahayn ee Illaahey u toobadkeenaya. Laakiin waa inaan u qorno oo u sheegno in eysan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, sinada, xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo dhiigga. Waayo waqtiga hore ayaa sharciga Muuse laga wacdiyay magaalo walboona laga akhriyay sunagogyada Sabti walba.” Kadibna rasuulladii, odayaashii iyo kaniisaddii oo dhan ayaa waxey go’aansadeen iney doortaan niman ey Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas. Waxey doorteen Yuudas oo la dhihi jiray Barsabaas iyo Silas, nimankan waxey hogaamiyayaal u ahaayeen walaalaha kale. Waxey la direen warqad sidan u qoran, Anaga oo ah rasuullada iyo odayaasha kaniisadda. Waan idin salaanay idinkoo ah dadka aan Yuhuudda ahayn ee walaalaha ka tirsan. Ee jooga Antiyokh, Suuriya iyo Kilikiya. Waxaan maqalnay qaar naga mid ah iney hadallo idinku dhibeen. Laakiin anaga ma soo derin dadkaas, waxaa maankiina dhibaateeyay waxyaalihii ey dheheen. Sidaa darteed anaga oo dhan waxaan go’aansanay inaan niman doorano oo idiin soo dirno kuwaas oo ah saaxiibadeen Bawlos iyo Barnabas. Nimankanna nafsadooda ayey dhibaato u geliyeen magaca Sayid Ciise Masiix dartiis. Waxaa kale oo aan soo direynaa Yuudas iyo Silas, si ey afkooda idin kaga sheegaan waxyaalahan aan idiin soo qornay. Ruuxa Quduuska ah wuxuu na tusay in aanan idinku dhibin waxyaalo eydan sameyn karin oo aan waajib ahayn. Laakiin waa in eydan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, dhiigga ama xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo sinada. Waxan oo dhan haddaad raacdaan si fiican ayaad sameyn doontaan. Nabadgelyo. Afartii nin ayaa tagay Antiyokh, waxeyna iskugu yeereen xertii oo waxey u dhiibeen warqaddii. Goortii warqaddii la akhriyay qof walba wuu ku qancay oo wey dhiirigelisay iyagii. Yuudas iyo Silas oo nebiyaal ahaa ayaa hadallo badan oo dhiirigelin ah kula hadlay walaalaha. Markey halkaas waqti yar joogeen kadib ayey walaalaha nabad ku sagootiyeen si ey ugu laabtaan kuwii soo diray. [ Laakiin Silasna wuxuu go’aansaday inuu halkaas ku haro.] Laakiin Bawlos iyo Barnabas waxey ku hareen Antiyokh, halkaas oo ey iyaga iyo kuwa kale ku barayeen kuna wacdinayeen ereyga Illaah. Waqti yar kadib ayaa Bawlos ku yiri Barnabas, “Soo bax aan booqanee walaalaha jooga magaalooyinka aan ka wacdinay ereyga Rabbiga oo aan ogaano sida ey yihiin.” Barnabas wuxuu rabey iney israacaan Yooxanaa oo la dhihi jiray Markos. Laakiin Bawlos ma dooneynin iney israacaan. Waayo iyagoo isla shaqeynaya ayuu Marko ka tagay markey joogeen Bamfuliya oo uu joojiyay inuu la sii shaqeeyo. Bawlos iyo Barnabas hadaladaas ayey ka doodeen kadibna qof walba jidkiisi ayuu raacay. Barnabasna intuu Markos kaxeystay ayuu tagay Qubrus, laakiin Bawlos intuu Silas kaxeystay ayuu tagay, kadib markey walaalaha ugu duceeyeen iney nimcada Rabbiga iyaga la jirto. Waxey tageen Suuriya iyo Kilikiya iyagoo kaniisadaha dhiiragelinayay. Bawlos wuxuu u safray Derbe iyo Lustara, halkaasna waxaa joogay nin xer ah oo la yiraahdo Timoteyos. Hooyadiis waxey ahayd Yuhuudiyad masiixiyad ah laakiin aabihiis wuxuu ahaa Gariig. Walaalihii joogay Lustara iyo Ikoniyon ayaa hadalo fiican isaga ka sheegay. Bawlos wuxuu doonayay inuu safarka usii kaxeysto, markaas ayuu waday oo guday, waayo Yuhuudda meelahaas joogtay oo dhan wey garanayeen Timoteyos aabihiis inuu yahay Gariig. Bawlos iyo kuwa kale ayaa tagay magaalooyin, waxey kuwii walaalaha ahaa u sheegeen wixii rasuulladii iyo odayaashii joogay Yeruusaalem go’aansadeen iney raacaan. Sidaa darteed kaniisadihii waxey ku koreen iimaanka oo maalin walba wey sii kordhayeen. Bawlos iyo saaxibbadiis waxey dhex mareen dhulka Farugiya iyo Galatiya, laakiin Ruuxa Quduuska ah ma u ogolaan iney Aasiya ka wacdiyaan. Markey yimaadeen Musiya, waxey isku dayeen iney galaan Bituniya, laakiin Ruuxii Ciise ayaan u ogolaan. Markaas ayaa waxey mareen Musiya illaa Taroo’as. Habeenkii goortii la gaaray, Bawlos wuxuu riyo ahaan ku arkay nin reer Makedoniya ah oo baryaya isaga oo leh, “Kaalay Makedoniya oo na caawi.” Bawlos goortuu riyadaan arkay kadib ayaan isku diyaarinay inaan tagno magaalada Makedoniya. Haddaba waan hubnaa in Illaahey halkaas noogu wacey inaan warka wanaagsan soo wacdino. Waxaan ka safarnay Taroo’as illaa Samotraki, maalintii ku xigtayna waxaan tagnay Ne’abolis. Halkaasna waan ka safarnay illaa Filiboy, taas oo ahayd magaalo madaxda reer Makedoniya, oo Rooma looga taliyo. Filiboy waxaan joognay dhowr maalmood. Maalintii Sabtida ayaan waxaan tagnay meel magaalada ka baxsan oo webi ku yaalo, waxaan u maleynay inaan ka heli doono meel ey dadka ku duceystaan. Markaas ayaan fariisanay oo la hadalnay dumarkii meesha joogay. Mid ka mid ah kuwa dhageysanayay waxey ahayd haweeney magaceedu yahay Ludiya, waxey ka timid magaalada Tu’ateyra, oo waxeyna iibin jirtay dhar qaali ah oo midab guduudan. Illaahey ayey caabudi jirtay, isla markiiba Illaahey qalbigeeda ayuu furay si ey u maqasho Bawlos fariintiisa. Goortii iyada iyo reerkeeda la baabtiisay ayey gurigeeda nagu casuumtay. Waxey dhahday, “Haddaad tixgelineysid runtii inaan aaminsanahay Rabbiga, kaalaya oo gurigeyga jooga.” Waana ogolaanay casuumaadeeda. Maalin anaga oo meesha lagu duceysto u socono ayaa waxaan la kulannay gabar adoon ah, waxey lahayd ruux siiya xoog ey waxa soo socda ku sheegto. Sidaa ayey lacag badan ku heli jireen dadkii iyada lahaa. Gabadhii ayaa Bawlos iyo anaga na soo raacday iyadoo qaylinayso oo leh, “Nimankan waa adeegayaasha Illaaha Ugu Sareeyo, waxey idiin sheegayaan sidaad u badbaadi lahaydeen.” Maalmo badan ayey waxyaalahaas ku hadleysay. Markaas ayaa Bawlos ku xanaaqay oo intuu u jeestay ayuu ruuxdii ku yiri, “Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amray ee kasoo bax!” Isla markiiba ruuxdii ayaa ka baxday. Dadkii gabadha lahaa ayaa markey ogaadeen in rajadoodi lacag sameynta ey dhamaatay ayaa waxey qabteen Bawlos iyo Silas oo ku jiideen suuqa si ey madaxda u xukumaan. Waxey hor keeneen kuwii madaxda ahaa waxeyna ku yiraahdeen, “Nimankan Yuhuudda ah ayaa magaaladeena dhibay! Waxeyna barayaan waxyaalo aan anaga reer Rooma ah na loo ogolayn inaan sameyno.” Markaas ayaa dadkii badnaana waxey ku biireen kuwii kale ee dacweynayay Bawlos iyo Silas. Markaas ayaa kuwii madaxda ahaa amar ku bixiyeen in dharka laga siibo labadoodaba oo lagu garaaco ul. Goortii si xun loo garaacay kadib ayaa xabsiga lagu tuuray. Kii xabsiga waardiyeynayay ayaa amar lagu siiyay inuu si fiican u ilaaliyo iyaga. Markii amarka la siiyay ayuu iyagii xabsiga geeyay oo lugaha kaga xiray silsilad oo silsiladiina ku xiray geed weyn. Markii la gaaray habeen barkii Bawlos iyo Silas wey duceysanayeen waxeyna u heesayeen Illaah, maxbuusyadii kalana wey dhageysanayeen. Isla markii ayaa waxaa dhacey dhul gariir oo ruxay aasaaskii xabsiga. Hal mar ayaa albaabadii xabsiga oo dhan wada furmeen oo silsiladii qof walba ku xirneydna furantay. Kii xabsiga waardiyeynayay goortuu hurdada kasoo toosay wuxuu arkay albaabadii xabsiga oo dhan iney furanyihiin, wuxuu u maleeyay maxbuusyadii iney carareen. Markaas ayuu seeftiisi iska soo bixiyay wuxuuna rabay inuu is dilo. Laakiin Bawlos ayaa ku yiri, “Waxba ha isyeelin! Waayo anaga oo dhan halkan ayaan joognaa!” Markaas ayuu nimankii xabsiga waardiyeynayay weydiistay toosh oo isla markii galay xabsiga. Isaga oo wada gariirayo ayuu yimaaday oo jilbaha u dhigtay Bawlos iyo Silas. Banaanka ayuu u bixiyay oo weydiiyay, “Mudane maxaan sameeyaa si aan u badbaado?” Markaas ayey ku jawaabeen, “Aamin Sayid Ciise, waana badbaadi doontaa adiga iyo reerkaaga oo dhan.” Kadibna Bawlos iyo Silas waxey isaga iyo reerkiisa kala hadleen ereyga Rabbiga. Habeenkii markii la joogay ayaa ninkii iyaga waday oo nabaradoodi ka nadiifiyay. Kadibna isaga iyo qof walboo reerkiisa ka tirsan waa la wada baabtiisay. Aad ayey u farxeen markey Illaah rumeysteen, kadibna ninkii ayaa iyagii u kaxeeyay gurigiisi oo cunta u diyaariyay. Subaxdii xigtay ayaa saraakiishii magaalada u direen askari ninka xabsiga waardiyeeya si uu ugu yiraahdo, “Sii daa Bawlos iyo Silas.” Markaas ayaa ninkii ku yiri Bawlos, “Madaxdii amar ayey ii soo direen inaan idin sii daayo. Haddaba nabad ku taga.” Laakiin Bawlos wuxuu ninkii askariga ahaa ku yiri, “Waxaan nahay reer Rooma, madaxdii Roomana dadka hortooda ayey nagu garaaceen, waxey nagu tuureen xabsiga, haddana waxey doonayaan miyaa iney si qarsooni ah nagu soo daayaan? Maya, iyagu ha noo yimaadaan oo hana sagootiyaan.” Haddaba askartii ayaa u sheegeen madaxdii Bawlos iyo Silas iney yihiin reer Rooma, markey maqleen wey cabsadeen. Markaas ayey yimaadeen oo ey raali geliyeen. Waxey ka bixiyeen xabsiga oo waxey ka codsanayaan haddaba magaalada iney ka tagaan. Laakiin Bawlos iyo Silas markey xabsiga kasoo baxeen waxey toos u aadeen guriga Ludiya, halkaas ayey kula kulmeen walaalaha oo aaminsan oo wey dhiirigeliyeen, kadibna wey tageen. Goortii Bawlos iyo saaxiibadiis safreen illaa Amfibolis iyo Abolloniya waxey sii aadeen Tesaloniika, halkaasna waxaa ku yaalay sunagogga Yuhuudda. Sida caadadiisu ahayd Bawlos wuxuu tagay sunagoggii, oo muddo saddex Sabti ah ayuu dadka wax ka barayay qorniinka, wuxuu u sharaxayay oo u cadeynayay iney ahayd in Masiixu silco oo kuwii dhintay kasoo sarakaco. Wuxuu ku yiri, “Ciisahan aan idiin wacdinayo waa Masiixa,” Qaar Yahuudda ka mid ah ayaa la qanciyay oo raacay Bawlos iyo Silas, sida ey sameeyeen kuwa badan oo Gariig ah ee Illaahey ka cabsanaya iyo xoogaa dumar caan ah. Laakiin Yuhuudda kale wey ka maseyreen, markaas ayaa niman xun xun oo meelaha suuqa ah joogay bilaabeen iney magaaladii dhib ka kiciyaan. Sidaa darteed waxey toos u aadeen gurigii Yasoon waayo waxey doonayeen in Bawlos iyo Silas la garaaco. Laakiin markey gurigii ka waayeen ayey Yasoon iyo kuwa kale oo walaalaha ah kaxeeyeen. Waxey hor geeyeen taliyayaasha magaalada, iyagoo leh, “Nimankan aduunka oo dhan dhibay ayaa halkan yimaaday, Yasoonna wuxuu ku soo dhawaystay gurigiisi. Iyagoo dhan ayaa jabiyeen amaradii Kaysar iyagoo leh, boqor kale ayaa jira oo Ciise la dhaho.” Iyagii oo dhan ayaa ka xumaaday markey arintaas maqleen. Markaas ayaa Yasoon iyo kuwii kale lacag laga qaaday kadibna la sii daayay. Isla habeenkaas walaalihii ayaa Bawlos iyo Silas u diray Beroya, markey meesha gaareen waxey tageen sunagoggii Yuhuudda. Haddaba Yuhuudda Beroya wey ka fiicnaayeen kuwii Tesaloniika, si farxad leh ayey fariintii Bawlos ku qaateen. Oo maalin walbana wey akhrisanayeen qorniinka oo wey hubsanayeen wixii uu Bawlos baray iney run tahay. Badidoodi ayaa Rabbiga aaminay, waxaa kale oo ka mid ahaa dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo nimanba. Laakiin Yuhuudda Tesaloniika joogtay markey ogaadeen Bawlos inuu Beroya ka wacdinayo ereyga Illaah, ayey waxey yimaadeen halkaas iney dhib meesha ka kiciyaan oo dadka kasoo horjeediyaan Bawlos. Isla markiiba walaalihii ayaa Bawlos u diray magaalo badda ku taalay, laakiin Silas iyo Timoteyosna waxey ku hareen Beroya. Nimanka qaar ayaa sagootiyeen Bawlos illaa Ateenay, kadibna wey soo laabteen iyagoo fariin u wadaan Silas iyo Timoteyos, oo leh dhaqso iga daba imaada. Bawlos goortuu ku sugayay Silas iyo Temotayos Ateenay, ayuu arkay magaaladii oo dhan oo ey sanamyo ka buuxaan aad ayuu uga xumaaday. Wuxuu aaday sunagogga si uu ula hadlo Yuhuudda iyo kuwa kale ee iyaga la caabudayay. Maalin walbana wuxuu la hadlayay qof walboo uu meelaha suuqa ah kula kulmo Qaar faylosuufiinta, Ebikuriyihii iyo Istoo’ikiin ah ayaa bilaabay iney isaga la doodaan. Qaarkood waxey ku yiraahdeen, “Muxuu sheegayaa qofkan isku maleeya inuu wax walba garanayo?” Dad kalana waxey yiraahdeen, “Bawlos wuxuu u codeynayaa illaahyo kale.” Waayo waxey arkeen Bawlos inuu wacdinayay warka wanaagsan ee ku saabsan Ciise iyo sarakicidiisa. Markaas ayey Bawlos qabteen oo hor keeneen Are’obagos, waxeyna ku yiraahdeen, “Bal noo sheeg baritaankaan cusub wuxuu ka hadlayo. Waxaan maqalnay waxyaalo cajiib ah inaad ka hadleysay, waxaan dooneynaa inaan ogaano macnaheeda.” Waayo dadka Ateenay iyo kuwa kale oo meesha degan waxey waqtigoodi ku isticmaaleen iney waxa cusub maqlaan iyo iney ka hadlaan oo kaliya. Markaas ayaa Bawlos intuu kulankii Are’obagos soo hor istaagay ayuu dhahay, “Dadkii Ateenayow, waan u jeedaa inaad tihiin dad diinta aad u haysta. Markaan dhex marayay magaaladiina oo aan fiiriyay waxaad caabudaan, waxaan arkay meel allabari ah oo ey ku qoran tahay, Illaah aan la garaneyn. Waxaad caabudaan Illaah eydan garaneyn. Marka waxaan doonayaa inaan idiin sheego waxyaala ku saabsan isaga. “Illaaha sameeyay aduunka iyo waxa ku jira oo dhan. Waa Rabbiga dhulka iyo samada, mana ku noola macbadka uu binu aadanku ku dhisay gacantiisa. Qof caawimaad ma uga baahno. Balse wuxuu qof walba siiyaa nolol, neef iyo wax walboo kale. Hal qof ayuu Illaahey ka sameeyay aduunka oo dhan iyo waxa ku nool, wuxuuna go’aansaday goortii iyo meesha uu aduunku ahaan doono. Illaah wuxuu arintaas u sameeyay waa inaan isaga doon doonaa oo aan la xiriirnaa, in kastoo uusan naga fogeyn. ‘Isaga ayaan ku dhex nool nahay, kuna soconaa oo aan ku noqonay waxaan nahay.’ Sida ey gabayaashiinu dheheen, ‘Waxaan nahay caruurtiisa.’ “Sidaa darteed haddaan nahay caruurtii Illaah, waa in aanan ku fikirin rabaaniga inuu yahay sida sanamyada laga sameeyay dahabka ama qalinka ama dhagaxyada. Isagu ma aha sida qaabka waxyaalaha ey binu aadanku ka fikireen iney sameeyaan. Maalmihii hore Illaah waxan oo dhan wuu cafinayay waayo dadka ma garaneyn waxey sameynayeen, laakiin hadda wuxuu amray dadka oo dhan iney isaga u toobadkeenaan. Maxaa yeelay wuxuu sameeyay maalin uu aduunka oo dhan si xaq ah ugu xukumo. Wuxuuna doortay Ciise inuu u xukumo, Illaaheyna wuxuu arintaas noogu cadeeyay goortuu Ciise ka sarakiciyay dhimashada.” Goortey maqleen Bawlos oo ka hadlaya wax ku saabsan sarakicidda dhimashada, qaar ayaa qoslay. Qaarna waxey dheheen, “Waxaan dooneynaa inaan mar kale ku maqalno adiga oo ka hadlaya mawduucaan.” Haddaba Bawlos wuu ka tagay kulankii. Dadka qaar ayaa aaminay Rabbiga oo Bawlos raacay, waxaana ka mid ahaa Diyonisiyos oo ka tirsanaa Are’obagos, iyo naag la yiraahdo Damaris iyo kuwa kale ayaa Illaah u soo laabtay. Bawlos wuxuu ka tagay Ateenay oo wuxuu aaday Korintos. Halkaas ayuu kula kulmay Yuhuudi lagu magacaabo Akula, oo kasoo jeeday Bontos. Akula iyo xaaskiisa Bariskilla waxey ka yimaadeen Talyaaniga, maxaa yeelay Kalawdiyos ayaa ku amray Yuhuudda oo dhan iney ka tagaan Rooma. Bawlosna wuxuu u yimaaday inuu iyaga arko, waayo waxey sameeyaan teendho sida Bawlos oo kale, sidaa darteed wuu joogay oo la sii shaqeeyay. Sabti walba Bawlos wuxuu tagayay sunagogga oo soo wacdinayay Yuhuudda iyo Gariigga, isaga oo isku dayaya inuu ku qanciyo Yuhuudda iyo Gariiga. Laakiin goortii Silas iyo Timoteyos ka yimaadeen Makedoniya, Bawlos wuxuu waqtigiisi oo dhan ku qaatay inuu u wacdiyo kuwa Yuhuudda ah Ciise inuu yahay Masiixa. Laakiin markii ey ka jeesteen oo ey isaga caayeen ayaa Bawlos busta dharkiisa ka jafay oo ku yiri, “Dhimashadiina idinka ayaa ka masuul ah! Anigu ma la igu eedeyn doono. Maanta laga bilaabo waxaan wacdin doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.” Kadib Bawlos wuxuu tagay guriga Tiitos Yuustos, kaasoo Illaah caabudi jiray oo deganaa guriga ku xiga sunagogga. Kirisbos oo ahaa hogaamiyahii sunagogga iyo reerkiisi oo dhan ayaa rumeystay Rabbiga, kuwa kale oo reer Korintos ah oo Bawlos fariintiisi maqlayna wey rumeysteen oo waa la baabtiisay. Haddaba Rabbiga ayaa habeennimo riyo kula hadlay Bawlos oo ku dhahay, “Ha ka cabsanina inaad sii wacdisid, hana joojin! Waayo waan kula jiraa, qofna wax kuma yeeli doono, maxaa yeelay dad badan ayaan ku leeyahay magaaladan.” Bawlosna halkaas ayuu joogay sanad iyo bar isaga oo baraya ereyga Illaah. Markii Galliyo taliya u ahaa Akhaya, Yuhuuddii korintos ayaa intey tashadeen ayey Bawlos ku kaceen oo waxey keeneen maxkamadda, iyagoo leh, “Ninkan wuxuu dadkeena barayaa si Illaahey loo caabudo oo sharcigeeni ka duwan.” Bawlos inta uusan hadlin ka hor ayaa Galliyo yiri, “Haddii idinkan Yuhuudda ah aad ninkan qaladkii uu sameeyay ama wax dembi ah ku haysataan waan idin dhageysan lahaa. Laakiin haddaad ku haysataan erey, magacyo iyo sharcigiina anigu tan ma xukumi karo ee idinku dhameysta.” Kadibna wuxuu ka saaray maxkamaddii. Markaas ayaa dadkii badnaa waxey qabteen Sostenees hogaamiyahii sunagogga oo ey maxkamadda horteeda ku garaaceen. Laakiin waxyaalahan oo dhan dan kama gelin Galliyo. Bawlos waqti yar ayuu sii joogay Korintos kadibna intuu walaalihii macsalaameeyay ayuu halkaas ka tagay oo aaday Suuriya iyadoo ey la socdaan Bariskilla iyo Akula. Laakiin inta uusan tagin ka hor ayuu timaha iska xiiray isaga oo jooga Kenekhreya waayo Illaah ayuu ballan ka qaaday. Markaas ayaa saddexdoodi yimaadeen Efesos, halkaas ayuu Bawlos kaga tagay Bariskilla iyo Akula. Isagiina wuxuu aaday sunagogga Yuhuudda oo soo wacdiyay. Waxey ku yiraahdeen in yar na la sii joog laakiin Bawlos wuu ka diiday. Markii uu tagayay wuxuu ku yiri, “Haddii Illaahey yiraahdo waan idiin soo laaban doonaa.” Kadibna wuu ka tagay Efesos. Bawlos wuxuu u safray Kaysariya illaa Yeruusaalem oo kaniisadda soo salaamay kadibna wuxuu tagay Antiyokh. Halkaas ayuu muddo yar joogay kadibna wuxuu tagay meela kale oo Galatiya ka tirsan iyo Farugiya isaga oo dhiiragelinaya xertii. Haddaba nin Yuhuudi ah oo Abolloos la yiraahdo ayaa yimaaday Efesos. Abolloos wuxuu u dhashay Iskanderiya. Nin wax bartay ayuu ahaa oo qorniinkana aad ayuu u yaqaaney. Wadada Rabbiga ayuu garanayay oo kuwa kalana wuxuu barayay waxa ku saabsan Ciise, laakiin wuxuu si fiican u fahmay fariintii Yooxanaa ee ku saabsaneyd baabtiiska. Abolloos wuxuu bilaabay inuu si geesinimo leh uga dhex hadlo sunagogga. Goortii Bariskilla iyo Akula isaga maqleen ayey waxey geeyeen gurigooda oo si fiican ayey usii bareen wadada Illaah. Markii Abolloos uu go’aansaday inuu u safro illaa Akhaya, walaaluhuna wey dhiirageliyeen oo waxey warqad u qoreen xertii joogtay halkaas si ey u soo dhaweeyaan. Goortuu yimaaday aad ayuu u caawiyay kuwii nimcada ku rumeystay. Si geesinimo leh ayuu Yuhuudda ula murmay, oo iyagoo dadka dhex jooga ayuu qorniinka cadeyn kaga tusay Ciise inuu yahay Masiixa. Goortii Abolloos joogay Korintos ayaa Bawlosna wuxuu dhex maray tuulooyin illaa Efesos, halkaas ayuu kula kulmay kuwa xer ah. Markaas ayuu iyagii ku yiri, “Miyaadan Ruuxa Quduuska ah helin markaad aaminteen?” Markaas ayey ku jawaabeen, “Maya, xitaa maanan maqlin wax ku saabsan Ruuxa Quduuska ah.” Kadibna Bawlos ayaa weydiiyay, “Baabtiiskee ayaa la idin ku baabtiisay?” Waxey ku jawaabeen, “Baabtiiskii Yooxanaa.” Markaas ayaa Bawlos ku yiri, “Yooxanaa baabtiiskiisi wuxuu ahaa baabtiiska toobadkeenka. Wuxuuna dadka ku yiri aamina kan iga daba imaan doona, kaasoo ah Ciise.” Markey arintaas maqleen ayaa lagu baabtiisay magaca Rabbi Ciise. Goortii Bawlos iyaga gacantiisa saaray ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo dul degay, isla markiiba waxey ku hadleen afaf kale oo waxeyna bilaabeen iney wax sii sheegaan. Iyagoo dhan waxey ahaayeen laba iyo toban nin. Saddex bilood ayuu Bawlos sunagogga tagayay oo si geesinimo leh uga wacdinayay waxyaalo ku saabsan boqortooyada Illaah. Laakiin qaarkood ayaa madax adkaaday, waxeyna diideen iney rumeystaan oo xitaa waxey xumaan ka sheegeen habka kuwa Ciise raacsan u nool yihiin. Bawlos halkaas ayuu uga tagay oo xertii ayuu sii kaxeystay oo maalin walba wuxuu kula sheekeysan jiray qolka wax lagu barto ee ku yaalo Turannos. Arintaas waxey socotay muddo laba sano ah illaa Yuhuuddii iyo Gariigtii ku noolayd Aasiya ey maqleen fariinta Rabbiga. Illaaheyna wuxuu Bawlos siiyay xoog uu ku sameeyo mucjisooyin waaweyn, sidaa darteed dadkiina waxey qaateen dharkii Bawlos iyo marooyin uu taabtay si ey ugu geeyaan kuwii xanuusanaa, dadkii oo dhan ayaa bogsaday kuwii ruuxyada xun qabayna wey ka baxeen. Waxaa dhacday in kuwo Yuhuud ah meelaha tageen iyagoo isku dayeen iney ruuxyada xun ku bixiyaan magaca Sayid Ciise. Waxey ruuxii wasakhda lahaa ku yiraahdeen, “Magaca Ciise ee Bawlos ku wacdinayo ku soo bax!” Waxaa arintaas sameynayay toddoba wiil oo uu gudoomiyihii wadaaddada oo ah Yuhuudi ee la dhihi jiray Iskeba ayaa dhalay. Laakiin ruuxii xun ayaa ku yiri, “Ciise waan garanayaa, Bawlosna waan garanayaa, laakiin idinku yaa tihiin?” Isla markiiba ninkii ruuxyada xun qabay ayaa ku booday oo iyagii ka awood badiyay. Markaas ayey iyagoo la garaacay oo nabaro leh gurigii ka carareen. Yuhuudda iyo Gariigtii joogtay Efesos, markey arintaas maqleen aad ayey u cabsadeen oo magaca Sayid Ciise ammaaneen. Dad badan oo rumeysteyna banaanka ayey u soo baxeen oo wey qirteen waxa xun ee ey sameyn jireen. Qaar sixir sameyn jireyna buugoodi ayey keeneen oo waxey ku gubeen dadka hortooda. Qiimahii buugaagtaas markii la sameeyay waxey noqotay qiyaastii konton kun. Sidaa darteed ereygii Rabbigana aad ayuu u faafay wuuna xoogeystay. Waxyaalahan oo dhan goortay dhaceen kadib ayaa Bawlos go’aansaday inuu tago Yeruusaalem, isaga oo sii dhex marayo Makedoniya iyo Akhaya. Wuxuuna yiri, “Halkaas markaan gaaro kadib waa inaan tagaa Rooma.” Markaas ayuu wuxuu Makedoniya u diray laba kuwii isaga caawinaayay oo ah Timoteyos iyo Erastos, isagiina muddo ayuu ku haray Aasiya. Isla waqtigaas rabshado waaweyn ayaa ka dhacday Efesos oo ku saabsan jidka Rabbiga. Tumaal lagu magacaabi jiray Deemeetriyos, ee u sameyn jiray macbad qalin ah Arteemis, oo u keeni jiray ganacsi fara badan farsamo yaqaanada halkaas. Deemeetriyos wuxuu iskugu wacay kuwii ey isku shaqada ka shaqeynayeen, oo ku yiri, “Saaxiibayaalow waad ogtihiin inaan shaqadan lacag fiican ka helno. Waana aragtaan oo xitaa waad maqashaan ninkan Bawlos inuu dad badan qanciyay, Efesos kaliya maahee xitaa illaa Aasiya. Oo wuxuu ku hadlayay in illaahyada gacmaha lagu sameeyay eysan illaahyo ahayn. Qof walbana wax xun ayuu ka sheegayaa ganacsigeena, xitaa macbadka illaahadda Arteemis khatar ayuu ku jiraa, waayo Aasiya oo dhan ayaa laga caabudi jiray iyo xitaa aduunka laakiin hadda weynaanteeda waa la ilaawi doonaa.” Shaqaalihii ayaa markey arintaas maqleen aad uga xanaaqay oo waxey bilaabeen iney qayliyaan iyagoo leh, “Waxaa weyn Arteemista reer Efesos!” Magaaladii oo dhan ayaa rabshad ka dhacday. Dadka qaar ayaa waxey qabteen Gayos iyo Aristarkhos kuwii uu Makedoniya Bawlos kala yimid. Markaas ayaa waxey si dhaqso ah u aadeen meeshii uu kulanka magaalada ka dhacayay. Bawlos wuxuu doonayay inuu dadkii badnaa hor istaago laakiin xertii ayaa u diiday. Xitaa kuwo ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibadii Bawlos ah ayaa fariin u soo diray oo ka baryay in uusan tagin meesha kulanku ka dhacaayay. Dadkii oo dhan ayaa wareersanaa, qaar wax ayey ku qaylinayeen, qaar kalana wax kale ayey ku qaylinayeen. Badidooda ma garaneynin waxey meesha u joogaan. Yuhuuddii meesha joogtay ayaa nin Aleksanderos la dhaho hor keenay dadkii badnaa, oo waxey ku dhaheen wuxuu sheegi lahaa. Wuxuu doonayay inuu dadka hortooda isku difaaco. Laakiin markey ogaadeen inuu yahay Yuhuudi, iyagii oo dhan ayaa muddo laba saac ah qaylinayay iyagoo leh, “Waxaa weyn Arteemis, reer Efesos!” Nin madaxda magaalada ka mid ah ayaa yimaaday oo aamusiyay dadkii, oo yiri, “Reer Efesow, yaan garaneyn magaalada iney tahay tan ilaalisaa macbadka Arteemista weyn iyo sawirkeeda tan ka imaatay samada? Sidaa darteed qofna taas ma diidi karo, ee aamusa oo waxyaala doqonnimo ah ha sameynina. Nimankan aad halkan keenteen waxba macbadka kama xadin wax xunna kama sheegin illaahaddeena. Haddii Deemeetriyos iyo shaqaalahiisa ey wax ku haystaan nimankan waxaa jira maxkamaddo ee hasoo dacweeyaan. Haddii wax kale jiraanna oo aad sameyn rabtaanna waa in la keeno sharciga hortiisa. Haddaba khatar ayaan kujirnaa rabshadii maanta darteed iyadoo aanan sabab u haynin. Oo waxna ka sheegi karin.” Markii uu waxyaalahan yiri kadib ayuu kala diray dadkii. Markey Rabshadii dhamaatay, Bawlos wuxuu iskugu wacay xertii, kadib markii uu dhiirigeliyay ayuu macsalaameeyay oo aaday Makedoniya. Intuu meeshaas joogay, wuxuu dhiirigeliyay walaalaha dhamaan magaalooyinka uu dhex maray. Kadibna wuxuu yimaaday Gariigga, halkaas wuxuu joogay saddex bilood. Goortuu Suuriya tagi rabay ayuu wuxuu ogaaday in kuwo Yuhuud ah ey shirqool ku sameyn rabaan, markaas ayuu go’aansaday inuu ku laabto jidkii Makedoniya. Waxaa la socday Soobater ina Burhus oo reer Beroya ah, iyo Aristarkhos, Sekundo oo reer Tesaloniika ah, iyo Gayos oo reer Derbe ah, Timoteyos, Tukhikos iyo Torofimos oo reer Aasiya ah. Wey naga hor tageen oo Taroo’as ayey nagu sii sugeen. Laakiin waxaan ka shiraacnay Filiboy kadib Dabaaldagii kibista aan khamiirka lahayn, shan maalmood kadibna kuwii kale ee Taroo’as joogay ayaan ku biirnay, halkaas ayaan joognay toddobo maalmood. Maalintii ugu horeysay ee usbuuc waan isku nimid si aan cashada Rabbiga u wadaagno. Bawlos dadkii ayuu la hadlay, waayo safar ayuu ahaa maalintii ku xigtay sidaa darteed illaa habeen barkii ayuu hadlayay. Qolka ku yaalay qeybta sare ee guriga aan ku kulmeynay wuxuu lahaa feynuusyo badan. Waxaa daaqada ku fadhiyay wiil dhaliyara ah oo la yiraahdo Yutukhos, hurda ayaa la sii tagaysay goortii Bawlos sii hadlayay. Markey hurdadii la tagtay ayuu wiilkii kasoo dhacay dabaqii saddexaad oo isaga oo mayd ah ayaa dhulka laga qaaday. Markaas ayaa Bawlos intuu hoos aaday ayuu wiilkii habsiiyay. Wuxuuna dhahay, “Ha ka welwelina, waayo wuu nool yahay!” Kadibna jaranjaradii ayuu sii fuulay, oo kibistii jabiyay oo cunay. Wuxuuna hadlayay illaa subixii, kadibna wuu tagay. Dadkiina iyagoo aad u farxay ayey wiilkii isaga oo nool guriga geeyeen. Waxaan sii tagnay illaa markabka oo aan u safarnay Asos, halkaas ayaan Bawlos kasii qaadnay waayo isagu jidkaas ayuu isticmaalayay. Qorshahan oo dhan isaga ayaa sameeyay. Markaan Asos iskula kulannay ayaan sii qaadnay oo illaa Mituleenee u safarnay. Halkaas markaan ka safarnay ayaa maalintii ku xigtay waxaan gaarnay meel ku dhow khiyos. Maalin kadibna waxaan usii gudubnay Samos, maalintii ku xigtana waxaan imaanay Mileetos. Haddaba Bawlos wuxuu go’aansaday inuu u safro Efesos waayo ma dooneynin inuu waqti ku sii dhameeyo waddanka Aasiya, waayo wuxuu u degdegsanaa inuu Yeruusaalem tago maalintii bentekoste hadday u suurtowdo. Bawlos wuxuu Mileetos fariin uga diray odayaashii kaniisadda ee joogay Efesos si ey ula kulmaan. Markey imaadeen wuxuu ku yiri, “Maalintii ugu horeysay ee aan imaaday Aasiya waad ogtihiin sida aan waqtigii aan idin la joogay u isticmaalay. Yuhuudda qaar ayaa i shirqooleen oo dhibaato iyo silac badan ii keenay. Laakiin Rabbigaan si daacad ah ugu adeegayay. Waad ogtihiin markaan wacdinayo inaan wax faa’iido idiin ah aanan idin ka qarinaynin, laakiin si caddaan ah ayaan wax idiin ku barayay guri illaa guri. Yuhuudda iyo Gariigtaba waan u sheegay iney u toobadkeenaan Illaahey oo iimaankooda saartaan Rabbigeena Ciise Masiix. “Haddaba aniga oo Ruuxu i hogaaminayo ayaan u socdaa Yeruusaalem, aniga oo aan garaneynin waxa igu dhici doona. Magaalo walboo aan tago Ruuxa Quduuska ah wuu ii sheegaa in xabsiga la i gelin doono oo aan dhibaato la kulmi doono. Laakiin nolosheydu macno ilama laha, waxa kaliya ee aan rabo waa inaan dhameystiro shaqadii Rabbigeena Ciise i siiyay inaan sameeyo, taas oo ah inaan wacdiyo warka wanaagsan ee nimcada Illaah. “Haddaba waxaan ogahay in qof idin ka mid ah oo aan ku wacdin jiray waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Illaah uusan mar dambe i arki doonin. Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay maanta in aanan dembi ku laheyn dhiigiina mid ka mid ah. Waayo waan idiin sheegay wax walboo uu Illaahey rabay inaad ogaataan. Is ilaaliya dadka kalana ilaaliya, waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idin ka dhigay ilaaliye. Noqda arijirka kaniisadda Illaahey, taas oo uu dhiigiisa ku soo iibsaday. Waan ogahay kadib markaan tago in yeey cabsi leh idin kasoo dhex bixi doonto oo eysan dhaafi doonin idaha. Haddaba waxaa imaan doona waqti kuwo idin ka mid ah ey been sheegaan si ey walaalahu iyaga u aaminaan. Is ilaaliya! Xasuusta muddo saddex sano ah ayaan idin waaninaayay habeen iyo maalin aniga oo ilmaynaya. “Haddana waxaan idinku amaano gelinayaa Illaahey iyo ereygiisa nimcada leh, kaasoo idin dhisa idinka oo dhanna idin siiya barakada ey helaan kuwa xaqa ah. Weligey ma damcin qof qalinkiis ama dahabkiis ama dharkiis. Waad ogtihiin inaan gacmaheyga ku shaqeysto waxaan u baahannahay aniga iyo kuwii ila joogayba. Si walba waan idiin tusay inaad sidaas oo kale u shaqeysataan oo caawisaan kuwa danyarta ah, idinkoo xasuusta ereyadii Rabbi Ciise dhahay, ‘In wax lagu siiyo waxaa ka barakeysan inaad bixisid.’ ” Bawlos markii uu hadalka dhameystay ayey jilibka dhulka wada dhigteen oo wey duceysteen. Iyagii oo dhan ayaa wada ooynayay iyagoo hab siinayay oo shuminayay. Waxey aad uga murugoodeen waa hadalkii uu dhahay oo ahaa, “Mar dambe ima arki doontaan.” Kadibna wey sagootiyeen illaa markabka. Goortaan iyagii macsalaamayney kadib ayaan toos u safarnay illaa Koos. Maalintii ku xigtayna waxaan gaarnay Rodos, halkaasna waan ka tagnay illaa Batara. Waxaan helnay markab u socdo Foynike, waana la sii safarnay. Waxaa noo muuqday Qubrus, markaas ayaa dhinaca koonfurta ka marnay illaa Suuriya. Waxaan ku degnay Turos, meeshaas oo markabka alaab ku dejinayay. Halkaas ayaan waxaan ku aragnay walaalaha oo waxaan la joognay muddo hal isbuuc ah. Iyagoo Ruuxa Quduuska ah hogaaminayo ayey waxey Bawlos ku dheheen ha tagin Yeruusaalem. Maalmihii meesha aan joognay markey dhamaadeen ayaan baxnay oo safarkeeni sii waddanay, markaas ayaa nimankii, xaasaskooda iyo ilmahooda oo dhan na soo raaceen illaa badda qarkeeda, halkaas ayaan anaga oo dhan wada dhiganay jilbaha oo aan ku duceysanay. Markaan is macsalaamaynay kadib ayaan markabkii qaadanay oo iyagana waxey u laabteen guryahoodi. Waxaan ka safarnay Turos illaa Botolemays, walaalihii halkaas joogay ayaan salaanay oo hal maalin la joognay. Maalintii ku xigtayna halkaas ayaan ka tagnay, oo waxaan soo gaarnay Kaysariya meeshaasna waxaan joognay gurigii Filibos kii wacdin jiray, wuxuu ka mid ahaa toddobadii nin ee rasuullada caawin jiray. Wuxuu lahaa afar gabdhood oo weli la guursanin, kuwaas oo wax sii sheegi jiray. Oo goortii aan dhowr maalmood halkaas joognay, waxaa Yahuudiya ka yimid nebi la yiraahdo Agabos. Wuu noo imaaday oo Bawlos suunkiisi intuu qaaday oo gacmahiisi iyo lugahiisi iska xiray ayuu dhahay, “Ruuxa Quduuska ah wuxuu dhahay, ‘Sidan oo kale ayaa kuwa Yuhuudda madaxda u ah ee jooga Yeruusaalem u xiri doonaan qofka suunkaan leh oo waxey u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.’ ” Goortaan arintaas maqalnay, anaga iyo kuwa kale waxaan ka barinay Bawlos in uusan tagin Yeruusaalem. Markaas ayaa Bawlos ku jawaabay oo yiri, “Maxaad u ooyneysaan oo qalbiga iiga jabinaysaan? Xiritaan kaliya maahee waxaan diyaar u ahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise daraadiis.” Markaan niyadiisi badali weynay ayaan ka quusanay oo waxaan dhahnay, “Doonistii Rabbiga ha ahaato.” Kadibna waxaan isku diyaarinay inaan tagno Yeruusaalem. Oo walaalaha qaar oo Kaysariya joogayna wey na soo raaceen, oo waxey na keeneen illaa guriga Manasoon, halkii aan joogi lahayn. Ninkan wuxuu ahaa reer Qubrus oo xertii hore ka mid ahaa. Markaan imaanay Yeruusaalem walaalaha si fiican ayey noosoo dhaweeyeen. Maalintii ku xigtay Bawlos wuu na raacay wuxuu doonayay inuu soo arko Yacquub, oo kuwii kaniisadda hogaaminayayna kuligood wey na la joogeen. Bawlos markii uu iyagii salaamay kadib ayuu warbixin faahfaahsan ka siiyay wuxuu Illaahey isaga adeegiisa ugu isticmaalay waxyaalihii uu ka dhex sameeyay dadka aan Yuhuudda ahayn. Markey arintaas maqleen Illaahey ayey wada ammaaneen. Oo waxey Bawlos ku dheheen, “Haddaba ma u jeedaa walaal, kumanaan qof oo Yuhuud ah ayaa Rabbiga aaminay, iyagoo weliba xamaasad u qaba sharciga. Laakiin waxaa iyaga loo sheegay inaad dadka Yuhuudda ah ee dhex degan dadka aan Yuhuudda ahayn bartid iney sharciga Muuse ka jeestaan, adiga oo ku dhahaya caruurtiina ha gudina oo caadadana ha xajinina. Oo haddaba maxaan sameeyna? Waayo wey maqli doonaan inaad timaaday, sidaa darteed waxaan ku dhahno samee. Waxaa na la jooga afar nin kuwaas oo dhaar galay. Ee haddaba nimankan raac oo kubiir dabaaldegga nadiifinta kana bixi kharashka si madaxa looga xiiro. Kadibna qof walba wuu ogaan doonaa iney waxyaalaha kugu saabsan oo ey maqleen ey been tahay, weyna ogaan doonaan inaad sharciga Muuse adeeceysid. Laakiin dadkii aan Yuhuudda ahayn oo aaminsan, waxaan u qornay warqad oo waxaan ku dhahnay go’aankeenu waxaa waaye in eysan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, dhiigga, ama xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo sinada.” Maalintii ku xigtay ayaa Bawlos nimankii waday oo ey is soo nadiifiyeen. Kadibna wuxuu galay macbadka oo dadkii u sheegay waqtiga uu dabaaldegga dhamaan doono iyo waqtiga uu qof walba allabariga bixin doono. Muddo toddoba maalmood oo dabaaldeggii nadiifinta markey dhamaaneysay, kuwa Yuhuudda oo reer Aasiya ayaa Bawlos ku arkeen macbadka. Intey dad badan iskugu yeereen ayey Bawlos qabteen, iyagoo ku qaylinaya, “Dadkii Israa’iilow, kaalaya na caawiya! Waa kan ninkii meel walba aadayay oo dadkeena, sharciga Muuse iyo macbadka wax xun ka sheegayay. Wuxuu ceebeeyay macbadka quduuska ah waayo wuxuu meesha keenay Gariig.” Qaarkood waxey u maleeyeen Bawlos inuu Torofimos oo reer Efesos ah macbadka keenay, waayo mar hore ayey magaalada ku arkeen iyagoo isla jooga. Magaaladii oo dhan ayaa wada kacday, dadkii oo dhan ayaa isku imaaday iyagoo kala meel ka socdaan, oo intey Bawlos qabteen ayey jiideen oo ey ka saareen macbadka, isla markiina albaabka macbadka waa la xiray. Dadkii iney Bawlos dilaan wax yar ayaa ka dhineed, markaas ayaa warkii wuxuu gaaray ninka ciidanka Rooma hogaamiya in Yeruusaalem oo dhan kacsantahay. Isla markii ayuu intuu askar qaatay u yimaaday iyagii. Dadkiina markey arkeen inuu askar soo watay ayey joojiyeen iney Bawlos dilaan. Kii hogaamiyaha ciidanka ahaa ayaa wuxuu amray in Bawlos la qabto oo laba silsilad lagu xiro. Kadibna wuxuu weydiiyay, yaa tahay oo maxaad sameysay. Qaar dadkii ku dhex jiray ayaa ku qaylinayeen, qaar kalana wax kale ayey ku qaylinayeen. Markii uu ogaan waayay waxa dhacay ayuu amray Bawlos in la geeyo xerada ciidanka. Markey jaranjaradii gaareen ayaa rabshadii dadka badatay markaas ayaa askartii isaga qaaday. Dadkii iyaga raacayay ayaa qaylinayay iyagoo leh, “Isaga ha la dilo!” Markii Bawlos la geynayay xeradii ayuu weydiiyay ninkii hogaamiyaha ahaa, “Wax ma ku dhihi karaa?” Markaas ayuu ninkii ku jawaabay “Miyaad ku hadashaa Gariigga?” “Ma tihid miyaa kii Masriga ahaa ee waqti hore kiciyay rabshada ee afar kun oo argagaxisada cidlada u kaxeeyay?” Markaas ayaa Bawlos ugu jawaabay, “Waxaan ahay Yuhuudi reer Tarsos taas oo Kilikiya ku taalo, ahna magaalo muhiim ah. Fadlan ii ogolaada inaan la hadlo dadka.” Goortii fasax la siiyay ayaa Bawlos intuu jaranjarada istaagay dadka gacanta u taagay. Markey wada aamuseen ayuu iyagii kula hadlay af Cibraani. “Walaalayaalow, i dhageysta aniga oo hortiina isku difaacaya.” Markey maqleen inuu Cibraaniga ku hadlo ayey wada aamuseen. Kadib Bawlos wuxuu yiri, “Waxaan ahay Yuhuudi, waxaan ku dhashay Tarsos oo ku taalo Kilikiya, laakiin waxaan ku koray magaaladan. Waxaan akhristay Gamalii’eel oo sharciga awoowayaasheen ayaa si fiican la iigu tababaray. Illaaheyna xamaasad ayaa u leeyahay sida mid kasta oo idin ka mid ah uu yahay maanta. Dad badan oo Ciise raacsanna waan silciyay illaa dhimashada, rag iyo dumarba intaan qabto ayaan xabsiga ku tuuri jiray, wadaadkii sare iyo kuwii hogaamiyayaasha wey ka marqaatifuri karaan. Xitaa waxey ii dhiibeen warqad ku socota walaalaheena Yuhuudda ah ee Dimishaq jooga, intaan halkaas aaday ayaan rabay inaan keeno iyagoo silsilado ku xirxiran Yeruusaalem si loo ciqaabo. “Duhuradii markii la joogay ayaan ku dhawaaday Dimishaq, isla markiiba waxaa samada ka shidmay iftiin badan oo agteyda ku iftiimay. Markaas ayaan dhulka ku dhacay oo cod ayaa igu yiri, ‘Sawlosow! Sawlosow! Maxaad ii silcineysaa?’ “Markaas ayaan weydiiyay, ‘Yaa tahay, Sayidow?’ “Wuxuu ku jawaabay, ‘Waxaan ahay Ciisihii reer Naasared, kan aad silcineysid.’ Kuwii ila joogay wey arkeen iftiinka, laakiin ma fahmin codka kan ila hadlayay. “ ‘Markaas ayaan weydiiyay, maxaan sameeyaa, Rabbiyow?’ “Markaas ayaa Rabbigu igu yiri, ‘Kac, oo tag Dimishaq. Halkaas ayaa laguugu sheegi doonaa waxyaalahaad sameyn lahayd.’   Kuwii ila joogay ayaa gacanta intey i qabteen illaa Dimishaq i geeyay, waayo dhalaalkii iftiika ayaa indhoole iga dhigay. “Magaaladaas waxaa ku noolaa nin la yiraahdo Ananiyas, nin diin jecel ayuu ahaa oo xitaa sharcigeena ilaaliya dadkii Yuhuudda ahaa ee halkaas deganaa wey xushmeyn jireen. Intuu i ag istaagay ayuu igu yiri, ‘Walaal Sawlos, aragaaga hel!’ Isla markiiba waa arki karay isaga. “Kadibna wuxuu igu yiri, ‘Illaahii awoowayaasheen ayaa kuu doortay inaad ogaatid doonistiisa iyo inaad aragtid kuwa xaqa ah oo aad hadalka afkiisa ka maqashid. Qof walba ayaad uga marqaatifuri doontaa waxyaalahaad aragtay oo aad maqashay. Haddaba maxaad sugeysaa? Kac, ha lagu baabtiiso oo dembiyadaada iska nadiifi, adigoo magaciisa ku duceysanaya.’ “Markaan Yeruusaalem ku soo laabtay oo aan macbadka ku duceysanayay, ayaan riyooday. Waxaan arkay Rabbiga oo i dhahaya, ‘Dhaqso Yeruusaalem ka tag, waayo dadka meeshan ma ogolaan doonaan marqaatiga aad ii furaysid.’ “Markaas ayaan ku dhahay, ‘Rabbiyow iyaga xitaa wey ogyihiin inaan sunagogyada oo dhan mari jiray oo dadka halkaas jooga ee ku aaminsan aan dili jiray oo aan xabsiga gelin jiray. Oo goortii dhiigga shahiidkaaga Istefanos la daadshay, halkaas ayaan joogay oo waan agtaagnaa, aniga oo ku raacsan oo weliba dharkii kuwii isaga dilay ilaalinaya.’ “Kadib ayaa Rabbigu ii jawaabay oo igu yiri, ‘Bax, waxaan kuu diri doonaa meel fog oo ey joogaan dad aan Illaahey garaneyn.’  ” Dadkii wey dhageysteen Bawlos illaa uu waxyaalahaas ka dhahay, kadib ayey qayliyeen iyagoo leh, “Dhulka ha laga saaro! Uma qalmo inuu sii noolaado!” Goortii ey qaylinayeen dharkoodiina ey iska tuurayeen oo busta dhulka ka kicinayeen, markaas ayaa ninkii hogaamiyihii Rooma ahaa amar ku bixiyay in Bawlos xerada la geeyo. Wuxuuna yiri ninkan ha la wareysto oo ha la ogaado sababta ey dadkan ku haystaan. Markey Bawlos xireen oo la dili rabay ayuu boqol u taliyihii agtaagnaa ku yiri, “Sharci miyaa in nin reer Rooma ah la dilo isaga oo aan qalad lagu arkin?” Boqol u taliyihii markii uu waxaan maqlay ayuu u tagay kii hogaamiyaha ahaa oo ku yiri, “Maxaad sameyn doontaa? Waayo ninkan waa shacabka Rooma.” Ninkii hogaamiyaha ahaa ayaa intuu Bawlos u imaaday ayuu weydiiyay, “Bal ii sheeg, miyaad tahay reer Rooma?” Bawlosna wuxuu ku jawaabay, “Haa, waan ahay.” “Markaas ayaa ninkii hogaamiyaha ahaa yiri, wadaninimadeyda waxaan ku bixiyay lacag badan.” Bawlosna wuxuu yiri, “Laakiin anigu waan u dhashay.” Isla markiiba kuwii isaga su’aali rabay ayaa iska dhaafay. Xitaa ninkii hogaamiyaha ahaa ayaa isku naxay markii uu ogaaday inuu Bawlos oo reer Rooma ah xiray. Ninkii hogaamiyaha ahaa ayaa ogaan rabay Bawlos sababta ey Yuhuudda u dacweynayeen. Maalintii ku xigtay ayuu Bawlos soo daayay oo wuxuu amray gudoomiyayaashii wadaaddada iyo xubnihii shirka oo dhan iney isku yimaadaan. Kadibna Bawlos ayuu iyagii hor keenay. Bawlos nimankii shirka ku jiray ayuu toos u fiiriyay oo ku yiri, “Walaalayaalow, damiir wanaagsan ayaan illaa maanta Illaahey ugu adeegayay.” Markaas ayaa wadaadkii sare ee Ananiyas ahaa amray kuwii Bawlos agtaagnaa iney afka ku dhuftaan. Kadibna Bawlos ayaa ku yiri, “Illaah ayaa kugu dhufan doono, idinkan labawejiilayaasha ah. Intaad halkaas fariisataan ayaad sharciga Muuse igu xukumeysaan, laakiin idinkana sharciga aad jabiseen markaad niman amarteen iney i dharbaaxaan!” Nimankii Bawlos agtaagnaa ayaa ku yiri, “Siddeed ugu dhacday inaad caaysid Illaahey wadaadkiisa sare!” Bawlosna wuxuu ku jawaabay, “Walaalayaalow, ma ogayn inuu yahay wadaadkii sare waayo waxaa qoran, ‘Waa in aadan wax xun ka sheegin taliyiha dadkaaga.’ ” Bawlos Markii uu arkay qaarkood iney yihiin Sadukiin kuwa kalana ey yihiin Farrisiin ayuu shirkii ka yiri, “Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi, oo ah farrisiinta wiilkooda. Oo waxaa la igu xukumayaa rajada sarakicidda dhimashada.” Markii uu waxyaalahan dhahay ayaa Farrisiintii iyo Sadukiintii muran bilaabeen, oo shirkiina wuu kala qeybsamay. (Sadukiintii waxey leeyihiin sarakiciddu ma jirto, xitaa ma aaminsana malaa’igta ama ruuxda, laakiin Farrisiintu wey aaminsanyihiin waxyaalahan oo dhan.) Markaas ayaa waxaa dhacay buuq weyn, qaar ka mid ah macalimiinta sharciga Muuse oo Farrisiin ahaa ayaa intey kaceen ayey aad u murmeen. Waxey dheheen, “Waxba ku maan arkin ninkan, ma laga yaabaa in ruuxa ama malaa’igtu la hadashay?” Murankii wuu weynaaday oo taliyihii wuxuu ka cabsaday Bawlos in qeyb qeyb loo kala gooyo. Markaas ayuu askartii amray iney Bawlos xoog halkaas lagaga saaro oo illaa xerada la geeyo. Habeenkii ku xigay ayaa Rabbigu u muuqday Bawlos oo ku yiri, “Ha welwelin! Sidaad iigu marqaatifurtay Yeruusaalem, waa inaad igu marqaatifurtaa xitaa Rooma.” Maalintii ku xigtay ayaa Yuhuudda qaar intey isku yimaadeen ayey ballan ku wada galeen in eysan waxba cunin ama eysan cabin illaa ey ka dilaan Bawlos. Afartan qof ayaa isla sameeyay qorshahan. Kadibna waxey u tageen gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii oo waxey ku yiraahdeen, “Waxaan ka ballan qaadnay Illaah in aanan waxba cunin illaa aan ka dilno Bawlos. Haddaba adiga iyo qof walboo shirka joogay bal u taga taliyaha oo u sheega inuu Bawlos hortiina la keeno, oo iska dhiga inaad si fiican u baartaan dacwadiisa. Anaguna diyaar ayaan u nahay inaan dilno inta uusan weli halkaas gaarin.” Laakiin wiil Bawlos walaashiis dhashay ayaa maqlay qorshahoodi, markaas ayuu xeradii ciidanka aaday oo u sheegay Bawlos. Kadibna Bawlos mid askartii ka mid ah intuu u wacay ayuu ku yiri, “Wiilkan u gee taliyaha, wax ayuu rabaa inuu u sheego.” Askarigiina wuu kaxeeyay wiilkii oo u geeyay taliyihii. Boqol u taliyihii ayaa yiri, “Bawloskii maxbuuska ahaa ayaa isoo diray oo igu yiri wiilkan u gee taliyaha waayo waxbuu rabaa inuu kuu sheego.” Taliyihii ayaa wiilkii intuu gacanta qabtay ayuu gees ula baxay oo weydiiyay, “Waa maxay waxaad ii sheegi rabtid?” Markaas ayuu wiilkii ku yiri, “Yuhuudda qaar ayaa waxey ku heshiiyeen iney kugu dhahaan berri Bawlos shirka horkeen oo ey iska dhigaan iney u baahanyihiin warka saxda ah ee ku saabsan isaga. Fadlan ha sameynin waxey ku dhahaan, waayo afartan qof ka badan ayaa sugaya iney isaga weeraraan. Waxey ballanqaadeen iney waxba cunin ama cabin illaa ey ka dilaan isaga. Diyaar ayey yihiin adiga ayey go’aan kaa sugayaan.” Ninkii taliyaha ahaa ayaa wiilka ku yiri, “Qofna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii sheegtay.” Kadibna wiilkii ayuu diray. Kadibna taliyihii wuxuu wacay laba askartiisa ah oo wuxuu ku yiri, “Diyaariya laba boqol oo askar ah, toddobaatan nin oo fardooley ah iyo laba boqol oo niman waranka qaada ah si ey u aadaan Kaysariya caawa saddex saac. Bawlosna waxaad u diyaarisaan faras si uu nabad ugu gaaro illaa Taliye Feelikos.” Taliyihii wuxuu qoray warqad dhahaysa, Kalawdiyos Lusiyas, Taliyaha sharafta leh, Feelikos. Waan ku salaamayaa. Ninkan Yuhuudda ayaa qabatay oo dili gaartay. Laakiin aniga iyo ciidankaygu waan soo badbaadinay, waayo waxaan ogaaday inuu yahay shacabka Rooma. Waxaan rabay inaan ogaado waxey ku haystaan, sidaa darteed waxaan hor keenay shirkoodi. Waxaan gartay waxey ku haystaan, waa su’aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin muusan sameynin waxyaalo u qalma in la dilo ama xabsi la geliyo. Markaan maqlay waxey ninka ku sameyn rabeen ayaan isla markii kuu soo diray. Kuwii isaga dacweynayay waxaan ku dhahay dacwadoodi ha kuu keenaan. Sidaa darteed askartiina amarkii ayey qaateen oo Bawlos ayey habeenkii kaxeeyeen illaa Antibatris. Maalintii ku xigtay ayey askartii laabteen oo waxey ku dhaafeen askartii fardooleyda ahayd iney sii kaxeeyaan intii yarayd ee safarka ka harsaneyd. Goortii ey yimaadeen Kaysariya, warqaddii ayey u dhiibeen Taliyihii oo Bawlosna isaga ayey ku wareejiyeen. Taliyihii intuu warqaddii akhriyay ayuu ku yiri Bawlos, gobolkeed ka timid. Markii uu gartay inuu ka socdo Kilikiya, ayuu ku yiri, “Dacwadaada waxaan dhageysan doonaa goortii kuwii ku dacweynayay halkan yimaadaan.” Kadibna amar ayuu ku bixiyay in Bawlos lagu waardiyeeyo qasrigii Herodos. Shan maalmood kadib ayaa Ananiyas wadaadkii sare wuxuu tagay Kaysariya isaga oo ey la socdaan odayaashii iyo nin garyaqaan ah oo la dhaho Tertullos, waxey u yimaadeen taliye Feelikos oo dacwadoodi ey Bawlos ka qabeen hor keeneen. Markaas ayaa Bawlos la wacay, oo Tertullos dacwadiisi u bilaabay isaga oo leh, “Waqti fiican oo nabad ah ayaan ku helnay dowladaada, fiiro dheeridaada darteed qarankeena isbadal weyn ayaa ka dhacay. Anagana meel walba iyo si walba ayaan mudane Feelikosow waxaad sameysay kuugu mahadcelinaynaa. Aniga oo aan waqti badan qaadanaynin ayaan waxaan kaa codsanayaa inaad si naxariis leh wax yar na dhageysatid. “Waxaan ogaanay ninkan inuu nin dhib wada yahay, rabshad ayuu ka kiciyay Yuhuudda dhexdeeda iyo aduunka oo dhan. Wuxuuna hogaamiyaa kooxdii Naasared oo wuxuu isku dayay inuu najaaseeyo macbadka, sidaa darteed anaguna waan qabanay. [Waxaana ku xukumi lahayn sharciga. Laakiin taliye Lusiyas intuu imaaday ayuu naga qaaday. Kadibna wuxuu bixiyay amar leh, kuwa isaga dacweynaya waa iney kuu imaadaan.] Ninkan haddaad su’aashid adiga ayaaba ogaan doona runta ku saabsan waxa aan ku dacweynayno oo dhan.” Yuhuuddii kalana wey ka hadleen oo wey ku raaceen waxyaalahan iney run yihiin. Markaas ayaa taliyihii wacay Bawlos inuu hadlo, oo Bawlosna wuxuu yiri, “Waan ogahay sanado badan inaad qarankan xaakim u ahayd, sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan hortaada isku difaaco. Waad garan kartaa waayo, toban iyo laba berri ka hor ayaan Yeruusaalem u tagay inaan cibaadaysto darteed. Kuwan Yuhuudda ah oo i dacweynaya ma i arkin aniga oo macbadka dhexdiisa dadka kula doodaya, ama aniga oo rabshad dadka ka dhex kicinaya sunagogga dhaxdiisa ama meel kale. Xitaa ma kuu cadayn karaan dacwada ey igu haystaan. Sidoo kale, waxaan qiranayaa inaan caabudo Illaaha awoowayaasheen aniga oo raacsan jidka Ciise, kan ey dhahaan waa been. Waan aaminsanahay wax walboo sharciga Muuse ku jira xitaa kaasoo buugga nebiyada ku qoran. Waxaan rajo ka qabaa Illaahey sida iyagoo kale, oo waxaa jira sarakicidda kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn. Sidaa darteed waxaan mar walba ku dadaalaa in damiirkeygu nadiif ku ahaado Illaahey iyo dadka hortooda. “Muddo dheer ayaan ka maqnaa Yeruusaalem, oo waxaan u soo laabtay inaan dadkayga masaakiinta ah hadiyad u keeno iyo inaan allabari sameeyo. Aniga oo waxyaalahan sameynaya ayey iigu yimaadeen macbadka markaan dhameeyay dabaaldegga nadiifinta. Dad badanna ma ila joogin, rabshadna ma kicinin. Laakiin waxaa jirtay Yuhuud ka socotay gobolka Aasiya wey joogeen waqtigaas haddaan wax sameeyay wey iga dacwoonlahaayeen. Ama xitaa weydii kuwan halkan jooga. Wey kuu sheegi karaan in eysan wax dembi ah igu arkin markey i hor istaajiyeen shirkooda. Markaan maxkamadda ka dhex qayliyay maahee aniga oo leh, ‘Ma waxaad maanta igu xukumeysaan aniga inaan aaminsanahay kuwa dhintay in la sarakicin doono.’ ” Feelikos oo si fiican u garanayay jidka Rabbiga, ayaa intuu dacwadii soo xiray ayuu yiri, “Taliye Lusiyas markii uu yimaado ayaan go’aan gaari doonaa dacwadaadi.” Markaas ayuu boqol u taliyihii ku amray in askar Bawlos ilaaliso isaga oo aan xirneyn oo xitaa saaxibbadiis aan loo diidin iney u adeegaan. Dhowr maalmood kadib ayaa Feelikos la yimaaday xaaskiisa Darusilla oo ahayd Yuhuud. Bawlos ayuu u wacay oo wuu dhageystay isaga oo ka hadlaya in iimaan lagu qabo Ciise Masiix. Laakiin Bawlos goortuu ka hadlayay wax ku saabsan xaqnimada, is ilaalinta iyo maalinta xukunka ee soo socoto, ayaa Feelikos cabsaday oo ku yiri, “Haddaba iska bax. Waan kuu waci doonaa waqti markaan helo.” Markaas wuxuu rajeynayay in Bawlos lacag siiyo, sidaa darteed marar badan ayuu u waci jiray si uu ula hadlo. Laba sano kadib ayaa Borkiyos Feestos noqday Taliye oo booskii Feelikos galay. Laakiin Feelikos wuxuu rabay inuu asxaan u sameeyo Yuhuudda sidaa darteed ayuu Bawlos xabsiga ugu dhaafay. Goortii uu Feestos yimaaday saddex maalmood kadib ayuu ka tagay Kaysariya wuxuuna aaday Yeruusaalem. Halkaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo hogaamiyayaashii Yuhuudda eedeemo Bawlos u soo bandhigeen. Oo waxey Feestos ka baryeen iyadoo asxaan u tahay iyaga, inuu Bawlos u beddelo Yeruusaalem, waayo waxey isku diyaarinayeen iney jidka ku sii dilaan. Markaas ayaa Feestos ugu jawaabay, “Bawlos waxaa lagu hayaa Kaysariya, aniguna xaggaas ayaan tagayaa mar dhaw. Hogaamiyayaashiina ha ii raacaan Kaysariya hana dacweeyaan ninkaas haddii uu qalad galay.” Feestosna wuxuu la joogay siddeed illaa toban maalmood kadibna wuxuu tagay Kaysariya. Maalintii ku xigtay intuu maxkamadda dhex fariistay ayuu amray in Bawlos la hor keeno. Goortii Bawlos maxkamaddii soo galay ayaa Yuhuuddii ka timid Yeruusaalem soo ag istaagtay iyagoo dacwado badan wata, laakiin wax cadayn ah kuma haynin. Laakiin Bawlos wuu is difaacay, “Wax qalad ah kama galin sharciga Yuhuudda ama macbadka iyo Kaysar.” Feestos oo raba inuu asxaan u sameeyo Yuhuudda ayaa ku yiri Bawlos, “Ma dooneysaa inaad tagtid Yeruusaalem oo halkaas horteyda lagugu xukumo eedeemahan?” Markaas ayuu Bawlos ugu jawaabay oo ku yiri, “Haddaba waxaan hor taaganahay maxkamadda Kaysar, halkii la igu xukumi lahaa. Balse adiguba waad ogtahay in aanan dadka Yuhuudda ah qalad ka galin. Haddaba haddii aan sameeyay xumaan dhimasho istaahisha ma diidayo in la i dilo. Laakiin haddii dacwooyinka Yuhuudda igu haysato eysan run ahayn qofna iyaga ima gacangelin karo. Waxaan u dhacwoonayaa Kaysar.” Feestosna markii uu la hadlay kuwii shirkiisa ku jiray kadib ayuu ku yiri Bawlos, “Waxaad dacwadaada u gudbisay Kaysar. Kaysar ayaadna aadi doontaa!” Dhowr maalmood kadib ayaa Boqor Agribba iyo Bernikee yimaadeen Kaysariya si ey u booqdaan Feestos. Waxey halkaas joogeen dhowr maalmood, goortii Feestos boqorka u sheegay dacwadii Bawlos. Wuxuu ku yiri, “Waxaa jira nin Feelikos ka tagay isaga oo maxbuus ah. Markaan tagay Yeruusaalem, gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii Yuhuudda ayaa dacwadiisi ii keenay oo waxey doonayeen inaan xukumo. “Laakiin waxaan ku dhahay dhaqanka Rooma ma aha in qof la gacangeliyo inteysan kuwa dacweynaya is arkin ka hor oo ey helaan fursad ey iskaga difaacaan dacwada. Sidaa darteed markey halkan ila yimaadeen waqti maan lumin, laakiin maalintii ku xigtay ayaan amar ku bixiyay in ninka la i keeno maxkamadda. Goortii kuwii dacweynayay istaageen oo ey hadleen, dacwadii aan filayay kuma ey dacweynin. Laakiin waxey qabeen dood ku saabsan diintooda iyo nin dhintay oo la dhaho Ciise oo Bawlos leeyahay wuu nool yahay. Laakiin aniga oo aan garaneyn si aan runta ku saabsan waxyaalahan u ogaado ayaan weydiiyay Bawlos haddii uu doonayo inuu tago Yeruusaalem oo halkaas lagu xukumo. Laakiin Bawlos wuxuu doonayay in la sii hayo illaa boqorku ka go’aansado dacwadiisa, sidaa darteed aniguna waxaan amray in la sii hayo illaa aan isaga Kaysar ugu diro.” Markaas ayaa Agribba Feestos ku yiri, “Waxaan jeclaan lahaa inaan ninkan maqlo.” Markaas ayuu ugu jawaabay, “Berri ayaad maqlaysaa.” Maalintii ku xigtay ayaa Agribba iyo Bernikee waxey la yimaadeen dad badan oo waxey soo galeen qolkii lagu kulmayay. Iyagoo ey la socdaan ciidan iyo nimankii magaalada ugu waaweynaa. Feestos wuxuu amray in Bawlos la keeno. Markaas ayaa Feestos yiri, “Boqor Agribba iyo kuwa halkan na la jooga, waa kan ninka dadka Yuhuudda ah ee ka socda Yeruusaalem iyo Kaysariya ey kasoo dacwoodeen, oo ey doonayeen inuu sii noolaanin. Qalad lagu dilo ma arkin, laakiin wuxuu dhahay Kaysar ayaa i xukumaya, sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan Rooma u diro. Laakiin wax xaqiiq ah oo ninkan ku saabsan oo aan u qoro Kaysar ma hayo, sidaa darteed waan idin hor keenay, siiba adiga boqor Agribbow, waayo baaridda dacwadiisa markaan ka hadalno kadib inaan helo waxaan ka qoro. Waayo caqli gal ma aha inaan Rooma u diro maxbuus eysan dacwadiisu xaqiiq ahayn.” Markaas ayaa Agribba ku yiri Bawlos, “Waad u fasaxantahay inaad nafsadaada u hadashid.” Haddaba Bawlos intuu gacan haatiyay ayuu yiri, “Boqor Agribbow, waxaan isku arkaa qof nasiib leh maanta inaan hortaada istaago oo aan iskaga difaaco waxyaalihii ey Yuhuudda igu soo dacweeyeen oo dhan. Adigoo weliba wax badan ka garanaya waxyaalaha ku saabsan dhaqanka Yuhuudda iyo kala duwanaanshadooda. Sidaa darteed waxaan kaa baryayaa inaad ii dulqaadatid oo aad i maqashid. “Dadka Yuhuudda oo dhan wey ogyihiin sidaan u noolaa illaa yaraanteydi, wey garanayaan noloshii aan ku noolaa waddankeyga iyo xitaa Yeruusaalem. Muddo dheer ayey i yaqaanaan weyna ka marqaatifuri karaan, haddii ey doonayaan, inaan ka mid ahaa dariiqada ugu adag ee diinteena, oo aan u noolaa sida Farrisi. Haddaba waxaa la igu xukumayaa rajada aan ka qabo Illaahey ballantiisa oo uu ka ballan qaaday awoowayaasheen taas oo maanta la igu haysto. Ballantan waa ballantii ey laba iyo tobankii qabiil rajeynayeen in la oofiyo iyagoo Illaahey u adeegaya habeen iyo maalin. Boqor Agribbow, rajadan darteed ayey Yuhuuddu igu dacweyneysaa. Muxuu midkiina isu leeyahay ineysan suurtagal ahayn inuu Illaahey sarakiciyo meydka? “Aniga xitaa waxyaala badan ayaan sameeyay si aan uga hor imaado magaca Ciisihii reer Naasared. Saas ayaan ku sameeyay Yeruusaalem. Aniga oo amar ka qaatay gudoomiyayaashii wadaaddada waxaanna dadka Illaahey gelin jiray xabsi, oo xitaa waan ku raacsanaa in la dilo. Marar badan ayaan intaan sunagogyada ku wareegsado ayaan ciqaabi jiray, oo waxaan ku qasbi jiray iney Ciise wax xun ka sheegaan. Aad ayaan ugu xanaaqi jiray iyaga, oo illaa magaalooyin kale intaan u raaco ayaan silcin jiray. “Maalin aniga oo Dimishaq u socda oo wata amarkii iyo dardaarankii gudoomiyayaashii wadaaddada. Boqor Agribbow duhuradii markii la joogay, waxaan arkay iftiin ka yimid samada, qoraxda wuu ka iftiin badnaa, wuuna nagu ifay aniga iyo kuwii ila socdayba. Markaas ayaan dhulka ku wada dhacnay, oo waxaan maqlay cod af cibraaniga igu dhahayo, ‘Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcineysaa? Waxaad la dagaaleysaa Illaahey laakiin adiga ayaa is dhibaateynaya.’ “Kadib ayaan weydiiyay, ‘Yaa tahay, Sayidow?’ “Rabbigu wuxuu ku jawaabay, ‘Waxaan ahay Ciise kan aad silcineysid. Haddaba kac, waxaan kuugu muuqday waa inaad noqotid adeegaheyga oo aad iigu marqaatifurto waxaad aragtay iyo waxaan ku tusi doono taas oo aan kuu doortay. Dadkaaga ayaan kaa badbaadin doona iyo dadka aan Yuhuudda ahaynba iyaga ayaan kuu dirayaa si aad indhaha ugu furto oo ey uga jeestaan mugdiga oo ey u jeestaan iftiinka, iyo iney kasoo jeestaan xoogga Shaydaanka oo ey Illaahey ugu jeestaan, si ey u helaan cafiska dembiga oo markey i rumeysataan waxey ka mid ahaan doonaan kuwa xaqa ah.’ “Sidaa darteed Boqor Agribbow, waan raacay riyadaan ka timid samada. Marka hore waxaan u wacdiyay kuwa jooga Dimishaq, kadibna kuwa jooga Yeruusaalem iyo Yahuudiya oo dhan, iyo dadka aan Yuhuudda ahayn, iney toobadkeenaan oo Illaahey u noqdaan iyo in waxyaalaha ey sameeyaan laga garto iney toobadkeeneen. Sababtaas ayaa Yuhuudda qaar macbadka iigu qabteen oo ey isku dayeen iney i dilaan. Laakiin aniga oo caawimaad Illaahey ka helay ayaa illaa maantadan taagan inaan u marqaatifuro kuwa taajirka ah iyo masaakiintaba. Waxa kaliya ee aan u sheegay waa waxyaalihii ey nebiyada iyo sharcigii Muuse sheegeen oo dhici doona. Masiixa wuu silci doonaa oo wuxuu noqon doonaa kii ugu horeeyay ee dhimashada kasoo sarakacay, si uu dadkiisa iyo dadka aan Yuhuudda ahayn iftiin ugu keeno.” Bawlos inta uusan hadalkii dhameysanin ayaa Feestos kasoo dhex galay oo ku yiri, “Waad waalantahay Bawlos, aqoonta badan ayaa ku waalaysaa.” Markaas ayaa Bawlos uga jawaabay, “Ma waalni, Mudane Feestos, waxaan sheegayo waa run waana caqli gal. Boqorku wuu garanayaa waxyaalahan oo cabsi la’aan ayaan isaga ula hadlayaa. Waan ku qanacsanahay in waxyaalahan oo dhan si qarsoon uma dhicin. Boqor Agribbow, miyaad aaminsantahay nebiyada? Waan ogahay inaad aaminsantahay.” Markaas ayaa Agribba Bawlos ku yiri, “Ma waxaad u maleynaysaa inaad waqtigan yar gudihiisa iigu qancin kartid inaan noqdo masiixi?” Bawlos ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Waqti gaaban ama waqti dheer hanoqotee, waxaan maanta Illaahey ka baryayaa in qof walboo i dhageysanayo noqdo waxaan ahay, waxaan silsiladaan ka ahayn.” Markaas ayaa boqorkii, Taliye Feestos, Bernikee iyo qof walboo la jiray wada kaceen. Laakiin inteysan tagin ka hor ayey waxey isdhaheen, “Ninkan ma sameynin qalad ah oo lagu dilo ama wax xabsi lagu geliyo.” Agribbana wuxuu Feestos ku yiri, “Ninkan mar hore ayaa la soo dayn lahaa haddii uusan dhihi lahayn Kaysar ayaan u dacwoonayaa.” Haddaba markii la go’aansaday inaan tagno Talyaaniga ayaa Bawlos iyo kuwa kale oo maxaabiis ah loo dhiibay nin boqol u taliya ah oo la yiraahdo Yulyos, wuxuuna ka mid ahaa ciidankii boqorka. Waxaan doon ka qaadanay Adramuteyo waxeyna u socotay xeebaha Aasiya, waxaa na la socday Aristarkhos oo reer Makedoniya ahaa oo ka yimid Tesaloniika. Maalintii ku xigtay ayaan gaarnay Siidoon. Yulyosna aad ayuu ugu naxariistay Bawlos. Waayo wuxuu u fasaxay inuu tago oo soo arko saaxiibadiis si ey wuxuu u baahanyahay u soo siiyaan. Goortaan Siidoon ka tagnay dabeesha ayaa na celineysay sidaa darteed waxaan marnay Qubrus. Kadibna waxaan u safarnay koonfurta Kilikiya iyo Bamfuliya illaa aan ka gaarnay Mura oo ku taalay Lukiya. Halkaas ayuu boqol u taliyihii ka helay doon Masar laga leeyahay oo ka timid Iskanderiya oo u socota Talyaaniga markaas ayuu nasaaray. Tartiib ayaan u safarnay oo dhowr maalmood iyo waqti adag ayey nagu qaadatay inaan gaarno Kinidos. Laakiin dabaysha ayaa na celineysay sidaa darteed dhinacaas kuma safri karin, oo waxaan u safarnay Kereetee taas oo kasoo hor jeeda Salmoonee. Aayar sidii aan ugu safraynay ayaan waxaan gaarnay meel la yiraahdo Dekado Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya. Haddaba waqti badan ayaan safarkaan ku dhuminay, oo safarkana khatar ayuu noqday waayo maalintii dembidhaafka ee soonka waa la soo dhaafay. Sidaa darteed Bawlos wuu canaantay iyagii, “Niman yahow, haddaan hadda safarno doonteena iyo alaabteena wey halaabayaan, xitaa nolosheena waan lumin doonaa.” Laakiin boqol u taliyihii intuu waxa Bawlos dhahay maqli lahaa ayuu wuxuu raacay taladii ninka doonta wado iyo kii doonta lahaa. Dekadu ma ahayn mid waqtiga qabowga u wanaagsan, markaas ayaa dadka badankood waxey isku raaceen inaan sii safarno illaa Foynikis oo aan waqtiga qabowga halkaas joogno. Taasi waxey ahayd dekada Kereetee oo ujeedo dhinaca koonfur galbeed iyo waqooyi galbeed. Markii dabayshii koonfurta aayar u bilaabatay ayey u maleeyeen iney waqti fiican tahay, doontii ayey qaateen oo wey safreen, waxeyna agmareen Kereetee. Laakiin waxaa imaaday dabayl xoog leh oo la dhaho, waqooyi bari, waxey ka timid Kereetee. Doontii ayaa waxey u joogsatay duufaantii darteed, mana karin inaan dabaysha dhinacay ka imaaneyso ku wadno, sidaa darteed waan isdhiibnay oo dabayshii duufaanta ayaa kaxeynaysay doontii. Markaan usii gudubnay jasiirad yar oo la dhaho Kalawda, waan ku dhibaatoonay awoodi waaynay inaan xirno doontii yarayd si eysan u halaabin. Doontii intey qaadeen ayey doonta kale ku xireen. Waayo waxey ka cabsadeen in bacaadka Surtis ku dhacdo. Markaas ayaa shiraacii doonta kor ugu xirnaa dajiyeen kadibna doontii wey iskadhaafeen si dabayshu u kaxeyso. Duufaantii wey kasii dartay, oo maalintii ku xigtay alaabtii qaarkood ayey badda ku tuureen. Maalintii saddexaadna waxey tuureen waxyaalihii doonta. Dhowr maalmood ayaan arkin qoraxda ama xiddigaha, dabayl xoog leh ayaa dhaceysay. Markaas ayaan ka quusanay rajadii badbaadinta oo aan rajeyneyney. Oo markii muddo dheer qof walba cunto la’aan joogay ayaa Bawlos intuu iyaga hor istaagay ayuu ku yiri, “Niman yahow, waxaa idiin fiicnayd inaad i maqashaan oo aadan Kereetee kasoo tagin, dhibaatadan iyo khasaaradan oo dhan ma mari lahayn. Haddaba waxaan idin leeyahay dhiiranaada, waayo ma jiro qof idin ka mid ah oo naftiisa lumin doona, doontaan kaliya ayaa halaabi doonta. Waayo xaley waxaa isoo ag istaagay malagii Illaaha i leh oo aan weliba caabudo, oo wuxuu igu yiri, ‘Ha cabsan Bawlos, waayo waa inaad xukunkii Kaysar hor istaagtaa, bal fiiri Illaahey deeqsinimadiisi ayuu kugu siiyay noloshii dadkan kula safraya oo dhan.’ Sidaa darteed dhiiranaada, waayo waxaan aaminsanahay Illaahey inuu waxyaalihii uu dhahay ey dhici doonaan. Laakiin waa inaan meel jasiirad ah ku daganaa.” Waa maalintii afar iyo tobanaad oo aan weli ku soconay Badda Adriya, markii habeen barkii la gaaray ayaa badmaaxyadii u maleeyeen iney dhulka ku soo dhawaadeen. Markaas ayey cabbireen biyihii oo waxey ogaadeen iney afartan mitir tahay. Wax yar markey socdeen ayey haddana qiyaas qaadeen oo waxey heleen soddon mitir. Waxey ka cabsadeen iney dhagaxyo ku dhacaan markaas ayey afar baroosin xagga dambe ee doonta ka dejiyeen waxeyna baryeen iney maalin u noqoto. Badmaaxyadii ayaa waxey isku dayeen iney doontii ka degtaan, sidaa darteed waxey biyaha ku dejiyeen doontii yarayd, iyagoo iska dhigaya iney baroosinkii doonta xageeda hore ka dejinayaan. Laakiin Bawlos ayaa ku yiri boqol u taliyihii iyo askartii, “Haddii badmaaxyadaan la joogaan markab idinkuna ma badbaadaysaan.” Markaas ayaa askartii xarigii doonta yar ku xirnaa gooyeen oo ey ku dhaafeen iney badda ku dhacdo. Laakiin intaan subixii la gaarin ayuu Bawlos ka baryay iyagii iney cunto cunaan oo wuxuu ku yiri, “Toban iyo afar maalmood welwel ayaa idin hayay waxna ma eydan cunin. Haddaba waxaan idin ka baryayaa inaad wax cuntaan. Waayo waad u baahantihiin inaad ku noolaataan, qofna ma dhiman doono ee welwelka iska dhaafa oo wax cuna.” Waxyaalahan markii uu yiri kadib ayaa Bawlos intuu kibis qaaday ayuu Illaahey u mahadceliyay, kadibna intuu kala gooyay ayuu cunay. Markaas ayaa kuligood dhiiranaadeen oo ey cunto cuneen. Dhamaan dadka doonta saaran waxaan ahayn 276. Markii qof walba cunay in ku filan ayey badarkii ayey badda ku tuureen si doonta khafiif u noqoto. Maalintii markii la gaaray ayaa iyagoo kala garaneynin dhulka ayey waxey arkeen meel xeeb ah, markaas ayey go’aansadeen iney meel dhul ah doonta dhigaan hadday awoodaan. Sidaa darteed waxey fureen xarigii baroosinka si ey biyaha uga dhex tagaan, iyagoo weliba xargaha badeelka doonta ku xiran ey ka fureen. Kadibna shiraacii ayey dabaysha usii daayeen, si ey dabaysha u geeyso illaa xeebta. Laakiin doontii dhulka ey ku dhacday, oo qeybteedii hore ayaa ku xayirantay dhoobo dhexdeeda. Xaggeda dambana wuu burburay hirarkii dartood. Markaas ayaa askartii waxey ku tashadeen iney maxaabiista dilaan si aan midkoodna u dabaalan oo uga baxsanin. Laakiin boqol u taliyihii ayaa rabay inuu Bawlos badbaadiyo sidaa darteed taladoodi wuu ka joojiyay. Wuxuu amray kuwii dabaasha yaqaanay iney biyaha galaan oo ey dhulka gaaraan. Kuwa kalana waa iney meesha ku tagaan jajabkii doonta oo sidaas ayuuna qof walba dhulka nabad ku tagay. Markaan nabad ku gaarnay biyaha qarkooda ayaan ogaanay jasiiraddaas iney tahay Melita. Kuwii halkaas deganaa aad ayey noogu naxariisteen. Roob ayaa markaas da’ayay oo qabow ayaa jiray sidaa darteed dab ayey noo shideen oo anaga oo dhan ayey na soo dhaweeyeen. Bawlos ayaa qoryo soo ururiyay oo dabka saaray, markaas ayaa kuleylkii dartiis mas intuu soo baxay Bawlos gacanta ka qaniinay. Kuwii halkaas deganaa ayaa markey arkeen maskii inuu gacanta Bawlos kasoo laalaado, ayey is dheheen, “Ninkan waa gacan ku dhiigle, inkastoo uu badda nabad kaga soo baxay, xaqnimadu uma ogolaanayso inuu noolaado.” Laakiin Bawlos intuu maskii gacantiisi ka ruxay ayuu dabkii ku tuuray isaga oo waxba aan gaarsiinin. Waxey u maleynayeen inuu bararo ama isla markiiba dhulka ku dhaco oo dhinto. Laakiin markey waqti badan sugeen ayey arkeen inaan waxba ku dhicin isagii, markaas ayey fikradoodi badaleen oo ey dheheen isagu waa illaahey. Meelahaas waxaa ku yaalay dhul uu iskalahaa nin la yiraahdo Bobliyos, taliyihii jasiiraddaas. Wuxuu na tusay deeqsinimo martigelin saddex maalmood. Bobliyos aabihiis ayaa xanuusanaa, wuxuu la xanuusanaa qandho iyo calool xanuun. Markaas ayaa Bawlos soo booqday oo gacanta saaray oo u duceeyay wuuna bogsiiyay. Markey arintaas dhacday ayaa dadkii jasiiradda deganaa oo xanuusanaa oo dhan wada yimaadeen waana la bogsiiyay. Aad ayey noo sharfeen, oo markaan safrayneyna wax walboo aan u baahneyn ayey nasiiyeen. Saddex bilood kadib ayaan waxaan ku safarnay doon ka timid Iskanderiya taas oo waqtigii qaboobaha jasiiradda joogtay, qeybta horena uu kaga sameysnaa madaxyada illaahyadii mataanaha ahaa. Waxaan imaanay magaaladii Surakus oo waxaan joognay saddex maalmood. Halkaasna waan ka tagnay oo waxaan gaarnay Regiyon. Maalintii ku xigtay dabayl ayaa ka timaaday dhinaca koonfurta, maalintii labaadna waxaan gaarnay Botiyolos. Halkaasna waxaan kula kulannay walaalaha oo nagu casuumay inaan hal isbuuc la joogno. Kadibna waxaan tagnay Rooma. Markaas ayaa walaalaha qaar ee joogay Rooma maqleen inaan imaanay markaas ayey ka yimaadeen suuqa Abbiyus iyo hoteelada waaweyn oo wey na la kulmeen. Bawlosna markii uu iyagii arkay ayuu Illaahey u mahadceliyay oo weliba dhiiranaaday. Markaan Rooma gaarneyna Bawlos waa loo fasaxay inuu kalinimo ku noolaado isaga oo askartu ilaalineyso. Saddex maalmood kadib ayaa Bawlos kulan iskugu wacay hogaamiyayaashii Yuhuudda. Markey isku yimaadeen ayaa Bawlos ku yiri, “Walaalayaalow, aniga oo aan wax xumaan ah ku sameynin dadkeena iyo caadada awoowayaasheen, ayaa waxaa la igu xiray Yeruusaalem oo weliba la ii dhiibay reer Rooma. Goortii su’aalo la i weydiiyay kadib reer Rooma waxey doonayeen iney isoo daayaan waayo qalad ey igu dilaan ma galin. Laakiin Yuhuuddu markey diideen ayaan waxaan dhahay dacwadeyda Kaysar ha dhageysto. Laakiin illaa hadda aniga dadkayga dacwo uma haysto. Waxyaalahan darteed ayaan weydiistay inaan idin arko oo aan idin la hadlo. Rajadii reer binu Israa’iil darteed ayaan silsiladaan ugu xiranahay.” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Anagu wax warqad ah oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama helin, dadkeenana wax xumaan ah oo ey kaa soo sheegeen ma laha. Laakiin waxaan jeclaan lahayn inaad noo sheegtid fikradaada, waayo waan ognahay in meel walba dadku kaa hadlaan.” Waxey isku raaceen iney maalin Bawlos la kulmaan, markaas ayaa iyagoo badan gurigiisi yimaadeen. Bawlosna wuxuu kala hadlay oo marqaatifuray waxyaalo ku saabsan Boqortooyada Illaahey subaxdii illaa galabtii. Wuxuu isticmaalay sharciga Muuse iyo buugaagta nebiyada inuu qalbiyadooda ku soo celiyo Ciise. Qaar ayaa ku qancay hadaladiisi qaar kalana ma rumeysan. Iyagii ayaa dhexdooda ka heshiin waayey markaas ayey kala tageen Bawlos goortii uu hadalkan ugu dambeeya yiri, “Ruuxa Quduuska ah waxyaala run ah ayuu kala hadlay awoowayaasheen siduu nebi Isayos sheegay. “Oo waxaad dadkan ku dhahdaa waad maqli doontaan laakiin weligiin ma fahmi doontaan, waad fiirin doontaan laakiin waxba ma arki doontaan. Waayo dadkan qalbiyadoodu wey qalaafsanaadeen, wax dhegahooda kuma maqlaan indhahoodana wey xireen. Haddii kale indhaha wax wey ku arki lahaayeen, oo dhegahoodana wax ayey ku maqli lahaayeen, qalbigoodana wax ayey ku fahmi lahaayeen oo wey soo laaban lahaayeen, oo aniguna waan cafin lahaa.” Markaas ayaa Bawlos yiri, “Sidaa darteed waxaan doonayaa inaad ogaataan badbaadadii Illaahey waxa loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn, weyna dhageysan doonaan!” [ Goortuu waxyaalahaas dhahay ayaa Yuhuuddii kala tageen iyagoo aad iskugu buuqayo.] Laba sano Bawlos wuxuu deganaa guri uu kireystay oo halkaas ayuu kuwa u yimaada ku soo dhaweynayay. Geesinimo iyo xornimo ayuu boqortooyada Illaahey ku wacdinayay oo dadkana barayay waxyaalaha ku saabsan Rabbigeena Ciise Masiix. Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah adeegihii Ciise Masiix, Illaaheyna u doortay inuu rasuul noqdo, loona diray inuu wacdiyo warka wanaagsan. Illaahey warkan wanaagsan waqti hore ayuu ballanqaaday sida ey nebiyadiisu ku sheegeen qorniinka Quduuska ah. Warkaas wanaagsan oo ku saabsan wiilkiisa, kaasoo xagga jirka ahaa farcankii Daa’uud. Laakiin Ruuxa Quduuska ah ayaa cadeeyay inuu yahay Wiilka Illaahey ee awoodda leh markii uu kasoo sarakacay dhimashada, waana Sayidkeena Ciise Masiix. Dartiis ayaan ku helnay nimcada iyo shaqada rasuulnimo aan dadka aan Yuhuudda ahayn ugu yeerno adeecidda ku timaada iimaanka magaciisa dartiis. Idinkuna waxaad ka mid tihiin dadkaas aan Yuhuudda ahayn kuwaasoo loogu yeeray inuu doortay Ciise Masiix. Waan idin salaamay dhamaan kuwa Rooma degan ee uu Illaahey jecel yahay uuna ugu yeeray dadkiisa quduuska ah. Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Ugu horeyn waxaan magaca Ciise Masiix Illaahey ugu mahadcelinayaa idinka dartiin, sababtoo ah iimaankiina waxaa laga ogaaday aduunka oo dhan. Illaaha aan ruuxdeyda ugu adeego si ey u faafiso warka wanaagsan ee Wiilkiisa, ayaa marqaati iiga ah sida aan mar walba ducada idin kugu xasuusto. Mar walbana waxaan Illaahey ka baryaa iney ii suurto gasho inaan idin soo booqdo. Waxaan u xiisa qaaba inaan idin arko oo aan idin la wadaago hadiyadaan mid la mid ah taas oo uu Illaahey Ruuxiisa i siiyay. Kadib iimaankiinu wuu xoogeysanayaa. Waxaan idin ku leeyahay waa inaan isku dhiirigelinaa iimaankeena. Walaalayaalow, waxaan rabaa inaad ogaataan inaan wax badan qorshaynayay inaan idin soo booqdo. Laakiin mar walba wax ayaa iga celinayay inaan sameeyo. Waxaan rabaa inaan ku guuleysto inaan idin ka dhex helo xer badan oo raacsan Masiixa, sidii aan uga dhex helay dadka aan Yuhuudda ahayn ee meelaha kale jooga. Waxaa igu waajib ah inaan u wacdiyo Gariigga iyo kuwa aan Gariigga ahayn, kuwa caqliga leh iyo kuwa doqomada ah. Waa sababta aan ugu dhiiranahay inaan idiin wacdiyo warka wanaagsan kuwiina jooga Rooma. Kumana dareemayo ceeb warka wanaagsan, sababtoo ah waa awoodda Illaahey ee keenta badbaadada uu helo qof walboo aaminsan, ugu horayn Yuhuudda kadibna dadka aan Yuhuudda ahayn. Waayo warka wanaagsan ayaa lagu muujiyay xaqnimada Illaahey, xaqnimadaas oo ah iimaan bilowgii illaa dhamaadkii, sida uu qorniinku inoo sheegayo, “Kuwa xaqa ah waxey ku noolaan doonaan iimaan.” Carada Illaahey ayaa samada laga muujiyay iyadoo ku socota sharta iyo waxyaalaha xumaanta ah oo ey dadka dembiilayaasha ah sameeyaan, si ey u qariyaan runta. Waayo wey garanayaan runta Illaahey, sababtoo ah Illaahey ayaa u cadeeyay. Illaahey awooddiisa weligeed ah iyo dabeecadiisa lama arki karo. Laakiin illaa bilowgii dunida la abuuray, Illaahey awooddiisa iyo dabeecadiisa rabaaniga ah waxaa laga dhex arki karaa waxyaalaha uu sameeyay, taasina waa sababta eysan dadku cudur daar u lahayn. Waayo Illaahey wey garanayaan, laakiin ma ammaanaan mana u mahadceliyaan. Waxey ku fikiraan wax aan qiimo lahayn qalbiyadooda aan garashada lahaynna wey madoobaadeen. Inkastoo ey isku sheegaan kuwo caqli leh laakiin waa doqomo. Ammaanta Illaahey ee weligeed ah ayey ku beddeleen sanamyo loo ekeysiiyay binu aadan aan waareyn, shimbirro, xayawaan iyo xamaarato. Haddaba Illaahey wuxuu u ogolaaday iney damacooda raacaan. Wax walboo ey rabeen ayey sameeyeen, fikradahoodi xumaana waxey ku kalifeen iney waxyaalo xun midkood midka kale jirkiisa ku sameeyo. Runta Illaahey ayey been ku badasheen, waxeyna caabudeen waxyaalo uu Illaahey abuuray intey Illaahey caabudi lahaayeen. Kaasoo weligiis ammaanan. Aamiin. Sidaa darteed Illaahey wuxuu u ogolaaday iney damacooda xun raacaan. Xitaa dumarkoodu waxey galmadii dabiiciga ahayd ku beddesheen mid aan dabiici aheyn. Sidoo kalana nimankii waxey ka tageen galmadii dabiiciga ahayd ee dumarka waxeyna damac xoog leh u qaadeen niman kale. Waxey isku sameeyeen ficilo ceeb ah, waxa ku dhacayna waa ciqaabtii ficiladoodi doqonnimada ahaa. Haddaba markey u maleeyeen in eysan qiimo laheyn in Illaahey laga fikiro, ayuu Illaahey u ogolaaday in caqligooda aan garashada laheyn uu maamulo. Waana sababta ey u sameeyaan waxyaalo aan loo baahneyn in la sameeyo. Waxaa ka buuxsamay shar oo dhan, xumaan, hunguri weyni iyo naceyb. Waxey rabaan waxyaalaha ey dadka kale heystaan, wax ayey dilaan, wey dood badan yihiin, wax ayey khiyaanaan in lala macaamilana wey adagtahay. Wax ayey xantaan, wax xun ayey dadka ka sheegaan, Illaaheyna wey neceb yihiin, waa dad rabshad badan oo isla weyn, wey madax adagyihiin oo wey faanaan. Waxey ka fikiraan wado cusub oo ey xumaan ku sameeyaan dadkani waalidkood ma ixtiraamaan. Wax ma fahmaan, la iskuma haleyn karo, jaceyl iyo naxariisna ma lahan. Inkastoo ey garanayaan qeynuunka xaqa ah ee Illaaha kuwa waxyaalahaas sameeya waxey mudanyihiin dhimasho. Ma sameeyaan oo kaliya waxyaalahaas laakiin waxey ansaxiyeen kuwa ku dhaqma. Waxaa laga yaabaa inaad istiraahdaan waad xukumi kartaan dadkaas, laakiin sidooda oo kale ayaad u xuntihiin, wax cududaar ahna ma haysataan! Wixii aad dadka ku xukuntaan ayaad ku xukumantihiin, waayo idinkan wax xukumaya ayaa sidaas oo kale sameeya. Waan ognahay in Illaahey ku saxsan yahay inuu xukumo qof walboo sidaas u dhaqma. Haddaba miyaad u maleysaan in uusan Illaahey idin ciqaabi doonin, markaad u dhaqantaan sida kuwa aad eedeyneysaan? Wax badan kama fikirtaan miyaa wanaaga Illaahey ee la yaabka leh ama dulqaadkiisa. Ma ogidiin miyaa sababta uu Illaahey idin kugu wanaagsan yahay iney tahay inuu rabo inaad u toobadkeentaan? Laakiin madax adeegiina iyo qalbi aan toobadkeenka lahayn daraadeed, waxaad isku badineysaan carada Illaahey maalinta Illaahey aduunka xaq ku xukumayo. Illaahey “Wuxuu qof walba ku abaalmarin doonaa wuxuu sameeyay.” Wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah kuwa si joogto ah u sameeyay waxa wanaagsan iyagoo rajeynaya iney helaan ammaan, sharaf iyo nolol aan dhamaaneyn. Laakiin wuxuu tusi doonaa caradiisa kuwa naftooda kaliya ka fikira oo diida runta xumaan falayaashana ah. Waxaa ku dhici doona dhib iyo rafaad kuwa xumaan falayaasha ah, marka hore Yuhuudda kadibna dadka aan Yuhuudda ahayn. Laakiin kuwa wanaaga sameeya waxaa lagu abaalmarin doonaa ammaan, sharaf iyo nabad, marka hore Yuhuudda kadibna dadka aan Yuhuudda ahayn. Waayo Illaahey dadka uma kala eexdo. Dhamaan kuwa aanan sharciga Illaahey garaneyn ee dembaaba waxaa lagu xukumi doonaa xumaantey sameeyaan. Kuwa sharciga garanaya ee dembaabana waxaa lagu xukumi doonaa sharcigii ey jabiyeen. Waayo ma aha kuwa sharciga maqla iney Illaahey hortiisa ka yihiin xaq, laakiin waxaa xaq ah kuwa sharciga adeeca. Dadka aan Yuhuudda ahayn kuwaasoo aan haysanin sharciga Illaahey, waxey tusaan iney sharcigiisa haystaan oo si dabiici ahna u adeecaan, inkastoo eysan maqlin. Arintaas waxey muujineysaa in damiirku yahay sida sharci ku qoran binu aadanka qalbigooda, wuxuuna natusayaa in na la cafiyay ama na la xukumay. Waxan oo dhan waxaa la arki doonaa maalinta uu Illaahey oo adeegsanaya Ciise Masiix xukumayo dadka sirahooda qarsoon, waana sida uu injiilkeygu idiin sheegayo. Idinkan iskugu yeera Yuhuudda, waxaad isku haleysaan sharciga waxaadna ku faantaan Illaahey. Haddii aad garaneysaan doonistiisa oo aad aqbasheen waxa wanaagsan waayo waxaa idin hagayay sharciga. Waxaad ku qanacdeen inaad hogaan u tihiin kuwa indhoolayaasha ah iftiinna aad u tihiin kuwa mugdiga ku lunsan. Waxaad u maleysaan inaad hagi kartaan kuwa aan aqoonta lahayn ciyaalkana bari kartaan wadada Illaah. Waayo waxaad hubtaan sharciga Illaahey inuu idin siinayo aqoon dhameystiran iyo run. Haddaba sidee ayaad dadka wax u bari kartaan idinkoo diidan inaad wax barataan? Waxaad dadka kale ugu wacdisaan in eysan wax xadin, laakiin idinku wax ma xadaan miyaa? Waxaad tiraahdaan waa dembi in la sineysto, laakiin idinku ma sineysataan miyaa? Waxaad xukuntaan kuwa sanamyada caabuda, laakiin soo ma isticmaashaan alaab laga soo xaday macbadyada kuwa aan Illaahey garaneyn? Waxaad ku faantaan inaad garaneysaan sharciga, laakiin waxaad ceebeysaan magaca Illaahey markaad sharciga jabisaan. Waana sida uu kitaabku inoo sheegayo, “Dadka aan Yuhuudda ahayn waxey caayaan magaca Illaahey idinka dartiin.” Gudniinku wuxuu qiimo leeyahay markaad adeecdo sharciga Illaahey. Laakiin haddii aadan adeecin sharciga Illaahey, kama qiimo badnid qofka aan gudneyn. Haddaba haddii dadka aan gudneyn sharciga Illaahey adeecaan, miyuusan Illaahey ka dhigeyn dadkiisi? Runtii kuwa aan jir ahaan gudneyn ee adeeca sharciga ayaa idin xukumi doona idinkan Yuhuudda gudan ee haysta sharciga qoran iyo gudniinka laakiin idinku waxaad tihiin kuwa jebiya sharciga. Qofna Yuhuud kuma noqon karo muuqaalka oo kaliya, ama guudniinka jir ahaaneed. Yuhuudnimada dhabta ah waa inaad qalbigaaga Illaahey ku xirto. Gudniinka dhabta ahna ma aha waxa jirkaaga lagu sameeyay ee waa gudniinka qalbiga ee ka yimaada Ruuxa. Qofka qalbigiisu beddelmayna wuxuu ammaan ka sugaa Illaahey ee dadka kama sugo. Haddaba maxey tahay faa’iidada ku jirta inaad ahaato Yuhuudi? Guditaankuna wax qiima ah ma leeyahay? Haa, waxey leedahay faa’iidooyin waaweyn! Ugu horeyn, fariimaha Illaahey waxaa lagula aaminay Yuhuudda. Waa run in qaarkood eysan aaminin fariintii Illaahey. Laakiin taasi miyey macnaheedu tahay inaan Illaahey la aamini karin, iimaan daridooda darteed? Dabcan maya! Illaahey run ayuu sheegaa xitaa haddii dadka oo dhan been sheegaan. Sida qorniinka ku qoran, “Ereyadaada ayaa lagu cadeyn doonaa inaad tahay mid xaq ah markaad wax xukuntidna waad ku guuleysan doontaa.” Laakiin haddii xaq daradeenu ey u keeneyso xaqnimada Illaahey si cad, haddaba maxaan dhihi karnaa? Ma qalad ayaa inuu Illaahey ahayn mid xaq ah markii uu caradiisa noo keeno? Arintan waa aragti binu aadan. Laakiin jawaabtu waa maya! Haddii arintaas run tahay sidee ayuu Illaahey aduunka xaq ugu xukumi karaa? Waxaa laga yaabaa inuu qof ku doodo, “Haddii ficiladeyda xun ey dadka tusayaan runta Illaahey korna u qaadayaan ammaantiisa, haddaba maxaa la iigu xukumayaa dembiile?” Dadka qaarna wey nagu been abuurtaan iyagoo dhahaya waxaan niraahnaa, “Kaalaya aan xumaan sameynee si wanaag uga yimaado!” Laakiin Illaahey waa xaq wuuna xukumi doonaa iyaga. Haddaba miyaan kusoo gunaanadnaa in anagan Yuhuudda ah aan ka fiicannahay dadka kale? Maya, sidaas ma aha, waayo horay ayaan u sheegnay in dadka oo dhan Yuhuud iyo dadka aan Yuhuudda ahaynba ey ku hoos jiraan awoodda dembiga. Sida uu qorniinku leeyahay, “Qof xaq ah ma jiro, xitaa hal qof. Qof wax fahmaa ma jiro, qof Illaahey doondoonana ma jiro. Dhamaan wey lumeen, waxeyna noqdeen qiimo la’aan. Qof wax wanaagsan sameeyaa ma jiro, xitaa hal qof.” “Hungurigoodu waa xabaal furan, carrabkooduna khiyaano sameeyaa.” “Bishimahooda waxaa saaran sunta abeesada.” “Afafkooda waxaa ka buuxa habaar iyo naceyb.” “Cagahoodu waxey u ordaan iney dhiig daadiyaan, meel walba waxey geeyaan burbur iyo hoog, mana garanayaan sida nabad loogu noolaado.” “Illaahey kama cabsadaan.” Haddaba waxaan ognahay wax walboo sharcigu sheego, wuxuu u sheegaa kuwa sharciga ku hoos jira. Sharcigu wuxuu waxyaalahan u sheegaa si dadku eysan cududaar u helin, aduunka oo dhanna loo tuso iney dembiile Illaahey hortiisa ku yihiin. Waayo qofna xaq kuma noqon karo sameynta wuxuu sharcigu amrayo. Sharcigu wuxuu na tusaa sida aan dembiile u nahay. Laakiin hadda wuxuu Illaahey na tusay wado aan xaq ku noqon karno inagoo aan sharciga marayn, sidii mar hore loogu marqaatifuray kitaabadii Muuse iyo nebiyada. Illaahey wuxuu xaq nooga dhigay aaminaadaan aaminnay Ciise Masiix darteed. Farqina ma laha haddaad tahay Yuhuudi iyo haddii kale. Waayo dadka oo dhan wey dembaabeen, weyna gaari waayeen ammaanta Illaahey. Laakiin waxaa kuli xaq looga dhigay nimcada Illaahey taas oo ku timid furashada Ciise Masiix. Waayo Illaahey wuxuu soo diray Ciise si uu noogu noqdo allabariga dembidhaafka. Dadka waxaa xaq laga dhigaa markey aaminaan in Ciise iyaga u bixiyay naftiisa isaga oo dhiigiisa daadiyay. Illaaheyna wuxuu sidan u sameeyay si uu u muujiyo xaqnimadiisa markii uu samray oo uusan ciqaabin kuwii horey u dembaabay. Illaahey wuxuu sidoo kale sidan u sameeyay si uu u muujiyo inuu xaq yahay illaa waqtigan la joogo, xaqna ka dhigo qof walboo Ciise aamina. Haddaba miyaan ku faani karnaa inaan sameynay wax aan xaq ku noqon karno? Maya, furashadeenu kuma xirna adeecitaanka sharciga, waxey ku xirantahay rumeysi. Sidaa darteed waxaa xaq nalooga dhigay rumeysad dartiis ee ma aha inaan sharciga adeecnay. Illaahey ma Illaaha Yuhuudda oo kaliyaa? Miyuusan sidoo kale ahayn Illaaha dadka aan Yuhuudda ahayn? Haa, wuu yahay Illaaha dadka aan Yuhuudda ahayn. Hal Illaah oo kaliya ayaa jira, wuxuuna kuwa gudan xaq kaga dhigaa rumeysad, sidoo kale dadka aan Yuhuudda ahaynna isla iimaankaas. Haddaba miyaan rumeysadka ku burinnaa sharciga? Maya lagama yaabo! Runtii markaan rumeysad heysano ayaan xooggeynaa sharciga. Haddaba Ibraahim wuxuu u hadlayay sida binu aadan caadi ah, kaasoo ah midka dadka Yuhuudda ka imaadeen. Haddaba muxuu ogaaday oo ku saabsan la heshiiska Illaahey? Haddii uu Ibraahim xaq ku noqon lahaa shaqooyin uu sameeyay, wuxuu haysan lahaa wax uu ku faano. Laakiin Illaahey hortiisa kuma uusan faani karin. Waayo qorniinku wuxuu na leeyahay, “Ibraahim wuxuu aaminay Illaahey, iimaankiisa dartiis ayaana xaq looga dhigay.” Haddaba midka shaqeeya mushaharkiisu hadiyad ma aha, laakiin waa sida qan. Laakiin Illaahey kuguma aqbalayo shaqo wanaagsan oo aad sameysay. Illaahey wuxuu dembiilayaasha xaq uga dhigaa iimaankooda oo kaliya. Daa’uudna arintan wuu ka hadlay markii uu sharaxayay barakadii kuwa Illaahey xaqa ka dhigay iyagoo aan shaqeysan, “Waxaa barakeysan kuwa caasinimadooda la cafiyay, dembiyadooduna la daboolay. Waxaa barakeysan kuwa uusan Illaahey dembiyadooda u xisaabin.” Haddaba barakadaan ma waxaa leh kuwa la guday oo kaliya mase sidoo kale dadka aan Yuhuudda ahaynna wey leeyihiin? Waxaan dhahnaa Ibraahim iimaankiisa dartiis ayaa xaq looga dhigay. Laakiin goormay arintaasi dhacday? Ma waxey ahayd markii la guday kadib mise intaan la gudin? Gudniinka kadib ma ahayn ee waxey ahayd gudniinka ka hor! Wuxuu gudniinka ku helay calaamad, shaabadda xaqnimada taas oo u ku lahaa iimaan inta aan weli la gudin. Sidaa darteed waa aabaha dhamaan kuwa aaminay laakiin aan gudneyn, si ey xaqnimada u helaan. Sidoo kale Ibraahim waa aabaha kuwa gudan oo ma aha kaliya iney gudanyihiin laakiin waa iney iimaan leeyihiin, sidii uu Ibraahim iimaanka u lahaa intaan la gudin ka hor. Wey cadahay Illaahey inuu Ibraahim iyo farcankiisa ka ballan qaaday iney dhaxli doonaan aduunka oo dhan. Ballan qaadkan kuma imaan in Ibraahim adeecay sharci, laakiin Ibraahim iimaankiisa ayaa xaq ka dhigay. Haddii Ibraahim iyo farcankiisa lagu siiyay ballankan sharci ey adeeceen dartiis, haddaba iimaanku muhiim ma aha ballan qaadkuna qiimo ma laha. Waayo sharcigu wuxuu keenaa caro. Haddaba meel uu sharci ka jiro dembina wuu ka jiraa. Sidaa darteed ballan qaadku wuxuu ku yimaadaa iimaan, waxaana na loo siiyay nimco ahaan. Ballan qaadkan ma laha Ibraahim farcankiisa ee sharciga haysta oo kaliya, laakiin sidoo kale waxaa leh kuwa leh iimaankii Ibraahim. Ibraahim waa aabaha kuwa iimaanka leh. Sida kitaabku leeyahay, “Waxaan kaa dhigay aabaha dad badan.” Ballan qaadkan waxaa la siiyay Ibraahim waayo wuxuu rumeysnaa Illaaha soo nooleeya kuwa dhintay wax aan jirinna ka abuura waxyaalo cusub. Xitaa markii uu rajo la’aanta ahaa, Ibraahim wuxuu aaminay inuu noqon doono aabaha quruumo badan. Waayo Illaahey ayaa ku yiri, “Farcankaagu sidan oo kale ayey u badan doonaan.” Ibraahim iimaankiisuna weligiis ma daciifin. Wuxuu ku tagay xaqiiqdii jirkiisa oo ahaa sida meyd mar hadduu jiray boqol sano, minka Saarana sidoo kale meyd ahaa. Laakiin Ibraahim weligiis kama shakinin su’aalna kama keenin ballanqaadka Illaahey. Iimaankiisuna wuu sii xooggeystay, ammaanta oo dhanna wuxuu siiyay Illaahey. Wuxuu hubay in Illaahey awoodo inuu ballankiisa oofiyo. Waana sababta loo yiri, “Iimaankiisa dartiis ayaa xaq looga dhigay.” Qoraalkan “Iimaankiisa dartiis ayaa xaq looga dhigay” Ibraahim oo kaliya looma qorin. Sidoo kale anagana waa na loo qoray, waxayna noo xaqiijineysaa in Illaahey xaq naga dhigi doono haddii aan rumeyno, kan dhimashada kasoo sarakiciyay Sayidkeena Ciise. Illaahey wuxuu Ciise dadka ugu gacangeliyay inuu dembiyadeena u dhinto, wuxuuna u soo sarakiciyay si uu xaq nooga dhigo. Sidaa darteed iimaankeena oo xaq nalooga dhigay darteed, waxaa Illaahey nagala dhaxeysa nabad aan ku helnay Sayidkeena Ciise Masiix. Kaasoo aan dartiis rumeysad ku galnay nimcada aan ku dhex jirno. Waxaanna ku faraxnaa rajada ammaanta Illaah. Sidoo kale waan faraxnaa markaan dhibaatooyin iyo silac la kulanno, waayo waan ognahay in silacu nagu caawiyo inaan dulqaad lahaanno. Dulqaadkuna wuxuu noo keenaa adkeysi, kaasoo na siiya rajo. Rajaduna ceeb nooma keento, waayo Illaahey wuxuu na siiyay Ruuxa Quduuska ah kaasoo qalbiyadeena ka buuxiyay jaceylkiisa. Waayo Masiixa ayaa noo dhintay waqti aan ahayn kuwo awood daran oo dembiilayaal ah. Ma jiro qof raba inuu u dhinto qof xaq ah, inkastoo laga yaabo qof inuu isku dayo inuu u dhinto qof wanaagsan. Laakiin Illaahey wuxuu jaceylkiisi nagu tusay sidan, anaga oo weli dembiile ah ayuu Masiixu noo dhintay. Mar haddii aan dhiigga Ciise xaq ku noqonay, intee ka badan ayaan carada Illaahey ka badbaadi doonaa! Waayo haddii markaan Illaahey cadowgiisa ahayn, aan kula heshiinay dhimashada Wiilkiisa, haddaba waa hubaal inaan ku badbaadi doonno nolosha Wiilkiisa. Hadda waan ku farxi karnaa xiriirka cajiibka ah ee aan la leenahay Illaahey, waayo Sayidkeena Ciise Masiix ayaa saaxiib nagala dhigay Illaahey. Haddaba sidii uu dembigu hal nin dartiis aduunka ugu soo galay, dhimashaduna ey ku timid dembiga dartiis. Sidaa darteed qof walba waxaa ku waajibay dhimasho waayo qof walba wuu dembaabay. Runtii dembigu duniduu ku jiray inta uusan sharcigu imaan ka hor. Laakiin dadka dembigooda looma qori jirin waayo sharci xukuma ma jirin. Si kastaba ha ahaatee qof walba wuu dhimanayay laga soo bilaabo waqtigii Aadan illaa waqtigii Muuse. Xitaa waxaa dhimanayay kuwii aan ku dembaabin sharciga Illaahey xaggiisa ka yimid, sidii Aadan sameeyay. Aadan wuxuu calaamad u ahaa Masiixii imaan rabay. Laakiin farqi weyn ayaa u dhaxeeya dembigii Aadan iyo Illaahey hadiyadiisa. Waayo dembiga Aadan ayaa dad badan dhimasho u keenay. Laakiin waxaa kasii weyn Illaahey nimcadiisa iyo cafintiisa ee aan ku helnay Ciise Masiix. Natiijada Illaahey nimcadiisana aad ayey uga duwan tahay natiijada dembigii Aadan. Waayo dembigii Aadan wuxuu dadka u keenay ciqaab, laakiin hadiyada Illaahey waxey naga dhigtay xaq, inkastoo aan marar badan dembaabnay. Haddaba haddii dembigii Aadan dartiis ey dadku ku xukunnaayeen dhimasho, intee ka badan ayey kuwa helay nimcada Illaahey iyo hadiyada xaqnimada ku raaxeysanayaan nolol Ciise Masiix dartiis. Qof walba ciqaab ayaa ku waajibneyd dembigii Aadan dartiis. Laakiin wixii wanaagsanaa ee uu Masiixu sameeyay dartiis, Illaahey wuxuu naga dhigay xaq wuxuuna na siiyay hadiyada nolosha ah. Aadan wuxuu ku caasiyay Illaahey wuxuuna dad badan ka dhigay dembiilayaal. Laakiin Ciise ayaa adeecay Illaahey wuxuuna dad badan ka dhigi doonaa xaq. Sharcigu wuxuu u yimid si ey dadku u arkaan sidii ey dembiile u yihiin. Laakiin markii dembigii batay Illaahey nimcadiisina wey sii badatay. Haddaba sidii uu dembiga dadka ugu keenay dhimasho ayaa nimcada Illaaheyna dadka ugu keentay xaqnimo iyo nolosha weligeed ah ee aan ku helnay Sayidkeena Ciise Masiix. Haddaba maxaan niraahnaa? Miyaan ku sii soconaa dembiga si nimcada Illaahey usii badato? Maya lagama yaabo! Waayo waxaa na lagu xukumay dhimasho dembiga dartiis, haddaba sidee ayaan dembi ugu noolaaneynaa? Mise miyeydan ogayn in kuweena lagu baabtiisay Ciise Masiix sidoo kalana lagu baabtiisay dhimashadiisi? Waayo markii na la baabtiisay, waan dhimanay waxaana nalala aasay Masiixa. Sidii uu Ciise dhimashada uga soo sarakacay ammaanta Illaaha Aabaha ah ayaan inaguna hadda ugu noolaaneynaa nolol cusub. Haddii aan Ciise baabtiiska kula wadaagnay dhimashadiisa, sidoo kalana waan la wadaageynaa sarakicidda si aan ula noolaanno isaga. Waayo waan ognahay in nolosheeni hore Ciise lagula qodbay iskutallaabta, si jirkeena dembiga badan loo baabi’iyo, mar dambana aanan dembiga adoon ugu ahaanin. Waayo markaan la dhimanay Masiixa ayaa naga xoreeyay awooddii dembiga. Hadda haddii aan la dhimano Masiixa, waxaan aaminsanahay inaan la noolaan doono isaga. Waan hubnaa in dembigu uusan Masiixa korkiisa awood ku lahayn. Wuu dhintay waana la soo sarakiciyay, isaga oo aan mar labaad dhimaneyn. Markii uu Masiixa dhintay dembiga oo dhan ayuu hal mar u dhintay. Laakiin hadda wuxuu u nool yahay ammaanta Illaahey. Sidaas si la mid ah, idinkuna isku tiriya inaad awoodda dembiga ka dhimateen. Laakiin Ciise Masiix ayaa nolol idin siiyay, waxaadna u nooshihiin Illaahey. Sidaa darteed ha u ogolaanina dembigu inuu u taliyo jirkaaga aan dhimaneyn, oo aad adeecdid damacyadiisa xun xun. Ha u ogolaanina qeyb jirkiina ka mid ah iney noqoto qalab shar ah oo u adeega dembiga. Laakiin si dhameystiran naftiina u siiya Illaahey, waayo waxaad ahaydeen kuwo dhintay, laakiin hadda waxaad hesheen nolol cusub. Haddaba u isticmaala jirkiina sidii qalab waxa xaqa ah loogu sameeyo ammaanta Illaahey. Dembiga sayid idiin ma aha mar dambe, waayo sharciga kuma hoos jirtaan, laakiin waxaad ku hoos jirtaan nimcada Illaahey. Haddaba waxan oo dhan muxuu macnahoodu yahay? Miyuu macnahoodu yahay waxaan xor u nahay inaan dembaabno, waayo ma hoos joogno sharciga ee waxaan hoos joognaa nimcada Illaahey? Maya lagama yaabo! Miyeydan ogayn inaad adoon u tihiin qofkii aad adeecdaan? Waxaad adoon u noqon kartaan dembiga kaasoo dhimasho dadka ku haga, ama waxaad noqon kartaan adoomo adeeca Illaahey waxaadna noqoneysaan xaq. Waxaad adoon u ahaan jirteen dembiga. Laakiin waxaan Illaahey ugu mahadcelinayaa inaad qalbigiina ka adeecdeen waxbaridan idin siiyay oo dhan. Hadda waxaad xor ka noqoteen dembiga waxaadna noqoteen adoomo Illaahey oo xaq ah. Jirkiina daciifnimadiisa darteed ayaan u isticmaalayaa tusaalaha adoonnimada si aan idin kaga caawiyo inaad arimahan fahantaan. Horey wuxuu jirkiinu adoon ugu ahaa fikradihiina xun xun. Hadda waa inaad jirkiina u hibeysaan xaqnimada si aad quduus u noqotaan. Markaad dembiga adoomada u ahaydeen, waxaad xor ka ahaydeen xukunka xaqnimada. Haddaba waqtigaas maxaa faa’iido ah oo aad ka haysateen waxyaalaha aad hadda ka xishooneysaan? Kuwaasoo ey natiijadoodu tahay dhimasho! Laakiin hadda oo aad xor ka noqoteen dembiga oo aadna noqoteen adoomadii Illaahey, waxey idin ka dhigeysaa quduus waxeyna idin ku hageysaa nolosha weligeed ah. Waayo abaalgudka dembigu waa dhimasho, laakiin hadiyada Illaahey waa nolosha weligeed ah ee lagu helo Sayidkeena Ciise Masiix. Walaalayaalow waad garaneysaan in sharcigu qabto dadka nool oo kaliya. Tusaale ahaan, sharcigu wuxuu leeyahay naagtu waxey ku xirantahay ninkeeda intuu nool yahay. Laakiin hadduu dhinto waxey ka xoroobeysaa sharcigii ninkeeda ku xirayay. Haddaba intuu ninkeedu nool yahay, haddey nin kale guursato waxey noqoneysaa mid sineysatay. Laakiin hadduu ninkeedu dhinto, sharcigii ninkeeda ku xirayay wey ka xorowday, sinana ma aha haddey nin kale guursato. Haddaba walaalayaalow waxaad awoodda sharciga ka dhimateen markaad Ciise jirkiisa la dhimateen. Haddana waxaad la midowdeen Masiixa kaasoo dhimashada ka sarakacay, si aan Illaahey ugu adeegno. Markii uu jirkeenu na maamulayay, damacyadii dembiga ee sharcigu ka yimid ayaa naga dhex shaqeynayay, si aan u bixino miraha dhimashada. Laakiin hadda waan ka xorownay sharciga, waxaanna nahay sidii kuwo dhintay sharciguna awood korkeena kuma laha. Hadda Illaahey waxaan ugu adeegi karnaa wadadan cusub ee ah inaan adeecno Ruuxdiisa, mana aha wadadii hore ee ahayd inaan adeecno sharci qoran. Haddaba ma waxaan dhaheynaa sharcigu waa shar? Maya lagama yaabo! Haddii uusan sharcigu jiri lahayn, ma aanan ogaadeen dembigu wuxuu yahay. Tusaale ahaan ma aanan ogaadeen waxey tahay rabitaanka wax qof kale leeyahay, hadduusan sharcigu i dhihi lahayn “Dadka kale waxooda ha damcin.” Dembiga oo adeegsanaya amarkan ayaa iga buuxiyay damac badan oo aan u qabo waxa dadka kale leeyihiin. Laakiin sharciga la’aantiis, dembigu awood ma laha. Inta aanan sharciga maqlin ka hor waan noolaa. Laakiin markaan amarkaas maqlay dembiga wuu noolaaday aniguna waan dhintay. Waxaan ogaaday amarkii nolosha ii keeni lahaa inuu ii keenay dhimasho. Waayo dembiga oo adeegsanaya fursada uu amarkan siiyay ayaa i khiyaanay iguna hagay dhimasho. Sidaas oo ey tahay, sharcigu waa quduus, amaraduna waa quduus, waana xaq weyna wanaagsan yihiin. Laakiin sidee ayey ku dhici kartaa? Ma waxaan leeyahay sharcigoo wax wanaagsan ah ayaa dhimasho ii keenay? Maya lagama yaabo! Dembiga ayaa dhimasho ii keenay isaga oo isticmaalaya wax wanaagsan. Haddaba waan arki karnaa sida uu dembigu u xunyahay. Waan ognahay in sharcigu ruuxi yahay, laakiin anigu waxaan ahay binu aadan dembiga adoon u ah. Xaqiiqdii ma fahmo waxyaalaha aan sameeyo. Waayo waxa aan rabo inaan sameeyo ma sameeyo, laakiin waxa aanan rabin inaan sameeyo ayaan sameeyaa. Inkastoo aanan sameynin waxa aan ogahay iney wanaagsan yihiin, waan ogolahay in sharcigu wanaagsan yahay. Haddaba aniga ma aha midka sameynaya waxyaalaha sharta leh, laakiin waa dembiga igu dhex nool. Waayo waan ogahay in uusan wanaag igu jirin waana dabcigeyga. Waayo waxaan rabaa inaan wax wanaagsan sameeyo, laakiin ma awoodo. Intaan wax wanaagsan sameyn lahaa waxaan sameeyaa waxa xun. Haddaba haddaan sameeyo waxa aanan rabin, aniga ma aha qofka sameynaya, laakiin dembiga igu dhex nool ayaa sameynaya. Sharcigu wuxuu i tusay in sharta igu dhex jirtaa ey iga celineyso inaan sameeyo waxa wanaagsan. Waayo sharciga Illaahey qalbigeyga oo dhan ayaan ka jeclahay. Laakiin sharci kale ayaa iga dhex shaqeynaya, kaasoo la dagaalamaya caqligeyga adoonna iiga dhigaya dembiga igu dhex nool. Alla maxaan qof xun ahay. Yaa iga furanaya jirkan ku xukuman dhimashada? Waxaa mahad leh Illaahey, kaasoo igu furtay Sayidkeena Ciise Masiix! Haddaba caqligeygu wuxuu adoon u yahay sharciga Illaahey, laakiin jirkeyga wuxuu adoon u yahay sharciga dembiga. Haddaba lama xukumayo kuwa Ciise Masiix ku dhex jira. Waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idin siin doona nolol taas oo ka timaada Ciise Masiix, oona idin ka xoreyn doonta sharciga dembiga iyo dhimashada. Sharciga Muuse sidan ma sameyn karo, waayo damaceena sharta leh ayaa daciif ka dhigaya. Laakiin Illaahey ayaa xor idin ka dhigay markii uu soo diray Wiilkiisa inuu noqdo dembiile sideena oo kale ah una dhinto dembiyadeena. Illaahey wuxuu isticmaalay jirkii Ciise si uu dembiga u xukumo. Si waxyaalaha sharciga xaqa ee loogu baahanyahay si buuxdo na looga helo, kuwa aan ku nooleyn tixgelinta jirka laakiin ku nool tixgelinta Ruuxa. Dadka ey damacyadoodu u taliyaan waxey ka fikiraan oo kaliya nafsadooda. Laakiin dadka uu Ruuxa Quduuska ah u taliyo waxey ka fikiraan waxyaalo ruuxi ah. Maanka maamula jirka wuu dhintaa. Laakiin haddii Ruuxu u taliyo, waxaan heleynaa nolol iyo nabad. Maskaxda jirku maamulo waxey col la tahay Illaahey, waayo ma adeeci karaan sharciga Illaahey. Haddaan raacno damacyada jirkeena Illaahey ma raali gelin karno. Laakiin hadda damacyadiina idiin ma taliyaan. Waxaa idiin taliya Ruuxa Illaahey, kaasoo idin ku dhex nool. Kuwa uusan Ruuxa Masiixu ku jirin, kama tirsana xerta Masiixa. Laakiin Masiixa ayaa idin ku dhex nool, sidaa darteed inkastoo ey waajib tahay in jirkiinu dhinto dembigiina dartiis, Ruuxa ayaa idin siinaya nolol, waayo waxaa la idin ka dhigay xaq. Ruuxii Illaahey ee Ciise dhimashada kasoo sarakiciyay ayaa idin ku dhex nool. Sidii uu Illaahey dhimashada uga soo sarakiciyay Ciise Masiix, ayuu jirkiinana nolol idiin ku siin doonaa isla Ruuxan idin ku dhex nool. Sidaa darteed, walaalayaalow waajib ayaa na saaran, laakiin ma ahan tan jirka oo ah inaan ku noolaano sida jirku rabo. Haddaad raacdo damacyada jirka waad dhimaneysaa. Laakiin haddii adiga oo uu ku caawinayo Ruuxa Illaahey aad diido damacyadaada waad noolaaneysaa. Dhamaan kuwa Ruuxa Illaahey haggaa waa caruurta Illaahey. Ruuxa Illaahey nagama dhigo adoomo isaga ka cabsada. Laakiin wuxuu naga dhigaa caruurtiisa waxaanna ugu yeernaa “ Aaba, Aabbe. ” Waayo Ruuxa Illaahey ayaa noo cadeynaya inaan nahay caruurtiisa. Haddaba maadaama aan nahay carruurtiisi, waxaan nahay kuwa dhaxalka leh. Xaqiiqdii waxaan Masiixa la wadaagnaa dhaxalka ammaanta Illaahey. Laakiin haddii aan ammaanta dhaxalkeeda la wadaageyno waa inaan sidoo kale silacana la wadaagnaa. Waxaan hubaa in silaca aan hadda ku jirno aan la barbardhigi karin ammaanta noosoo socota. Abuurka oo dhanna waxey sugi la’yihiin intuu Illaahey ka muujinayo caruurtiisa. Haddaba uunku waxuu ku jiraa walaac, ma ahan doorashadiisa, laakiin waa doonista kan ku dul saaray rajada. In abuurka laga xoreeyo adoonsiga iyo qurunka oo eyna caruurta Illaahey la wadaagaan xornimada iyo ammaanta. Waan ognahay in abuurka oo dhan ey u taahayaan xanuunna u dareemayaan sidii naag fool heyso. Ruuxa ayaa noo cadeynaya waxaan noqon doonno. Laakiin hadda hoos ayaan ka taaheynaa, inagoo sugeyna inuu Illaahey na tuso inaan caruurtiisa nahay. Taasna wuxuu macnaheedu yahay in jirkeenana sidoo kale la xoreyn doono. Rajadan ayaa na la siiyay markaan badbaadnay. Laakiin rajada la arki karaa rajo ma aha. Yaa rajeeya wax uu heysto? Si kastaba ha ahaatee haddii aan rajeyno wax aanan haysan, waxaan u sugnaa si dulqaad ku jiro. Meelo badan ayaan daciif ka nahay, laakiin Ruuxa ayaa na la jooga si uu noo caawiyo. Tusaale ahaan marka aanan garaneyn waxaan ku duceysano, Ruuxa ayaa noogu duceeya qaab aan ereyo lagu soo koobi karin. Illaahey wuu garanayaa fikiradeena oo dhan. Wuuna garanayaa waxa caqliga Ruuxa ku jira, markii uu Ruuxu u duceynayo dadka Illaahey. Waanna ognahay in Illaahey wax walba wanaag uga dhigo kuwa isaga jecel oo uuna u doortay qorshihiisa. Waayo Illaahey horey ayuu u ogaa dadkiisa kuwa ey yihiin, wuxuuna u doortay si ey u noqdaan muuqaalka Wiilkiisa oo kale, Wiilkiisuna uu u noqdo curadka wiilal iyo gabdho badan oo walaalihiis ah. Illaahey wuxuu aqbalay dadkii uu horey u doortay, Kuwii uu horey u doorteyna xaq ayuu ka dhigay, kuwii uu xaq ka dhigayna wuxuu la wadaagay ammaantiisa. Haddaba maxaan arintan ka dhahnaa? Hadduu Illaahey na la jiro, yaa naga soo horjeesan kara? Illaahey nagama lexajecleysan Wiilkiisa, laakiin wuu noo bixiyay. Hadduuba Illaahey sidan sameeyay miyuusan wax walbana na siin doonin? Hadduu Illaahey sheegay in kuwa uu doortay ey xaq yihiin, ma qof eedeyn karaa jira? Haddaba waa kuma kan xukumaya? Qofna ma xukumayo iyaga! Ciise Masiix wuu dhintay waana la soo sarakiciyay, haddana wuxuu fadhiyaa Illaahey dhinaciisa midig, isaga oo noo hadlaya. Ma wax naga fogeyn karaa jira jaceylka Masiixa? Ma waxaa naga fogeyn kara dhibta, silaca, waqtiyada adag, ama gaajada iyo dhar la’aanta? Sida kitaabku leeyahay, “Adiga dartaa ayaan dhimashada u wajahnaa maalin walba, waxaa na laga dhigay ido meesha lagu gowracayo loo wado.” Waxyaalahan oo dhan waxaan uga guuleysanay jaceylka Masiixa. Waanna qanacsanahay in eysan jirin wax naga fogeyn kara jaceylka Illaahey. Nagama fogeyn karaan, dhimasho ama nolol, malaa’igo, taliyayaal, ama waxyaalaha maanta ama waxyaalaha imaan doona ama awoodo kale, xitaa awood oo dhan nagama fogeyn karaan. Ma jiro wax aduunkan saaran oo naga fogeyn kara jaceylka Illaahey ee aan ku helnay Sayidkeena Ciise Masiix. Run ayaan sheegayaa, Masiixaan ka tirsanahay beenna ma sheego. Damiirkeyga oo uu Ruuxa Quduuska ah hagayo ayaa ii xaqiijinaya in aanan been sheegeen, markaan idin ku leeyahay qalbigeygu wuu dhaawacan yahay murugo weyn ayaana i haysata. Waayo waxaan jeclaan lahaa in ley inkaaro Masiixana leyga saaro dadkeyga dartood. Waayo waa farcankii Israa’iil, waana dadkii uu Illaahey doortay. Wuxuu iyaga tusay ammaantiisa. Axdi ayuu iyaga la galay sharcigiisa ayuuna siiyay. Macbadka wax lagu caabudo iyaga ayaa leh waxeyna heleen ballankuu Illaahey ka qaaday. Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub ayaa awoowayaashood ah, Masiixuna wuxuu kasoo jeeday Israa’iil marka jirkiisa binu aadannimo la fiiriyo. Kaasoo ah Illaaha wax walba maamula, una qalma ammaanta weligeed ah! Aamiin. Ma dhihi karno Illaahey ballantiisi ayuu jabiyay. Waayo farcanka Israa’iil oo dhan ma wada aha dadkii Illaahey. Mana aha in farcanka Ibraahim oo dhan ey yihiin caruurtii Illaahey. Waayo kitaabku wuxuu leeyahay, “Farcanka Isxaaq ayaan ballankeyga kuugu oofin doonaa.” Si kale haddaan u sharaxo, caruurta xagga jirka ka ah farcanka Ibraahim ma aha iney yihiin caruurtii Illaahey. Laakiin waxaa caruurtii Illaahey ah caruurta ballanta ku dhashay. Waayo Illaahey ayaa ballan qaaday oo yiri, “Sanadka dambe xiligan oo kale ayaan soo laaban doonaa Saarana waxey haysan doontaa wiil.” Wiilkaasna waa awoowaheen Isxaaq. Wuxuuna guursaday Rebeqah, waxeyna u dhashay laba wiil oo mataano ah. Laakiin inteysan mataanadu dhalan ka hor ama eysan sameyn wax wanaag iyo xumaan ah, ayey Rebeqah Illaahey fariin ka heshay. Fariintaasna waxey cadeyneysay in Illaahey doorto dadka hadba sida ujeedadiisu tahay. Illaahey dadka kuma doorto wanaag ama xumaan ey sameeyeen. Waayo wuxuu Rebeqah u sheegay in “Wiilkeeda weyn uu u adeegi doono wiilkeeda yar.” Sida kitaabka ku qoran, “Waan jeclaaday Yacquub Ceesawna waan diiday.” Haddaba ma waxaan leenahay Illaahey cadaalad ma sameeyo? Maya lagama yaabo! Waayo wuxuu Muuse ku yiri, “Waxaan u naxariisan doonaa qofkii aan doono, waxaanna u nixi doonaa qofkii aan doono.” Haddaba wax walba waxey ku xiran yihiin Illaahey naxariistiisa, mana ku xirna waxey dadku rabaan ama sameeyaan. Waayo qorniinku wuxuu leeyahay Illaahey wuxuu Fircoon ku yiri, “Waxaan boqor kaaga dhigay si awoodeyda lagaaga dhex arko, dadka aduunka jooga oo dhanna ey ii ammaanaan.” Sidaa darteed Illaahey wuxuu u naxariistaa qofkii uu doono, wuxuuna qalbi adeeg tusaa qofkii uu doono. Laakiin mid idin ka mid ah ayaa laga yaabaa inuu i weydiiyo, “Haddaba muxuu Illaahey dadka u eedeeyaa? Yaana awoodda inuu ka hor tago doonistiisa?” Laakiin yaad isku maleysaa markaad Illaahey ku af celineyso? “Dharigu kuma yiraahdo ninka sameeyay, ‘Maxaad sidan iigu sameysay?’ ” Soo dheri sameeyuhu xaq uma laha inuu baaquli qurux badan iyo baaquli caadi ah ka sameeyo isla carradii? Inkastoo uu Illaahey xaq u leeyahay inuu caradiisa iyo awooddiisa u muujiyo qof walboo istaahila in la baabi’iyo, laakiin wuu u dulqaataa iyaga. Wuxuuna sidaas u sameeyay si uu u muujiyo ammaantiisa xad dhaafka ah, taas oo uu na siiyay inagoo ah dadka uu u naxariistay, uuna u diyaariyay iney ammaantiisa helaan. Waxaan kale oo ka mid nahay kuwa uu doortay, Yuhuud iyo dadka aan Yuhuudda ahaynba. Sida uu Illaahey kitaabkii nebi Hoosheeca ku yiri, “Waxaan ugu yeeri doonaa ‘dadkeyga’ iyagoon dadkeyga ahayn, waxaanna iyada ugu yeeri doonaa ‘tan aan jeclahay’ iyadoon ahayn tan aan jeclahay.” Sidoo kalana, “Isla meeshii lagu dhahay, ‘Dadkeyga ma tihiin,’ ayaa mar labaad loogu yeeri doonaa ‘caruurta Illaaha nool.’ ” Isayosna wuxuu ku qayliyay isaga oo reer binu Israa’iil ka hadlaya, “Inkastoo tirada reer binu Israa’iil ey ka badan tahay carrada xeebta, laakiin in yar ayaa badbaadi doonta. Waayo Illaahey wuxuu dhaqso dhulka ugu sameyn doonaa wixii uu ka digay inuu sameyn doono.” Sidoo kale Isayos wuxuu horey u yiri, “Haddii uusan Rabbiga Weyn badbaadin lahayn qeyb umadeena ka mid ah, waxaan noqon lahayn sidii Sodom, waxaan kaloo noqon lahayn sidii Gomora.” Haddaba waxan oo dhan maxaa laga wadaa? Waxaa laga wadaa dadka aan Yuhuudda ahayn Illaahey hortiisa xaq iskagama dhigeynin, laakiin waxey ogaadeen in Illaahey aqbalayo haddey iimaan leeyihiin. Laakiin dadka reer binu Israa’iil ee isku dayay iney sharciga ilaalintiisa xaq ku noqdaan, kuma guuleysan. Maxey ugu guuleysan waayeen? Sababtu waxey tahay iney isku dayeen iney camalladooda xaq ku noqdaan oo eysan isku dayin iimaan. Waxeyna ku dul kufeen dhagax weyn. Sida kitaabka ku qoran, “Fiiri, waxaan Siyoon dhex dhigay dhagax ey dadku ku kufaan iyo dhagax weyn oo ey ku dul dhacaan, mid walboo aaminana ma ceeboobi doono.” Walaalayaalow, qalbigeyga wuxuu rabaa inaan Illaah u baryo reer binu Israa’iil iney badbaadaan. Waayo waan u marqaatifuri karaa iney Illaahey u qiireysanyihiin, laakiin qiiradoodu aqoon kuma dhisna. Ma garanayaan siduu Illaahey dadka xaq uga dhigo. Waxeyna isku dayeen iney xaqnimadooda sameystaan, weyna diideen iney u hogaansamaan wadada Illaahey dadka xaq uga dhigo. Waayo Masiixa ayaa sharciga dhabeeyay, mid walboo isaga aaminana xaq ayaa laga dhigay. Muuse wuxuu qoray wax ku saabsan xaqnimada oo sharciga lagu helayo, “Taas oo ah qofkii waxyaalahan sameeya, sharciga ayuu ku noolaan doonaa.” Laakiin xaqnimada iimaanka ku timaadaa waxey leedahay, “Qalbiga ha iska dhihin, ‘Yaa samada aadaya si uu Masiixa u soo dejiyo?’ ” “Sidoo kalana ha dhihina, ‘Yaa boholaha dhulka hoostiisa ah aadaya si uu Masiixa dhimashada uga soo sarakiciyo?’ ” Laakiin waxey leedahay, “Ereyga Illaahey wuu kuu dhowyahay wuxuu ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga.” Waana fariinta iimaanka ah ee aan wacdineyno. Haddaad afkaaga ka tiraahdo, “Ciise waa Sayidka,” qalbigaagana ka aaminto inuu Illaahey dhimashada ka sarakiciyay, waad badbaadi doontaa. Waayo waxaad ka rumeysateen qalbigiina oo xaq ku noqoteen, afkiina ayaad ka qirateen iimaankiina oo aad ku badbaadeen. Qorniinkuna wuxuu leeyahay, “Qof walboo isaga aaminaa ma ceeboobi doono.” Waayo farqi uma dhaxeeyo Yuhuudda iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. Illaahey waa Sayidka dadka oo dhan si weyn ayuuna u barakeeyaa qof walboo caawimaad weydiista. Waayo, “Qof walboo Rabbiga caawimaad weydiista wuu badbaadi doonaa.” Haddaba sidee ayey caawimaad u weydiisan karaan Illaaha eysan aaminsaneyn? Oo sidee ayey u aamini karaan Illaaha eysan wax isaga ku saabsan maqlin? Oo sidee ayey wax isaga ku saabsan u maqli karaan iyagoo uusan qofna u wacdinin? Sidee ayuuse qof ugu wacdin karaa isagoon la dirin? Kitaabku waxaa ku qoran, “Qurux badanaa cagaha kuwa warka wanaagsan dadka u keena!” Laakiin reer binu Israa’iil oo dhan ma aqbalin warka wanaagsan. Waayo Isayos wuxuu yiri, “Rabbiyow yaa fariinteena aaminay?” Sidaa darteed iimaanku wuxuu ku yimaadaa maqlid la maqlo warka wanaagsan ee ku saabsan Masiixa. Laakiin waxaan idin weydiinayaa, ma eysan maqlin miyaa? Haa wey maqleen, “Codkoodu wuxuu gaaray dhulka oo dhan, ereyadooduna waxey gaareen dhamaadka aduunka.” Waxaan mar labaad idin weydiinayaa, reer binu Israa’iil fariinta ma fahmin miyaa? Haa wey fahmeen, waayo waqtigii Muuse Illaahey wuxuu yiri, “Waxaan idin kaga maseyrsiin doonaa kuwo aan qowmiyad ahayn, Waxaanna idin kaga careysiin doonaa qowmiyad aan waxba garaneyn.” Kadibna Isayos ayaan si aan cabsi ku jirin u sheegay in Illaahey yiri, “Waxaa i helay kuwa aan i raadineyn. Waxaanna isku muujiyay kuwo aan i weydiisan inaan isku muujiyo.” Laakiin arinta ku saabsan reer binu Israa’iil wuxuu ka yiri, “Maalintii oo dhan waxaan gacmaheyga u soo fidiyaa dad caasi ah oo muran badan.” Haddaba waxaan idin weydiinayaa, Illaahey miyuu diiday dadkiisa? Maya lagama yaabo! Aniguba waxaan ahay Israa’iili, farcankii Ibraahim, waxaanna kasoo jeedaa qabiilka Benyaamiin. Illaahey ma diidin dadkiisa kuwaasoo uu bilowgii doortay. Miyeydan ogayn waxa qorniinku ka leeyahay markii uu Eliyaas Illaahey uga dacwooday reer binu Israa’iil isaga oo leh, “Rabbiyow waxey dileen nebiyadaadi waxeyna burburiyeen meelihii allabariga. Waxaanna ahay qofka kaliya ee haray, waxeyna isku dayayaan iney i dilaan.” Laakiin Illaahey wuxuu Eliyaas ugu jawaabay, “Waxaan weli haystaa toddoba kun oo kale oo aan weligood u sujuudin Bacal.” Maantana waa sidoo kale, waayo weli waxaa haray wax yar oo reer binu Israa’iil ka mid ah oo uu Illaahey nimcadiisa ku doortay. Haddaba haddey tahay nimcada Illaahey, kuma dhisna shaqo wanaagsan oo ey qabteen. Waayo haddii Illaahey dadka ku dooran lahaa camalladooda, nimcadiisu nimco dhab ah ma ahaan lahayn. Haddaba wixii ey dadka reer binu Israa’iil sida dhabta ah u raadinayeen ma eysan helin. Waxaana helay in yar oo uu Illaahey doortay, inta soo harteyna Illaahey qalbigooda ayuu adkeeyay. Kitaabka waxaa ku qoran, “Illaahey wuxuu siiyay ruux hurudda, caqli aan wax fahmin, indho aan wax arkin iyo dhaggo aan wax maqlin, illaa maantadan la joogo.” Daa’uudna wuxuu yiri, “Miisaskoodu ha noqdaan dabin iyo wax dabra, hana turunturoodaan oo ha la ciqaabo. Indhahooda ha madoobaadaan si eysan wax u arkin, dhabarkooduna weligiis ha qaloocnaado.” Waxaan kale oo idin weydiinayaa, dadka reer binu Israa’iil miyey u dhaceen si eysan weligood kor ugu soo kicin? Maya! Dembigooda dartiis badbaadadu waxey u timid dadka aan Yuhuudda ahayn si ey reer binu Israa’iil u maseyraan. Haddaba haddii dembaabida Yuhuudda ey aduunka u keentay barako, ruux yaridoodana ey dadka aan Yuhuudda ahayn u keentay barako. Haddaba intee ka badan oo barako ah ayey keeneysaa markey Yuhuudda oo dhan Illaahey u laabtaan! Idinkan aan Yuhuudda ahayn ayaan la hadlayaa. Illaahey wuxuu rasuul iiga dhigay dadka aan Yuhuudda ahayn, shaqadeydana waan ku faanayaa. Waxaanna rajeynayaa in qaar dadkeyga ka mid ah iney maseyraan oo ey badbaadaan. Waayo haddii diidmadooda ey keentay dib u heshiisiinta aduunka, ogolaanshahooduna wuu ka sii wanaagsan yahay. Wuxuu nolol u noqon doonaa kuwa dhintay! Haddii inta ugu horeysa ee burka uu quduus yahay burkoo dhanna waa quduus, xididku hadduu yahay quduus laantuna waa quduus. Qaar ka mid ah laamaha geedka saytuunka ayaa la jabiyay, laan saytuun duureed ah ayaana lagu talaalay. Idinkan aan Yuhuudda ahayn waa sida xididka geed saytuun, haddana waxaad qaar ka mid ah Yuhuudda la wadaagtaan nolol awood badan oo ruuxiyan ah. Haddaba ha iska weyneysiinina kuwii sida laamaha loo jaray. Sidee ayaad isku weyneysiin kartaa? Waxaa tahay laan, ma sidid xididka ee xididka ayaa ku sida. Haddaba waxaad dhihi doontaa, “Laamaha waxaa loo jaray si aniga laygu dhex talaalo.” Waa run, laakiin waxaa loo jaray iimaan la’aantooda, adigana iimaankaaga ayaa meesha lagugu talaalay. Haddaba ha isla weynaanin ee ka fikir waxa kugu dhici kara. Waayo haddii uusan Illaahey u naxariisan laamihii dabiiciga ahaa adigana kuu naxariisan maayo. Ogaada sida uu Illaahey u yahay mid naxariis badan ayey ciqaabtiisuna u adagtahay. Waxey ciqaabtiisu ku adagtahay kuwa caasiya, laakiin wuu idiin naxariistaa haddaad naxariistiisa ku xirnaataan. Laakiin haddaad naxariistiisa ku xirnaan weysaan wuu idin jari doonaa. Haddii ey reer binu Israa’iil iimaan la’aantooda ka toobadkeenaan, dib ayaa geedka loogu talaali doonaa, waayo Illaahey wuxuu leeyahay awoodda uu dib geedka ugu talaalo iyaga. Idinkan aan Yuhuudda ahayn waxaa tihiin laantii saytuun duureedka ahayd ee lagu beeray geedkii saytuunka ahaa. Yuhuudduna waa laantii saytuunka ahayd ee jabtay weyna kasii fududahay in booskeedi dib loogu talaalo. Walaalayaalow waxaan rabaa inaad arintan fahantaan si eydan isku weyneysiin. Haddaba dadka reer binu Israa’iil wey qalbi adkaadeen, qalbi adeegooduna wuxuu dhamaan doonaa marka dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhan Masiixa u yimaadaan. Sidaas ayeyna reer binu Israa’iil oo dhan ku badbaadi doonaan. Sida kitaabku leeyahay, “Badbaadiyuhu wuxuu ka imaan doonaa Siyoon wuxuuna caruurta Yacquub kasoo jeedin doonaa sharta. Waxaanna la gali doonaa axdigan markaan dembiyadooda tirtiro.” Qaar badan oo dadka reer binu Israa’iil ka mid ah hadda cadow ayey ku yihiin warka wanaagsan, taasina idinkan aan Yuhuudda ahayn ayey dan idin kugu jirtaa. Laakiin weli iyagu waa dadka Illaahey jecel yahay waayo wuxuu horey u doortay awoowayaashood Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub. Waayo Illaahey ma ceshado hadiyaduu bixiyo mana ilaawo ciduu doorto. Waxaa jirtay mar idinkan aan Yuhuudda ahayn aad Illaahey caasi ku ahaydeen, laakiin markey dadka reer binu Israa’iil caasiyeen Illaahey idinka ayuu idiin naxariistay. Hadda iyaguna wey caasiyeen, naxariista Illaaheyna idinka ayey idiin timid si iyaguna ey naxariista Illaahey wax uga helaan. Waayo Illaahey wuxuu qof walba mariyay waqti caasinimo si uu dhamaantood ugu naxariisto. Aad ayey u weyn tahay hodantinimada, xigmadda iyo aqoonta Illaahey! Wey nagu adagtahay inaan ogaano xukunkiisa, iyo jidadkiisa aan la raadin karin! “Yaa ogaaday fikrada Rabbiga? Yaana lataliyayaashiisa ka mid noqday?” “Yaa weligiis Illaahey wax deymiyay, oo raba in Illaahey deyntiisi dib ugu celiyo?” Waayo wax walba xaggiisey ka yimaadaan, awoodiisa ayeyna ku yihiin, ammaantiiseyna ku yihiin. Ammaan oo dhanna isaga ayey weligiis u sugnaatay! Aamiin. Sidaa daraadeed, walaalayaal waxaan idin ka baryayaa, idinka oo eegaaya naxariista Illaahey, jirkiina u bixiya qurbaan nool, quduus ah oo ka farxinaaya Illaahey, tani waa runta iyo cibaadadiina saxda ah. Ha raacina dabeecadaha iyo dhaqamada aduunka, laakiin u ogolaada inuu Illaahey fikirkiina beddelo si uu dad cusub idiin kaga dhigo. Markaas ayaad ogaan doontaan wuxuu Illaahey idin la rabo, taas oo ah wax wanaagsan oo dhameystiran. Nimcada Illaahey i siiyay aniga oo isticmaalaya, ayaan mid walboo idin ka mid ah uga digayaa in uusan u maleyn in qiimahiisu intan ka badan yahay. Daacad ahaada oo naftiina ku qiyaasa iimaanka Illaahey idin siiyay. Sida jirku uga kooban yahay qeybo badan qeyb walbana ey u leedahay shaqo u gaar ah. Sidaas oo kale ayaan anaguna ku nahay jirka Masiixa, qeybo kala duwan oo hal jir isku ah. Illaahey nimcadiisi wuxuu nagu siiyay hadiyaddo kala duwan oo aan ku sameyno waxyaalo kala duwan. Haddaba hadduu Illaahey ku siiyay hadiyada wax sii sheega, wax sii sheeg intuu iimaankaagu gaaro. Hadiyadaadu hadday tahay inaad kuwa kale u adeegtid, si wanaagsan ugu adeeg. Hadiyadaadu hadday tahay inaad wax barto, si fiican wax u bar. Haddii ey tahay dhiirigelin, haddaba dhiirigeliya, haddii ey tahay siismo, haddaba deeqsinimo ku bixiya, haddii ey tahay hogaamin, hawlkarnimo ku sameey, haddii ey tahay inaad naxariisataan, sameeya idinka oo faraxsan. Ha iska dhigina inaad dadka jeceshihiin ee si dhaba u jeclaada. Waxa qaldan naca, waxa wanaagsanna jeclaada. Midkiin midka kale ha u jeclaado sida walaashiis iyo walaalkiis, kuwa kalana sharfa intaad naftiina sharaftaan in ka badan. Weligiin xamaasad la’aan ha ahaanin. Si dhiiranaan ku jirto Ruuxa Quduuska ah ugu hogaansanaada Rabbigana u adeega. Rajadiinu farxad ha idin siiso. Dulqaata waqtiga dhibaatada ducadana ha joojinina. La wadaaga dadka Illaahey ee baahan, qariibkana guryihiina kusoo dhaweeya. Illaahey weydiiya inuu barakeeyo kuwa idin xumeeya, oo weydiiya inuu barakeeyo oo uusan inkaarin. Markey dadka kale faraxsanyihiin la farxa, markey murugeysanyihiinna la murugooda. Nabad ku wada noolaada. Ha isla weynaanin si rabitaan ku jiro kula xiriira dadka hooseeya. Ha kibrina. Si xun ha ula dhaqmina kuwa sida xun idin kula dhaqma. Laakiin isku daya iney dadku idin xushmeeyaan, iskuna daya inaad qof walba nabad kula noolaataan. Saaxiibayaalow, ha aarsanina, u daaya Illaahey ha idiin aargudee. Waayo Illaahey wuxuu kitaabka ku leeyahay, “Waa aniga kan idiin aargooya oo idiin abaalguda.” Sidoo kale kitaabku wuxuu leeyahay, “Cadowgaagu hadduu gaajeysanyahay, wuxuu cuno sii, hadduu haraadsanyahayna, wuxuu cabo sii. Markaad sidaas sameysid waxey ula mid tahay adiga oo madaxooda dhimbil dhuxul ah ku hurinaya.” Ha u ogolaanina iney sharta idin ka adkaato, laakiin sharta wanaag kaga adkaada. Qof kasto ha adeeca maamulka xukuma. Waayo ma jiro awood aan ahayn tan uu Illaahey aasaasay. Awood kasta oo jirta waa inuu Illaahey aasaasay. Dadka ka hor yimaada xaakimyadooda waxey ka hor yimaadeen qorshaha Illaahey, waana la ciqaabi doonaa. Dadka wanaagsan kama cabsadaan xaakimyada ee kuwa xumaanta wada ayaa ka cabsada xaakimyada. Waxa wanaagsan samee waadna ka amaan heleysaa xaakimyada. Waayo xaakimyadu waa Illaahey adeegayaashiisa, waxaana loo soo diray wanaagaaga. Laakiin haddaad qalad sameyneysid waad cabsaneysaa, waayo waxey awood u leeyihiin iney ku ciqaabaan. Xaakimyadu waa adeegayaashii Illaahey waxaana loo soo diray iney ciqaabaan kuwa waxa xun sameeya. Haddaba waa waajib in aad iyaga adeecdid, mana aha inaad ciqaab ka badbaadid oo kaliya laakiin inuu damiirkaagu nadiif ahaado. Sidoo kale canshuurta bixi, waayo shaqaalaha dowladu waxey u baahanyihiin mushahar, shaqada ey hayaanna waxey ugu adeegayaan Illaahey. Wax walboo lagugu leeyahay iska bixi, bixi canshuurta iyo waxyaalaha ey dowladu kaa rabto, xushmad iyo qadarinna sii kuwa ku xukuma. Jaceylku ha noqdo deynta kaliya ee la idin ku leeyahay! Hadduu qaarkiin qaarka kale jecel yahay waxaad sameyseen wax walboo sharcigu idin ka rabay. Sharcigu wuxuu leeyahay amarro badan sida, “Gogol dhaaf ha sameynin. Ha dilin. Ha xadin. Dadka kale waxooda ha damcin.” Laakiin intan oo dhan waxey kusoo urureen amarka dhahaya, “Dadka kale u jeclow sidaad naftaada u jeceshahay.” Qofku hadduu dadka jecel yahay ma dhibaateynayo. Sidaa darteed jaceylku waa waxa kaliya ee uu sharcigu kaa rabo. Sidaasna sameeya idinkoo og in saacaddu dhowdahay. Hadda waa waqtigii hurdada laga kici lahaa, badbaadadeenuna haddey ka dhowdahay maalintii aan Rabbiga aaminnay. Habeenku wuu dhamaan rabaa, mar dhowna maalintii ayaa bilaabaneysa. Waa inaan joojinaa dhaqanka sida dadka mugdiga ku jira, ee gashanaa hubka dhalaalaya ee nolosha saxda ah. Haddaba waa inaan u dhaqannaa sida ey dadka iftiinka joogaa u dhaqmaan. Ha aadina meelaha ey dadka xun xun iskugu yimaadaan cabtoyna ha noqonina, yeydaan noqon ciyaal suuq iyo kuwo sineysta. Hana noqonina kuwa qilaaf iyo maseyr leh Beddelkii isku dabool Ciise Masiixna. Hana ka fikirina sidaad u qancin laheyd damaca jirka. Soo dhoweeya kuwa iimaankoodu daciif yahay, idinka oo aan kula doodeynin ra’yiga la isku khilaafo. Dadka qaar waxey aaminsanyihiin in wax walba la cuni karo, halka kuwa uu iimaankoodu daciifka yahay cunaan khudaar oo kaliya. Haddaba idinku haku xukumina dadka iney wax walba cunaan ama in eysan waxba cunin. Waayo Illaahey qof walba wuu soo dhaweeyaa. Yaa kuu baneeyay inaad xukunto qof kale adeegihiisa? Sayidkooda oo kaliya ayaa sheegi kara iney wax wanaagsan sameynayaan, Sayidkooda ayaana wanaagooda ku shuqul leh. Qaar ka mid ah kuwa Rabbiga raacsan ayaa aaminsan in maalin ka mid ah maalmaha ey ka muhiimsantahay maalmaha kale. Qaar kalana waxey aaminsanyihiin in maalmuhu simanyihiin. Laakiin qof walba waa inuu isagu go’aanka gaaraa. Qofka u qaata in maalin maalmaha kale ka muhiimsan jirto waxey sidaa u sameeyaan iney Rabbigooda qadariyaan. Walaalaha hilibka cunana Rabbigoodey u mahadceliyaan, sida kuwa aan hilibka cunin Illaahey ugu mahadceliyaan oo kale. Haddaan dhimano iyo haddaan noolaannaba, waa inaan Rabbiga u dhimanaa ama u noolaannaa, ee eysan nafteena noqon. Haddaan dhimano iyo haddaan noolaannaba, waa inaan Sayidka u dhimanaa ama u noolaannaa, waayo Sayidka ayaa na leh. Waayo Masiixu wuu dhintay kadibna wuu ka sarakacay dhimashada. Sidaa darteed ayuuna ku noqonayaa Sayidka kuwa dhintay iyo kuwa nool. Haddaba maxaad walaalihiin u xukuntaan? Maxaadna u yastaan? Waxaa soo socota maalin uu Illaahey kuligeen na xisaabin doono. Illaahey wuxuu kitaabka ku yiri, “ ‘Nolosheydaan ku dhaartaye qof walba wuu ii sujuudi doonaa qof walbana wuu i ammaani doonaa.’ ” Haddaba mid walboo naga mid ah waxaa lagu xisaabin doonaa Illaahey hortiisa. Sidaa darteed waa inaan joojinaa inaan xukuno kuwa kale. Beddelkeedi go’aansada in aadan u noqonin dhagax ey turunturoodaan, ama caqabad walaalaha. Sayid Ciise ayaa ii cadeeyay in Illaahey cuntada oo dhan ka dhigay xalaal. Laakiin haddaad aaminsan tihiin in cuntooyinka qaar xaaraan yihiin, xaaraan ayey idin ka noqonayaan. Haddii walaalahaa ey dhibeyso waxa aad cunto, waxaad ku dhaqmeysaa jaceyl la’aan. Cunitaankaagu yuusan dhibin qof uu Masiixu u dhintay. Waxaad u aragto inuu wanaagsan yahay in la cuno yuusan Masiixa ceeb u soo jiidin. Waayo boqortooyada Illaahey cunid iyo cabid ma aha. Laakiin boqortooyada Illaahey waa Illaahey oo la raali geliyo, nabad oo lagu noolaado iyo farxad dhab ah. Waxan oo dhanna waxey ka yimaadaan Ruuxa Quduuska ah. Haddaad sidaas Masiixa ugu adeegtaan, Illaahey ayaad ka farxineysaan dadkuna wey idin xushmeynayaan. Saas awadeed aan saarno xoog si aan u sameyno waxa nagu hagaya nabad iyo is dhisid. Howl uu Illaahey sameeyay cunto darteed haku burburinina. Cuntooyinka oo dhan waa daahir, laakiin waxaa qaldan in cuntada aad cuneyso ey dadka kale dhibaato u keento. Waxaa wanaagsan in eydan hilib cunin khamrina cabin wax kalana eydan sameyn haddey walaalihiin dhibaato u keeneyso. Waxyaalaha aad ka aaminsantahay arimahan adiga iyo Illaahey ha idinku koobnaato. Waxaa barakeysan midka aan isku eedeyn wuxuu ogolaaday. Laakiin qof kasta oo shaki qaba waa la xukumay, haddii ey cunaan. Wax walboo aan iimaankaaga waafaqsaneynna waa dembi. Hadduu iimaankeenu adagyahay waa inaan u dul qaadanaa walaalaha uu iimaankoodu daciifka yahay. Waa inaan iyaga ka farxinaa intaan nafsadeena ka farxin laheyn. Waa inaan wanaagooda ka fikirnaa, iskuna deynaa inaan ka caawinno waxa iimaankooda dhisaya. Waayo Masiixu nafsadiisa kama farxin, sida kitaabka ku qoran, “Caayda la idin caaynayo aniga ayey igu dhaceysaa.” Qorniinkana waxaa loo qoray inuu na dhiirigeliyo oo uu rajo na siiyo. Illaaha bixiya dulqaadka iyo dhiiranaanta. Ha idin siiyo isla dabeecaddii maanka aan iskula dhaqantaan siduu Ciise Masiixi lahaa. Si aad idinkoo dhan si wadajir ah hal cod ugu ammaantaan Illaaha iyo Aabaha Sayidkeena Ciise Masiix. Illaahey ku ammaana inaad isku aqbashaan siduu Masiixu idiin aqbalay. Waayo waxaan idiin sheegayaa in Masiixu noqday adeegaha Yuhuudda, runta Illaah darteed. Si uu u tuso in Illaahey dhabeeyay ballantii uu ka qaaday awoowayaashood, iyo si kuwa aan Yuhuudda ahayn Illaah naxariistiisa ugu ammaanaan. Sida kitaabka ku qoran, “Waxaan kugu dhex ammaani doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, magacaagana waan u gabyi doonaa.” Sidoo kale kitaabku wuxuu leeyahay, “Dadka aan Yuhuudda ahaynow la farxa dadkeyga.” Sidoo kale wuxuu leeyahay, “Dadka aan Yuhuudda ahaynow Illaahey ammaana, dadkoo dhanow isaga ammaana.” Sidoo kale nebi Isayos wuxuu yiri, “Waxaa imaan doona mid ka tirsan farcankii Yesay, kaasoo u imaan doona inuu xukumo dadka aan Yuhuudda ahayn, rajadooda ayeyna saaran doonaan.” Waxaan Illaaha rajada bixiya ka baryayaa, inuu idinku barakeeyo farxad dhameystiran iyo nabad iimaankiina dartiis. Waxaan kaloo Illaahey ka baryayaa in awoodda Ruuxa Quduuska ah idin ka buuxiyo rajo. Walaalayaalow, waan hubaa inaad aad u wanaagsantihiin oo aadna leedihiin aqoonta aad wax isku bartaan. Laakiin waxaan idin kula hadlay si cad waxaanna isku dayay inaan waxyaalaha qaar idin xasuusiyo. Waayo Illaahey aad ayuu iigu nimceeyay! Wuxuuna ii doortay inaan noqdo adeegaha Ciise Masiix kaasoo ii diray kuwa aan Yuhuudda ahayn, iigana dhigay wadaad shaqadiisu tahay inuu warka wanaagsan wacdiyo. Wuxuuna sidaas u sameeyay in Ruuxa Quduuska ah ka dhigo dadka aan Yuhuudda ahayn allabari Quduus ah oo Illaahey ka farxiya. Sidaa darteed waxaan ku faraxsanahay shaqada aan Illaahey u hayo oo uu Ciise Masiix iga dhex qabanayo. Xaqiiqdii waxa aan ka hadlayo oo dhan waa sida Masiixu iigu ogolaaday inaan hadlo oo aan shaqeeyo, si dadka aan Yuhuudda ahayn isaga u adeecaan. Waxey ku qanceen awoodda mucjisooyinka waaweyn iyo yaababka, waxey kaloo ku qanceen awoodda Ruuxa Illaahey. Oo sidaas ayaan ugu soo bandhigay warka wanaagsan ee Masiixa Yeruusaalem illaa Illurikon. Laakiin waxaan mar walba isku dayi jiray inaan injiilka ka wacdiyo meel aan Masiixa horey looga maqlin. Waxaanna ahay sida mid wax dhisa oo aanan qof kale aasaaskiis wax ka dul dhisin. Sida uu kitaabku leeyahay, “Kuwii aan horey loogu sheegin wey arki doonaan isaga, kuwii aan horey u maqlinna wey fahmi doonaan.” Tani waa sababta aan idiin kaga soo daahay waayo waxaan ka wacdinayay meelo kale. Laakiin hadda inkastoo eysan harin meela kale oo deegaankaan ka mid ah oo aan ka wacdiyo, oo aan sanado badan jeclaa inaan idin soo booqdo. Waxaan qorsheynayaa inaan sidaas sameeyo markaan Isbaanya u socdo. Waxaan rajeynayaa inaan idin arko intaan dhex maraayo Isbaanya si aad iigu caawisaan safarkeyga, markaan mudo ku raaxeysto wehelnimadiina kadib. Laakiin hadda waxaan u socdaa Yeruusaalem si aan ugu adeego dadka Rabbiga ee halkaas jooga. Waayo walaalaha jooga Makedoniya iyo Akhaya ayaa wax u soo ururiyay walaalaha baahan ee jooga Yeruusaalem. Wey ku faraxsanaayeen iney sidaas sameeyeen, dhab ahaantiina wey ku waajibtay. Waayo haddii dadka aan Yuhuudda ahayn ey la wadaageen Yuhuudda barakada ruuxiga ah, iyaguna waxaa ku waajibtay iney Yuhuudda la wadaagaan barakada maadiga ah. Haddaba markaan hadiyadaan Yeruusaalem geeyo, oo aan hubiyo iney heleen tabarwac, kadib ayaan Isbaanya aadi doonaa oon aan idin soo booqan doonaa. Waan ogahay markaan idiin imaado Masiixu inuu barakeyn doono kulankeena. Walaalaheyga qaaliga ahow waxaan awoodda Sayid Ciise Masiix iyo jaceylka Ruuxa idin ku weydiisanayaa inaad Illaahey ii baridaan. Iigu soo duceya inaan ka badbaado kuwa aan rumeysadka lahayn ee Yahuudiya jooga iyo qaaraanka aan u wado Yeruusaalem iney si wanaagsan u aqbalaan Rabbiga dadkiisa ee halkaas jooga. Kadibna Illaahey idinkiis aniga oo faraxsan ayaan idiin imaan doonaa waanna is dhiirigelin doonnaa. Illaaha nabadda ha idin la jiro kuligiin. Aamiin. Waxaan idin kala dardaarmayaa walaasheen Foybi, oo ah mid u adeegta kaniisadda ku taala Kenekhreya. Illaahey dartiis u soo dhaweeya, una soo dhaweeya si u qalanta dadka Illaahey, caawimaad walboo ey idiin kaga baahantahayna siiya. Waayo iyadu xitaa dad badan oo aan ku jiro ayey soo caawisay. Iigu salaama Bariskilla iyo Akula oo ah kuwo aan shaqada Ciise Masiix wada qabano. Noloshooda ayey dartey halis u galiyeen. Aniga kaligeyna maahee dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhan ayaa u mahadcelinaya. Sidoo kalana iigu salaama xerta gurigooda ku kulma. Iigu salaama saaxiibkeyga qaaliga ah Ebaynetos, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee Aasiya Masiixa ka rumeeya. Iigu salaama Maryan taas oo aad idin kugu dadaashay. Iigu salaama Andaronikos iyo Yuniyas, kuwaasoo Yuhuud ila ah xabsina igula jiray. Rasuullada dhexdooda caan ayey ka yihiin hortey ayeyna Masiixi ahaayeen. Iigu salaama Ambaliyas, walaalkey aan Rabbiga dartiis saaxiib qaaliya ku nahay. Iigu salaama Urbanos oo aan shaqada Masiixa wada qabano iyo Istakhus saaxiibkey qaaliga ah. Iigu salaama Abellees, kaasoo adeege daacad ah u ah Masiixa. Iigu salaama kuwa ka tirsan reer Aristobulos. Iigu salaama walaalkey aan Yuhuudda wada nahay ee Herodiyos. Iigu salaama kuwa guriga Narkisos jooga ee Masiixiyiinta ah. Iigu salaama Tarufayna iyo Tarufoosa, kuwaasoo Rabbiga aad ugu adeega. Iigu salaama saaxiibteyda qaaliga ah Bersis, taas oo iyaduna Rabbiga aad ugu adeegta. Iigu salaama Rufus kaasoo uu Illaahey doortay iyo hooyadiis oo hooyo oo kale ii ahayd. Iigu salaama Asunkiritos, Filegoon, Hermees, Batrobas, Hermaas iyo walaalaha kale ee la jooga. Iigu salaama Filologos, Yulya, Neere’us iyo walaashiis, iyo Olumbas iyo walaalaha kale ee iyaga la jooga oo dhan. Isku salaama dhunkashada quduuska ah. Kaniisadihii Masiixa oo dhan wey idin soo salaamayeen. Walaalayaalow waxaan idiin dardaarmayaa inaad iska ilaalisaan kuwa kala qeybsanaanta idiin keena ee caqabad ee kasoo horjeeda waxbaridda aad barateen. Kuwaas ka fogaada! Waayo iyagoo kale Sayidkeena Ciise Masiix uma adeegaan, laakiin waxey u adeegaan danahooda. Hadalkooda macaan iyo sasabasho ayey ku khiyaanaan maskaxda dadka nacasyada ah. Waan ku faraxsanahay inuu qof walba maqlay sidaad Rabbiga u adeecdeen. Laakiin weli waxaan idin ka rabaa inaad fahantaan waxa wanaagsan xumaantana aad ka fogaataan. Illaaha nabadda bixiyana wuxuu mar dhow Shaydaanka keeni doona cagihiina hoostooda. Nimcada Rabbigeena Ciise Masiix ha idin la jirto. Waxaa idin salaamaya Timoteyos oo aan isla shaqeyno, sidoo kale waxaa idin salaamaya Lukiyos, Yasoon iyo Soosibater oo Yuhuud ila ah. Aniga oo ah Tertiyos oo warqaddan qorayna waxaan idinku salaamayaa magaca Illaahey. Gayos oo aniga iyo dadka kaniisadda oo dhan aan marti u nahayna wuu idin salaamayaa. Erastos oo ah maamulaha qasnada magaalada iyo walaalkeen Kowartos wey idin soo salaamayaan. [ Nimcada Rabbigeena Ciise Masiix kuligiin ha idin la jirto. Aamiin.] Aan Illaahey wada ammaanno! Kaasoo awoodda inuu idinku xoogeeyo warka wanaagsan ee aan wacdinayo, kaasoo ah warka ku saabsan Ciise Masiix. Waayo waqti dheer ayaa warkan la qarinayay, laakiin hadda shaaca ayaa laga qaaday. Illaaha weligiis jira ayaa nebiyadiisa amray iney warka wanaagsan wax ka qoraan, si quruumaha oo dhan isaga u adeecaan oo u aaminaan. Haddana Ciise Masiix dartiis ayaan weligeen ku ammaaneynaa Illaaha xigmadda badan! Aamiin. Ka socota Bawlos, kaasoo loogu yeeray inuu doonista Illaahey ku ahaado rasuulkii Ciise Masiix, iyo walaalkeen Soostenees oo la joogay. Ku socota kaniisadda Illaahey ee ku taala Korintos, dhamaan kuwii quduus lagaga dhigay Ciise Masiix oo loogu yeeray quduusiin. Sidoo kalana kuwa meel kasta jooga ee caabuda Sayidkeena Ciise Masiix oo ah Sayidkooda iyo keenaba. Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Mar walba Illaahey ayaan ugu mahadceliyaa, nimcada Ciise Masiix ee la idin siiyay darteed. Maxaa yeelay la jirkiisa ayaad ku noqoteen inaad wax walba ku fiicnaataan sida hadalladiina iyo aqoontiinaba. Haddaba waa hubaal in waxyaalaha ku saabsan Masiixa ee aan idin kaaga marqaatifurnay oo dhan ey run yihiin. Sidaa darteed hadiyada ruuxiga ah ma idin ka maqna intaad sugeysaan muujinta Rabbigeena Ciise Masiix. Wuu idin adkeyn doonaa illaa dhamaadka, si aad u ahaataan eed la’aan illaa maalinta Sayidkeena Ciise Masiix kasoo laabanayo. Illaahey waa mid aamin ah, kaasoo idiin doortay inaad xiriir la lahaataan Wiilkiisa ah Rabbigeena Ciise Masiix. Walaalayaalow, waxaan magaca Sayidkeena Ciise Masiix idiin kaga baryayaa inaad kuligiinba hadalka isku af garataan, iyo in eydan kala qeybsamin laakiin aad si kaamil ah ugu midowdaan fikradiina iyo taladiina. Walaalayaalow, qaar ka mid ah reer Khalo’ee ayaa ii sheegay in muran idin ka dhex jiro. Waxey yiraahdeen qaarkiin ayaa waxey dhaheen, “Anigu waxaan raacsanahay Bawlos.” Mid kalana wuxuu leeyahay, “Anigu waxaan raacsanahay Abolloos,” mid kalana wuxuu leeyahay, “Waxaan raacsanahay Keeyfas,” Laakiin Mid kalana wuxuu leeyahay, “Waxaan raacsanahay Ciise Masiix.” Masiixu miyuu qeybsamaa? Bawlos dartiin miyaa loo qodbay? Miyaa la idiin ku baabtiisay magaca Bawlos? Waxaan Illaahey ugu mahadceliyaa in aanan idin baabtiisin Kirisbos iyo Gayos maahane. Sidaa darteed ma jiro qof dhihi kara waxaa la igu baabtiisay magaceyga. Haa, sidoo kale waxaan baabtiisay reerka Istefanas waxaan kuwaas ka ahayn ma xusuusto inaan dad kale baabtiisay. Masiixu ima soo dirin inaan dadka baabtiiso, laakiin wuxuu iisoo diray inaan wacdiyo warka wanaagsan aniga oo aan isticmaalin ereyo waaweyn oo iskutallaabta Masiixa xoogeeda ka lumiya. Fariinta ku saabsan iskutallaabta micno la’aan ayey u tahay kuwa lunsan. Laakiin kuweena kale ee la badbaadiyay waxey noo tahay xoogga Illaahey. Waayo wey qoran tahay, “Waan burburin doonaa xigmadda kuwa xigmadda leh, garashada kuwa garashada lehna waan diidi doonaa.” Haddaba maxaa ku dhici doona kuwa xigmadda leh? Maxaa ku dhici doona macalimiinta shargica? Maxaa ku dhici doona kuwa u maleeya iney hayaan jawaab walba? Illaahey miyuusan na tusin iney xigmadda dunidan tahay doqonnimo? Dadka dunidan Illaahey kuma eysan garaneyn xigmaddooda. Laakiin Illaahey waxaa ka farxiyay inuu badbaadiyo kuwa aaminay wacdiga doqonnimada. Yuhuuddu waxey doonayeen calaamad Gariigtuna waxey rabeen xigmad, laakiin waxaan wacdinaa Masiixa oo la qodbay. Taas oo ey Yuhuuddu ey u qaataa wax lagu turunturoodo dadka aan Yuhuudda ahaynna doqonnimo u arkaan. Kuwa Illaahey uu u yeeray, Yuhuudda iyo Gariigaba, Masiixa wuxuu u yahay xoogga Illaahey iyo xigmadda Illaahey. Waayo doqonnimada Illaahey wey ka xigmad badan tahay xigmadda binu aadanka, daciifnimada Illaaheyna wey ka xoog badan tahay xoogga binu aadanka. Walaalayaalow, bal ka fikira waxaad ahaydeen goortii la idiin yeeray. Dadka dunidan uma maleyn in badankiin xigmad leeyihiin. Waayo qaar yar oo idin ka mid ah ayaa la dhigay meelaha awoodda, oo badankiinuna kama imaanin reer taajir ah. Laakiin Illaahey wuxuu doortaa waxyaalaha doqonnimada u ah dunidan si uu u ceebeeyo kuwa isku maleeya iney xigmad leeyihiin. Wuxuu doortaa waxyaalaha ugu daciifsan dunidan si uu u ceebeeyo kuwa xoogga leh. Illaahey wuxuu doortaa waxyaalaha ugu hooseeya dunidan, macno la’aanta ah oo waxna aan ahayn waxyaalahaas ayuu Illaahey isticmaalaa si uu u burburiyo waxyaalaha aduunka muhiimka u ah. Waxyaalahan oo dhan Illaahey wuxuu u sameeyay in qofna uusan hortiisa ku faanin. Isaga awadiis ayaad ugu jirtaan Ciise Masiix, kaasoo noo noqday xigmad nooga timid Illaah, taas oo ah, xaqnimadeena, quduusnimadeena iyo madax furashadeena. Sidaa darteed wey qoran tahay, “Haddaad dooneysid inaad faanto ku faan Rabbiga.” Walaalayaalow goortaan idiin imaaday oo aan idiin wacdiyay waxyaalaha qarsoon ee ku saabsan Illaahey taas oo ah runta, kuma imaanin xigmadda binu aadanka mana isticmaalin ereyo waaweyn. Waayo intaan idin la joogay waxaan go’aansaday inaan ka hadlo waxyaalo ku saabsan Ciise masiix oo kaliya, kaasoo lagu qodbay iskutallaabta. Markii ugu horeysay daciifnimo ayaan dareemayay oo cabsi ayaan la gariirayay. Fariinteyda iyo wacdigeyga ma ahayn mid xigmad iyo ereyo waaweyn leh, laakiin xoogga Ruuxa Quduuska ah ayaan isku haleeyay. Waxaan sidaas u sameeyay si eydan iimaankiina u saaranin xigmadda binu aadan, laakiin aad iimaankiina u saarataan xoogga Illaahey. Waxaan isticmaalnaa xigmad markaan la hadleyno dadka iimaanka ku koray. Laakiin ma aha xigmadda aduunkan ama kuwa aduunka xukuma, taas oo dhaqso dhamaaneysa. Waxaan ku hadalnaa xigmadda Illaahey, sirta la qariyay ee Illaahey noo qoray iney noqoto ammaanteena ka hor bilowga waqtiga. Taliyayaasha dunidan ma garanayaan waxyaalaha ku saabsan xigmaddan, haddii ey garan lahaayeen ma qodbi lahayn Rabbiga ammaanta. Haba ahaatee wey qoran tahay, “Indhuhu maysan arkin, dheguhu maysan maqlin, maskaxda binu aadankana kuma soo dhicin.” Waxyaalaha Illaahey u diyaariyay kuwa isaga jecel. Waxyaalahan ayaa Illaahey Ruuxdiisa noogu muujiyay. Ruuxdu waxey doondoontaa wax walba, xitaa waxyaalaha qarsoon ee Illaah. Waayo yaa ogaan kara fikradaha qofka waxaan ka ahayn ruuxdooda? Sidoo kale qofna ma ogaan karo fikradaha Illaahey waxaan ka ahayn Ruuxiisa. Waxaan helnay ma aha ruuxda aduunka, laakiin Ruuxa Illaahey xaggiisa ka yimid, si aan u fahanno barakada Illaahey na siiyay. Waxyaalahan aan ku hadalno waxaa na baray Ruuxa Illaahey, mana aha xigmadda binu aadanka. Isla Ruuxdaan ayaa naga caawisa inaan waxyaalaha ruuxiga ah barno kuwa ruuxda haysta. Qofka aan Ruuxa lahayn ma aqbalo waxyaalaha ka yimaaday Ruuxa Illaahey waxey u qaataan doqonnimo, mana fahmaan waxyaalahan waayo waxa kaliya oo lagu garan karaa waa Ruuxa. Dadka uu Ruuxu hogaamiyo wax walba wey xukumi karaan, laakiin dadka kale ma xukumi karaan iyaga. Waayo, “Yaa ogaaday fikrada Rabbiga oo u sheegi kara wuxuu sameeyo?” Laakiin waan fahannaa waxyaalahaas waayo waxaan heysanaa fikradaha Masiixa. Walaalayaalow, ma idiin la hadlayo sida dadka ruuxa raacsan, laakiin waxaan idiin hadlayaa sida dad weli aduunka ku jira, waxaad ku tihiin ilmo yaryar noloshiina masiixinimada. Sidaa darteed waa inaan idiin la dhaqmaa sida caruurta oo aan idin siiyaa caano, waayo weli diyaar uma tihiin cunto. Runtii weli diyaar uma tihiin. Weli waxaad tihiin kuwa aduunka, waayo haddii uu weli maseyr iyo muran idin ku dhex jiro miyaadan ahayn kuwa aduunka? Waayo hadduu midkiin yiraahdo, “Waxaan raacsanahay Bawlos,” oo mid kalana yiraahdo, “Waxaan raacsanahay Abolloos,” Miyeydan u dhaqmin sida dadka aduunka? Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxa kaliya ey yihiin waa adeegayaasha idin ka caawiyay si aad u aamintaan. Waa Sayidka kan shaqadan u diray iney sameeyaan. Anigu waxaan abuuray abuurka, Abolloosna biyo ayuu ku waraabiyay, laakiin Illaahey ayaa abuurkii koriyay. Sidaa darteed kan wax abuuray iyo kan waraabiyay muhiim ma aha, laakiin waxaa muhiim ah Illaaha kaliya kaasoo waxyaalaha koriya. Kan abuurka abuuray iyo kan biyaha ku waraabiyay ulajeedadoodu waa hal, shaqadoodana waa loogu abaalgudi doonaa. Waayo anagu waxaan nahay adeegaha Illaahey ee isla shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta iyo dhismaha Illaahey. Nimcada Illaahey i siiyay ayaan aasaaska ku sameeyay sidii dhise xigmad leh, qof kalana wuu ku dul dhisay. Laakiin mid kasta waa inuu si taxadar leh u dhisaa. Qofna aasaas kale ma dhigi karo waayo aasaaska horey ayaa loo dhigay, kaasoo ah Ciise Masiix. Laakiin qofku hadduu aasaaskaas ku dul dhiso dahab, ama qalin, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws iyo bal. Laakiin maalin ayaa la arki doonaa qiimaha shaqadooda, waayo goortuu Ciise soo laabto wax walba wuu cadeyn doonaa. Maalintaasna qof walba shaqadiisa waxaa lagu tijaabin doonaa dab. Haddii wixii la dhisay ey badbaadaan dhisaha waa la abaalmarin doonaa. Laakiin haddii wixii la dhisay gubtaan dhisaha qasaaro ayuu galayaa, laakiin isaga waa la badbaadin doonaa. Wuxuuna ahaanayaa sida mid dab laga soo badbaadiyay. Miyeydan garaneyn inaad tihiin macbadka Illaahey oo Ruuxa Illaaheyna idin ku dhex nool yahay? Haddii uu qof dumiyo macbadka Illaahey, Illaaheyna wuu ciqaabi doonaa qofkaas. Waayo macbadka Illaahey waa quduus idinkuna waxaad tihiin macbadkaas quduuska ah. Hana is khiyaanina. Waayo haddii uu qof idin ka mid ah isku maleeyo inuu xigmadda dunidan leeyahay waa inuu noqdaa doqon si uu xigmad u yeesho. Waayo xigmadda dunidan waxey Illaahey hortiisa ka tahay doqonnimo. Qoraalku wuxuu leeyahay, “Kuwa xigmadda leh khiyaanadooda ayuu ku qabtaa.” Qoraalku wuxuu haddana leeyahay, “Rabbiga wuu og yahay in fikradaha kuwa xigmadda leh eysan waxba ahayn.” Sidaa darteed waa in aadan ku faanin hogaamiyayaasha binu aadanka! Waayo waxyaalaha oo dhan idinka ayaa leh. Abolloos, Bawlos iyo Keeyfas idinka ayaa na leh, aduunka oo dhan, nolol ama dhimasho waxa hadda dhacaya ama waxa waqti dambe dhici doona waxaas oo dhan idinka ayaa leh. Idinkana waxaad tihiin kuwii Masiixa, Masiixuna waa kan Illaah. Waa inaad noo qaadataan adeegayaasha Masiixa kuwaasoo Illaahey soo diray si ey u baraan dadka qorshahiisa kaasoo uusan qofna weligiis u sheegin. Dadka masuuliyadaan loo dhiibeyna waa iney noqdaan kuwa aamin ah. Laakiin aniga muhiim ilama aha haddii aad i xukuntaan ama maxkamad laygu xukumo, waayo anigu ma is xukumo. Qalbigeygu waa nadiif, laakiin taasi ma iga dhigeyso dembi la’aan. Laakiin waa Rabbiga kan i xukuma. Sidaa darteed qofna ha xukumina illaa uu Sayidka kasoo laabto. Wixii qarsoon cadeyn ayuu ku soo saari doonaa, ujeedooyinka qalbiyadiinana wuu soo bandhigi doonaa. Waqtigaasna mid walba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Illaahey. Walaalayaalow haddaba waxaan aniga iyo Abolloos tusaale ahaan ugu soo qaatay waa inaan idin baro macnaha ereyadan, “Waa inaad qoraalka sida ku qoran raacdaan.” Waayo ma doonayo inaad ku faantaan baritaanka macalinkiina inuu baritaan kale ka fiicanyahay. Waayo adiga maxaa khaas kaa dhigay? Maxaad haysataa oo aan lagu siinin? Oo haddiiba lagu siiyay maxaad ugu faaneysaa? Waad heysataan waxyaalahaad dooneysaan oo dhan! Taajir ayaad tihiin! Boqorro ayaad tihiin, anagu weli boqorro ma nihin. Aad ayaan ugu farxi lahaa haddii aad si dhab ah u ahaataan boqorro xoog leh. Waxaan u maleynayaa in Illaahey uu anaga rasuullada ah na siiyay booska ugu liita, sida dad lagu xukumay dhimasho dad weynaha hortooda muuqaalna u ah aduunka oo dhan, malaa’igta iyo binu aadankaba. Masiixa dartiis doqon ayaan iska dhignay, laakiin Ciise wuxuu idin ka dhigay kuwa xigmad leh. Waxaan nahay kuwa daciif ah oo la nacay, laakiin idinku waxaad tihiin kuwa xoog leh lana xushmeeyo. Ilaa waqtigan mararka qaar cunto iyo cabitaan nagu filan ma helno, dharkeenuna aad ayey duug u yihiin, dadkuna si xun ayey noola dhaqmaan, mana haysano guryo. Gacanteena ayaan ku shaqeysanaa, dadka markey nagu qaldamaanna waan barakeynaa, markii na la ciqaabana waan adkeysanaa. Markii nala aflagaadeeyo, si naxariis leh ayaan ugu jawaabnaa. Waxaan noqonay wasaqdii dhulka, qashinkii aduunka, illaa iyo hadda. Ujeedada aan waxyaalahan idiin ku soo qoray ma aha inaan idin ceebeeyo, laakiin waxaan doonayaa inaan idiin waaniyo sida caruurteyda aan jeclahay oo kale. Waxaa laga yaabaa in toban kun oo qof waxa ku saabsan Ciise idin baraan, laakiin aniga kaliya ayaa aabe idiin ah. Waxaad noqoteen caruurteyda markaan idiin sheegay warka wanaagsan ee ku saabsan Ciise Masiix. Sidaa darteed waxaan idiin sheegayaa inaad tusaalahayga raacdaan. Waayo waxyaalahan dartood ayaan Timoteyos idiin kuugu soo diray. Sida wiilkeyga oo kale ayaan u jeclahay, kaasoo Rabbiga daacad u ah. Wuxuuna idin xasuusin doonaa waxa aan baro iyo nolosheyda sida aan ku dhaqmo aniga oo raacsan Ciise Masiix, taas oo la mid ah kaniisad walboo aan wax baro. Qaarkiin ayaa kibray waayo waxaad u maleysaan in aanan soo laaban doonin. Laakiin mar dhow ayaan idiin imaan doonaa, hadduu Rabbiga yiraahdo, waana ogaan doonaa dadkaas kibray waxey ku hadli doonaan iyo haddey xoog leeyihiin. Waayo boqortooyada Illaahey ma aha hadal laakiin waa xoog. Maxaad dooneysaan inaan sameeyo markaan imaado? Miyaad dooneysaan inaan usha edbinta mise si jaceyl iyo ruux qabow? Waxaan maqlay dadka oo ka hadlaya in dad idin ka mid ah ey dembiga sinada ku jiraan, waa mida ugu xun oo xitaa dadka aan Illaahey garaneyn eysan sameyn. Midkiin ayaa naagtii aabihiis haysta. Weliba kibir ayaa idin ku jira! Laakiin waa inaad ka murugootaan oo aad qofka waxyaalahaas sameynaya iska dhex saartaan. Waayo inkastoo aanan jir ahaan idin la joogin, laakiin ruuxdeyda wey idin la joogtaa. Oo mar hore ayaan xukumay kii waxaas sameeyay sidii inaan indin la joogo oo kale. Sidaa darteed markaad iskugu timaadaan magaca Rabbigeena Ciise dartiis aniguna ruuxdeyda wey idin la jirtaa, sidoo kale xoogga Sayidkeena Ciisana wuu idin la jiraa. Waa inaad ninkaas kaniisadiina ka saartaan in muddo ah oo aad u dhaaftaan Shaydaanka, si dabeecadiisa xun loo ciqaabo. Waa muhiim in dabeecadiisa dembiga u keentay la ciqaabo si maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono ruuxdiisa u badbaado. Kibirkiinu ma fiicna. Miyeydan ogayn in khamiir yar uu faxiyo cajiin badan? Balse khamiirka hore iska nadiifiya, si aad u noqotaan kibis cusub oo khamiir la’aan ah waayo saas ayaad tihiin. Waayo Masiixa kaasoo ah wankeena Kormaridda ayaa dembigeena dartiis loo bixiyay. Sidaa darteed waa inaan u dabaaldagnaa nolosha cusub ee Ciise na siiyay, inagoo kasoo tagnay dabeecadeeni hore ee xumeyd. Laakiin aan noqono kuwa daacad ah oo runta ku hadla. Haddaba warqaddii aan horey idiin kugu soo qoray waxaan idin ku iri ha la saaxiibina dadka dembiga sinada sameeya. Laakiin markaan warqaddaas soo qorayay kama hadleynin dadka aan mu’miniinta ahayn kuwaasoo ka qeyb qaata dembi galmo, oo hunguri weyn waxna khiyaana ahna kuwa sanamyada caabuda. Si aad iskaga ilaalisaan dadka noocaas ah waa inaad dunidan ka tagtaan. Laakiin hadda waxaan idiin soo qoray warqaddan oo aan idin ku leeyahay xiriir ha la yeelanina kuwa isku sheegaya masiixiyiinta laakiin sineysta ama hunguri weynaha ah ama sanamka caabuda ama dadka caaya ama sarqaama oo khiyaanada badan. Dadkaas oo kale xitaa cunto ha la cunina. Shaqadeyda ma aha inaan xukumo dadka aan xerta ahayn. Laakiin waa inaad xukuntaan kuwa idin ka mid ah ee aad isla duceysataan. Dadka aan weli Ciise aaminin Illaah ayaa xukumi doona. Sidaa darteed, “Iska dhex saara qofka sharta leh.” Haddii ey dood idin dhex marto idinkoo walaala ah, ha is geynina maxkamadda kuwa aan Illaahey aaminsaneyn halkii aad dadka Rabbiga is hor keeni lahaydeen. Miyeydan garaneyn in dadka Illaahey ey aduunka xukumi doonaan? Oo haddaad aduunka xukumi doontaan maxeydaan u xalineynin dhib yar oo idin ka dhex dhaca? Miyeydan garaneyn inaan xukumi doono malaa’igta? Intee ka badan waxyaalaha noloshaan maanta! Sidaa darteed haddii aad isku khilaaftaan arimaha noocaas ah, miyaad weydiisataan iney idiin kala xukumaan kuwa hab nololeykoodu lagu quursado kaniisadda? Waxaan waxyaalahan u iri waa inaan idin ceebeeyo. Dhexdiina kama jiraan miyaa kuwa xigmad leh oo waxyaalaha ka dhex dhaca walaalaha xalin kara? Laakiin sida ey tahay walaal ayaa walaal kale maxkamad geeya oo kuwa aan rumeysneyn hortooda istaajiya! Hadduu midkiin kan kale maxkamadda geeyo kuligiinba waad guuldareysateen. Waxaa ka roon in walaal kale kuu gafo ama ku khiyaano. Laakiin qaarkiin ayaa walaalaha kale u gafa oo khiyaana. Miyeydan garaneyn in kuwa xumaan falayaasha ah eysan dhaxleynin boqortooyada Illaahey? Yaan la idin khiyaanin, waayo sinada, sanam caabudida, kuwa gogol dhaafka sameeya ama xiriir laba nin ka dhaxeeya, ama tuugada, kuwa hunguri weyn, kuwa sarqaama, kuwa dadka caaya iyo kuwa dadka dulmiya ma dhaxli doonaan boqortooyada Illaahey. Waayo qaarkiin kuwaas ayaad ahaydeen. Laakiin hadda magaca Sayidkeena Ciise Masiix iyo xoogga Ruuxa Illaahey ayaa idin nadiifiyay, oo idin ka dhigay xaq iyo kuwo Illaahey hortiisa laga ogolaaday. Qaarkiin waxaad dhahdaan, “Xaq ayaan u leeyahay inaan wax walba sameeyo.” Laakiin ma aha wax walba iney faa’iido leeyihiin. “Haa xaq ayaan u leeyahay inaan wax walba sameeyo,” laakiin ma ogolaanayo in waxyaalahaas aan adoon u noqdo. Waxaa kale oo aad dhahdaan, “Cuntada waxaa loo sameeyay caloosha, oo calooshana waxaa loo sameeyay cuntada, laakiin Illaahey iyagoo dhan ayuu baabi’in doonaa.” Balse jirka looma sameynin sinada ee waxaa loo sameeyay inuu Rabbiga u adeego, Rabbiguna wuu daryeelaa jirka. Xoogiisa ayuu Illaahey dhimashada kaga sarakiciyay Sayidka, sidoo kale ayuu anagana noosoo sarakicin doonaa. Miyeydan ogayn in jirkiinu ka mid yahay kan Masiixa? Marka sax miyaa inaan qeyb jirka Ciise ka mid ah qaadno oo aan la mideyno jirka qof jirkiisa ka ganacsada? Waa maya! Miyeydan ogayn in qofkii la mid noqda kan jirkiisa ka ganacsada ey isku jir ahaan doonaan? Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “labadooduna waxey noqon doonaan hal jir.” Laakiin qof walboo la midooba Sayidka hal ayey ruuxda ka noqonayaan. Ka carara sinada. Waayo dembiyada kale dadku jirkooda kama sameeyaan, laakiin qofka sineysta wuxuu ka dembaabay jirkiisa. Miyeydan ogayn in jirkiinu yahay macbadka Ruuxa Quduuska ah, kaasoo idin ku dhex nool oo aad ka hesheen Illaah? Idinku is malihidiin. Qiimo ayaa la idin kusoo madax furtay. Sidaa darteed jirkaaga Illaahey ku ammaan. Haddaba aan ka hadalno waxyaalahaad iisoo qorteen idinkoo leh, “Ma wanaagsan tahay ninku in uusan guursanin.” Laakiin si aan loo sineysan qof walba hadduu naagtiisa ama ninkeeda heysto waxey kaa fogeyneysaa dembiga sinada. Ninku waa inuu naagtiisa waajibkeeda kasoo baxaa oo naagtuna waa iney sidoo kale sameysaa. Afadu jirkeeda uma taliso, laakiin ninkeeda ayaa u taliya. Sidoo kale ninku uma taliyo jirkiisa laakiin afadiisa ayaa u talisa. Sidaa darteed ha is diidina, inaad ku heshiisaan oo aad waqtigiina duco ku qaadaneysaan maahee. Kadibna isku imaada si uusan Shaydaanku idiin jarribin is ilaalin la’aantiina darteed. Waxaan idiin ogolaanayaa inaad sidaas sameysaan, laakiin ma idin ku amrayo. Waan jeclaan lahaa haddii ey walaalaha oo dhan sideyda ahaan lahaayeen. Laakiin mid walboo idin ka mid ah wuxuu leeyahay hadiyad xagga Illaahey ka timaaday. Illaahey hadiyaddo kala duduwan ayuu na siiyay. Haddaba kuwa aan weli guursanin iyo carmalooyinka waxaan idin dhahayaa, wey u fiican tahay in eysan guursanin sideyda oo kale. Laakiin haddii eysan iscelin karin waa iney guursadaan, waayo waxaa wanaagsan iney guursadaan intey damac ku noolaan lahaayeen. Kuwa guurka ku jira waxaan idin siinayaa amarkan (Aniga ma aha, laakiin waa Illaahey) Naagtu waa in eysan ka tagin ninkeeda. Laakiin haddey ka tagtana waa iney guur la’aan joogtaa haddii kale hala heshiiso ninkeeda. Ninkuna waa in uusan furin naagtiisa. Kuwa kalana waxaan ku leeyahay (Aniga ayaa idin dhahaya ee Illaahey ma aha.) Haddii uu walaal leeyahay xaas taas oo aan ahayn qof rumeysan oo ey weliba wax ka qabin iney isla sii noolaadaan, waa in uusan furin iyada. Sidoo kale haddii uusan ninkaagu rumeysaneyn oo uu wax ka qabin inuu kula sii noolaado waa in aadan isaga ka tagin. Waayo ninka aan rumeysaneyn waxaa quduus looga dhigay naagtiisa rumeysan darteed. Sidoo kale naagta aan rumeysneynna waxaa quduus looga dhigay ninkeeda rumeysan dartiis. Arintan haddeysan run ahayn, caruurtiinu waxey ahaan lahaayeen kuwa aan Illaahey hortiisa nadiif ka ahayn, laakiin waalidkood wey rumeysanyihiin sidaa darteed iyaguna quduus ayey ahaanayaan. Laakiin haddii kan rumeysaneyn tago, ha iska tago. Xaaladaas oo kale walaalka ama walaasha kuma xirna, Illaahey wuxuu noogu yeeray inaan nabad ku noolaanno. Sidee ayaad ku garaneysaa naag yahay inaad ninkaaga badbaadin doonto? Ama nin yahow sidee ayaad ku garaneysaa inaad naagtaada badbaadin doonto? Kaniisad walba waxaan dadka ku iraahdaa iney ku noolaadaan sidii markii hore Sayid Ciise ugu yeeray oona Illaahey ku doortay sida ey yihiin iney noqdaan kuwiisa. Haddaba idinkuna waxyaala la mid ah ayaan idiin sheegayaa. Haddii horey laguu guday ha isku dayin inaad is badasho. Haddii aan lagu gudinna ha isku dayin inaad is gudo. Waayo haddii lagu guday ama haddii aan lagu gudinba micno ma sameyneyso. Laakiin waxaa muhiim ah inaad ilaaliso amarrada Illaahey. Qof walbana waa inuu ahaadaa sidii uu markii hore Illaahey ugu yeeray. Haddaad adoon ahayd taasi yey ku dhibin. Laakiin haddaad kartid inaad xorowdo samee. Illaahey markii uu doorto kuwa adoon ah waxey noqdaan dadka xorta ah ee Rabbiga. Hadduu doorto dad xor ahaana waxey noqdaan adoomada Masiixa. Illaahey qiimo ayuu idin kusoo madax furtay, balse ha noqonina adoomada binu aadanka. Walaalayaalow qof walba ha ahaado siduu Illaahey ugu yeeray markii uu dooranayay. Haddaba waxaan ka hadlayaa wax ku saabsan kuwa aan weli guursanin, amar xagga Rabbiga kama haysto, laakiin waxaan amar u bixinayaa sida mid Illaahey naxariistiisa darteed u noqday mid aamin ah. Waqtigan adag ee aan ku jirno dartiis, waxaan u maleynayaa iney qofka u roontahay inuu ahaado siduu yahay. Miyaad guursatay? Ha doonin inaad furtid. Miyaadan lahayn guri? Ha doonin inaad guri lahaato. Laakiin haddaad guursatid ma aadan dembaabin. Haddii gabar bikro ah ey guursatana meysan dembaabin. Laakiin kuwa guursadeyna dhibaato badan ayey noloshan kula kulmaan, aniguna waxaan doonayay inaan dhibaatadaas idin ka ilaaliyo. Laakiin walaalayaalow waxaan idin leeyahay waqtigii waa la gaaray, haddaba haddaad naag qabto ama aadan qabin waxba ma aha. Isku mid ayey ahaan doontaa haddaad ooysid ama aad qososhid, ama haddaad wax iibsaneysid ama haddaad waxba haysanin. Kala duwanaasho badan ma keeneyso wax badan oo aad dunidan ka heshid ama sidaad uga heshay. Sida aan ku naqaano dunidan wey dhamaaneysaa. Waxaan rabaa inaad kuligiinba welwelka iska dhaaftaan. Ninka aan guursanin wuxuu ka welwelaa siduu u raali galin lahaa Rabbiga. Laakiin ninka guriga leh waxyaalo badan ayuu ka welwelaa. Wuxuu ka fikiraa waxyaalaha dunidan waayo wuxuu rabaa inuu ka farxiyo naagtiisa. Fikirkiisu wuu kala qeybsamaa. Naagta aan weli la guursaninna waxey ka welweshaa waxyaalaha Rabbiga. Ujeedadeedu waa iney jir ahaan iyo xagga ruuxdaba quduus u noqoto Rabbiga. Laakiin naagta la qabo waxey ka welweshaa waxyaalaha dunidan iyo sida ey uga farxin lahayd ninkeeda. Wanaagiina dartiis ayaan waxyaalahan idiin kugu sheegayaa, ee ma aha inaan xad idiin yeelo, si eydan qalbigiina u kala qeybinin oo aad ula cibaadeysataan Sayidka. Haddii nin naag u doonaneyd laakiin uu daahiyay arooskooda oo uu u maleeyo in uusan si fiican ula dhaqmeynin, oo aadna u jeclahay uuna doonayo inuu guursado, waa inuu sameeyaa siduu rabo. Dembi ma aha weyna is guursan karaan. Laakiin waxaa wanaagsan inaad lahaatid is xakameyn oo aad qalbigaaga ka go’aansato in aadan guursan. Sidaa darteed qofkii guursada wax wanaagsan ayuu sameeyay, kii aan guursaninna wax kasii wanaagsan ayuu sameeyay. Naagtu waa iney ninkeeda naag u noqotaa intuu nool yahay. Laakiin hadduu ninkeedi dhinto qofka ey doonto ayey guursan kartaa. Laakiin qofkaasna waa inuu ahaadaa mid Rabbiga rumeysan. Si kastaba ha ahaatee aniga waxey ila tahay, wey kasii faraxsanaan lahayd haddey sideeda ku joogto, sida Ruuxa Illaahey igu hogaamiyay. Haddaba haddaan ka hadlo waxa ku saabsan cuntada sanamyada loo bixiyo, “Anaga oo dhan ayaa aqoon u leh.” Laakiin aqoontu wey na kibrisaa jaceylkuna wuxuu naga dhigaa kuwo dadka kale gargaar u noqda. Kuwa u maleeya iney wax badan garanayaan, waxey garanayaan ma aha sidii ey u maleeyaan. Laakiin qof walboo Illaahey jecel isaga ayaa garanaya. Haddaba haddii cunto sanamyada loo bixiyo, waan ognahay in, “Sanamyada aduunka yaala oo dhan eysan naf laheyn” iyo in “Hal Illaah oo kaliya uu jiro.” Dadka qaarkood waxey yiraahdaan samada iyo dhulka illaahyo kale ayaa ka jira. Runtii waxaa jira illaahyo iyo sayidyo badan. Laakiin anagu hal Illaah ayaan leenahay, Aabaha, kaasoo ey wax walba isaga ka yimaadeen oo aan anaguna u nool nahay. Ciise Masiixna waa Sayidkeena, kaasoo wax walba ey ka yimaadeen oo aan anaguna u nool nahay. Laakiin qof walba ma garanayo aqoontan. Dadka badidoodu waxey waqti dheer soo caabudi jireen sanamyo, xitaa haddey cunaan cuntada sanamyada loo bixiyay waxey u maleeyaan iney cunayaan cunto quduus ah oo la siiyay illaaha nool ee xoogga leh. Laakiin damiirkooda daciifka ah ayaa nijaaseeyay. Cuntada naguma soo dhaweyso Illaah, haddaan cuno iyo haddii kalaba waxba nagama dhimeyso. Laakiin ka taxadara kuwa damiirka daciifka ah leh yeydaan dhib u geysanin, inkastoo aad leedihiin xaq aad wax walba ku cuntaan. Waayo haddii uu qof damiirkiisu daciif yahay ku arko adigoo ku dhex cunaya macbadka sanamyada, adigoo weliba aqoon u leh waxyaalahan, qofkaas miyuusan cuneynin cuntadaas sanamyada loo bixiyay? Sidaa awgeed aqoontaada darteed walaalaheyga Masiixu u dhintay ayaa ku lumaya. Haddaad ku dembaabtid walaalkaaga damiirka daciifka ah leh, waxaad sidoo kale ku dembaabtay Masiixa. Sidaa darteed haddii waxyaalaha aan cuno ey walaalaha dembi gelinayaan, weligey ma cuni doono hilib. Si aanan iyaga dembi u gelinin. Waxaan ahay qof xor ah, waxaan ahay rasuul, waxaanna arkay Sayid Ciise oo idinkana waxaan idin ku hogaamiyay inaad aamintaan isaga. Xitaa haddey kuwa kale dhahaan rasuul ma tihid, runtii idinku waad ogtihiin inaan ahay. Idinka ayaa cadeyn ii ah inaan ahay rasuul Rabbi. Dadku markey su’aalo i weydiiyaan waxaan ku iraahdaa, anagu miyaanan xaq u lahayn inaan wax cunno oo aan wax cabno? Waxaan xaq u leenahay inaan xaasaskeena safarka u kaxeysano sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ey sameeyaan. Mise aniga iyo Barnabas oo kaliya ayaanan xaq u lahayn inaan nolosheena u shaqeysano? Askartu miyey mushaharkooda isi siiyaan? Qofka canabka beerana miyuusan beertiisa ka cuneynin? Arijirraduna miyeysan arigooda caano ka cabeynin? Waxyaalahan amarkeyga kuma dhahayo. Laakiin sharciga Muusana sidan ayuu dhahayaa. Waayo waxaa ku qoran sharciga Muuse, “Waa in aadan dibiga afka ka xirin markii uu badarka burburinayo.” Illaahey ma wuxuu daryeelayaa dibiga oo kaliya? Runtii waxyaalahan wuxuu u yiri darteen, haa tani anaga ayaa na loo qoray, waayo qof walboo beerta diyaariya iyo kan sarreenka tumaba waa iney rajeeyaan iney gurashada dadka la qeybsadaan. Haddaan idin ku dhex beernay miraha ruuxda, miyay aad u badantahay haddii aan idin ka uruursano waxyaalaha maadiga ah? Haddii ey rasuullada kale caawimaadan oo kale idin ka helaan, anagu miyaanan u qalmin caawimaad iyo in ka badanba? Laakiin anagu maanan isticmaalin xaqan. Runtii anagu wax walba waan u adkeysanaa si aanan u joojin warka wanaagsan ee Masiixa. Miyeydan garaneyn in kuwa macbadka jooga ey ka helaan cuntadooda macbadka? Kuwa meesha allabariga ka adeegana ey cunaan waxa allabariga loo bixiyay? Sidaas oo kale ayaa Rabbigu amray kuwa injiilka wacdiya iney noloshooda ka helaan injiilka. Laakiin anigu ma isticmaalin xaqan. Mana qorayo waxyaalahan aniga oo rajeynaya inaad saas ii sameysaan, waayo waxaa ii roon aniga oo dhinta intuu qof iga qaadi lahaa faankaan ku qabo shaqada Illaahey. Waayo markaan warka wanaagsan wacdinayo ma faano, waayo qasab ayey igu tahay inaan wacdiyo. Hoog ha ii ahaado haddaan warka wanaagsan wacdin waayo! Haddaan rabitaankeyga ku wacdiyo waxaan sugayaa abaal gudkeyga, laakiin haddii eysan ahayn rabitaankeyga waxaan sameynayaa waa wax la igu aaminay. Haddaba waa maxey abaal gudkeyga? Waa qanacsanaanta aan ka helo warka wanaagsan ee aan wacdinayo aniga oo aan waxba dadka ka qaadanin. Aniga oo aan weliba isticmaalin xaqii aan ku lahaa wacdinta warka wanaagsan. Inkastoo aan xor ka ahay dadkoo dhan laakiin qof walbaan iskaga dhigay adoon, si aan kuwa badan Illaahey ugu keeno. Kuwa Yuhuuddana waxaan u noqday sidooda oo kale, si aan Yuhuudda ugu hogaamiyo Illaahey. Kuwa sharciga ku hoos jirana waxaan iskaga dhigay qof sharciga ku hoos jira, (inkastoo aniga aanan sharci ku hoos jirin), si aan kuwa sharciga ku hoos jirana ugu soo hogaamiyo Illaahey. Kuwa aan sharciga haysaninna waxaan iskaga dhigay sida qof aan sharci lahayn (inkastoo aanan xor ka ahayn sharciga Illaahey oo aan weliba ku hoos jiro sharciga Masiixa) si aan kuwa sharciga lahayn Illaahey ugu soo hogaamiyo. Kuwa daciifka ahna waxaan u noqday daciif si aan iyagana ugu keeno Illaahey. Dadkoo dhan ayaan u noqday wax walba si aan jid walba qaar ugu soo badbaadiyo. Waxyaalahan oo dhan waxaan u sameynayaa warka wanaagsan dartiis, si aan barakadiisa idin la wadaago. Miyeydan garaneyn in kuwa orodka ku tartamaa ey kuligoodba ordaan, laakiin hal qof oo kaliya ayaa abaalmarinta hela. Sidaa darteed u orod adigoo ujeedadaadu tahay in lagu abaal mariyo. Dadka ordaya aad ayey u dadaalaan si ey u helaan taaj dhamaanaya, laakiin anagu waxaan u dadaaleynaa si aan u helno taajka aan weligiis dhamaaneynin. Sidaa darteed anigu uma ordayo sida qof ujeedo la’aan u ordaya, umana feertamo sida mid hawada feer ku dhufanaya. Jirkeyga ayaan edbiyaa si uu adoon iigu noqdo, si markaan kuwa kale u soo wacdiyo kadib aanan aniguna la ii diidin abaalmarinta. Walaalayaalow, anigu ma doonayo inaad iska dheggo tirtaan waxa dhacay, in awoowayaasheen ey ku hoos socdeen daruurtii iyaga ilaalineysay, oo kuligoodna ey dhex mareen Badda cas. Iyagoo dhan ayaa lagu baabtiisay daruurtii iyo badda si ey u noqdaan xertii Muuse. Iyagoo dhan ayaa cunay cuntadii ruuxiga ahayd, oo weyna isla cabeen biyihii ruuxiga ahaa, waxeyna ka cabeen dhagaxii ruuxiga ahaa kaasoo iyaga la jiray, dhagaxaasna wuxuu ahaa Masiixa. Laakiin Illaaheyna kuma faraxsaneyn badidooda, weyna dhinteen oo jirkoodana cidlada ayuu ku kala firdhay. Haddaba waxyaalahan waxey u dhaceen iney tusaale anaga noo ahaato si aan anaguna aan iskaga ilaalino waxyaalahaas sharta ah oo ey sameeyeen. Balse ha noqonina kuwa sanamyada caabuda sida iyagu ey sameyn jireen, wey qoran tahay, “Dadka reer binu Israa’iil sanamyadooda hortooda ayey fariistaan oo ey wax ku cunaan oona wax ku cabaan kadibna wey kacaan oo agagaarkiisa ayey ku ciyaaraan.” Waa in aanan sameynin sinada, laakiin qaarkood wey sameeyeen, hal maalin gudaheedna labaatan iyo saddex kun oo qof ayaa dhimatay. Waa in aanan jarribin Masiixa, sida ey qaarkood sameeyeen, kadibna abeesadu ey dhameysay. Hana gunuunicina sida ey qaarkood sameeyeen, kadibna malaa’igtu dhimashada ey dishay. Waxyaalahan waxey awoowayaasheen ugu dhaceen si ey anaga tusaale noogu ahaato, oo weyna qoran tahay si ey digniin ugu ahaato kuwa waqtigan jooga. Sidaa darteed haddaad u maleysaan in iimaankiina uu adagyahay iska ilaaliya in eydan jarribaad ku dhicin. Sida dadka kaloo dhan ayaa la idiin jarribaa idinkana. Illaaheyna waa kan aaminka ah waayo ma ogolaanayo in la idin jarribo intaad awoodaan ka badan. Laakiin markii la idin jarribo xal ayuu idiin keenayaa si aad ugu adkeysataan. Walaalayaalow waa inaad ka carartaan sanam caabudida. Waxaan idiin la hadlayaa sida kuwo caqli leh idinku go’aamiya waxyaalaha aan ka hadlayo. Miiska Sayidka koobka aan ku isticmaalno anaga oo u mahad celineyna Illaahey, markaan ka cabnana waxaan wada wadaagnay dhiigga Masiixa. Kimistaan kala goynana, markaan cunno waxaan wada wadaagnay jirka Masiixa. Waayo markaan isticmaalnay hal kibis waxaan noqonay hal jir, inkastoo uu qeyb badan leeyahay. Bal eega dadka reer binu Israa’iil, miyeysan ka qeyb qaadanin cibaadada markey cunayaan hilibka meesha allabariga lagu bixiyay? Haddaba maxaan ka wadaa? Kama wado allabariga dadku u bixiyaan sanamka inuu qiima leeyahay, ama sanamka inuu quduus yahay. Maya, waayo allabariga dadka aan Illaahey garaneyn waxey u bixiyaan ruuxyada wasakhda leh, ee ma aha Illaahey, anigu ma doonayo inaad la qeyb noqotaan ruuxda xun. Ma awoodaan inaad ka cabtaan koobka Sayika iyo koobka ruuxda wasakhda leh. Kama qeyb qaadan kartaan miiska Sayidka iyo miiska ruuxda wasakhda leh. Mase ma waxaan dooneynaa inaan ka maseyrsiino Sayidka? Mise miyaan ka xoog badanahay isaga? Qaarkiin waxaad dhahdaan, “Xaq ayaan u leeyahay inaan wax walba sameeyo.” Laakiin ma aha wax walba iney faa’iido leeyihiin. “Haa xaq ayaan u leeyahay inaan wax walba sameeyo,” Laakiin ma aha wax walba iney fiicanyihiin. Waa in aanan anaga kaliya iska fikirin oo kuwa kale aan iska hor marinaa. Wax walboo suuqa lagu gado cuna, idinkoo qalbiga iska xukumeynin. Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Aduunka iyo waxyaalaha kujira oo dhan waxaa leh Rabbiga.” Haddii uu qofka aan rumeysanin cunto kugu casuumo, oo aad doontid inaad tagto, cun waxey kuusoo diyaariyaan adigoon qalbiga iska xukumin. Laakiin haddii uu qof ku dhaho, “Cuntada waxaa loo bixiyay sanam,” ha cunin, qofkii kuu sheegay iyo damiirka dartood. Kama wado ha cunin waayo sax ma aha, laakiin qofka kale ayaa u maleeya inaan la ogoleyn. Laakiin dadka kale waxey dhahaan, maxaa xornimadeydi aan wax ku sameyn lahaa loogu xukumayaa damiirka qof kale dartiis? Haddii aan cuntada mahadnaq uga qeyb qaato, ma wax aan Illaahey ugu mahadceliyo miyaa la igu cambaareynaa? Haddaba wax walboo aad sameysaan, haddaad cuntaan ama cabtaan u sameeya Illaahey ammaantiisa. Qofna dhibaato ha u geysanina, Yuhuudda, Gariigga ama kuwa ka tirsan kaniisadda Illaahey. Sida aan aniguba waxyaalaha aan sameeyo oo dhan dadka kaga farxiyo. Mana sameeyo wixii aniga ii roon laakiin dadka kale ayaan iska hor mariyaa si ey u badbaadaan. Tusaalahayga raaca sida aan aniguba u raaco kan Masiixa. Waxaan idin ku ammaanayaa inaad mar walba i xasuusataan oo aadna adeecdaan waxa aan idin baray. Haddaba waxaan doonayaa inaan idiin sheego inuu Masiixu yahay madaxa nimanka oo dhan, ninkuna uu yahay madaxa naagta. Madaxa Masiixana waa Illaahey. Nin walboo duceysta ama wax sii sheega isaga oo madaxa wax u saaran yihiin madaxiisuu ceebeeyay. Laakiin naag walboo duceysata ama wax sii sheegta iyadoon madaxeeda wax u saarneyn, waa sida iyadoo madaxa iska xiirtay. Waayo haddii naagta eysan madaxeeda waxba saarin, waxaa u roon iyadoo timaheeda iska xiirta, laakiin haddii ey ceeb u tahay iney timaha iska jarto ama ey xiirto waa iney madaxa wax saarataa. Ninku waa in uusan madaxiisa waxba saarin, waayo isagu waa muuqaalkii iyo ammaantii Illaah, laakiin naagtu waa ammaanta ninka. Waayo ninku kama imaanin naagta, laakiin naagta ayaa ka timid ninka. Maxaa yeeley ninka looma sameynin naagta, laakiin naagta waxaa loo sameeyay ninka. Sababtan iyo malaa’igta dartood, naagtu waa iney madaxeeda daboolataa taas oo tuseysa iney amarka ninkeeda ku hoos jirto. Sikastaba ha ahaatee xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la’aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la’aanteed. Waayo sida naagtu uga timaaday ninka ayuu ninkuna uga dhashay naag. Laakiin wax walba waxey ka yimaadaan Illaahey. Bal idinku go’aamiya iney wanaagsan tahay in naagtu ey Illaahey baryi karto iyadoon madaxeeda daboolin? Waayo waad ogtihiin hadduu ninku leeyahay timo dheer iney isaga ceeb u tahay. Laakiin naagtu haddey timo dheer leedahay waxey u tahay qurux, waayo timaheeda dheer ayey madaxeeda ku dabooshaa. Haddii qof uu doono inuu ka murmo arintan, ha ogaado anaga iyo kaniisadaha Illaaheyba in aanan waxbaritaan kale lahayn. Ma idin ku faraxsani waayo cibaadadiina dhib ayey keentaa intey wanaag keeni lahayd. Horta waxaan maqlay markaad kaniisad ahaan iskugu timaadaan, waxaa idin ku dhex jira kala qeybsanaan, taas oo aniga xitaa aan aaminsanahay. Waa shaki la’aan in muran idin ku dhex jiro, si qofka saxan la idin kaga dhex arko. Markaad isu timaadaan runtii ma ku dabaaldegtaan cashada Rabbiga. Waayo markaad dadka kale ka hor bilowdaan inaad wax cuntaan kulankii oo aan bilaabanin, qaarkiin gaaja ayey ku baxayaan kuwa kalana iyagoo sarqaansan ayey tagayaan. Miyeydan lahayn guri aad wax ka cuntaan ama ka cabtaan? Ama miyaad yastaan kaniisadda Illaahey iyo kuwa aan waxba haysanin? Maxaan idin ku iraahdaa? Runtii waxyaalahan idin ku ammaani maayo! Waayo waxyaalahan idiin sheegayo waxaan ka helay Rabbiga. Sayid Ciise habeenkii la gacan gelinayay wuxuu qaaday kibis, markii uu mahadceliyeyna wuu kala gooyay isaga oo leh, “Kani waa jirkeyga, kaasoo aan idin siiyay, sidan sameeya si aad iigu xasuusataan.” Sidaas si la mid ah, cashada kadib wuxuu qaaday koobkii isaga oo leh, “Kani waa axdiga cusub ee dhiigeyga, sidan sameeya, si aad iigu xasuusataan.” Waayo haddaad kibistaas cuntaan oo aad koobkaasna ka cabtaan waxaad tuseysaan dhimashada Rabbiga illaa uu kasoo laabto. Sidaa darteed, qof walboo cuna kibista ama ka caba koobka Rabbiga si aan istaahilin, wuxuu dembi ka galay jirkiisa iyo dhiigiisa. Qof walba waa inuu is hubiyaa ka hor inta uusan cunin kibista ama uusan ka cabin koobka Rabbiga. Waayo haddaadan garaneyn macnaha jirka Rabbiga markaad cuneysid kibista oo aad ka cabeysid koobka, waxaad isu keentay xukun. Waxyaalahaas darteed ayaa qaar idin ka mid ah ey daciif u yihiin, oo kuwa kalana ey u xanuusan yihiin. Kuwa kale oo badanna ey u dhinteen. Haddii aan marka hore garasho lahaan lahayn, ciqaabta Illaahey ma nagu dhici lahayn. Laakiin hadduu Illaahey na xukumo oo na ciqaabo, wuu na edbinayaa si aan aduunka naloola xukumin. Sidaa darteed walaalayaalow, markaad iskugu timaadaan inaad wax cuntaan, waa inaad dhamaan isla cuntaan. Qof walboo gaajeysan waa inuu gurigiisa wax kasoo cunaa, si ciqaabta Illaahey eydan u hoos galin markaad isku timaadaan. Markaan imaadana waan idiin sheegi doonaa wax ku saabsan waxyaalaha kale. Haddaba waxa ku saabsan hadiyada Ruuxiga ah, walaalayaalow wax ayaan rabaa inaad ogaataan. Waad ogtihiin markaad ahaydeen dadka aan Illaahey garaneyn, oo la idiin geyn jiray sanamyada aan nafta lahayn. Sidaa darteed ma jiro qof Ruuxa Illaahey hogaamiyo oo dhaha, “Habaar ha u sugnaado Ciise,” qofna ma dhihi karo, “Ciise waa Sayid,” isaga oo uusan Ruuxa Quduuska ah hogaaminin. Waxaa jira hadiyaddo ruuxi ah oo kala duwan, laakiin isla Ruuxa Quduuska ah ayaa dadka siiya. Waxaa jira qaabab kala duwan oo Illaahey loogu adeego. Anaguna waxyaalo kala duwan ayaan sameyn karnaa, inkastoo Illaahey naga dhex shaqeeyo isaga oo nagu caawinaya waxyaalahan sameyno oo dhan. Illaaheyna wuxuu anaga na siiyay hadiyad taas oo tuseysa in Ruuxa Quduuska ah uu na la jiro. Hadiyadaanna waa inaan u isticmaalnaa waxtarka walaalaha. Dadka qaarkood waxey leeyihiin kartida ey ugu hadlaan waxyaalo xigmad leh iyagoo uu Ruuxa Quduuska ah ka dhex hadlayo. Qaar kalana waxaa la siiyay fariin dadka aqoonta Illaahey siisa. Kuwa kalana Ruuxa Quduuska ah wuxuu siiyaa hadiyad aaminaad ah ama xoogga ey kuwa xanuunsan ku bogsiiyaan. Kuwa kalana wuxuu siiyaa xoogga ey ku sameeyaan mucjiso, kuwa kalana karti ey wax ku sii sheegaan, kuwa kalana sida loo kala garto ruuxyada wasakhda ah iyo Ruuxa Quduuska ah, kuwa kalana sida loogu hadlo afaf aan la garaneyn kuwa kalana sida loo fasiro afafkaas. Waxyaalahaas oo dhan waa shaqada Ruuxa Quduuska ah, laakiin sidii uu rabo ayuu dadka ugu kala qeybiyaa hadiyadahaas. Haddaba siduu jirku hal u yahay oo xubno badan u leeyahay, ayaa xubnahaasuna hal jir noqdaan sidaas ayaa jirka Masiixuna yahay. Qaarkeen waa Yuhuud, qaar kalana waa dadka aan Yuhuudda ahayn, qaar waa adoon oo qaar kalana waa kuwa xor ah. Laakiin anaga oo dhan waxaa nagula baabtiisay Ruuxa Illaahey si aan ugu midoobno jirka Masiixa, haddaba anaga oo dhan waxaan wadaagnaa hal Ruux. Jirkeenu ma laha hal xubin, laakiin wuxuu leeyahay xubno badan oo kala duwan. Haddey cagahu yiraahdaan, “Waayo anigu ma ihi gacan, ee kama tirsani jirka,” inkastoo eysan gacan ahayn weli jirkey ka tirsantahay. Haddii ey dhegtu tiraahdo, “Waayo anigu ma ihi il oo kama tirsani jirka,” inkastoo ey isha ahayn laakiin weli wey ka tirsantahay jirka. Haddii uu jirkeena oo dhan indho ahaan lahaa, waxba ma maqli lahayn. Haddii uu dheggo kaliya ahaan lahaana waxba ma urin lahayn. Laakiin Illaahey wuxuu xubnaha jirkeena oo dhan uu dhigay mid walba meeshii uu isaga doono. Haddii iyagoo dhan ey hal xubin noqon lahaayeen jirku maba jiri lahayn. Sida ey tahayna xubno badan ayaa jira laakiin waa hal jir. Sidaa darteed ayaa indhuhu eysan ugu dhihi karin gacanta, “Kuuma baahni!” Madaxana kuma dhihi karo cagta, “Kuuma baahni!” Xitaa xubnaha jirka ku yaala oo loo maleeyo iney itaal yar yihiin ayaa aad loogu baahanyahay. Xubnayaasha kaloo aan u maleyno iney ugu sharaf yar yihiin ayaan aad u sharafnaa. Xubnayaasha kale oo eysan dadku arkeynin ayaan aad uga taxadarnaa oona qarinaa. Laakiin halka dadku arkaan uma baahna in la qariyo. Illaahey wuxuu jirkeena isku hagaajiyay isaga oo sharaf badan siinaya xubnayaasha aan ugu muhiimsaneyn. Si uusan jirku u kala qeybsamin oo xubno walbana isugu naxariistaan. Haddii ey hal xubin dhibaatoota kuwa kalana wey la dhibaatoodaan, haddii hal xubin la sharfo kuwa kalana wey la farxayaan. Haddaba waxaad tihiin jirka Masiixa, kuligiinba waad ka tirsan tihiin. Illaaheyna markii hore wuxuu kaniisadda ka doortay dad uu ka dhigo rasuullo, marka labaadna nebiyo, marka saddexaadna macalimiin, kadibna kuwo mucjisooyin sameeya, kuwo hadiyaddo dadka lagu bogsiiyo leh, kuwo dadka kale caawiya, kuwo leh hadiyada dadka lagu hogaamiyo, iyo kuwo afafka kale ku hadla. Dhamaanteen miyaan nahay rasuullo? Dhamaanteen miyaan nahay nebiyo? Dhamaanteen miyaan nahay macalimiin? Dhamaanteen miyaan sameynaa mucjisooyin? Dhamaanteen miyaan leenahay hadiyada dadka lagu bogsiiyo? Dhamaanteen miyaan ku hadli karnaa afaf kale? Dhamaanteen miyaan fasiri karnaa afafka kale? Haddaba waxaan rabaa inaad dadaashaan si aad u heshaan hadiyaddo qiimo leh. Sidaa darteed waxaan idin tusi doonaa sida ugu wanaagsan. Haddii aan ku hadlo afafka binu aadanka iyo kan malaa’igta oo aanan jecleyn dadka kale, hadalladeydu micno daro ayey ahaanayaan sida gambaleel la yeerinayo ama saxano la isku garaacayo. Haddaan leeyahay hadiyada wax lagu sii sheego iyo fahanka waxyaalaha qarsoon ee Illaahey iyo aqoontiisa, iyo haddaan leeyahay iimaan weyn laakiin aanan dadka jecleyn waxba ma ihi. Haddii aan maalkeyga oo dhan masaakiinta siiyo, oo aan jirkeyga u dhibaateeyo Masiixa dartiis, laakiin aanan dadka jecleyn, abaalgud ma heli doono. Jaceylku wuu samir badan yahay, jaceylku waa naxariis. Jaceylku maseyr ma aha, mana faano mana kibro. Jaceylku akhlaaq xumo ma aha, jaceylku daneysi ma aha, dhakhsana ma xanaaqo, cuqdadna dadka uma qaado. Jaceylku kuma farxo markey dadku wax xun sameeyaan, laakiin wuxuu ku farxaa runta. Wax walba ayuu u dulqaataa, mar walbana wuu aaminaa, mar walbana wuu rajeeyaa, mar walbana wuu adkeystaa. Jaceylku weligiis ma dhamaado, laakiin qof walboo wax sii sheegaa weligiis ma sii wadi doono, kuwa afafka kale ku hadlana wey ka dhamaan doontaa, waxyaalaha aan garaneyno oo dhan waa la iloobi doonaa. Waayo wax walba ma garaneyno, wax sii sheegideenuna kaamil ma aha. Laakiin waxa kaamilka ah maalin ayey imaan doonaan, oo waxyaalaha aan kaamilka ahaynna wey lumi doonaan. Markaan ilmaha ahaa, ilmo ahaan ayaan u hadli jiray, sida ilmo ayaan u fikiri jiray. Laakiin markaan weynaaday, waxyaalihii aan yaraanteyda sameyn jiray waan iska dhaafay. Haddaba waxyaalaha aan aragno waa wax aan dhameystirneyn oo kaliya, sida milicsiga muraayada, laakiin mustaqbalka si fiican ayaan u arki doonnaa. Hadda wax walba ma garanayo laakiin waqtigaas waan garan doonnaa wax walba sida Illaahey si kaamil ah iigu garanayo. Haddaba saddexdan ayaa hari doona, iimaanka, rajada iyo jaceylka. Laakiin kuwan waxa ugu wada weyn waa jaceyl. Ujeedadiinu waa iney ahaataa jaceyl iyo inaad aad u doon doontaan hadiyadaha Ruuxa Quduuska ah ka yimaada siiba wax sii sheegida. Waayo qof walboo afafka kale ku hadla lama hadlayo dadka laakiin wuxuu la hadlayaa Illaahey. Runtii qofna iyaga fahmi maayo, waxyaala qarsoon ayuu Ruuxa Quduuska ah kaga dhex hadlaa. Laakiin midka wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo dhiirigelin ah, hadallo dadka caawiya una qalbi qaboojiya. Qof walboo afafka kale ku hadlaa isaga kaliya ayaa is caawiya, laakiin kan wax sii sheegaa kaniisadda ayuu caawiyay. Waxaan jeclaan lahaa kuligiinba inaad afaf kale ku hadashaan, laakiin waxaan kasii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Qofka wax sii sheega wuu ka weyn yahay kan afafka kale ku hadla haddii eysan jirin qof kale oo afafkaas fasiri kara, si ey kaniisadda waxtar ugu noqoto. Haddaba walaalayaalow, haddaan idiin imaado oo aan afaf kale idin kula hadlo maxaan idin ku caawiyay, illaa aan idiin keeno muujinta ama aqoonta ama wax sii sheegida ama waxbaritaan maahee? Xitaa waxyaalaha aan nafta lahayn markey dhawaaqaan, sida biibiile ama kataarad, haddii eysan dhawaaqa ku kala soocneyn sidee ayaa lagu garan karaa waxa la ciyaarayo. Hadduu buunku ku dhawaaqo cod aan la garaneyn, yaa diyaar u noqonaya dagaalka? Sidoo kale, sidee ayuu qofku ku fahmayaa waxa aad ka hadleysid, haddii fariinta lagugu siiyay afaf kale? Waxyaalaha aad ku hadleyso macno ma laha. Luuqado badan ayaa aduunka ka jira, iyagoo dhanna macno ayey leeyihiin. Laakiin haddii aanan fahmeynin afka uu qofka kale ku hadlayo, waxaan u ahay shisheeye, isaguna shisheeye ayuu ii yahay. Idinkuna sidoo kale, mar haddii aad hamuun u qabtaan hadiyada ruuxiga ah, dooro mid kaniisadda wax u tara. Markaan ku hadalno afka eysan dadka kale fahmeynin waa inaan Illaahey ka barinaa si aan u fasirno. Waayo haddii aan afafka kale ku duceysto ruuxdeydu wey duceysataa, laakiin qalbigeygu kama qeyb qaato. Sidaa darteed maxaan sameeyaa? Ruuxdeydaan ka duceysan doonaa, sidoo kalana qalbigeyga. Ruuxdeydaan ka heesi doonaa sidoo kalana qalbigeyga. Kaba soo qaad haddii aad ruuxdaada ka duceysatid, sidee ayey dadkii meesha joogay ee aan garaneyn waxaad dhaheysid aamiin ku dhahayaan? Waxaa laga yaabaa inaad Illaahey caabudeysid laakiin qof kale oo ey caawineyso uusan jirin. Waxaan Illaahey ugu mahadceliyaa inaan idinka oo dhan idin ka badiyo sida loogu hadlo afafka kale. Laakiin markaan kaniisadda joogo waxaa ila wanaagsan inaan shan erey oo dadka fahmaan ku hadlo si aan dadka wax ugu baro intaan toban kun oo erey oo eysan dadka fahmeynin ku hadli lahaa. Walaalayaalow, sida caruurta ha u fikirina. Laakiin xagga waxa sharta ah caruur ka ahaada, laakiin fikradihiina ka ahaada dad waaweyn. Sharciga waxaa ku qoran, Rabbigu wuxuu yiri, “Afaf kale iyo dad shisheeye ah ayaan dadkeyga uga dhex isticmaali doonaa, xitaa waqtigaasna ima dhageysan doonaan.” Sidaa darteed, hadiyada afaf kale oo lagu hadlo waxey calaamad u tahay kuwa aan weli rumeysanin, laakiin uma aha kuwa rumeystay. Wax sii sheegiduna waxey calaamad u tahay kuwa rumeystay ee uma aha kuwa aan rumeysanin. Haddii ey kaniisadda oo dhan kulmaan oo uu qof walbana bilaabo inuu ku hadlo afaf kale, oo isla waqtigaasna dadka aan garaneyn ama kuwa aan rumeysaneyn kaniisadda soo galaan, ma dhahayaan miyaa waad wada waalantihiin? Laakiin haddii ey dadka aan afafkaas garaneyn ama kuwa aan rumeysaneyn yimaadaan kaniisadda iyadoo qof walba uu wax sii sheegayo, waxyaalahaas aad ku hadleysaan ayaa qofka tusaya inuu yahay dembiile oo uu Illaahey xukumi doono. Waayo waxyaalaha qalbigooda ku qarsoon ayaa banaanka u soo bixi doona. Sidaa darteed intey jilbaha dhigtaan ayey Illaahey caabudi doonaan, iyagoo dhahaya, “Runtii Illaahey wuu idin dhex joogaa!” Haddaba maxaan niraahnaa walaalayaalow? Markaad duco iskugu timaadaan, waa in mid walba lahaado hees sabuur ah, ama waxbarid, ama muujin, afaf kale ama fasirid. Wax walba waa in la sameeyaa si ey kaniisaddu u dhisanto. Haddii uu qof afaf kale ku hadlo waa iney ahaadaan laba ama saddex, iyagoo waqti isa siinaya, qof kalana waa inuu sii fasiraa. Laakiin haddii eysan jirin qof fasiri kara, kan hadlayo waa inuu kaniisadda ka aamusaa oo hoos iskula hadlaa ama la hadlaa Illaahey oo kaliya. Sidoo kale waa in laba ama saddex nebi oo wax sii sheegaya hadlaan, kuwa kalana waa iney si fiican u fiiriyaan fariintooda. Haddii uu waxyi u yimaado qof halkaas fadhiya, kan hadlayo waa inuu joojiyaa. Waayo kuligiin hal hal ayaad wax ku sii sheegi kartaan, si ey dadkoo dhan wax idin kaga bartaan oo ey u dhiiranaadaan. Kuwa hadiyada nebinimada leh ruuxdooda xoog ayey u leedahay wax sii sheegida. Waayo Illaahey ma aha Illaah nidaam daro laakiin waa Illaaha nabadda. Kaniisad walba ee dadka Illaaheyna waa sidaas. Naaguhu waa iney aamusaan markey kaniisadda joogaan. Looma ogola iney hadlaan sida uu sharciga Yuhuudda dhahayo, waana iney ka dambeeyaan hogaamiyayaasha. Haddii ey su’aalo weydiin rabaanna waa iney nimankooda weydiiyaan markey guriga tagaan. Waayo waa ceeb naagahu iney kulanka kaniisadda ka dhex hadlaan. Mise ereyga Illaahey idinka ayuu idin ka yimid? Mise waxaad tihiin kuwa kaliya ee uu ereygu soo gaaray? Haddii uu qof isku maleeyo inuu yahay nebi ama mid ruuxa raaca, waa inuu ogaadaa in waxyaalahan aan soo qoray ey yihiin amarrada Rabbiga. Laakiin haddii uu qofku waxyaalahan iska dhegga tiro, iyagana waa la dayici doonaa. Sidaa darteed walaalayaalow, doondoona hadiyada wax sii sheegida, laakiin ha diidina in afaf kale lagu hadlo. Laakiin waxyaalaha oo dhan nidaam ha lagu sameeyo. Walaalayaalow, waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo warkii wanaagsanaa ee aan idiin wacdiyay, kaasoo aad qaadateen oo aadna ilaaliseen. Warkan wanaagsan ayaad ku badbaadi doontaan, haddii aad si fiican u ilaalisaan ereyga aan idiin wacdiyay. Laakiin haddii kale iimaankiinu macno la’aan ayuu noqonayaa. Waayo waxa la i siiyay ayaan aniguna idiin gudbiyay taas oo ah wax baritaanka ugu muhiimsan oo ah in Masiixu dembiyadeena u dhintay sida qorniinku leeyahay. Kadibna waa la aasay, maalintii saddexaadna wuu soo sarakacay sida uu qorniinku horey u sheegay. Wuxuuna u muuqday Keeyfas kadibna laba iyo tobankii xerta ahaa. Kadibna wuxuu u muuqday walaalo ka badnaa shan boqol, badidooduna weli wey nool yihiin, kuwa kalana wey dhinteen. Kadibna wuxuu u muuqday Yacquub iyo rasuulladoo dhan. Ugu dambeyntii aniga ayuu ii muuqday, aniga oo xitaa u qalmin inaan isaga arko. Waayo anigu waxaan ahay midka rasuullada ugu liita oo xitaa ma istaahilo in la iigu yeero rasuul, waayo kaniisadda Illaahey ayaan silcin jiray. Laakiin Illaahey nimcadiisa ayaan ku ahaaday waxaan hadda ahay, nimcadiisuna shaqo fiican ayey iga dhex sameysay. Anigu si rasuullada kale ka badan ayaan Illaahey ugu shaqeeyaa, aniga ma aha laakiin nimcada Illaahey ayaa iga dhex shaqeysa. Laakiin muhiim ma aha haddii aniga ama iyaga wacdiyaan waayo dhamaanteen fariin isku mid ah ayaan wacdinaa taas oo aad aaminteen. Laakiin haddii lagu wacdiyay Masiixa inuu dhimashada kasoo sarakacay, sidee ayaa qaarkiin u dhahaysaan sarakicid ma jirto? Haddii eysan sarakiciddu jirin, xitaa Masiixa dhimashada kama soo sarakicin. Haddii uusan Masiixu kasoo sarakicin dhimashada, wacdigeenu waa macno daro sidoo kalana iimaankiinu waa macno daro. Waayo waxaan noqoneynaa kuwa marqaati been ah Illaahey u fura, maxaa yeeley waxaan u marqaatifurnaa Illaaha Masiixa dhimashada kasoo sarakiciyay. Laakiin waxey noqoneysaa Illaahey in uusan isaga sarakicinin haddii aad leedihiin sarakiciddu ma jirto. Waayo haddii sarakiciddu eysan jirin Masiixana lama soo sarakicinin. Oo haddii aan Masiixa la soo sarakicinin iimaankiinu waa macno la’aan. Weli dembiyadiina ayaad ku jirtaan. Kuwii dhintay iyagoo Masiixa aaminsanna wey lumeen. Haddii aan noloshan oo kaliya aan Masiixa rajo ku leenahay waxaan noqoneynaa kuwa ugu liita oo dadka u naxariistaan. Laakiin runtii Masiixa waa laga sarakiciyay dhimashada, taasi waxey xaqiiq u tahay kuwii dhintay iyagoo Ciise aaminsan iney soo sarakici doonaan. Waayo Aadan ayaa dhimashada keenay, sidoo kale Masiixana sarakicidda ayuu keenay. Aadan dartiis ayaan dhamaanteen u dhimanay, sidaa darteed Masiixa dartiis dhamaan wey noolaan doonaan. Laakiin arintan nidaam ayey ku soconeysaa. Masiixa ayaa ugu horeeyay oo dhimashada kasoo sarakacay, kadibna markii uu soo laabto dadkiisana waa la soo sarakicin doonaa. Kadibna dhamaadka aduunka ayaa imaan doona, markii uu Ciise boqortooyada u dhiibo Illaaha Aabaha ah markii uu burburiyo xoog iyo amar walba kadib. Waayo Ciise waa inuu xukumaa illaa uu cadowyadiisa ka keeno cagahiisa hoostooda. Cadowgiisa ugu dambeeya waa dhimashada. Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Illaahey wax walba ayuu cagihiisa hoos keenay.” Haddaba markii la yiri “Wax walba.” Isaga ayaa la hoos keenay, taasi macnaheedu ma aha in Illaaheyna Ciise la hoos keenay, waayo Illaahey ayaa waxa walba Ciise hoos keenay. Illaahey markii uu waxyaalahan sameeyo kadib, Wiilka ayaa hoos imaan doona Illaahey kaasoo isaga wax walba uu hoos keenay. Si uu Illaahey u ahaado wax walba. Haddaba haddii eysan sarakiciddu jirin, maxey u maleyn doonaan kuwa dadkii dhintay loo baabtiisayo? Maxaa dadka loogu baabtiisayaa kuwii dhintay dartood? Maxaan nafteena halis u gelinaa mar walba? Oo aan dhimashada halis ugu jirnaa, walaalayaalow waxaan idiin kugu faanaa Ciise Masiixa oo ah Rabbigeena dartiis. Magaalada Efesos dad badan ayaa ila dagaalay, waxyaalahaas aan sameeyay uma sameynin inaan waxa dunidan helo, waayo maxey ii taraysaa? Haddii eysan sarakicid jirin, “Aan wax iska cunno oo aan cabno waayo berri waan dhiman doonnaa.” Yaan la idin khiyaanin, waayo saaxiibada xun waxey kharibaan kuwa asluubta wanaagsan. Si quman uga fikira waxa saxda ah oo joojiya dembiga, waayo qaar ayaa Illaahey iska dhegga tira, waxaan rabaa inaad isku xishootaan. Qaarkiin ayaa weydiin doona, “Sidee ayey kuwa dhintay u soo sarakici doonaan? Jirkee ayey ku imaan doonaan?” Doqon yahow! Waxaad abuurtay ma soo noolaadaan illaa ey ka dhintaan maahane. Markaad abuur abuurtaan, ma abuureysaan jirka ey kusoo bixi doonaan, laakiinse waxaa laga yaabaa inaad abuurtaan iniin sarreen ah ama kuwa kale. Laakiin Illaahey wuxuu siiyaa jir ey ugu soo baxaan sida uu isaga rabo, nooc walboo iniin ah wuxuu siiyaa jirkeeda. Jirka oo dhan isku mid ma aha, dadku waxey leeyihiin jir ka duwan xayawaanka, shimbirraha iyo kalluunka. Sidaa darteed waxaa jira jirka samada iyo kan aduunka. Laakiin quruxda jirka samada wey ka duwan yahay kan aduunka. Qoraxdu waxey leedahay qurux ceynkeeda ah, dayaxuna mid kale, xiddiguhuna kuwa kale, oo xiddigba xiddig kale wuu uga duwanyahay quruxda. Sidaas oo kale ayuu ahaan doonaa jirka lagu soo sarakacayo. Jirka aan hadda leenahay wuu dhiman doonaa laakiin kan dhimashada kasoo sarakacaya weligiis ayuu noolaan doonaa. Jirkan waxaa lagu aasay sharafdaro laakiin waxaa lagu soo sarakiciyay ammaan. Waxaa lagu aasay daciifnimo laakiin waxaa lagu soo sarakiciyay awood. Waxaa la beeray isaga oo jir caadi ah leh laakiin wuxuu kusoo sarakici doonaa jir ruuxi ah. Haddii uu jir caadi ah jiro, mid ruuxi ahna wuu jiraa. Qoraalku wuxuu leeyahay, “Ninkii ugu horeeyay ee ahaa Aadan wuxuu noqday wax nool,” Aadankii ugu dambeeyeyna wuxuu noqday ruux nolosha bixisa. Ruuxa ma hor imaanin, laakiin midka caadiga ah ayaa hor yimid, kadibna midka ruuxa ayaa yimid. Ninkii ugu horeeyay waxaa laga sameeyay dhoobada dhulka, laakiin ninkii labaad wuxuu ka yimid samada. Dadka aduunkan jooga oo dhan waxey leeyihiin jirka Aadan oo kale, dadka jannada joogana waxey leeyihiin jirka Ciise oo kale. Sida aan ugu leenahay muuqaalka binu aadanka aduunkan, sidoo kale ayaan u lahaan doonaa muuqaalka kan jannada. Sidaa darteed walaalayaalow waxaan idin leeyahay, jirkeena iyo dhiigeenana wey qurmi doonaan. Taasi waxey macneyneysaa jirkaas boqortooyada Illaahey ma galayo taas oo weligeed aan dhamaaneynin. Balse i dhageysta aan waxa qarsoon ee Illaahey idiin sheegee, dhamaanteen ma dhiman doono, laakiin dhamaanteen waa na la beddeli doonaa. Si il biriqsi oo kale ah ayey u dhici doontaa, markii buunka ugu dambeeyo uu yeero. Waayo buunka waa la yeerin doonaa oo kuwii dhintayna wey soo sarakici doonaan, anaga oo dhan ayaa beddelmi doonna si aanan weligeenba u dhiman. Jirkeena dhintay oo qurmay waxaa lagu beddeli doonaa jir kale oo aan dhimaneynin oona qurmaynin. Jirka aan hadda leenahay waa daciif dhiman kara. Laakiin wuxuu ku beddelmi doonaa jir weligiis ah. Kadibna qoraalku wuu dhaboobayaa, “Dhimashadu wey guul dareysatay.” “Dhimashoy aaway guushaadi? Dhimashoy aaway xanuunka aad nagu haysay?” Xanuunka dhimashada waa dembi, oo xoogga dembiguna waa sharciga. Laakiin Illaahey ayaa mahad leh, kan nagu siiyay guul Rabbigeena Ciise Masiix. Sidaa darteed walaalayaalow iimaankiina ku adkaada, waxna yeysan Illaahey idin ka fogeynin, mar walbana shaqada Rabbiga sameeya. Waayo waad garaneysaan in shaqadiisu tahay muhiim. Haddaba waxa ku saabsan waxa loo ururiyo dadka Rabbiga. Sameeya wixii aan amray kaniisaddii ku taalay Galatiya. Maalinta ugu horeysay ee usbuuca, mid walba waa inuu mushaharkiisa xoogaa meel ka dhigaa, si markaan imaado aan waxba loo ururin. Kadibna markaan imaado waxaan warqad hordhac ah u dhiibi doonaa kuwa aad idinka ogolaataan, waxaanna lasoo diri doonaa hadiyadiina ilaa Yeruusaalem. Haddii ey ila noqoto inaan tago, wey i raaci doonaan. Markaan soo maro Makedoniya kadib ayaan idiin imaan doonaa, waayo qorshaheygu waa inaan Makedoniya soo maro. Xoogaa yar ayaan idin la joogi doonaa, waxaa laga yaabaa inaan xiliga qabowga ah idin la sii joogo, si aad iigu caawisaan safarkeyga meel kastoo aan tago. Waayo ma doonayo inaan waqti yar idin la joogo, sidaa darteed waxaan rajeynayaa inaan waqti idin la qaato hadduu Illaahey yiraahdo. Laakiin hadda waxaan sii joogayaa Efesos illaa maalinta Bentekoste. Waayo albaab weyn oo shaqo waxtar leh ayaa ii furmay, laakiin kuwa badan ayaa iga soo hor jeeday. Timoteyos markii uu yimaado si fiican u soo dhoweeya. Waayo isaguna sideyda oo kale ayuu shaqada Rabbiga hayaa. Qofna yuusan si xun ula dhaqmin. Nabad kusoo dira si uu igu soo laabto, waxaanna rajeynayaa inuu walaalaha kale la yimaado. Haddaba arinta ku saabsan walaalkeen Abolloos aad ayaan uga baryay inuu idin soo booqdo isaga oo la socda walaalaha kale. Laakiin ma uusan rabin inuu waqtigan yimaado, wuxuuna imaan doonaa markii uu fursad kale helo. Is ilaaliya, iimaankiina ku adkaada, dhiiranaada, xoogna yeesha. Wax walboo aad sameysaanna jaceyl ku sameeya. Waad ogtihiin kuwa guriga Istefanas jooga iney yihiin kuwii ugu horeeya ee Akhaya dhexdeeda ka rumeystay. Waxeyna isku dhiibeen iney u shaqeeyaan dadka Rabbiga. Sidaa darteed walaalayaalow waxaan idin leeyahay, waa inaad ka dambeysaan dadkaas oo kale iyo kuwa kale ee shaqadan haya. Waan ku farxay markey Istefanas, Fortunatos iyo Akhayos yimaadeen, waayo waxaad idinka isiin lahaydeen ayey isiiyeen. Waayo ruuxdeyda iyo tiina ayey nasiiyeen. Xushmeeya dadkan oo kale. Kaniisadaha Aasiya ku yaala wey idiin salaamayaan. Akula iyo Bariskillana magaca Rabbiga ayey idiin soo salaameen, sidoo kale walaalaha gurigooda iskugu yimaada. Walaalaha oo dhan ayaa salaan idiin soo diray. Isku salaama dhunkashada quduuska ah. Aniga Bawlos ah ayaa salaantan gacanteyda kusoo qoray. Haddii qofku uusan jecleyn Rabbiga, qofkaas inkaarta Rabbiga haku dhaco. Nimcada Rabbi Ciise ha idin la jirto. Dhamaan kuwa Ciise Masiix raacsan waan idin jeclahay. Aamiin. Ka socoto Bawlos kaasoo doonista Illaahey ku noqday rasuulka Ciise Masiix, iyo walaalkeen Timoteyos. Warqaddan waxey ku socotaa kaniisadda Illaahey ee ku taala Korintos iyo dhamaan dadka Illaahey ee jooga Akhaya. Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Ammaan ha u sugnaato Illaaha ah Aabaha Rabbigeena Ciise Masiixa. Aabaha naxariista leh, kaasoo mar walba na qalbi qaboojiya. Kan dhibaatadeena nagu qalbi qaboojiya, si aan anaguna dhiiranaan taas ula wadaagno kuwa kale ee dhibaatada ku jira, waana awoodi doonnaa inaan qalbi qaboojiskaas uu Illaahey na siiyay aan siino iyagana. Waayo si aan anaguna silac u marno sida uu Masiixa u silcay, sidaas oo kale ayaa Illaahey nagu qalbi qaboojinayaa isaga oo u maraya Ciise. Laakiin haddaan dhibaatoono anaga oo rajo leh waa la idin qalbi qaboojin doonaa oo la idin badbaadin doonaa. Sidoo kale haddii na la qalbi qaboojiyo, idinkana waa la idin qalbi qaboojin doonaa, markaad u dulqaadataan dhibaatada aad mareysaan sideena oo kale. Rajo aan idin ku leenahay wey adagtahay, waayo waan ognahay inaad nala wadaagteen silaceena, sidoo kale ayaad nala wadaageysaan raaxadeena. Walaalayaalow sidaa darteed ma dooneyno in eydan wax ka ogeyn dhibaatadii aan ku marnay Aasiya. Aad ayaan u dhibaatoonay taas oo aan u dulqaadan weynay illaa aan nolosha ka quusanay. Runtii waxaan u maleynay in dhimasho na lagu xukumi doonno. Laakiin waxyaalahan waxey u dhaceen si aanan anagu iskugu kalsoonaanin laakiin aan ku kalsoonaano Illaahey, kaasoo kuwa dhintay soo sarakiciya. Illaahey wuxuu naga badbaadiyay dhimashada, mar kalana wuu na badbaadin doonaa. Isaga ayaan rajadeena saarnay wuuna na badbaadin doonaa mar walba. Idinkoo nagu caawinaya baryadiina ayey dad badan Illaahey u mahadcelin doonaan nimcada axsaanka aan ku helnay jawaabta ducada kuwa badan. Kani waa faankeena, qalbigeenu wuxuu ka marqaatifuraya, waayo waxaan ku nooleyn xaqnimo iyo daacadnimo siiba markaan idin la joognay. Anaga oo nimcada Illaahey isku halleyneyna intii aan isku haleyn lahayn xigmadda dunidan. Waayo ma idiin soo qorayno waxyaalo eydan akhrin karin ama eydan fahmeynin. Laakiin waxaan rajeynayaa, sida aad hadda si dhameystiran noogu fahmeynin, markii uu Rabbi Ciise dadka oo dhan xukumi doono si fiican ayaad noo fahmi doontaan oo aadna noogu faani doontaan. Waayo waxyaalahan aad ayaan kalsooni ugu qabaa, sidaa darteed waxaan rabaa inaan marka hore idin soo booqdo si aad mar labaad u barakowdaan. Waxaan rabaa inaan idin soo booqdo markaan u socdo Makedoniya iyo markaan kasoo laabtaba, oo aad kadibna ii dirtaan Yahuudiya. Sidaa darteed markaan qorshahan sameynayay miyaan isdabamariyay? Ama miyaan qorshaheyga u sameeyay sida dadka aduunka ku jira ey u sameeyaan si aan marna “Haa, haa” u iraahdo mar kalana, “Maya, maya” u iraahdo? Laakiin waa hubaal sida Illaah uu aamin u yahay ayeysan fariinteenuna u ahayn “Haa” iyo “Maya.” Waayo Wiilka Illaahey oo ah Ciise Masiix, kaasoo aan aniga, Silwanos iyo Timoteyos idin kaga dhex wacdinay, ma eysan ahayn “Haa” ama “Maya,” laakiin fariinteena isaga ku saabsan mar walba waxey ahayd “Haa.” Waayo inkastoo ey ballamada Illaahey badan yihiin xagga Ciise “Haa” ayey ka yihiin. Sidaa darteed anaguna awooddiisa ayaan aamiin ku dhahnaa taas oo Illaah ammaaneysa. Haddaba waa Illaahey kan anaga iyo idinkaba naga dhigay inaan ku adkaano Masiixa. Illaah wuu na doortay, wuxuu na saaray shaabadiisa lahaanshada, Ruuxiisana qalbiyadeena ayuu u geliyay keyd ahaan, damaanadna ugu dhigay waxa imaan doona. Illaah ayaa ugu yeertay marqaatigeyga waayo waxaan Korintos u joogay inaan dhibka idin ka ilaaliyo. Anagu ma nihin kuwa madaxda ah ee idiin sheega waxaad aamini lahaydeen. Laakiin farxadiina darteed ayaan idiin la shaqeynaa, waayo iimaankiinu wuu adagyahay. Sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan murugo la imaanin. Waayo haddaan idin murugeeyo yaa iga farxin doona, waxaan ka ahayn kuwa aan murugo u keenay? Sidaa darteed ayaan warqaddaas idin kugu soo qoray, mana doonayo inaan imaado oo aan ku xanaaqo isla dadkii iga farxin lahaa. Waayo waxaan ku kalsoonnahay dhamaantiin, in dhamaantiinna aad wada faraxsantihiin. Waqtigaas aan warqadda idiin soo diray aad ayaan silac u marayay, waana qalbijabsanaa oo aad ayaan u ilmeynayay. Laakiin ma rabin inaad qalbi xumaataan, waxa kaliya aan rabay waa inaad ogaataan inaan aad idiin jeclahay. Haddaba aniga oo aan ku adkeynin, haddii midkiin kan kale uu qalad ka galo, aniga kaliya ma i murugeynin ee isku si ayuu dhamaantiinaba idiin qalbi jabiyay. Wey ku filan tahay in qofkaas aad saas u ciqaabteen. Qofku markii uu dembaabo waa inaad u cafisaan oo aadna u qalbi qaboojisaan, si uusan aad ugu murugoon oo uusan u raja beelin. Waxaan idin leeyahay inaad qofkaas ogeysiisaan inaad aad u jeceshihiin. Sababta kale aan warqaddaas idiin kugu soo qoray waa, waxaan rabay inaan idin imtixaano, inaad waxyaalahaas oo dhan ee aan idiin sheegay adeeci doontaan. Markii aad dadka u cafisaan waxyaalaha ey sameeyeen, aniguna waan u cafinayaa, haddii ey jiraan waxa aan iyaga u cafiyo dartiin ayaan Masiixa hortiisa ugu cafinayaa, si uusan Shaydaanku fursad nooga dhex helin. Waayo waan ognahay qorshihiisa. Haddaba markaan tagay Taroo’as si aan kaga wacdiyo Injiilka Masiixa, waxaan arkay in Rabbigu irid ii furay. Weli aad ayaan ugu welwelsanaa waayo kuma arkin walaalkey Tiitos halkaas. Sidaa darteed macsalaameeyay kadibna waxaan tagay Makedoniya. Laakiin Illaahey ayaan u mahadceliyaa! Kaasoo mar walba nagu hogaamiya guusha anaga oo uu Masiixu na la jiro, isaga oo noo isticmaalaya inaan meel walba ku faafino udgoonka aqoontiisa. Waayo anagu waxaan nahay udgoonka Masiixa u bixiyay Illaahey, taas oo ku faafeysa kuwii badbaaday iyo kuwii lumayba. Kuwa lumay waxaan u nahay dhimasho, laakiin kuwa la badbaadiyay waxaan u nahay udgoonka nolosha keena. Runtii ma jiro qof masuuliyadaan qaadi kara. Waayo anagu kuma wacdino ereyga Illaahey si aan lacag ugu helno. Laakiin waxaan nahay adeegayaasha daacada ah ee Illaahey, Masiixa xoogiisa ayaan ku hadalnaa taas oo Illaahna marqaati nooga yahay. Haddaba miyaanu bilownaa inaan is ammaanno? Ama sida kuwa kale miyaanu u baahannahay in la idiin soo diro warqado anaga naga hadlaya ama idinka darteena warqad aad u soo dirtaan? Idinka ayaa ah warqaddeena, oo qalbigeena ayaad ku qoran tihiin dadka oo dhan wey garanayaan weyna akhrinayaan. Waa hubaal in aad tihiin warqadda Masiixa miraha shaqadeena. Taas oo aan lagu qorin khad laakiin lagu qoray Ruuxa Illaaha nool. Oo aan lagu qorin dhagaxyo balbalaaraan laakiin waxaa lagu qoray qalbiga binu aadanka. Waxyaalahaas ayaan kalsooni ugu leenahay Illaahey hortiisa anaga oo u mareyna Masiixa. Ma aha in waxyaalahan aan anagu xooggeena ku sameynay laakiin xooggeenu wuxuu ka imaaday Illaahey. Wuxuu na siiyay xoog sida adeegayaashiisa ee axdiga cusub. Axdigan cusub ma aha sharciga qoran laakiin waa Ruuxa Quduuska ah ee na hogaamiya waayo sharcigu dhimasho ayuu keenaa laakiin Ruuxu nolol ayuu keenaa. Haddaba haddii uu adeegu dhimasho keenay inkastoo lagu qoray dhagax wuxuu la yimid ammaan. Sida ey dadka reer binu Israa’iil Muuse wejiga uga fiirin kari waayeen ammaantaas darteed, inkastoo ey tahay ammaan dhamaaneysa. Miyeysan adeegayaasha Ruuxa ammaantaas in ka badan lahayn? Haddii ey adeegida xukunka keentay ammaan ahayd, intee ka badan ayaa adeegida xaqnimada keenta ey u ammaan badan tahay! Runtii waxyaalihii ammaanta lahaa hadda ma laha ammaan haddii lagu barbardhigo ammaanta axdiga cusub. Haddaba haddii waxyaalaha dhamaanaya ey ammaan ku imaadeen, intee ka badan ayey tahay ammaanta aan weligeed dhamaaneynin! Sidaa darteed rajadan aan leenahay darteed ayaan si kalsooni leh ugu hadalnaa. Ma nihin sida Muuse kaasoo wejiga maro iska saaray si uu dadka reer binu Israa’iil uga ilaaliyo in eysan arkin dhalaalkii wajigiisa oo dhamaanaya. Laakiin qalbigooda ayey adkeeyeen, wax ayaana ka hor istaaga iney runta arkaan marka la akhriyo axdigii hore. Waayo Masiixa kaliya ayaa ka qaadi kara waxa aragooda daboolaya. Ilaa waqtigan la joogo haddii sharciga Muuse la akhriyo qalbigooda ayey adkeeyaan. Laakiin haddii uu qofku u laabto Rabbiga maradaas waa laga qaadaa. Haddaba Rabbiga iyo Ruuxu waa hal, meel Ruuxu joogana Rabbigu wuu joogaa, Ruuxa Rabbiga ayaa na xoreeyay. Haddaba anaga oo ah kuwa wejigooda marada laga qaaday waxaan muuqaal u nahay ammaanta Rabbiga, waayo wuxuu nagu beddelay muuqaalkiisa iyo ammaantiisa badan taas oo ka timid Sayidka ah Ruuxa. Sidaa darteed Illaahey naxariistiisa ayaan ku helnay shaqadan mana ka niyad jabeyno. Waana diidnay waxyaalihii ceebta ahaa oo dhan, qofna ma khiyaaneyno, ama ereyga Illaaheyna been kama sheegeyno. Laakiin waxaan si cad u barnaa waxyaalo run ah waxaan isku ammaannaa nafteena qof walba damiirkiisa Illaahey hortiisa. Haddii injiilka aan wacdino uusan cadeyn, dadka lunsan ayuusan u cadeyn. Kuwa aan rumeysaneyn illaaha aduunkan ayaa indha tiray si eysan u arkin iftiinka warka wanaagsan ee tusaya ammaanta Masiixa, kaasoo ah muuqaalka Illaahey. Waayo waxaan ku wacdino nagama imaanin, laakiin waxey ka yimaadeen Ciise Masiix oo ah Sayidkeena. Anaguna waxaan idiin caawineynaa Ciise dartiis. Waayo Illaahey ayaa yiri, “Iftiinka haku ifo mugdiga,” isaga ayaa iftiinkiisa qalbiyadeena ku ifiyay, si aan u garano ammaanta Illaahey ee laga arkay wajiga Ciise Masiix. Waxaan leenahay iftiinkan qalbiyadeena ku ifaya, laakiin anagu waxaan nahay sida jeeg dhoobo laga sameeyay oo qiima leh oo waxyaalo qiima leh ku jiraan. Tani waxey cadeyneysaa xooggeena weyn inuu ka yimaaday Illaahey oo uusan anaga xaggeena ka imaanin. Dhibaato badan ayaan marnay laakiin ma aanan jabin, xitaa haddaanan garaneyn waxaan sameyno ma quusano. Waa na la silciyay laakiin Illaahey mana deyrin, dhulkana waa nagula tuuray laakiin waxba naguma dhicin. Mar walbana waxaan la kulannaa dhimasho Ciise dartiis, jirkeena ayaa tusa dhimashadiisa waxey tahay, si noloshiisa nalooga dhex arko. Waayo Ciise dartiis ayaa anagan nool na loogu dhiibay dhimasho, si noloshiisa looga dhex arko jirkeena dhimanaya. Sidaa darteed dhimashadu wey na la joogtaa, laakiin tani waxey idiin keentay nolosha weligeed ah. Wey qoran tahay, “Waan aaminay, sidaa darteed ayaan u hadlay.” Waxaan leenahay isla ruuxa iimaankaas sidaa darteed ayaan u aaminnaa oona u hadalnaa. Waayo waan ognahay in Illaahey midka Sayid Ciise sarakiciyay anagana sidoo kale wuu na sarakicin doonaa wuxuuna na keeni doonaa hortiisa anaga oo isla jirna. Waxyaalahan oo dhan waa faa’iidadiina. Si dad badan ey u ogaadaan in Illaahey uu yahay mid naxariis iyo nimco leh oo eyna u ammaanaan una sharfaan. Sidaa darteed ma niyad jabeyno. Inkastoo jirkeena uu dhimanayo, laakiin ruuxdeena waa la cusbooneysiinayaa maalin walba. Waayo dhibka aan hadda ku jirno waa wax yar oo aan waqti dheer qaadaneynin. Laakiin waxey noo keentay ammaanta weligeed ah oo ka weyn dhibkaas. Sidaa darteed qalbigeena ma saarno waxyaalaha la arkayo, laakiin waxaan qalbigeena saarnaa waxyaalaha aan la arkeynin. Waayo waxa la arkayo waa wax dhamaanaya laakiin waxyaalaha aan la arkeynin waa mid weligeed ah. Waayo waan garaneynaa markey teendhadaan dhulka aan ku noolnahay ey baaba’do, waxaan heysanaa guri Illaah, guri janno ee daa’iim ah, kaasoo gacmo binu aadan lagu dhisin. Hadda waan taahnaa jirkeena wuu duqoobaa waxaanna aad u xiisnaa in na loo xiro jirka ruuxiga ah sida maro cusub oo kale xagga jannada. Waayo markaan dharka gashano, ma qaawanaan doono. Waayo intaan weli teendhadaan ku jirno, waan taahnaa oo cuslaanaa, waayo ma dooneyno in nala qaawiyo laakiin beddelkeeda aan huwano hooygeena jannada. Laakiin jirka aan weligiis dhimaneynin waxaa liqi doonaa nolosha. Illaahey ayaa waxyaalahan oo dhan ka dhigay suurtagal. Wuxuu na siiyay Ruuxiisa taas oo noo cadeyneysa inuu sameyn doono. Sidaa darteed mar walba waan isku kalsoonnahay, waana garaneynaa intaan jirkan ku jirno Rabbiga waan ka fognahay. Waayo waxaan ku nool nahay iimaan laakiin ma aha araga. Waan isku kalsoonnahay waayo waxaa noo roon anaga oo jirkan ka tagna oo Rabbiga la joogno. Sidaa darteed haddaan Rabbiga u tagnay ama aan weli u tagin waa inaan dadaalnaa si aan isaga uga farxino. Waayo dhamaanteen waxaan hor tageynaa kursiga xukunka ee Masiixa, sidaas darteed mid kastoo naga mid ah waa inuu helaa waajibkiisa, waxyaalihii u saameeyay intuu jirka ku jiray, haddii ey tahay wanaag ama xumaan. Sidaa darteed waan garaneynaa cabsida Rabbiga, waxaanna kuwa kale ku dhiirigelinaa iney Illaahey u laabtaan. Illaahey wuu na garanayaa, waxaanna rajeynayaa iney u cadahay damiirkiina. Mana isku dayeyno inaan faanno, laakiin waxaan rabnaa inaad nagu faantaan, si aad si fiican ugu jawaabtaan kuwa ku faano waxyaalaha aduunka intii ey qalbi saafi ah ku faani lahaayeen. Haddii aan waalannahayna waa Illaahey dartiis, haddii aan caadi nahayna waa dartiin. Waayo jaceylka Masiixa ayaa na hogaaminaya, hadda waan qanacnay in hal nin u dhintay dadkoo dhan, sidaa darteed anaga oo dhanna dhimashadiisa ayaan wadaagnay. Ciise wuxuu u dhintay dhamaan si kuwa nool eysan mar dambe ugu noolaan naftooda laakiin ey u noolaadaan isaga kaasoo u dhintay oona sarakacay. Sidaa darteed qofna kuma xukumi doonno muuqaalkiisa, waayo waqti hore ayaan u maleynay Masiixa sida kan aduunka. Qof walboo Masiixa ku jira waa abuur cusub. Wixii hore waa la iloobay, wax walbana wey cusboonaadeen. Waxyaalahan oo dhan waxey ka imaadeen Illaahey, kaasoo Masiixu na heshiisiiyay. Wuxuuna na siiyay shaqo si aan heshiis uga dhex keeno isaga iyo kuwa kale. Illaahey wuxuu heshiis dhex keenay aduunka iyo isaga, isaga oo u maraya Masiixa. Mana u xisaabeynin dadka dembigooda wuxuuna masuuliyad naga saaray inaan fariintaas heshiiska keenta. Sidaa darteed waxaan nahay kuwa Ciise u hadla, Illaaheyna dadkii uu ka dhex shaqeeyay si ey u qaataan fariintaas. Waxaan u hadalnaa Masiixa markaan idin ka barino inaad la heshiisaan Illaahey. Illaahey mid aan dembi lahayn ayuu nooga dhigay dembiile, si aan isaga dartiis ugu noqono kuwa xaqa ah ee Illaahey. Anaga oo la shaqeyneyna Illaahey ayaan idin ka baryeynaa in aadan qiima la’aan u qaadanin nimcada Illaahey. Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Waqtiga markii uu gaaro waan idin dhageysan doonaa, markaad caawimaad u baahantihiinna waan idin badbaadinayaa.” Waxaan idin leeyahay haddaba waxaa la joogaa waqtigaas, maanta waa maalintii aad badbaadi lahaydeen. Anagu waa inaanan aqabad ku noqonin qof kasta jidkiisa, si qofna shaqadeena uusan qalad ugu arkin. Laakiin sida adeegayaasha Illaahey si walbaan dadka u tusnaa inaan nahay adeegayaasha Illaahey. Mar walbana dulqaadasho ayaan lahayn inkastoo aan dhibaato badan iyo silac ku jirnay. Waa na la garaacay oo xabsi na la geliyay rabshooyinkana wax nagu gaareen. Aad ayaan u shaqeynay anaga oo aan hurdeynin oo sooman. Laakiin daahirnimadeena, aqoonteena, dulqaadashadeena, naxariisteena, Ruuxa Quduuska ah ee nagu dhex jira iyo jaceylkeena oo daacad ah ayaan isku cadeynay. Waxaan si daacad ah ugu wacdinay runta, xoogga Illaaheyna wuu naga dhex shaqeynayay. Waxaan gacanta midig ugu isticmaalnay hubka xaqnimada weerar bidixdana difaac. Xitaa haddii na la ammaano ama na la ammaani waayo, haddii wax fiican ama xun na laga sheego, runtii waxaan nahay kuwa daacad ah inkastoo kuwa kale nagu dhahaan waxaad tihiin khiyaanoolayaal. Dadka kale nama garanayaan laakiin idinku waad na garaneysaan. Waxaan u egnahay kuwo dhimanaya laakiin weli waan nool nahay, waa na la garaacay laakiin ma dhimanin. Farxad ayaan leenahay xitaa waqtiga aan silaca ku jirno. Inkastoo aan masaakiin nahay kuwa badan ayaan taajir ka dhignay, waxna ma haysano laakiin wax walba anaga ayaa leh. Dadka Korintosow si cad ayaan idin la hadalnay qalbigeena ayaan idiin furnay. Anagu waan idin jacelnahay laakiin idinku weli nama jeclidiin. Waxaan idiin la hadlaa sidi caruurteyda oo kale. Fadlan qalbigiina noo fura. Ha isku xirina kuwa aan rumeysneyn. Sidee ayey xaqnimadu ula xiriiri kartaa dembiga? Sidee ayuu iftiinku ula noolaan karaa mugdiga? Sidee ayuu Masiixu xiriir ula lahaan karaa ibliiska? Sidee ayuu midka rumeysan xiriir ula lahaan karaa midka aan rumeysanin? Midnimadee ka dhaxeysa macbadka Illaahey iyo sanamyada? Waayo waxaan nahay macbadka Illaahey, sida uu Illaahey yiri, “Waan la noolaan doonaa dhexdoodaan socon doonaa waxaanna noqon doonaa Illaahooda, iyaguna waxey noqon doonaan dadkeyga.” Sidaa darteed, “Iyaga kasoo dhex baxa ka soocma, Rabbigu saas ayuu leeyahay. Ha taabanina waxaan nadiif ahayn, Aniguna waan idin aqbali doonaa.” Sidoo kale, “Waxaan noqon doonaa aabihiin, waxaadna ahaan doontaan caruurteyda, Sayidka xoogga saas ayuu leeyahay.” Walaalayaalow sidaa darteed anaga oo ballamadan haysanna aan iska nadiifino waxyaala walboo jirka iyo ruuxda wasakheeya. Waa inaan quduusnimada kaamil ka dhignaa anaga oo Illaahey ka cabsaneyna. Qalbiyadiina noo fura, waayo qofna uma gafin, qofna ma xumeynin, qofna ma khiyaanin. Waxyaalahan uma dhahayo si aan idiin xukumo, laakiin sida aan markii hore iri, qalbiyadeena ayaad ku jirtaan haddaan nool nahay ama haddaan dhimanaba. Kalsooni ayaan idin ku qabaa, waana idin ku faanaa. Dhiiranaan ayaa iga buuxda waayo xitaa haddaan dhibaateysanahay weli farxad ayaan dareemaa. Waayo markaan imaanay Makedoniya jirkeenu ma nasanin. Dhibaato badan iyo cabsi ayaan la kulannay, cadawyadeena ayaana aad noo dhibay. Laakiin Illaahey kan dadka dhiirigeliya ayaa nagu qalbi qaboojiyay imaanshadii Tiitos. Imaanshihiisa kaliya maahane laakiin sidaad u dhiirigeliseen isaga ayaa naga farxisay. Wuu noo sheegay inaad ii xiisteen, murugadiina qotoda dheer, xamaasada aad ii qabtaan, saas awadeed farxadeyduna aad ugu si weynaanto weligeed. Inkastoo warqadeydii aan idiin soo diray ka xumaateen anigu kama shalaaynin. Marka hore waan ka xumaaday laakiin waxaan ogaa in warqaddaas ey waqti yar kaliya idin dhibeyso. Laakiin hadda waan ku faraxsanahay inaan idiin soo diray, mana aha inaad ka xumaateen, laakiin xanuunkaas ayaa keenay inaad toobadkeenteen oo aad waxyaalihii hore kasoo laabateen. Tani waa xanuunkii uu Illaahey rabay inuu dadkiisa qabto, sidaa darteed anagu waxba ma idiin geysanin. Waayo xanuunka Illaahey kuu keeno wuxuu kugu hogaamiyaa toobadkeen kaasoo keena badbaadinta, mana ka xumaaneysid. Laakiin xanuunka aduunku keeno wuxuu keenayaa dhimasho. Bal fiiriya wixii uu xanuunka Illaahey keenay idin kasoo saaray? Waayo si daacadnimo ah ayaad u rabteen inaad cadeysaan in aadan waxba galabsan. Waad xanaaqdeen, waad naxdeen aad ayaad u rabteen in xaqa la idiin sameeyo. Waxaadna cadeyseen in waxyaalahan aad ku lahayn eed. Markaan warqadda idiin soo dirayay ujeedadeydu ma ahayn inaan u qoro kuwa xumaan sameynaya ama kan loo gafay. Waxaan u soo qoray inaad Illaahey hortiisa aad isku aragtaan kuwa daacada noo ah. Aad ayey waxyaalahan oo dhan nooga farxiyeen. Inkastoo aan dhiiranaanay, aad ayaan ugu sii faraxnay markaan aragnay Tiitos waayo si wanaagsan ayaad u soo dhaweyseen. Waan u sheegay si aan idiin kugu faano, idinkuna ima ceebeynin. Mar walba waxaan idiin sheegay runta, haddana sidii aan Tiitos idin kugu faanay waad cadeyseen iney run tahay. Tiitos aad ayuu idiin jeclayahay, siiba markii uu soo xasuusto sida aad u adeeci jirteen iyo idinkoo cabsi la gariiraya sida aad ugu soo dhaweyseen. Aad ayaan u faraxsanahay waayo kalsooni kaamil ah ayaan idin ku qabaa. Walaalayaalow waxaan rabnaa inaad garataan nimcada Illaahey siiyay kaniisadda ku taala Makedoniya. Inkastoo ey dhibaato badan ku jireen oo ey sidoo kale masaakiin yihiin, aad ayey ugu farxaan iney si deeqsinimo ah wax u bixiyaan. Waan u marqaatifuri karaa waayo waxey bixiyaan intii awoodooda iyo in ka badanba, iyaga ayaana go’aansaday iney saas sameeyaan. Waxey durbadiiba nooga baryeen iney fursad u helaan si ey ula wadaagaan adeegan dadka Rabbiga. Waxeyna sameeyeen in ka badan waxaan ka filaneynay. Marka hore Rabbiga ayey isku dhiibeen, kadibna doonista Illaahey ayey anaga nagu raaceen. Sidaa darteed waxaan Tiitos ka barinay, kaasoo marka hore idin ku dhiirigeliyay inaad wax baxsataan, inuu haddana idin kusoo laabto si uu u dhameeyo nimcada wax bixinta ah. Laakiin wax walba si fiican ayaad u sameyseen. Waayo waxaad leedihiin iimaan ad adag, si fiican ayaad u hadashaan, waxyaalo badan ayaad garaneysaan. Waadna ku dadaashaan inaad wax bixisaan, aad ayaad noo jaceshihiin. Haddaba waxaan rabaa inaad ku fiicnaataan nimcada wax bixinta. Mana idin amrayo inaad waxyaalahaas sameysaan, laakiin waxaan tijaabinayaa jaceylkiina aniga oo isbarbar dhigaya dadaalka kuwa kale. Waayo waad garaneysaan nimcada Sayidkeena Ciise masiix, inkastoo uu taajir ahaa dartiina ayuu miskiin iskaga dhigay, si aad fakhiirnimadiisa ugu noqotaan taajir. Waxyaalahan ayaan idin ka waaniyay waayo waxey idiin tahay faa’iido. Sanadkii la soo dhaafay waxaad ahaydeen kuwii ugu horeeyay ee wax bixiyay waayo waad rabteen inaad sidaas sameysaan. Haddaba dhameystira shaqada, dadaalkaad markii hore muujiseen iyo waxaad bixisaan isku mid ha ahaadaan. Micno ma laha waxaad haysato. Laakiin waxa muhiimka ah waa inaad wax ka bixisid waxaad haysato. Ujeedadu ma aha inaan nolosha idin ku adkeeyo oo aan kuwa kalana u fududeeyo, laakiin ujeedadu waa in dadku sinnaadaan. Waqtigan la joogo waxaad leedihiin in badan waana awoodaan inaad kuwa kale caawisaan. Waqti kale oo aadan waxba haysanin waxaa laga yaabaa iney wax badan haystaan oo ey idin siiyaan markaad u baahantihiin tanna wey idin simeysaa. Qoraalku wuxuu leeyahay, “Kuwii wax badan isku ururiyay ma laha in badan kuwii wax yar isku ururiyayna ma laha in yar.” Illaahey ayaa mahad leh kan qalbiga Tiitos geliyay danayntaan idiin hayo oo kale. Tiitos ma aqbalin kaliya codsigeen, laakiin wuu idiin imaanayaa isaga oo xamaasad badan qaba iyo hindisihiisi gaarka ah. Waxaan Tiitos la soo direynaa mid walaalaha ka mid ah oo aad looga yaqaanay kaniisad walba inuu warka wanaagsan faafiyo. Kaniisadda ayaa doortay inuu na la safro, intaan anagu sii qaadno sadaqadii taas oo aan maamulno si ey Rabbiga ammaan ugu keento oona muujiso dadaalka aan ku caawino. Sida aan u maamulno hadiyadaan waxaan rabnaa inaan iska ilaalino eed. Waayo waa inaan masuul kaga noqonaa Illaahey iyo dadka hortoodaba. Waxaan Tiitos la soo direynaa walaal kale, kaasoo marar badan cadeeyay dadaalkiisa. Wuxuu rabaa inuu dadka sii caawiyo intii hore in ka badan waayo aad ayuu idiin ku kalsoon yahay. Haddii u qof idin weydiiyo yuu yahay Tiitos, waxaad dhahdaan waa wehelkeyga midka aan dhexdiina ka wada shaqeyno. Labada walaal ee kalana waxaa soo diray kaniisadda, waxeyna ammaan u keenaan Masiixa. Sidaa darteed waxaad nimankan tustaan jaceylkiina, waxaadna walaalaha oo dhan u muujisaan faanka aan idin ku faano inuu run yahay. Ma u baahni inaan idiin soo qoro wax ku saabsan caawimaadan walaalaha loo bixiyo. Waayo waan ogahay dadaalka aad leedihiin inaad dadka caawisaan, taas oo anigana aan ugu faano dadka Makedoniya aniga oo ku leh illaa sanadkii la soo dhaafay kuwii reer Akhaya iyo idinkaba diyaar ayaad u ahaydeen inaad dadka caawisaan. Haddaba dadaalkiina ayaa iyaga ku dhiirigeliyay iney wax bixiyaan. Laakiin waxaan walaalaha u soo dirayaa inaan u cadeeyo in faankaan iyaga ku faano uusan ahayn micno la’aan, laakiin inaad diyaar tihiin sidii aan markii hore iyaga u sheegay. Waayo haddii ey reer Makedoniya ila imaadaan oo ey idin helaan idinkoo aan diyaar ahayn, idin mana difaaci doono waayo ceeb ayaan dareemi doonaa kalsoonida aan idin ku qabnay darteed. Sidaa darteed waxaan Tiitos iyo walaalaha kale ku iri waqti la qaata intaan imaanin ka hor, si ey idiin ku sii diyaariyaan hadiyaddii aad ballanqaadeen. Laakiin waxaan rabaa iney noqoto mid idin ka timaada, oo eysan ahayn mid la idin ku qasbay. Tan xasuusnaada, qof hadduu iniin yar abuuro gurashadiisu waxey noqotaa in yar. Laakiin qofku hadduu iniin badan abuuro gurashadiisuna wey badnaan doontaa. Dhamaantiinaba waa inaad bixisaan wixii aad qalbiyadiina ka go’aansateen. Laakiin ha ka xumaanina wixii aad bixiseen, hana dareemina in la idin ku qasbay. Illaahey wuxuu jecel yahay dadka jecel iney kuwa kale caawiyaan. Illaaheyna si deeqsi ah ayuu waxaad u baahatiin oo dhan idiin siin doonaa. Markaasna weligiin ayaad lahaan doontaan wax walboo aad rabtaan inaad sameysan shuqulo aad uu wanaagsan. Wey qorantahay, “Si deeqsinimo leh ayey wax usiiyeen kuwii masaakiinta ahaa, camalkooda xaqa ahna weligiis ayaa la xusuusan doonaa.” Haddaba Illaaheyga kan abuur iyo kibis uu cuno beeraleyga siiya, kaas ayaa idiin badin doona goosashada xaqnimadiina. Si kasta ayaa la idin ku barakeyn doonaa si aad mar walba u ahaataan kuwa deeqsi ah. Kuwa badanna Illaahey ayey u mahadcelin doonaan markaan hadiyadiina u geyno. Waxaad sameyneysaan wey ka badan tahay shaqada ah inaad dadka Illaahey waxey u baahanyihiin siisaan. Waayo farxad ayey Illaahey ugu mahadcelin doonaan. Shaqadan darteed taas oo isu cadeyseen waxey Illaahey u keeni doontaa ammaan. Waxaad aaminteen injiilka Masiixa waxaadna ku adeecdeen si deeqsinimo ah inaad la wadaagteen iyaga iyo kuwa kale. Markey idiin duceeyaan wey idiin xiisaan, waayo Illaahey wuxuu idin ku nimceeyay naxariis badan. Illaahey ayaa mahad leh hadiyadiisa aan la sheegi karin darteed. Haddaba waxaan si naxariista iyo dabacsanaanta Masiixa idiin ku weydiinayaa, aniga oo ah Bawlos, kaasoo xishood badan markaad caadi isku aragtaan, laakiin ah nin geesi ah marka uusan idin la joogin! Waxaan idin ka baryayaa markaan imaado in eydan igu qasbin inaan ku adkeeyo dadka qaarkood oo dhahaya waxaan u dhaqannaa sida kuwa aduunka. Inkastoo aan aduunka ku nool nahay uma dagaalanno sida aduunka u dagaalamaan. Hubka aan ku dagaalanno ma aha hubka dunida. Laakiin waxey leeyihiin awoodo rabbaani ah ay ku burburiyaan goobaha ad adag. Waxaan baabi’inaa murannada iyo waxyaalo walboo dadka ka reebaya iney Illaahey gartaan. Dadkaas oo kale waxaan ka dhaadhicinaa iney saxaan fikradahooda oo ey Masiixa adeecaan. Markaad cadeysaan kalsoonidiisa dhameyska tiran diyaar ayaan una nahay inaan ciqaabno waxyaalaha caasinimada ah. Muuqaal ayaad wax ku xukuntaan. Haddii uu qof isku kalsoonaado inuu yahay kan Masiixa, waa inuu ogaadaa anaga xitaa sidiisa oo kale ayaan u nahay kuwa Masiixa. Sidaa darteed haddaan ku faano xoogga uu Rabbiga na siiyay inaan idin ku dhisno intaan idin ku burburin lahayn, kuma dareemayo ceeb. Mana rabo inaad u aragtaan inaan warqadda idiin kala dhex dagaalamayo. Waayo dadka qaarkood ayaa yiraahda, “Warqadihiisa culeys iyo xoog ayey leeyihiin, laakiin qof ahaan la waa mid aan lala dhacsaneyn, xitaa hadaladiisu micno ma laha.” Dadkaas oo kale waa iney ogaadaan in waxaan soo qornay iyo waxaan dhahno markaan idin la joogno eysan kala duwaneyn. Waayo anagu khatar ma is gelineyno anaga oo isku ekeysiinayna kuwa kaloo is ammaana. Waayo markey iyaga dhexdooda isku ekeysiiyaan xigmad la’aan ayey noqonayaan. Laakiin anagu kuma faanno waxyaalaha aanan awoodeena ku sameynin, laakiin faankeena waxaan ku koobnaa shaqada uu Illaahey na siiyay shaqadan idin ka dhex shaqeyneynana wey ka mid tahay. Anagu si xad dhaaf ah u faani mayno, waayo fariinta injiilka Masiixa idinka ayaan idiin keenay. Sidoo kale ku faani mayno shaqada qof kale. Rajadeenu waxey tahay markaad iimaanka ku kortaan, shaqadeena dhexdiinana wey weynaan doontaa. Sida aan warka wanaagsan ugu wacdino magaalooyin kale. Waayo ma dooneyno inaan ku faanno shaqo qof kale deegaankiisa kasoo qabtay. Laakiin, “Haddaad dooneysid inaad faanto ku faan Rabbiga.” Waayo mid isa soo ammaanay lama aqbali doono, laakiin mid Illaahey ammaanay ayaa la aqbali doonaa. Waxaan rajeynayaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadeyda, fadlan ii dulqaata! Waxaan idin kaga hinaaseysanahay hinaaso Illaahiyan ah. Waxaan idin ka ballan qaaday hal nin oo ah Masiixa, si aan idiinku dhiibo isaga sidii bikro daahir ah. Laakiin waxaan ka cabsanayaa in la idiin khiyaano, sidii Xaawo masku u khiyaanay. Waxaan ka cabsanayaa in eydan Masiixa si daacad ah uga fikirin. Waayo haddii uu qof kuu yimaado oo kuu wacdiyo wax ku saabsan Ciise kaasoo aan ahayn Ciisaha aan idiin wacdinay, ama haddaad qaadataan ruux ka duwan tii aad hesheen, ama injiil kale oo ka duwan kan aad aqbasheen, haddii aad aqbashaan kala duwanaashahaas waa dembi. Uma maleynaayo inaan ka hooseeyo “rasuullada waaweyn.” Waxaa laga yaabaa inaan la igu soo tababarin sida loo hadlo, laakiin aqoon ayaan leeyahay. Arintaanna si walba ayaan idiin kugu cadeynay. Miyaan ku qaldanahay inaan is hooseysiiyay oo aniga oo idin sharfaya warka wanaagsan ee Illaahey idiin wacdiyay aniga oo aan waxba idin ka sugin? Waxaan lacag ka helaa kaniisadaha kale si aan idiin ku adeego. Xitaa markaan caawimaad u baahnaa ma idin weydiisanin. Laakiin walaalaha ka yimid Makedoniya ayaa ii keenay waxyaalihii aan u baahnaa oo dhan. Weligey culeys ma idin saarin mana idin saari doono. Sida Masiixa runtiisa iigu jirto, kuwa jooga Akhaya qofna ma iga joojin karo inaan tan ku faano. Waayo? Ma idin jecli miyaa? Illaahey wuu og yahay inaan idin jeclahay! Laakiin anigu weli waan sii wadaa waxyaalihii aan weligey sameynayay. Si aan u joojiyo kuwa doonaya iney ku faanaan in shaqadooda ey u egtahay teena oo kale. Waayo dadkaas oo kale waa rasuullada beenta ah, waa shaqaalaha khiyaanoolaha ah. Waxey iska dhigaan iney yihiin rasuullada Masiixa. Layaab ma aha waayo xitaa Shaydaanku wuxuu isku dayay inuu iska dhigo Malaga iftiinka. Sidaa darteed layaab ma aha in adeegayaasha Shaydaanka ey iska dhigaan adeegayaasha xaqa ah. Maalin ayey heli doonaan ciqaabta iyaga u qalanta. Mar labaad ayaan idin dhahayaa, ha u maleynina inaan doqon ahay markaan sidan u hadlo. Laakiin haddii aad doqon ii maleysaan, sidaas igu qaata si aan aniguna in yar u faano. Kalsoonidan aan ku faano oo uma hadlaayo sida Rabbigu rabo, laakiin sida doqon. Haddii ey kuwa badan ku faanaan shaqadooda, anigana waan ku faanayaa. Waayo idinku si farxad leh ayaad doqonnimada ugu dulqaadataan idinkoo xigmad leh. Idinku waxaad u dulqaadataan qof hadduu idin adoonsado, hadduu wixiina cuno, hadduu wax idin ka qaato ama hadduu wejiga idin ka dharbaaxo. Ceeb ayaan ku dareemaa inaan iraahdo, daciif ayaan nahay si aan waxyaalahaas u sameyno. Wax walboo ey ku faanaan, aniguna doqon ayaan iska dhigaya si aan ugu faano. Miyey yihiin Cibraaniyiin? Aniga xitaa waan ahay. Miyey yihiin reer binu Israa’iil? Aniga xitaa waan ahay. Miyey yihiin farcankii Ibraahim? Aniga xitaa waan ahay. Miyey yihiin adeegayaasha Masiixa? Waa waali inaan sidan u hadlo, laakiin iyaga ka badan ayaan Illaahey u adeegaa. Aad ayaan u shaqeeyay, marar badanna xabsi la ii geliyay, aadna la iigu garaacay oo aan dhimasho u dhowaaday. Shan jeer ayaa Yuhuuddu i garaacday soddon iyo sagaal ul. Saddex jeer ayaa ul laygu garaacay. Marna waa la i dhagaxeeyay, saddex mar oo aan doon ku safrayay ayaa doontii la jabiyay, maalin iyo habeen ayaan badda dhex joogay. Safarro badan oo dhaadheer ayaan galay. Markaan webiga dhex marayay khatar ayaan galay, xitaa tuugada khatar ayaan u galay. Dadkeyga, Yuhuudda iyo dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa khatar i geliyeen. Khatar ayaan ku sugnaa markaan joogo magaalooyinka, saxaraha iyo markaan badda ku safrayo. Kuwa iska dhigay iney rumeysanyihiin oo aan rumeysaneyn ayaa khatar i galiyay. Waxaan shaqeeyay habeenno badan oo hurdo la’aan ah. Waan gaajooday oo haraaday mararka qaarna ma haysanin waxaan cunno. Qabow ayaan la gariiray aniga oo aan haysanin dhar igu filan oo i kululeeya. Waxyaalahaas kadibna, waxaa i saaran culeys oo waxaan ka fikirayaa kaniisadaha oo dhan. Haddii qof daciifnimo dareemo anigana daciif ayaan dareemaa. Haddii uu qof dembaabana xanaaq ayaan la gubtaa. Haddii aan faano, waxaan ku faanayaa waxyaalaha muujinaya daciifnimadeyda. Illaaha Aabaha oo ah Sayidka Ciise, kaasoo weligiis la ammaanay wuu og yahay in aanan been sheegeynin. Markaan joogay Dimishaq taliyihii ka hooseeyay boqor Aretas ayaa wuxuu ilaaliyay magaaladoo dhan si ey ii qabtaan. Laakiin aniga darbiga magaalada daaqadiisa ayaa la iga bixiyay aniga oo dambiil ku jira sidaas ayaan gacantiisa uga baxsaday. Inkastoo uu faankaan wax macno leh keeneynin waan iska sii wadaa. Laakiin waa inaan ku faano waxyaala Rabbiga ii muujiyay iyo kuwa kale. Waxaan aqaanaa nin Masiix aaminsan oo loo kaxeeyay samada saddexaad toban iyo afar sano oo la soo dhaafay. Laakiin ma ogi in ninkaas uu jirkiisa lahaa ama waxa dhacay, laakiin Illaahey si fiican ayuu u og yahay. Haa, Illaahey kaliya ayaa garanayaa in ninkaas uu jirkiisa lahaa waqtigaas. Waxaa la geeyay jannada, halkaasoo uu kusoo maqlay waxyaalo binu aadanka loo ogoleyn iney sheegaan. Waan ku faanaa ninkaas oo kale, laakiin anigu iskuma faanayo haddii eysan ka ahayn daciifnimadeyda. Laakiin haddii aan rabo inaan faano, doqon ma noqonayo, waayo waxaan ku hadli doonaa waxa runta ah. Waxaana isku dayi doonaa in aanan aad u hadlin. Sidaas haddaan sameeyo qofna waxaan sameeyo ama ku hadlo kama arkayo inaan ahay nin weyn. Inkastoo aan Illaahey ka helay muujintaan cajiibka ah, waxey iga celineysaa in aanan faanin. Waxaa la i siiyay wax jirkeyga muda oo Shaydaanku soo diray inuu i ciqaabo si aanan u kibrin. Saddex jeer ayaan Illaahey ka baryay si uu ciqaabtaas iiga qaado. Laakiin wuxuu igu yiri, “Nimcadeydu wey kugu filan tahay, waayo xooggeygu wuxuu kaamil ku ahaadaa daciifnimadaada.” Sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan ku faano daciifnimadeyda si uu xoogga Masiixu iigu soo dego. Sidaa darteed ayaan Masiixa dartiis ku farxaa daciifnimadeyda iyo markii la i caayaba, dhibaato iyo silac markaan marayo. Waayo markaan daciif ahay ayaan xoog yeeshaa. Waxaad iga dhigteen inaan doqon ahaado. Waayo idinka ayaa ii ammaani lahaydeen, anigu uma liito rasuullada waaweyn, inkastoo anigu aanan waxba ahayn. Markaan idin la joogay waxaan idiin cadeeyay inaan ahay rasuul. Waayo si dulqaad leh ayaan waxyaalo badan dhexdiina kaga sameeyay, taas oo ah calaamooyin, waxyaalo cajiib ah iyo mucjisooyin. Waxa kaliya aan dhexdiina ka sameyn waayey oo kaniisadaha kale ku sameeyay waa inaan culeys idin saaro. Fadlan ii cafiya qaladkan. Haddaba diyaar ayaan u ahay inaan mar saddexaad idin soo booqdo, culeysna ma idin ku ahaanayo. Waayo waxaan u baahannahay maalkiina ma aha laakiin idinka ayaan idiin baahannahay. Si kastaba ha ahaatee caruurta ma aha iney waalidkoodu wax meel u dhigaan, laakiin waalidka ayaa caruurtooda wax meel u dhigaya. Sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan waxaan haysto oo dhan ku bixiyo xitaa nafteyda. Haddaan in badan idin jeclaado miyaad in yar i jeclaan doontaan? Waad ogolaateen inaan culeys idin ku haynin. Laakiin waxaad dhahdaan khiyaanoole ayaan ahay waayo idinka oo aan filaneynin ayaan idin qabtay. Nimankii aan idiin soo diray xitaa midkood miyuu idin khiyaanay? Waxaa Tiitos ka baryay inuu idin soo aado oo walaalkeen aan la soo diray isaga miyey idin khiyaaneen? Waa maya! Waayo kuligeenba hal Ruux ayaan lahayn oo ujeedadeena hal ayey ahayd. Miyaad u maleyseen waxyaalahan oo dhan waxaan u dhahayno inaan is difaaceyno darteed? Walaalayaalow waxaan idinkula hadalnay Illaahey hortiisa anaga oo ah kuwa Masiixa ku jiro, waxyaalaha aan sameyno oo dhan waa waxa idin dhiirigelinaya. Waayo waxaan ka cabsanayaa markaan idiin imaado inaad sida aan rabo ahaan weysaan oo aan sidaad rabtaan ahaan waayo. Waxaan ka cabsanayaa inaan idin ka dhex helo, muran, maseyr, xanaaq, daneysi, caay, xan, iskibrin iyo dabeecad xun. Waa run waan cabsanayaa markaan imaado Illaahey hortiina ha igu hooseysiiyo. Waana ka murugoon doonaa kuwii badnaa ee dembaabay oo aanan ka toobadkeenin nijaasnimadii, sinadii iyo dhaqan xumadii. Tani waa markii saddexaad ee aan idin soo booqanayo. Qoraalku wuxuu leeyahay, “Wax walba waa in cadeyn laga hayo mise laba ama saddex qof oo ka marqaatifuraya la helo.” Kuwii dembiga gelaayeyna waan canaantay markii dambe aan idin la joogay. Haddana waan u digayaa iyaga iyo kuwa kalaba sida aan markii hore idiin sheegay, mar kale idin dhaafi maayo. Waayo idinku waxaad raadineysaan cadeyn in Masiixu iga dhex hadlayo. Masiixu daciif ma aha dhexdiinana xoog ayuu ku leeyahay. Inkastoo uu daciifnimadiisa loogu qodbay, laakiin hadda wuxuu ku nool yahay xoogga Illaahey. Sidaas oo kale ayaan dhexdiisa daciif ku nahay, laakiin waxaad arki doontaan inaan ku nool nahay xoogga Illaahey sida Masiixa uu yahay. Bal is fiiriya inaad iimaanka ku jirtaan, is tijaabiya. Waad ogtihiin inuu Ciise Masiix idin ku dhex jiro, haddii kale imtixaanka ayaad ku dhacdeen. Waxaana rajeynayaa inaad ogaataan anagu in aanan imtixaanka ku dhicin. Haddaba waxaan Illaahey ka baryeynaa in eydan waxyaalo xun sameynin. Waxaanna rajeyneynaa in aanan isticmaalin xooggeena markaan imaanno. Sameeya waxyaalo wanaagsan inta aanan imaanin ka hor, inkastoo ey tuseyso inaan tusi weynay xooggeena. Waayo ma sameyneyno waxyaalaha kasoo horjeeda runta, laakiin waa inaan sameynaa waxa runta ah. Waan ku faraxsannahay marka na loo arko inaan daciifnahay haddii ey taas idin ka dhigeyso inaad xoog leedihiin. Waxaan ku duceysaneynaa inaad intaas in ka badan sameysaan. Waxyaalahan waxaan idiin soo qoraya intaan imaanin ka hor. Aniga oo rajeynaya markaan imaado in aanan si adag idiin la dhaqmin. Waayo waxaan doonayaa inaan xoogga Illaahey i siiyay u isticmaalo sidii aan idin ku xoojin lahaa laakiin ma aha inaan idin ku dumiyo. Walaalayaalow waxaan idin leeyahay farxa! Ku kora iimaanka, is dhiirigeliya, nabad ku noolaada. Markaasna Illaaha jaceylka iyo nabadda wuu idin la jiri doonaa. Isku salaama dhunkashada quduuska ah. Dadka Illaahey ee halkan jooga oo dhan wey idin soo salaamayaan. Nimcada Rabbi Ciise Masiix, iyo jaceylka Illaahey, iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ah kuligiin ha idin la jirto. Warqaddan waxey ka socotaa rasuul Bawlos, kaasoon ka imaanin xagga dadka ama uusan ku imaanin xoogga binu aadanka. Laakiin waxaa doortay Ciise Masiix iyo Illaaha Aabaha ah, kaasoo Ciise dhimashada ka sarakiciyay. Iyo dhamaan walaalaha ila jooga. Waxaan warqaddan u direynaa kaniisadda ku taala Galatiya. Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Ciise wuxuu noloshiisa u bixiyay dembigeena dartiis, sidii uu Illaaha Aabaheen ah u qorsheeyay, si uu nooga badbaadiyo dunidan sharta leh ee aan ku nool nahay. Ammaan oo dhan Illaahey ayaa leh weligiis. Aamiin. Waxaan la yaabanahay sida dhaqsaha ah ee aad Illaahey uga laabaneysaan, kaasoo nimcada Masiixa idin kugu yeeray. Waxaad aaminteen injiil ka duwan. Taas oo aan ahayn injiilka runta ah, waa hubaal dadkaas iney idin khiyaanayaan iyagoo og in runta ku saabsan Masiixa ey beddelayaan. Inkaarta Illaahey haku dhacdo mid walba, kuwaas oo xitaa anaga iyo malaga Illaahey ee samada joogo aan ku jirno, haddii aan ku wacdino warka wanaagsan ee ka duwan midkii aan horey idiin kugu wacdinay. Sidii aan markii hore u dhahnay, qof walboo idiin wacdiya warka wanaagsan ee ka duwan midka aad aaminteen inkaarta Illaahey haku dhacdo. Runtii ogolaasho kama doonayo dadka, laakiin Illaahey ayaan ka rabaa. Haddii ey ujeedadeydu tahay dad ka farxis ma aanan ahaan lahayn adeegaha Masiixa. Walaalayaalow waxaan rabaa inaad ogaataan, injiilka aan wacdiyay kama imaanin binu aadanka. Mana ka helin xagga dadka, mana la i barin, laakiin muujinta Ciise Masiix ayaan ka helay. Waad ogtihiin waxaan ahaa markaan raacsanaa diinta Yuhuudda, sidii aan u silcin jiray kaniisadda Illaahey si aan u burburiyo. Dadkii Yuhuudda oo aan isku da’da ahayn ayaan aqoonta ka badin jiray. Waxaan aad xamaasad ayaan u lahaa dhaqamada awoowayaashey. Laakiin inta aanan dhalanin ka hor ayuu Illaahey i doortay, naxariistiisa darteed ayuu iigu yeeray oo adeegahiisa iga dhigay, tanina isaga ayey ka farxisay. Inuu Wiilkiisa ii muujiyo si aan warka wanaagsan kaga dhex wacdiyo dadka aan Yuhuudda ahayn. Waxyaalahan markey dhaceen kuma degdegin inaan binu aadan la tashto. Sidoo kale ma tagin illaa Yeruusaalem si aan rasuulladii iga horeeyay ula tashado, laakiin waxaan tagay waddanka Carabta. Kadibna waxaan tagay Dimishaq. Saddex sano kadib ayaan booqday Keeyfas ee jooga Yeruusaalem waxaanna la joogay shan iyo toban maalmood. Rasuulka kaliya ee aan arkay waa Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis. Waxaan Illaahey hortiisa ugu dhaaranayaa in waxa aan idiin soo qorayo eysan been ahayn. Kadibna waxaan tagay Suuriya iyo Kilikiya. Walaalaha aaminsan Masiixa ee jooga kaniisaddii ku taalay Yahuudiya ima aqoonin. Waxa kaliya oo ey maqleen waa, “Ninkii na soo ciqaabi jiray, hadda wuxuu wacdiya iimaankii uu isku dayay inuu burburiyo.” Illaahey ayey ammaaneen dartay. Toban iyo afar sano kadib ayaan mar labaad tagey Yeruusaalem aniga oo la jira Barnabas. Tiitosna wuu na soo raacay. Waxaan halkaas u tagay Illaahey ayaa ii muujiyay inaan tago. Intaan halkaas joogay waxaan la kulmay kuwa kaniisadda hogaamiya, waxaana iyaga la wadaagay injiilka aan u wacdinayay dadka aan Yuhuudda ahayn. Waxaan ka hubinayay in shaqada aan sameynayo ey micno daro ahayn. Xitaa Tiitos oo ila socda, isaga oo Gariig ah laguma qasbin in la gudo. Waxaan halkaas u tagnay waa kuwa iska dhigay iney yihiin walaalaha oo nagu dhex dhuuntay oo jaajuusiin ah. Waxey u yimaadeen iney naga qaadaan xorriyadda Ciise Masiix uu na siiyay oo eyna naga dhigaan adoon. Laakiin waan ka diidnay inaan wax ka maqalno, waxaan rabnay inaan idiin ilaalino fariinta runta ah ee injiilka. Kuwa kaniisadda hogaamiya ma hayaan wax ey ku daraan waxyaalaha aan wacdiyo. Wax walboo ey ahaayeen waxba ilama aha, waayo Illaahey qofna uma eexdo, fariinteydana waxba kuma kordhiyaan. Laakiin waxey arkeen in Illaahey igu aaminay waajibaadka injiilka loogu wacdiyo dadka aan Yuhuudda ahayn. Sidii uu Butros uu u siiyay masuuliyad uu uga wacdiyo Yuhuudda. Waayo Illaaheyga Butros ka dhex shaqeynaya inuu Yuhuudda rasuul u noqdo, sidoo kale ayuu aniga xitaa iiga dhex shaqeeyaa inaan rasuul u noqdo dadka aan Yuhuudda ahayn. Yacquub, Keeyfas iyo Yooxanaa kuwaas oo kaniisadda tiirar u ah ayaa aqoonsadeen nimcada Illaahey i siiyay, aniga iyo Barnabasna waxey na siiyeen gacanta midigta ee wehelnimada. Waxeyna nagu dhiirageliyeen inaan usii wacdino dadka aan Yuhuudda ahayn, oo iyaguna wey kasii shaqeynayaan Yuhuudda. Waxa kaliya ey doonayeen waa iney masaakiinta Yeruusaalem joogta caawiyaan, taas oo aan ku dadaalay inaan sameeyo. Waxaa jiray waqti uu Keeyfas booqday Antiyokh, hortiisa ayaan ku diiday, waayo wuu eedeysanaa. Waayo markii hore uu yimid wuxuu la cunteyn jiray dadka aan Yuhuudda ahayn kuwaas oo aan la gudin. Laakiin markii saaxiibadii Yacquub yimaadeen Butros wuu diiday inuu wax la cuno dadka aan Yuhuudda ahayn. Wuxuu ka cabsaday kuwii la guday iney ku jeesjeesaan. Yuhuudda kalana waxey ku darsoomeen khiyaanadiisa, khiyaanadooda darteed xitaa Barnabas wuu ku biiray. Markaan arkay iney raaceynin fariinta runta ah ee injiilka ayaan Keeyfas oo iyagoo dhan hor jooga ku iri, “Waxaad tahay Yuhuudi, laakiin waxaad u nooshahay sida dadka aan Yuhuudda ahayn. Haddaba sidee ayaad uga dhaadhicin kartaa dadka aan Yuhuudda ahayn iney raacaan caadada Yuhuudda?” “Aniga iyo adiga Yuhuudnimada waan ku dhalanay, mana nihin dembiilayaal sida dadka aan Yuhuudda ahayn. Laakiin waan ognahay in uusan qofku xaq ku noqoneynin shaqada sharciga, laakiin uu mid xaq ah ku noqonayo iimaanka uu ku qabo Ciise Masiix. Sidaa darteed anaga oo dhan waxaan iimaankeena saarnay Ciise Masiix si aan kuwa xaq ah ugu noqono iimaanka aan Masiixa saaranay darteed, oo aan ahayn shaqada sharciga. Waayo shaqada sharciga qofna kama dhigeyso mid xaq ah.” Anaga Yuhuud ahaan haddii aan raadino si Illaahey xaq nooga dhigo, waxaan ogaaneynaa inaan nahay dembiilayaal. Masiixu miyuu yahay adeegaha dembiga? Waa maya! Laakiin haddii aan dhiso wixii aan horey u dumiyay, taasi waxey tuseysaa inaan markii hore qaldanaa. Waayo sharciga ayaa ku dhintay, si aan Illaahey ugu noolaado. Waxaa iskutallaabta la igula qodbay Masiixa sidaa darteed ma isu nooli, laakiin Ciise ayaa igu dhex nool. Nolosha aan hadda ku noolahay, waxaan ku noolahay iimaanka aan saartay Wiilka Illaahey dartiis. Kaasoo i jeclaaday oo darteyda isu bixiyay. Nimcada Illaahey burin maayo, waayo haddii xaqnidama sharciga lagu helo, Masiixa micno la’aan ayuu u dhintay! Nacasyaal yahow reer Galatiya! Yaa idin sixray? Si iney hortiina ku dhacday oo kale ayaan idiin kugu sharaxay dhimashada Ciise Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay. Bal hal su’aal ayaan idin weydiinayaa, Ruuxa Quduuska ah ma waxaad hesheen markaad sharciga adeecdeen? Mise markaad aaminteen fariinta ku saabsan Masiixa? Sidee ayaad sidan doqomo ugu noqoteen? Intaad Ruuxda ku bilowdeen miyaad haddana ku dhameyn rabtaan jirka? Waxyaalahaas oo dhan ma micno la’aan ayaad u marteen? Runtii micno la’aan ma ahayn. Haddana waxaan idin weydiinayaa, Illaahey miyuu Ruuxiisa idin siiyay oo mucjisooyin idin ka dhex sameeyay isaga oo isticmaalaya shaqada sharciga? Waa maya! Waxaad ku aaminteen wacdiga aad maqasheen ee ku saabsan Masiixa. Sidoo kale, “Ibraahim wuxuu aaminay Illaahey, iimaankiisa dartiis ayaana xaq looga dhigay.” Haddaba waa inaad fahantaan, in kuwa iimaanka leh ey yihiin caruurta Ibraahim. Waqti hore qorniinku wuxuu sheegay, Illaahey inuu dadka aan Yuhuudda ahayn iimaankooda dartiis xaq uga dhigi doono. Illaahey waqti hore ayuu warkan wanaagsan u sheegay Ibraahim isaga oo dhahaya, “Aduunkoo dhan adiga ayey kugu barakoobi doonaan.” Sidaa darteed kuwa iimaanka leh oo dhan wey ku barakoobo doonaan Ibraahim, aabaha iimaanka. Laakiin kuwii shaqada sharciga isku haleeyay oo dhan inkaar ayey ku hoos jiraan, waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Waxaa inkaaran mid walboo aan adeecin waxyaalaha kitaabka sharciga ku qoran oo dhan.” Waa hubaal in kuwii sharciga isku haleeyay oo dhan eysan kuwa xaq ah ku noqon doonin Illaahey hortiisa, waayo “Kuwa xaqa ah waxey ku noolaan doonaan iimaan.” Waayo sharciga iyo iimaanka wey kala duwan yihiin, sharcigu wuxuu dhahaa, “Qofkii waxyaalahan sameeya, sharciga ayuu ku noolaan doonaa.” Masiixu wuu naga furtay sharciga inkaartiisa, markii uu darteen u noqday mid inkaaran. Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Waxaa inkaaran mid walboo iskutallaabta lagu qodbo.” Wuxuu noo furtay waa in barakadii Ibraahim la siiyay ey gaarto dadka aan Yuhuudda ahayn Ciise Masiix dartiis. Si aan iimaanka ku helno ballan qaadkii Ruuxa. Walaalayaalow bal tusaale aan kasoo qaadano nolol maalmeedka. Qof hadduu wax ogolaado, qof kale ma baddeli karo mana burburin karo axdigaas. Arintaanna sidaas ayey la mid tahay. Illaahey wuxuu ballantan siiyay Ibraahim iyo cunuggiisa. Bal fiiri qorniinku ma dhahayo, “Caruurtiisa,” oo micnaheedu yahay dad badan, laakiin qoraalku wuxuu leeyehay, “Cunugaaga,” taas oo micnaheedu yahay hal qof, kaasoo ah Masiixa. Waxaan leeyahay, sharciga ma burburinayo mana baddalayo axdigii Illaahey kaasoo ahaa 430 sano ka hor intaan sharciga la keenin. Waayo haddii dhaxalka lagu heli lahaa sharciga, barakadaas kuma imaan lahayn axdiga Illaahey. Laakiin Illaahey naxriistiisi darteed ayuu ku siiyay Ibraahim ballanqaadka. Haddaba micnaha sharcigu waa maxey? Waxaa loo keenay dembiyadeena dartood illaa ey iniintii la ballan qaaday ka timaado. Sharciga waxaa loo dhiibay malaa’igta kuwaasoo u gudbiyay Muuse, isaguna wuxuu noqday mid dhaxdhexaadiya Illaaha iyo dadka. Midka dadka iyo Illaahey u dhaxeeyo wuxuu ka dhex shaqeeyaa dad badan, laakiin Illaahey waa hal. Haddaba sharciga iyo ballantii Illaahey ma iska soo hor jeedaan? Waa maya! Haddaba haddii sharciga nolol na siin lahaa, Illaahey xaq ayuu naga dhigi lahaa haddaan sharciga adeecno. Laakiin qorniinku wuxuu leeyahay, anaga oo dhan ayaa maxaabiis u ah dembiga. Sidaa darteed ballanta Illaahey ee xornimada waxaan ku heleynaa oo kaliya inaan rumeysano Ciise Masiix. Laakiin intaan iimaanku imaanin ka hor waxaa na lagu hoos hayay sharciga, anaga oo xiran illaa iimaankii imaan lahaa la muujiyay. Sidaa darteed sharcigu wuxuu ahaa macalinkeena illaa uu Masiixa ka yimid si aan iimaanka ugu noqono kuwa xaq ah. Haddaba iimaankan wuu yimid, sidaa darteed macalin kuma hoos jirno. Sidaa darteed idinkoo dhan ayaa iimaankii aad Ciise Masiix saarateen dartiis ku noqday caruurta Illaahey. Waayo kuwiinan Masiixa lagu baabtiisay oo dhan, waxaad u gashateen Masiixa sida dhar cusub oo kale. Ma jiro Yuhuud ama dad aan Yuhuud ahayn, ama kuwa adoon ah ama kuwa xor ah, nin ama naag, waayo idinkoo dhan waxaad jirka Ciise Masiix ku noqoteen hal. Haddaad tihiin kuwii Masiixa waxaad ka mid noqoteen reer Ibraahim, waana la idin siin doonaa wixii Illaahey ka ballan qaaday Ibraahim. Waxaan idin leeyehay, midka maalka waalidkiis dhaxli lahaa intuu yaryahay wuxuu yahay sida adoon oo kale, inkastoo uu hantida oo dhan isagu leeyahay. Waa iney adeecaan ilaaliyahooda illaa ey ka gaaraan sanadkii uu aabahood ku ballamiyay. Anagu sidaas ayaan ahayn inta uusan Masiixu imaanin ka hor. Waxaan ahayn sida caruurta, waxaan adoon ku ahayn waxyaalaha aasaaska aduunka. Laakiin waqtigii nagala ballan qaaday markii la gaaray, Illaahey wuxuu soo diray Wiilkiisa, kaasoo naag ka dhashay, Wiilkiisana sharciga wuu adeecayay. Si uu anaga nooga furto sharciga, si aan u noqono caruurta Illaahey. Waxaan nahay caruurtiisa sidaa darteed Illaahey wuxuu qalbiyadeena geliyay Ruuxa Wiilkiisa, Ruuxaas oo dhahaya “ Aabba, Aabbe.” Sidaa darteed adoon ma tihiin laakiin waxaad tihiin caruurta Illaahey, haddaba haddaad tihiin caruurtiisa Illaahey wuxuu idin ka dhigay kuwa isaga dhaxli doono. Inta eydan Illaahey garanin ka hor, waxaad adoon u ahaydeen illaahyo aan run ahayn. Laakiin hadda Illaahey waad garaneysaan Illaaheyna wuu idin garanayaa, maxaad u laaban rabtaan oo aad adoon ugu noqoneysaan kuwaas daciifnimo iyo awoodaha darxumada? Miyaad jeceshihiin iney mar kale idin adoonsadaan. Waxaad dabaaldegtaan maalmo, bilo, xiliyo iyo sanado si aad Illaahey u raali gelisaan. Waxaan ka cabsanayaa in shaqadii aan idin ka dhex shaqeeyay ey micno la’aan noqoto. Walaalayaalow waxaan idin ka baryayaa inaad sideyda oo kale noqotaan, waayo waan noqday sidiina mana i xumeynin. Runtii waad ogtihiin markii hore ee aan injiilka idiin wacdiyay inaan xanuusanaa. Inkastoo xaaladeydu xumeyd ma eydan i diidin mana i quursan. Waxaad iisoo dhaweyseen sida malaa’igta Illaahey oo kale, ama sida Ciise Masiix. Haddaba aaway barakadiinii aan idin ku lahaa? Waxaan ka marqaatifuri karaa haddii aad sameyni lahaydeen sidaas, waa hubaal in aad indhihiina iska saartaan oo aad isiin lahaydeen. Miyaan noqday cadowgiina markaan runta idiin sheegay? Macalimiintan beenta ah waxey u dadaalayaan iney qalbigiina beddelaan, ujeedadoodu ma wanaagsana. Waayo waxey rabaan iney xiriirkeena gooyaan si aad iyaga waqti u siisaan. Wey wanaagsan tahay haddii uu qofku dadaalo oo ujeedadiisuna wanaagsan tahay inuu sidaa sii wado xitaa haddii aanan joogin. Caruurteydiyey, dartiin ayaan u dareemayaa xanuunka dhalitaanka, sidan ayaan sii dareemi doonaa illaa aad u noolaataan sida uu Masiixu rabo. Waxaan jaclaan lahaa inaan idin la joogo oo aan sida aan u hadlayo beddelo, waayo waan idinku wareersanahay. Bal ii sheega idinkan hoos joogi raba sharciga, miyaadan garaneyn wuxuu sharcigu dhahayo? Qoraalku wuxuu dhahayaa, Ibraahim wuxuu lahaa laba wiil, hal waxaa dhalay naag adoon ah midka kalana waxaa dhalay naag xor ah. Wiilkiisa ka dhashay naagta adoonta ah waxaa lagu helay xoogga binu aadanka, laakiin wiilkiisa kale ee ka dhashay naagta xorta ah waxaa lagu helay oofinta ballanka Illaahey. Waxyaalahan oo dhan waxey leeyihiin micno kale. Labada naag waxey u taaganyihiin laba axdi, naagta ugu horeyso, Haagaar waxey u taagan tahay Buur Siinay halkaasoo ey dadka ku heleen sharciga iyaga adoonsaday. Haagaar waa sida Buur Siinay oo ku taalo dalka Carabta, taas oo u taagan magaalada Yeruusaalem waayo iyada iyo caruurteedaba waxey ku nool yihiin adoonsiga sharciga. Laakiin naagta kale, Saarah waxey u taagan tahay Yeruusaalem. Waa naag xor ah, waana hooyadeen. Waayo waxaa qoran, “Faraxsanow, naag yahay madhalaysta ah, adiga oo aan cunug weligaa dhalin, farxad ku qayli, oo cod dheer ku ooy, adigan aan weligaa xanuunka dhalitaanka marin, waayo waxaad lahaan doontaa caruur ka badan naag horay u guursatay.” Walaalayaalow, haddaba waxaad tihiin caruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale. Waqtigaas cunuggii jir ahaan lagu dhalay ayaa silciyay cunuggii lagu dhalay xoogga Ruuxa. Ilaa maanta sidaas oo kale ayaa jirta. Laakiin qorniinku muxuu leeyahay? “Iska saara naagta adoonta ah iyo wiilkeeda, waayo wiilka naagta adoonta ah lama wadaagi doono dhaxalka wiilka naagta xorta ah dhashay.” Walaalayaalow sidaa darteed anagu ma nihin caruurta naagta adoonta ah, laakiin waxaan nahay kuwa naagta xorta ah. Waa xoryad Masiixu nagu xoreeyay. Haddaba ku adkeysta, mar kalana naftiina ha u ogolaanina culeyska harqoodka adoonsiga. Dhageysta, aniga Bawlos ah waxaan idin ku leeyahay, haddii aad isku haleyneysaan gudniinka si aad Illaahey hortiisa kuwo xaq ah ugu noqotaan, Masiixu micno la’aan ayuu idiin ahaanayaa. Haddana waxaan idin leeyahay nin walboo gudniinka maro wuxuu ku qasbanyahay inuu adeeco sharcigoo dhan. Waayo haddii aad isku daydo in aad xaq ku noqoto adigoo adeecaya sharciga, ajnabi ayaad ka tahay Masiixa oo waadna ka fogaatay nimcadiisa. Waxaan xaga Ruuxa si xamaasad leh rumeysad ugu sugeynay xaqnimada taas oo aan rajeyneyno. Waayo xagga Ciise Masiix Gudniin iyo gudniin la’aanba midkoodna waxba kama aha. Waxa kaliya oo muhiimka ah waa iimaanka kaasoo kaa dhigaya inaad kuwa kale jeclaatid. Si wanaagsan ayaad u ordeyseen. Yaa gadaal idiin reebay si eydan runta u raacin? Qanaacada noocaas ah ka ma imaan midka idiin yeeray. “Khamiir yar ayaa faxiya cajiin badan.” Waxaan ku kalsoonnahay Illaahey inuu idin ka ilaaliyo wax baritaanka beenta ah. Illaahey wuu xukumi doonaa qofkaas, qof alla qofka uu yahayba waa la ciqaabi doonaa. Walaalayaalow haddii aan weli ku wacdinayo waxa ku saabsan gudniinka maxaa la ii silcinayaa? Xaaladaas darteed dembiga iskutallaabta waa la baabi’iyay. Waxaan jeclaan lahaa kuwa dhibka wada oo idin gudi raba iney iyagana is gudaan. Walaalayaalow waxaa la idiin kugu yeeray inaad xor ahaataan. Laakiin xornimadiina ha u isticmaalina inaan jirkiina kaga farxisaan. Laakiin dhexdiina iskugu adeega indinkoo jaceyl istusaya. Waayo sharcigoo dhan wuxuu ku dhaboobaa halkaas amar haddii la ilaaliyo, “U jeclaw deriskaaga sida aad isu jaceshahay.” Laakiin haddii aad isku weerartaan sida xayawaan duureedka, waa inaad is ilaalisaan waayo waad is dhameyn doontaan. Sidaa darteed waxaan idin leeyahay Ruuxa ku socda. Markaasna ma sameyneysaan waxyaalaha uu jirkiinu rabo. Waayo jirku wuxuu rabaa wax ka duwan Ruuxa, Ruuxuna wuxuu rabaa wax ka duwan jirka. Wey iska soo hor jeedaan, si aadan u sameynin waxyaalaha aad rabto. Laakiin haddii uu Ruuxu ku hogaaminayo sharciga kuma hoos jirtid. Waxyaalaha uu jirku rabo waa, sinada, wasakhnimo, dhaqan xumo, sanam caabudida iyo sixir, naceyb, khilaaf, maseyr, xanaaq, hamiga, daneysiga, kala qeybsamid. Damac, sarqaamid, rabshooyin iyo dembiyo kale oo la mid ah. Waan idin waaninayaa mar labaad, kuwa xaaladdaas ku nool ma dhaxli doonaan boqortooyada Illaahey. Laakiin hadiyada Ruuxa waa jaceyl, farxad, nabad, isu dulqaadashado, naxariis, wanaag, aaminaad, dabacsanaanta iyo is celinta. Waxyaalahan sharci ma aha. Kuwa Ciise Masiix raacsan wey qodbeen jirkooda iyo waxyaalihii uu jirkoodu rabay. Haddii aan Ruuxa ku nool nahay, Ruuxu ha nagu hogaamiyo waxyaalaha aan nolosheena ka sameyno oo dhan. Yaanu kibrin oo aan kuwa kale xumaan dareensiinin, anaga oo isku arkayna inaan iyaga ka fiicannahay. Walaalayaalow, haddii walaal kale dembaabo, idinkan ruuxa ku socda waa inaad si qabow u waanisaan oo jidka kusoo celisaan. Idinkuna waa inaad is jirtaan si eydan jarribaadaas oo kale ugu dhicin. Dhibkiina isla wadaaga, sidaas haddaad sameysaan sharciga Masiixa ayaad adeeceysaan. Haddii aad isku maleyso inaad dadka kale ka qiima badan tahay, waad is khiyaantay waayo saas uma qiima badnid. Qof walba waa inuu shaqadiisa tijaabiyaa. Kadibna waxaad ku faanto ayaad heleysaa, idinka oo aanan shaqadiina iyo kuwa kale shaqadooda is barbardhigin. Waayo qof walba waa inuu culeyskiisa qaataa. Laakiin kuwii ereyga Illaahey la baray waa iney waxyaalaha wanaagsan oo dhan la wadaagaan midka iyaga baray. Yaan la idin khiyaanin, Illaahey laguma jeesjeesi karo. Qofku wuxuu gurtaa wixii uu abuurtay. Mid walboo abuurtay inuu ka farxiyo jirka, jirka ayuu ka guran doonaa dhimasho iyo qurun, laakiin mid walboo abuura inuu Ruuxa ka farxiyo, Ruuxa ayuu ka guran doonaa nolosha weligeed ah. Bal yaanan ka daalin inaan waxyaalo wanaagsan sameyno, waayo waqti fiican ayaan abuurka guran doonaa haddii aanan qalbi jabin. Sidaa darteed waxaan heysanaa fursad aan wanaag qof walba ugu sameyno, siiba kuwa ka tirsan qoyska rumeystayaasha. Bal fiiriya xarfahan waaweyn ee aan gacanteyda idiin kugu soo qoray! Dadkaas raba iney idin gudaan, waxey rabaan iney dadka kale u arkaan iney yihiin dad wanaagsan. Ma rabaan in la silciyo iyagoo baraya in iskutallaabta Masiixa kaliya ey dadka badbaadineyso. Xitaa kuwa la gudeyna ma ilaaliyaan sharciga, laakiin waxey rabaan iney idin gudaan si ey ugu faanaan gudniinka jirka ah. Yaanan ku faanin wax kale waxaan ka ahayn iskutallaabta Rabbi Ciise Masiix. Waayo iskutallaabtaas darteed ayaan xiisahaan aduunka u qabay u qodbay, aduunkuna xiisuhuu ii qabay u qodbay. Gudniin iyo gudniin la’aanba midkoodna waxba ma aha. Waxa muhiimka ah waa abuurka cusub. Nabad iyo naxariis ha la jirto kuwa waxyaalahan sameeya. Waa Israa’iilka Illaahey. Hadda laga bilaabo qofna yuusan dhibaato ii keenin, waayo jirkeyga waxaa ku yaala sumadihii Ciise. Walaalayaalow nimcada Rabbigeena Ciise Masiix ruuxdiina ha la jirto. Aamiin. Warqaddan waxaa qoray Bawlos, kaasoo uu Illaahey u doortay inuu noqdo rasuulkii Ciise Masiix. Waxeyna ku socotaa Illaahey dadkiisa quduuska ah ee jooga Efesos, kuwaasoo daacad u ah Ciise Masiix. Nimco iyo nabad ka timid Aabaha Illaaheena ah iyo Sayidkeena Ciise Masiix korkiina ha ahaato. Ammaan ha u sugnaato Illaaha iyo Aabaha Sayidkeena Ciise Masiix, kaasoo Masiixa dartiis nagu siiyay barakooyin ruuxi ah oo ka yimid samada! Waayo intaan aduunka la abuurin ka hor ayuu noo doortay inaan Masiixa ku noqono kuwa quduus ah oo aanan eed lahayn. Jaceylka uu noo qabo dartiis Illaahey wuxuu horey u go’aansaday inaan Ciise Masiix dartiis ku noqono ciyaalkii Illaahey. Waana wax uu rabay wuuna ku faraxsanaa. Haddaba waa inaan Illaahey ku ammaannaa nimcada uu nagu siiyay wiilkiisa uu jecel yahay dartiis. Illaahey nimcadiisi ayuu dhiigga wiilkiisa noogu furtay nooguna dembidhaafay. Wuxuu noogu deeqay naxariis ey la jirto xigmad iyo fahan. Illaahey wuxuu hadda noo muujiyay qorshihiisi qarsoonaa ee ku saabsanaa Masiixa, qorshahaas oo uu ka dhabeynayo isaga oo ku faraxsan. Qorshahan oo uu Illaahey dhameystiri doono markii waqtigii loogu talagalay la gaaro, waana in waxa aduunka ku jira iyo waxa samada ku jira oo dhan la isku keeno iyagoo uu Masiixu hogaaminayo. Masiixa oo aan la midownay darteed ayaan dhaxalka xagga Illaahey kaga helnay, waayo horey ayuu noo doortay, wax walbana siduu u qorsheeyo ayey u dhacaan. Ujeedada Illaahey waxey ahayd, in anagan Yuhuudda ah ee ahaa kuwii ugu horeeyay ee Masiixa rajadooda saarta, aan Illaahey ammaan u soo jiidno. Idinkuna sidoo kale waad kusoo biirteen markaad maqasheen fariinta runta, ee ah warka wanaagsan ee aad ku badbaadeysaan. Markaad aaminteen ayaa la idin ku sumadeeyay Ruuxa Quduuska ah ee horey loo ballan qaaday. Ruuxa ayaa damaana qaadaya dhaxalkeena illaa laga gaaro xoreynta dadka Illaahey. Wuxuuna sidaa u sameeyay ammaanta weynaantiisa. Sidaa darteed ayaan illaa markaan maqlay iimaanka aad ku qabtaan Sayid Ciise iyo jaceylka aad u qabtaan dadka Illaahey oo dhan, ma joojin mahadcelin iyo inaan idiin duceeyo. Waxaan mar walba ku duceystaa in Illaaha Sayidkeena Ciise Masiix, Aabaha ammaanta leh uu idin siiyo xigmad ruuxi ah iyo inuu idiin muujiyo waxyaalaha qarsoon, si aad Isaga u barataan. Waxaan Illaahey ka baryayaa inuu qalbigiina furo si aad u garataan rajada uu idin kugu yeeray, iyo taajirnimada ammaanta dhaxalka uu ka ballan qaaday inuu siiyo dadkiisa quduuska ah. Waxaan sidoo kale Illaahey ka baryayaa inaad garataan awooddiisa weyn ee kuwa aaminay ee naga dhex shaqeyneysa. Waana isla awooddii weyneyd, ee Masiixa dhimashada kasoo sarakicisay ee fariisisayna gacanta midig ee Illaahey jannada dhexdeeda. Wuxuuna ka dhigay mid ka sareeya xukun walba iyo awood walba iyo maamul walba iyo magac walboo lagu baryo. Wuxuu hogaamiyaa abuurka aduunkan oo dhan sidoo kalana wuu hogaamin doonaa weligiis. Illaahey wuxuu wax walba hoos dhigay awoodda Masiixa, mu’miniinta dartood ayuuna ugu doortay inuu wax walba madax u noqdo. Mu’miniintu waa Masiixa jirkiisa, waxaana lagu kaamil yeelay Masiixa, kaasoo ah midka dhameystira wax walba. Waagii hore ruuxiyan waad u dhimateen caasinimadiina iyo dembiyadiina dartood. Waxaad ku noolaan jirteen dembi, sida dadka aduunka waxaadna adeecdeen ibliiska oo hogaamiyaa boqortooyada koonka ruuxdiisuna waxey u talisaa qof walboo Illaahey ku caasiya. Anaga oo dhan sidaas ayaan soo wada ahayn, anaga oo raaceyna damaca jirkeena iyo fikradeena. Waxaan ka careysiinay Illaahey waxaanna sida dadka kale mudnayn ciqaab. Laakiin jaceylka weyn ee uu inoo qabo dartiis Illaaheyga naxariista badan ayaa Masiixa na la nooleeyay anaga oo dembiyadeena dartood u dhimanay. Illaahey nimcadiisa ayaad ku badbaadeen. Illaahey ayaa Masiixa dhimashada nagula sarakiciyay nalana fariisiyay jannada dhexdeeda, Ciise Masiix oo aan la midownay darteed. Wuxuu Illaahey sidaas u sameeyay si waqtiyada soo socdo uu noo tuso nimcadiisa nooguna naxariisto Ciise Masiix dartiis. Waayo nimcada Illaahey ayaad ku badbaadeen, markaad Masiixa aaminteen. Awoodiinana kuma imaan ee waa hadiyad xagga Illaahey ka timid. Mana aha wax aad camalladiina ku keensateen, sidaa darteed qofna kuma faani karo. Waayo waxaan nahay abuurkii Illaahey, la midowgeena Ciise Masiix ayuuna abuur cusub nooga dhigay si aan u sameyno camallo wanaagsan taas oo uu horey noogu diyaariyay. Sidaa darteed dadkiinan aan Yuhuudda ahaynow ha illoobina iney Yuhuuddu idin kugu yeeri jireen “kuwii aan gudneyn” iyaga oona iskugu yeera “kuwa gudan” inkastoo ey jirkooda oo kaliya ku sameeyaan. Xasuusta waqtigaas Masiixa gooni ayaad ka ahaydeen, waad ka baxsanaydeen reer binu Israa’iil waxna kuma eydan lahayn axdigii ballanqaadka, aduunkana rajo la’aan iyo Illaah la’aan ayaad ku joogteen. Laakiin hadda Ciise Masiix dartiis kuwiinan markii hore fogaa waxaa hadda la idin ku soo dhaweeyay dhiigga Masiixa. Waayo isaga ayaa nabadda noo keenay Yuhuudda iyo dadka aan Yuhuudda ahaynna mideeyay. Waayo jirkiisa ayuu ku burburiyay derbigii kala qeybinayay cadowgana ka dhigayay. Wuxuu soo af jaray sharcigii Yuhuudda iyo amaradiisi, si uu labada qowmiyadood uga soo dhex saaro hal qowmiyad oo cusub isagana la mideysan, sidaas ayuuna nabad ku dhaliyay. Oo hal jir inuu Illaah kula heshiiyo labaduba iskutallaabta, isagoo dilaya cadawnimadoodi. Wuu yimid oo nabad idiinku wacdiyay kuwiinan Yuhuudda ahayn iyo nabad kuwa Yuhuudda ah. Haddana anaga oo dhan Aabaha hal Ruux ayaan ugu wada tagi karnaa Ciise wixii uu noo sameeyay darteed. Haddaba hadda ma tihiin shisheeye, laakiin waxaad dadka Illaahey la tihiin wadani waxaadna xubin ka tihiin reerka Illaahey. Waxaa tihiin sidi dhismo ey aasaas u yihiin rasuullo iyo nebiyo, Ciise Masiixna uu u yahay udub dhaxaad. Isaga ayaa dhismaha isku haya, korna u kiciya si uu macbad quduus ah Rabbiga ugu noqdo. Isaga ayaana idinka xitaa la idin ku dhisay si aad u noqotaan meel uu Illaahey Ruuxiisu ku noolaado. Sababtaas darteed aniga Bawlos ah kan uu dadkiinan aan Yuhuudda ahayn dartiin Ciise Masiix maxbuuska uga dhigay. Xaqiiqdii waad maqasheen in Illaahey nimcadiisa uu iigu dhiibay shaqadan si aan idiin caawiyo. Sidii aan horey idiin kugu soo qorayba Illaahey ayaa qorshihiisa la yaabka leh iigu muujiyay. Markaad akhrisaan warqaddii aan soo qoray waad fahmi doontaan aqoonta aan u leeyahay sirta qarsoon ee ku saabsan Masiixa. Illaahey horey uguma muujin dadkii hore laakiin hadda Ruuxiisa ayaa rasuuladiisa quduuska ah iyo nebiyadiisa loogu muujiyay. Sirtaanna waa in injiilka rumeysadkiisa darteed ey dadka aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuduba dhaxalka wada wadaagi doonaan, iney noqon doonaan xubno hal jir wada ah iyo iney wada wadaagi doonaan barakadii uu Illaahey ballan qaaday waayo labadooduba Ciise Masiix ayey ka tirsanyihiin. Nimcada Illaahey iyo awooddiisa weyn ayaan ku helay fursada aan ugu adeego aniga oo faafinaya warkan wanaagsan. Inkastoo aan ahay qofka ugu liita dadka Illaahey, laakiin Illaahey nimcadiisi ayuu iigu doortay inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u sheego in Masiixa lagu helo barakooyin aan la xisaabi karin. Waxaa la ii doortay inaan qof walba u cadeeyo qorshahan la yaabka leh ee uu Illaaha ah abuuraha wax walba uu sir ka dhigay illaa bilowgii aduunka. Ujeedada Illaahey waxey ahayd inuu dadkiisa u isticmaalo inuu tuso amarka iyo madaxtinimada ka jira caalamka ruuxiga ah inuu leeyahay noocya badan oo kala duwan oo xigmad ah. Kani wuxuu ahaa qorshihiisi daa’imka ahaa, kaasoo uu dhameystiray isaga oo adeegsanaya Sayidkeena Ciise Masiix. Ciise dartiis iyo iimaanka aan ku qabno ayaan hadda anaga oo ey dhiiranaan nagu jirto soo hor istaagi karnaa Illaahey. Haddaba waxaan idin ka codsanayaa in eydan ku qalbi jabin silaca aan halkan ku marayo. Idinka ayaan silaca idiin marayaa sidaa darteen waa inaad sharaf dareentaan. Markaan waxyaalahan oo dhan ka fikiro, waan sujuudaa waxaanna baryaa Aabaha, Abuuraha wax walboo samada ku jira iyo wax walboo dhulka jooga. Waxaan Illaahey weydiisanayaa inuu taajirnimada ammaantiisa qalbigiina ku xoogeeyo awoodda Ruuxa quduuska ah. Kadibna iimaankiinu uu keeno in Masiixu qalbiyadiina joogo. Waxaan sidoo kale Illaahey weydiisanayaa inuu aasaas idiin noqdo jaceylka Illaahey uuna awood idin ka buuxiyo. Si aad idinka iyo dadka Illaahey oo dhan u heshaan awoodda aad ku fahantaan sida uu jaceylka Masiixu u balaaranyahay una dheer yahay iyo sida uu kor ugu dheer yahay hoosna ugu qodanyahay. Waxaan Illaahey weydiisanayaa inaad dareentaan jaceylka Masiixa, inkastoo ey aad u adagtahay in si dhameystiran loo fahmo. Kadib waxaa la idin ku dhameystiri doonaa nolosha dhameystiran iyo awoodda ka timaada xagga Illaahey. Haddaba ammaan ha u sugnaato Illaahey kaasoo awoodda inuu awooddiisa weyn ee nagu dhex jirta ku sameeyo in ka badan intaan weydiisan karno ama ku fikiri karno. Illaahey ammaan ha ugu sugnaato dadkiisa iyo Ciise Masiix isaga oo adeegsanaya quruumaha oo dhan weligeed iyo weligeen! Aamiin. Sidaa darteed aniga oo adeegista Rabbiga darteed maxbuus u ah, ayaa idin ka baryaya inaad ku noolaataan nolol u qalanta yeeritaanka uu Illaahey idiin yeeray. Mar walba dabacsanaan, naxariis iyo dulqaad lahaada. Jaceyl is tusa idinkoo qaladyadiina isku dhaafaya. Ku dadaala inaad u ogolaataan Ruuxa Illaahey inuu mideeyo qalbiyadiina idinkoo nabad ku noolaanaya. Kuligiin waxaad ka wada tirsan tihiin hal jir. Waxaa jira hal Ruux oo Illaahey, sidii la idiin siiyay hal rajo markii la idin doortay. Waxaan leenahay oo kaliya hal Sayid, hal iimaan iyo hal baabtiis. Waxaa jira hal Illaah kaasoo ah Aabaha binu aadanka oo dhan. Ma aha oo kaliya in Illaahey ka sareeyo waxa jira oo dhan, laakiin anaga oo dhan ayuu nagu dhex shaqeeyaa anaga oo dhan ayuuna nagu dhex nool yahay. Laakiin mid walboo naga mida waxaa nimcada loo siiyay sidii uu Masiixu ugu qiyaasay. Tani waa sababta uu qorniinku u dhahayo, “Markii uu kor u aaday samada meelaheeda ugu sareeya, maxaabiis badan ayuu sii watay dadkiisana wuxuu siiyay hadiyaddo.” Haddaba “kor u aaday” waxaa laga wadaa in markii hore Masiixu dhulka hoostiisa galay. Kii markii hore dhulka hoostiisa galay ayaa haddana kor u aaday meel ka sareysa samooyinka oo dhan, si uu aduunka oo dhan u buuxiyo. Haddaba Masiixa ayaa u doortay qaar naga mida iney noqdaan rasuullo, nebiyo, tabliiq, wadaaddo iyo macalimiin. Wuxuu sidan u sameeyay in dadka Illaahey bartaan adeegida iyo in jirka Masiixu xoogeysto. Ilaa anaga oo dhan aan ka midowno iimaanka iyo fahanka Wiilka Illaahey. Kadibna waxaan u weynaaneynaa sida Masiixa oo sidiisa oo kale ayaan u dhameystirmi doonnaa. Waa inaan joojinaa u dhaqanka sidii ciyaalkii. Waa in aanan u ogolaan dadka khiyaanoolashaasha ah iney nagu khiyaanaan waxbaridooda beenta ah, taas oo ah sidii dabeyl marba dhinac noo kaxeyneysa. Jaceylku waa inuu naga dhigaa kuwo mar walba runta sheega. Kadibna dhinac walba waan ka kori doonnaa waxaanna u ekaan doonnaa Masiixa kaasoo ah madaxa jirka. Masiixa ayaa isku haya jirka oo dhan xubnihiisa oo dhanna si dhameystiran uga shaqeysiiya, isaga oo koraya kuna xoogeysanaya jaceyl. Waxaan magaca Illaahey idin ku amrayaa inaad joojisaan inaad u noolaataan sida dadka aan Illaahey garaneyn, waayo waxey ka fikiraan waa wax aan micno lahayn. Caqligoodu mugdi ayuu ku jiraa, wey dhib badan yihiin weyna aqoon yaryihiin waxeyna waayeen nolosha xagga Illaahey ka timaada. Xishoodki oo dhan ayaa ka tagay, waxey u nool yihiin iney damacyadooda xun xun raali galiyaan waxaana ka buuxa hunguri xumo. Laakiin taasi ma aha waxaad Masiixa ka barateen. Runtii waad maqasheen waxa Ciise ku saabsan waana la idin baray runta isaga ka imaaday. Waxaa la idiin sheegay in damacyadiina xumi idin baabi’in doonaan oo eyna waajib tahay inaad ka tagtaan noloshiini hore iyo dhaqamadeedi xumaa. U ogolaada Ruuxu inuu badalo sida aad u fikirtaan oo uuna idin ka dhigo abuur cusub. Waxaa la idiin abuuray inaad u ekaataan Illaahey, haddaba waa inaad isaga raali galisaan oo quduusiin dhab ah noqotaan. Sidaa darteed mid walboo naga mida waa inuu beenta joojiyaa runtana walaalaha kale u sheegaa, waayo kuligeen waxaan xubno ka nahay hal jir. “Markaad xanaaqdaan ha dembaabina.” Qoraxdu yeysan dhicin idinkoo xanaaqsan, ibliiskana fursad yuusan idin ka helin. Qof walboo wax xadi jiray ha joojiyo, laakiin gacmahiisa howl wanaagsan haku qabto si uu naftiisa iyo masaakiintaba ku caawiyo. Ha u ogolaanina hadal aan fiicneyn inuu afkiina ka soo baxo, laakiin waxa kaliya ee ka caawinaaya kobcinta kuwa kale hadba baahidoodu sida ey tahay, taas oo waxtar u leh kuwa dhageysanaya. Illaahey Ruuxiisa Quduuska ahna haka xanaajinina, kaasoo in la idin ku shaabadeeyay maalinta madax furashada. Iska saara dhamaan waxa xaasidnimada iyo xanaaq ah. Ha isku qeylinina, ha is inkaarina, ha is caaynina si xunna ha iskula hadlina. Laakiin isu dabacsanaada oo isu naxariista, kuwa kalana u cafiya sidii uu Illaahey Masiixa dartiis idiin kugu cafiyay. Illaahey ku dayda waayo waxaa tihiin caruurtiisa qaaliga ah. Ku noolaada jaceyl sidii uu Masiixuba inoo jeclaaday oo uuna naftiisa noogu bixiyay isaga oo ah qurbaan carfaya iyo allabari Illaahey raali galiya. Waxaa tihiin dadkii Illaahey, haddaba yaan la idin ku tilmaamin kuwo sineysta ama dhaqan xun ama hunguri weyn. Ha isticmaalina ereyo xun xun ama micno daro ah laakiin mar walba Illaahey u mahadceliya. Tan hubiya, ma jiro qof sineysta ama qof wasakh ah ama qof hunguri weyn (qofkaas camal waa qof sanam caabuda) oo wax dhaxal ah ku heli doono boqortooyada Masiixa iyo tan Illaahaba. Qofna yuusan hadallo aan micno lahayn idinku khiyaanin, waayo waxyaalahaas awgood ayey carada Illaahey ugu soo degtaa kuwa caasiyiinta ah. Haddaba qof sidaas oo kale ah xiriir hala lahaanina. Waayo waxaa jirtay mar aad mugdi ku jirteen laakiin hadda Illaahey iftiinkiisa ayaad heysataan. Haddaba u dhaqma sidii caruurta iftiinka! Waayo iftiinkan idin ku dhex jira wuxuu dhalaa oo kaliya wanaag, xaqnimo iyo run. Oo ogaada wixii Illaahey raali ka yahay. Haka qeyb qaadanina falalka aan faa’iidada lahayn oo ey sameeyaan dadka sharka leh, laakiin qaladkooda u sheega. Xitaa waa wax laga xishoodo in la sheego waxyaalaha mugdiga lagu sameeyo. Laakiin wax walboo iftiinka la keenaa waa la arkaa, wax walboo la muujiyana iftiin ayuu noqdaa. Waana sababta loo yiri, “Kan hurdow kac, dhimashadana ka sarakac, kadibna Masiixu wuu ku iftiimin doonaa.” Haddaba sida aad u nooshihiin ka taxadara, ha u noolaanina sidii doqomo ee u noolaada sidii kuwo caqli leh. Ka faa’iideysta fursad walba waayo waqti shar leh ayaa lagu jiraa. Sidaa darteed doqomo ha ahaanina laakiin fahma waxa Illaahey doonistiisu tahay. Khamri haku sarqaamina waayo noloshiina ayaa ku baaba’aysa, laakiin Ruuxa Quduuska ah noloshiina haka buuxsamo. Markaad kulantaan ku heesa sabuurrado, heeso iyo qasiidooyinka ruuxa idinkoo Rabbiga qalbigiina oo dhan ka ammaanaya. Mar walba adeegsada magaca Sayid Ciise Masiix idinkoo Illaaha Aabaha ah ugu mahadcelinaya wax walba. Midkiinba midka kale ha adeeco idinkoo Masiixa xushmeynaya. Xaasasyahow, nimankiina ka dambeeya, sidaad Rabbiga uga dambeysaan. Waayo ninku waa madaxa xaaskiisa sida uu Masiixu u yahay madaxa iyo badbaadiyaha masiixiyiinta kuwaasoo ah jirkiisa. Xaasasku waa iney nimankooda wax walba ka hor mariyaan, sida ey kaniisaduba Masiixa wax walba uga hormariso. Nimankow xaasaskiina u jeclaada siduu Masiixu kaniisadda u jeclaaday naftiisana ugu bixiyay. Isaga oo awoodda ereygiisa kaniisadda uga dhigay quduus kuna nadiifiyay biyo. Wuxuu sidaas u sameeyay waa inuu lahaado kaniisad qurux badan oo aan lahayn xumaan, ceeb iyo waxyaalo la mida, laakiin quduus ah oo aanan eed lahayn. Sidaas oo kale nimanku waa iney xaasaskooda u jeclaadaan sida ey jirkooda u jecelyihiin. Waayo ninkii xaaskiisa jecel ayaa laga ogaadaa inuu naftiisa jecel yahay. Qof jirkiisa neceb naguma jiro, laakiin waxaan u quudinaa una daryeelnaa siduu Masiixu kaniisadda u quudiyo una daryeelo oo kale. Waayo waxaan nahay qeybo ka mida jirkiisa. Sida uu qorniinku leeyahay, “ninku wuxuu ka tagi doonaa aabihiis iyo hooyadiis wuxuuna la midoobi doonaa xaaskiisa, labadooduna waxey noqon doonaan hal jir.” Halkan waxaa ku jirta sir weyn, laakiin waxaan u fahmay in macnaheedu yahay Masiixa iyo kaniisadiisa. Si kastaba ha ahaatee, mid walboo idin ka mid ah waxaa waajib ku ah inuu xaaskiisa u jeclaado siduu naftiisa u jecel yahay, xaas walbana waa iney ninkeeda xushmeysaa. Caruur yahow waalidkiina ku adeeca Rabbiga dartiis waayo sidaas ayaa wanaagsan. “Sharfa hooyadiin iyo aabihiin” Tani waa amarka koowaad oo ey ballan la socoto. “Si wax walba kuugu hagaagaan, oo aadna cimri dheeri dhulka ugu heshid.” Waalidkow caruurtiina si caro leh ha ula dhaqmina. Laakiin bara oo ku hogaamiya wadada Rabbiga. Adoomadow sayidyadiina aduunkan ku adeeca oo ka cabsada, oo qalbiga daacad uga ahaada sida aad Masiixa u adeeci lahayd oo kale. Ha adeecina markey idin arkayaan oo kaliya ee mar walba adeeca. Waxaa tihiin adoomadii Masiixa, haddaba si daacada u sameeya wuxuu Illaahey rabo inaad sameysaan. Si dhameystiran u adeega sidii inaad Illaahey u adeegeysaan oo kale, oo eydan u adeegeyn binu aadan. Waayo waad ogtihiin inuu Illaahey qof walba ku abaalmarin doono wixii wanaagsanaa ee uu sameeyay, hadduu adoon yahay iyo hadduu xor yahayba. Sidoo kale sayidyadow adoomadiina si wanaagsan ula dhaqma. Ha u hanjabina, waayo waa ogtihiin in midka iyaga iyo idinkaba Sayidka u ah uu samada joogo oo uusan eex aqoonin. Ugu dambeyntii waxaan idin ku leeyahay, awoodda weyn ee Illaahey ha idin xoogeyso. Xirta hubka dhameyska tiran ee Illaahey, si aad uga hor tagtaan ibliiska dhagartiisa. Waayo lama dagaalameyno jir ee waxaan la dagaalameynaa taliyayaasha sharta, awoodaha caalamka aan la arki karin, awoodaha waaweyn ee ka jira aduunkan mugdiga ah iyo ruuxyada sharta leh ee samada jooga. Sidaa darteed xirta Illaahey hubkiisa dhameystiran, si marka maalinta sharta lihi timaado aad uga hor tagtaan markii uu dagaalka dhamaadana aad weli awood u lahaataan. Haddaba diyaar garooba idinkoo suunka runta dhexda ku xiran, xabadkana difaac xaqnimo ku xiran. Kabana ka dhigta nabadda ka timaada warka wanaagsan si aad si buuxda ugu diyaarsanaataan. Sidoo kale waxaad qaadataan gaashaanka iimaanka, waayo wuxuu idin ka difaaci doonaa falaaraha holaca leh ee uu midka sharta leh soo tuurayo. Xirta koofiyadda badbaadada iyo seefta Ruuxa, taas oo ah ereyga Illaahey. Ha joojinina baryada Illaahey mar walbana awoodda Ruuxa ku dhex duceysta. Digtoonaada mar walbana dadka Illaahey u duceeya. Aniga iigu duceeya in mar walboo aan hadlo uu Illaahey i siiyo fariin, si aan dhiiranaan ugu hadlo una soo bandhigo sirta injiilka. Waayo injiilka ayaan safiir u ahay anigoo silsilad ku xiran, inkastoo aan hadda xabsi ku jiro iigu duceeya inaan si geesinimo leh u sheego injiilka taas oo waajib igu ah. Tukhikos oo ah walaalkeen qaaliya iyo adeege daacad u ah shaqada Rabbiga ayaa idin soo booqan doona si uu idinkaga waramo xaaladeyda iyo waxa aan sameynayo. Waxaan isaga idiin soo diray ujeedadaan, inuu idiin sheego sida xaaladdeenu tahay iyo inuu dhiirigeliyo. Waxaan Illaaha Aabaha ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu walaalaha oo dhan siiyo nabad, jaceyl iyo iimaan. Nimcada Illaahey weligood hala jirto kuwa jecel Sayidkeena Ciise Masiix. Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos iyo Timoteyos, kuwaas oo ah adeegayaashii Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa dhamaan dadka quduusiinta Ciise Masiix ah ee jooga magaalada Filiboy, hogaamiyayaasha kaniisadda iyo caawiyayaasha. Nimco iyo nabad ka timid Illaaha Aabaheena ah iyo Sayid Ciise Masiix ha idin la jirto. Mar walboo aan idin xusuusto Illaahey ayaan u mahadceliyaa. Waqti walboo aan duceystana, farxad ayaan idin kugu duceeyaa. Waayo wehelnimada wadashaqeynta injiilka awadiis maalinti ugu horeysay illaa hadda. Waxaan hubaa in Illaaheyga shaqadan wanaagsan idin ka dhex bilaabay uu sii wadi doono illaa ey ka dhamaato, taas oo ah maalinta soo noqoshada Ciise Masiix. Wey wanaagsan tahay inaan sidan idin kaga fikiro waayo aad ayaan idin jeclahay. Waayo markii xabsi la i geliyay iyo markaan warka wanaagsan difaacayay waxaad ila wadaagteen nimcada Illaahey. Illaahey ayaa marqaati iiga ah sida aan idiin kugu xiisoonayo, waayo waxaan idiin jeclahay sida uu Ciise Masiixuna idiin jeclahay. Waxaan Illaahey ka baryayaa in jaceylkiinu aad iyo aad usii bato, iyo inaad ku kortaan aqoonta iyo fahanka. Waayo waxaan rabaa inaad ogaataan waxa muhiimka ah, si aad u noolaataan idinkoo saafi iyo eed la’aan ah illaa maalinta uu Masiixa kasoo laabto. Miraha xaqnimada ha idin ka buuxsamaan, xaqnimadaas oo ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey u keeneysa ammaan. Walaalayaalow hadda waxaan rabaa inaad ogaataan, waxa igu dhacay iney sababeen in injiilku sii faafo. Taas oo keentay, iney si cad ugu muuqato waardiyayaasha qasriga oo dhan iyo qof kasta in aan u xiranahay Masiixa aawadiis. Xabsiga la i geliyay dartiis ayaa walaalo badan ku heleen kalsooni ey ku wacdiyaan fariinta Illaahey iyagoon cabsaneynin. Waa run in kuwa qaar ey u wacdiyaan Masiixa maseyr iyo tartan dartiis. Laakiin kuwa kalana daacadnimo ayey u wacdiyaan. Wey i jecelyihiin sababtaas ayey u wacdiyaan, waayo wey garanayaan in la ii doortay inaan difaaco warka wanaagsan. Laakiin kuwa kale uma wacdinayaan waxa ku saabsan Masiixa si daacad ah. Laakiin waxey u wacdiyaan dantooda darteed, dhib ayey ii keeni rabaan intaan xabsiga ku jiro. Laakiin taas muhiim ma aha. Haddii ey iska yeelyeel tahay ama haddii ey dhab ka tahay, fariinta ku saabsan Masiixa waa la wacdiyay. Sidaa darteed waan ku faraxsanahay. Waana sii farxi doonaa, waayo waan ogahay intaasi samatabixin ii noqoneyso xagga ducadiina iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix. Waxaan rajeynayaa in aanan weligey ceeb dareemin, laakiin waan sii wadayaa inaan mid geesi ah u noqdo Masiixa sidii aan horeyba u ahaan jiray. Waxaanna aaminsanahay in nolosheydu ey sharaf u keeneyso Masiixa haddaan noolahay iyo haddaan dhintaba. Waayo anigu Masiixa ayaan u noolahay, dhimashaduna faa’iido ayey ii tahay. Haddaan noolaado shaqo wanaagsan ayaan u sameynayaa Masiixa. Sidaa darteed ma ogi tan ii roon. Wey igu adagtahay middii aan dooran lahaa. Waxaan jeclaan lahaa inaan dhinto oo aan Masiixa u tago, waayo taasi aad ayey u wanaagsan tahay. Laakiin dartiin waa inaan usii noolaado. Aniga oo waxyaalahan aaminsan, waa inaan sii noolaado oo aan idinku sii caawiyo inaad kortaan oo aadna ku faraxdaan iimaankiina. Markaan mar kale idin soo booqdo, waxaad lahaan doontaan sabab wanaagsan oo aad Ciise Masiixa ugu faantaan, wuxuu aniga iga dhex sameeyay darteed. Wax walboo dhaca ku haga noloshiina nolol istaahisha injiilka Masiixa. Haddii aan idiin imaado ama aan imaan waayo, waan maqli doonaa dhamaantiin inaad hal ruux iyo hal ujeedo leedihiin. Idinkoo u dagaalamaya iimaanka kaasoo ah warka wanaagsan. Ha ka cabsanina cadawyadiina. Waayo taasi waxey tuseysaa inaad iyaga baabi’in doontaan, waana badbaadi doontaan. Waxyaalahan oo dhan Illaahey ayaa sameyn doona. Waayo waxaa la idin siiyay mudnaan aad Masiixa ku aamintaan iyo in dartiis la idiin silciyo. Dhibaatadan waan iskula jirnaa. Waad aragteen dhibkaan soo maray, waana ogtihiin inaan weli ku jiro. Haddii ey jiraan waxyaalo ka tirsanaanshaha Masiixa idinku dhiirigeliya, haddii ey jiraan qalbiqaboojis ka imaada jaceylkiisa, haddii ey jiraan wada cibaadeysi ruuxi ah, haddii ey wanaag iyo naxariis jiraan, haddaba farxadeyda ii dhameystira idinka oo isku fikrad ah, oona is jecel islana shaqeysaan idinka oo hal ujeedo leh. Waxba ha u sameeynina damac daneysi ah ama kibir aan macno lahayn. Laakiin is hooseysiinta, dadka kale qiimeeya oo iska hor mariya. Balse dantiina kaliya ha fiirinina laakiin mid walba waa inuu fiiriyaa danta kuwa kale. Xiriirada aad isla leedihiin midba midka kale, lahaada isla maanka Ciise Masiix. Inkastoo uu ahaa Illaahey, marna kuma fikirin inuu isla simidda Illaahey ku adkeysto. Laakiin wuxuu iska dhigay qof aan qiimo lahayn isaga oo qaatay dabeecada adeegaha, wuxuuna noqday binu aadan. Markii uu binu aadan noqday, wuu is hooseysiiyay wuuna ogolaaday inuu dhinto. Xitaa dhimashada iskutallaabta. Sidaa darteed Illaahey wuu sareysiiyay oo meesha ugu sareyso ayuu dhigay, wuxuuna siiyay magac magacyada dhan ka sareeya. In magaca Ciise dartiis jilib walba uu u sujuudo, kuwa samada jooga, kuwa dhulka jooga iyo kuwa dhulka hoostiis ku jiraba. Carrab walbana wuxuu qiranayaa inuu Ciise Masiix yahay Rabbiga, taas oo ammaan u keeneyso Illaaha Aabaha ah. Saaxiibayaalow sidaa darteed, sida aad mar walba ii adeeci jirteen markaan idinla joogay, haddaba waa muhiim inaad ii adeecdaan aniga oo maqan. Cabsi iyo gariir badbaadadiina ugu shaqeysta. Waayo Illaahey ayaa idin ka dhex shaqeynaya, isaga oo idin siinaya rabitaanka iyo xoogga aad ku sameysaan waxa isaga raaligeliya. Wax walbana sameeya idinka oo aan gunuunaceynin oo aanan murmeynin. Si aad u noqotaan kuwa eed la’aan ah oona saafi ah, “Sida caruurta Illaahey waa inaad si wanaagsan ugu dhex noolaataan dadka sharta leh.” Kadibna dhexdooda waxaad uga ifi doontaan sida xiddigaha cirka ku jiro. Idinka oo weliba ku sii wacdinaya ereyga nolosha, sida aan ugu faano maalinta uu Masiixu soo laabanayo, waayo waa hubaal in dadaalkeyga iyo shaqada adag ee aan idin ka dhex qabtay eysan ahayn micno la’aan. Laakiin waan faraxsanaanayaa haddii aan lumiyo nolosheyda, iyadoo loo daadshay Illaahey sida biyo allabariga ah, sida ey shaqadiina aaminka ah ey allabari Illaahey ugu tahay. Waxaana rabaa inaad dhamaantiinaba farxadaas wadaagtaan. Sidaa darteed waa inaad faraxsanaataan oo aniguna waan idin la wadaagaya farxadiina. Waxaan Rabbi Ciise ka rajeynayaa inaan mar dhow idiin soo diro Timoteyos, si aan aniguna u farxo markaan maqlo war idin ku saabsan. Mana lihi qof sidiisa oo kale ah, kaasoo si daacad ah idiin daryeela. Waayo qof walba wuxuu fiiriyaa dantiisa kaliya, intii ey ka fikiri lahaayeen waxa Ciise Masiix muhiimska u ah. Laakiin waad ogtihiin Timoteyos inuu is cadeeyay, sida wiil la jira aabihiis ayuu iigala shaqeeyay shaqada ku saabsan injiilka. Waxaan rajeynayaa inaan mar dhow idiin soo diro markaan ogaado xaaladeyda sida ey noqon doonto. Aniguna waxaan kalsooni ku qabaa Rabbiga si aan aniguba mar dhow idiin kugu imaado. Laakiin waxaan u maleynayaa iney muhiim tahay inaan dib idiin kugu soo diro Ebafroditos, walaalkey aan shaqaale iyo askariba wada nahay. Kaasoo ahaa fariinsidihiina, isaga oo aadna u soo dirteen inuu baahideyda iga caawiyo. Waayo aad ayuu idin kugu xiisay wuxuuna rabaa inuu idin arko, aad ayuuna u murugeysanyahay waayo waxaad maqasheen inuu xanuusanyahay. Runtii wuu xanuusanaa oo xitaa dhimasho ayuu gaaray. Laakiin Illaahey wuu u naxariistay, isaga kaliya maahane xitaa anigaba si eysan ii qaban murugo kale. Sidaa darteed ayaan aad u rabaa inaan idiin soo diro, si markaad u aragtaan u faraxdaan oo anigana welwelka iiga yaraado. Kusoo dhoweeya jaceylka masiixiyiinta iyo farxad badan, una sharfa sida dadka sidiisa oo kale ah loo sharfo. Waayo shaqada Masiixa darteed ayuu u dhiman gaaray. Noloshiisa ayuu halis u geliyay inuu i caawiyo caawimaad eydan idinku i caawin karin. Walaalayaalow wax walboo dhaca, ku farxa Rabbiga. Kamana daalayo inaan waxyaalahan idiin sheego, waxaan u sameynayaa inaan ilaaliyo iimaankiina. Iska ilaaliya eeyahaas, kuwa sharta sameeya, kuwaasoo jirka iska jara. Waayo anaga oo Illaahey ku caabudna Ruuxa ayaa ah kuwa runta ah ee gudan. Waxaan isku halleynaa waxa Ciise Masiix noo sameeyay. Kumana kalsoonin dadaalka binu aadanka. Haddii uu qof isku kalsoonaan lahaa anigu waan isku kalsoonaan lahaa dadaalkeyga dartiis. Haddii uu qof kale u maleeyo inuu jirkiisa ku kalsoonaan karo, aniguba wax badan ayaan leeyahay. Waxaa la i guday aniga oo siddeed maalmood jira, waxaanna ahay Israa’iili asal ah oo kana tirsan qabiilka Benyaamiin, waxaan ahay Cibraani ka mid ah Cibraaniyada, xagga sharciga Muusana waxaan ahay Farrisi. Daacadnimo darteed ayaan kaniisadda u ciqaabi jiray. Xaga xaqnimada sharcigana waxaan ahay eed la’aan. Laakiin wax walboo faa’iido ii ahaa, haddaba Masiixa dartiis ayaan u qaatay qasaaro. Intaas kaliya maahane, wax walba waxaan u qaatay qasaaro markaan is barbardhigay qiimaha aan dhamaaneynin ee qirashada Ciise Masiix oo ah Sayidkeyga. Waayo dartiis ayaan wax walba iskaga tuuray, waxaan u qaatay qashin, si aan u helo Masiixa. Isaga ayaana la midoobay, mar kale iskuma xisaabinayo mid xaq ku noqday adeecidda sharciga Muuse, laakiin waxaan xaq ku noqday aaminka aan aaminay Masiixa, taas oo ah xaqnimada ka timaada Illaahey oo ku saleysan iimaanka. Waxaan rabaa inaan garto Masiixa, haa, inaan ogaado xoogga sarakacidiisa oo aan ka qeyb qaato siliciisa, oona la wadaago dhimashadiisa. Aniga oo rajeynaya in dhimashada la iga soo sarakiciyo oo aan nolol helo. Ma aha inaan waxyaalahan oo dhan helay, ama aan kaamil noqday. Laakiin waxaan ku dadaalayaa si aan u helo abaalmarinta uu Ciise Masiix horay dartey ugu guuleystay. Walaalayaalow weli ma helin, laakiin hal wax ayaan sameynayaa, si aan u ilaawo waxa iga dambeeya oo aan ugu dadaalo waxa iga horeeya. Waxaan ku dadaalayaa si aan u helo abaalmarin xagga samada ka timid taas oo Illaahey iigu yeeray shaqada Ciise Masiix qabtay darteed. Kuweenan ku koray ruuxa waa inaan isku af garanaa waxyaalahan. Haddii aad isku af garan weydaanna waxaan aaminsanahay inuu Illaahey idiin cadeyn doono. Laakiin waa inaan ku sii soconaa horumarki aan sameynay. Walaalayaalow tusaalahayga raaca. Kana barta kuwa raacsan tusaalaha saxda ah ee aan idin barnay. Waayo sidii aan mar hore idiin sheegay marar badan haddana waan idiin sheegayaa aniga oo ilmeynaya, badi waxey u nool yihiin sida cadowyada iskutallaabta Masiixa. Waxey ku dambeyn doonaan burbur, illaahoodu waa calooshooda, ammaantooduna waa ceebtooda. Waxey ka fikiraan oo kaliya waxyaalaha aduunka. Dhalashadeenuna waa tan xagga samada. Aad ayaan Badbaadiyaheena halkaas uga sugnaa kaasoo ah Rabbi Ciise Masiix. Kaasoo xoogiisu kaga dhigay wax walba iney hoostiisa yimaadaan, ayaa beddeli doona jirkeenan daciifka ah si uu u ahaado sida jirkiisa ammaanta leh oo kale. Haddaba walaalayaalow, Rabbiga daacad u ahaada. Waan idin jeclahay waana u xiisay inaan idin arko, waayo waxaad tihiin farxadeyda iyo taajkeyga oo aan ka helay shaqadeyda. Waxaan idinku leeyahay Yu’odiya iyo Suntukhee, inaad isku maan ka ahaataan Rabbiga. Haa, waxaan adiga ku weydiisanayaa, wehelkeyga runta ah inaad caawisid labadan haweeney, waayo aad ayey ila dadaaleen markaan kuwa kale u sheegayay warka wanaagsan. Waxaa kale oo ey la shaqeeyeen Kaleemeentos iyo kuwa kale ee ila shaqeeya, kuwaasoo magacyadoodu ku qoran yihiin buugga nolosha. Rabbiga ku farxa mar walba. Mar labaad ayaan idin dhahayaa ee farxa! Intey dabacsanaantaadu la egtahay qof walba hakaa arko. Waayo Sayidku mar dhow ayuu imaan doonaa. Waxna ha ka welwelina, laakiin xaalad walba, xagga ducada iyo codsi iyo mahadcelin uga hor gee Illaahey. Nabadda Illaahey ee dhaaftay fikradaha binu aadanka oo dhan ayaa qalbigaaga iyo maskaxdaada ilaalin doonta adiga oo ku dhex nool Ciise Masiix. Ugu dambeentii walaalayaalow, wax walboo run ah, wax walboo sharaf leh, wax walboo saxan, wax walboo saafi ah, wax walboo la jeclaado, wax walboo qofka soo jiidanaya. Haddii ey jiraan wax aad u fiican ama wax u qalma ammaan, waxyaalahan oo kale ka fikira. Wax walboo aad iga barateen ama iga hesheen ama iga maqasheen, ama iga aragteen ku dhaqma. Illaaha nabadda ahna wuu idin la jiri doonaa. Aad ayaan Illaahey ugu farxaa waayo mar kale ayaad iga welwelsantihiin. Waan ogahay inaad mar walba iga welweshaan laakiin ma eydan lahayn fursad aad igu tustaan. Waxyaalahan uma dhahayo inaan baahanahay darteed, laakiin waxaan bartay inaan ku qanacsanaado xaalad walba. Waan garanayaa sida ey tahay markaan baahanahay, iyo markaan heysto wax badan. Laakiin waxaan bartay sirta loogu qanacsanaado xaalad walba. Haddii aad si fiican wax u cuntid ama haddii aad gaajooto, haddii aad wax badan leedahay ama haddii aad waxba lahayn. Waayo wax walba waan sameyn karaa aniga oo u maraya Ciise kaasoo i xoogeynaya. Xitaa aad ayaad wanaag u sameyseen markaad ila wadaagteen dhibkeyga. Waad ogtihiin, idinkan ah reer Filiboy ayaa lacag i siiyay markii ugu horeysay ee aan warka wanaagsan idiin keenay, oo kadibna ka safray Makedoniya. Ma jirin kaniisad kale oo aan ila qeybsatay wax ku saabsan bixinta iyo helida. Xitaa markaan joogay Tesaloniika waxaad ii soo dirteen caawimaad in ka badan hal mar markaan caawimaad u baahnaa. Ma aha inaan jeclahay hadiyadiina, waxaan aad u rabaa inaad in ka badan heshaan. Haddaba waan helay wax walboo aad iisoo dirteen oo waxaan haystaa in badan. Waayo Ebafroditos waan ka helay hadiyadaad iisoo dirteen. Waa allabariyo udgoon, taas oo Illaahey aqbalayo oo uuna ku farxayo. Illaaheyna wuu idin siin doonaa waxyaalahaad u baahantihiin oo dhan, sida ey tahay taajirnimada ammaantiisa taas oo na la siiyay anaga oo u mareyna Ciise Masiix. Haddaba ammaan oo dhan weligeed ha u ahaato Illaaha Aabaha ah! Aamiin. Iigu salaan dadka Illaahey ee rumeysan Ciise Masiix. Walaalaha ila jooga waxey idiin soo direen salaan. Dadka Illaahey ee halkan jooga oo dhan waxey idiin soo direen salaan, siiba kuwa ka tirsan reerka Kaysar. Nimcada Rabbi Ciise Masiix ruuxdiina ha la jirto. Aamiin. Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos, kaasoo doonista Illaahey loogu doortay inuu noqdo rasuulka Ciise Masiix, iyo walaalkeen Timoteyos. Waxaan warqaddan u qorayaa dadka Illaahey ee jooga magaalada Kolosay, walaalaha aaminka ah ee xagga Masiixa. Nimco iyo nabad ka timid Illaaha Aabaha ah ha idin la jirto. Mar walba waan idiin duceynaa, oo waxaan u mahadcelinaa Illaahey, Aabaha Rabbigeena Ciise Masiix. Waayo waxaan maqalnay wax ku saabsan iimaanka aad ku leedihiin Ciise Masiix iyo jaceylka aad u qabtaan dadka Illaahey oo dhan. Kaasoo ka yimid rajada aad ku qabtaan wuxuu Illaahey jannada meel idin kaga dhigay. Rajadan waad lahaydeen illaa markii ugu horeysay ee aad maqasheen runta ku saabsan warka wanaagsan. Isla warkan idiin yimid ayaa ku faafaya aduunka oo dhan. Meel walbana mirro ayuu ka dhaliyaa oo noloshana beddela. Sida uu noloshiina u beddelay laga bilaabo maalintii ugu horeysay ee aad maqasheen oona fahanteen runta ku saabsan nimcada Illaahey ee la yaabka leh. Waxaadna ka barateen Ebafras, gacaliyeheenna kaasoo aan isla shaqeyno oona adeege aamin u ah Masiixa, idinka beddelkiina ayuu nagu caawinayaa. Wuxuuna noo sheegay inaad jeceshihiin dadka Illaahey sida uu Ruuxa Quduuska ah idin ku hogaamiyo. Sidaa darteed illaa maalintii ugu horeysay oo aan wax idin ku saabsan maqalnay maanan joojinin inaan idiin duceyno. Waxaan Illaahey ka barinaa inuu idin siiyo aqoon dhameystiran oo ka timaada doonistiisa iyo xigmadda ruuxiga ah iyo wax fahan. Si aad ugu noolaataan nolol u qalanta Rabbiga oona si kastaba uga farxisa. Noloshiinana wax fiican ayaa kasoo bixi doona, waxaadna ku kori doontaan aqoonta Illaahey. Waxaanna ka baryeynaa inuu Illaahey idin ku xooggeysiiyo xoogiisa ammaanta leh si aad u lahaataan dulqaad iyo sabar ey farxad la jirto. Mar walbana idinka oo u mahadcelinaya Aabaha, waayo wuxuu na siiyay awood aan kula wadaagno dadkiisa quduuska ah ee ku jira boqortooyada iftiinka. Waayo wuxuu naga badbaadiyay boqortooyada mugdiga ah oo uu na keenay boqortooyada Wiilkiisa ee uu jecel yahay, isaga ayaan madax furasho iyo cafiska dembiga ku helnay. Wiilku waa muuqaalka Illaahey ee aan la arkeynin, curadkii abuurka oo dhan. Wax walbana isaga ayaa abuuray. Waxa samada iyo dhulka ku jira, wax la arko iyo kuwa aan la arkeyninba, carshiyada ama taliyayaal ama awoodda, wax walba isaga ayaa abuuray oo isaga ayaana loo sameeyay. Isagu wax walba ayuu ka horeeyay, isaga ayaana wax walba isku haya. Masiixu waa madaxa kaniisadda, taas oo ah jirkiisa. Isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay, sida uu wax walba uga sareeyo. Waayo Illaahey waxaa ka farxiyay iney kaamilnaantiisa oo dhan ey isaga ku jirto. Isaga dartiis Illaahey wuxuu la heshiiyay waxyaalaha oo dhan. Waxa aduunka ku jira iyo waxa samada ku jiraba wuxuu iskula nabadeeyay dhiigiisi iskutallaabta lagu daadiyay. Mar hore idinku waxaad Illaahey ku ahaydeen kuwa shisheeya ah iyo cadow waayo waxaa idin kala fogeeyay fikirkiina sharta leh iyo dabeecadiina. Laakiin wuxuu idinkula heshiisiiyay jirka Masiixa oo maray dhimasho si uu idinka oo quduus ah isu hor keeno, idinka oo aan eed lahayn oo la idin ka xoreeyay eed. Haddii aad ku sii socotaan rumeysadkiina, aasaas adag. Ha ka tagina rajada aad ka hesheen markaad warka wanaagsan maqasheen. Kanna waa warka wanaagsan ee lagu wacdiyay noole kasta ee samada hoos jooga, kaasoo aniga Bawlos ah aan u noqday adeege. Haddaba waan ku faraxsanahay silaca aan dartiin u marayo, waxaan ka qeyb qaadanayaa silaca uu Masiixu u maray jirkiisi oo ah kaniisadda. Illaahey wuxuu i siiyay wax igu waajib ah taas oo ah inaan u adeego kaniisadiisi aniga oo ku wacdinaya fariintiisi oo dhameystiran. Fariintan waxaa la qariyay sanado badan iyo jiil ka jiil oo la soo dhaafay, laakiin hadda waxaa loo muujiyay dadka Illaahey. Waayo Illaahey wuxuu rabay iney ogaadaan in taajirnimada iyo ammaanta Masiixa iney xitaa helayaan dadka aan Yuhuudda ahayn. Sirtuna waa in Masiixu idin ku dhex nool yahay. Tani waxey idin siineysaa rajada aad ku wadaagtaan ammaantiisa. Waa midka aan wacdino, kan aan ku waanino oo aan dadka oo dhan ku barno xigmadda uu Illaahey na siiyay. Si aan qof walba Illaahey u hor keeno isaga oo ku koray Masiixa. Sidaa darteed ayaan aad ugu dadaalaa aniga oo ku kalsoon awoodda weyn ee Masiixa taas oo iga dhex shaqeyneyso. Waxaan rabaa inaad ogaataan sida dadaalka badan ee aan idinka iyo dadka La’odikiya iyo dhamaan kuwa aan weligood i arkinba ugu shaqeeyay. Ujeedadeydu waa iney qalbiyada ka dhiiranaadaan oo ey ku midoobaan jaceylka. Waxaanna rabaa iney kalsooni dhameystiran ku qabaan fahanka qorshaha Illaahey ee qarsoon, taas oo ah Masiixa. Isaga waxaa ku dhex qarsoon maalka oo dhan kaasoo ah xigmad iyo aqoon. Waxaan waxyaalahan idiin kugu sheegaya si aan la idin ku khiyaanin dood been ah xitaa haddii ey idin qanciso. Waayo inkastoo aan idin ka maqanahay, laakiin ruuxdeyda wey idin la jirtaa. Waana ku faraxsanahay markaan arko idinka oo edeb leh oo iimaankiinana Masiixa ku adagyahay. Sidaa darteed, sida aad ugu aqbasheen Ciise Masiix sida Rabbigiina, sidaa oo kale isaga ku sii dhex noolaada. Xididyadiina haku dhex baxaan, oo noloshiinana isaga ku dul dhisa. Kadibna iimaankiinu wuxuu ku adkaan doonaa runta la idin baray, mahadcelintiinuna wey badnaan doontaa. Iska jira qofna yuusan idin ku khiyaanin waxbaridiisa beenta ah, taas oo ku xiran xagga binu aadanka iyo xoogaga aasaasiga ruuxiga ee ka yimaada dunidan beddelkii Masiixa. Waayo Ciise kaamilnimada Illaahey oo dhan ayaa jirkiisa ku jirta. Sidaa darteed idinkuna Ciise dartiis ayaa la idin ka dhigay kuwa kaamil ah. Wuxuuna madax u yahay awood walba iyo amar walba. Isaga dartiis ayaa la idiin guday laakiin ma aha gudniinka jirka la iska gooynayo. Masiixu wuxuu nagu guday gudniin ruuxi ah, kaasoo naga gooyay dabeecadeena dembiga leh. Waayo markii la idin baabtiisay waxaa la idin la duugay Masiixa. Haddana isaga ayaad nolol cusub ula soo sarakacdeen iimaankiina dartiis, waayo waxaad aaminteen awoodda weyn ee Illaah. Markii aad dembiyadiina iyo jirkiina oo aan la gudin ku dhimateen, Illaahey wuxuu idin ku nooleeyay Masiixa. Isaga ayaa naga cafiyay dembiyadeena oo dhan. Wuxuu naga tirtiray dembiyadeeni iyo wixii nagula eedeeyay, wuu naga qaaday oo wuxuu ku qodbay iskutallaabta. Siiba Illaahey wuxuu ka guuleystay awoodda iyo amar, wuxuuna dadweynaha tusay inuu ka guuleystay taas oo ka timaaday wuxuu Ciise sameeyay darteed. Sidaa darteed ha u ogolaanina inuu qofna idin ku xukumo waxaad cuntaan ama cabtaan, ama in eydan dabaaldegin Iidda ama dabaaldegga dayaxa cusub ama maalinta Sabtida. Waayo waxyaalahan waa hooska waxa xaqiiqda ah ee imaan doona. Oo Masiixa ayaa ah xaqiiqdaas. Dadka iska dhig dhiga iney is hooseysiiyaan oona caabudaan malaa’igta yeysan idin khiyaanin. Waxey ku faanaan iney wax arkaan laakiin waxaas waxba kama jiraan waayo waxaa iyaga ka buuxa rabitaan daneysi ah. Mana ku xiriirsana Masiixa oo ah madaxa jirka. Waayo wuxuu isku hayaa jirka iyo xubnaha oo dhan, weyna koraan iyagoo Illaahey uu nafaqeynayo. Waxaad la dhimateen Masiixa, wuxuuna idin ka xoreeyay xoogaga aasaasiga ruuxiga ee dunidan. Sidaa darteed maxaad ugu nooshihiin amarrada dunidan oo leh, “Ha qaban! Ha dhedhemin! Ha taaban!” Amaradaan oo kale waa baritaanka binu aadanka oo halaabaya markaan isticmaalno. Amaradaan waxey u egyihiin wax xigmad leh waayo waxey u baahanyihiin duco istustus oo ey isu sameeyaan, is hooseysiinta beenta ah, sida adag ey jirka wax ugu sameeyaan. Laakiin amaradaan dadka kuma caawiyaan in eysan sameyn waxyaalaha dembiga ah taas oo uu jirku rabo inuu sameeyo. Haddaba waxaad la soo sarakacdeen Masiixa, sidaa darteed qalbigiina saarta waxyaalaha samada, halkaas oo Masiixu fadhiyo meel sharaf leh oo ah gacanta midig ee Illaahey. Bal ka fikira waxyaalaha jannada, hana ka fikirina waxyaalaha aduunka. Waayo waad u dhimatay, oo noloshaadana waxaa lagu qariyay tan Masiixa oo ku jirto Illaahey. Markii Masiixa oo ah noloshaada uu soo muuqdo, adiguna sidoo kale ammaantiisa ayaad kula soo muuqan doontaa. Sidaa darteed ha sameynina waxyaalaha sharta ah ee dabeecada dunida, siiba sinada, wasakhnimo, damaca, rabitaanka sharta ah iyo hungurinimada taas oo ah sanam caabudida. Waxyaalahan dartood carada Illaahey wey soo socotaa. Waxyaalahan ayaad sameyn jirteen markii noloshiinu ahayd mida aduunka. Laakiin waa inaad iska saartaan dhamaan waxyaalaha sida, xanaaqa, carada, xumaan iyo caay, iyo hadallo xun xun oo afkiina kasoo baxa. Been ha isku sheegina, waayo waxaad iska siibteen dabeecadiini hore iyo dhaqankeediba. Gasho dabeecadaada cusub, taas oo loo cusbooneysiinayo aqoonta muuqaalka abuuraheeda. Noloshan cusub micno ma sameyneyso haddii aad Yuhuud tahay ama dadka aan Yuhuudda ahayn, mid la guday ama mid aan la gudin, shisheeye ama reer Iskutees, adoon ama xor. Laakiin Masiixa ayaa wax walba ah, anaga oo dhan ayuu nagu dhex nool yahay. Haddaba, Illaahey wuu idin doortay si aad u noqotaan dadkiisa quduuska ah ee uu aadka u jecel yahay, isu naxariista, is hooseysiiya iskuna dulqaata. Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo haddii aad isu gefteen. U cafi siduu Rabbigu adigaba kuu cafiyay. Waxyaalahan oo dhan waxaa ka muhiimsan in aad is jeclaataan, waayo haddii aad sidaas sameysaan si kaamil ah ayaad u midoobi doontaan. Nabadda xagga Masiixa ka timaada qalbiyadeena ha u taliso, waayo sida kuwo ka tirsan hal jir waxaa na loogu yeeray inaan nabad ku noolaanno. Mar walbana noqda kuwa mahadceliya. Fariinta Masiixuna ha idin ku dhex jirto. Wax is bara oo isku canaanta xigmadda uu idin siiyay oo dhan. Illaahey ku amaana heeso Sabuurradda, heesa qasiidooyin iyo kuwa ruuxi ah idinka oo qalbiyadiina ka mahadcelinaya. Wax walboo aad sameysaan ama aad dhahdaan, sameeya idinkoo ku sameynaya magaca Sayid Ciise dartiis, idinka oona u maraya isaga u mahadceliya Illaaha Aabaha ah. Xaasasyahow, nimankiina ka dambeeya, waayo taasi waa shaqadiina sida kuwa ka tirsan masiixinimada oona ka farxisa Rabbiga. Nimankow, xaasaskiina jeclaada si xunna ha ula dhaqmina. Caruur yahow, waalidkiina ku adeeca wax walba, waayo tani Rabbiga ayey ka farxisaa. Aabayaashow, ha ka xanaajinina caruurtiina, si eysan u niyad jabin. Adeegayaalow, mudanayaashiina aduunka waxaad sameysaan oo dhan ku adeeca. Markey idin arkayaan kaliya maahee isku daya inaad mar walba ka farxisaan, cabsida Rabbiga darteed qalbi daacad ah ugu adeega. Wax walboo aad sameysaan, qalbigiina oo dhan ka sameeya, si inaad Sayidka u shaqeyneysaan oo kale, ma aha inaad binu aadan u shaqeysaan oo kale. Xasuusta inuu Rabbigu dhaxal idiin siin doono abaalgud ahaan, oo Mudanaha aad u adeegtaanna waa Masiixa. Qof walboo wax xun sameeya xumaantaas ayaa laga abaalmarin doonaa, waayo Illaahey ma yaqaano eexasho. Sayidyadow, adeegayaashiina siiya waxa xaq ah oona saxda ah, waayo sidoo kale waad ogtihiin inaad Sayid xagga jannada ku leedihiin. Ku adkeysta ducada, idinka oo is ilaalinaya oona mahadcelinaya. Anagana noosoo duceeya, inuu Illaahey albaab u furo fariinteena, si aan u wacdino waxa qarsoon ee ku saabsan Masiixa, taas oo darteed aan xabsiga ugu jiro. Ii duceeya si aan fariintan si cad ugu wacdiyo. Si xigmad leh ugu dhex noolaada kuwa aan aaminsaneyn, fursadaasna ka faa’iideysta. Mar walba hadalladiina ha ahaadaan kuwo nimco leh oo dadka soo jiidanaya si aad u heshaan waxa saxda ah oo aad qof walba ugu jawaabtaan. Tukhikos ayaa idiin sheegi doona war aniga igu saabsan. Isagu waa walaalkey qaali ah, adeege daacad ah oo aan Rabbiga u wada adeegno. Waxaan isaga idin kugu u soo diray sababtan, inuu idiin sheego inaad ogaataan xaaladdeena oo uu qalbiyadiina dhiirigeliyo. Waxaa kale oo aan idiin soo dirayaa Oneesimos, walaal qaali oo aamin ah, kaasoo idin ka tirsan. Isaga iyo Tukhikos wey idiin sheegi doonaan wax walboo halkan ka dhacaya. Aristarkhos oo aan xabsiga iskula jirnana wuu idin soo salaamayaa, sidoo kale Markos oo Barnabas abti u yahay wuu idin salaamay. Sida horey la idin ku amray, Markos markii uu idin imaado soo dhaweeya. Ciise, kaasoo aan ugu yeerno Yuustos, isaguna wuu idin soo salaamayaa. Kuwani waa kuwa Yuhuud ah oo ka mid ah kuwa igala shaqeeya xagga boqortooyada Illaahey, iyagoo dhanna wey i qalbi qaboojiyeen. Ebafras, kaasoo idin ka tirsan oona ah adeegaha Ciise Masiix, isaguna wuu idin soo salaamayaa. Aad ayuuna idiin ku duceeyaa, si uu Illaahey idiin adkeeyo oo kaamil idinkaga dhigo, idinka oo si dhameystiran kalsooni u leh oo aadna doonista Illaahey u sameysaan. Waxaan u marqaatifurayaa inuu aad idiin kugu duceynayo idinka iyo walaalaha La’odikiya iyo Hi’erabolis joogaba. Luukos oo saaxiibkeena qaali ah oo dhakhtarna ah iyo Deemaas ayaa idin soo salaamaya. Iigu salaama walaalaha jooga La’odikiya, Numfas iyo walaalaha gurigiisa ku kulma. Markaad akhrisaan warqaddan u gudbiya kaniisadda kutaalo La’odikiya si ey iyaguna u akhristaan. Waa inaad warqadda aan soo qoray iyaga u akhrisaan. Arkhibbosna waxaad ku dhahdaan, “Fiiri inaad dhameystirto adeega aad ka heshay Rabbiga.” Aniga Bawlos ah, ayaa salaantan gacanteyda kusoo qoray. Xasuusta inaan xabsi ku jiro. Nimcada Illaahey ha idin la jirto. Warqaddan waxey ka socotaa aniga oo ah Bawlos. Waxaana ila joogaa Silas iyo Timoteyos. Waxaanna u qoraynaa walaalaha jooga Tesaloniika, kuwaasoo ah dadka Illaaha Aabaha ah iyo kuwa Sayid Ciise Masiixba. Waxaan Illaahey ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Mar walba ayaan idinka oo dhan dartiin Illaahey ugu mahadcelinaa oo si joogta ahna idiin kugu duceynaa. Markaan Illaaha Aabaha ah idiin barino, waxaan ku mahadcelinaa shaqadiina aaminka ah, shaqada aad jaceyl ku sameyseen iyo dulqaadkiina ka imaaday rajada aad ku leedihiin Rabbigeena Ciise Masiix. Walaalayaalow, waan garaneynaa inuu Illaahey idin jecel yahay oona idin doortay si aad u noqotaan dadkiisa. Waayo waxaan idiin keenay injiilka kaliya ma ahayn laakiin waa ereyada sidoo kale xoog leh, oo Ruuxa Quduuskana wuu idiin cadeeyay in wixii aan idiin sheegnay ey run tahay. Waana ogtihiin sidi aan dhexdiina ugu nooleyn si aan idiin caawinno. Sidaa darteed fariinta ka timaaday Ruuxa Quduuska ah farxad ayaad ku qaadateen inkastoo ey silac daran idiin keentay. Haddana waxaad raacdeen tusaalaheena iyo tan Sayidkaba. Waxaad tusaale u noqoteen rumeystayaasha jooga Makedoniya iyo Akhaya oo dhan. Fariinta Rabbiga kuma faafinin kaliya Makedoniya iyo Akhaya, laakiin iimaanka aad Illaahey ku leedihiin meel walba ayaa laga gartay. Sidaa darteed anagu uma baahnin inaan waxyaalo idin ku saabsan iyaga u sheegno. Waayo iyagu waxey mar walba ka hadlaan sida sharafta badan ee aad noosoo dhoweyseen, iyo sida aad uga laabateen sanam caabudida oo aad Illaaha u jeesateen inaad u adeegtaan Illaaha runta ee nool. Oo aadna u sugeysaan imaanshaha Wiilkiisa kaasoo ka imaanaya samada, kaasoo uu dhimashada kasoo sarakiciyay oona ah Ciise. Isaga ayaa naga badbaadiyay carada imaaneyso. Walaalayaalow waad ogtihiin in booqashadeenu eysan ahayn micno la’aan. Waad ogtihiin sida xun ee naloola dhaqmay markaan joognay Filiboy intaan idiin imaanin ka hor aad ayaan xagga ugu silacnay. Laakiin Illaaheena wuxuu na siiyay dhiiranaan aan idin kugu wacdino injiilka si geesinimo ah, anaga oo dad badan naga soo horjeeda. Sidaa darteed codsigeenu kama imaanin qalad, ama niyad xun ama khiyaano. Waayo anagu waxaan u hadalnaa sida wargeeyayaal Illaahey aqbalay kuna aaminay injiilka. Ujeedadeenu waa inaan ka farxino Illaahey laakiin ma aha binu aadan. Isaga kaliya ayaa imtixaama fikradaha qalbiyadeena ku jira. Waad ogtihiin in aanan weligeen hadal sasabasho ah isticmaalin. Illaahey ayaa noo marqaati ah anagu in aanan iska yeelyeelin si aan saaxiibadiin u noqono si aan lacagtiina u helno darteed. Anagu ammaan kama sugeynin dadka, idinka iyo qof waliba, inkastoo aan rasuullada Masiixa ahaan xaq idin kugu lahayn inaan wax idin weydiisano. Inkastoo aan wax idin ka dalban lahayn anagoo ah rasuulladii Masiixa. Laakiin dhexdiina waxaan ku ahayn kuwa dabacsan. Sida hooyadu ey dabacsanaan ilmaheeda ugu daryeeleyso, sidaa oo kale ayaan idiin daryeelnaa. Waayo aad ayaan idiin jecel nahay, waxaan ku faraxsannahay in aanan idin la wadaagin injiilka Illaahey oo kaliya laakiin sidoo kale aan idinla wadaagnay nolosheena. Walaalayaalow, runtii waad xusuusataan sida aan dhib iyo daal ugu shaqeysaneynay, habeen iyo maalin ayaan shaqeyneynay si aanan culeys qofna ugu ahaanin markaan idiin wacdineyno injiilka Illaahey. Marqaati ayaad noo tihiin, sidoo kalana Illaahey, waxaan idin la dhaqannay si quduusnimo, xaqnimo iyo eed la’aan ah. Waxaan dhex joogay idinka rumeystay. Waayo waad ogtihiin inaan idin la dhaqannay sida aabuhu uu ula dhaqmo caruurtiisa. Anaga oo idin dhiirigelineynaa, idin qalbi qaboojinayna oo rabna inaad ku noolaataan nolol Illaahey u qalanta, kaasoo idiin kugu yeeray boqortooyadiisa iyo ammaantiisa. Mar walbana Illaahey ayaan idiin kugu mahadcelinaa waayo markaad aqbasheen ereyga Illaahey kaasoo aad naga maqasheen, uma qaadanin sida erey binu aadan ka imaaday oo kale, laakiin waxaad u qaadateen sida uu yahay kaasoo ah ereyga Illaahey. Kaasoo run ahaantii idin ka dhex shaqeynaya idinkan aaminsan. Walaalayaalow idinkuna waxaad noqoteen kuwa ku dayda dadka Illaahey ee jooga Yahuudiya, kuwaasoo iimaankooda ey saarteen Ciise Masiix darteed dadkoodi u silciyeen, kuwaasoo ah Yuhuudda. Iyagoo dilay Sayid Ciise iyo nebiyada oo anagana halkaas naga saaray. Illaahey ayey ka farxin waayeen oo qof walbana cadow ayey ku noqdeen. Markey isku dayeen iney naga ilaaliyaan inaan u wacdino dadka aan Yuhuudda ahayn si ey u soo badbaadaan. Sidaas ayaa dembiyadooda iskugu urureen. Laakiin ugu dambeyntii carada Illaahey ayaa u timid. Walaalayaalow, markii waqti yar na la kala fogeeyay kadib, inkastoo qalbiyadeenu eysan kala fogaanin, waxaan aad iskugu daynay inaan soo laabano waayo aad ayaan u rabnay inaan idin aragno. Aad ayaan u rabnay inaan idiin imaanno, siiba aniga Bawlos, aad ayaan iskugu dayay, laakiin Shaydaanka ayaa iga hor istaagay. Ugu dambeyntii waxaa rajo iyo farxad nasiinaya, iyo waxa aan ku faano oo ah abaalgud iyo taajkeena markaan Sayid Ciise hor istaagno goortii uu soo laabto waa idinkan. Haa, waxaad tihiin ammaanteena iyo farxadeena. Sidaa darteed markaan u adkeysan weynay ayaan go’aansanay inaan kaligeen ku harno magaalada Ateenay. Waxaana idiin soo dirnay Timoteyos oo ah walaalkeen iyo kan aan shaqada Illaahey wada hayno taas oo ah faafinta injiilka Masiixa, si uu idiin adkeeyo oo idin ku dhiirigeliyo iimaankiina. Oo idin ka ilaaliyo iney dhibaatooyinka aad mareysaan ey idin kasoo celinin iimaankiina. Laakiin ogaada in na loo qoray dhibaatooyinkaan oo kale. Xitaa markaan idin la joognay waxaan idiin sheegi jirnay in na la silcin doono. Sidaas ayeyna ahaatay, sida aad u ogtihiin. Sababtaas darteed ayaan markaan u adkeysan waayay ayaan u soo diray Timoteyos inuu soo ogaado waxa ku saabsan iimaankiina. Waxaan ka cabsaday inuu kan wax jarribo uu idin jarribay oo shaqadeenu ey micno la’aan noqoto. Haddaba waxaa noo imaaday Timoteyos, wuxuuna noo keenay war wanaagsan ee ku saabsan iimaankiina iyo jaceylkiina. Wuxuuna yiri inaad mar walba farxad nagu xusuusataan oo aad u xiistaan inaad na aragtaan sida aan anaguba ugu xiisnay inaan idin aragno. Sidaa darteed walaalayaalow, dhibaatada iyo silaca aan ku jirno waad na dhiirigeliseen waayo waxaad ku adkaateen iimaankiina. Taasi waxey na siisaa nolol cusub anaga oo og inaad ku xoogeysateen xagga Rabbiga. Sidee ayaan Illaahey ugu mahadcelinaa idinka dartiin! Waayo dartiin ayaan farxad weyn u leenahay markaan hor joogno Illaahey. Habeen iyo maalin ayaan aad idiin kugu duceynaa si aan idiin aragno oo aan idiin barno waxyaalaha ka maqan iimaankiina. Haddaba Illaaheena Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise ha noo furo wado aan idiin kugu imaanno. Waxaan idiin baryayaa in Rabbigu jaceylka aad isku qabtaan badiyo oona koriyo, sida jaceylka aan idiin qabno uu yahay. Waxaan idiin kugu duceyneynaa inuu Rabbigeena Ciise uu qalbigiina xoogeeyo si aad Illaaha Aabaha ah hortiisa ugu noqotaan kuwa aan eed lahayn oona ah quduus markii Sayidkeena Ciise Masiix uu la soo laabto dadkiisa quduuska ah. Ugu dambeyntii walaalayaalow waxaan magaca Sayid Ciise idin ku dhiirigelineynaa inaad ku noolaataan nolol Illaahey ka farxisa, sida aan horey idiin barnay. Sida aad hadda ugu nooshihiin, waxaanna idin ku dhiirigelineynaa inaad sidaas iyo in ka badanba aad ku sii wadaan. Waayo waad ogtihiin waxaan idin barnay anaga oo isticmaaleyna xoogga Sayid Ciise. Waa doonista Illaahey inaad quduus ahaataan, sidaa darteed ka fogaada dembiga sinada oo dhan. Si mid walba uu jirkiisa u ilaaliyo oona ugu noolaado nolol quduus ah oo sharaf leh. Ma aha mid damac leh sida dadka aan Illaahey garaneyn. Sidaa darteed qofna yuusan xumeynin ama ka faa’iideysanin walaalaha. Illaahey wuu ciqaabi doonaa kuwa demibigaan oo kale sameeya, sida aan idiin sheegnay oo aan weliba idin kaga dignay. Waayo Illaahey nooguma yeerin wasakhnimo, laakiin wuxuu noogu yeeray inaan ku noolaanno nolol quduus ah. Sidaa darteed qof walboo diida inuu ku noolaado amaradaan ma diidin binu aadanka laakiin wuxuu diiday Illaahey, kan Ruuxiisa Quduuska ah bixiya. Haddaba wax ku saabsan jaceylka aad isu qabtaan uma baahno inaan wax ka qorno, waayo idinkaba Illaahey ayaa idin baray sida aad isu jeclaan lahaydeen. Xitaa, mar hore ayaad muujiseen jaceylka aad u qabtaan walaalaha Makedoniya jooga oo dhan. Walaalayaalow waxaan idin ku dhiirigelineynaa inaad sidaas in ka badan u jeclaataan. Ku dadaala inaad ku noolaataan nolol degan, idinka oo shuquladiina ku mashquulaya oona gacantiina ku shaqeysanaya, sida aan idiin sheegnay. Kadibna dadka aan masiixiyiinta ahayn wey xushmeyn doonaan sida aad u nooshihiin, mana u baahan doontaan inaad dad kale ku tiirsanaataan. Walaalayaalow, ma dooneyno in eydan wax ka ogaanin kuwa dhintay, si eydan ugu murugoonin sida dadka aan rajada lahayn oo kale. Waayo waxaan aaminsanahay inuu Ciise dhintay oo uu dhimashada kasoo sarakacay, sidaa darteed waxaan aaminsannahay Illaahey inuu kuwii dhintay iyagoo aaminsan Ciise lala keeni doono isaga. Sida ereyga Rabbigu sheegayo, waxaan idin leenahay anaga oo weli nool, Rabbigu markii uu soo laabto kuwii dhintay nagama hor arki doono. Waayo Sayidku wuxuu ka imaan doonaa samada isaga oo amar cod weyn ku bixinaya, oona leh codkii malaa’igta sare iyo buunkii Illaahey. Masiixiyiintii dhinteen ayaa marka hore dhimashada kasoo sarakici doonaan. Kadibna anagan nool oo weli aduunka joogno ayaa si wadajir ah kuwii dhimashada kasoo sarakacay ula wada gali doonnaa daruurta si aan ula kulanno Rabbiga. Kadibna Rabbiga ayaan weligeen la joogi doonaa. Sidaa darteed ereyadan isku dhiirigeliya. Haddaba walaalayaalow waxa ku saabsan waqtiga ama taariikhda uma baahno inaan idiin soo qorno. Waayo si fiican ayaad u ogtihiin maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono inuu habeenkii u imaan doono sida tuug. Markey dadku dhahayaan, “Wax walba waa nabad iyo amaan,” burbur ayaa si aan la filaneyn u imaan doona, sida xanuunka dhalitaanka ee u imaada naagaha, sidaas ayeysan uga baxsan doonin. Laakiin idinkan walaalaha ah kuma noolidiin mugdi, sidaa darteed mala yaabi doontaan markii maalinta Rabbigu soo laabto una yimaado sida tuug ahaan. Idinka oo dhan waxaad tihiin caruurta iftiinka iyo maalinta. Mana nihin kuwa habeenka mugdiga ah. Sidaa darteed ha ahaanina sida kuwa kale ee seexday, laakiin aan soo jeedno oona is ilaalino. Waayo kuwa seexda, waxey seexdaan habeenkii, kuwa sarqaamana waxey sarqaamaan habeenkii. Laakiin haddii aan ka tirsan nahay kuwa maalinta, aan is ilaalino oo aan lahaanno iimaan iyo jaceyl sida askari xiran laabdhowr bir ah, rajada badbaadadana aan u xiranno sida koofiyad bir ah. Waayo Illaahey wuxuu noo doortay inuu na badbaadiyo isaga oo u maraya Sayidkeena Ciise Masiix, laakiin ma aha inuu caradiisa noo keeno. Wuu noo dhintay si haddii aan nool nahay ama dhimanayba aan isaga ula noolaanno. Sidaa darteed is dhiirigeliya oona is dhisa, sida aad hadda sameyneysaan. Haddaba walaalayaalow waxaan idin weydiinayaa xushmeeya kuwa idin ka dhex shaqeeya, oona idiin daryeela Rabbiga dartiis idiinna waaniya. Tusa xushmad oo aadna u jeclaada shaqadooda darteed. Nabadna ku noolaada. Walaalayaalow waxaan idin leenahay waaniya kuwa cajiislayaasha ah, dhiirageliya kuwa xishoodka leh, si fiicanna u daryeela kuwa daciifka ah, iskuna dulqaata. Hubiya inuu qofna xumaan xumaan ku gudin, mar walbana ku dadaala inaad wax wanaagsan isu sameysaan idinkoo dhan. Mar walbana farxa. Si joogta ahna u duceysta. Xaalad walbana ku mahadceliya, waayo tani waa wax Illaahey idiin qoray idinkan ka tirsan kuwa Ciise Masiix. Ha diidin Ruuxa Quduuska ah. Hana yasin fariin dhiirigelin leh. Laakiin iyagoo dhan tijaabi, qaado waxa wanaagsan. Kana fogow waxyaalaha sharta ah. Haddaba waxaan idiin baryayaa inuu Illaaha nabadda ah si walba quduus idin kaga dhigo, ruuxiina maskaxdiina iyo jirkiina oo dhan ha u ilaaliyo oo eed la’aan haka dhigo illaa Sayidkeena Ciise Masiix uu mar labaad soo laabto. Waxyaalahan oo dhan Illaahey wuu sameyn doonaa waayo kan idiin yeeray waa aamin. Walaalayaalow noo duceeya. Walaalaha masiixiyiinta oo dhan ku salaama dhunkasho quduuska ah. Waxaan Rabbiga hortiisa idin kugu amrayaa inaad warqaddan ku akhrisaan walaalaha oo dhan hortooda. Nimcada Rabbigeena Ciise Masiix ha idin la jirto. Warqaddan waxaa qoraya aniga oo ah Bawlos. Waxaana ila jooga Silwanos iyo Timoteyos. Waxaan warqaddan u qoraynaa kaniisadda ku taala Tesaloniika, idinkan ah dadka Illaaheena Aabaha ah iyo Sayid Ciise Masiix. Nimco iyo nabad ka timid Illaaha Aabaha ah iyo Sayid Ciise Masiix ha idin la jirto. Walaalayaalow waxaan ku qasbannahay inaan Illaahey u mahadcelino idinka dartiin, waayo iimaankiina aad ayuu u koray sidoo kalana jaceylka aad isu qabtaanna wuu ku darsoomay. Anaga oo ku faaneyna ayaan dadka Illaahey u sheegnaa waxa ku saabsan dulqaadashadiina iyo iimaankiina markaad mareyseen silac iyo dhibaato. Arintan oo dhan waxey muujineysaa xukunka Illaahey ee xaqa ah, sababtan darteed ayaa la idin ku tirin doonaa kuwa u qalma boqortooyada Illaahey taas oo aad dhib u marteen. Illaahey waa mid xaq ah, wuuna idiin ka aargudi doonaa kuwii idin silciyay. Wuuna idin nasin doonaa idinkan dhibaateysan iyo anagaba. Tani waxey dhici doontaa waqtiga uu Sayid Ciise ka yimaado samada isaga oo ku imaanaya dab holcaya oo eyna malaa’igtiisa xoogga leh la jirto. Wuuna ciqaabi doonaa kuwa aan Illaahey garaneyn iyo kuwa aan adeecin injiilka Sayidkeena Ciise. Waxaa lagu ciqaabi doonaa burburka aan weligiis dhamaaneyn, weligood ayeyna Rabbiga iyo xoogga ammaantiisa ka fogaan doonaan. Maalintaas markii uu soo laabto, wuxuu ammaan ka heli doonaa dadkiisa quduuska ah iyo kuwa aaminay oo dhan. Idinka xitaa waad ka mid tihiin, waayo idinka xitaa waxaad aaminteen marqaatifurkeena aan idiin marqaatifurnay. Sidaa darteed mar walba ayaan idiin duceynaa, anaga oo weydiisaneyno inuu Illaahey idin siiyo awood aad ku noolaataan nolol u qalanta yeeridiisa, si uu idiin siiyo xoogga aad ku sameysaan wax walboo wanaagsan oo iimaankiina idin ku hogaamiyo. Waxaan waxyaalahan ugu duceysaneynaa inuu magaca Sayidkeena Ciise dhexdiina ka ammaanmo, idinkuna sidoo kale ayaad isaga la ammaanmi doontaan. Waxyaalahan oo dhan waxaa suurtogal lagaga dhigay nimcada Illaaheena iyo Rabbigeena Ciise Masiix. Ku saabsan soo laabashada Rabbigeena Ciise Masiix iyo sida aan kula kulmeyno isaga, walaalayaalow waxaan idin weydiineynaa, kuwa sheegaya iney maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono horay u bilaabatay yeysan si fudud idiin kaga nixinin. Ha aaminina, xitaa haddii ey dhahaan waxaan leenahay aragti ruuxi ah, muujin ama warqad naga socoto. Ha ogolaanina inuu qof idin khiyaano, maalintaas ma dhici doonto illaa caasinimadu dhacdo iyo illaa kan sharta badan la muujiyo, kaasoo burburka keeni doona. Kor ayuu isu qaadi doonaa isaga oo diidaya wax walboo ey dadku Illaahey ugu yeeraan iyo wax walboo la caabudo. Xitaa wuxuu fariisan doonaa macbadka Illaahey isaga oo dhahaya aniga ayaa Illaahey ah. Miyeydan xusuusan markaan idin la joogay inaan waxyaalahan idiin sheegi jiray? Hadda waad ogtihiin waxa isaga dib u celinaya, waayo waqtigii loogu talagalay ayaa la muujin doonaa. Waayo sirtiisa sharta ahna weli shaqo ayey ku jirtaa, waxeyna ahaan doontaa sir illaa uu kan dib u hayo uu wadada uga leexan doono. Kadibna ninkan sharcilaawaha ah waa la muujin doonaa, kaasoo Sayid Ciise ku dili doono neefta afkiisa kasoo baxda oona ku burburin doono ammaantiisa uu ku imaanayo. Ninkan wuu imaan doonaa isaga oo sameynaya shaqada Shaydaanka, wuxuu muujin doonaa awood isaga oo sameynaya calaamado, mucjisooyin iyo yaabab been ah. Wuxuuna isticmaali doonaa wax walboo shar ah si uu u khiyaano kuwa ku jira jidka burburka. Waayo waxey diideen iney jeclaadaan runtii iyaga badbaadin lahayd. Sidaa darteed Illaahey wuxuu ku sababi doonaa in aad loo khiyaano, weyna aamini doonaan beentaas. Kadibna iyagoo dhan waa la xukumi doonaa waayo waxey ku farxeen sharta intii ey runta aamini lahaayeen. Laakiin waa inaan mar walba Illaah ugu mahadcelinaa idinka dartiin, waxaa tihiin walaalo qaali ah oo uu Rabbigu jeclaaday, waayo Illaahey wuxuu idiin doortay inaad noqotaan kuwii ugu horeeyay ee badbaaday, badbaadadaas oo ka timaaday Ruuxa kaasoo quduus kaa dhigo markaad aaminto runta. Wuxuu idin kugu yeeray badbaadada markaan idiin sheegnay injiilka. Si aad u wadaagtaan ammaanta Rabbigeena Ciise Masiix. Sidaa darteed walaalayaalow, ku adkeysta waxyaalaha aan idin barnay, haddii aan afka idiin kaga sheegnay iyo haddii aan warqad idiin soo qornayba. Haddaba waxaan idiin baryeynaa Rabbigeena Ciise Masiix iyo Illaaha Aabaheen ah, kaasoo na jeclaaday oo nimcadiisana nagu siiyay dhiirigelinta weligeed ah iyo rajada wanaagsan, ha dhiirigeliyo qalbiyadiina oo ha idin ku adkeeyo waxyaalaha wanaagsan ee aad sameysaan oo aadna ku hadashaan. Walaalayaalow ugu dambeyntii, waxaan idin weydiisaneynaa inaad noo duceysaan. Soo duceeya si fariinta Rabbigu si degdeg ah u faafto, meel walboo ey gaartana laga sharfo, sidi markey idin soo gaartay oo kale. Duceeya si aan uga badbaadno dadka xun iyo kuwa sharta leh, waayo qof walba ma aha mid rumeysan. Laakiin Rabbigu waa mid aamin ah, wuu idin xoogeyn doonaa oo sharta wuu idin ka ilaalin doonaa. Waxaan ku kalsoonnahay Rabbiga inaad sameyneysaan oo weliba sii wadaan waxyaalihii aan idin ku amarnay. Waxaan idiin baryeynaa inuu Rabbigu qalbiyadiina ku hogaamiyo jaceylka Illaahey iyo dulqaadashada Masiixa. Walaalayaalow waxaan magaca Sayid Ciise Masiix idin ku amreynaa inaad ka fogaataan walaalaha aaminsan oo ku nool nolol caajisnimo. Kuwaas oo aan raacsaneyn waxaan idin barnay. Waayo idinkuba waxaad waajib iska saarteen inaad raacdaan tusaalaheena. Anagu caajislowyaal ma ahayn markaan idin la joognay. Weligeen qofna cunto kama qaadanin anaga oo aan lacag ku bixinin. Habeen iyo maalin ayaan shaqeyneynay si aanan culeys qofna u saarin. Runtii waan lahayn xaq aan idin ku weydiisano caawimaad, laakiin waxaan rabnay inaan tusaale aad ku dayataan idiin noqono. Xitaa markaan idin la joognay waxaan idin siinay amarkan, “Midkii aan rabin inuu shaqeeyo wuxuu cuno lama siinayo.” Waxaan maqalnaa in kuwa idin ka mid ah ey ku nool yihiin nolol caajisnimo ah, iyagoo diidaya iney shaqeeyaan oo shaqada kuwa kale soo fara geshanaya. Dadkaas oo kale waxaan magaca Sayid Ciise Masiix ku amarnaa oo aan dhiirigelinaa iney degaan oo ey shaqeystaan si ey u helaan wax ey ku noolaadaan. Walaalayaalow idinkuna haka daalina inaad sameysaan waxa wanaagsan. Si fiican u fiiriya mid walboo aan adeecin waxyaalaha aan warqaddan ku sheegnay. Ka fogaada si ey ceeb u dareemaan. Hana u qaadanina sida cadowgiina, laakiin u canaanta sida aad walaalaha kale ku sameyn lahaydeen. Haddaba Rabbiga nabadda ah ha idin siiyo nabad waqti walba iyo markaad xaalad walba ku jirtaan. Sayidku dhamaantiin ha idin la jiro. Aniga Bawlos ah ayaa salaantan gacanteyda kusoo qoray. Taas oo ah calaamada waqardaheyga oo dhan kala saareysa. Tani waa sida aan u qoro. Haddaba nimcada Rabbigeena Ciise Masiix dhamaan ha idin la jirto. Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos oo ah rasuulkii Ciise Masiix, kaasoo lagu doortay amarka Illaaha badbaadiyaheena ah iyo Ciise Masiix oo ah kan rajada nasiiya. Warqaddan waxaan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkeyga dhabta ah ee aan iimaanka xaggiisa aabe ugu noqday. Waxaan Illaaha Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise Masiix ka baryayaa inuu ku siiyo nimco, naxariis iyo nabad. Markaan Makedoniya u socday waxaan kaa codsaday inaad Efesos joogtid oo aadna ku amarto iney joojiyaan kuwii waxbaridda beenta ah faafinayay. U sheeg in eysan waqtigooda ku qasaarin doodo dhaadheer oo awoowayaashood ku saabsan iyo sheekooyin aan macno laheyn. Waxyaalahaas oo kale waxey sababaan oo kaliya dood, qofna kuma caawiyaan inuu sameeyo shaqada Illaahey taas oo iimaan kaliya ku qabsanta. Waa inaad dadka bartaa iney lahaadaan jaceyl daacada kaasoo ka imaada qalbi saafi ah, sidoo kalana damiir wanaagsan iyo iimaan dhab ah. Dadka qaar ayaa waxyaalahan iska daayay oo ku badashay hadal aan macno lahayn. Waxey rabaan iney noqdaan macalimiinta sharciga Muuse. Laakiin ma garanayaan waxey ka hadlayaan inkastoo ey u maleeyaan iney garanayaan. Waan ognahay in sharcigu fiicanyahay haddii si wanaagsan loo adeegsado. Sidoo kale waan ognahay inaan sharciga loo sameynin dadka xaqa ah ee loo sameeyay kuwa sharciga jabiya, kuwa aan Illaahey garaneyn iyo dembiilayaasha kuwa dila aabayaashood iyo hooyooyinkood iyo kuwa gacan ku dhiiglayaasha ah. Sharciga waxaa loo sameeyay kuwa sineysta, kuwa u galmooda dadka ey isku jinsiga yihiin, kuwa wax afduubta, kuwa beenta sheega iyo kuwa aan runta sheegin markey maxkamadaha joogaan. Sharciga waxaa loo sameeyay wax walboo waxbaridda saxda ah kasoo hor jeeda. Waxbaridda saxda ah taas oo waafaqsan injiilka ku saabsan ammaanta Illaaha barakada leh igu aaminay. Waxaan u mahadcelinayaa Sayidkeena Ciise Masiix, kaasoo i siiyay awood oo i tixgeliyay mid aamin ah iina doortay adeegiisa inaan qabto. Inkastoo aan aniguba ahaa nin wax caaya oo wax silciya oo dagaal badan haddana waa la ii naxariistay waayo aqoon la’aan iyo iimaan yari ayaa i heysay. Nimcada Sayidkeena ayaa si aan xad lahayn la ii siiyay, waxaa kaloo la i siiyay iimaan iyo jaceyl Ciise Masiix xaggiisa ka yimid. Waxaa jirta oraah la isku hubo, qof walbana ey tahay inuu aamino waxeyna leedahay, “Ciise Masiix wuxuu aduunka u yimid inuu dembiilayaasha badbaadiyo” aniguna waxaan ahay dembiilaha ugu xun dembiilayaasha oo dhan. Laakiin maadaama aan ka xumaan badnaa dadka oo dhan, haddana Illaahey wuu ii naxariistay wuxuuna tusaale iiga dhigay dulqaadka Ciise Masiix ee aan dhamaaneyn. Wuxuu sidaas u sameeyay in kuwa kale Masiixa rumeeyaan oo ey nolosha weligeed ah helaan. Sharaf iyo ammaan oo dhan weligeed ha u ahaato Illaaha kaliga ah ee weligiis nool oo aan la arki karin boqorka daa’imka ah! Aamiin. Wiilkeygi Timoteyosow amarradan aan ku siinayo waxey ku dhisan yihiin wax hadda ka hor lagaa sii sheegay. Haddii aad sidii ey yihiin u raacdo waxaad u dagaalami doontaa sidii askari wanaagsan. Daacad ayaad ahaan doontaa damiir fiicanna waad lahaan doontaa. Dadka qaar iimaankoodi wuu qaribmay waayo damiirkooda ma raacaan. Dadkaas waxaa ka mida Humenayos iyo Aleksanderos, kuwaasoo aan Shaydaanka u dhaafay si ey u bartaan in eysan Illaahey caayin. Ugu horeyn waxaan kugula dardaarmayaa in ducadaada, iyo tukashadaada, iyo mahadcelintaaduba ey ku saabsanaadaan dadka oo dhan wanaagooda. U ducee boqorrada iyo kuwa xukunka haya si aan nolol dagan oo nabad ah ugu noolaanno anaga oo Illaahey sharfeyno oo caabudeyna. Ducadan oo kale wey wanaagsan tahay weyna ka farxisaa Illaaha badbaadiyaheena ah, kaasoo raba iney dadka oo dhan badbaadaan oo eyna ogaadaan runta. Waayo waxaa jira hal Illaah iyo hal dhaxdhaxaadiye kaasoo u dhaxeeya Illaahey iyo dadka, waana ninka la yiraahdo Ciise Masiix. Wuxuu bixiyay naftiisa si uu xornimadiisa qof walba u siiyo. Tan hadda waa laga marqaatifuray waqtiga ku haboon. Sababtan darteed ayuuna Illaahey iigu doortay inaan noqdo mid wacdiya rasuulna ah si aan dadka aan Yuhuudda ahayn fariinta iimaanka ku saabsan u baro. Ka badbadisna ma aha ee run ayaan sheegayaa. Sidaa darteed waxaan rabaa nimanka meel walboo ey joogaan iney gacmahooda quduuska ah kor u qaadaan oo duceeyaan, iyagoon xanaaqsaneyn islana murmeynin. Sidoo kale waxaan rabaa iney haweenku si xushmad leh oo ku haboon u labistaan. Waa in eysan timaha tidcan, kuulo dahab ah iyo dhar qaali ahna eysan xiran. Laakiin haweenka sheegta iney Illaahey jecelyihiin waa iney wax wanaagsan u sameeyaan kuwa kale. Waa iney wax ku bartaan aamusnaan iyo adeecid. Ma fasaxayo iney haweenku wax baraan ama nimankooda ey ka xukun sareeyaan, waana iney aamusnaadaan. Waayo ugu horeyntii waxaa la abuuray Aadan kadibna Xaawo. Aadanna ma ahayn kan la khiyaanay, waxey ahayd Xaawo tan la khiyaanay oo dembiilaha noqotay. Laakiin Illaahey wuxuu haweenka ku badbaadin doonaa caruurta ey dhalayaan dartood, haddey sii xajiyaan rumeysadkoodi, jaceylkooda, quduusnimadooda iyo xushmadooda. Oraah dhaba ayaa dhaheysa, qofkii raba inuu noqdo hogaamiye kaniisadeed, wuxuu rabaa inuu shaqo wanaagsan qabto. Hogaamiyaha kaniisaddu waa inuu ahaadaa mid aan ceeb lahayn oo naagtiisa daacad u ah, mid isxukuma, damiir leh, si fiican u dhaqma, mid lala saaxiibi karo, mid dadka wax bari kara. Waa in eysan u dhaqmin sidi cabtooy ama shar wadayaal, waa iney naxariis badnaadaan, dabacsanaadaan, lacagna eysan jeclaan. Hogaamiyayaasha kaniisaddu waa iney qoysaskooda xakameyn karaan, waa in caruurtoodu baariyaal ahaadaan mar walbana xushmad lahaadaan. Haddii eysan garaneyn sida loo xakameeyo qoysaskooda sidee ayey u ilaalin doonaan dadka Illaahey? Waa in eysan ahayn kuwo iimaanka mar dhow qaatay. Haddey iimaanka ku cusub yihiin waxaa dhici karta iney isla weynaadaan kadibna ibliiska lala ciqaabo. Ugu dambeyntii, waa inuu ku lahaadaa sumcad wanaagsan dadka aan mu’miniinta ahayn dhexdooda, si aan loo caayin oo eysan ugu dhicin dabinta ibliiska. Hogaamiyayaasha kaniisaddu waa iney ahaadaan kuwo la xushmeeyo, kuwo aan beenaalayaasha ahayn, kuwo aan khamriga cabin, kuwo aan lacag jecleyn. Waa iney damiir saafi ah lahaadaan, si dhab ahna ugu dhaganaadaan iimaanka. Waa in marka hore la imtixaano. Kadib haddii eed lagu helin, markaas wey u adeegi karaan hogaamiye ahaan. Haweenkooduna waa iney sidoo kale ahaadaan kuwa xushmad leh. Waa in eysan wax xamanin, cabtooy aheyn, wax walboo ey sameeyaanna ey daacad ka ahaataa. Hogaamiyayaasha kaniisaddu waa iney xaasaskooda daacad u ahaadaan. Waa iney ahaadaan kuwo xakameyn kara caruurtooda iyo qof walboo gurigooda ku nool. Kuwa si fiican u adeega iyagoo hogaamiyayaal ah waxey heli doonaan xushmad, waxeyna awoodi doonaan iney si dhiiranaan ku jirto uga hadlaan iimaanka ey ku qabaan Ciise Masiix. Waxaan rajeynayaa inaan mar dhow idin soo booqdo. Laakiin amaradaan ayaan idiin soo qorayaa, si haddii aan soo daaho uu qof walboo qoyska masiixiyiinta ka tirsan u ogaado siduu u dhaqmi lahaa. Taas oo ah kaniisadda Illaaha nool, tiirka iyo aasaaska adag ee runta. Su’aal la’aan, sirta iimaankeenu waa mid weyn, Jir ahaan ayuu isku muujiyay, waxaa cadeeyay Ruuxa, Waxaa arkay malaa’igta warka isaga ku saabsan waxaa laga wacdiyay quruumaha dhexdooda, waxaa laga aaminay dunida, si ammaan ku jirto ayaa samada loogu qaaday. Ruuxu si cad ayuu u sheegay in ayaamaha aduunka ugu dambeeya ey dad badan iimaanka ka bixi doonaan eyna raaci doonaan ruux khiyaaneysa iyo waxyaalo uu ibliisku baray. Dadkan waa labawejiilayaal beenaalayaal ah, damiirkooduna wuu dhintay. Waxey dadka u diidi doonaan iney guursadaan iyo iney cuntooyinka qaar cunaan. Laakiin Illaahey ayaa cuntooyinkaas abuuray si dadkiisa runta garanaya u cunaan iyagoo mahadcelinaya. Waayo wax walboo uu Illaahey abuuray wey wanaagsan yihiin. Wax walbana wey banaan yihiin haddii mahadcelin lagu cuno. Wuxuuna nadiif ku noqonayaa ereyga Illaahey iyo duco. Haddii aad waxyaalahan walaalaha barto waxaad Ciise Masiix u noqon doontaa adeege wanaagsan. Waxey tusin doontaa inaad ku xoogeysatay barida waxa ku saabsan iimaanka iyo amaradii wanaagsanaa ee aad adeecday. Waxba haku darsan qisooyinka quraafaadka ah iyo sheekooyinka islaamaha waayeelka ah. Dadaal si aad u noqoto nin Illaahey adeeca. Tababarka jirku wuu wanaagsan yahay, laakiin tababarka ruuxiga ah ayaa dhinac walba qiimo u leh, waayo wuu ballanqaadaa inuu ku siin doono nolol hadda ah iyo mid mustaqbalka ah. Tani waa oraah xaqiiq ah oo in la aamino mudan. Waana sababta aan aad ugu dadaalno una dhibaatoono waayo waxaan rajadeena saaranay Illaaha nool kaasoo ah badbaadiyaha dadka oo dhan, gaar ahaan kuwa iimaanka leh. Waxyaalahan dadka bar una sheeg iney sameeyaan wax walboo aad ku dhahdo. Ha u ogolaan inuu qof ku yaso da’daada oo yar darteed. Masiixiyiinta oo dhan tusaale ha u noqdo hadalkaaga, ficilkaaga, jaceylkaaga, iimaankaaga iyo daahirnimadaada. Ilaa inta aan ka imaanayo ku dadaal inaad sii wado ereyga Illaahey oo aad dadka u akhriso, inaad wacdiso iyo inaad wax barto. Ha dayicin hadiyadaadi aad ku heshay wax sii sheega, markey odayaashu gacanta ku saareen oo ey kuu duceeyeen. Waxyaalahan xasuuso kana fikir, si qof walba uu u arko guushaada. Ka taxadar sida aad u nooshahay iyo sida aad wax u barto. Haddii aad sidan ku sii socotid waxaad badbaadin doontaa naftaada iyo nafta kuwa ku dhageysta. Ha canaananin oday waayeel ah, laakiin sida aabahaa oo kale si xushmad leh ula hadal. Dhalinyarada sida walaalahaa oo kale ula dhaqan. Haweenka waaweyn sida hooyadaa, gabdhaha yar yar sida walaalahaa ula dhaqan sida daahir ah. Daryeel carmalada caawimaadda u baahan. Laakiin haddii carmaladu ey ilmo leedahay ama ey ayeeyo tahay, iyagu ha daryeelaan sidii ey iyaduba u soo daryeeli jirtay. Waa sida uu Illaahey rabo iney sameeyaan. Carmalada baahan oo aanan qofna haysan waxey rajadeeda saarataa Illaahey, habeen iyo maalinna wey duceysataa iyadoo Illaahey weydiisaneysa inuu caawiyo. Laakiin carmalada ka fikirta waxyaalaha aduunka wey dhimatay xitaa haddii ey weli nooshahay. Dadka u sheeg amarradan si aan qofna loo eedeyn. Qofkii aan daryeelin qaraabadiisa gaar ahaan reerkiisa wuxuu ka tagay iimaankiisi. Qofkaas wuxuu la mid yahay qof aan Rabbiga rumeysneyn. Si carmalada loogu daro diiwaanka carmalada waa iney lixdan sano ka weynaataa waana iney ninkeeda daacad u ahaan jirtay. Si fiican ayaa loo yaqaanay falalkeeda wanaagsan, iney ciyaalkeeda akhlaaq wanaagsan kusoo korisay, iney qariibka marti geliso, iney dadka Illaahey gurigeeda kusoo dhaweyso, iney dadka masaakiinta ah caawiso iyo iney mar walba diyaar u tahay iney wax wanaagsan qabato. Carmalada yar yar diiwaankaas haku darin. Waayo waxaa laga yaabaa in damacooda ah iney nin la noolaadaan uu ka tan bato ballankii ey ka qaadeen Masiixa oo ah iney iyagoo carmal ah u adeegaan, waxeyna Rabbi doonaan iney guursadaan. Kadibna wey is xukumi doonaan, waayo waxey jabiyeen ballankoodi koowaad. Haddii diiwaanka lagu darana waxey noqon doonaan caajislowyaal waqtigoodana waxey ku dhameyn doonaan xan iyagoo marba guri wareegaya kuna mashquulsan dadka kale arimahooda wax aan loo dirsanna ka hadlaya. Haddaba waxaan carmalada yar yar ku waaninayaa iney mar labaad guursadaan, oo ey ilmo dhalaan, guryahoodana daryeelaan. Markaasna cadowgu ma heli doono fursad uu iyaga wax kaga sheego. Waayo carmalada qaar ayaa Rabbiga ka jeestay oo Shaydaan raacay. Haddii ey haweeney masiixi ah gurigeeda ku heyso haween carmallo ah oo qaraabadeeda ah gurigeeda ha sii joogaan oo yeysan kaniisadda culeys u keenin si kaniisaddu u daryeesho carmalada baahan. Odayaasha kaniisadda ee shaqadooda sida wanaagsan u qabta waa in la maamuuso oo la sharfo gaar ahaan kuwa shaqadoodu tahay wacdinta iyo wax barida. Waayo qorniinku wuxuu leeyahay, “Waa in aadan dibiga afka ka xirin markii uu badarka burburinayo.” Sidoo kale kitaabku wuxuu leeyaha, “Shaqaaluhu xaq ayuu u leeyahay mushaharkiisa.” Ha dhageysanin dacwad lagu soo eedeeyay oday illaa la keeno laba ama saddex marqaati. Laakiin odayaasha dembiga ku jiraa waa inaad dadka hortooda ku canaanatid, si kuwa kale digniin ugu noqoto. Illaahey iyo Ciise Masiix iyo malaa’igta la doortay hortooda ayaan kugu amrayaa inaad amarradeyda raacdid! Dadka ha kala soocin, oo qofna ha u eexan. Ha degdegin markaad oday dooraneysid, kuwa kalana dembiyadooda hala wadaagin. Naftaada ilaali oo daahir ha ahaato. Biyaha kaliya ee aad cabeysid jooji. Xoogaa yar oo khamri ah cab si ey kaaga caawiso xanuunka caloosha ee aad weligaa qabtay. Dadka qaar dembigooda waa lagu qabtaa iyadoon weli waqtigii xisaabta la gaarin. Laakiin qaar kale dembigoodu ma soo muuqdo illaa muddo kadib maahee. Sidaas oo kale, dadka qaar camalladooda wanaagsan wey muuqdaan. Laakiin xitaa camallada wanaagsan ee qarsoonida lagu sameeyay maalin ayey soo muuqan doonaan. Haddaad adeege tahay waa inaad ixtiraamtaa sayidkaaga. Arintaasna waxey ceeb ka ilaalineysaa Illaahey magaciisa iyo waxbarideena. Haddii sayidyadu masiixiyiin yihiin, taasi fursad kuuma siineyso inaad ixtiraami weydo. Adeegayaashoodu waa iney si aad ah ugu adeegaan waayo dadaalkoodu wuxuu caawinayaa masiixiyiin kale oo aad loo jecel yahay. Kuwani waa waxyaalaha ey tahay inaad ku dadaashaan baritaankooda. Qofkii dadka bara wax taas ka duwan wuxuu ka hor imaanayaa waxbaridda saxda ah ee Sayidkeena Ciise Masiix. Kuwa waxbaridan kasoo horjeesta wey isla weyn yihiin laakiin waxba ma garanayaan. Qalbiga ayey ka jiran yihiin waxeyna ku doodaan hadalo aan macno lahayn. Waxey sababaan ismaan dhaaf, maseyr, aflagaado iyo fikiro xun xun. Dadkani dhibaato ayey mar walba sababaan, qalbiyadooda shar ayaa ka buuxda, runtana wey ka leexdeen. Dadkan waxey aaminsanyihiin in u adeegida Illaahey taajir ka dhigeyso. Laakiin cibaadada ey qanacsanaantu la socoto ayaa hanti weyn ah. Waayo anagu waxna ma keenin aduunkan oo anaga oo gacan maran ayaan ka tagaynaa. Haddaba haddaan heysano cunto iyo dhar waa inaan ku qanacnaa. Kuwa raba iney taajir noqdaan waxey ku dhacaan jarribaad, dabin iyo damacyo badan oo xun kuwaasoo dadka ku hogaamiya hoog. Waayo lacag jaceylku wuxuu aasaas u yahay shar oo dhan. Dadka qaar jaceylkey lacagta u qabaan wuxuu ku kalifay iney iimaankoodi ka tagaan xanuun badanna la kulmaan. Timoteyosow waxaa tahay nin Illaahey jecel sidaa daraadeed ka fogow waxyaalahan sharta leh oo dhan. Ku dadaal inaad Illaahey ka farxiso oo aad nolol Illaahey rabo ku noolaato. Ahow qof iimaan leh, qof dadka jecel, qof lagu tiirsanaan karo oo dabacsan. Dagaalka wanaagsan ee iimaanka dagaalan oo ku dhaganow nolosha weligeed ah. Illaahey ayaa ku siiyay markaad si cad uga hadashay iimaankaaga iyagoo ey dad badan marqaati ka ahaayeen. Waxaan kugu amrayaa inaad ballan ku qaado Illaaha wax walba nooleeya hortiisa iyo Ciise Masiix hortiisa kaasoo iimaankiisa si cad ugu hor qirtay Bontiyos Bilaatos. Waa inaad dhowrtaa amarkan qalad la’aan ama eed la’aan illaa uu Sayidkeena Ciise Masiix kasoo laabto. Waayo waqtiga ku haboon ayuu Illaaha ku keeni doonaa, kan barakeysan iyo taliyaha kaliya Boqorka boqorrada, Sayidka sayidyada. Waa isaga kaligiis kan aan weligiis dhimaneyn, wuxuuna ku nool yahay iftiin aad u dhalaalaya oo uusan qof binu aadan ah u dhawaan karin. Qofna weligiis ma arkin mana arki doono. Sharaf oo dhan iyo awood oo dhan weligiis ha u ahaadaan! Aamiin. Kuwa aduunkan taajirka ku ah bar in eysan isla weynaan oo eysan lacagtooda dhamaaneysa ku faanin. Waa iney Illaahey rajadooda saartaan kaasoo taajir ah wax walboo aan u baahanahayna na siiyay si aan dunidan ugu raaxeysano. Ku amar iney wax walboo wanaagsan sameeyaan, iney deeqsi ahaadaan oo ey waxey heystaan wadaagaan. Arintan waxey aasaas adag u noqoneysaa mustaqbalkooda, si ey u ogaadaan waxey tahay nolosha wanaagsan. Timoteyosow ilaali amaanada Illaahey masuulka kaaga dhigay! Ha dhageysan hadallada quraafaadka ah iyo doodda macno darada ah oo ey dadka qaar aqoonta ugu yeeraan laakiin aan ahayn. Waayo dadka qaar ayaa hadaladan sheegay oo iimaankoodi ku waayay. Waxaan Illaahey ka baryayaa iney nimcadiisu kuligiin idinla jirto. Warqaddan waxey ka timid Bawlos, oo lagu doortay doonista Illaahey inuu noqdo rasuulkii Ciise Masiix. Waxaa la ii diray inaan dadka u sheego wax ku saabsan noloshii uu iga ballan qaaday rumeysadka xagga Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkeyga aan jeclahay. Illaaha Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise Masiix ha idin siiyo nimco, naxariis iyo nabad. Timoteyosow, Illaah ayaan kuugu mahadcelinayaa, waxaan Illaah ugu adeegaa qalbi nadiif ah siday awoowayaashay yeeli jireen. Habeen iyo maalinba waxaan kugu xasuustaa ducadeyda. Waxaan aad ugu xiisay inaan mar kale idin arko, waayo, waxaan xasuustaa ilintiina markaan kala tagnay. Oo waxaa iga buuxsami doona farxad markaan mar kale wada kulanno. Waxaan kaloo xasuustaa rumeysadka runta ah ee hooyadaa Yunikee. Ayeeyaddaa Lowis waxey lahayd rumeysad la mid ah, waana hubaa inaad adiguna leedahay. Sidaa darteed waxaan ku xusuusinayaa inaad ka faa’iidaysato hadiyaddii Illaah ku siiyay markaan gacmaheyga ku dul saaray oo aan kuu duceeyay. Ruuxa Illaahey nagama dhigin fulay, wuxuu na siinayaa awood jaceyl iyo is xakameyn. Haddaba ha ceebeysan inaad dadka kale ugu marqaatifurtid Rabbigeena. Oo anigana ha i ceebsan inkastoo aan xabsi ugu jiro wacdinta injiilka darteed. Awoodda Illaah ku siiyay diyaar ugu ahow inaad dhib ila martid injiilka dartiis. Waayo Illaah ayaa na badbaadiyay, oo wuxuu noogu yeeray nolol quduus ah. Taas uma uu samaynin inaan istaahilno darteed, laakiin taasu waxey ahayd taladiisa tan iyo bilowgii waqtiga, si uu nimcadiisa noogu muujiyo xagga Ciise Masiix. Oo hadda waxyaalahaas oo dhan ayuu inoogu muujiyay muuqashadii Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Geeridii ayuu ka adkaaday oo farxad ayuu noo keenay. Wuxuu injiilka u iftiimiyay sida nuurka oo kale wuxuuna bixiyay nolol aan dhamaanayn. Oo Illaah wuxuu ii doortay inaan ahaado mid wax wacdiya, rasuul, iyo macalin injiil. Waa sababta aan halkan ugu dhibaatoonayo. Laakiin anigu kama xishoonayo, waayo waan garanayaa kan aan aaminay, waxaanan hubaa inuu awood u leeyahay inuu ilaaliyo wixii lugu aaminay illaa maalinta uu soo noqonayo. Haddaba ku dayo waxbaridda saxda ah ee aan ku siiyay, oo rumeysadka iyo jaceylka Ciise Masiix ha kula jiraan. Adigoo kaashanaya awoodda Ruuxa Quduuska ah ee nagu dhex nool, si taxadar leh u dhawr runta qaaliga ah ee laguu dhiibay. Sidaad ogtahay, mid kastoo gobolka Aasiya ka yimid ayaa iga tagay xitaa Fugelos iyo Hermogenees. Rabbigu ha u naxariisto Oneesiforos iyo reerkiisa oo dhanba, maxaa yeelay, marar badan ayuu isoo booqan jiray oo i dhiirigelin jiray. Oo silsiladeydiina ma ceebeysan. Markii uu Rooma yimid, meel walba ayuu iga raadiyay illaa uu i helay. Rabbiga naxariis gaar ah ha tuso maalinta Masiixu soo noqonayo. Adiguna aad ayaad u garaneysaa siduu iigu caawin jiray Efesos. Timoteyosow, wiilkeyga aan jeclahayow, ku adkow nimcada Illaah kugu siinayo Ciise Masiix. Waxaad maqashay inaan baro waxyaalo ey xaqiijiyeen marqaatiyaal badan oo lagu kalsoon yahay. Hadda waxaan rabaa inaad waxyaalahan oo kale u sheegtid kuwa lagu aamini karo iney dadka kale u sheegaan. Sida askariga Ciise Masiix ee wanaagsan, waa inaad u adkaysataa dhibaatada qeybtaada. Askarta kuma milanto arimaha nolosha shacabka. Waxey isku dayaan kaliya iney ka farxiyaan sarkaalka iyaga shaqada siiyay. Sidoo kale, qof kastoo u tartama sida ciyaartoyda ma helo taajka guusha marka laga reebo inuu ku tartamo sharciga. Beeraleyga aadka u dadaala ayaa ah kan ugu horeeya ee cuna waxa beertiisa kasoo baxa. Ka fikir waxa aan leeyahay. Rabbiga ayaa kugu caawin doona inaad waxyaalahan oo dhan fahanto. Mar walba xasuusnoow in Ciise Masiix, oo ahaa farcankii boqor Daa’uud, uu ka sarakacay kuwii dhintay. Kan waa warka wanaagsan ee aan dadka u wacdiyo. Fariintan darteed, xabsiga ayaa la igu xiray oo la iila dhaqmay sidii dembiile. Laakiin injiilka Illaah xabsiga kuma xirna. Sidaa darteed waxaan diyaar u ahay inaan u adkaysto wax kasta haddey badbaado iyo ammaan weligeed ah u keeneyso Ciise Masiix iyo kuwa Illaah doortay. Tani waa oraah lagu kalsoon yahay. Haddii aan isaga la dhimano. Isaga ayaan la noolaan doonnaa. Haddii aan u adkaysanno dhibaatada. Anaguna isaga ayaan la talin doonnaa. Isaga haddii aan diidno, wuu na diidi doonaa. Haddaan nahay kuwo aan daacad ahayn, aamin ayuu sii ahaanayaa, waayo isagu ma inkiri karo qofka uu yahay. Waxyaalahan dadka oo dhan ku waani, oo ku amar Illaahey hortiisa iney joojiyaan dagaalka hadallada ah. Doodahaas oo kale faa’iido ma laha, oo waxey burburin karaan kuwa dhageysta. Ku dadaal si aad nafsadaada Illaah ugu hor istaagtid oo aad u heshid raalinimadiisa. Noqo shaqaale wanaagsan, oo aan u baahneyn ceeb, oo si sax ah u sharaxa ereyga runta ah. Ka fogaada doodda aan micnaha lahayn oo nacasnimada ah, waayo kuwa ku biira waxey noqonayaan kuwa sameeya waxyaalo aan cibaado lahayn. Hadaladoodu wey faafaan waxeyna baabi’iyaan iimaanka kuwa iyaga maqla. Kuwo waxyaalahaas barana waxaa ka mid ah Humenayos iyo Fileetos. Iyagoo baraya in kuwii dhintay mar hore la soo sarakiciyay. Tani runta wey ka fogtahay, waxeyna dumineysaa iimaanka dadka qaar. Laakiin aasaaskii uu Illaahey dhigay wuu adagyahay. Oo lagu shaabadeeyay qoraalkan, “Rabbigu wuu yaqaanaa dadkiisa, sidaa darteed mid kastoo magaca Rabbiga ku caabuda waa inuu sharka ka fogaadaa.” Guri dadkiisu taajir yihiin maacuunta qaar ayaa ka sameysan dahab iyo qalin, qaarna alwaax iyo dhoobo. Maacuunta qaaliga ah waxaa la isticmaalaa waqtiyo gaar ah, kuwa raqiiska ahna waxaa la isticmaalaa maalin kasta. Haddii aad naftaada nadiif ka dhigto, waxaad noqon doontaa weel gaar ah oo si sharaf leh loogu isticmaalo. Noloshaadu waxey ahaan doontaa nadiif, oo waxaad diyaar u noqon doontaa in Sayidku kuu isticmaalo shaqo kastoo wanaagsan. Ka carar wax kastoo kicinaya damacyada sharta leh ee dhalinyarada, oo raac nolol xaq ah, aaminnimo, jaceyl, iyo nabad. Ku raaxeyso wehelka kuwa Rabbiga ugu yeerta qalbi nadiif ah. Mar kale waxaan leeyahay ha dhex gelina doodo doqonnimo ah oo aan aqoon lahayn oona dagaal abuura. Adoonka Rabbigu yuusan murmin ee waa inuu dadka oo dhan u naxariistaa, oona wax bari karo, dadka dhibka badanna u dulqaataa. Si dabacsan wax ugu sheeg kuwa runta diidan. Waayo Illaah ayaa dadkaas qalbigooda ka dhigi kara iney toobadkeenaan, oo eyna runta bartaan. Ibliis ayaa u dabin dhigay, wuxuuna ka dhigay iney isaga adeecaan, laakiin Illaahey wuu u gargaari doonaa weyna ka baxsan doonaan. Waxaad ogaataa in maalmaha ugu dambeeya ey jiri doonaan waqtiyo aad u adag. Dadku waxey jeclaan doonaan naftooda iyo lacag oo kaliya. Wey faani doonaan weyna kibri doonaan, wey edeb darnaan doonaan, oo waalidkood ayey caasi ku ahaan doonaan. Oo waxey ahaan doonaan kuwa aan mahadcelin, oo aan cibaado lahayn. Jaceyl la’aan, cafis la’aan, aflagaado, is xakamayn la’aan, naxariis daro, kuwa aan wanaaga jacleyn, Waxey ahaan doonaan kuwa khiyaano badan, oo aan digtooneyn, oo wey isla weynaan doonaan. Meeshii ey Illaah ka jeclaan lahaayeen, waxey jeclaan doonaan raaxeysi. Waxey u dhaqmi doonaan sida dad diimeed, laakiin waxey diidi doonaan awoodda iyaga ka dhigi karta kuwo cibaado leh. Ka fogow dadka sidaas oo kale ah. Ragga qaarkood waxey khiyaaneeyaan reero dhan si ey u xukumaan naagaha dembiyada u adeega oo damacyada xun xun. Dumarkani waxey mar walba rabaan iney bartaan wax cusub, laakiin weligood ma ogaan karaan runta. Sidey Yannees iyo Yambarees uga soo hor jeedeen Muuse, sidaas oo kale ayey macalimiintani runta uga soo hor jeedaan. Waa niman maankoodu kharibmay, oo xagga iimaanka laga diiday Laakiin arintaas wax badan ma sii wadi doonaan. Waxaa imaan doonta maalin uu qof walba ogaan doono doqonnimadooda sidii loo ogaaday Yannees iyo Yambarees. Timoteyosow, waad garaneysaa waxaan baro iyo sida aan u noolahay. Waad garaneysaa waxaan rabo inaan sameeyo iyo waxaan aaminsanahay. Waad aragtay samirka iyo jacaylkayga, iyo sida aan waagii hore u dulqaadan jiray. Waad ogtahay in dhib iyo rafaad badan igu dhacay markaan joogay magaalooyinka Antiyokh iyo Ikoniyon iyo Lustara. Oo weliba Rabbigu waa iga samatabixiyay dhibaatooyinkii cabsida lahaa oo dhan. Ku alla kii doonaya inuu Ciise Masiix xaqnimo kula noolaado, waa la silcin doonaa. Laakiin kuwa sharka leh oo iska dhigaya wax eysan ahayn, wey sii xumaan doonaan, waxey khiyaani doonaan kuwa kale oo iyagana waa la khiyaani doonaa. Laakiin waa inaad aamin ku sii ahaataa waxyaalihii lagu baray. Waad ogtahay iney run yihiin, waayo waxaad ogtahay inaad ku kalsoonaan karto kuwii ku baray. Tan iyo yaraantaadi waxaa lagu baray Qorniinka Quduuska ah, oo waxaad ka heshay xigmaddi aad ku heli lahayd badbaadada ka imaaneysa rumeysashada Ciise Masiix. Wax kastoo qorniinka ku jira waa ereyga Illaahey. Dhamaan waxey faa’iido u leeyihiin waxbaridda iyo caawinta dadka iyo saxidda iyo tusidda sida loo noolaado. Wey na toosisaa markaan khaldanno oo waxey na bareysaa inaan sameyno waxa saxda ah. Qorniinku wuxuu adeegayaasha Illaahey baraa iney sameeyaan shaqo kastoo wanaagsan. Markii uu Ciise Masiix yimaado isaga oo boqor ah, wuxuu xukumi doonaa mid kasta, kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Sidaa darteed waxaan ku amrayaa iyagoo Illaahey iyo Masiixuba markhaatiyaal yihiin. Ku wacdi ereyga, diyaar ahaw mar walba, dadka sax, canaano oo dhiirigeli adigoo adeegsanaya samir badan iyo waxbarid wanaagsan. Waqti ayaa imaan doona eysan dadku dhegaysan doonin waxbaridda saxda ah. Waxeyna raadin doonaan macalimiin iyaga ka farxiya oo u sheega kaliya waxey dhegahoodu rabaan iney maqlaan. Runta wey ka leexan doonaan, oo waxey dhegaysan doonaan sheekooyin aan micno lahayn. Laakiin waa inaad is dejiso oo aad diyaar u tahay inaad dhibaatada u adkeysato. Waa inaad ku dadaashaa inaad warka wanaagsan sheegtid oo aad si wanaagsan u qabatid shaqadaada. Waayo waxaan durbaba u daatay sida cabitaan allabari loo bixiyay, waqtigii tegitaankeyguna wuu soo dhowaatay. Dagaal wanaagsan ayaan dagaalamay, tartanka waan ku guuleystay, iimaankana waan xajiyay. Haddaba waxaa i sugaya abaalgudkii, kaasoo ah taajkii xaqnimada oo Rabbigu u xukumo si xaq ah uuna isiin doono maalinta uu soo noqon doono. Abaalmarintaanna aniga kaliya ma helayo ee waxaa helaya dhamaan kuwa aadka u jecel inuu soo muuqdo. Timoteyosow, fadlan ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid. Waayo Deemaas aad ayuu u jeclaa waxyaalaha dunidan, sidaa darteed wuu iga tagay oo wuxuu aaday Tesaloniika. Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya, Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya. Luukos oo kaliya ayaa ila jooga. Markos aad ayuu ii caawin karaa, fadlan soo raadi oo soo kaxee. Tukhikos ayaan Efesos u diray. Markaad imaaneyso, iisoo qaad jaakadii aan kaga soo tagay Karbos oo Taroo’as jooga. Sidoo kale iisoo qaad buugaagteyda, gaar ahaan warqadaha. Aleksanderos kii bira sameeyaha ahaa aad ayuu ii dhibaateeyay, laakiin Rabbiga ayaa ku xukumi doona wixii uu igu sameeyay oo dhan. Iska ilaali isaga, waayo wuxuu kasoo horjeedaa fariinteena. Markii ugu horeysay ee aan tagay maxkamadda si aan isku difaaco, cid ii hiilisay ma jirto, waxaan Illaahey uga baryayaa inuu u dembi dhaafo intii iga tagtay. Laakiin Rabbiga ayaa i garab istaagay, oo xoog i siiyay si aan injiilka u wacdiyo oo ey dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhan u maqlaan. Waxaana la iga badbaadiyay afka libaax. Rabbigu wuu iga badbaadin doonaa shar kasta, oo wuxuu ammaan igu dhex gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaan ha u ahaato weligeed iyo weligeedba. Aamiin. Iigu salaan Bariskilla iyo Akula iyo kuwa guriga Oneesiforos la degan. Erastos wuxuu joogay Korintos, oo waxaan Torofimos uga soo tagay magaalada Mileetos isaga oo xaanunsan. Ku dadaal inaad timaado waqtiga qabowga ka hor. Waxaa kusoo salaamaya Yubulos, Budees, Liinos, Kalawdiya, iyo dhamaan walaalaha. Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcadiisana ha idinla jirto dhamaantiin. Warqaddan waxey ka socotaa aniga oo ah Bawlos, ahna adeegaha Illaahey iyo rasuulkii Ciise Masiix. Waxaa la ii soo diray inaan u wacdiyo iimaanka kuwa Illaahey doortay, oo aan baro iney ogaadaan runta taas oo ku hogaamineysa nolosha Illaahey ka farxisa. Runtan waxey iyaga siineysaa kalsooni taas oo ah rajada nolosha weligeed ah, taas oo Illaaha aan beenta sheegin uu iyaga ka ballan qaaday bilowgii aduunka ka hor. Oo waqtigii loogu talagalay ayuu fariintiisi ku muujiyay. Taas oo aan qof walba u wacdinay, amarka Illaaha Badbaadiyaheena ah ayaa la iigu aaminay shaqadan. Waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkeyga runta ah oo aan isku iimaanka nahay. Waxaan Illaaha Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise Masiix kaasoo ah badbaadiyaheena ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Sababta aan jasiiradda Kereetee kaaga tagay waa inaad halkaas ka dhameyso shaqada, oo aadna magaalo walba ka doorato odayaal sidii aan kuu sheegay. Odaygu waa inuu yahay mid aan eed lahayn, waa inuu leeyahay hal xaas oo kaliya, caruurtiisuna waa iney ahaadaan kuwo rumeysan oo aan dabeecad xumeyn caasina ahayn. Maxaa yeelay odayga kaniisadda wuxuu masuul ka yahay shaqada Illaah, waa in uusan eed lahayn. Waa in uusan isla weyni lahayn, ama uusan xanaaq badneyn, waa in uusan sarqaamin ama ahayn mid rabshad leh, oo uusan khiyaano lahayn. Laakiin waa inuu ahaadaa mid dadka martigeliya, waa inuu jeclaadaa waxa wanaagsan, waa inuu ahaadaa mid xigmad leh oona xaq ah, waa inuu ku noolaadaa nolol quduus ah oo edeb leh. Waa inuu aad u aaminaa fariinta aaminka ah ee la baray. Kadibna wuxuu awoodi doonaa inuu kuwa kale ku dhiirigeliyo waxbaridda runta ah, iyo weliba inuu tuso qaladka kuwa kasoo hor jeeda. Waayo waxaa jira dad badan oo caasiyoobay oo ku hadla wax aan micno lahayn oo dadka kalana khiyaana. Gaar ahaan Yuhuudda ku adkaysatay gudniinka inuu badbaadada keenayo. Waa in la joojiyaa, waayo waxey reerka oo dhan ka jeediyeen runta iyagoo baraya wax been ah, waxaanna waxey u sameynayaan lacag darteed. Mid ka mid ah nebiyadii Kereetee ayaa yiri, “Dadka reer Kereetee mar walba waa beenaalayaal, waa dad shar leh, waana caajislowyaal hunguri weyn sida xayawaan duureedka.” Oraahdan waa run. Sidaa darteed waa inaad canaanataa si ey iimaanka ugu xoogeystaan. Waa iney joojiyaan dhageysiga Yuhuudda beentooda iyo amarrada dadka runta ka leexday. Wax walba waa u daahir kuwa qalbigoodu daahirka yahay, laakiin waxba daahir uma aha kuwa aan rumeysanin oo qalbigoodu waxa xun ka buuxo. Kuwaas qalbigooda iyo damiirkoodaba wey qaribmeen. Waxey sheeganayaan iney Illaahey garanayaan, laakiin noloshooda kama muuqato. Iyaga waa la nacay, oo waa caasi mana istaahilaan iney wax wanaagsan sameeyaan. Tiitos adigu waa inaad bartaa wax baritaanka saxda ah. Bar nimanka waaweyn iney is ilaaliyaan, oo ey ku noolaadaan nolol xigmad iyo sharaf leh. Waa iney leeyihiin iimaan sugan oo jaceyl ka buuxo dulqaadna leh. Sidaas oo kalena u bar dumarka waaweyn iney ku noolaadaan nolol Illaahey sharaf u keeneyso. Waa in eysan caayin kuwa kale ama noqonin kuwa khamri adoon u ah. Laakiin waa iney dadka kale baraan waxa wanaagsan. Dumarkan waaweyn waa iney ku tababaraan dumarka da’da yar iney jeclaadaan nimankooda iyo caruurtooda. Waa iney ku noolaadaan nolol xigmad leh oo saafi ah, waa iney naxariis lahaadaan oo ey nimankooda ka dambeeyaan. Kadibna ceeb uma keeni doonaan ereyga Illaahey. Sidaas oo kale wiilasha dhalinyarada ah ku dhiirigeli iney si xigmad leh u noolaadaan. Wax walboo aad sameysid waa inaad u noqotaa tusaale adigoo sameynaya waxyaalaha wanaagsan. Wax baridaada tus iney tahay daacad iyo dhab. Runta bar si aan loo ceebeynin wax baridaada. Si kuwa na hor joogsaday ey u ceeboobaan oo eysan anaga wax xun nooga sheegin. Bara adoomada iney ka dambeeyaan mudanayaashooda oo wax walbana ku dadaalaan, oo isku dayaan iney ka farxiyaan, waana in eysan doodin, waa inaanan iyaga wax ka xadin, laakiin waa iney muujiyaan in si buuxdo loo aamini karo, haddaba si kasta ayey uga dhigi doonaan waxbaridda ku saabsan Illaaha Badbaadiyeheenna mid soo jiidasho leh. Waayo Illaah wuxuu muujiyay nimcadiisa taas oo badbaadisa dadka oo dhan. Nimcadaasi waxey na bareysaa inaan ka tagno nolosha aan cibaadada lahayn iyo damaca aduunka, oo aan dunidan sharta leh ugu noolaanno xigmad iyo xaqnimo Illaaheyna isu dhiibno. Intaan sugeyno rajada barakeysan muuqashadii ammaanta Illaaheena weyn iyo badbaadiyaheena Ciise Masiix. Isagu wuxuu nafsadiisa u bixiyay inuu anaga naga madax furto wax kasta oo shar leh iyo inuu qalbiyadeena nadiifiyo, iyaga u hamuun qabo iney sameeyaan waxa wanaagsan. Waxyaalahan bar, adigoo isticmaalaya awoodaada oo dhan si aad dadka u dhiirigeliso oo u saxdo. Hana ogolaan inuu qof ku yaso. Xasuusi dadka iney adeecaan taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, waa iney mar walba diyaar u yihiin si ey u sameeyaan wax wanaagsan. Waa in eysan wax xun dadka ka sheegin, waa iney ahaadaan kuwa nabad ah oo una naxariistaan qof walba, mar walbana waa iney ahaadaan kuwa dadka oo dhan u roon. Anaguna sidoo kale waqti ayaan ahayn kuwa nacasyo iyo caasiyiin ah. Waana na la khiyaameeyay oo waxaan adoomo u noqonay damacyo iyo raaxo badan, nolosheena waxaa ka buuxsamay shar iyo xaasidnimo, waana isnacnay. Laakiin markii naxariista iyo jaceylka Illaahey oo Badbaadiyaheena ah soo muuqatay, wuu na badbaadiyay, mana aha waxyaalaha xaqa ah aan sameynay darteed, laakiin waa naxariistiisa darteed. Wuxuu naga dhaqay dembiyadeena, oo wuxuu na siiyay dhalasho iyo nolol cusub isaga oo u maraya Ruuxa Quduuska ah. Kaasoo si deeqsinimo leh noogu shubay isaga oo u maraya Ciise Masiix Badbaadiyaheena. Nimcadiisa darteed ayuu nooga dhigay kuwa xaqa ah oona na siiyay rajada aan ku dhaxli lahayn nolosha weligeed ah. Tani waa fariin run ah, waxaana rabaa inaad ku adkeysataan waxbaridan si kuwa walboo aamina Illaahey ey isku xil saaraan iney sameeyaan waxa wanaagsan. Waxbaridan waa mid wanaagsan oo faa’iido u ah qof walba. Laakiin iska ilaaliya dood nacasnimo ah oo ka timid awoowayaasheen ama muran ku saabsan sharciga Muuse, waayo waxyaalahan qiimo ma laha waqti ayeyna idin ka dhuminayaan. Haddii ey dadku idinku dhex abuuraan kala qeybsanaan, hal mar ama laba mar canaanta. Intaas ka badanna faraha ka qaada. Waayo dadkaas oo kale waxey ka leexdeen runta, oo dembiyadooda ayaana xukumay. Waxaan qorsheynayaa inaan mar dhow kuu soo diro Artemaas ama Tukhikos. Oo markii midkood yimaado, ku dadaal inaad igula kulanto Nikobolis, waayo waxaan go’aansaday inaan halkaas joogo xiliga qabowga. Samee wax walboo aad awoodid si aad Seenaas oo ah garyaqaan iyo Abolloos uga caawiso safarkooda. Dadkeenu waa iney bartaan iney waqtigooda ku bixiyaan wanaag sameynta, si ey u helaan rabitaankooda degdega ah oo eysan ku noolaanin nolol aan micno lahayn. Mid kastoo halkan ila jooga wuu ku soo salaamayaa. Fadlan iigu salaan kuwa nagu jacel iimaanka. Nimcada Illaahey kuligiin ha idin la jirto. Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos oo maxbuus u ah wacdinta injiilka Ciise Masiix dartiis. Iyo walaalkeen Timoteyos oo ila jooga. Waxaan warqaddan ku salaameynaa Filemon oo ah saaxiibkeen qaaliga ah oo aan isla shaqeyno. Sidoo kale waxaan salaameynaa Afiya oo ah walaasheen iyo Arkhibbos oo aan isla shaqeyno, iyo walaalaha gurigaaga ku kulma. Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Illaah ayaan u mahadceliyaa mar walboo aan kugu xasuusto baryadeyda, maxaa yeelay waxaan maqlay jaceylka aad u qabto dadka Illaahey oo dhan iyo sida aad u rumeysantahay Rabbi Ciise. Waxaan Illaahey ka baryayaa in wehelmida wadashaqeynta ee iimaanka inuu lahaado saameyn ku xiran fahanka waxyaalaha wanaagsan ee aan ku wadaagno Masiixa dartiis. Jaceylkaagu wuxuu i siiyay dhiiranaan iyo farxad badan, walaalkeygiyow naxariistaadu waxey sababtay inaad dadka Illaahey u adeegtay. Sidaa darteed, inkastoo aan Masiixa ku leeyahay geesinimo aan idinku amro waxaad sameyn lahaydeen. Laakiin jaceylkeena dartiis ayaan si fudud wax kugu weydiinayaa. U arag codsi aniga iga yimid oo kale, aniga oo ah Bawlos nin duqana ah oo xitaa injiilka Ciise Masiix dartiis maxbuus u ah. Waxaan kaa codsanayaa inaad naxariis tusto cunuggeyga Oneesimos, kaasoo wiilkeyga noqday intii aan xabsiga ku jiray. Oneesimos intii uusan badbaadin ka hor wuxuu ahaa mid aan waxtar lahayn, laakiin hadda aad ayuu waxtar noogu yahay labadeenaba. Inkastoo aan aad u jeclahay Oneesimos haddana dib ayaan kuugu soo dirayaa. Waxaan jeclaan lahaa inuu ila joogo si uu iigu noqdo mid i caawiya beddelkaaga intaan xabsiga ugu jiro injiilka dartiis. Laakiin ma aanan dooneynin inaan sameeyo wax adiga aadan raali ka ahayn. Waxaan rabay in waxa wanaagsan aad sameysid ey qalbigaaga ka yimaadaan ee aan lagugu qasbin. Laga yaabaa sababta uu in yar kaaga maqnaa iney tahay inuu dib kuugu soo laabto oo aad weligiin isla joogtaan. Isagu mar dambe adoon kuuma aha, laakiin wuu ka weyn yahay adoon. Aniga wuxuu ii yahay walaal qaali ah, laakiin adiga wuxuu kuu yahay ayaa kasii weyn, gaar ahaan sida nin kula mid ah iyo mid raacsan Rabbiga. Haddaba haddii aan nahay kuwa isla shaqeeya, u soo dhawee Oneesimos sidii aad aniga ii soo dhaweyn laheyd. Haddii uu ku xumeeyay ama wax aad ku leedahay, aniga ii xil saar. Aniga Bawlos ah ayaa warqaddan gacanteyda kusoo qoray. Waana bixin doonaa waxaad isaga ku leedahay, aniga oo aan ka hadlin waxaan kugu leeyahay. Waxaan jeclaan lahaa walaalkeygiyow, fadlan arintan iigu samee Rabbiga dartiis. Igusii dhiiranaantan xagga Masiixa. Waan ku kalsoonaa markaan warqaddan kuusoo qoray inaad sameyn doonto waxaan ku weydiisto iyo weliba wax kasii badan. Sidoo kale fadlan ii diyaari qolka martida, waayo waxaan rajeynayaa inuu Illaahey kaa aqbalo baryadaada oo aan dhaqso kuugu soo noqdo. Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo maxbuus igula ah injiilka Ciise Masiix dartiis. Sidoo kale Markos, Aristarkhos, Deemaas iyo Luukos ayaa ku soo salaamay, kuwaas oo ila shaqeeya. Nimcada Rabbi Ciise Masiix ruuxdiina ha la jirto. Waagii hore Illaahey wuxuu awoowayaasheen la hadli jiray isaga oo adeegsanaya nebiyo waqtiyo badan iyo siyaabo badan. Laakiin waayadan wuxuu nagula hadlay isaga oo adeegsanaya Wiilkiisa, kaasoo uu u magacaabay kan dhaxlaya wax walba sidoo kalana isaga ayuu wax walba ku abuuray. Wiilka Illaahey wuxuu haystaa nuurka ammaanta Illaahey dhinac walbana wuu uga egyahay. Ereygiisa awoodda leh ayaa aduunka isku haya. Wiilku markii uu dembiyadeena naga nadiifiyay kadib ayuu fariistay gacanta midig ee Illaaha Weyn ee sareeya. Wuxuuna ka awood badnaaday malaa’igta oo dhan, magaca la siiyayna wuu ka xoog weyn yahay magacyadooda oo dhan. Illaahey weligiis mid malaa’igta kamida kuma dhihin, “Waxaa tahay Wiilkeyga, maanta waxaan noqday aabahaa!” Sidoo kalana weligiis malaa’igta kuma dhihin, “Waxaan noqon doonaa Aabihiis, wuxuuna noqon doonaa Wiilkeyga!” Sidoo kale Illaahey markii uu curadkiisa aduunka keenay wuxuu yiri, “Malaa’igta Illaahey oo dhan ha caabudaan isaga.” Illaahey markii uu malaa’igta ka hadlayay wuxuu yiri, “Wuxuu malaa’igtiisa ka dhigaa ruux, adeegayaashiisana wuxuu ka dhigaa dab holcaya.” Laakiin waxa ku saabsan wiilka wuxuu ka yiri, “Illaahow carshigaagu wuu jiri doonaa weligiis iyo weligiis, usha cadaaladaadu waxey noqon doontaa usha boqortooyadaada! Waxaad jeclaatay xaqnimada waxaadna nacday sharta, sidaa darteed aniga oo Illaahaaga ah ayaa kaa saraysiiyay kuwa kula shaqeeya aniga oo kugu subkay saliida farxada.” Qorniinku wuxuu kaloo leeyahay, “Bilowgii Illaaheyow waxaad fidisay aasaaska dhulka, samaduna waa shaqada gacmahaaga. Wey baabi’i doonaan laakiin adigu waad waari doontaa, waxeyna u duugoobi doonaan sidii maro duugowday. Waxaad u duuduubi doontaa sidii xarigii, waxaadna u beddeli doontaa sidii maradii. Laakiin adigu waad waari doontaa, cimrigaaguna ma dhamaan doono.” Illaahey weligiis kuma dhihin malaa’igta, “Fariiso gacanteyda midig illaa aan cadowgaaga keeno cagahaaga hoostooda!” Malaa’iguhu waa ruux Illaahey u adeegta oo loo soo diray iney caawiyaan dadka la badbaadin rabo. Sidaa darteed waa inaan aad uga taxadarnaa wixii aan maqalnay, si aanan u baadiyoobin. Fariintii lagaga dhex hadlay malaa’igta waxaa cadaatay iney run ahayd, kuwii ku caasiyay oo diidayna waxey heli doonaan ciqaab xaq ah. Haddaba sidee ayaan ku baxsaneynaa haddaan iska dheggo tirno badbaadadan weyn? Illaahey ayaa markii ugu horeysay noo sheegay, dadkii maqlay fariinta ayaa noo cadeeyay iney run ahayd. Illaahey ayaana na tusay in fariintiisu run tahay isaga oo sameynaya mucjisooyin awood leh, yaabab iyo hadiyaddo Ruuxa Quduuska ah taas oo uu dadka u siinayay sida uu isagu ku raali ah. Waan ognahay Illaahey in uusan malaa’igta masuul uga dhigin iney maamulaan aduunka imaan doona. Laakiin waxaa jirta meel uu qof ku marqaatifuray, “Muxuu yahay binu aadanka aad daneyneyso? Yuu yahay wiilka aadanaha aad u daryeesho? Waxaad in muddo ah naga dhigtay kuwo malaa’igta ka hooseeya. Haddana waxaad taaj nooga dhigtay ammaan iyo sharaf. Wax walbana masuul ayaad nooga dhigtay!” Illaahey wuxuu wax walba nooga dhigay madax wax awoodeena ka hoos baxsanna ma jiraan. Laakiin weli ma aragno wax walba ee awoodeena ku hoos jira. Waxaan aragno waa Ciise, kaasoo in muddo yar ah laga hooseysiiyay malaa’igta. Illaahey nimcadiisa ballaaran darteed ayuu Ciise ugu dhintay qof walba. Haddana maadaama uu ciise silcay uuna dhintay, waxaa taaj looga dhigay ammaan iyo sharaf! Wax walba Illaahey ayaa leh waxaana lagu abuuray awooddiisa. Haddaba Illaahey si fiican ayuu sameeyay markii uu Ciise ku dhameystiray silac, si uu ugu hogaamiyo kuwo badan oo caruurta kamida badbaado oo eyna ammaantiisa ula wadaagaan. Ciise iyo kuwa uu xaqa ka dhigaba waxey ka wada tirsanyihiin hal qoys. Waana sababta uusan ceeb ugu dareemeyn inuu ugu yeero walaalihiis. Xitaa wuxuu Illaahey ku yiri, “Waxaan magacaaga u sheegi doonaa walaalahay markey isku yimaadaanna waxaan ku heesi doonaa ammaantaada.” Wuxuu kaloo yiri, “Illaahey ayaan aamini doonaa.” Wuxuu kaloo yiri, “Waa i kan aniga iyo caruurtii Illaahey i siiyayba.” Maadaama aan leenahay jir isaguna wuxuu na la wadaagay binu aadannimadeena si dhimashadiisu u burburiso awoodda ibliiska, kaasoo haya awoodda dhimashada. Laakiin inuu ka xoreeyo kuwii noloshoodii oo dhan adoonsiga ugu jiray cabsida dhimashada. Xaqiiqdii Ciise uma imaan inuu caawiyo malaa’igta ee wuxuu u yimid inuu caawiyo farcankii Ibraahim. Sidaas awadeed waxey ahayd inuu si walba iskaga dhigo sida walaalihiis si uu u noqdo wadaadkeena sare ee naxariista badan ee daacad u ah adeega Illaahey, iyo si uu u sameeyo kafaaragud dembiga dadka. Ciise in la silciyay lana jarribay darteed ayuu u awoodaa inuu caawiyo kuwa kale ee la jarribay. Haddaba walaalaheyga quduuska ahaw, kuwiina wadaaga wacitaanka samada, fikradihiina saarta Ciise, kaasoo aan u aqoonsanahay inuu yahay rasuulkeena iyo wadaadkeena sare! Ciise daacad ayuu u ahaa Illaahey, kaasoo isaga doortay, sidii uu Muuse daacada ugu ahaa u shaqaynta dadka Illaahey oo dhan. Laakiin Ciise wuxuu mudan yahay sharaf ka badan tan Muuse, sida kan guriga dhisaya uu uga sharaf badan yahay guriga. Waayo guri walba qofbaa dhisay, laakiin Illaahey waa kan wax walba dhisa. Muuse wuxuu ahaa adeege daacad ah wuxuuna dadka Illaahey u marqaatifuray waxa mustaqbalka la oran doono. Laakiin Masiixu waa Wiilka xukuma dadka Illaahey oo dhan. Inaguna waxaan nahay dadkaas haddii aan sii adkeysano oo aanan rajo beelin. Waa sida Ruuxa Quduuska ah dhahayo, “Maanta haddii aad maqashaan codkiisa, qalbiyadiina ha adkeynina, sidii aad u sameyseen waqtigii caasinimada, markii la joogay waqtigii la isku jarribay cidlada, halkaasoo ey awoowayaashiin igu jarribeen iguna tijaabiyeen, inkastoo ey afartan sano arkeen wixii aan sameeyay. Waana sababta aan ugu careysanaa jiilkaas, waxaanna iri, ‘Qalbiyadoodu mar walba wey leexanayaan, oo jidadkeyguna ma garanayaan.’ Haddaba waxaan aniga oo careysan dhaar ku marayaa, ‘Weligood nasiinadeyda ma heli doonaan.’ ” Walaalayaalow, is ilaaliya! Midkiina yuu lahaanin qalbi shar leh oo aan aaminsaneyn ee idin leexiyo Illaaha nool. Maalin walba waa inaad is dhiirigelisaan, intey “maalin” jirto, si eydan ugu khiyaanmin dembiga oo eydan Illaahey ugu madax adkaanin. Waan iskugu nimid inaan wadaagno Masiixa. Haddaba aan runtii ku adkeysano kalsoonidii illaa dhamaadka. Qorniinku wuxuu leeyahay, “Maanta haddii aad maqashaan codkiisa, qalbiyadiina ha adkeynina sidii aad u sameyseen waqtigii caasinimada.” Yey ahaayeen kuwii maqlay oo caasiyay? Miyeysan ahayn kuwii uu Muuse kasoo saaray Masar? Yuuse Illaahey u xanaaqsanaa afartan sano? Miyeysan ahayn kuwii dembaabay, kuwii jirkoodu cidlada ku baaba’ay? Yuuse Illaahey ku dhaartay in eysan nasashadiisa geli doonin haddeysan ka ahayn kuwii caasiyay? Haddaba waan aragnaa maysan awoodin iney galaan rumeysad la’aantooda darteed. Ballanta ah in la galayo meelaha nasashada weli wey jirtaa, waa inaan ka taxadarnaa in midkeenna uusan waayin. Waayo sidii ey u maqleen oo kale ayaan inaguna warka wanaagsan u maqalnay. Laakiin waxba wuu u tari waayay waayo wey aamini waayeen wixii ey maqleen. Kuwa iimaanka leh oo kaliya ayaa gali doona meelaha nasashada, sida uu qorniinku leeyahay, “Haddaba waxaan aniga oo careysan dhaar ku marayaa, ‘Weligood nasiinadeyda ma heli doonaan.’ ” Sidaas oo ey tahayna shaqadiisu waxey dhameystirneyd illaa waqtigii abuurista dunida. Waayo meel kitaabka ka mid ah ayuu uga hadlay maalinta toddobaad isaga oo leh, “Maalintii toddobaad Illaahey wuxuu ka nastay shaqooyinkiisi oo dhan.” Haddana meel kale wuxuu isla arintan ku leeyahay, “Weligood nasiinadeyda ma heli doonaan.” Sidaa darteed maadaama ey qaar gali karaan nasashadaas, qaar kale oo helay warka wanaagsanna eysan galin caasinimadooda darteed. Illaahey mar kale ayuu magacaabay maalin, uu ugu yeeray “Maanta.” Arinkan wuxuu sameeyay waqti dheer kadib markii uu afkii Daa’uud kaga dhex hadlay sida uu qorniinku leeyahay, “Maanta haddii aad maqashaan codkiisa, qalbiyadiina ha adkeynina.” Waayo haddii Yashuuca siin lahaa nasasho Illaahey mar kale kama hadli lahayn wax ku saabsan maalin kale. Laakiin Illaahey ayaa naga ballan qaaday maalin Sabti ah in aan nasan doonno, inkastoo eysan weli imaan. Maalintaas dadka Illaahey waxey ka nasan doonaan shaqooyinkooda sidii uu Illaahey uga nastay shaqadiisa. Waa inaan ku dadaalnaa sidii aan ku gali lahayn meeshaas nasashada, si midkeenna uusan u caasinin una gali waayin sidii ey iyaguba u gali waayeen. Waayo ereyga Illaahey wuu nool yahay wuuna shaqeynayaa. Wuu ka af badanyahay xitaa seef labada dhinac af ku leh, wuxuu ka dhex dusi karaa nafta iyo ruuxda, kala goysyada iyo dhuuxa, wuxuu ogaan karaa fikirada iyo damacyada qalbiga. Illaahey waxba kama qarsoona! Wax walbana wuu arkaa, waana inaan runta u sheegnaa. Waxaan leenahay wadaad sare oo weyn, kaasoo samada aaday, waana Ciise Wiilka Illaahey. Waana sababta ey tahay inaan ku adkeysano waxaan aaminsannahay. Wadaadkeena sare wuu fahansanyahay daciifnimadeena oo dhan, waayo dhinac walboo na loo jarribay isagana waa loo jarribay. Laakiin ma uusan dembaabin! Haddaba aan si dhiiranaan ku jirto ugu soo dhawaano carshiga nimcada, si aan u helno naxariis iyo nimco nacaawiso waqtiga baahida. Wadaadka sare oo kasta waxaa laga soo doortay dadka dhexdooda waxaana loo doortay inuu dadka u matalo waxyaalaha Illaahey quseeya, iney hadiyadaha bixiyaan iyo iney dembiyada allabariyo u bixiyaan. Wuu awoodaa inuu si naxariis ku jirto ula dhaqmo kuwa aan waxba garaneyn iyo kuwa lumayba, waayo isaguba wuxuu daciif ka yahay meelo badan. Waana sababta ey tahay inuu dembigiisa allabari u bixiyo kadibna dembiyada dadka kale allabari u bixiyo. Qofna naftiisa uma doori karo sharafta ah inuu wadaad sare noqdo. Laakiin waxaa lagu helaa yeeritaanka Illaahey sidii Haaruun loogu yeeray. Sidaas oo kale, Masiixu isuma keenin ammaanta ah inuu wadaad sare noqdo. Laakiin Illaahey ayaa ku yiri, “Waxaa tahay Wiilkeyga, maanta waxaan noqday aabahaa.” Meel kalana Illaahey wuxuu ku yiri, “Waxaad weligaa tahay wadaad, sidii Malkisadaq ahaa oo kale.” Markii uu dhulka ku noolaa Ciise si cod dheer ah ayuu ugu ooyay Illaahey isaga oo ka baryaya inuu ka badbaadiyo dhimashada. Wuxuu ahaa mid is hooseysiiya oo daacad ah, Illaaheyna wuu maqlay baryadiisi. Laakiin inkastoo uu ahaa Wiilka Illaahey, haddana silicii uu maray ayuu ku bartay baarinimada. Markii la dhameystirayna wuxuu noqday meesha ey kuwa isaga aamina ka helaan badbaadada weligeed ah. Illaahey ayaana u doortay inuu noqdo wadaad sare, sidii uu Malkisadaq ahaa oo kale. Wax badan ayaan idinkaga sheegi lahayn arintan laakiin wey adagtahay in la sharaxo waayo fahankiinu waa daciif. Waqtigan macalimiin ayaad ahaan lahaydeen. Laakiin weli waxaad u baahantihiin qof idin bara aasaasiga runta ee ereyga Illaahey mar kale. Intaad cuni laheydeen cunto adag, waxaad weli cabtaan caano. Qofkii caano kaliya ku nool waa cunug yar welina ma ogaanin waxbaridda xaqa ah. Laakiin cuntada adag waxaa loogu talagalay dadka waaweyn, kuwaasoo isku tababaray iney kala saaraan sax iyo khalad. Sidaa darteed waa inaan korno oo aan ka gudubno waxbaridda aasaasiga ah ee Ciise Masiix na laga baray. Anagoo aan mar kale dhigin aasaaskii toobadkeenka camallada keena dhimashada iyo sababta aan Illaahey u aamineyno. Umana baahnin inaan sii wadno barista baabtiiska, gacmaha oo madaxa la iska saaro, kasoo sarakicidda dhimashada iyo xukunka weligiis. Horey aan u socono! Oo sidaas ayaan sameyn doonnaa hadduu Illaahey yiraahdo. Waayo sidee ayaa kuwa iimaankoodi ku caasiyay mar labaad iney toobadkeenaan loogu ogolaanayaa? Mar ayey iftiinka Illaahey iyo hadiyaddo samada ka yimid heleen nalana wadaageen Ruuxa Quduuska ah. Khibrad ayey u lahaayeen wanaaga uu leeyahay ereyga Illaahey iyo awoodda waqtiga soo socda. Kadibna iimaankoodi ayey ka tageen! Suurtagal ma aha in loo ogolaado iney dib u toobadkeenaan, waayo haddana waxey iskutallaabta ku dilayaan Wiilka Illaahey dadka hortooda ayeyna ku ceebeynayaan. Dhulku wuxuu beeraleyda faa’iido u leeyahay markii roob fiican uu ku da’o si dalag wanaagsan u soo baxaan, dhulkaasna Illaahey wuu barakeeyaa. Laakiin dhulka qodaxda kaliya dhala faa’iido ma laha, waxey u badan tahay in inkaarta Illaahey ku dhacdo ugu dambeyntana dab ayaa lagu shidaa. Saaxiibayaalow, inkastoo aan sidan u hadleyno laakiin waan hubnaa inaad sameyneysaan waxyaalaha wanaagsan oo ey dadka badbaaday sameeyaan. Illaahey ma ahan mid xaq dara ah, wuuna xasuusan doonaa sida aad dadkiisa horey ugu caawiseen iyo sida aad haddaba u caawineysaan. Dadkii Illaahey ayaa tihiin mana uu ilaawi doono jaceylka aad tusteen dadkiisa. Waxaan dooneynaa in mid kasta oo in ka mid ah uu muujiyo dadaalkan oo kale illaa iyo dhamaadka, si waxaad rajeyneysaan ey u noqdaan kuwa si buuxda u rumoobay. Ma rabno inaad caajislowyaal noqotaan, Laakiin inaad ku dayataan tusaalihii kuwii iimaanka lahaa oo dulqaatay illaa Illaahey ballankii uu iyaga ka qaaday oofiyay. Markii uu Illaahey u ballan qaaday Ibraahim, maadaama uusan jirin mid isaga ka weyn oo uu ku dhaarto, isaga ayaa isku dhaartay, isaga oo leh, “Xaqiiqdii waan ku barakeyn doonaa farcankaagana waan badin doonaa!” Kadib markii uu Ibraahim dulqaatay waxaa la siiyay wixii uu Illaahey ballan qaaday. Qof markii uu rabo inuu muran soo gabagabeeyo, wuxuu ku dhaartaa magaca qof ama wax isaga ka weyn. Haddaba Illaahey wuu dhaartay markii uu rabay inuu cadeeyo in uusan jabin doonin ballankii uu dadkiisa ka qaaday. Illaahey been ma sheego! Sidaa darteed ballamadan iyo dhaarahan waa laba wax oo aan weligood la beddeli karin. Waxaan magangalnay Illaahey, haddaba ballanqaadkiisu waa inuu si weyn noogu dhiirigeliyaa inaan ku dhegno rajadan horteena taala. Rajadan waxey nafteena u tahay baroosin adag. Xaqiiqdii rajadan waxey gashaa daahyada gadaashooda waxeyna sii aadaa meesha quduuska ah. Ciise ayaa noo tagay halkaas, weligiisna wuxuu ahaan doonaa wadaadkeena sare, sidii Malkisadaq u ahaa oo kale. Malkisadaq wuxuu boqor ka ahaa magaalada Saalem wuxuuna ahaa wadaadka Illaaha ugu Sareeya. Wuxuu la kulmay Ibraahim oo soo laabanaya kadib markii uu ka adkaaday boqorradii wuuna barakeeyay. Kadibna Ibraahim wuxuu Malkisadaq ka siiyay toban meelood wax walboo uu lahaa. Macnaha Malkisadaq waa “Boqorka xaqa” sidoo kale boqorka Saalem waxaa laga wadaa “Boqorka nabadda.” Nalooma sheegin inuu lahaa aabe ama hooyo ama awoowayaal ama bilow ama dhamaad nolosha. Waa sida Wiilka Illaahey oo kale wadaad ayuuna weligiis ahaan doonaa. Bal ka fikir weynaantiisa! Xitaa awoowgeen Ibraahim ayaa siiyay toban meelood wixii uu cadowgiisa kasoo qaatay. Sharcigu wuxuu na barayaa xitaa farcanka Ibraahim waxaa ku waajib ah iney bixiyaan toban meelood waxey heystaan. Waana iney toban meeloodka u dhiibaan reerka ey qaraabada yihiin ee reer Laawi oo ah wadaaddo. Inkastoo uusan Malkisadaq ahayn farcankii Laawi, laakiin Ibraahim ayaa siiyay toban meelood wixii uu heystay. Kadib Malkisadaq ayaa barakeeyay Ibraahim kaasoo la siiyay ballankii Illaahey. Waxaan shaki ku jirin in qofka barakada bixiyaa uu ka weyn yahay kan barakada hela. Wadaaddada waxaa la siiyaa toban meelood waxey dadku helaan. Laakiin wadaaddadii oo dhan wey dhinteen waxaan Malkisadaq ka ahayn, qorniinkuna wuxuu noo sheegayaa inuu weli nool yahay. Farcankii Laawi ayaa hadda dadka waxey helaan toban meelood meel qaata. Waxaanna dhihi karnaa markii uu Ibraahim Malkisadaq toban meelood meel maalkiisi ka siiyay, Laawi xitaa inuu isaguna toban meelood meel Malkisadaq siiyay. Waayo Laawi wuxuu ka dhashay farcanka Ibraahim kaasoo Malkisadaq siiyay toban meelood meel. Inkastoo uu sharciga Muuse noo sheegayo iney waajib tahay in wadaaddadu ahaadaan farcanka Laawi, laakiin wadaadadaaas qofna ma kaamili karaan. Sidaa darteed waxaa loo baahanyahay wadaad sidii Malkisadaq oo kale ah, ee looma baahna wadaad kasoo jeeda reerkii wadaaddada ee Haaruun. Waayo markii wadaadnimada la beddelo, sidoo kalana waa in sharciga la badalaa. Qofka aan ka hadleyno waa Sayidkeena, kaasoo ka tirsan qabiil aan weligood wadaad meesha allabariga ka adeego kasoo bixin. Qof walba wuu og yahay in Sayidkeenu kasoo jeedo qabiilka Yahuudah, Muusana weligiis sharciga kuma sheegin in wadaaddadu kasoo bixi doonaan qabiilkaas. Arintan waxaa la cadeeyay markii wadaad Malkisadaq oo kale ah la doortay. Midka wadaad ku noqday aasaaska aan ku saleysneyn sharciga awoowayaashiis, laakiin ku noqday awoodda nolosha aan la dumin karin. Waayo waa la cadeeyay, “Weligaa wadaad ayaad ahaan doontaa, sidii Malkisadaq u ahaa oo kale.” Amarkii horana waa la buriyay waayo wuxuu ahaa mid daciif ah oo aan waxba tarayn. Sababtoo ah sharcigu qofna kaamil kama dhigi karo. Laakiin hadda waxaa na la siiyay rajo taas ka wanaagsan taas oo Illaahey xaggiisa noo dhaweyneysa. Sidoo kale dhaar la’aan wadaad loogama dhigin. Haaruun farcankiisi dhaar la’aan ayey wadaaddo ku noqdeen. Laakiin isaga dhaar ayuu wadaad ku noqday markii uu Illaahey ku yiri, “Sayidku wuu dhaartay dhaartiisana kama laaban doono! ‘Weligaa wadaad ayaad ahaan doontaa.’ ” Dhaartan darteed ayuu Ciise ku noqday mid damaanad qaaday axdi kii hore ka wanaagsan. Waxaa jiray wadaada kaloo badan kuligoodna wey dhinteen. Laakiin Ciise noloshiisa daa’imka ah darteed weligiis wadaad ayuu ahaan doonaa. Sidaa darteed wuxuu weligiis awood u leeyahay inuu badbaadiyo kuwa uu Illaahey isaga ku hogaamiyo, waayo isagu weligiis wuxuu u nool yahay inuu iyaga u duceeyo. Ciise waa wadaadka sare ee aan u baahannahay. Waa quduus daacad ah oo aan khalad lahayn, sideena oo kalana dembiile ma aha. Ciise waxaa laga sareeysiiyay wax walboo samada ku jira. Wuu ka duwan yahay wadaaddada sare ee kale, uma baahna inuu maalin walba dembigiisa iyo dembiga dadka allabariyo u bixiyo. Waayo hal allabari ayuu dembiyadooda u sameeyay markii uu noloshiisa bixiyay. Sharciga Muuse wuxuu doortay wadaaddo sare ee aan kaamil ahayn. Laakiin axdiga Illaahey oo yimid sharciga kadib, wuxuu doortay Wiilka Illaahey kaasoo weligiis kaamil ah. Ujeedada ugu weyn ee hadalkeygu waa inaan heysano wadaad sare kaasoo fadhiya dhinaca midig ee carshiga Illaaha weyn ee jannada ku yaala. Sidoo kale wuxuu wadaad sare ahaan uga adeegaa meesha ugu quduusan, gudaha teendhada runta ah ee ku taala samada. Teendhadan Sayidka ayaa dhisay ee binu aadan ma dhisin. Wadaadka sare oo kasta waxaa ku waajib ahayd inuu bixiyo hadiyaddo iyo allabariyo, Masiixana wuxuu u baahnaa inuu haysto wax uu bixiyo. Hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad muusan ahaan lahayn, waayo waxaa dhulka jooga wadaaddo bixiya hadiyadihii uu sharcigu waajibiyay. Laakiin teendhada ey iyagu ka adeegaan waa harka teendhada runta ah ee samada ku taala. Inta uusan Muuse teendhada sameyn waxaa lagu yiri, “Xaqiiji inaad wax walba u ekeysiiso sidii qaabkii lagugu tusay buurta korkeeda!” Laakiin hadda Ciise wuxuu helay adeeg kasii weyn axdigoodi, kaasoo uu isaga dhaxdhexaadiyay u ahaa oo ka sareeya kii duuga ahaa, mar haddii axdiga cusub loo soo saaray ballan qaadyo ka wanaagsan. Waayo haddii uusan axdigii hore wax ka qaldanaan lahayn axdi kale looma baahnaan lahayn. Laakiin Markii uu Illaahey arkay dadka qaladaadkooda ayuu yiri, “Waxaan idinku leeyahay maalmo ayaa imaanaya, oo aan axdi la gali doono dadka reer binu Israa’iil iyo dadka Yahuudah. Mana noqon doonto sidii axdigii aan la galay awoowayaashood markaan gacanta ka qabtay si aan uga saaro Masar, axdigeygi oo ey jabiyeen darteed ayaan iyaga uga tagay. Waa kan axdiga aan la gali doono dadka reer binu Israa’iil Illaahey wuxuu leeyahay, waqtigaas sharcigeyga waxaan galin doonaa maankooda waxaanna ku qori doonaa qalbiyadooda. Waxaan ahaan doonaa Illaahooda, waxeyna ahaan doonaan dadkeyga. Deriskooda wax masii bari doonaan, iskumana dhihi doonaan, ‘Rabbiga garo,’ waayo kuligood wey i garan doonaan, laga bilaabo kan ugu yar illaa kan ugu weyn. Waayo xumaantooda waan cafin doonaa dembiyadooduna masii xasuusan doono.” Markii uu Illaahey ka hadlo axdi cusub macnaheedu waa in axdigii hore waqtigiisu dhamaaday, wax walboo duugoobay wuu baabi’i doonaa. Axdigii hore wuxuu lahaa sharci ku saabsan caabudida iyo meel teendho ah oo wax lagu caabudo oo dunidan ku taala. Qeybta ugu horeysa ee teendhada oo la oran jiray meesha quduuska ah, waxaana halkaas yaalay laambad, miis iyo kibista qurbaanka ah. Daaha gadaashiisana waxaa la oran jiray meesha ugu quduusan. Halkaas waxaa ku yaalay meel allabari oo dahab ka sameysan oo loo isticmaali jiray in fooxa lagu shido iyo sanduuqa axdiga oo uu dahab ku daboolan yahay. Sanduuqaasna waxaa ku jiray weel dahab ka sameysan oo maannadii ku jirto, ushii Haaruun oo ey caleemo ka dul baxeen iyo looxyadii uu axdigu ku qornaa. Sanduuqa korkiisa waxaa saarnaa Keruubiimta ammaanta, kuwaasoo ey baalashoodu ku dul fidsanaayeen daboolka kafaaragudka. Laakiin arintan hadda si faahfaahsan uma sharaxi karno. Marka wax walba sidan loo diyaariyay ayey wadaaddadu si joogta ah u gali jireen teendhada meesheeda ugu horeysa si ey u gutaan shaqadooda wadaadnimo. Laakiin wadaadka sare oo kaliya ayaa gali karay qeybta labaad ee teendhada, wuxuuna gali jiray sanadkii hal mar. Mar walbana wuxuu la gali jiray dhiig uu u bixiyay dembiyadiisa iyo dembiyada ey dadku si aan ula kac ahayn u sameeyeen. Ruuxa Quduuska ah ayaa sharciyadaan oo dhan nagu barayay in meesha ugu quduusan eysan cidna gali karin inta teendhada iyo nidaamka ey mataleysaba ey weli shaqeynayaan. Tani waa tusaale u taagan waqtiga hadda la joogo, macnaheedu waa in hadiyaddo iyo allabariyo Illaahey loo bixiyaa eysan nadiifineyn qalbiga caabudayaasha. Sharciyadaas waa cunitaan cabitaan iyo xafladda isdhaqidda aan isku dhaqno waxeyna quseeyaan jirka, waxey sii shaqeynayaan illaa Illaahey sharci cusub ka keenayo. Laakiin hadda Masiixu wuu yimid isaga oo wadaad sare u ah wax walboo wanaagsan oo halkan ka jira. Wuxuuna aaday teendho ka wanaagsan tii hore oo eysan binu aadan sameynin aduunkanna aan ka tirsanayn. Kadib Masiixu wuxuu hal mar noo galay meesha ugu quduusan isaga oo wada dhiigiisi ee aan wadin dhiig ariga iyo dibiyo, wuxuuna si weligeed ah nooga xoreeyay dembiyadeeni. Sharcigii hore, dhiigga ariga iyo kan dibiyada iyo dambaska saca yar ee la gubay waxey dadka jirkooda ka nadiifin jireen nijaasada. Intee ka badan ayuu dhiiga Masiixa kaasoo Ruuxa daa’iimka ah jirkiisa Illaahey ugu bixiyay sidii qurbaan aan iin lahayn. Kaasoo maankeena ka nadiifin kara waxyaalaha dhimashada keena, si aan ugu adeegno Illaaha nool. Sababtan darteed Masiixu waa dhaxdhexaadiyaha axdiga cusub, si kuwa loo yeeray ey u helaan ballanta dhaxalka weligiis ah. Haddaba wuxuu u dhintay madaxfurashada inuu ka xoreeyo dembiyadii ey ku galeen axdigii hore. Marka dhaxal laga hadlayo, waa lagama maarmaan in kii dhaxalka ka tagay dhinto inta aan la isticmaalin. Haddaan si kale u dhaho, dhaxalku ma shaqeeyo inta kii dhaxalka ka tagay nool yahay. Tani waa sababta xitaa axdigii hore uusan dhiig la’aan u shaqeyn jirin. Muuse wuxuu dadka u sheegay wax walboo uu sharcigu rabay iney sameeyaan. Kadib wuxuu isticmaalay dhiigga dibiyada iyo kan ariga oo biyo lagu daray, wuxuuna ku dul rusheeyay dadka iyo buuggii sharcigu ku qornaa isaga oo isticmaalaya dhogor guduudan iyo geed husob la yiraahdo. Wuxuu ku yiri, “Kani waa dhiigii axdiga, kaasoo Illaahey idin ku amray inaad xajisaan.” Sidoo kale Muuse wuxuu dhiigga ku rusheeyay teendhada iyo wax walboo caabudida loo isticmaalayay. Sharcigu wuxuu noo sheegayaa in wax walba dhiig lagu rusheeyo, dembina lama cafin karo illaa dhiig la daadiyo maahane. Tani waa sababta teendhada iyo wax walboo ku jira kuwaasoo ahaa kuwo u ekaa waxyaalaha jannada ku jira, ey ahayd in lagu nadiifiyo dhiigga xayawaanka. Laakiin waxyaalaha runta ah ee jannada ku jira waa in lagu nadiifiyaa qurbaan dhiigga xayawaanka ka qiimo badan. Tani waa sababta uusan Masiixu u galin meesha ugu quduusan ee binu aadanku sameeyay oo u ekeyd tan runta ah ee jannada. Laakiin wuxuu aaday jannada haddana wuxuu la joogaa Illaahey si uu anaga noo caawiyo. Masiixu kuma qasbanayn inuu marar badan naftiisa qurbaan ahaan u bixiyo. Ma uusan ahayn sida wadaad sare oo ku qasban inuu sanad walba galo meesha ugu quduusan si uu u bixiyo dhiigga xayawaanka. Hadduu naftiisa bixin lahaa sanad walba, wuxuu silci lahaa marar badan illaa markii aduunka la abuuray. Laakiin markii uu aduunka dhamaan rabay ayuu naftiisa hal mar bixiyay, si uu u noqdo qurbaan dembiga tirtira. Qof walba hal mar ayuu dhimanayaa, kadibna Illaahey ayaa xisaabin doona. Sidaas oo kale ayuu Masiixu hal mar loo bixiyay si uu u tirtiro dembiga dad badan. Laakiin markii uu mar labaad soo laabto uma imaan doono inuu dembiyada tirtiro. Wuxuu u imaan doonaa inuu badbaadiyo qof walboo isaga sugayay. Sharcigii Muuse wuxuu ahaa harka waxa wanaagsan ee imaanayay. Harkan ma uusan ahayn waxa wanaagsan, waayo dadka kagama xoreyn karin dembiyadooda allabariga ey bixiyaan sanad ka sanad. Haddey jiri lahaayeen kuwo wax caabuda oo dembiyadoodi la dhaqay damiirkooduna nadiif yahay, looma baahnaan lahayn in qurbaan la bixiyo. Laakiin allabariyadaas waxaa loo bixinayay in dadka dembiyadooda la xasuusiyo. Waayo suurtagal ma aha in dhiigga dibiyada iyo ariga lagu tirtiro dembiga. Sidaa daraadeed markii uu Masiixu aduunkan yimid wuxuu yiri, “Waxaad rabto ma aha allabariyo iyo qurbaanno, laakiin jir ayaad ii diyaarisay. Kumaadan faraxsanayn allabariyo la gubo iyo qurbaanada dembiga. Kadib Masiixu wuxuu yiri, ‘Waa i kan, wey qorantahay wax aniga igu saabsan ee ku jira kitaabka. Illaaheyow waxaan u imid inaan doonistaada sameeyo.’ ” Ugu horeyntii Masiixu wuxuu yiri, “Uma baahnid qurbaanno iyo allabariyo, allabariyo la gubo iyo qurbaanka dembiga, mana aadan ku farxin.” Sidaa ayuu yiri inkastoo waxyaalahan lagu amray sharcigii Muuse. Sidoo kale wuxuu Masiixu yiri, “Waa i kan waxaan u imid inaan doonistaada sameeyo.” Illaahey axdigii hore ayuu saaray si uu midka cusub u keeno. Waayo rabitaanka Illaahey wuxuu ahaa inuu kuligeen bixinta jirka Ciise Masiix quduus nooga dhigo, hal mar oo kaliya. Maalinba maalinta ka dambeysa wadaadka kasta wuxuu u istaagi jiray gudashada shaqo diimeydkiisa, mar iyo mar kale isla qurbaanadaas, kuwaasoo aan marnaba dembiyo qaadi karin. Laakiin wadaadkeena sare wuxuu si hal mar ah naftiisa qurbaan ahaan ugu bixiyay dembigeena, wuxuuna fariistay Illaahey dhiniciisa midig. Halkaas ayuuna joogayaa illaa cadowgiisa cagahiisa hoostooda laga keeno. Waayo bixin taas oo kaliya ayuu weligood ku kaamilay kuwa quduuska laga dhigay. Ruuxa Quduuska ah ayaa sidoo kale ka marqaatifuraya. Waayo wuxuu yiri, “Markii waqtiga aan ugu talagalay la gaaro waxaan la gali doonaa axdi. Sharcigeyga ayaan qalbigooda galin doonaa, maankoodana waan ku qori doonaa.” Kadibna wuxuu ku daray, “Dembiyadooda iyo xadgudubyadooda masii xasuusan doono.” Haddaba markii dembiyada la cafiyo, looma baahno in la bixiyo wax allabariyo ah. Sidaa darteed walaalayaal dhiigga Ciise Masiix wuxuu na siiyaa dhiiranaan aan ku galno meesha ugu quduusan. Ciise dhimashadiisa ayuu wado cusub oo nolol nasiisa nooga furay daahii meesha ugu quduusan, kaasoo ah jirkiisa. Waxaan heysanaa wadaad sare kaasoo guriga Illaahey xaakin ka ah. Sidaa darteed aan Illaahey agtiisa la nimaano qalbiyo nadiif ah iyo hubaal buuxda taas oo ka timaada iimaanka. Qalbiyadeenu nadiif ha ahaadeen, damiirkeenuna sharka xor haka ahaado, jirkeenana aan ku dhaqno biyo daahir ah. Aan si adag ugu dhagno rajada aan aaminsannahay, waayo Illaahey waa mid oofiya ballankiisa. Sidoo kalana aan ka fikirno waddooyin aan isku dhiirigelino inagoo is jeclaaneyna wax wanaagsanna isu sameyneyna. Sida dadka qaarkoodna yaanan ka maqnaanin kulamadeena, laakiin aan is dhiirigelino, gaar ahaan haddeer oo uu imaanshaha Rabbigu soo dhawaaday. Haddii aan sii wadno inaan dembaabno kadib markaan ogaanay runta, ma jiro allabari loo bixinayo dembiyadaas. Laakiin rajada cabsida badan ee xukunka iyo dab holcaya ayaa baabi’in doona cadawyada Illaah. Waayo qof walboo diiday sharciga Muuse si naxariis la’aan ah ayaa loo dilay isaga oo ey ku marqaatifureen laba ama saddex qof. Laakiin waxaa kasii xun ciqaabta kuwa diida Wiilka Illaahey iyo kuwa yasa dhiigga axdiga Illaahey kaasoo quduus naga dhigay. Sidoo kalana waxaa kasii xun qofkii caaya Ruuxa Quduuska ah kaasoo noo keenay nimcada Illaahey. Waayo waan ognahay Illaahey inuu yiri, “Waa aniga kan idiin aargooya oo idiin abaalguda.” Wuxuu kaloo yiri, “Rabbiga ayaa dadkiisa xukumi doona.” Waa wax laga argagaxo in la hoos tago ciqaabta Illaaha nool. Ka fikira waxyaalihii dhibka badnaa ee aad marteen markaad Masiixa aaminteen. Xasuusta sidii aad u adkeysateen inkastoo aad silac daran marteen. Mararka qaar dadka hortooda ayaa la idin ku caayay oo la idin ku silciyay, mararka qaarna waxaad garab istaagteen kuwii dhibkaas marayay. Waxaad silaca la wadaagteen kuwii xabsiga la galiyay. Si farxad leh ayaad u aqbasheen markii hantidiina lala wareegay, waayo waxaad ogeydeen in hanti aan weligeed dhamaaneyn Illaahey xaggiisa idin ku sugeyso. Haddaba dhiiranaantiina haysta, waayo waxey idiin keeni doontaa abaalmarin weyn. Waa inaad dulqaad lahaataan si aad u sameysaan doonista Illaahey una heshaan ballanqaadkiisa. Waayo sida qorniinku leeyahay, “Wax yar kadib, kii imaanayay ayaa imaan doona mana soo daahi doono.” Qorniinku wuxuu kaloo leeyahay, “Dadkeyga xaqa ah iimaan ayey ku noolaan doonaan. Laakiin kuma farxi doono kuwa dib u laabta.” Laakiin anagu kama tirsanin kuwa dib u laabtay oo lumay, waxaan nahay kuwa iimaan leh oo la badbaadiyay. Iimaanku waa kalsoonida aan ku qabno waxa aan rajeyneyno iyo xaqiiqada waxa aanan arkayn. Sidan ayaa awoowayaasheen lagu ammaanay. Iimaankeena ayaan ku garaneynaa in koonka lagu abuuray Illaahey amarkiisa. Sidoo kalana waa ognahay in waxa la arkaa laga abuuray wax aan la arkeyn. Iimaanki uu lahaa dartiis ayuu Haabiil Illaahey ugu keenay qurbaan ka wanaagsan kii Qaabiil. Iimaankiisa dartiis ayaa xaq looga dhigay, Illaaheyna wuu aqbalay qurbaankiisi. Inkastoo Haabiil uu dhintay laakiin iimaankiisa ayaa weli u hadla. Iimaankiisa dartiis ayaa Enoog samada loogu qaaday isagoon dhiman, “Waa la waayay, waayo Illaahey ayaa qaatay.” Sababtoo ah intaan kor loo qaadin waxaa lagu ammaanay inuu ahay qof Illaahey raali galiya. Iimaan la’aantiis qofna Illaahey ma raali galin karo. Waxaa nagu waajib ah inaan rumeysano inuu Illaahey jiro uuna abaal mariyo qof walboo isaga si daacad ah u doondoona. Iimaankiisa dartiis ayaa Nuux looga digay wax aan weli dhicin, wuu adeecay wuxuuna sameeyay doon si uu ugu badbaadiyo reerkiisi. Iimaankiisi dartiis ayuu dunida loo xukumay, oo wuxuu noqday kan dhaxla xaqnimada iimaanka uu dhowray awadiis. Iimaankiisa dartiis ayuu Ibraahim Illaahey ku adeecay markii lagu yiri aad waddan kale kaasoo uu Illaahey dhaxal ahaan u siin doono. Wuxuuna baxay isagoon garaneyn meesha uu u socdo. Iimaankiisa ayuu ku dagay dhulkii ballanqaadka sidii qariib dhul shisheeye jooga. Teendho ayuu daganaa sidoo kalana Isxaaq iyo Yacquub kuwaas oo ballanqaadka helay. Waayo Ibraahim wuxuu sugayay magaalo aasaaskeedu Illaahey dhisay. Iimaankeeda dartiis ayaa Saara ku awooday iney ilmo ku qaado iyadoo dhaaftay waqtigii ilma dhalida waayo waxey ogayd inuu Illaahey ballankiisa oofin doono. Ninkeedi Ibraahim ahaana aad ayuu u da’ weynaa, laakiin dad badan ayuu awoowe u noqday. Xitaa waxey ka badan yihiin xiddigaha cirka iyo ciidda xeebta. Dadkaas oo dhan wey dhinteen. Laakiin weli iimaan ayey lahaayeen xitaa haddeysan helin wixii laga ballan qaaday. Wey ku faraxsanaayeey iney meel fog ka arkaan waxeyna ku qanceen iney aduunkan qariib iyo shisheeye ku yihiin. Markey dadku sidaas u hadlaan, wey iska cadahay iney raadinayaan waddan ey lahaadaan. Haddey ka fikirayeen waddankii ey ka yimaadeen, wey ku noqon lahaayeen. Laakiin waxey rajeynayeen waddan ka wanaagsan oo jannada ah. Sidaa darteed Illaahey ceeb kuma dareemayo in loogu yeero Illaahooda waayo wuxuu iyaga u diyaariyay magaalo. Iimaankiisa dartiis ayuu Ibraahim qurbaan ahaan ugu bixin rabay wiilkiisa Isxaaq markii uu Illaahey imtixaanay isaga. Ibraahim wuxuu ahaa kii Illaahey ballanka la galay, haddana wuxuu diyaar u ahaa inuu wiilkiisa madiga ah qurbaan ahaan u bixiyo. Inkastoo uu Illaahey isaga ku yiri, “Farcanka Isxaaq ayaan ballankeyga kuugu oofin doonaa.” Ibraahim wuxuu ku tashanayay in Illaahey awoodo inuu wiilkiisa dhimashada kasoo sarakiciyo. Si tusaale oo kale arintan waxey u ekeyd in dhimashada kadib Ibraahim wiilkiisii helay. Iimaankiisa dartiis ayuu Isxaaq Illaahey uga dalbaday barakada labadiisa wiil Yacquub iyo Ceesaw. Iimaankiisa dartiis ayuu Yacquub markii uu dhimanayay ku barakeeyay wiilashii Yuusuf isaga oo ku tiirsan baakoortiisa Illaaheyna caabudaya. Iimaankiisa dartiis ayuu Yuusuf markii uu dhiman rabay uga hadlay reer binu Israa’iil ka bixitaankooda Masar uguna sheegay waxey duugitaanka lafihiisa ka sameyn lahaayeen. Iimaankooda dartiis ayey Muuse waalidkiis dhalashadiisa kadib qariyeen saddex bilood, waayo waxey arkeen inuu ahaa cunug aad u qurux badan, mana eysan ka cabsaneynin boqorka amarkiisa. Iimaankiisa dartiis ayuu Muuse markii uu weynaaday ku diiday in loogu yeero wiilka gabadha Fircoon. Wuxuu doortay in lala silciyo dadka Illaahey intuu ku raaxeysan lahaa macaanka yar ee uu dembigu keeno. Muuse wuxuu ogaa hantida reer Masar in eysan u wanaagsaneyn sida waxyaalaha cajiibka ah ee uu helayo markii uu u silco Masiixa, abaal gudkaas ayuuna aad u sugayay. Iimaankiisa dartiis ayuu Masar uga tagay ee ma ahayn inuu ka cabsanayay boqorka caradiisa. Horey ayuu u socday waayo wuxuu arkay kan aan la arkin. Iimaankiisa dartiis ayuu usii waday dabaaldagii Iidda kormaridda iyo dhiiggii lagu rushaynayay albaabka si curadka reer binu Israa’iil uusan u dilin malagii curadyada dilayay. Iimaankooda dartiis ayey dadka reer binu Israa’iil kaga gudbeen Badda Cas iyadoo sidii dhulkii oo kale ah. Laakiin markey Masriyiintii isku dayeen iney iyaguna ka gudbaan wey quuseen. Iimaan dartiis ayey darbiyadii Yerixoo ku dumeen, kadib markii ciidankii reer binu Israa’iil ku wareegsanayeen toddobo maalmood. Naagtii jirkeeda ka ganacsan jirtay ee Raxab ahayd rumeysadkeedi darteed, lalama dilin kuwii caasiyoobay jaajuusiintii ey nabad ku soo dhoweysay darteed, Maxaa kale oo aan sheegaa? Ma hayo waqti ku filan oo aan kaga hadlo Gidcoon, Baaraaq, Samsoon, Yeftaah, Daa’uud, Samuu’eel iyo nebiyadii. Iimaankooda ayaa ku caawiyay iney boqorro badan ka guuleystaan, wanaag ayey sameeyeen waxeyna heleen ballanqaadki Illaahey. Waxey isku qabteen afafkii libaaxyada, waxey damiyeen dab holcaya waxeyna ka badbaadeen cadowgoodu inuu dilo iyaga. Inkastoo ey daciif ahaayeen, waxaa la siiyay awoodda ey ku ceyriyaan ciidamadii shisheeyaha ahaa. Dumar ayaa dib u helay kuwoodi ey jeclaayeen oo dhimashada kasoo sarakacay. Waxaa jiray kuwo kale oo la jir dilay, iyagoo diidaya in lasii daayo si ey u helaan sarakicid tan kasii wanaagsan. Qaar waa lagu jeesjeesay waana la garaacay, qaar kalana xabsiyada ayaa lagu xiray. Qaar dhagax ayaa lagu dilay qaarna miinshaar ayaa lagu kala gooyay qaarna seefo ayaa lagu dilay. Qaar waxey heysteen maqaar ari iyo maqaar ido oo ey dhar ka dhiganayeen. Si xun ayaa loola dhaqmay waana la silciyay. Aduunku uma qalmin dadkan wanaagsan, kuwaasoo ku lumay saxaraha iyo buuraha kuna noolaa godadka iyo dhulka hoostiisa. Iimaankooda dartiis ayaa lagu ammaanay! Laakiin waxey dhinteen iyagoo aan wixii laga ballan qaaday helin. Waayo Illaahey wax kasii wanaagsan ayuu noo hayay, mana uusan rabin iney gaaraan kaamilnimadooda anaga horteen. Waxaan heysanaa marqaatiyaal badan sidaa darteed waa inaan ka tagnaa wax walboo dib noo dhigaya gaar ahaan dembiga mar walba aan si fudud ugu dhaceyno. Aan si adkeysi leh ugu orodno tartanka Illaahey horteena dhigay. Waa inaan indhaheena Ciise ku heyno kaasoo na hogaamiya iimaankeenana dhameystira. Wuxuu u adkeystay ceebta ah in iskutallaabta lagu qodbay, waayo wuxuu ogaa inuu hadhow ku farxi doono inuu sidaas sameeyay. Haddana wuxuu fadhiyaa dhinaca midig ee carshiga Illaahey! Haddaba qalbigiina Ciise haku jiro, kaasoo u dulqaatay caaydii dembiilayaasha, si eydan u niyad jabin iskuna dhiibin. Ma jiro qof idin ka mid ah oo ku dhaawacmay dagaalka aad kula jirtaan dembiga. Laakiin miyaad gebi ahaanba ilowdeen dhamaan ereygan dhiirigelinta aan sida aabbo caruurta Illaahey ku leeyahay, “Cunugeygiyow ha fududeysan edbinta Rabbiga, hana niyad jabin markii uu ku canaanto, waayo Illaahey wuu edbiyaa qofka uu jecel yahay, wuuna ciqaabaa qof walboo uu cunuggiisa ka dhigto.” Dulqaad lahaada markii la idin saxo! Sidan ayuu Illaahey ula dhaqmaa caruurtiisa. Waalidiinta oo dhan soo caruurtooda ma saxaan? Haddii aanan la idin edbin, oo qof kasto edbin, haddaba ma tihiin kuwa sharci ah ma tihiin wiilal ama gabdho run ah. Aabayaasheenna dunidu wey na saxaan waanna ixtiraamnaa. Soo kama sii wanaagsana inaan adeecno sixida Aabaheena ruuxiga ah si aan weligeen u noolaano! Aabayaasheenna dunidu muddo yar ayey na saxaan, waxeyna adeegsadaan sida ey u arkaan iney ugu wanaagsantahay. Laakiin Illaahey wuxuu noo saxaa si anaga noo wanaagsan, waayo wuxuu rabaa inaan sidiisa oo kale quduus noqono. In lagu saxo ma aha wax lagu farxo, waana waqti xanuun leh. Laakiin haddaan barano inaan adeecno marka na la saxayo, sida saxda ah ayaan sameyn doonnaa oo nolol nabad ah ayaan ku noolaaneynaa. Sidaa darteed is adkeeya oo xoog isku yeela. “Wado sax ah ku socda” Si curyaamiintu u bogsadaan oo eysan uga sii darin. Wax kasta sameeya si aad qof waliba nabad kula noolaataan oo aad quduus u ahaataan, quduusnimo la’aanteed qofna ma arki doono Rabbiga. Ka taxadara in uusan qofna seegin nimcada Illaahey. Ha u ogalaanina in xidid xumaati ah idiin ku dhex korro kaas oo sababa dhibaato iyo nijaaseyn kuwa badan. Iska ilaaliya dadka sinada badan oo aan Illaahey aqoon sida Ceesaw oo kale, kaasoo barakadiisi ku badashay cunto hal waqti ah. Waad ogtihiin siduu uga shalaayay ee uu u rabay inuu barakadii dib u helo, laakiin waa la diiday. Inkastoo uu barakadii oohin ku doondoonay ma beddeli karin wixii uu sameeyay. Meydan imaan meel sidii buurta Siinay oo kale ah, taas oo la arki karo lana taaban karo. Dab holcaya ma jiro ama daruur madow ama duufaan, turumbada dhawaaqeeda ama codka noocaas ee ku hadlaya ereyada in kuwa maqla ey ku baryootameen in aan erey dambe iyaga loo sii sheegin, waayo uma adkeysan karin amarka Illaahey oo ahaa, “Xitaa haddii xayawaan uu buurta taabto, waxaa waajib ah in la dilo.” Meesha waxa ka dhacay wey cabsi badnaayeen xitaa Muuse ayaa yiri, “Waxaan la gariirayaa cabsi.” Laakiin hadda waxaad timaadeen buurta Siyoon iyo Yeruusaalemta jannada. Tani waa magaalada Illaaha nool, halkaasoo kumanaan malaa’iga ey iskugu yimaadeen si ey u dabaaldegaan, iyo kaniisadda curadyada, kuwaasoo magacyadoodu ey ku qoran yihiin samada. Waxaad u imaadeen Illaahey kaasoo qof walba xukuma. Sidoo kalana waxaa halkan jooga ruuxyadii kuwii xaqa ahaa ee la dhameystiray. Sidoo kale Ciise ayaa halkan jooga! Waa kan dhaxdhaxaadiyay Illaahey axdigiisa cusub, dhiigiisa tifqaya ayaa sheegaya wax ka wanaagsan dhiiggii Haabiil. Ka taxadar inaad adeecdo kan kula hadla. Waayo haddii dadka binu Israa’iil ey badbaadi waayeen markey diideen iney Muuse dhageystaan, kaasoo ah wargeeyaha dunida, miyaad u maleyneysaa iney suurtogal tahay inaad badbaado haddii aad diido inaad adeecdo kan samada kaala soo hadlaya? Waqtigaas codkiisa ayaa dhulka gilgilay, laakiin hadda ballan kale ayuu qaaday oo wuxuu yiri, “Mar labaad dhulka oo kaliya ma gilgili doono ee cirkana waan gilgili doonaa.” Ereyga “Mar labaad” Wuxuu tusayaa in waxyaalaha la abuuray maalin la gariirin doono meeshoodana laga dhaqaajin doono. Kadib wixii aan la ruxi karin ayaa jiri doona. Waa inaan ka mahadcelinaa in na la siiyay boqortooyo aan la ruxi karin. Boqortooyadaanna waxaan Illaahey ku raali galinaa inaan caabudno oo aan tusno xushmad iyo qadarin. Waayo “Illaaheena awoodiisu waa sida dab wax baabi’iya.” Walaalayaalow ku dadaala inaad is jeclaataan. Xasuusnaada inaad qariibka gurigiina kusoo dhaweysaan. Dadka qaar iyagoo sidaas sameynaya ayey malaa’ig guryahooda kusoo dhaweeyeen, iyagoo aan ka war qabin. Xasuusta kuwa xabsiyada ku jira, kana soo qaada nafsadiina oo kale. Ha illoobina kuwa silcaya, laakiin kasoo qaada nafsadiina oo kale. Guurka ixtiraama. Mar walba daacad u ahaw lamaanahaaga, waayo Illaahey wuu ciqaabayaa qof walboo sineysta ama aan daacad u ahayn guurkiisa. Noloshiina ka ilaaliya lacag jaceylka waxaad heysataanna ku qanca, waayo Illaahey wuxuu yiri, “Weligey idin ma dayici doono, weligey idinkama tagi doono.” Sidaa darteed waxaan si kalsooni ku jirto u leenahay, “Illaahey waa kan i caawiya, ma cabsan doono. Dad sideyda oo kale ah maxey igu sameyn karaan?” Ha illoobina hogaamiyayaashiini ereyga Illaahey idin baray. Xasuusta noloshii ey ku noolaayeen iskuna daya inaad iimaankooda oo kale yeelataan. Ciise Masiix weligiis isma beddelo! Waa isku mid shalay, maanta iyo weligiis. Yaan la idin ku khiyaanin waxbarid nooc kale ah. Waxaa wanaagsan in qalbiyadeena lagu xoogeeyo nimcada Illaahey ee aanan mudneyn intaan isku haleyn lahayn cuntooyin xeerkood, kuwaasoo aan faa’iido u keenin kuwa sameeya. Waxaan heysanaa meesha allabariga oo kuwa teendhada ka adeegaa eysan xaq u laheyn iney cuntadeeda cunaan. Kadib markii uu wadaadka sare keeno dhiigga meesha ugu quduusan sida qurbaanka dembiga, jirka xoolahaas waxaa lagu gubaa xerada banaankeeda. Sidaas oo kale ayuu Ciise ku silcay banaanka albaabka magaalada, sidaa darteed dhiigiisu waa inuu dadka quduus ka dhigaa. Haddaba aan banaanka xerada u baxno oo aan isaga u tagno si aan ula wadaagno ceebta. Dhulkan kuma lihin magaalo waarta laakiin waan sugeynaa magaalo sidaas ah. Qurbaankeenu waa inaan Illaahey ku ammaannaa magaca Ciise. Laakiin ha illoobina inaad kuwa kale caawisaan oo aad hantidiina la wadaagtaan. Labadan qodob waa sidii idinkoo bixinaya qurbaan Illaahey ka farxiya. Hogaamiyayaashiina ku kalsoonaada waxey idin amraanna sameeya. Wey idin ilaaliyaan, Illaahey ayaana iyaga la xisaabtamaya. Haddaba haka careysiinina markey shaqadooda gudanayaan. Ka farxiya haddii kale idin ma caawin karayaan. Noosoo duceeya. Damiirkeenu waa nadiif, mar walbana waxaan isku daynaa inaan si saxa u noolaanno. Qaas ahaan aniga iisoo duceeya si aan dhaqso mar kale idiin soo booqdo. Haddaba Illaaha nabadda, kaasoo dhiigga axdiga weligiis ah dhimashada uga soo sarakiciyay Sayidkeena Ciise, Arijirka wanaagsan ee idaha, ha idinku xoogeeyo wax walboo wanaagsan intaad sameyneysaan doonistiisa. Ciisana ha idinku caawiyo wax walboo Illaahey ka farxiya. Ciise Masiix weligiis ammaan ha u ahaato. Aamiin! Walaalayaalow, waxaan soo qoray warqad gaaban oo kaliya oo aan idin ku dhiirigeliyo, waxaanna idinka baryayaa inaad si fiican u dhageysataan wixii aan idiin soo qoray. Waxaan rabaa inaad ogaataan in walaalkeen Timoteyos xabsigii laga soo daayay. Hadduu waqti fiican halkan soo gaaro waan soo kaxeynayaa markaan idin soo booqanayo. Fadlan iigu salaama hogaamiyayaashiina iyo dadka Illaahey oo dhan. Walaalaha Talyaaniga kasoo jeedana wey idin soo salaamayeen. Nimcada Illaahey kuligiin ha idinla jirto. Warqaddan waxey ka socotaa Yacquub oo ah adeegihii Illaahey iyo Rabbigeena Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa mu’miniinta aduunka ku kala firdhisan ee kasoo kala jeeda laba iyo tobanka qabiil ee Yuhuudda. Walaalaheyga qaaliga ahaw, u arka fursad farxad weyn leh markii dhibaatooyinku idin ku dhacaan. Waayo waad garaneysaan in markii rumeysadkiina la tijaabiyo uu dulqaadkiinu korayo. Laakiin waa inaad barataan inaad u adkeysataan wax walba si aad u noqotaan kuwa koray oo dhameystiran, waxna eysan ka maqnayn. Haddii mid idin ka mid ah u baahanyahay xikmad, waa inuu Illaahey ka baryaa, waana la siin doonaa. Lagumana canaanan doono inuu weydiisatay. Laakiin markaad wax weydiisataan, waa inaad iimaan leedihiin oo eydan shaki lahayn. Qof kastoo shakiya waa sida hirka badda weyn oo duufaan wata. Dadka noocaas ah ma aha iney Rabbiga wax ka helaan. Daacadnimadooda waxey u kala qeybsan tahay Illaahey iyo aduunka, wax kastoo ey sameeyaanna ma xasiloona. Masiixiyiinta la yaso waxey leeyihiin wax ey ku faanaan, waayo Illaahey ayaa iyaga sharfay. Kuwa taajiriinta ahna haku faanaan inuu Illaah hooseysiiyay. Waxey u baabi’i doonaan sida ubaxyada duurka oo kale. Markey qoraxdu kulushahay cawskana wuu qalalaa, ubaxa baalashiisa ayaa ka daata oo quruxdooduna wey baaba’daa. Sidaas oo kalana taajiriintu wixii ey sameeyeen oo dhan wey lumi doonaan. Illaahey wuu barakeeyaa kuwa u samra imtixaanada iyo jarribaadda. Qofkaas wuxuu heli doonaa taajka nolosha ee Rabbigu ka ballan qaaday kuwa isaga jecel. Illaahey ha eedeynin markii lagu jarribo, Illaahey xumaan kuma jarribmo, oo isagu xumaa uma isticmaalo inuu dadka kale jarribo. Laakiin qof walba waa la jarribay, markey jiitaan damacyadiisa sharta leh ee dembiga geliya. Damacyadan waxey ka dhashaan falal dembiyeed. Dembiga markii la ogolaado inuu weynaado, wuxuu dhalaa dhimasho. Sidaas oo kale walaalayaal yaan la idin khiyaanin. Hadiyad kastoo wanaagsan oo kaamil ah waxey ka timaadaa Aabaha abuuray dhamaan nuurka samada. Isaga mar walba waa isku mid oo weligiis iskuma bedbedelo sidii harka oo kale. Wuxuu doortay inuu na siiyo nolosha weligeed ah markaan rumeysanay ereygiisa runta ah. Si aan u noqono miraha ugu horeeya ee abuurkiisa cusub. Walaalaheyga qaaliga ahaw, xasuusta inaad si degan wax u dhegeysataan oo hadalka iyo xanaaqa gaabisaan. Xanaaqa binu aadanku ma keeno xaqnimada uu Illaahey doonayo Haddaba iska saara dhamaan wasakhda iyo xumaanta noloshiina ku jirta, oo is hooseysiiya oo aqbala ereyga Illaahey qalbigiina ku beeray, waayo wuxuu leeyahay awood uu naftiina ku badbaadiyo. Adeeca fariinta Illaahey, hana noqonina doqomo markaad maqashaan. Waayo haddaad ereyga maqashid oo aadan adeecin, waxey la mid tahay adiga oo muraayad ku fiiriyay wejigaaga. Waxaad iloobeysaa sida aad u egtahay isla markaad baxdid. Laakiin haddaad u fiirsato sharciga kaamilka ah ee idin xoreeya, oo aad sameysaan wuxuu idin sheegayo, oo eydan illoobin waxaad maqasheen, Illaahey ayaa kugu barakeyn doona inaad sameysid. Haddaad diin sheegato oo aad carrabkaaga xakameyn weydo, adiga ayaa naftaada khiyaaneeyay, diintaaduna qiimo ma leh. Diinta Illaaha Aabaheena ka farxisa waa iney ahaato mid nadiif ah oo aan qalad lahayn. Waa inaad caawisaa agoonta iyo carmalada baahan, oo yaaney dunidu idin qaribin. Walaalayaalow, haddaad rumeysan tihiin Rabbigeena Ciise Masiix ee ammaanta leh, waa in eydan dadka u kala eexan. Kaba soo qaad nin maalqabeen ah oo xiran faraanti dahab ah iyo dhar wanaagsan ayaa yimid kulankiina, sidoo kalana waxaa yimid nin miskiin ah oo dhar duug ah qaba. Waa in aadan kursiga ugu wanaagsan siinin kan dharka wanaagsan qaba, oo kan miskiinka ahna u sheegin inuu dhinac istaago ama dhulka fariisto. Taasi waxey la mid tahay in dadka qaarkiis ey ka wanaagsan yihiin kuwa kale, adiguna waxaad u dhaqmaysaa sidii garsoore xun. Walaalaheyga qaaliga ahow u fiirsada. Dadka masaakiinta ah ee dunidan ku nool Illaah ayaa doortay iimaan badan ayuuna siiyay. Wuxuu kaloo u ballan qaaday inuu siiyo qeyb ka mid ah boqortooyadiisa mid kastoo isaga jecel. Masaakiinta ayaad si xun ula dhaqantaan. Laakiin taajiriinta miyeysan ahayn kuwa idiin taliya oo maxkamadda idin geeya? Miyeysan ahayn kuwa caayaya Ciise Masiix, oo aad magaciisa sharafta leh haysataan? Si wanaagsan ayaad yeeli doontaan, haddii aad adeecdaan sharciga ugu muhiimsan qorniinka. Waa sharciga na amraya, “Inaan dadka kale u jeclaano sida aan nafteena u jecel nahay.” Laakiin haddaad dadka qaarkiis u eexataan dembi ayaad sameyseen, oo qorniinku wuxuu leeyahay, waad dembaabteen sharcigana waad jabiseen. Waayo qofka dhawra sharciyada oo dhan laakiin jabiya hal sharci, wuxuu la mid yahay qof dhamaan jabiyay sharcigii Illaah. Illaahey wuxuu yiri, “Ha sineysanin,” laakiinse wuxuu kaloo yiri, “Qof ha dilin.” Haddaba haddii aadan sineysanin, oo aad qof disho, waxaad noqotay mid sharciga Illaahey jabiyay. Haddaba wax kastoo aad tiraahdo iyo wax kastoo aad sameyso, xasuusnoow in lagu xukumi doono sharciga na xoreeya. Kuwa aan u naxariisanin dadka kale Illaaheyna iyaga uma naxariisan doono. Laakiin haddii aad u naxariisataan, Illaahey wuu idiin naxariisan doonaa markii uu idin xukumayo. Walaalayaalow, maxey taraysaa inaad tiraahdaan rumeysad ayaan leenahay, idinkoo aan samaynin wax cadeynaya inaad rumeysateen? Iimaanka noocaas ah ma ku badbaadi kartaan? Kaba soo qaad haddii walaalkaa ama walaashaa eysan haysan dhar iyo cunto, haddii mid idin ka mid ah uu iyaga ku yiraahdo, “Nabad ku taga, diiranaada oo si fiican u quuta!” Laakiin haddii aadan wax ka qaban baahida jirkooda, maxey tareysaa? Haddaba waad aragtaan, rumeysadka aan nagu hogaamineynin camal wanaagsan waa mid aan jirin. Hadda qof ayaa ku doodi kara, “Dadka qaarkood rumeysad ayey leeyihiin kuwa kalana camal wanaagsan ayey leeyihiin.” Laakiin waxaan leeyahay, sidee ayaad ii tusi kartaa rumeysadkaaga haddii aadan camal wanaagsan lahayn? Waxaan ku tusi doonaa rumeysadkeyga iyo camalkeyga wanaagsan. Waxaad aaminsantahay inuu Illaah keli ah jiro. Taasi waa fiican tahay. Xitaa ruuxyada xun wey rumeysanyihiin arintan, oo waxey ka dhigtaa iney cabsadaan. Nacasyahow! Miyaadan arkayn in iimaan aan camal wanaagsan lahayn uusan waxba tarayn. Haddaba awoowgeen Ibraahim ayaa Illaahey ka farxiyay waxaana lagu xisaabiyay mid xaq ah markii uu wiilkiisii Isxaaq saaray meeshii allabariga si uu isaga allabari ugu bixiyo. Hadda waad aragtaan sida rumeysadkii Ibraahim iyo camalkiisu u wada shaqeeyeen. Wixii uu sameeyay wuxuu ku cadeeyay in rumeysadkiisu run yahay. Haddaba qorniinka waa la oofiyay markii uu leeyahay, “Ibraahim wuxuu aaminay Illaahey, iimaankiisa dartiis ayaana xaq looga dhigay,” sidaas ayaana loogu bixiyay saaxiibkii Illaahey. Sidaa darteed bal fiiri, waxaan sameyneyno ayuu Illaahey xaq nooga dhigay, ee ma aha rumeysadka oo kaliya. Tusaale ahaan, Raxab jirkeeda ayey ka ganacsan jirtay laakiin waxaa loo xisaabay midda xaqa ah. Waayo waxey ka farxisay Illaahey markey soo dhaweysay jaajuusiinta oo ey jid kale u dirtay. Sida jirka aan ruuxda lahayn uu u dhintay, sidaas oo kalana iimaanku waa meyd haddii uusan camal wanaagsan lahayn. Walaalayaalow, waa in aanan dhamaanteen isku dayin inaan macalimiin noqono. Runtii macalimiinta waxaa loo xukumi doonaa si ka adag kuwa kale. Dhamaanteen waxaan sameynaa waxyaalo badan oo khaldan. Laakiin haddii aad carrabkaaga xakameyn karto, waad kortay oo jirkaaga oo dhanna waad maamuli kartaa. Markeynu fardaha lijaan afka u gelino si ey noo adeecaan, waxaan leexin karnaa xayawaanka oo dhan. Waxaa loo baahanyahay dabayl xoog leh si loo dhaqaajiyo markab weyn, laakiin naakhuuduhu wuxuu isticmaalaa isteerin yar oo kaliya si uu jiha kasta ugu wado. Carrabkeenu wuu yaryahay, haddana waxyaalo waaweyn ayuu ku faanaa. Waxey qaadataa dhimbil kaliya si dabku uu uga bilowdo keynta. Carrabku waa sida dhimbil oo kale. Waa duni shar ah oo qaribta jirka oo dhan, oo qofka noloshiisa ku shida olol, oo naftiisa isku shida naarta. Dadku waxey xakameyn karaan dhamaan noocyada xayawaanka, shimbirraha, xamaaratada, iyo kalluunka badda ku jira. Laakiin qofna ma xakameyn karo carrabka. Waa wax shar ah oo aan nasan oo ey ka buuxaan sun wax disha. Mar mar carrabkeena waxaan ku ammaannaa Rabbigeen iyo Aabaheen, marna waxaan ku habaarnaa kuwa Illaah muuqaalkiisa laga sameeyay. Sidaa darteed isku af ayaa ammaan iyo habaar kasoo wada baxaan. Hubaal, walaalayaalow, arintani sax ma aha. Biyo macaan iyo biyo dhanaan kama soo wada qulquli karaan isku il? Walaalayaalow, geed berde ah miyuu dhali karaa mirro saytuun ah, canabkuna miyuu soo saaraa mirro berde ah? Biyaha macaanka ah miyey ka yimaadaan ceel ey ka buuxaan biyo dhanaan ah? Haddaad caqli leedahay oo aad jidadka Illaahey garato, waa inaad si wanaagsan u noolaataa, oo aad camallo wanaagsan ku sameyso is hooseysiinta ka timaada xigmadda. Laakiin haddii qalbiyadiinu ey ka buuxaan maseyr xun iyo is jeclaysi, haku faanina, beenna ha sheegina si aad runta u qarisaan. Xigmaddan oo kale kama soo degto samada laakiin waxey ka timaadaa aduunka, ruuxiyan ma aha waana shaydaanimo. Waayo meel alla meeshii maseyr iyo damac ka jiro, waxaad ka heli doontaan qas iyo xumaan nooc kasta leh. Laakiin xigmadda Illaahey ka timid waxey nagu hogaamisaa inaan noqono kuwo daahir ah, nabad jacel, degan, kala dambeeya, naxariis badan iyo camal wanaagsan leh, kuwo aan eexasho aqoon oo daacadna ah. Kuwa nabadda ka shaqeeya waxey beeran doonaan miraha nabadda, oo waxey goosan doonaan miraha xaqnimada. Maxaad ku dagaalameysaan oo aad ku doodaysaan? Miyeysan ka imaanin damacyada xun xun ee idinku jira? Waxaad dooneysaan wax eydan haysanin, oo waxaad sameyn doontaan wax kasta si aad u heshaan. Waxaad ka maseyrsantihiin waxa dadka kale haystaan, mana heli kartaan, sidaa darteed waxaad bilowdaan dagaal si aad uga soo qaadataan. Ma haysataan waxaad rabtaan waayo Illaahey ma eydan weydiisan. Xitaa markaad duceysaneysaan, baryadiina lama aqbalo, maxaa yeelay, waxaad u duceysataan ujeedo qaldan oo waxaad rabtaan waxyaalaha damacyadiina ka farxiya. Dadkiinan sinada badanow miyeydaan garaneyn saaxiibnimada aduunka waa cadawnimada Illaah? Sidaa darteed qof walboo aduunka la saaxiiba Illaahey ayuu cadow la noqday. Mise miyaad u maleynaysaan inuu qorniinka sabab la’aan u yiri, wuxuu si hinaaso leh ugu xiisaa ruuxa uu sababay inuu nagu dhex jiro? Laakiin wuxuu na siiyay nimco kasii badan si aan uga hortagno damacyada sharta leh. Sida qorniinku leeyahay, “Illaahey waa kasoo horjeedaa kuwa kibra, laakiin kuwa is hooseysiiya ayuu u eexdaa.” Illaah isu dhiiba. Ibliiska hor joogsada, isaguna wuu idin ka carari doonaa. Illaahey u soo dhawaada, Illaaheyna wuu idiin soo dhowaanayaa. Dembiilayaal yahow, gacmihiina nadiifiya. Qalbigiinana nadiifiya, waayo daacadnimadiinu waxey u kala qeybsan tahay Illaahey iyo aduunka. Murugooda, baroorta oo ooya. Qosolkiina oohin ku beddela. Meeshii aad ka farxi lahaydeen noqda kuwo murugeysan. Isku hooseysiiya Rabbiga hortiisa, isaguna wuu idin sareysiin doonaa. Walaalayaalow xumaan ha iska sheegina, haddaad wax iska sheegtaan oo aad is xukuntaan, waxaad eedeyneysaan oo xukumeysaan sharciga Illaahey. Laakiin shaqadaadu waa inaad u hogaansanto sharciga, ma aha inaad xukunto inuu ku khuseeyo iyo in kale. Illaahey kaligiis oo ah kan sharciga bixiyaa waa xaakim. Isaga kaligiis ayaa awood u leh inuu wax badbaadiyo ama burburiyo. Haddaba sideed xaq ugu leedahay inaad deriskaaga xukuntid? Bal dhageysta kuwiinan dhahaya, “Maanta ama berri ayaan magaalada aadi doonnaa. Muddo sanad ah ayaan ku ganacsan doonnaa halkaas, waxaanna ka sameyn doonnaa lacag badan.” Maxaad ka ogtihiin berri? Siddeed ku hubi kartaan noloshiina? Waa ceeryaamo wax yar imaaneysa kadibna baaba’eysa. Waa inaad tiraahdaan, “Haddii Rabbigu uu na daayo, waan noolaan doonaa oo aan sameyn doonaa waxyaalahan ama kuwaas.” Haddii kale waxaad ku faaneysaan qorshihiina, oo dhamaan faankaas oo dhan waa shar. Haddii uu qofku garanayo waxa wanaagsan ee uu sameyn lahaa laakiin uusan sameynin, waxey u tahay dembi. Bal eega, kuwiinan taajiriinta ahow, ooya oo aad u cabsada dhibaatooyinka xun oo idin kusoo socda aawadood. Maalkiini wuu qurmay, oo dharkiini qurxoonaana aboor ayaa cunay. Dahabkiina iyo lacagtiina waa wax aan waxba tarayn. Maalkii aad ku xisaabtami jirteen ayaa hilibkiina u cuni doona sida dab oo kale. Maalkan aad urursateen wuxuu cadayn idin ku ahaan doonaa maalinta xisaabta. Dhegaysta! Maqla oohinta shaqaalihii beerta ee aad khiyaaneyseen mushaharkooda. Mushaharkii aad bixin weyseen ayaa idin ka cabanaya. Oo oohintii kuwii beertiina goynayay waxey gaartay dhegihii Rabbiga Weyn. Inti aad dhulka joogteen, waxaad ku fikirteen inaad calooshiina buuxisaan oo aad waqti fiican qaadataan. Laakiin hadda waxaad la mid tihiin dibiyo buurbuuran oo la gowraci rabo. Idinku waxaad xukunteen oo disheen dad aan waxba galabsan, oo xitaa is difaaci kari waayay. Walaalayaal sabra inta aad sugeysaan soo laabashada Rabbiga. Bal u fiirsada sida beeraleydu u sugaan inta uu dhulku miro qiima leh u soo saaraayo, iyaga oo sabar ku sugaya roobabka guga iyo dayr. Idinka xitaa samir lahaada. Qalbiyadiina xoogeeya, waayo imaanshada Rabbigu wey dhowdahay. Walaalayaal midkiinba midka kale yuusan ka gunuunicin, haddii kale waa la idin xukumayaa, oo xaakinku albaabka ayuu taagan yahay. Walaalayaalow, ku dayda nebiyadii magaca Rabbiga ku hadlay. Wey samreen, xitaa markii uu dhib ku dhacay. Runtii, kuwii dulqaatay waxaan u aragnaa kuwo barakeysan. Waxaad xusuusan tihiin siduu Ayuub u dulqaadan jiray iyo siduu Rabbigu ugu dambeyntii u caawiyay. Maxaa yeelay, Rabbigu waa mid naxariis iyo raxmad badan. Walaalayaalow, ha dhaaranina. Waa in eydan ku dhaaranin samada, ama dhulka, ama wax kale. “Haa” ama “Maya” waa waxa kaliya ee aad u baahantihiin inaad tiraahdaan. Haddii aad wax ka badan tiraahdaan, waa la idin xukumi doonaa. Haddii ey dhibaato idin haysato, waa inaad duceysataan. Haddii aad dareentaan farxad, waa inaad ku heestaan heeso ammaan ah. Haddii aad xanuusan tihiin, weydiiya hogaamiyayaasha kaniisadda iney idiin yimaadaan oo idiin duceeyaan. Weydiiya iney magaca Rabbiga saliid idin kugu subkaan. Haddii aad rumeysad leedihiin markaad u duceysaan dadka xanuusan wey bogsan doonaan. Oo Rabbigu iyaga wuu bogsiin doonaa, oo haddii ey dembaabeen, wuu cafin doonaa. Haddii aad dembaabteen waa inaad isu sheegtaan wixii aad sameyseen. Markaas ayaad isku duceyn kartaan oo aad bogsaneysaan. Qofka xaqa ah baryadiisu wey xoog badan tahay, oo aad ayey waxtar u leedahay. Eliyaas wuxuu ahaa binu aadan anaga oo kale ah. Saddex sano iyo bar ayuu aad ugu duceystay in uusan roob da’in, dhulkana roob kuma da’in. Laakiin markii uu mar kale ku duceystay inuu roob da’o cirkiina roob ayuu soo daayay dhulkiina mirro ayuu dhalay. Walaalayaalow, haddii kuwa Masiixa raacsan ey runta ka leexdaan, lana soo celiyo, waa hubaal in qofkii soo celyay dembiilayaashaas uu iyaga ka badbaadiyay dhimasho una keenay cafiska dembiyo badan. Warqaddan waxey ka socotaa Butros, kaasoo ah rasuulka Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa dadka Illaahey doortay ee shisheeyaha ah oona ku nool gobolka Bontos, Galatiya, Kabbadokiya, Aasiya iyo Bituniya. Illaaha Aabaha ah wuu idin garanayaa oo mar hore ayuu idin doortay, Ruuxiisana wuxuu idin ka dhigay kuwa xaq ah. Sidaa darteed waad adeecdeen oo dhiigga Ciise Masiix ayaa la idin ku nadiifiyay. Waxaan baryayaa inuu Illaahey idin siiyo nimco iyo nabad buuxdo. Ammaan oo dhan ha u ahaato Illaaha ah Aabaha Sayidkeena Ciise Masiix. Naxariistiisa badan ayuu nolol cusub nagu siiyay, waayo Illaahey wuu kasoo sarakiciyay Ciise Masiix dhimashada. Haddana waxaan ku nool nahay rajo weyn, waxaanna leenahay dhaxal aan weligiis dhamaaneyn, halaabeyn ama aan baaba’eyn. Dhaxalkaan jannada ayaa la idiin ku hayaa. Iimaankiina dartiis ayaa Illaahey idin ku ilaalinayaa xoogiisa illaa aad ka heshaan badbaadada, taas oo diyaar u ah in la muujiyo maalinta ugu dambeyso. Sidaa darteed runtii ku farxa waayo farxad cajiib ah ayaa idin ka horeysa, inkastoo aad xoogaa jarribaad ah aad mareysaan. Jarribaadaan waxey tuseysaa in iimaankiinu yahay mid dhab ah. Waxaa loo tijaabinayaa sida dabku u nadiifiyo dahabka, inkastoo iimaankiinu ka qiimo badanyahay dahabka. Sidaa darteed markii uu iimaankiinu weli xoog leeyahay isaga oo maray jarribaad badan, wuxuu idiin keeni doonaa ammaan iyo sharaf badan marka Ciise Masiix loo muujin doono aduunka oo dhan. Inkastoo eydan isaga arkin waad jeclaateen, inkastoo eydan hadda arkin, waad aaminteen oo farxad aan la soo koobi karin iyo ammaan ayaa idin ka buuxsantay. Waayo waxaad heli doontaan badbaadada naftiina, taas oo ka timid iimaanka aad isaga aaminteen dartiis. Badbaadadan waa tan nebiyada rabeen iney gartaan markey wax sii sheegayeen kuwaasoo ka hadlay nimcada idiin imaaneysay, si taxadar leh u baaray daryeel weyn. Iyagoo isku dayaya iney ogaadaan waqtiga ama xaaladda uu Ruuxa Masiixa ee iyaga ku jiro ka hadlayo wax ku saabsan silaca Masiixa iyo ammaantiisa weyn ee imaan doonta. Waxaa iyaga loo muujiyay ineysan isu adeegeynin, laakiin idinka. Haddaba warka wanaagsan waxaa idiin ku wacdiyay kuwa isticmaalay awoodda Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray. Aad ayeyna cajiib u tahay xitaa malaa’igta iyagoo fiirsanaya waxyaalahan dhacaya oo dhan. Sidaa darteed, idinka oo caqligiinu soo jeedo, rajadiina saarta nimcada imaaneyso marka Ciise Masiix la soo muujin doono. Sida darteed waa inaad u noolaataan sida caruurta Illaahey oo ah kuwa isaga adeeca, hana ku laabanina noloshiini hore oo ah inaad ka farxisaan damacyadiina sharta ah. Laakiin hadda waa inaad quduus ahaataan, waxyaalaha aad sameysaan oo dhan quduus ku ahaada. Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Quduus ahaada, waayo aniguba waxaan ahay quduus.” Xasuusta Aabaheena aad ku duceysataan qofna uma eexdo. Wuxuu idin ku xukumi doonaa ama idin ku abaalgudi doonaa waxaad sameyseen. Sidaa darteed waa inaad ku noolaataan cabsida Illaahey idinkoo dhulka dadeed shisheeya ahaan ugu nool. Waayo waad garaneysaan inuu Illaahey idin kasoo madax furtay noloshii aan qiimaha lahayn ee aad ka dhaxasheen awoowayaasheen. Madax furashadaas uma bixinin wax sida dahab ama qalin ah. Laakiin waxaa la idin ku madax furtay dhiigga Masiixa oo qiimo leh, Wan aan xumaan ama cilad lahayn. Waxaa la doortay mar hore intaan aduunka la abuurin, laakiin waxaa la muujiyay waqtiga ugu dambeeya idinka dartiin. Ciise wuxuu sameeyay darteed ayaad Illaahey ku aaminteen, kaasoo isaga kasoo sarakiciyay dhimashada oona ammaanay, sidaa darteed iimaankiina iyo rajadiina waxey saarantahay Illaahey. Dembiyadiina ayaa la idin ka nadiifiyay markaad adeecdeen runta, haddaba waa inaad jaceyl run ah istustaan idinkan walaalaha ah. Si dhab ah qalbigiina iskaga jeclaada. Waayo waxaad mar labaad ka dhalateen abuur aan weligiis halaabeyn. Noloshaada cusub waa tan weligeed ah waayo waxey ka imaatay tan weligeed ah adiga oo ku noolaanaya ereyga Illaahey. Waayo, “Dadka oo dhan waa sida caws, ammaantooduna waa sida ubaxa beerta ku yaala, cawsku wuu qalalaa ubaxuna uu dhacaa. Laakiin ereyga Illaahey weligiis ayuu joogi doonaan.” Ereygaasna waa warka wanaagsan kaasoo la idiin wacdiyay. Sidaa darteed ka fogaada waxyaalaha xaasidnimada, khiyaanada, labawejiilenimada, maseyrka iyo aflagaadada leh. Sida cunugga yar ee hadda dhashay ugu baahanyahay caanaha saafiga ah ee ruuxiga, si aad badbaadadiina ugu kortaan. Waayo haddaba waad dhadhamiseen wanaaga Rabbiga. Waxaad u imaaneysaan Masiixa, kaasoo ah dhagaxa nool ee binu aadanku diiday laakiin Illaahey doortay una ah mid qiimo leh. Idinkuna waxaad tihiin sida dhagaxa nool ee Illaahey ku dhisanayo macbadkiisa ruuxiga ah. Waxaa intaas sii dheer inaad tihiin wadaadadiisa quduuska ah. Idinka oo Ciise Masiix u maraya ayaad u bixineysaan allabariyo Illaahey ku faraxsanyahay. Waayo qorniinku wuxuu leeyahay, “Bal fiiri, waxaan Siyoon dhigay dhagax, dhagax la doortay kaasoo qiimo leh, midka isaga aaminana weligiis lama ceebeyn doono.” Haddaba idinkan aaminsan, dhaguxu waa mid qiimo leh. Laakiin kuwa aan aaminsaneyn, “Dhagixii ey kuwa guriga dhisaya diideen ayaa noqday dhagaxa ugu muhiimsan dhismaha guriga.” Sidoo kalana, “Waa dhagax sababa iney dadku ku turunturoodaan, waa dhagax weyn oo iyaga oo dhan ku sababa iney kufaan.” Wey turunturoonayaan waayo waxey diideen fariinta, taas oo ah mid iyaga loogu talagalay. Laakiin idinku waxaad tihiin dadka la doortay, wadaaddada daacada ah, jiilka quduuska ah, kuwa Illaahey leeyahay. Waxyaalahan dartood waa inaad wanaaga Illaahey kuwa kale tustaan. Markii hore ma eydan ahayn dadka Illaahey, laakiin hadda waad tihiin, markii horey ma eydan helin naxariista, laakiin hadda waxaad hesheen naxariis. Saaxiibayaalow, waxaan idiin ka baryayaa sida shisheeye la musaafuriyay, ka fogaada damacyada dembiga ee la dagaalama naftiina. Ku noolaada nolol wanaagsan inta aad dadka aan Illaahey garaneyn ku dhex jirtaan, inkastoo ey idin ku eedeeyaan inaad wax xun sameyneysaan, maalinta uu Illaahey wax xukumayo ayey arki doonaan camalkiina wanaagsan oo ey Illaahey ammaani doonaan. Rabbiga dartiis adeeca amarrada binu aadanka oo dhan, xitaa haddii uu yahay boqorka madaxa u ah gobolka, ama taliyayaasha, kuwaasoo loo soo diray si ey u ciqaabaan kuwa xumaanta sameeyay una abaal mariyaan kuwa wanaaga sameeyay. Waayo doonista Illaahey inaad wanaag sameysaan si aad u aamusiiso kuwa jaahiliinta ah oo eed doqonnimo ah idinku sameynaya. U noolaada sida dad xoreysan, laakiin xornimadiina ha u isticmaalina inaad wax shar leh ku sameysaan. U noolaada sida adeegaha Illaahey oo kale. Qof walba xushmeeya, jeclaada walaalaha masiixiyiinta ah, Illaaheyna ka cabsada oo sharfa madaxdiina. Adeegayaalyahow, waa inaad aqbashaan amarka sayidyadiina idinka oo xushmeynaya. Sameeya waxey idin dhahaan ma aha kuwa idiin wanaagsan oo idin tixgelinaya kaliya laakiin sidoo kale kuwa idin ku adkeynaaya. Waayo Illaahey wuu ku farxaa markaad sameysaan waxa xaqa ah oo aadna u dulqaadataan sida xaqa ahayn ee la idiin la dhaqmo. Laakiin maxey kuu tari haddii lagugu garaaco waxa xun ee aad sameysay oona u dulqaadatay dartood? Laakiin haddii aad dhibaato u marto wanaaga aad sameysay dartiis oona u dulqaadatay, Illaahey wuu kugu farxayaa. Waayo Illaahey wuxuu idiin kugu wacay inaad wanaag sameysaan, xitaa haddii ey tahay inaad dhibaato martaan, sida uu Masiixu darteen ugu dhibaatooday. Isagu waa tusaalaheena, idinkuna waa inaad raacdaan waxyaalihii uu sameeyay. “Dembi ma uusan galin, wax khiyaano ahna afkiisa lagama maqlin.” Markii la caayeyna, wax caay ah kuma uusan celinin, markii uu silcayayna qofna uma hanjabin. Laakiin dacwadiisa wuxuu u dhaafay Illaahey, kaasoo mar walba si xaq ah wax u xukuma. “Isaga ayaa dembigeena ku qaaday” jirkiisa markii uu iskutallaabta saarnaa, si aan uga dhimano dembiga oo aan ugu noolaanno xaqnimada, “Waayo nabaradiisi ayaa na bogsiiyay.” Waayo, “Waxaad ahaydeen sida lax luntay,” laakiin hadda waxaad u soo laabateen Arijirka iyo Ilaaliyaha naftiina. Sidaas oo kalana dumaryahaw nimankiina ka dambeeya. Inkastoo kuwa qaar ey diidaan iney adeecaan warka wanaagsan, noloshiina quduuska ah ayaa iyaga soo jiidan doonta iyagoo aan lala hadlin, markey arkaan daahirnimada iyo xushmada noloshiina. Quruxdiina yeysan ka imaanin xagga banaanka, sida timo la sameeystay, waxyaalaha la xirto ee dahabka ah iyo dhar fiican. Laakiin waa iney ka timaadaa gudaha, quruxda aan dhamaaneynin ee ah ruuxa qabow ee degan, taas oo Illaahey hortiisa qiimo ku leh. Waayo haweenkii hore ee quduuska ahaa ee rajadoodi saartay Illaah ey isu qurxin jireen. Nimankoodana wey ka dambeyn jireen. Sida Saarah, taas oo adeecday Ibraahim oo ugu yeeri jirtay sayid. Waxaad tihiin gabdhaheeda haddii aad sameysaan waxyaalaha saxda ah idinka oo aan cabsi lahayn. Nimanyahaw idinkuna sidoo kale waa inaad tixgelisaan sida aan ula nooshihiin xaasaskiina. Xaaskaaga ula dhaqan si fahan leh idinka oo isla nool. Waxaa laga yaabaa iney kaa daciifsantahay, laakiin waad ka simantihiin xagga nolosha cusub oo ah hadiyada Illaahey, si aan ducadaada lagaaga diidin. Ugu dambeyntii, dhamaan waa inaad lahaataan isku fikrad, waa inaad isu naxariisataan, is jeclaada oo is hooseysiiya. Shar shar haku gudina caayna caay haku gudina. Laakiin waxaas oo dhan waxaad ku gudaan barako. Waayo waxyaalahan inaad sameysaan ayuu Illaahey idiin ku yeeray, darteed ayuuna idin ku barakeyn doonaa. Waayo, “Mid walboo nolosha jecel oo raba inuu maalmo wanaagsan ku noolaado waa inuu carrabkiisa ka ilaaliyaa waxyaalaha sharta leh oo afkiisana ka ilaaliyaa hadallo khiyaano leh. Waa iney ka laabtaan waxyaalaha sharta leh oo ey sameeyaan wanaag, waa iney raadiyaan nabad oona ka shaqeeyaan. Waayo indhaha Illaahey waxey fiiriyaan kuwa sameeya waxa saxda ah, dhegihiisana wey u furanyihiin ducadooda, laakiin Illaahey wuu ka jeestaa kuwa waxa sharta ah sameeya.” Yaa dhib idiin geysan doona haddii aad xamaasad u qabtaan inaad wanaag sameysaan? Laakiin xitaa haddii aad u silacdaan waxa xaqa ah waad barakoobi doontaan, “Haka cabsanina hanjabaadooda, hana ka argagixina.” Laakiin qalbiyadiina kaga dhiga quduus Rabbiga Masiixa ah. Haddii uu qof ku weydiiyo waxa ku saabsan rajadaada sida masiixnimada, mar walba diyaar u noqo inaad u sharaxdo. Laakiin arintan u samee si qabow oo xushmad leh. Qalbiyadiina saafi ha ahaadaan, kadibna haddii ey dadku wax idin ka sheegaan wey ceeboobi doonaan markey arkaan nolosha wanaagsan ee aad ku nooshihiin waayo waxaad tihiin kuwa Masiixa. Waayo wey roontahay, haddii aad u silicdo wanaaga aad sameysay dartiis haddii uu Illaahey ka raali yahay, intii aad wax shar ah sameyn lahayd. Waayo Masiixu mar ayuu dembigeena dartiis u silcay, kuwa xaq ah iyo kuwa aan xaq ahaynba, si uu anaga Illaahey noogu geeyo. Jir ahaan ayuu u dhintay laakiin Ruuxa ayaa lagu nooleeyay. Kadib markii la nooleeyay, wuxuu u soo wacdiyay ruuxyadii xabsiga ku jiray. Kuwaas oo horey u caasiyay markii uu Illaahey dulqaad ku sugayay iney toobadkeenaan waqtigii uu Nuux dhisayay doonta. Siddeed qof oo kaliya ayaa ka badbaaday daadkii aadka u badnaa. Biyahaasna waxey calaamad u yihiin baabtiiska, kaasoo idin badbaadiyay, ma aha iney wasakh jirkiina ka saaraan, laakiin waa sida u laabashada Illaahey adiga oo uu qalbigaagu saafi yahay. Waxey idin ku badbaadineysaa sarakacidda Ciise Masiix. Haddaba Masiixu wuxuu tagay jannada, wuxuu fadhiyaa dhinaca midig ee Illaahey, malaa’igta iyo awoodaha samada oo dhan waxey ka dambeeyaan amarkiisa. Sidaa darteed, sida uu Masiixu ugu silcay jirkiisi, sidoo kale idinkuna fikradaas lahaada, waayo mid walboo silac mara, wuu dhaafay inuu dembaabo. Taasna waxaa ka yimaada in eysan ku noolaanin nolosha aduunka ee sharta leh damaca binu aadannimadana leh, laakiin waxey u noolaanayaan doonista Illaahey. Waayo horey ayaad waqti badan ku lumiseen inaad sameysaan waxa dadka aan Illaahey garaneyn ey doorteen iney sameeyaan, najisnimo iyo damacyada jirka, sarqaanimo, dabaaldegga khamri cabid iyo sanam caabudida karaahida ah. Saaxiibadiini hore wey yaabanyihiin waayo ma eydan ku biirin waxyaalaha taxadar la’aanta ah oo ey sameynayaan, sidaa darteed wey idin caaynayaan. Laakiin xasuusta waa iney Illaahey hortiis ku jawaabaan, kaasoo dadka oo dhan xukuma kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Taas darteed ayaa injiilka loogu wacdiyay xitaa kuwa dhintay, si loogu xukumo jir ahaan oo eyna weligood Illaahey ula noolaadaan xagga ruuxiga. Dhamaadka aduunku waa soo dhowaaday. Sidaa darteed soo jeeda ducada ku dadaala. Waxa wax walba ugu muhiimsan waa inaad si dhab ah isu jeclaataan, waayo jaceylku wuxuu qariyaa dembiyo badan. Idinka oo ku faraxsan gurigiina la wadaaga kuwa u baahan cunto ama meel ey joogaan. Mid walba waa inuu isticmaalaa hadiyada uu helay si uu ugu adeego kuwa kale, sida wakiil aamin ah oo helay nimcada Illaahey ee kala duduwan. Haddii aad leedahay hadiyad hadal ah, waa inaad u hadashaa si u eg inuu Illaahey kaa dhex hadlayo. Haddii midkiin yahay adeege, waa inuu u adeegaa si xoog leh taas oo ka timid xagga Illaahey. Kadibna wax walboo aad sameysaan waxey ammaan u keeneysaa Illaahey isaga oo u maraya xagga Ciise Masiix. Ammaan oo dhan iyo awood waxaa weligiis leh isaga! Aamiin. Saaxiibayaalow, hala yaabina waxyaalaha xanuunka leh ee aad mareysaan, waayo waxaad tihiin kuwa Masiixa. Waxyaalahaas waa la idin ku tijaabinayaa oo kaliya, sidaa darteed ha u maleynina iney waxyaalo cajiib ah idin ku dhacayaan. Laakiin ku farxa, waayo tijaabooyinkaan waxey idin ka dhigayaan inaad Masiixa kula midowdaan silaca. Si aad farxad badan u lahaataan marka ammaantiisa la soo muujiyo. Haddii magaca Masiixa dartiis la idin ku caayo waad barakeysantihiin, waayo Ruuxa ammaanta Illaahey wuu kugu kor nastaa. Haddii aad silicdid, waa in eysan ahayn wax ku saabsan dil, tuugnimo ama wax kale oo dembi ah ama eydan ahayn kuwa waxyaalaha dadow dhex gala. Laakiin haddii aad u silicdid masiixnimada darteed waa in aadan ceeb dareemin, laakiin waa inaad Illaahey ku ammaantaa magacaad haysatid dartiis. Waayo waqtigi xukunka waa la gaaray, waa qasab iney ku bilaabato dadka Illaahey. Haddii uu xukunku anaga nagu bilaabanayo, maxaa ku dhici doona kuwa aan weligood adeecin injiilka Illaahey? Sidoo kale, “Haddii ey ku adkaatay kuwa xaqa ah iney badbaadaan, maxaa ku dhici doona kuwa aan Illaahey garaneyn oo dembiilayaasha ah?” Sidaa darteed kuwa silaca u maraya doonista Illaahey darteed waa iney isku haleeyaan Abuurahooda aaminka ah eyna sii wadaan iney wanaaga sameeyaan. Haddaba odayaasha idin ka tirsan, waxaan idin leeyahay aniga oo ah oday sidiina oo kale una ah marqaati silaca Masiixa. Aniga xitaa waan la wadaagi doonaa ammaantiisa markii uu u soo muuqdo aduunka. Daryeela dadka idin ka hooseeya ee Illaahey idin ku aaminay. Ilaaliya, mana aha in la idin ku qasbay, laakiin waa iney idin ka timaadaa sida uu Illaahey rabo inaad ahaataan. Mana aha inaad nafsadaada wax kaga heshid laakiin u samee adeegida Illaahey darteed. Ha isku dayina inaad u noqotaan sida taliye dadka Illaahey idin ku aaminay, laakiin u noqda tusaale. Kadibna markii uu Arijirka madaxda ah uu yimaado, waxaad heli doontaan taajka ammaanta oo aan weligiis baaba’eyn. Sidoo kale, idinkan dhaliyarada ahow, ka dambeeya odayaashiina. Dhamaantiin, si naxariis leh iskugu adeega, waayo, “Illaahey wuu diidaa kuwa kibirka leh laakiin kuwa is hooseysiiya wuxuu tusaa asxaan.” Isku hooseysii awoodda weyn ee Illaah, si uu waqtigiisa si sharaf leh idin ku sareysiiyo. Welwelkiina oo dhan u dhiiba isaga waayo wuu idin daryeelaa. Soo jeeda! Iska ilaaliya cadawgiina weyn ee ah ibliiska. Wuxuu u ciyaa sida libaax wareegaya isaga oo doonaya qof uu cuno. Waa inaad diidaan, oo aad iimaankiina ku adkeysataan, waayo waa inaad ogaataan in walaalaha aduunka jooga oo dhan ey marayaan dhibaatadan oo kale. Illaaha nimcada oo dhan leh, kaasoo idiin ku yeeray ammaantiisa weligeed ah isaga oo u maraya Masiixa, markaad xoogaa yar silacdaan kadib wuu idin kaamili doonaa wuuna idin xoogeyn doonaa oo wuu idin adkayn doonaa. Awood oo dhan isaga ha u ahaato weligeed. Aamiin. Warqaddan waan soo qoray oo waan soo diray aniga oo ka helay caawimaad Silas, kaasoo aan idiin sheegay inuu yahay walaal aamin ah. Waxaan si kooban idiin ku soo qoray inaan idin dhiirigeliyo oona ka marqaatifuro iney tani tahay nimcada runta ah ee Illaahey. Kuna adkeysta. Kaniisadda walaalaha ee ku taalo Baabuloon wey idin soo salaameen, sidoo kalana wiilkeygi Markos. Isku salaama dhunkashada jaceylka ah. Nabad ha idiin ahaato dhamaan kuwiinan masiixiyiinta ah. Warqaddan waxey ka socotaa Simoon Butros, adeegihii iyo rasuulkii Ciise Masiix. Waxaan u qorayaa idinkan wadaaga isla iimaanka qaaliga ah ee aan anaguna haysano. Iimaankan waxaa la idin ku siiyay xaqnimada Illaaheena iyo badbaadiyaheena Ciise Masiix darteed. Waxaan Illaahey ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad buuxdo idinka oo ku koraya aqoonta Illaahey iyo Ciise oo ah Sayidkeena. Illaahey awooddiisa rabaaniga ah ayuu nagu siiyay wax walboo aan u baahanahay si aan ugu noolaanno nolol cibaado leh. Waxyaalahan oo dhan waxaan helnay markaan isaga garanay, kaasoo ah midka noogu yeeray ammaantiisa iyo wanaagiisa. Waxyaalahan dartood ayuu nagu siiyay ballamadiisa waaweyn ee qaaliga ah, si aan uga qeyb qaadano dabeecada rabaaniga oo aan ka baxsano kharibaada dunidan ee ka timaada damacyada jirka. Sababtan darteed, ku dadaala inaad iimaankiina ku dartaan wanaag, wanaagana ku dara aqoon, aqoontana iscelin, iscelintana dulqaad, dulqaadkana cibaado, cibaadadana waxaad ku dartaan is daryeelid, daryeelkaasna jaceyl. Haddii aad waxyaalahan lahaataan oo ey idinku kordhaan, waxey idin ka ilaalinayaan inaad noqonin kuwa aan waxtar iyo wax soo saar u lahayn aqoonta aad u leedihiin Sayidkeena Ciise Masiix. Laakiin mid walboo aan waxyaalahaas sameyn wuu aragti gaabanyahay ama waa indhoole, waxeyna ilowsanyihiin in dembiyadoodi hore laga soo nadiifiyay. Sidaa darteed walaalayaalow, ku dadaala inaad cadeysaan inaad ka tirsan tihiin kuwa Illaahey u yeeray uuna doortay. Haddaad sameysaan waxyaalahan ma turunturoon doontaan weligiin. Kadibna Illaahey wuxuu si weyn idin kusoo dhoweyn doonaa boqortooyada weligeed ah ee Sayidkeena iyo Badbaadiyaheena Ciise Masiix. Sidaa darteed mar walba waan idin xasuusin doonaa waxyaalahan, inkastoo aad garaneysaan oo aadna ku adkeysateen runta aad hadda haysataan. Waxaan u maleynaya iney sax tahay inaan idin xasuusiyo intaan jirkaan ku noolahay. Waayo Sayidkeena Ciise Masiix wuxuu i tusay inaan dhiman doono. Sidaa darteed waan ku dadaalayaa inaad mar walba waxyaalahan xasuusataan markaan dhinto kadib. Waayo anagu ma sameynin sheeko been ah markaan idiin sheegnay wax ku saabsan imaanshaha awoodda leh ee Sayidkeena Ciise Masiix. Laakiin waxaan marqaatiyaal u nahay weynaantiisa. Wuxuu Illaaha Aabaha ah ka helay sharaf iyo ammaan markii uu cod ka imaaday xagga Illaaha Weyn ee Ammaanta leh, isaga oo dhahaya, “Kani waa Wiilkeyga aan jeclahay, waana ka raali noqday.” Anaga ayaa codkan maqalnay kaasoo ka yimid samada markaan isaga la joognay buurta quduuska ah. Waxaan kaloo haysanaa fariinta wax sii sheegida ee aan ku kalsoonnahay, waa inaad si fiican uga fiirsataan waxey qoreen, waayo hadaladoodu waa sida feynuus ka iftiimaysa meel mugdi ah, illaa uu waagu baryo oo Ciise kaasoo ah xiddiga waaberiga uu ka dhex iftiimo qalbiyadiina. Muhiimadu waa inaad fahantaan in eysan jirin wax sii sheegid qorniinka ku jirta oo ka timid nebi fahamkiis, ama binu aadanka. Maya, nebiyadaas waxaa ka dhex shaqeyn jiray Ruuxa Quduuska ah, waxeyna ka hadli jireen waxyaalaha xagga Illaahey ka yimaada. Laakiin sidoo kale dadka dhexdooda waxaa ka jiray nebiyo been ah, sida ey u ahaan doonto in macalimiin been ah idin ku dhex jiri doonaan. Si qarsoon ayey u bari doonaan waxyaalo runta ka duwan, oo wey diidi doonaan Sayidka kaasoo madax furtay. Sidaa darteed waxey isku keeni doonaan hoog degdeg ah. Badankoodu waxey raaci doonaan waxbaridooda qariban taas oo sababi doonta in kuwa kale been ka sheegaan jidka runta ah. Hunguri weynidooda darteed ayey soo alifi doonaan sheeko been ah si ey lacag idin kaga qaataan. Laakiin Illaahey horey ayuu u xukumay, hoogoodana lama daahin doono. Waayo Illaahey uma naxariisan xitaa malaa’igta dembaabtay. Wuxuu ku tuuray hogga mugdiga ah ee naarta iyagoo silsilado ku xirxiran si ey halkaas u joogaan illaa maalinta xukunka la gaaro. Illaahey ma dhaafin dadkii aduunka horey u joogay markii uu u keenay daad kuwii aan cibaadada lahayn, waxaan ka ahayn Nuux kii wacdiyaha xaq ah ahaa iyo toddobo kale oo reerkiisa ka tirsanaa. Kadibna Illaahey wuxuu xukumay magaalooyinkii Sodom iyo Gomora wuu gubay oo dambas ayuu ka dhigay, wuxuuna tusaale uga dhigay waxa ku dhici doona kuwa aan cibaadada lahayn. Illaahey wuxuu badbaadiyay Luud waayo wuxuu ahaa nin xaq ah kaasoo ku dhibtooday anshax xumida kuwa sharci laawayaasha ah. Waayo ninkaas xaqa ah dhexdooda ayuu ku noolaan maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa noloshiisa xaqa ah silciyay shuqulada sharcidarada ah uu arkay oona maqlay. Haddaba ma aragtaan, Rabbigu wuu garanayaa siduu uga badbaadiyo jarribaadda kuwa ku nool nolol isaga ka farxisa, oo uu kuwa aan xaqa ahayn u ciqaabo illaa maalinta xukunka. Gaar ahaan wuxuu si adag ula dhaqmaa kuwa raaca najaasta damaca jirkooda, oo yasa taliyayaasha. Dadkaas aad ayey u kibir badanyihiin oo u madax adagyihiin, kama cabsadaan iney caayaan malaa’igta samada joogta. Xitaa malaa’igta kuwaasoo leh awood iyo xoog ka weyn iyaga, ma caayaan kuwa samada jooga markey xukun xagga Rabbiga uga keenaan. Laakiin dadkan waxey caayaan waxyaalaha eysan fahmeynin. Waa sida xayawaano mana fikiraan, xayawaano dareenkooda raaca kuwaasoo loo dhalay in la qabto oo la dilo, sida xayawaanada iyaguna wey baabi’i doonaan. Xaqdarada ey sameeyeen waxaa loogu abaalgudi doonaa xaqdaro. Waxey jecelyihiin iney ku raaxeystaan waxyaalaha sharta ah iyadoo la wada arkayo. Waa kuwo wasakh iyo cilado leh, waxeyna ku raaxeystaan khiyaano markey idin la cunteynayaan. Waxey ku sineystaan indhahooda, mana joojiyaan iney dembaabaan. Kuwa aan iimaanka ku korin ayey khiyaanaan, waxey qalbiyadooda bareen hunguri weyni oo waxaa ku dhacday inkaarta Illaahey. Waxey ka tageen jidkii wanaagsanaa oo waxey ku daydeen Balcaam inankii Becoor kaasoo jeclaa inuu waxyaalo xun lacag ku helo. Laakiin isaga waxaa xumaatii uu sameeyay ka canaantay dameer, xayawaan aan hadli karin ayaa ku hadlay cod binu aadan oo nebiga ka celiyay inuu waxyaalo doqonnimo ah sameeyo. Dadkan waa sida ilo aan biyo lahayn iyo ceeryaamo ey dabeyshu qaado. Wuxuu Illaahey u diyaariyay meel mugdi ah. Waayo waxey ku hadlaan faan aan micno lahayn, iyagoo muujinaya damacyada badan ee jirka, waxey soo jiitaan dadka doonaya iney ka guuleystaan kuwa nolosha qaldan ku nool. Waxey ka ballanqaadaan xornimo laakiin xitaa iyagu waxey adoon u yihiin dabeecadooda xun, waayo dadku waxey adoon u yihiin waxa iyaga sayid u ah. Dadku markey ka baxsadaan waxyaalaha sharta leh ee dunidan oo ey gartaan Sayidkeena iyo Badbaadiyaheena Ciise Masiix oo ey haddana isku mashquuliyaan waxyaalaha xun oo dembiguna adoonsado, wey kasii darnaan doonaan sidii hore. Waxaa u roonaan lahayd in eysan garanin jidka xaqa ah, intey garan lahaayeen oo kadibna diidi lahaayeen amarka la siiyay ee ah iney ku noolaadaan nolol quduus ah. Waxey cadeeyeen in maahmaahdan ey runtahay, “Eeygu wuxuu dib u cunaa matagiisa.” Mid kalana waxey tiraahdaa, “Doofaar la nadiifiyay wuxuu ku laabtaa dhoobada.” Saaxiibadeyda qaaliga ahow, tani waa warqadeydii labaad ee aan idiin soo diray. Waxaan labada warqad idiin kugu soo diray si aan idin ku dhiirigeliyo inaad si daacad ah u fikirtaan aniga oo idin xasuusinayo waxyaalihii aad horey u barateen. Waxaan rabaa inaad xasuusataan Hadalladii nebiyada quduuska ah ey mar hore sheegeen iyo wixii Sayidkeena iyo Badbaadiyaheena nagu amray isaga oo u maraya rasuuladiini. Waxa ugu muhiimsan waa, inaan idin xasuusiyo in maalmaha ugu dambeeya ey imaan doonaan kuwa idin ku jeejeesaya, waxeyna ku jeejeesi doonaan runta oo waxey raaci doonaan damacyadooda sharta leh. Waxey dhihi doonaan, “Maxaa ku dhacay ballankii ahaa inuu Ciise ‘imaan’ doono mar kale? Ka hor waqtigii awoowayaasheen, wax walba waxey ahaayeen isla sidii illaa waagii aduunka la abuuray.” Laakiin wey is ilowsiiyeen inuu Illaahey samada ku sameeyay erey kaliya oo uu dhulkana ka sameeyay biyo uuna ku wareejiyay biyo. Kadibna biyihii ayuu isticmaalay oo uu dunida waqtigaas daad lagu baabi’iyay. Isla ereygii ayuu Illaahey ku amray samada iyo dhulka hadda jira iney sii jiraan illaa markii uu xukun ku keeni doono dadka eysan noloshooda isaga ka farxin. Saaxiibayaalow, ha illoobina hal wax, hal maalin Illaahey agtiisa waxey ka tahay kun sano, kun sanana waxey agtiisa ka tahay sida hal maalin oo kale. Rabbigu kama raago inuu ballantiisa oofiyo, sida kuwa kale u maleeyaan. Laakiin wuu idiin dulqaataa, isaga oo aan rabin in midkiin lumo, oo laakiin raba in qof walba toobadkeeno. Laakiin maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono waxey u imaan doontaa si qarsoodi ah. Samooyinka guux ayey ku burburi doonaan, waxyaalaha kalana waxey ku baabi’i doonaan dab, aduunka iyo waxa ku jira oo dhan waa la gubi doonaa. Haddii ey waxyaalahan oo dhan sidan u baabi’i doonaan, maxaad go’aansateen inaad noqotaan? Waa inaad ku noolaataan nolol quduus ah oo cibaado leh. Idinka oo sugaya maalinta uu Masiixu soo laaban doono, waa inaad isku daydaan iney maalintaas si degdeg ah u timaado. Waxyaalaha uu Illaahey sameyn doono dartood, samada waa la baabi’in doonaa, waxyaalaha kalana waa la gubi doonaa. Laakiin waxyaalahaas oo dhan markey dhacaan kadib waxaan sugeynaa samo iyo dhul cusub kuwaasoo uu naga ballan qaaday, aduun uu xaqnimada Illaahey ka buuxo. Sidaa darteed saaxiibayaalow, idinka oo sugaya waxyaalahan, ku dadaala inaad hortiisa ugu noolaataan nolol nabad leh oo kaamil iyo eed la’aan ah. Midna xasuusta, dulqaadka Rabbiga inuu idin siinayo waqti aad kusoo badbaadaan. Sida uu walaalkeena qaaliga ah Bawlos idiin kugu soo qoray xigmadda uu Illaahey isaga siiyay. Isaga oo warqadihiisa kaga hadlaya waxyaalahan. Warqadihiisa waxaa ku jira waxyaalo ey adagtahay in la fahmo, taas oo ey kuwa madaxa adag iyo kuwa aan iimaanka ku korin si aan sax ahayn u faafaahiyeen sida ey ku sameeyaan qorniinka kale. Tanina waxey u keeni doontaan ciqaab. Sidaa darteed walaalayaalow, intaan waqtigaas la gaarin ka hor ayaan idin waaninayaa, is ilaaliya, ha ogolaanina iney dadkaas sharta leh idin khiyaanaan iyagoo idiin sheegaya waxyaalaha aan saxda ahayn, taas oo idin ku sababeysa inaad ka labalabeysaan waxa aad hadda aaminsan tihiin. Laakiin ku kora nimcada iyo aqoonta Sayidkeena iyo Badbaadiyaheena Ciise Masiix. Ammaan oo dhan isaga ayaa leh, hadda iyo weligeedba! Aamiin. Ereyga aan idin ku wacdinay waa mid jiray tan iyo bilowgii. Midka aan maqalnay oo aan ku aragnay indhaheena, oo waxaan ku taabannay gacmaheena. Waayo isagu waa ereyga nolosha. Kan ah nolosha ayaa na loo muujiyay, waana aragnay. Xitaa waxaan idiin ku marqaatifuraynaa oo idiin sheegeynaa inuu isagu yahay nolosha weligeed ah. Wuxuu la joogay Aabaha, kadibna waa na loo muujiyay. Waxaan idiin sheegeynaa inaan aragnay oo maqalnay, si aad noogu soo biirtaan oo noo wehlisaan. Oo waxaan wehel wadaagnaa Aabaha iyo Wiilkiisa, Ciise Masiix. Waxaan waxyaalahan u qoraynaa si farxadeenu u dhameystiranto. Tani waa fariintii aan ka maqalnay Ciise haddana waan idiin sheegeynaa, Illaahey waa nuur aan mugdi ku jirin. Sidaa darteed been ayaan sheegeynaa haddii aan niraahno waxaan wehelnimada la wadaagnaa Illaahey, laakiin waxaan ku sii noolaaneynaa gudcurka ruuxiga ah, runna kuma dhaqmeyno. Laakiin haddii aan nuurka ku nool nahay, siduu Illaah nuurka ugu jiro, markaas wehelnimo ayaan isla wadaagnaa, oo dhiigga Wiilkiisa Ciise, wuxuu naga nadiifiyaa dembi oo dhan. Haddii aan niraahno dembi ma lihin, nafsadeena ayaan khiyaaneynaa oo runtana kuma noolin. Haddii aan isaga u qiranno dembiyadeena, Illaah waa aamin waana caddil si uu dembiyadeena nooga cafiyo iyo si uu xaqdarada oo dhan nooga nadiifiyo. Haddii aan sheegano in aanan dembaabin, waxaan Illaah ugu yeereynaa beenaale waxaanna tusineynaa in ereygiisu uusan meel ku lahayn qalbiyadeena. Caruurteyda qaaliga ahaw, waxaan waxyaalahan u qorayaa si eydan u dembaabin. Laakiin haddii mid idin ka mid ah dembaabo, waxaan la leenahay qareen Aabbaha Ciise Masiix kan xaq ah. Masiixu waa allabari kafaaragud u ah dembiyadeena iyo dembiyada dhamaaan dadka aduunka. Markaan Illaahey amarradiisa adeecno, waxaan hubnaa inaan naqaan isaga. Mid walboo dhaha, “Waan garanayaa Illaahey,” laakiin uusan adeecin amarradiisi waa beenaalow, oo qalbigiisuna runtu kuma jirto. Haddii uu qof adeeco ereyga Illaahey wuxuu tusaa sida dhabta ah ee uu u jecel yahay Illaahey. Oo sidaas ayaan ku garaneynaa inaan isaga ku dhex nool nahay. Kuwa sheegta iney ku dhex nool yihiin Illaah waa iney u noolaadaan sidii Ciise. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, idiin ma soo qorayo amar cusub, waa isla kii markii hore la idin siiyay, waana fariintii aad maqasheen. Laakiin waxaan idiin soo qorayaa amar cusub. Ciise si run ah ayuu ugu dhaqmayay amarkan, idinkuna waad ku dhaqmeysaan. Waayo mugdigu wuu dhamaanayaa, iftiinkii runta ahaana wuu dhalaalayaa. Haddii qof sheegto inuu nuurka ku nool yahay laakiin uu neceb yahay qof walaalaha ka tirsan, qofkaas weli wuxuu ku jiraa mugdiga. Laakiin qofka jecel walaalaha kale, nuurka ayuu ku jiraa, dadka kalana xumaan kuma kalifayo. Haddii qof neceb yahay walaalaha kale, wuxuu ku nool yahay oo ku socdaa mugdiga. Ma yaqaan halka uu u socdo, waayo mugdiga wax kuma arki karo. Waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa caruurtii Illaaheyow, in dembiyadiina lagu cafiyay magaca Ciise dartiis. Waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa odayaashow, inaad taqaanaan Masiixa kan jiray tan iyo bilowgii. Dhallinyaradow, waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa, inaad ka guuleysateen kan sharka ah. Waxaan warqaddan idiin ku soo qoray caruurta Illaaheyow, inaad taqaanaan Aabaha Waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa odayaashow, inaad taqaanaan Masiixa kan jiray tan iyo bilowgii. Dhallinyaradow, waxaan warqaddan idiin ku soo qorayaa, inaad xoog badan tihiin. Ereyga Illaahey wuxuu ku nool yahay qalbigiina, oo waxaad ka guuleysateen kan sharka ah. Ha jeclaanina aduunkan ama wax kastoo aduunka yaala. Haddaad aduunka jeceshihiin, ma jeclaan kartaan Aabaha. Waayo wax walboo aduunkan yaala, sida damaca jirka, damaca waxyaalaha aan aragno iyo kibirka, kama yimaadaan Aabaha laakiin waxey ka yimaadaan aduunka. Dunidan iyo damacyada ey keento wey baaba’ayaan. Laakiin kii sameeya doonista Illaahey, weligiis wuu noolaan doonaa. Caruurteyda qaaliga ahaw, saacaddu waa saacaddii u dambeysay. Waxaad maqasheen in cadowga Masiixu soo muuqan doono waqtigan, oo qaar badan oo cadowga Masiixa ah ayaa horey u soo muuqday. Sidaa darteed waxaan garaneynaa in saacaddii u dambeysay la joogo. Dadkani waxey ka tageen kooxdeena, haddana nagama mid ahayn. Haddey naga mid ahaan lahaayeen, wey na la joogi lahaayeen. Laakiin wey tageen taas oo cadeyneysa in eysan naga tirsaneyn. Masiixa, kan Quduuska ah, ayaa idin subkay oo hadda dhamaantiin waad garaneysaan. Uma baahni inaan runta idiin soo qoro, maadaama aad horey u taqaaneen. Waxaa kale oo aad ogtihiin in kuwa beenta sheega aaney ka tirsaneyn runta. Beenaaluhuna waa qof kastoo yiraahda runtii Ciise ma aha Masiixa. Qof kastoo diida Aabaha iyo Wiilka waa cadowga Masiixa. Mid kastoo Wiilka diida, Aabahana wuu diiday, laakiin ku alla kii Wiilka aqbala Aabahana wuu aqbalay. Sidaa darteed waa inaad daacad u ahaataan wixii la idin baray tan iyo bilowgii. Haddaad sidaas sameysaan, waxaad ku sii jiri doontaan wehelnimada Wiilka iyo Aabaha. Oo wehelnimadan waa nolosha weligeed ah ee uu noo ballan qaaday. Waxaan waxyaalahan u qorayaa inaan idiin kaga digo kuwa doonaya iney idin qaldaan. Laakiin subkida aad isaga ka hesheen wey idin ku dhex jirtaa, sidaa darteed uma baahnidiin in qof idin baro waxa runta ah. Waayo Ruuxu wuxuu idin baraa wax kasta oo aad u baahantihiin inaad ogaataan, oo waxbaridu waa run, beenna ma aha, ee siduu wax idiin barayo, ku sii jira wehelnimada Masiixa. Caruurteyda qaaliga ahaw, Masiixu qalbiyadiina haku jiro. Si markii uu soo noqdo aad u lahaataan kalsooni oo eydan ceeb u dareemin. Waan ognahay in Masiixu xaq yahay iyo in kuwa xaqa sameeya ey yihiin caruurtii Illaahey. Bal eega siduu Aabuhu noo jecel yahay, waayo wuxuu noogu yeeraa caruurtiisa, waanna nahay. Kuwa aduunka jooga ma garanayaan inaan nahay caruurta Illaahey, maxaa yeelay ma yaqaanaan isaga. Gacaliyayaalow, waxaan nahay caruurtii Illaahey, laakiin weli ma uusan muujin sida ey ahaan doonto. Laakiin markii uu Masiixu soo laabto, waan garaneynaa inaan noqon doonno sidiisa oo kale, waayo waxaan u arki doonnaa siduu yahay. Oo dhamaan kuwa rajadaas rajeynaya ayaa isu nadiifin doona siduu isagu nadiif u yahay. Qof kastoo dambaabaa wuxuu jebinayaa sharciga Illaahey, waayo dembi kasta wuxuu kasoo horjeedaa sharciga Illaahey. Idinku waad ogtihiin in Ciise u yimid inuu dembiyadeena qaado, oo dembi kuma jiro isaga. Qof kastoo ku sii noolaada isaga ma dembaabi doono. Laakiin qof kastoo sii wadaa dembiga ma garanayo mana fahmin qofka uu yahay. Caruurteyda qaaliga ahow qofna yuusan idin ku khiyaanin arintan. Markey dadku wax wanaagsan sameeyaan, waxey muujineysaa iney xaq yihiin, siduu Masiixu xaq u yahay. Laakiin markey dadku dembaabaan waxey tuseysaa iney ka tirsan yihiin Ibliiska oo tan iyo bilowgii dembaabay. Laakiin Wiilka Illaahey wuxuu u yimid inuu baabi’iyo shuqullada ibliiska. Kuwa ka dhashay xagga Illaah ma sii wadaan iney dembaabaan, maxaa yeelay nolosha Illaah ayaa ku jirta. Sidaa darteed ma sii dembaabi karaan, waayo waa caruurtii Illaah. Sidan ayaan ku garan karnaa caruurta Illaahey iyo caruurta ibliiska. Qof walboo aan sameyneynin waxa saxda ah ma ahan ilmaha Illaahey, sidoo kale mid walboo aan jecleyn walaalkiis ama walaashiis. Laga bilaabo bilowgii waxaa na loo sheegay inaan is jeclaano. Ha ahaanina sida Qaabiil oo ka tirsanaa ibliiska walaalkiisna dilay. Muxuu u dilay? Sababtoo ah walaalkiis wuxuu sameyn jiray wax xaq ah, isaguna shar ayuu ahaa. Walaalayaalow, ha la yaabina haddii dadka aduunku idin neceb yihiin. Haddii aan jaclaano walaalaha masiixiyiinta, waxey cadeynaysaa inaan dhimashada uga gudubnay nolosha. Laakiin haddii eydan is jecleyn, weli waxaad ku hoos jirtaan xoogga dhimashada. Haddaad is necbaataan, waxaad tihiin gacan ku dhiiglayaal, oo waxaan garaneynaa in eysan gacan ku dhiiglayaashu lahayn nolosha weligeed ah. Waan ognahay waxa jaceylku yahay maxaa yeelay Ciise naftiisa ayuu noo bixiyay. Taasi waa sababta aan nafteena walaalaheen u bixino. Haddii qof kasta uu leeyahay hantida dunida oo aan aragno mid ka mid ah walaalaheen oo baahan. Waa inaan u naxariisano qofkaas, haddii kale ma dhihi karno waxaan jecel nahay Illaah. Caruurteydiyey, yaanan jaceylka ku muujin ereyo kaliya laakiin ficilkeena iyo runteena ha laga arko. Markaan dadka kale jecel nahay, waxeynu ognahay inaan runta ka tirsan nahay, qalbiyadeenu waxey ku nasan doonaan Illaahey hortiisa. Laakiin haddii uu qalbigeenu na eedeeyo, waan ognahay Illaahey inuu ka weyn yahay qalbigeena, wax walbana wuu og yahay. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, haddii qalbigeenu uusan na eedeyn, Illaahey hortiisa kalsooni ayaan ku leenahay. Wuxuu na siin doonaa wax alla wixii aan weydiisano, maxaa yeelay waxaan adeecnaa amaradiisa oona sameynaa waxa isaga ka farxiya. Illaah wuxuu rabaa inaan rumeysano magaca Wiilkiisa Ciise Masiix oo aan is jeclaano. Tani sidoo kale waa wixii Ciise nagu amray inaan sameyno. Haddii aan adeecno amarrada Rabbiga, waxaan la joogi doonnaa isaga, isaguna wuu na la joogi doonaa. Ruuxa uu na siiyay wuxuu cadeyn u yahay inuu nagu dhex nool yahay. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, ha aaminina qof walboo sheegta inuu ku hadlo ruuxa. Waa inaad tijaabisaan bal inuu Ruuxu xagga Illaah ka yimid iyo in kale. Waayo waxaa aduunka ku badan nebiyo been ah. Sidan ayaan ku garaneynaa iney leeyihiin Ruuxa Illaah, haddii uu qof sheeganayo inuu nebi yahay, qirtana in Ciise Masiix ku yimid jir, qofkaasi wuxuu haystaa Ruuxa Illaah. Laakiin marka qof uusan qiran Ciise, waxaad ogaataa in qofkaasi leeyahay ruux aan xagga Illaah ka imaan oo ah cadowga Masiixa. Waad ogayd in cadowgani aduunka imaanayo oo uu haddaba halkan joogo. Caruurteydiyey, waxaad ka tirsan tihiin Illaah, oo waad ka adkaateen cadowyadiina. Ruuxa Illaah ayaa idin ku jira oo wuu ka xoog badan yahay kan aduunka jooga. Dadkaasi waxey ka tirsan yihiin aduunka, duniduna wey maqashaa iyaga, maxaa yeelay waxey ku hadlaan afkeeda. Waxaan ka tirsan nahay Illaah, oo mid kastoo Illaah yaqaan wuu na maqli doonaa. Laakiin dadka aan Illaah garaneyn nama maqli doonaan. Oo sidaas ayaan ku garan karnaa Ruuxa runta ka hadla iyo kan beenta sheega. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, waa inaan is jeclaanaa. Jaceylku wuxuu ka yimaadaa xagga Illaah, oo markaan is jeclaano, waxey muujineysaa in na la siiyay nolol cusub. Waxaan nahay caruurtii Illaah, waana garanay isaga. Illaah waa jaceyl, oo qof kastoo aan jecleyn dadka kale isaga weligiis ma garan. Illaah wuxuu na tusay jaceylka uu noo qabo markii uu Wiilkiisa kaliga ah aduunka u soo diray si uu nolol noo siiyo. Jaceylka dhabta ah ma aha jaceylka aan u qabno Illaah, laakiin waa jaceylka uu noo qabo. Illaah wuxuu soo diray Wiilkiisa si uu u noqdo allabari kafaaragudka ah ee dembiyadeena lagu cafiyo. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, Illaah aad ayuu noo jeclaaday, sidaa darteed waa inaan is jeclaanaa. Qofna weligiis ma arkin Illaah. Laakiin haddii aan is jeclaano, Illaah ayaa nagu dhex nool oo jaceylkiisu wuu nagu dhameystiran yahay. Oo Illaah wuxuu na siiyay Ruuxiisa oo marqaati u ah inaan isaga ku nool nahay, isaguna uu nagu dhex nool yahay. Waxaan aragnay oona u marqaatifureynaa Aabuhu inuu soo diray Wiilkiisa si uu u noqdo Badbaadiyaha aduunka. Illaah wuxuu la midoobaa qof kastoo doorta oo si cad u dhaha Ciise waa Wiilka Illaah. Sidaas ayaan ku midoobi doonnaa Illaah. Waan ognahay inuu Illaah na jecel yahay, oo waxaan aaminnay jaceylkiisa. Illaah waa jaceyl, oo kuwa jaceylka ku nool oo dhan waxey ku nool yihiin Illaah, oo Illaah ayaa iyaga ku nool. Haddii aan si dhab ah u jecel nahay dadka kale oo aan u noolaan lahayn sidii Masiixu dunidan ugu noolaa, ka welweli mayno maalinta xukunka. Jaceylka dhabta ah ee dadka kale ayaa naga saaraya welwelkaas, fikirka ah in na la ciqaabayo ayaa ah waxa na cabsi galiya, taasna waxey tuseysaa inaanan baran inaan wax jeclaano. Waan jecel nahay maxaa yeelay Illaah ayaa markii hore na jeclaaday. Haddaan niraahno Illaah ayaan jecel nahay laakiin aanan walaalaha jecleyn, waxaan nahay beenaalayaal. Illaah ma arki karno, haddaba sidee ayaan u jeclaan karnaa Illaah, haddaanan jeclayn dadka aan arki karno? Amarka Illaah na siiyay waa, qof walboo Illaah jecel waa inuu jeclaadaa walaashiisi ama walaalkiisi masiixi ah. Haddii aan aaminsannahay in Ciise runtii yahay Masiixa, waxaan nahay caruurta Illaah. Qof walboo jecel Aabaha wuxuu sidoo kalana jeclaan doonaa cunuggiisa. Sidan ayaan ku ogaanay inaan jaceyl nahay caruurta Illaahey. Inaan jeclaano Illaah oo aan fulino amaradiisa. Waxaan tusnaa jaceylka aan u qabno Illaah anaga oo adeecnay amarradiisa, mana aha wax adag in la raaco. Ilmo kastoo Illaah wuxuu ka adkaan karaa aduunka, oo iimaankeenu waa kan na siiya guushan. Yaa ku guuleysan kara dagaalkan lagula jiro aduunka? Kaliya kuwa aaminay inuu Ciise yahay Wiilka Illaah. Ciise Masiix waxaa la muujiyay inuu yahay Wiilka Illaah markii lagu baabtiisay biyo dhiigiisina uu iskutallaabta ku daatay. Biyo kaliya kuma imaan, laakiin wuxuu ku yimid biyo iyo dhiig, oo Ruuxa runta ah ayaa u marqaatifuray. Haddaba waxaa jiraa saddex marqaati, kuwani waa, Ruuxa, biyaha, iyo dhiigga oo saddexduba waa isku raacsan yihiin. Haddii aan aqbalno marqaatifurka binu aadanka, runtii marqaatifurka Illaahey taasi wuu kasii weynyahay. Illaaheyna wuu u marqaatifuray Wiilkiisa. Qof walboo rumeysta Wiilka Illaahey, wuxuu aqbalay marqaatifurkan. Laakiin haddii uusan qofna rumeysan arintan, waxey Illaahey ka dhigaan beenaale. Maxaa yeelay ma eysan aaminin marqaatifurka uu Illaahey ka bixiyay Wiilkiisa. Tani waa marqaatifur, Illaahey wuxuu na siiyay nolosha weligeed ah iyo iney noloshan xagga Wiilka ka timid. Mid walboo heysta Wiilka Illaahey wuxuu heystaa nolol, mid walboo aan heysanin Wiilka Illaahey ma heysto nolol. Dhamaantiin waxaad rumeysan tihiin magaca Wiilka Illaah, oo waxaan warqaddan idiin ku soo qoray inaan idin ogeysiiyo inaad leedihiin nolosha weligeed ah. Waxaan hubnaa in Illaah maqli doono baryadeena markaan weydiisano waxa isaga ka farxiya. Oo haddii aan ognahay inuu Illaah maqlo markaan tukano, waxaan hubnaa in baryadeeni hore la aqbalay. Haddii aad aragtaan mid ka mid ah walaalaha oo sameynaya dembi aan ahayn dembi dilaa ah. Waad u duceyn kartaan, oo qofkaas Illaah wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah. Laakiin dembigu waa in uusan noqon mid dilaa ah. Dhamaan falalka sharku waa dembi, laakiin dembi kasta dhimasho ma keeno. Waan hubnaa in caruurta Illaah eysan dembaabin. Wiilka Illaah ayaa ilaaliya oo kan sharta leh wax ma idin yeeli karo. Waxaan ognahay inaan xagga Illaah ka nimid oo aduunka intiisa kale ey ku hoos jiraan awoodda kan sharta leh. Sidoo kalana waxaan ognahay in Ciise Masiix oo ah Wiilka Illaahey u yimid inuu na siiyo fahan, si aan isaga u garano inuu yahay kan runta ah. Oo anaguna aan isagu ku jirno kan runta ah oo ah Wiilkiisa Ciise Masiix. Isagu waa Illaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah. Caruurteyda qaaliga ahaw, ka fogaada sanamyada. Warqaddan waxey ka socotaa Yooxanaa, oo ah oday. Waxaan u qorayaa marwada la doortay iyo caruurteeda, oo aan runta ku jeclahay sida kuwa kale oo runta yaqaan oo dhan. Runtaas oo nagu dhex jirta weligeedna na la jiri doonta. Waxaan ka baryayaa Illaaha Aabaha ah iyo Wiilkiisa Ciise Masiix, inuu na siiyo nimco, naxariis, nabad, run iyo jaceyl. Waxey i siisay farxad weyn inaan arko qaar ka mid ah caruurtaada oo ku nool runta, sidii Aabuhu nagu amray. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, waxaan warqaddan u qorayaa inaan idin weydiisto inaan is jeclaano. Kan ma aha amar cusub, laakiin waa mid eynu horey u heysanay. Tani waa jaceyl, inaan ku socono adeecista amaradiisa oo ah inaan is jeclaano, sidaad bilowgii u maqasheen. Beenaalayaal badan ayaa aduunka yimid. Kuwan beenaalayaasha khiyaanada badan waxey dhahayaan Ciise Masiix ma lahayn jirka binu aadanka oo dhab ah. Laakiin waa beenaalayaal iyo cadowga Masiixa. Sidaa darteed iska hubiya si eydan u lumin wixii aan shaqeynay. Laakiin si aad abaalgudkiini oo dhameystiran u heshaan. Haka tagina wixii la idin baray ee ku saabsanaa Masiixa, haddii kale Illaah mar dambe idin lama jiri doono. Laakiin haddaad xajisaan wixii la idin baray, Aabaha iyo Wiilkuba wey idinla jiri doonaan. Haddii dad idiin yimaadaan oo ey waxbarid been ah idiin keenaan, ha ku soo dhoweynina gurigiina oo xitaa ha salaamina. Salaantoodu waxey la mid tahay ka qeyb qaadashada camalladooda sharta leh. Waxaa jira wax badan oo aan idiin sheegi lahaa, laakiin ma rabo inaan ku qoro warqad iyo khad. Waxaan rajeynayaa inaan idiin imaado oo aan idiin la hadlo si shaqsi ah, maxaa yeelay taasi runtii aad ayey noo farxad gelin doontaa. Caruurta walaashaa ee Illaahey doortay ayaa idin soo salaamayay. Warqaddan waxey ka socotaa Yooxanaa oo oday ah. Waxaan warqaddan u qorayaa Gayos, oo ah saaxiibkeyga qaaliga ah oo aan runtii jeclahay. Saaxiibkeyga qaaliga ahaw, waxaan kuugu duceynayaa in wax walba ey kuu wanaagsan yihiin oo aad caafimaad qabto, oo aadna xoog ku leedahay xagga ruuxa. Aad ayaan u faraxsanahay maxaa yeelay qaar ka mid ah walaalaha ayaa yimid oo ka marqaatifureen wax ku saabsan sida aad runta daacad ugu tihiin iyo sida aad ugu sii socotaan. Ma jiro wax iiga farxad badan markaan maqlo iney caruurteydii oo ku socota runta. Saaxiibkeyga qaaliga ahaw, adigu weligaa aamin ayaad ku ahayd inaad caawiso walaalaha Rabbiga raacsan, xitaa kuwa aadan horey u garaneyn. Waxey u sheegeen kaniisadda saaxiibtinimadaada jaceylka leh. Fadlan sii wad inaad u soo dhoweyso macalimiintaas si Illaahey raali ka yahay. Waayo waxey u safrayaan si ey dadka ugu sheegaan wax ku saabsan Rabbiga, waxeyna go’aansadeen in eysan caawimaad ka ogolaan dadka aan Illaahey garaneyn. Waxaan ku qasbannahay inaan caawinno dadkaas oo kale, si aan uga wada shaqeyno runta. Waxaan arintan u qoray kaniisadda laakiin Diyotrefees oo jecel inuu noqdo hogaamiye sare, wuu diiday inuu na soo dhaweeyo. Markaan imaado, waan idiin sheegi doonaa qaar ka mid ah waxyaalaha uu sameynayo, oo anaga ayuu wax xun nagu eedeynayay. Ma ahan kaliya inuu diiday in walaalaha safraya la soo dhaweeyo, wuxuu dadka kale u sheegay in eysan caawin. Markey caawinayaanna, kaniisadda ayuu ka ceyriyaa. Saaxiibkeyga qaaliga ahaw, xumaanta dadka kale ha ku dayanin. Oo waxa wanaagsan samee. Qofkii wanaag sameeya Illaah xaggiisa ayuu ka yimid. Qofkii xumaan sameeyana Illaah ma uu arkin. Qof walba si wanaagsan ayuu uga hadlaa Deemeetriyos, iyo warka runta ah ee uu dadka baro. Wax fiican ayaan ka sheegnaa, oo waad ogtihiin inuu marqaatifurkeenu run yahay. Waxaa jira wax badan oo aan kuu sheegi lahaa, laakiin ma rabo inaan ku qoro qalin iyo khad. Waxaan rajeynayaa inaan mar dhow ku arko, oo markaan is aragno ayaan wada hadli doonnaa. Waxaan Illaahey ka baryayaa oo aan ku duceysanayaa inuu Illaahey nabad ku siiyo. Saaxiibadaa ayaa ku soo salaamaya, fadlan iigu salaan si shakhsi ahaan mid kastoo ka mid ah saaxiibadeen. Warqaddan waxey ka socotaa Yuudas oo ah adeegihii Ciise Masiix iyo Yacquub walaalkiis. Dhamaan kuwa la doortay oo Illaaha Aabaha ah jeclaaday oo Ciise Masiix ayaa amaantiisi ku dhawray. Illaahey ha idin siiyo naxariis, nabad iyo jaceyl buuxa. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, inkastoo aan aad u rabay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada aan wadaagno. Laakiin taas beddelkeeda, waa inaan wax kale qoraa aniga oo idin ka baryaya inaad difaacdaan rumeysadka Illaah mar kaliya siiyay dadka quduuska ah. Waxaan sidaas u leeyahay, qaar cibaadalaawayaal ah ayaa kiniisadihiina galay oo waxey yiraahdeen, Illaahey nimcadiisu wey noo ogolaanaysaa inaan sineysano. Kuwa noocaas ah xukunkooda horey ayaa loo qoray, waayo, waxey diideen Sayidkeena iyo Rabbigeena Ciise Masiix. Ha illoobina wixii ku dhacay dadkii Rabbigu kasoo badbaadiyay Masar. Qaarkood iimaan ma lahayn, oo markii dambe wuu baabi’iyay. Waxaa kaloo aad ogtihiin Malaa’igtii aan shaqadoodi qaban ee meesha ka baxday oo ka tagay meelihii ku haboonaa. Illaahey wuxuu ku xiray silsilado weligood ah, oo hadda wuxuu ku hayaa godad gudcur ah illaa maalinta weyn ee xukunka. Waa inaanan sidoo kale illoobin wixii ku dhacay magaalooyinka Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinka u dhow. Dadkoodiina wey sineysteen, oo waxey sameeyeen dembiyo oo dhan. Markaas ayaa Illaahey tusaale uga dhigay oo ku ciqaabay naarta weligeed ah. Isla sidaas ayaa xoogga riyooyinkooda dadkan aan cibaadada lahayn jirkooda u nijaaseeyaan, wey diidaan maamul oo malaa’igta ayey caayaan. Xitaa Mikaa’iil oo ahaa malag sare, ma awoodin inuu ibliiska xukumo, markey labadoodu ku murmeen meydkii Muuse, kuma dhicin inuu ku cambaareeyo aflagaado laakiin wuxuu yiri, “Rabbigu wuu ku canaanan doonaa!” Laakiin dadkan waxey caayaan awood eysan waxba ka garaneyn. Iyagu waa sida xayawaan wax matarayaal ah oo baaba’aya, maxaa yeelay, waxey ku nool yihiin dareenkooda. Dhab ahaantii waxey ku jiraan dhibaato. Waxey raaceen wadadii Qaabiil oo waxey sameeyeen isla qaladkii Balcaam kaasoo daneeyay lacag kaliya. Oo weliba Illaahey ayey ku caasiyoobeen, sidii Korah yeelay oo kale. Arintaas darteed, waa la baabi’in doonaa. Dadkani waa nijaaso, oo ficiladooda xishoodka iyo daneysiga ah waxey kharribaan cuntada aad wada cuntaan. Iyagu waa sida daruur dabayshu kaxayso, laakiinse aan roob keenin. Waxey la mid yihiin geedo aan caleen lahayn, oo la rujiyay oo dhintay, oo aan awoodin iney mirro soo saaraan. Camalkoodii ceebta lahaa waa sida hirarka badda. Waxey la mid yihiin xiddigo weligood warwareegaya oo ku dhacay godad gudcur leh. Enoog wuxuu ahaa qofkii toddobaad Aadan kadib, wuxuuna dadkan wax ka sii sheegay markii uu yiri. “Bal eega! Rabbigu wuxuu la imaanayaa kumanaan iyo kumanaan malaa’igo quduus ah. Si uu qof walba u xukumo. Isagu wuu ciqaabi doonaa kuwa sharka leh oo dhan, iyo xumaantii ey sameeyeen oo dhan. Oo kuwa sharka lehna wuu ku xukumi doonaa hadalladii caayda ahaa ee dembiilayaashu ey isaga kaga hadleen.” Dadkan waa kuwa gunuunac badan oo cabanaya, oo kaliya u nool iney qanciyaan damacyadooda sharta leh. Aad ayey isugu faanaan, oo waxey faaniyaan kuwa kale si ey u helaan waxey rabaan. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, xasuusta wixii rasuullada Rabbigeena Ciise Masiix noo sii sheegeen. Waxey idiin ku dheheen “Waqtiyada ugu dambeeya waxaa imaan doona jeejeesayaal kuwaasoo raaci doona damacyadooda aan cibaadada lahayn.” Dadkan waa kuwa kala qeybsanaan idin ka dhex abuuray. Waxey raacaan dareenkooda dabiiciga ah maxaa yeelay, Ruuxa Illaahey kuma jiro iyaga. Saaxiibadeyda qaaliga ahaw, ku dhisa aasaaska iimaankiina quduuska ah, si Ruuxa Quduuska ah idiin ku caawiyo ducadiina. Oo suga naxariista Rabbigeena Ciise Masiix, kan idin siin doona nolosha weligeed ah. Oo sidaas oo kale, waxaad naftiina ku ilaalin doontaan jaceylka Illaahey. U naxariista kuwa shakiga qaba. Badbaadiya mid kastoo u baahan in la badbaadiyo, sidii aad qof uga badbaadin lahaydeen dab. Naxariis lahaada laakiin si taxadar leh u sameeya, idinkoo nacaya dharkooda ku wasakhoobay jirkooda kharibmay. Illaaha badbaadiyaheena ah ugu mahadceliya Rabbigeena Ciise Masiix dartiis. Illaah kaliya ayaa idin ka ilaalin kara in eydan kufin, oo wuxuu idin ka dhigi karaa kuwo daahir ah oo ku faraxsan hor joogiisa ammaanta leh. Waqti hore, hadda iyo weligiiba, Illaaha ah badbaadiyaheena, Rabbigeena Ciise Masiix dartiis wuxuu mudan yahay ammaan, sharaf, xoog iyo amar. Aamiin. Tani waa muujin ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey siiyay inuu tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona. Wuxuu soo diray malag si uu muujintaan ugu keeno adeegihiisa Yooxanaa. Isaguna wax walboo uu arkay wuu ka marqaatifuray, taas oo ah ereyga Illaahey iyo marqaatifurka Ciise Masiix. Waxaa barakeysan midka kaniisadda ka akhriya ereyadan lasii sheegay, waxaa kale oo barakeysan kuwa maqla oona adeeca, waayo waqtigu wuu dhowyahay. Warqaddan waxey ka socotaa Yooxanaa wuxuuna u dirayaa toddobada kaniisadood ee ku yaala gobolka Aasiya. Nimco iyo nabad ka timid kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, iyo toddobada ruux ee carshiga hortiisa jooga ha idin la jirto. Taas oo ka socota Ciise Masiix oo ah marqaatiga aaminka ah, kan ah midka ugu horeeya ee dhimashada kasoo sarakacay, iyo taliyaha boqorrada aduunka. Kaasoo na jeclaaday oo dhiigiisi nagaga xoreeyay dembiyadeena, oo nagana dhigay boqortooyada wadaaddada si aan ugu adeegno Illaahiisa iyo Aabihiis, isaguna ammaan iyo awood weligeed ah ha u ahaato! Aamiin. “Bal arag wuxuu ku imaanayaa daruuraha,” “sidoo kalana il walba wey arki doontaa isaga, xitaa kuwii isaga waranka ku duray,” oo dadka aduunka oo dhan, “dartiis ayey u murugoon doonaan.” Sidaasna ha ahaato! Aamiin. Rabbiga Illaaha ah wuxuu leeyahay, “Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, oo ah Qaadirka.” Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya. Maalinta Rabbiga, Ruuxa Quduuska ah ayaa igu soo dul dagay waxaan gadaasheyda ka maqlay cod u dheer sidii turumbada. Codkuna wuxuu yiri, “Wixii aad aragtid buug ku qor una dir toddobada kaniisadood kuwaasoo ah, Efesos, Simurna, Bergamos, Tu’ateyra, Sardis, Filadelfiya iyo La’odikiya.” Intaan gadaal u jeestay ayaan fiiriyay si aan u arko qofkii ila hadalayay. Markaan jeestayna waxaan arkay toddobo laambadood oo dahab ah. Laambad saaryada dhexdooda waxaa taagnaa qof u eg Wiilka Aadanaha, oo gashan maro dheer ee gaareysa illaa cagahiisa, xabadkana shakaal dahab ah ayaa ugu xirnaa. Timaha madaxiisana waxey u cadaayeen sida suuf iyo baraf, indhihiisuna waxey ahaayeen sida holaca dabka ah. Cagihiisuna waxey u ekaayeen maar foorno lagu dhalaaliyay, oo codkiisuna wuxuu ahaa sida codka hirarka badda. Gacantiisa midigna wuxuu ku hayay toddobo xiddigood, afkiisana waxaa kasoo baxayay seef soofeysan oo laba af leh. Wejigiisuna wuxuu ahaa sida qorax dhalaaleysa. Markaan arkayna waxaan ku dhacay cagihiisa sida qof dhintay oo kale. Kadibna wuxuu i saaray gacantiisa midig oo wuxuu igu yiri, “Ha cabsan, waayo waxaan ahay kan ugu horeeya oo uguna dambeeya. Waxaan ahay Midka Nool, waan dhintay, haddana arag, weligey waan noolaan doonaa! Waxaanna hayaa furaha dhimashada iyo xabaalahaba.” “Sidaa darteed qor waxyaalaha aad aragtay, waxa hadda jira iyo waxa dhici doona. Macnaha toddobada xiddigood ee aad aragtay aniga oo gacanteyda midig ku haya iyo toddobada laambadood ee dahabka ah. Toddobada xiddigood waa malaa’igta toddobada kaniisadood, toddobada laambadoodna waa toddobada kaniisadood.” “Fariin u qor malaga kaniisadda Efesos. Waxaadna ku dhahdaa, aniga ayaa waxyaalahan ku dhahaya, aniga ayaana toddobada xiddigood gacanteyda midig ku haya. Aniga ayaa ku dhex socda toddobada laambadood. Waan garanayaa camalladiina, dadaalkiina iyo dulqaadkiina. Waana ogahay in eydan u dulqaadaneyn dadka sharta leh, waadna baarteen kuwa rasuullada iskugu yeera oo aan rasuullo ahayn, waxaadna ogaateen iney yihiin beenaalayaal. Magaceyga dartiis ayaad ugu sabarteen dhibaato idinka oo aan quusanin. Laakiin halkan wax ayaan idin ku haystaa, waxaad iska dayseen inaad i jeclaataan oo iskuma jeclidiin sidii markii hore aad ahaydeen. Bal xasuusta sidaad wax u jeclaan jirteen. Toobadkeena oo sameeya wixii aad horey u sameyn jirteen. Haddii aad toobadkeeni weysaan, waan idiin imaanayaa oo laambadiina ayaan halkii ey taalay ka qaadi doonaa. Laakiin waxyaalaha aad sameysaan oo wanaagsan waa, inaad necebtihiin wax barida Nikolas taas oo aniguna aan necbahay. Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siinayaa xaqa uu ku cuno geedka nolosha ee ku yaala jannada Illaahey. “Fariin u qor malaga kaniisadda Simurna. Kuwani waa ereyada kan horey u jiray iyo kan ugu dambeeyo, kaasoo dhintay oona soo noolaaday. Waan ogahay dhibaatada iyo duruufta aad ku jirtaan, laakiin xagga ruuxa waxaad ka tihiin taajiriin. Waan ogahay caayda ey idin caayaan dadka Yuhuudda iska dhiga oo aan ahayn, laakiin sunagogyadoodu waa kan Shaydaanka. Haka cabsanina dhibaatada idiin soo socota. Waxaan idin ku leeyahay ibliisku wuxuu qaarkiin dhigi doonaa xabsiga si uu idiin jarribo, toban maalmood ayaad silac la kulmi doontaan. Noqda kuwa aamin ah, xitaa illaa dhimasho, waxaanna idin siin doonaa taajka nolosha. Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta dhimashada labaad wax yeeli mayso. “Fariin u qor malaga kaniisadda Bergamos. Kuwani waa ereyada kan leh seef soofeysan oo laba af leh. Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa. Haba ahaatee dhowr waxyaalo ayaan idin ku haystaa. Qaar idin ka mid ah ayaa haysta wax baritaanka Balcaam, kaasoo baray Baalaaq inuu ku khiyaano dadka Israa’iil iney dembaabaan si ey u cunaan cuntada loo bixiyay sanamyada oo eyna sineystaan. Sidoo kalana waxaa dhexdiina ku jira kuwa haysta wax barida Nikolas. Sidaa darteed toobadkeena! Haddii kale mar dhow ayaan idiin imaan doonaa oo aan la dagaali doona iyaga aniga oo isticmaalaya seefta afkeyga. Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siin doonaa qaar ka mid ah maannada qarsoon. Sidoo kale waxaan qofkaas siin doonaa dhagax cad kaasoo magac cusub ku qoran yahay, magacaas oo qof kale uusan garaneyn waxaan ka ahayn midka loo qoray. “Fariin u qor malaga kaniisadda Tu’ateyra. Kuwani waa ereyada Wiilka Illaahey, kaasoo indhihiisu u holcayaan sida dabka oo cagihiisuna u dhalaalayaan sida maarta. Waan ogahay camalkiina, jaceylkiina iyo iimaankiina, adeegiina iyo dulqaadkiina, inaad hadda sameyneysaan wax ka badan wixii aad horey u sameyn jirteen. Si kastaba ha ahaatee wax ayaan idin ku haystaa. Waxaad u dulqaadateen naagtaas Yesebeel, taas oo iskugu yeerta nebiyad. Wax barideeda ayey adeegayaasheyda ku lumisay iney sineystaan oo eyna cunaan cuntada loo bixiyay sanamyada. Waxaan siiyay waqti ey ku toobadkeento, laakiin ma dooneyso iney kasoo laabato sinada. Sidaa darteed waxaan u keeni doonaa xanuun daran oo ey sariirta la gesho, kuwii iyada la sineysteyna silac weyn ayaan u keenayaa haddii eysan ka toobadkeenin waxyaalahaas sharta leh. Waxaan dili doonaa caruurteeda. Kadibna kaniisadaha oo dhan wey ogaan doonaan inaan ogahay waxa ku jira qalbiyada iyo maanka, oo qof walbana waxaan ugu abaalgudi doonaa camalkiisa. Haddaba waxaan idin ku leeyahay idinkan jooga Tu’ateyra, idinka oo aan raacin baritaanka beenta ah, oo aan baranin sirta Shaydaanka taas oo ey ugu yeeraan sirta weyn, culeys kale ma idin saarayo, waxaan ka ahayn inaad ku adkeystaan waxaad horey u haysateen illaa aan ka imaado. Midka guuleysta oona doonisteyda sameeya illaa dhamaadka, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo aduunka. Waxey aduunka ku xukumi doonaan ul bir ah, waxeyna u burburin doonaan sida digsi caro laga sameeyay oo kale, sida aan awoodda uga helay Aabahey. Aniguna waxaan siin doonaa xiddiga waaberi. Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. “Fariin u qor malaga kaniisadda Sardis. Kuwani waa ereyada kan haya toddobada ruux ee Illaahey iyo toddobada xiddigood. Waan ogahay camalkiina, qof walba wuxuu idiin maleeyaa inaad xagga ruuxa ka nooshihiin laakiin xaggaas waad ka dhimateen. Bal kaca oo adkeeya waxa yar ee idiin haray waayo xitaa intaas yar ee idiin hartay wey dhiman rabtaa. Waayo camalladiina uma qalmaan waxyaalihii uu Illaahey rabay. Sidaa darteed xasuusta, waxaad hesheen oo aad maqasheen, adkeeya oo toobadkeena. Laakiin haddii eydan baraarugin, sida tuug ayaan u imaan doonaa, mana ogaan doontaan waqtiga aan idiin imaanayo. Laakiin qaar ka mid ah dadka ka tirsan kaniisadda Sardis oo aan wasaqeyn dharkood, wey ila socon doonaan iyaga oo xiran dhar cad, waayo wey u qalmaan. Kuwa guuleysta iyaga xitaa waxaa loo xiri doonaa dhar cad. Weligeyna magacooda kama tiri doono buugga nolosha, laakiin waxaan ku qiran doonaa Aabahay iyo malaa’igtiisa hortooda iney yihiin kuweyga. Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. “Fariin u qor malaga kaniisadda Filadelfiya. Kuwani waa ereyada kan ah quduus iyo run, kaasoo haya furihii Daa’uud. Wuxuu furo qofna ma xiri karo, wuxuu xirana qofna ma furi karo. Waan ogahay camalladiina. Bal eega waxaan hortiina dhigay albaab furan oo uusan qofna xiri karin. Waan ogahay inaad leedihiin xoog yar, laakiin weli ereyadeyda ayaad adeecdeen oo magaceygana ma eydan diidin. Kuwa ka tirsan sunagogga Shaydaanka, oo iskugu yeera Yuhuudi inkastoo eysan ahayn, cagahiina ayaan dhigi doonaa oo waxey dhihi doonaan idinka inaad tihiiin kuwii aan jeclaaday. Waayo waxaad xajiseen amarkeyga idinkoo ku samraya, aniguna waan idin ka ilaalin doonaa waqtiga jarribaadda ee u soo socda aduunka oo dhan si loo jarribo waxyaalaha aduunka jooga oo dhan. Mar dhow ayaan imaan doonaa. Ku adkeysta waxaad horey u haysateen, si uusan qofna taajkiina idin kaga qaadin. Midka guuleysta waxaan ka dhigi doonaa tiirka ku yaala macbadka Illaaheyga, weligoodna halkaas kama tagi doonaan. Waxaan iyaga ku qori doonaa magaca Illaahey iyo magaca magaalada Illaahey, Yeruusaalemta cusub, taas oo ka imaan doonta Illaahey xagga samada, sidoo kalana magaceyga cusub ayaan iyaga ku qori doonaa. Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. “Fariin u qor malaga kaniisadda La’odikiya. Kuwani waa ereyada kan runta sheega, kan aaminka ah iyo kan marqaatifurka runta ah, taliyaha abuurkii Illaahey. Waan ogahay camalkiina, in eydan ahayn kuleyl ama qabow. Waxaan jeclaan lahaa inaad midkood ahaataan! Laakiin haddii aad tihiin kuwa qandac ah, oo aan ahayn kuleyl ama qabow, waan idin tufi doonaa. Waxaad dhahdaan waxaan ahay taajir, waxaan leeyahay maal oo waxba uma baahni. Laakiin wax eydan ogayn inaad tihiin kuwa xun, loo naxo, masaakiin ah, indhona lahayn oo qaawan. Sidaa darteed waxaan idin dhahay dahab iga gata, dahab lagu sifeeyay dab, si aad taajir u noqotaan. Sidoo kalana dhar cad iga gata si eydan qaawanaantiina ceeb ugu dareemin, daawo iibsada si aad indhaha u marsataan oo aad wax u aragtaan. Kuwa aan jeclahay waan canaantaa oo waan edbiyaa. Sidaa darteed wax wanaagsan sameeya oo toobadkeena. Bal fiiri albaabkaaga ayaan taaganahay oo garaacayaa. Haddii uu qof maqlo codkeyga oo uu albaabka iga furo, waan soo galayaa oo waan la cunteynayaa, iyaga oo ila jooga. Midka guuleysta, waxaan siin doonaa xaqa uu igula fariisto carshigeyga, sida aan aniguba u ahay midka guuleystay oo aan ula fadhiyo Aabahay carshigiisa. Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha.” Waxyaalahan kadib waxaan helay muujin waxaanna samada ka arkay albaab furan. Codkii aan markii hore maqlay ayaa ila hadlay sida buun isaga oo dhahaya, “Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa waxa dhaci doona waxyaalahan kadib.” Isla markiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo samadana waxaan ku arkey carshi kaasoo uu qof ku fadhiyay. Kii ku fadhiyayna wuxuu lahaa muuqaalka yasbid iyo dhagaxa sardiyos. Carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad u ifeysa sida dhagax sumurud ah. Carshigaasna waxaa ku wareegsanaa labaatan iyo afar carshiyo oo kale, kuwaas oo labaatan iyo afar odayaal ku fadhiyeen. Waxey gashanaayeen dhar cad oo madaxana waxey ku wateen taajaj dahab ah. Carshigana waxaa kasoo baxayay hillac, codad iyo onkod. Carshiga hortiisa waxaa yaalay toddobo laambadood oo shidan. Kuwaasi waa toddobada ruux ee Illaahey. Sidoo kale carshiga hortiisa waxaa ku yaalay wax u eg bad laga sameeyay muraayad dhalaal cad leh. Carshiga dhexdiisa iyo agagaarkiisa waxaa ku jiray afar xayawaan, meel walbana indho ayey ku lahaayeen horey iyo gadaalba. Xayawaanki ugu horeeyay wuxuu u ekaa libaax, midki labaadna wuxuu u ekaa dibi, kii seddexaadna wuxuu u ekaa sida binu aadan, kii afaraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya. Afartaas xayawaan mid walba wuxuu lahaa lix baalal oo meel walba ayey indho ku lahaayeen, xitaa baalasha hoostooda ayey indho ku lahaayeen. Habeen iyo maalin waxey yiraahdaan, “ ‘Quduus, quduus, quduus waa Rabbiga Illaaha Qaadirka ah,’ kan jiray, kan jira iyo kan imaan doona.” Mar walboo xayawaanadaas ey Illaahey ammaanaan, sharfaan oo ey u mahadceliyaan kan ku fadhiya carshiga kaasoo weligiis noolaanaya, labaatan iyo afartii odayaal intey hortiisa ku dhacaan ayey caabudayeen kan weligiis nool. Intey taajajkooda carshiga hor dhigaan ayey dhahayeen. “Waad istaahishaa, Rabbigeena iyo Illaaheenow, inaad hesho ammaan, xushmad iyo awood, waayo waxaad abuurtay wax walba, doonistaada ayeyna ku abuurmeen oona ku sii noolaadeen.” Kadibna waxaan gacanta midig ee kan ku fadhiya carshiga ku arkay buug labada dhinac wax uga qoran yihiin waxaana lagu shaabadeeyay toddobo shaabadood. Waxaanna arkay malag weyn oo cod dheer ku dhahaya, “Yaa u qalma inuu kala bixiyo buugga oona furo shaabadda?” Laakiin ma jirin qof ku jira jannada ama dhulka ama dhulka hoostiisa oo furi karay buugga ama xitaa akhrin karay. Aad ayaan u ooyay waayo ma uusan jirin qof u qalma inuu furo buugga oo akhriyo. Kadibna mid ka mid ah odayaasha ayaa igu yiri, “Ha ooyin! Balse fiiri Libaaxa qabiilka Yahuudah, kii asalkiisu kasoo jeeday Daa’uud, wuu guuleystay. Wuuna awoodaa inuu furo buugga iyo toddobadiisa shaabadood.” Kadibna waxaan arkay Wan, kaasoo u eg mid la soo gowracay oo carshiga bartankiisa taagnaa, waxaana isaga ku wareegsanaa afarta xayawaan iyo odayaasha. Wankuna wuxuu lahaa toddobo geesood iyo toddobo indhood, taas oo ah toddobada ruux ee Illaah oo loo diray aduunka oo dhan. Wuu tagay oo wuxuu buugga kasoo qaaday gacanta midigta ee kan carshiga ku fadhiya. Kadib markii uu soo qaaday buugii, afartii xayawaan iyo labaatan iyo afartii odayaal ayaa Wankii u sujuuday. Mid walbana wuxuu heystay kataarad, waxeyna gacanta ku hayeen baaquli dahab ah oo foox ka buuxo, taas oo ah ducooyinka dadka Illaahey. Waxeyna heeseen hees cusub oo dhahaysa, “Waad istaahishaa inaad buugga qaadid oo aadna furtid shaabadiisa, waayo waa lagu gowracay, dhiigaada ayaad Illaahey ugu soo madax furatay dad ka tirsan qabiil walba, luuqad walba, iyo qowmiyad walba. Waxaadna ka dhigtay boqortooyo iyo wadaaddo si ey ugu adeegaan Illaaheena, weyna u talin doonaan aduunka.” Kadibna mar labaad ayaan fiiriyay, waxaanna maqlay malaa’igo badan codkood, iyagoo tiradoodu tahay toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumanaan kun. Waxey ku wareegsadeen carshiga iyo xayawaanadii iyo odayaashii. Cod dheer ayey ku dhahayeen, “Wanka la gowracay ayaa u qalma, inuu helo awood, maal, xigmad iyo xoog sharaf iyo ammaan iyo barako!” Kadibna waxaan maqlay xayawaano walboo ku jira jannada, dhulka, dhulka hoostiis iyo kuwa badda ku jiraba, iyagoo dhahaya, “Barakada iyo sharafta, ammaanta iyo awoodda waxaa leh kan ku fadhiya carshiga iyo Wanka weligiis.” Afartii xayawaan waxey yiraahdeen, “Aamiin,” Kadibna labaatan iyo afartii odayaal intey jilbaha dhigteen ayey caabudeen Wankii. Waan fiirsanayay markii uu Wanku furayay middii ugu horeysay toddobada shaabadood. Kadibna waxaan maqlay mid ka mid ah afartii xayawaan oo ku dhahaya cod u eg onkod, “Kaalay!” Markaan fiiriyayna waxaan arkay faras cad oo i hor taagan. Midka wadana wuxuu hayay qaanso, waxaana la siiyay taaj, wuuna tagay si uu ugu soo guuleysto dagaallo badan oo uu guusha u helo. Markii uu Wanku furay shaabaddii labaad, waxaan maqlay xayawaanka labaad oo dhahaya, “Kaalay!” Kadibna waxaa soo baxay faras kale oo midab guduudan leh. Kan wadana waxaa la siiyay awood uu nabadda uga qaado dadka aduunka oo ey isku dilaan. Waxaana la siiyay seef weyn. Markii uu Wanku furay shaabaddii saddexaad, waxaan maqlay xayawaanki saddexaad oo dhahaya, “Kaalay!” Waan fiiriyay oo horteydana waxaa taagnaa faras madow! Midka wadana wuxuu gacantiisa ku hayay miisaan. Kadibna waxaan maqlay wax u eg cod ka imaanaya afarta xayawaan oo dhahaya, “Rubac sarreen ah wuxuu ahaan doonaa mushaharka maalinta oo dhan, saddex rubacna waxey ahaan doonaan isla lacagtii, sidaa darteed ha haleynina saliid seytuunta iyo khamriga.” Markii uu Wanku furay shaabaddii afaraad, waxaan maqlay codka xayawaanka afaraad oo dhahaya, “Kaalay!” Waan fiiriyay, horteydana waxaa taagnaa faras leh midab dambas ah! Midka wadana waxaa loo bixiyay Dhimasho, gadaashiisana aduun xabaalo ayaa ka jiray. Waxaa la siiyay awood ey afar meelood oo aduunka ka mid ah ey seef ku dilaan, abaar, dhimasho iyo xayawaan duureed. Markii uu furay shaabadda shanaad, waxaan meeshii allabariga hoosteeda ka arkay nafihii kuwii ereyga Illaahey dartiis loo dilay iyo sida ey aamin ugu noqdeen marqaatifurkooda. Waxeyna ku qayliyeen cod dheer iyagoo leh, “Ilaa goorma Rabbiga Weynow, midka quduuska oo runta ah, oo aad xukumi doontaa dadka aduunka oona nooga aargudi doontaa dhiigeena?” Kadibna mid walba waxaa la siiyay maro cad, waxaana lagu yiri in yar suga, illaa dhamaan kuwa adeegayaasha, walaalaha iyaguna sidooda la soo dilo. Waan fiirsaday isaga oo furaya shaabaddii lixaad. Waxaana jiray dhul gariir weyn. Qoraxdi waxey isku beddeshay madow sida dhar jawaan ah, dayaxuna wuxuu noqday guduud sida dhiig. Kadibna xiddigihii samaduna waxey kusoo daateen dhulka, sida geedka berdaha ah markey dabeeshu ruxdo uu mirihiisa u soo daadanayaan. Samada waxaa loo duuduubay sida buug, buuraha iyo jasiirad walbana meeshooda ayaa laga qaaday. Kadibna boqorrada aduunka, taliyaasha, saraakiisha sare, taajirada, midka weyn iyo mid walba, midka xorta ah iyo kan adoonka ah waxey isku qariyeen godadka iyo dhagaxyada buuraha. Waxeyna dhagaxyada buuraha ku yiraahdeen, “Bal nagu soo dul dhaca oo naga qariya wejiga kan carshiga ku fadhiya iyo carada Wanka! Waayo maalinta weyn ee caradoodu wey timid, yaana u adkeysan kara?” Kadibna waxaan arkay afar malaa’ig oo taagan afarta dhinac ee aduunka, iyagoo ka joojinaya dabeyshu in eysan ku dhicin dhulka, badda iyo geedaha. Waxaanna arkay malag kale oo ka imaanaya xagga bariga, isaga oo wada shaabadda Illaaha nool. Wuxuuna cod weyn ugu yeeray afarta malaa’ig ee la siiyay awoodda ey dhulka iyo badda ku wax yeeleeyaan. Wuxuuna yiri, “Dhulka, badda iyo geedaha ha wax yeelina illaa aan shaabad ka saarno wejiga adeegayaasha Illaaheena.” Kadibna waxaan maqlay tirada kuwa la shaabadeeyay, 144,000 waxeyna ka kala yimaadeen qabiilada Israa’iil oo dhan. Qabiilka Yahuudah waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Ruubeenna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Gaadna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Aasheerna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Naftaalina waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Manasehna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Simecoonna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Laawina waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Isaakaarna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Sebulunna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Yuusufna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Benyaamiinna waxaa laga shaabadeeyay 12,000. Waxyaalahaas kadibna waxaan arkay dad badan oo aan la xisaabi karin, waxey ka kala yimaadeen aduunka oo dhan, iyagoo iskugu jira qabiil walba, qowmiyad walba iyo luuqad walba waxeyna taagnaayeen carshiga iyo Wanka hortiisa. Waxeyna gashanaayeen maryo cad oo gacantana waxey ku hayeen caleen timireed. Waxeyna cod dheer ku yiraahdeen, “Badbaadada waxey ka timaadaa Illaaheena xaggiisa, kaasoo ku fadhiya carshiga, iyo Wanka.” Malaa’igtii carshiga agtaagneyd oo dhan iyo odayaashii iyo afartii xayawaanba intey carshiga ku hor sujuudeen ayey caabudeen Illaahey, iyagoo leh, “Aamiin! Barako iyo ammaan xigmad iyo mahadcelin iyo sharaf iyo awood iyo xoog ha u ahaadaan Illaaheena weligeedba. Aamiin!” Kadibna mid ka mid ah odayaasha ayaa i weydiiyay, “Kuwaas gashan dharka cad yeey yihiin, halkee ayey ka yimaadeen?” Aniguna waxaan ugu jawaabay, “Mudane waad garaneysaa.” Wuxuu igu yiri, “Kuwaas waa kuwii silaca weyn soo maray. Waxey dharkooda ku dhaqeen dhiigga Wanka kaasoo iyaga ka dhigay caddaan. Sidaa darteed, “Waxey joogaan carshiga Illaahey hortiisa oo habeen iyo maalin ayey macbadka uga adeegayaan, kan carshiga ku fadhiyana wuxuu hooy uga dhigi doonaa agjoogidiisa. ‘Mar dambana ma gaajoon doonaan, mar dambana ma haraadi doonaan. Qoraxduna ma gubi doonto,’ kuleylkuna ma gubi doono. Waayo Wanka dhex taagan carshiga ayaa u ahaan doona arijir. Wuxuuna iyaga ku hogaamin doonaa isha biyaha nool ah. Illaaheyna indhahooda ayuu ka tiri doonaa ilinta.” Markii uu Wanku furay shaabaddii toddobaad waxaa samada ka jiray aamusnaan ku dhowaad nus saac. Waxaan arkay toddobadii malaa’ig ee hor taagnaa Illaahey oo la siiyay toddobo buun. Malag kale oo hayay idin dahab ah ayaa imaaday oo soo istaagay meesha allabariga horteeda. Waxaa la siiyay foox badan si uu ula bixiyo ducada dadka Illaahey oo dhan si uu ugu bixiyo allabariga dahabka ah ee ku hor yaala carshiga. Qiiqa fooxa iyo ducada dadka Illaahey ayaa waxey ka baxeen gacanta malaga oo waxey kor ugu aadeen Illaahey. Kadibna malagii wuxuu qaaday idinkii oo dab kaga buuxiya halka allabariga, oo wuxuu kusoo tuuray aduunka, kadibna waxaa dhacay onkod iyo hilaac waxaana jiray dhul gariig daran. Kadibna toddobadii malaa’ig ee haysay toddobada buun waxey isku diyaariyeen iney dhawaajiyaan. Malagi koowaad wuxuu ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaana yimid dab weyn oo uu dhiig ku jiro oo dhulka lagu soo tuuray. Saddex meelood meel dunida ka mid ahna wey gubatay, saddex meelood meel geedaha ka mid ahna wey gubteen, cawskii cagaarnaa oo dhanna wuu gubtay. Malagii labaadna wuxuu ka dhawaajiyay buunkiisi, kadibna wax sida buur holceysa oo kale ah ayaa lagu tuuray badda. Saddex meelood meel badda ka mid ahna waxey noqotay dhiig. Saddex meelood meel xayawaanka badda ku nool ayaa dhintay oo saddex meelood meel markabyada badda ku dhex safraayeyna wey burbureen. Malagii saddexaad ayaa buunkiisi ka dhawaajiyay, markaas ayaa waxaa cirka kasoo dhacay xiddig weyn oo u ifaya sida toosh wuxuuna ku dhacay saddex meelood meel ka mid ah wabiyada iyo ilihii biyaha ahaa. Magaca xiddigaas waa qaraar. Waayo wuxuu saddex meelood meel biyaha ka dhigtay qaraar, oo dad badan ayaa dhintay markey biyahaas qaraarka ah cabeen. Malagii afaraad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, markaas ayaa saddex meelood meel qoraxda, dayaxa iyo xiddigaha lagu dhuftay oo waxey noqdeen madow. Saddex meelood meel maalinta waxey noqotay iftiin la’aan, sidoo kalana saddex meelood meel habeenka. Kadibna waan fiiriyay oo waxaan arkay gorgor hawada ku duulaya isaga oo dhahaya, “Hoog! Hoog! Hoog ha u sugnaado kuwa aduunka jooga oo dhan, waxa dhici doono markey saddexda malaa’ig buunka ka dhawaajiyaan dartiis.” Kadibna malagii shanaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaanna arkay xiddigtii cirka kasoo dhacday oo dhulka ku dhacday. Xiddigtaas waxaa la siiyay furaha bohosha. Markii uu furay bohoshii, waxaana kasoo baxay qiiq u eg qiiq ka imaanaya dab weyn. Qoraxda iyo cirkaba qiiqaas ka yimid bohosha ayaa modow ka dhigay. Kadibna qiiqii waxaa kasoo dhex baxay anyax oo dhulka ku degtay, iyagana waxaa la siiyay awood ey wax ugu qaniinaan sida dibqallooca. Waxaa lagu yiri ha wax yeelina cawska dhulka, dhirta ama geedaha, laakiin ciqaaba kuwa aan shaabadda Illaahey wejigooda ku lahayn. Loomana ogolayn iney dilaan laakiin iney dhibaateeyaan muddo shan bilood kaliya ayaa loo ogolaaday. Waxeyna dareemi doonaan xanuun sida qaniinyada dibqallooca oo kale markii uu qaniino. Maalmahaas dadku waxey raadin doonaan dhimasho laakiin ma heli doonaan. Waxey jeclaan lahaayeen iney dhintaan laakiin dhimashadu wey ka carari doontaa. Anyaxu wuxuu u egyahay sida faras diyaar u ah dagaal. Madaxyadooduna waxey ku wateen wax u eg sida taaj dahab ah, wejigooduna wuxuu u qaab ekaa kan binu aadanka. Timahoodu waa sida timaha dumarka, ilkahooduna waa sida ilkaha libaaxa. Waxey xirnaayeen laabdhawr sida laabdhawrka birta ah oo kale, dhawaaqa baalashooduna waa sida sawaxanka farasyo badan oo dagaal u socda iyagoo gaari faraskooda wata. Waxey lahaayeen seyn ey wax ugu qaniinaan sida dibqalloocyada, shan biloodna waxey lahaayeen awood ey dadka ku silciyaan. Boqorkoodi wuxuu ahaa malag ka yimid bohosha, af Cibraaniga magaciisu waa Abaddoon, af Gariigana waa Abolyoon. Taas oo macnaheedu yahay Burburiyaha. Hoogga koowaad wuu dhaafay, laba kale ayaana soo socota. Malagii lixaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaanna maqlay cod ka imaanaya afarta gees ee meesha allabariga oo ah dahab taas oo Illaahey hortiisa ku taalo. Codkiina wuxuu malagii buunka hayay ku yiri, “Soo daa afarta malaa’ig ee ku xiran webiga weyn ee Yufraad.” Kadibna afartii malaa’ig ee loo diyaariyay waqtigan iyo maalintan iyo bishaan iyo sanadkaan waa la soo daayay si ey u dilaan dadka saddex meelood meel. Waxaan maqlay tirada ciidankooda ee fardooleyda ah iney yihiin 200 milyan. Fardihii iyo kuwii waday ee aan riyada ku arkay sidan ayey u ekaayeen, laabdhowrkoodu wuxuu lahaa midab guduud, buluug iyo jaale ah. Fardihiina waxey lahaayeen madax sida libaaxa oo kale ah, afkooda waxaa ka baxayay holac, qiiq iyo baaruud. Dadka Saddex meelood meel waxaa dilay saddexdan balaayo, dab, qiiq iyo baaruud oo afkooda kasoo baxayay. Xoogga farduhu wuxuu ku jiray afkooda iyo seyntooda, waayo seyntoodu waxey lahayd madax u eg sida mas oo kale, taas oo lahayd awood ey dadka ku dhaawacdo. Dadkii soo haray kuwaas oo aan balaayadu dilin weli kama toobadkeenin camalkoodii sharta lahaa, mana joojinin iney caabudaan ibliiska, sanamyada dahabka, qalinka iyo naxaaska ah, dhagaxyo, geedo kuwaas oo aanan hadli karin waxna maqlaynin oona socon karin. Xitaa wax dilkooda, sixiryadooda, sinadooda iyo tuugnimadoodaba kama toobadkeenin. Kadibna waxaan arkay malag weyn oo ka imaanaya samada. Waxaana ku wareegsanaa daruur, qaansaroobeed ayaana xagga madaxiisa ku taalay, wejigiisuna wuxuu u ifayay sida qorax, lugihiisuna waxey u ekaayeen tiirar dab ah. Wuxuuna hayay buug yar kaasoo horey loo furay. Lugtiisa midigna wuxuu saaray badda tan bidixna wuxuu saaray dhulka, wuxuuna ku qeyliyay cod weyn oo u eg libaax. Markii uu qeyliyayna, codkii toddobada onkod ayaa hadlay. Markey toddobadii onkod hadleen, waxaan ku rabay inaan wax qoro, laakiin waxaan maqlay cod ka yimid samada oo dhahaya, “Shaabadey waxey toddobada onkod dheheen, hana qorin.” Kadibna malagii aan arkay isaga oo taagan badda iyo dhulka wuxuu gacantiisa kor ugu taagay xagga samada. Wuxuuna ku dhaartay magaca kan weligiis nool, kaasoo abuuray samada iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, dhulka iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, badda iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan. Wuxuuna yiri, “Waqtigii sugitaanka wuu dhamaaday. Markii uu malaga toddobaad uu buunkiisa dhawaajin doono, qorshihii qarsoonaa ee Illaahey waa la dhabeyn doonaa. Waxeyna u dhici doontaa sida uu ugu sheegay nebigii adeegihiisa ahaa.” Haddana codkii aan samada ka maqlay wuu ila hadlay isaga oo leh, “Tag oo ka qaad buugga uu malagii dhulka iyo badda taagnaa gacanta ku hayay isaga oo furan.” Kadibna waxaan u tagay malagii oo ku iri, isii buugga yar ee aad hayso. Wuxuuna igu yiri, “Qaado oo cun. Caloosha ayuuna kaa xanuujin doonaa laakiin markaad cuneysid macaan ayuu ahaanayaa.” Buuggii yaraa ayaan ka qaaday gacanta malaga oo waan cunay. Wuxuuna u dhadhamayay macaan sida malabka, laakiin markaan cunay caloosheyda waxaan ka dareemay xanuun. Kadibna waxaa la igu yiri, “Waa inaad wax kasii sheegtaa wax ku saabsan dad badan, quruumo badan, luuqado badan iyo boqorro badan.” Kadibna waxaa la i siiyay ul wax lagu cabbiro waxaana la igu yiri, “Bal tag oo soo cabbir macbadka Illaahey, meesha allabariga iyo tirada kuwa cibaadeysanaya. Laakiin deyrka macbadka banaankiisa ah haku darin, waayo waxaa la siiyay dadka aan Yuhuudda ahayn. Waxey 42 bilood cadaadin doonaan magaalada quduuska ah. Waxaanna dooran doonaa labadeyda marqaati kuwaas oo wax sii sheegi doona 1,260 maalmood iyagoo gashan jawaan.” Labadan nebi waa labada geed ee saytuunka ah iyo labada laambadood ee hor taagan Rabbiga aduunka leh. Haddii qof isku dayo inuu dhibaateeyo, dab ayaa afkooda kasoo bixi doona oo gubi doona cadowgooda. Sidan ayey kuwa walboo iyaga dhibaateyn raba u dhiman doonaan. Waxey leeyihiin awood ey cirka ku aamusiyaan si uusan roobku u da’in markey wax sii sheegayaan, waxeyna leeyihiin awood ey biyaha ugu beddelaan dhiig, una keenaan aduunka bilaayo kasta sida ey rabaan. Haddaba markey dhameeyaan marqaatifurkooda, waxaa u imaan doona bahal ka yimid bohosha oo la dagaali doona, wuuna ka guuleysan doonaa wuuna dili doonaa. Jirkooduna wuxuu yaali doonaa jidka weyn ee Yeruusaalem, magaalada qaab ahaan lagu yeeray Sodom iyo Masar, magaalada Sayidkooda lagu qodbay. Saddex maalmood iyo bar ayaa dadkoo dhan, qabiil walba, kuwa luuqado kala duduwan iyo quruumaha oo dhan fiirsan doonaan jirkooda, qofna looma ogolaan doono inuu soo aaso. Dadka aduunkan jooga oo dhan wey dabaaldegi doonaan weyna ku farxi doonaan, waxeyna is siin doonaan hadiyad waayo labada nebi ee iyaga soo dhibay dhimashadooda darteed. Saddex maalin iyo bar kadibna, Illaahey wuxuu iyaga ku afuufay neef nolol ah, weyna kaceen oo kuwii iyaga arkayna aad ayey u argagaxeen. Kadibna waxey maqleen cod weyn oo samada ka imaanaya oo iyaga ku dhahaya, “Bal kaalaya halkan.” Iyaguna kor ayey samada ugu aadeen daruuraha dhexdooda, iyagoo ey cadowyadoodu fiirinayaan. Isla markaasna waxaa dhacay dhul gariir daran oo magaalada toban meelood meel ayaa burburtay. Toddobaatan kun oo qof ayaa dhul gariirkaas ku dhintay, kuwii badbaadayna cabsi ayaa gashay oo Illaaha samada ku jira ayey ammaaneen. Hooggi labaad wuu gudbay, kii saddexaadna wuu imaanayaa mar dhow. Malagii toddobaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, cod weyn ayaana ka dhawaaqay xagga samada isaga oo dhahaya, “Boqortooyada aduunku waxey noqotay, boqortooyada Rabbigeena iyo tan Masiixiisa, weligiis ayuuna taliye ahaan doonaa.” Labaatan iyo afartii odayaasha ahaa, kuwaasoo carshiga ku fadhiyay Illaahey hortiisa ayey ku sujuudeen oo Illaahey caabudeen, iyagoo dhahaya, “Waan kuu mahadcelineynaa, Rabbiga weyn ee Illaaha ahaw, Kan jira iyo kan jiray, waayo waxaad qaadatay awoodaada weyn, waxaadna bilowday inaad taliso. Quruumaha wey xanaaqeen, laakiin caradaaduna wey timid. Waqtiga kuwii dhintay la xukumana wey gaartay, iyo waqtiga aad u abaalgudi lahayd adeegayaashaada nebiyada ah, sidoo kale dadkaaga magacaaga ixtiraama, kuwa wax haysta iyo kuwa aan waxba haysaninba waa waqtigii aad baabi’in lahayd dhamaan kuwa dhulka balaayada keenay.” Kadibna macbadka Illaahey ee samada ku yaaleyna wuu furmay, macbadkiisa dhexdiisa waxaa laga arkay sanduuqa axdigiisa. Waxaana jiray hilaac, onkod, dhul gariir iyo duufaan daran ee roob baraf leh wadata. Calaamad weyn ayaana ka muuqatay samada, waxaan arkay naag gashan qorax oo dayaxuna lugaheeda ku hoos jiro, qabtana taaj toban iyo laba xiddig leh. Waxeyna lahayd uur oo xanuunka dhalmada dartiis ayey u ooyneysay waayo wey dhali rabtay. Kadibna waxaa samada kasoo muuqday calaamad kale, waxaan arkay masduulaa weyn oo gaduudan wuxuuna lahaa toddobo madax iyo toban geesood, madaxiisana wuxuu ku watay toddobo taaj. Seyntiisuna waxey xaaqday saddex meelood meel xiddigaha oo dhulka ku daadisay. Masduulaagii wuxuu hor istaagay naagtii dhali rabtay, si uu u dilo cunuggeeda isla markii uu dhasho. Waxeyna dhashay cunug wiil ah kaasoo aduunka u talin doona isaga oo isticmaalaya ul bir ah. Cunugiina waxaa kor loogu qaaday xagga Illaahey iyo carshigiisa. Naagtiina waxey ku carartay cidlada halkaas oo Illaahey meel ugu diyaariyay si uu ugu daryeelo 1,260 maalmood. Kadibna waxaa samada ka dhacay dagaal. Mikaa’iil iyo malaa’igtiisi waxey la dagaaleen masduulaagii. Masduulaagii iyo malaa’igtiisuna wey la dagaalameen. Masduulaagii waa laga adkaaday, isaga iyo malaa’igtiisi waxaana laga saaray samada. Masduulaagii weynaa oona ahaa maskii hore kaasoo la dhihi jiray ibliis ama Shaydaan, kaasoo aduunka oo dhan khiyaanayay dhulka ayaa lagu tuuray isaga iyo malaa’igtiisi oo dhan. Kadibna waxaan xagga samada ka maqlay cod weyn oo dhahaya, “Haddaba wey timaaday badbaadada iyo awoodda iyo boqortooyada Illaaheena, iyo amarkii Masiixiisa. Waayo kan eedeeya walaalaheen, kaasoo iyaga ku eedeynaya Illaahey hortiis maalin iyo habeen, dhulka ayaa lagu soo tuuray. Waxey uga guuleysteen dhiigga Wanka iyo marqaatifurkooda, iyagu aad uma jeclaanin noloshooda oo waxey diyaar u ahaayeen dhimasho. Sidaa darteed samooyinka iyo idinkan ku noolow farxa! Laakiin waxaa hoog leh dhulka iyo badda, waayo ibliisku idinka ayuu idiin imaaday! Waxaa ka buuxa xanaaq, waayo wuu garanayaa in waqtigiisi dhowyahay.” Masduulaagii markii uu ogaaday in dhulka lagu tuuray, wuxuu bilaabay inuu haweeneydii dhashay cunug wiil ah ka daba galo. Naagtii waxaa la siiyay laba baalal oo sida kuwa gorgor weyn ah, si ey ugu duusho oo ey u tagto halkii loo diyaariyay xagga cidlada, halkaas oo lagu daryeeli doono in muddo saddex sano iyo bar ah si uusan masku u helin. Kadibna maskii afkiisa wuxuu ka tufay biyo sida webi oo kale ah, si uu daadku iyada u qaado. Laakiin dhulka ayaa naagtii caawiyay markii uu is furay oo uu webigii masduulaagu afkiisa kasoo baxay laqay. Masduulaagiina aad ayuu ugu xanaaqay naagta oo wuxuuna bilaabay inuu la dagaallo caruurteeda kale, kuwaas oo amarka Illaahey iyo marqaatifurkoodi xagga Ciise xajiyay. Masduulaagii wuxuu taagnaa badda qarkeeda, kadibna waxaan arkay bahal badda kasoo baxaya. Wuxuuna lahaa toban geesood iyo toddobo madax, toban taaj ayuuna ku watay geesihiisa, madax walbana waxaa ku yaalay magac caay ah. Bahalkan arkayna wuxuu u ekaa haramcad, laakiin cagihiisu waxey u ekaayeen bahal, afkiisuna wuxuu u ekaa sida af libaax. Masduulaagii wuxuu bahalkii siiyay awoodiisi, carshigiisi iyo amarkiisi weynaa. Waxaan arkay in mid ka mid ah madaxyadiisa uu lahaa dhaawac daran, laakiin dhaawacaas waa la bogsiiyay. Aduunka oo dhan ayaa la yaabay oo waxeyna bilaabeen iney bahalka raacaan. Dadku waxey caabudeen masduulaagii waayo wuxuu amar siiyay bahalkii, sidoo kalana waxey caabudeen bahalka oo ku yiraahdeen, “Yaa sida bahalkan ah? Yaana la dagaali kara?” Kadibna bahalkii waxaa loo ogolaaday inuu ku hadlo hadallo faan iyo caay leh. Waxaa kaloo la siiyay awood uu wuxuu rabo ku sameeyo illaa muddo afartan iyo laba bilood ah. Wuxuu Illaahey kaga hadlaa ereyo caay ah, wuxuuna aflagaadeeyaa magaciisa iyo halkuu joogo iyo kuwa ku nool samada. Waxaana bahalkaas la siiyay awood uu dadka Illaahey kula dagaallo oo uu iyaga kaga guuleysto. Sidoo kalana waxaa la siiyay amar uu ugu taliyo qabiil walba, dad walba, luuqad walba iyo quruumaha oo dhan. Dadka aduunka oo dhanna wey caabudi doonaan bahalka. Kuwaasna waa kuwa aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ee Wanka intaan aduunka la abuurin ka hor, buugana waxaa leh Wankii la gowracay. Mid walboo dheggo leh ha maqlo. “Haddii mid loo qoro inuu maxbuus noqdo, xabsi ayaa la geynayaa. Haddii mid loo qoro inuu ku dhiman doono seef, seef ayuu ku dhiman doonaa.” Tani waxey tahay in dadka Illaahey ey u dulqaataan silaca iyagoo u samraya oona ahaadaan kuwa aamin ah. Kadibna waxaan arkay bahalkii labaad, isaga oo kasoo baxaya dhulka. Wuxuu lahaa laba gees sida kan wanka, laakiin wuxuu u hadlayay sida masduulaaga. Wuxuuna adeegsaday dhamaan awooddii uu bahalkii hore haystay, wuxuuna aduunka iyo kuwa ku nool oo dhan ka dhigay iney caabudaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay. Mucjisooyin waaweyn ayuuna sameeyay, wuxuu sababay in dab ka yimaado samada ilaa dhulka iyadoo ey dadka oo dhan arkayaan. Mucjisadii loo ogolaaday inuu sameeyo beddelkii bahalka hore, wuxuu khiyaanay dadkoo dhan kuwaas oo ah kuwa aduunka. Wuxuuna dadka ku amray iney taalo weyn u dhisaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay oona nolol kusoo laabtay. Bahalkaas labaad waxaa la siiyay awood uu nolol ku siiyo taalada bahalkii koowaad, si uu u hadlo oo u amro in kuwii taalada caabudi diiday la dilo. Wuxuuna dadkoo dhan ku qasbay yar iyo weynba, taajir iyo maskiinba, kuwa xor ah iyo adoonba in calaamad la saaro gacantooda midigta ah ama wejigooda, si eysan wax u iibin ama eysan wax u gadan haddii eysan lahayn calaamadaas, taas oo ah magaca bahalka ama nambar u taagan magaciisa. Tanna waxey u baahantahay xigmad, mid walboo fahansan waxyaalahan ha xisaabiyo nambarka bahalka, waayo waa nambarka binu aadanka. Nambarkaasna waa 666. Kadibna waxaan arkay Wanka oo taagan buur Siyoon korkeeda, isagana waxaa la jiray boqol afartan iyo afar kun oo qof kuwaas oo magaciisa iyo magaca Aabihiis wejiga uga qornaa. Samada waxaan ka maqlay cod sida biyo qulqulaya oo kale iyo onkod dhacaayo. Codkaan maqlay wuxuu u ekaa kataaraley kataaradooda ka dhawaajinaya. Waxeyna carshiga iyo afartii xayawaan iyo odayaasha ka hor heeseen hees cusub. Qofna heestaas ma baran karin waxaan ka ahayn boqol afartan iyo afartaas kun ee aduunka laga soo madax furtay. Kuwan waa kuwa isku nijaaseyn dumarka, kuwaasoo Wanka u raacaya meel walboo uu tago. Waxaa laga soo dhex madax furtay dadka aduunka sida allabariyo ku qaali ah Illaahey iyo Wankaba. Wax been ah kuma hadlaan, waana eed la’aan. Waxaan arkay malag kale oo hawada ku duulayo isaga oo wada injiilka daa’iimka ah si uu u soo wacdiyo kuwa ku nool aduunka, quruumaha oo dhan, qabiilada oo dhan, luuqadaha oo dhan iyo dadka oo dhan. Wuxuuna cod dheer ku yiri, “Illaahey ka cabsada oo siiya ammaantiisa, waayo waqtigiisa wax la xukumayo wuu yimid. Caabuda kan abuuray samada, dhulka, badda iyo ilaha biyaha.” Malagii labaad ayaa ka daba yimid oo yiri, “Waxaa dhacday! Waxa dhacday magaaladii weyneyd ee Baabuloon, taas oo quruumaha oo dhan ka dhigi jirtay in ey cabaan khamrada waalida sinadeeda.” Kadibna malagii saddexaad ayaa ka daba imaaday isaga oo cod dheer ku dhahaya, “Haddii uu qof jiro kaasoo caabuda bahalka iyo sawirkiisa oona calaamadiisa aqbalo in loogu qoro wejiga ama gacanta, iyaguna waxey cabi doonaan khamrada carada Illaahey. Caradiisa oo dhan ayuuna ku ciqaabi doonaa, malaa’igta quduuska ah iyo Wanka hortooda ayaa lagu ciqaabi doonaa dab iyo baaruud. Qiiqa ciqaabtooda weligiis ayuu kor u kici doonaa, nasasho uma jirto kuwa caabuda bahalka iyo sawirkiisa habeen iyo maalinba, ama mid walboo qaata calaamada magaciisa.” Tani macnaheedu waa in dadka Illaahey u dulqaataan silaca iyagoo ku samraya, oona ilaalinaya amarradiisa, iimaanka ey Ciise ku lahaayeenna sii heystaan. Kadibna waxaan samada ka maqlay cod dhahaya, “Qor hadalkan, waxaa barakeysan kuwa dhintay iyagoo Rabbiga aaminsan hadda laga bilaabo.” Ruuxa wuxuu yiri, “Haa, waa run wey barakeysanyihiin, waayo wey ka nasan doonaan shaqadooda adag oo camalladooda wanaagsan ayaa iyaga raaci doona.” Kadibna waxaan arkay daruur cad, daruurtaasna waxaa kor fadhiyay qof u eg Wiilka aadanaha isaga oo taaj dahab ah qaba oo mindi af lehna gacanta ku haya. Kadibna waxaa xagga macbadka ka yimid malag, wuxuuna cod dheer ugu yiri midka daruurta ku fadhiyo, “Mindidaada qaado oo gurashada bilow, waayo waqtiga gurashada waa la gaaray, waayo badarkii dhulku waa diyaar.” Sidaa darteed midkii daruurta ku fadhiyayna mindidiisa ayuu aduunka kor mariyay, oo badarkii dunidana waa la gooyay. Malag kale ayaa xagga macbadka ka yimid samada dhexdeeda, isaguna wuxuu watay mindi af leh. Kadibna waxaa meesha allabariga ka yimid malag kale oo leh awood uu dab wax ku burburiyo. Wuxuuna cod dheer ugu yiri malagii kale ee mindida afka leh haystay, “Canabkii aduunka wuu bislaaday ee tag oo kusoo ururi mindidaada afka leh.” Malagii wuu tagay oo wuxuu mindidiisi kor mariyay aduunka wuuna isku ururiyay canabkii kadibna wuxuu ku tuuray meesha carada Illaahey ee sharaabka canabka lagu shiido. Kuwii sharta lahaa waxaa lagula tuntay goobta canabka lagu shiido ee magaalada banaankeeda, dhiigooduna wuu ka qulqulay, wuxuuna joogiisu gaaraayay xakamaha fardaha oo fogaantiisuna gaartay saddex boqol iyo labaatan kiiloo mitir. Waxaan samada ku arkay calaamad kale oo weyn oo yaab leh, toddobo malaa’ig ayaa hayay toddobadii ugu dambeysay ee balaayo, kuwaasoo xanaaqa Illaahey soo gaba gabeynaya. Waxaana arkay wax u eg bad muraayad ah taas oo dab la dhalaaleyso, badda agteedana waxaa taagnaa dadkii kasoo guuleystay bahalkii, sawirkiisi iyo nambarkii magaciisa. Waxeyna haysteen kataarad uu Illaahey siiyay, waxeyna heesayeen heesaha adeegaha Illaahey ee Muuse iyo Wanka, iyagoo dhahaya, “Waxaa weyn oo yaab leh camalladaada, Rabbiyow Illaaha Weynow. Run iyo xaqnimo ayaa jidkaaga ah, Boqorkii quruumahaw. Rabbiyow yaan kaa cabsaneynin, oo aan ammaan magacaaga u keeneynin? Waayo adiga kaliya ayaa ah quduus. Quruumaha oo dhan hortaada ayey imaan doonaan oo ey ku caabudi doonaan, waayo ficiladaada xaqa ah waa la muujiyay.” Waxyaalahaas kadib waxaan samada ka arkay macbad, kaasoo ah teendhada Quduuska axdiga sharciga oo furantay. Macbadkii waxaa kasoo baxay toddobo malaa’ig oo wada toddobo balaayo. Dhar nadiif ah oo dhalaalaya ayey qabeen, shakaal dahab ah ayaa xabadka ugu xirnaa. Kadibna mid ka mid ah afarta xayawaan ayaa toddobadii malaa’ig siiyay toddobo baaquli oo ey carada Illaahey ka buuxdo, kaasoo weligiis nool. Macbadkana waxaa ka buuxay qiiq ka yimid ammaanta iyo awoodda Illaahey. Qofna ma uusan gali karin macbadka illaa ey toddobada malaa’ig ka dhameeyaan toddobadoodi balaayo. Kadibna waxaan maqlay cod weyn oo ka imaanaya macbadka oo toddobadii malaa’ig ku dhahaya, “Taga oo toddobada baaquli ee carada Illaahey ku daadiya aduunka.” Malagii ugu horeeyay ayaa macbadka ka tagay oo baaquligiisi aduunka ku daadiyay, waxaana dadkii lahaa calaamaddii bahalka iyo kuwa sawirkiisa caabudayay kasoo baxay boogo daran oo xanuun badan. Kadibna malagii labaad ayaa baaquligiisi ku daadiyay badda, baddiina waxey isku beddeshay dhiig ah kan sida qof dhintay oo kale. Wax walboo badda ku noolna wey dhinteen. Malagii saddexaadna wuxuu webiga iyo ilaha biyaha ku daadiyay baaquligii, iyagiina waxey noqdeen dhiig. Kadibna waxaan maqlay malagii masuulka ka ahaa biyaha oo dhahaya, “Xaq ayaad ku tahay xukunadan, kan Quduuska ahow, adigan jira ee jiray, waayo waxey daadiyeen dhiigga dadkaaga quduuska ah iyo nebiyada, waxaadna siiyay dhiig si ey u cabaan weyna u qalmaan.” Waxaanna maqlay cod ka imaanaya meesha allabariga oo dhahaya, “Haa, Rabbiga Illaaha ah, kan Weynow, xukunkaagu waa kan runta iyo xaqa ah.” Malagii afaraad ayaa baaquligiisa ku daadiyay qoraxda, qoraxdana waxaa la siiyay awood ey dadka ku gubto. Qof walbana kuleyl daran ayaa gubay, waxeyna inkaareen magaca Illaahey, kaasoo xukuma balaayadan oo dhan, laakiin wey diideen iney toobadkeenaan oo ey Illaahey ammaanaan. Malagii shanaad wuxuu baaquligiisi ku daadiyay carshigii bahalka, boqortooyadiisina wey madoobaatay. Dadkana xanuun dartiis ayey ilkaha iskugu jiririqsadeen, waxeyna inkaareen Illaaha samada boogtoodi iyo xanuunka dartiis. Laakiin wey diideen iney ka toobadkeenaan wixii ey sameeyeen. Kadibna malagii lixaad ayaa baaquligiisi ku daadiyay webiga weyn ee Yufraad, biyihiisi ayaa guray si uu wadada ugu diyaariyo boqorka ka imaanaya Bariga. Waxaanna arkay saddex ruux oo wasakh leh oo u eg rah, waxeyna kasoo baxeen afka masduulaagii, bahalka iyo afka nebiyada beenta ah. Waxey ahaayeen ruuxyo wasakh leh kuwaas oo sameynaya calaamado, waxeyna u tagaan boqortooyada aduunka oo dhan si ey iskugu keenaan, dagaalka ey Illaahey la leeyihiin dartiis maalinta weyn ee xukunka Illaaha weyn. “Bal fiiri, waxaan u imaan doonaa sida tuug! Waxaana barakeysan dhamaan kuwa i sugaya, oona dharkoodi gashan si eysan u soconin iyagoo qaawan oo ceeb dareemaya.” Ruuxyadii wasakhda lahaana waxey boqorradi iyo ciidamadoodi iskugu keeneen meel af Cibraaniga lagu yiraahdo Armageddoon. Malagii toddobaadna wuxuu baaquligiisi ku daadiyay hawada, waxaana carshigi macbadka yaalay xaggisa ka yimid cod dheer oo dhahaya, “Wey dhamaatay!” Kadibna waxaa dhacay onkod, hilaac iyo dhul gariir daran, taas oo aan weligeed la arkin illaa iyo abuuristii dadka. Magaalada weyn ee Baabuloon ayaa saddex meel u kala qeybsantay, magaalooyinkii dadka badan lahaa wey dumeen. Illaaheyna wuxuu xusuustay dembigii Baabuloon, wuxuuna siiyay koob khamri laga buuxiyay carada xanaaqiisa. Jasiirad walba wey baaba’day, buur walbana waa la waayay. Cirka waxaa da’ay roob sida dhagaxyo baraf ah, dhagaxyadaas oo uu culeyskoodu u dhowaa afartan iyo shan kiiloogaraam ayaa dadka kusoo dul dhacayay. Balaayadaan darteed ayey Illaahey u inkaareen, waayo balaayadu wey darneyd. Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee heysay toddobada baaquli ayaa ii imaaday oo igu yiri, “Kaalay, waxaan ku tusi doonaa ciqaabta tan jirka ka ganacsata taas oo u talisa biyo badan. Boqorrada aduunka wey la sineysteen, xitaa dadka aduunku waxey ku sumoobeen khamrada sinadeeda.” Kadibna malagii ayaa xagga ruuxi ahaan i qaaday oo i geeyay meel cidlo ah. Waxaanna arkay naag ku fadhido bahal guduudan oo leh toddobo madax iyo toban gees kaasoo magacyo caay ah ku qoran yihiin. Naagtana waxey qabtay dhar guduudan, dahab, dhagaxyo qaali ah iyo luul. Waxeyna gacanteeda ku heysay koob dahab ah, waxaana ka buuxay waxyaalaha karaahiyada ah iyo wasakhda sinadeeda. Magaca wejigeeda ku qornaa waa mid cajiib ah kaasoo dhahaya, Waxaa Weyn Baabuloonta Hooyada kuwa kasta ee jirka ka Ganacsada taas oo ah hooyada aasaastay waxyaalaha karaahiyada ee dhulka. Waxaanna arkay naagtu iney ahayd qof ku sarqaamay dhiigga dadka Illaahey, dhiigga dadka u marqaatifura Ciise. Markaan iyada arkayna aad ayaan ula yaabay. Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Maxaad ula yaabantahay? Waan kuu sharixi doonaa sirta ka dambeyso sheekada naagta iyo bahalka ey wado, kaasoo leh toddobo madax iyo toban geesood. Bahalka aad aragtay wuu noolaan jiray, laakiin hadda ma noolo. Mar dhow ayuuna ka imaan doonaa bohosha oona tagi doonaa halka lagu burburin doono. Dadka dunidan ku nool oo aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ka hor abuurka, wey la yaabi doonaan markii uu bahalka soo baxo kaasoo horey u dhintay. “Tani waxey u baahantahay caqli iyo xigmad. Toddobada madax ee bahalka wuxuu u taagan yahay toddobada buur ee ey naagtu u taliso. Waxaa kale uu u taagan yahay toddobada boqor. Shan boqor wey dhinteen, midka lixaadna hadda ayuu taliye yahay, midka toddobaadna weli ma uusan imaanin, laakiin xukunkiisu wuu gaabanyahay. Bahalki horey u jiray ee aan hadda nooleyn, waana boqorka siddeedaad. Sida toddobada kale, isagana waxaa u dambeeya burbur. “Tobanka geesood aad aragtay waa toban boqor oo aan weli helin boqortooyada, laakiin hal mar ayaa waqti gaaban la siin doonaa boqortooyo si ey iskula taliyaan bahalka. Iyagoo dhan ayaa go’aansan doona iney awoodooda iyo xukunkooda siiyaan bahalka. Iyaguna waxey la dagaalami doonaan Wanka, laakiin Wanku wuu ka guuleysan doonaa waayo isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada. Waxaa la jiri doona kuwiisa aaminka ah ee uu doortay una yeeray.” Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Biyaha aad aragtay, kuwaas oo ey naagtu ku fadhiday waa dad badan oo ka mid ah quruumaha iyo luuqado badan. Bahalka aad aragtay iyo tobanka gees wey nici dooonaan naagta. Wey qaawin doonaan oo hilibkeeda ayey cuni doonaan, oo wixii soo harana dab ayey ku gubi doonaan. Waayo Illaahey qorshe ayuu niyadooda geliyay, qorshe ah inuu ujeedadiisa sameeyo. Waxey ogolaan doonaan iney awoodooda siiyaan bahalka guduudan, sidaas ayaana ereyada Illaahey lagu fulin doonaa. Naagta aad aragteyna waxey u taagan tahay magaalada weyn ee u talisa boqorrada aduunka.” Waxyaalahan oo dhan kadib ayaan arkay malag kale oo ka imaanaya samada. Wuxuuna lahaa awood weyn, dhulkuna wuxuu la iftiimay ammaantiisa. Isaga oo cod weyn ku qaylinaya ayuu yiri, “ ‘Baabuloontii wey burburtay! Magaalada weyn ee Baabuloon wey burburtay!’ Waxey hooy u noqotay ibliis, hooyga ruuxyada wasakhda leh, hooyga shimbirraha wasakhda. Hooyga wax walboo aan saafi ahayn iyo xayawaanada karaahida ah. Waayo quruumaha oo dhan wey dembaabeen, sida naagta jirkeeda ka ganacsata oo nimanka siisa khamri si ey ula seexato. Sidoo kale ayeyna boqorrada dunidu ula sineysteen, kuwa aduunka wax ku iibiyana wey ka taajireen sidii ey wax qaali ah uga gadaneysay.” Kadibna waxaan maqlay cod kale oo ka imaanaya samada oo dhahaya, “ ‘Dadkeygiyow bal kasoo baxa,’ si eydan ula qeybsanin dembigeeda, si eydan ula wadaagin balaayadeeda, waayo dembigeedu xagga samada wuu isku ururay, Illaaheyna wuu xasuutay dembigeeda. Ku sameeya wixii ey idin ku sameysay. Ka aarsada laba jibaar wixii ey idin ku sameysay. Silciya laba jabaar inta ey dadka kale silcisay. Silac iyo murugo u keena, waxey isi siisay ammaan iyo nolol sareysa. Qalbigeeda ayeyna ka kibirtay oo waxey tiri, ‘Carshigeyga ayaan ka ahay boqorad. Mana ihi carmalad. Weligeyna ma murugoon doono.’ Sidaa darteed maalin ayey balaayadan oo ah, dhimasho, murugo iyo abaar daran iyada ku dhici doonaan. Dab ayaana iyada wada gubi doona, waayo waxaa weyn Illaaha Rabbiga ah kaasoo iyada xukumi doona.” “Boqorrada aduunka ee iyada la sineystay oona la raaxeystay ayaa u murugoon doona markey arkaan iyadoo la gubayo. Iyagoo taagan meel xoogaa u jirta ayey la yaabi doonaan cadaabta weyn ee ey mareyso. Weyna u ooyi doonaan iyagoo dhahaya, “Hoog! Hoog hakuu ahaado magaalada weyney, adigan ah magaalada weyn ee Baabuloon! Hal saacad gudaheed ayuu burburkaagu dhici doonaa. “Kuwa aduunka wax ku iibinayay wey u ooyi doonaan weyna u murugoon doonaan, waayo ma jiri doono qof soo haray oo alaabtooda ka gadan doona. Waxey gadan jirtay dahab qiimo leh, qalin, dhagaxyo qaali ah, luul, dhar fiican oo ah guduud iyo xariir, alwaax qaali ah oo carfayo, waxyaalo ka sameysan iliga maroodiga, alwaax qaali ah, maar iyo bir. Waxaa kale oo ey gadatay qorfe, dhir carfoon, foox, malmal, khamri, saliid seytuun, bur iyo sarreen fiican, lo’ iyo ido, fardo iyo gaarifardood iyo dad sida adoon ahaan loo iibiyay. “Waxey dhihi doonaan, ‘Mirihii aad u xiisa qabtay wey kaa dhamaadeen. Dhamaan Raaxadaadi, iyo ammaantaadi wey baaba’een, weligoodna dib uma soo noqon doonaan.’ Kuwii alaabtaas ka iibin jiray oo iyada maal ku helay meel fog ayey ka istaagi doonaan, iyagoo la yaaban cadaabta ey mareyso. Wey ooyi doonaan weyna u murugoon doonaan. Waxeyna dhihi doonaan, “Hoog! Hoog hakuu ahaado magaalada weyney, adigoo gashan dhar fiican oo guduudan, laguna qurxiyay dahab, dhagax qaali ah iyo luul! Hal saacad gudaheed ayaa maalkan badan lagu burburin doonaa! “Kabtan walba ee badda, kuwo walboo ku safra markabka, iyo kuwo walboo ka ganacsada badda meel fog ayey ka istaagi doonaan. Markey arkaan qiiqa ka baxaya markii la gubayo, waxey is weydiin doonaan, ‘Miyay jirtay magaalo ka weyn magaaladan?’ Intey ooyaan oona murugoodaan ayey carro madaxa marsan doonaan iyagoo leh, “Hoog! Hoog hakuu ahaato magaalada weyney, halkii ey kuwo markabyo badda ku leh taajir ku noqdeen maalkeeda dartiis! Hal saac gudaheed ayaa wax walba lagaa burburin doonaa.” “Samooyinkow ku farxa waxa iyada ku dhacay! Dadka Illaahey idinkana ku farxa! Rasuullada iyo nebiyadow idinkuna farxa! Waayo Illaahey wuxuu xukumay iyada xukunkii ey isu keentay.” Kadibna malag ayaa qaaday dhagaxshiid weyn oo ku tuuray badda, wuxuuna yiri “Sidaas oo kale ayaa hoos loogu tuuri doonaa magaalada weyn ee Baabuloon, mar dambana lama arki doono. Dhawaaqa kataaralayda iyo kuwa heesa, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, kuwa buunka yeerinayayna ma lagaa dhex maqli doono. Shaqaalaha nooc kastaba ma lagaa dhex heli doono. Dhawaaqa dhagaxshiidkii ma lagaa dhex maqli doono. Iftiinka feynuusta, weligeed ma kaa dhex iftiimi doono. Codka ninka caruuska iyo naagta aroosada weligood ma lagaa dhex maqli doono. Kuwa wax kugu iibiya waxey ahaayeen kuwo aduunka magac ku leh. Khiyaanadaada darteed quruumaha oo dhan ayaad lumisay. Waxaa iyada lagu arkay dhiigga nebiyada iyo dadka Illaahey ee quduuska ah, iyo kuwo walboo dunidan lagu gowracay.” Waxyaalahan kadib waxaan maqlay wax u eg cod dad badan oo jooga samada oona qeylinaya iyagoo leh, “Halleeluuya! Badbaadada iyo ammaanta iyo awoodda Illaahey ayaa leh, waayo xukunkiisu waa mid xaq ah oona run ah. Wuxuu xukumay tii jirkeeda ka ganacsan jirtay taas oo aduunka ku khiyaantay sinadeeda. Wuu u aarguday dhiigga adeegayaashiisa.” Haddana waxey ku qeyliyeen, “Halleeluuya! Qiiqa magaaladaas ka baxayo weligiis ayuu kor aadi doonaa.” Labaatan iyo afartii oday iyo afartii xayawaan wey sujuudeen oo Illaahey caabudeen, kaasoo carshiga ku fadhiyay. Waxeyna yiraahdeen, “Aamiin, Halleeluuya!” Kadibna cod ayaa ka yimid carshiga isaga oo leh, “Aan ammaanno Illaahey, dhamaan kuwa adeegayaashiisa ah, dhamaan kuwa isaga ka cabsada, mid weyn iyo mid yarba!” Kadibna waxaan maqlay wax u cod eg cod dad badan iyo guux weyn oo hirarka badda iyo wax sida onkod oo kale u yeeraya, oo leh, “Halleeluuya! Waayo Illaaha Rabbigeena ah ayaa wax xukuma. Bal aan raynrayno oo faraxno, aan siino ammaan! Waayo arooski Wanka waa la gaaray, aroosadina wey is diyaarisay. Waxaana la siiyay dhar cad fiican oo nadiif ah si ey u gashato.” (Waayo dharka fiican wuxuu u taagan yahay camallada wanaagsan ee dadka Illaahey ee quduuska ah.) Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Arintan qor. Waxaa barakeysan kuwa laga casuumay dabaaldegga arooska Wanka.” Wuxuuna ku daray, “Kuwani waa ereyada runta ah ee Illaahey ka yimid.” Kadibna intaan sujuuday ayaan isaga caabuday, laakiin wuxuu igu yiri, “Maya, ha i caabudin. Anigu waxaan ahay adeegaha Illaahey, sida adiga iyo walaalahaa kuwaas oo u marqaatifuraya wax ku saabsan iimaanka ey Ciise ku qabaan. Illaahey kaliya caabud. Waayo ruuxa wax sii sheegida waa inuu marqaatifur cad oo ku saabsan Ciise bixisaa.” Waxaan arkay samada oo furan oo horteydana waxaa taagnaa faras cad, kaasoo midka wada lagu magacaabay midka aaminka iyo runta ah. Si xaqnimo ayuuna ku xukumaa si xaq ah ayuuna u dagaalamaa. Indhihiisuna waxey u ekaayeen sida holac dab ah, madaxiisana wuxuu ku watay taajaj badan. Waxaana isaga ku qornaa magac uusan qofna aqoonin waxaan isaga ka ahayn. Wuxuu gashanaa dhar dhiig la geliyay, magaciisuna waa Ereyga Illaah. Ciidankiisi samada joogay ayaa isaga raacay, iyagoo wada faras cad oona gashan dhar cad oo fiican nadiifna ah. Afkiisana waxaa kasoo baxay seef af leh oo uu ku weerari rabo quruumaha. “Wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah.” Carada Illaahey Qaadirka waxey u burburin doonaa cadowgiisa sida canabka loogu dhex cadaadiyo meesha canabka lagu shiido. Dharkiisa iyo bowdadiisa waxaa ku qoran magacan. Boqorka Boqorrada iyo Sayidka Sayidyada. Kadibna waxaan arkay malag dhex taagan qoraxda, kaasoo cod dheer ugu qeyliyay shimbirraha hawada ku duulaya isaga oo dhahaya, “Bal kaalaya, iskugu imaada cashada weyn ee Illaahey darteed, si aad u cuntaan hilibka boqorrada, kuwa madaxda ah, kuwa magaca leh, fardaha iyo kuwa wada, hilibka dadkoo dhan, kuwa xor ah iyo kuwa adoon ah, masaakiinta iyo taajiriintaba.” Kadibna waxaan arkay bahalkii iyo boqorrada aduunka iyo ciidankooda oo isku imaaday si ey dagaal ugu bilaabaan kan faraska wada iyo ciidankiisa. Bahalkiina waa la qabtay, waxaana la jiray nebigii beenta ahaa ee calaamadaha waaweyn u sameeyay bahalka, mucjisooyinkii khiyaanay dadka oo dhan kuwa aqbalay calaamada bahalka iyo kuwa sawirka bahalka caabudayba. Bahalkii iyo nebigii beenta ahaaba iyagoo nool ayaa lagu tuuray haro dab iyo baaruud ah. Kuwa kalana waxaa lagu dilay seeftii kasoo baxeysay afka kan wada faraska, shimbirrihii dhanna wey cuneen hilibkoodi. Haddana waxaan arkay malag ka imaanaya samada, wuxuuna gacanta ku hayay furaha bohosha iyo silsilad culeys ah. Wuxuuna qabtay masduulaagii, maskii duqa ahaa, kaasoo ah ibliiska, ama Shaydaanka wuxuuna ku xirxiray silsiladii kun sanadood. Wuxuu ku tuuray bohoshii wuuna xiray oo ku dul shaabadeeyay si looga reebo inuusan khiyaanin quruumaha mar dambe illaa ey kun sano ka dhamaato. Kadibna waa in muddo yar la soo daayaa. Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen. (Kuwii kale ee dhintay nolol kuma soo laabanin illaa kunka sanadood ka dhamaadeen.) Tani waa sarakicidi koowaad. Waxaa barakeysan oo quduus ah kuwa Ciise la wadaagay sarakicidda koowaad. Waayo dhimashada labaad iyaga kama awood badineyso, laakiin waxey noqon doonaan wadaaddada Illaahey iyo kuwa Masiixa, weyna la xukumi doonaan kunka sanadood. Kunka sanadood markey dhamaato, Shaydaanka xabsiga ayaa laga soo saari doonaa. Wuu tagi doonaa oo aduunka afartiisa gees oo dhan ayuu khiyaani doonaa kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj. Wuu isku keeni doonaa si ey u dagaalamaan, iyagoona ah ciidan badan sida carada xeebta. Waxaanna arkay iyagoo kasoo baxaya dhulka oo dadka Illaahey iyo Yeruusaalem magaaladii uu jeclaa ku wareegsaday. Laakiin waxaa samada ka yimid dab gubay ciidankii oo dhan. Ibliiskii iyaga khiyaanayna waxaa lagu tuuray warta baaruudda holceysa ah, isaga oo ku biiraya bahalka iyo nebiyada beenta ah. Habeen iyo maalin ayaana la silcin doonaa weligood. Kadibna waxaan arkay carshi weyn oo cad iyo kan ku fadhiyo. Dunida iyo samadaba wey ka carareen joogitaankiisa, laakiin wey waayeen meel ey isku qariyaan. Waxaan arkay kuwo dhintay, yar iyo weynba iyagoo hor taagan carshiga Illaahey. Buugaagtana waa la furay xitaa buugga nolosha. Kuwii dhintayna waxaa lagu xukumay wixii ey sameeyeen, sida buugga ku qoran. Kuwii badda ku dhintay wey kasoo baxeen, kuwii kale ee ku jiray meelaha dhimashada iyo xabaalahana wey kasoo baxeen, qof walbana waxaa lagu xukumay wixii uu sameeyay. Kadibna Illaahey wuxuu amray in dhimashada iyo qabriga lagu tuuro warta dabka ah. Warta dabka ah waa dhimashada labaad. Qof walboo uusan magaciisu ku qorneyn buugga nolosha waxaa lagu tuuray warta dabka ah. Kadibna waxaan arkay, “Samo iyo dhul cusub,” waayo samadii iyo dhulkii hore wey dhamaadeen, xitaa bad ma jirin. Waxaanna arkay magaalada quduuska ah, Yeruusaalem cusub taas oo samada xagga Illaahey ka imaaneyso, iyadoo u diyaarsan sida aroosad oona u labisan ninkeeda. Waxaan maqlay cod dheer oo ka imaanayay xagga carshiga oo dhahaya, “Fiiri! Hadda meeshuu Illaahey joogay waxaa la keenay dadkiisa dhexdooda. Wuuna ku dhex noolaan doonaa, iyaguna waxey noqon doonaan dadkiisa. Illaahey ayaa iyaga la jiri doona oo Illaahooda noqon doona. ‘Ilin walbana wuu ka tirtiri doonaa. Dhimashana ma jiri doonto’ sidoo kalana murugo, oohin iyo xanuun. Waxyaalahaas oo dhan wey dhamaadeen.” Kan carshiga ku fadhiyana wuxuu yiri, “Wax walba ayaan cusbooneysiinayaa!” Haddana wuxuu yiri, “Waxyaalahan qor, waayo waxaan kuu sheegayo waa ereyo lagu kalsoon yahay oo run ah.” Waxaa kale uuna yiri, “Wey dhamaatay. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, bilowga iyo dhamaadka. Kuwa haraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha ah. Dhamaan kuwa guuleystay barakadaan ayey dhaxli doonaan, waxaanna noqon doonaa Illaahooda iyaguna waxey noqon doonaan caruurteyda. Laakiin waxaan idiin sheegayaa waxa ku dhacaya, kuwa fulayaasha ah, kuwa aan rumeysaneyn, kuwa sameeya waxa xun, kuwa dadka dila, kuwa sinada sameeya, kuwa sixirka sameeya, kuwa sanamka caabuda, kuwa beenta sheega, waxaa lagu tuuri doonaa warta dabka iyo baaruudda ololeysa. Tani waa dhimashada labaad.” Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee hayay toddobada baaquli oo ey balaayada ka buuxday ayaa yimid oo igu yiri, “Kaalay, aan ku tusee aroosada, xaaskii Wanka.” Ruuxdeyda ayuu qaaday oo saaray buurta weyn oo dheer, wuxuuna itusay magaalada quduuska ah, Yeruusaalem oo ka imaaneyso samada xagga Illaahey. Waxey la ifeysay ammaanta Illaahey, oo nuurkeeduna wuxuu ahaa sida dhagax aad qaali u ah, sida yasbidka u cad. Waxeyna lahayd darbi weyn oo dheer oona leh toban iyo laba albaab, iyo laba iyo toban malag oo albaabada taagan. Albaabadana waxaa ku qornaa magacyada toban iyo labada qabiil ee Israa’iil. Saddex albaab ayey ku lahaayeen xagga bariga, saddexna waqooyiga, saddexna koonfurta, saddex kalana galbeedka. Darbiga magaalada waxaa aasaas looga dhigay toban iyo laba dhagax, mid walbana waxaa ku qornaa magacyada toban iyo labada rasuul ee Wanka. Malagii aniga ila hadlayay wuxuu hayay ul dahab ah oo lagu cabbiro magaalada, albaabadeeda iyo darbiyadeeda. Magaaladu waxey u dhisneyd si afar gees ah, dhirirka iyo balaca. Wuxuu ku cabbiray ul dhirirkeeda, balaceeda iyo sarajoogeeduba waxey noqdeen 2,200 oo kiilo mitir. Kadibna wuxuu cabbiray darbigii, cabbirkiisuna wuxuu ahaa 65 mitir (Haddii cabbirka binu aadan la isticmaalo taas oo malagu isticmaalay). Darbigu wuxuu ka sameysnaa yasbid, magaaladu waxey ahayd dahab saafi ah, saafina u ah sida muraayada. Aasaaskii darbiga magaalada waxaa lagu sharaxay mid walboo dhagaxyada qaaliga ah. Aasaaskii koowaad waa yasbid, kan labaadna waa safayr, kan saddexaadna waa khalkedoon, kan afaraadna wuxuu ahaa sumurud, kan shanaadna waa sardonug, kan lixaadna waa sardiyos, kan toddobaadna waa khirusolitos, kan sideedaadna waa berullos, kan sagaalaadna waa tobasiyos, kan tobanaadna waa khirusobrasos, kan toban iyo koowaadna waa yakintos, kan toban iyo labaadna waa ametustos. Laba iyo tobanka albaabood waxey ka sameysanyihiin luul, albaab walbana wuxuu ka sameysanyahay hal luul. Jidka weyn ee magaaladana wuxuu ahaa dahab, saafi u ah sida muraayad la iska dhex arkayo. Wax macbad ah magaaladaas kuma aanan arag, waayo Illaaha Rabbiga Weyn ah iyo Wanka ayaa ah macbadkeeda. Magaaladu uma eysan baahneyn qorax ama dayax ifaya, waayo ammaanta Illaahey ayaa iftiin siisa, Wanka ayaana u ah feynuus. Quruumaha oo dhan waxey ku socon doonaan iftiinkiisa, boqorrada aduunka oo dhanna magaaladaas ayey soo geli doonaan iyagoo ammaantooda oo dhan wata. Albaabadeedana weligood lama xiri doono, waayo halkaas habeen kama jiro. Quruumaha oo dhan waxey magaalada u keeni doonaan ammaantooda iyo sharaftooda. Wax wasaq ah ma loo ogolaan doono iney galaan, xitaa kuwa sameeyay waxyaalaha karaahiyada ah ama khiyaanada, laakiin waxa kaliya ee galaya waa kuwa magacyadoodu ku qoran yihiin buugga nolosha ee Wanka. Kadib malagii wuxuu i tusay webi biyo nolol ah leh, kaasoo sida muraayad u cad, wuxuuna kasoo qulqulayay xagga carshiga Illaahey iyo xagga Wanka. Wuxuuna qulqulayay jidka weyn ee magaalada. Dhinac walboo webiga waxaa ka baxayay geedka nolosha, isaga oo dhalaya toban iyo laba mirro, oo bil walbana mirro ayey bixiyaan. Caleemihiisana waxaa loo isticmaalaa in quruumaha lagu bogsiiyo. Wax habaaranna ma jiri doono. Waayo carshiga Illaahey iyo kan Wankaba magaaladaas ayey joogaan, adeegayaashiisa ayaa u adeegi doona. Waxeyna arki doonaan wejigiisa, magaciisa ayaana lagu qori doonaa wejigooda. Habeenna ma jiri doono, iftiinka feynuusta ama qoraxdu ma jiri doonaan, waayo Illaaha Rabbiga ah ayaa siin doona iftiin. Weyna xukumi doonaan weligood. Malagii ayaa igu yiri, “Ereyadan waa kuwo lagu kalsoon yahay oo run ah, Illaahii ruuxyada nebiyada dhiirigeliyay ayaa malagiisi soo diray si uu u tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona.” “Bal fiiri, mar dhow ayaan imaan doonaa! Waxaana barakeysan kan xajiya ereyada la sii sheegay ee buugga ku qoran.” Aniga Yooxanaa ah ayaa maqlay oona arkay waxyaalahan oo dhan. Markaan arkay oona maqlay ayaan ku dhacay lugaha malagii waxyaalahan i tusayay oo aan caabuday. Laakiin wuxuu igu yiri, “Bal sidan ha sameynin! Waxaan ahay adeege sidaada oo kale iyo sida nebiyada iyo kuwo walboo xajiya ereyga ku qoran buuggan. Illaahey kaliya caabud!” Kadibna wuxuu igu yiri, “Haka shaabadeynin ereyadan wax sii sheegida buuggan ku jirto, waayo waqtigu wuu soo dhowaaday. Daa kan sharta sameynayo ha sii wadee, kan xumaanta sameeyana ha sii wado, kan waxa saxda ah sameeyana ha sii wado, kuwa xaqa ahna ha sii ahaadaan kuwo xaq ah.” “Fiiri, mar dhow ayaan imaanayaa! Waxaan keenayaa abaalmarinteyda, qof walbana wuxuu sameeyay ayaa lagu abaalmarin doonaa. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horeeya iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhamaadkii.” “Waxaa barakeysan kuwa maradooda dhaqda, si ey u helaan xaqa ey geedka nolosha ku cunaan oo ey magaaladana albaabkeeda uga soo galaan. Banaanka waxaa jooga eeyaha, kuwaas oo sameeya waxyaalaha sixirka ah, sinada, dilka, sanam caabudida iyo kuwa walboo jecel iney been ku noolaadaan. “Aniga oo ah Ciise, waxaan idiin soo diray malageyga si uu idiin siiyo marqaatifurkaan kaniisadda darteed. Waxaan ahay xididka iyo farcanka Daa’uud, waxaan ahay xiddigii waaberi ee dhalaalayay.” Ruuxa Quduuska ah iyo aroosadu waxey yiraahdeen, “Kaalay!” Ha noqoto in mid walboo arintan maqlo yiraahdo, “Kaalay!” Kan haraadsan ha yimaado, kan rabo inuu si xor ah uga cabo biyaha nolosha ha yimaado. Waxaan u digayaa mid walboo maqla ereyada sii sheegida ee buuggan, haddii uu qof ku daro wax intan qoran, Illaahey wuxuu qofkaas u keeni doonaa balaayada buuggan lagu sheegay. Haddii uu qof wax ka saaro wax sii sheegida buuggan, Illaaheyna wuu ka saari doonaa qeybtii uu ku lahaa geedkii nolosha iyo magaalada quduuska ah ee lagu soo sharaxay buuggan. Mid walboo waxyaalahan u marqaatifuraya ha dhaho, “Haa mar dhow ayaan imaanayaa.” Aamiin. Kaalay, Sayid Ciisow. Nimcada Rabbi Ciise ha la jirto dhamaan dadka Illaahey. Aamiin.